Hargaysa 20.Oct 2014 (SDN/QJ)- Murashaxa Jagada Madaxweyne ee Xisbiga Ucid Jamaal Cali Xuseen ayaa sheegay in Wax lala yaabo ay tahay in Xeerkii Diiwaangelinta oo Weli ku Jira Gacanta Golayaasha Xeer dejinta hadana loo fasiro mid dhaqan gal ah .
Murashax Jamaal oo ka hadlayay Xili ay dalka ka dhoofayeen Gudoomiyeyaasha Sadexda Xisbi ee Kulmiye,Ucid iyo Waddani oo Shalay u kicitimay dalka Kenya oo ay kulamo kula leeyihiin Qaadhaan bixiyeyaasha ayaa Xukuumada ku dhaliilay in Markii hore ay ka baxday Heshiiskii Xisbiyada Qaranka,Xukuumada,Komiishanka iyo Qaadhaanbixiyeyaashu wada gaadheen ee Ku saabsanaa is barbar wadida diiwaangelimaha Codbixiyeyaasha iyo Ta Muwaadinka.
Waxa uu intaa ku daray Murashax Jamaal Cali Xuseen in Xukuumadu mar kale kaga daba tagtay Xeerkii Wax kabedelka lagu sameeyay ee Diiwaangelinta Golaha Guurtida kana dalbatay in hoosta la dhigo.
Waxaa kale oo uu ka hadlay Ficilada ka imanaya Madaxweynaha Somalia
Hargaysa SDN/QJ