Hargaysa 20.Oct 2014 (SDN/QJ)- Suldaanka Guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan C.qaadir ayaa ka hadlay Khilaafka ka dhex aloosmay Golaha Deegaanka ee Caasimada Hargaysa,Isagoo si Toos ah ula Saftay Maayarka Caasimada C.raxmaan Solteco.
Suldaan Maxamed Suldaan C.qaadir waxa uu Xusay in Golaha Deegaanku uu Mudo Kooban Shaqaynayay isagoo sheegay inaanay Wax dhici kara ahayn in Shan iyo Labaatanka Xubnood ee Golaha Deegaanka Caasimadu ka Kooban yahay inay Wada Maayir Noqdaan.
Suldaan Maxamed Suldaan C.qaadir Waxa uu hadal Waano ah u soo jeediyay Mudanayaasha Golaha Deegaanka ee Caasimada oo uu ku booriyay inay ilaaliyaan Kala danbaynta kana dhawrsoonaadaan wixii nabadgalyada saamayn ku yeelan kara
Hargaysa SDN/QJ