Quantcast
Channel: Features – qurbejoog.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 6893

Madaxada Mucaaridka Jabuuti oo Canada ku soo dhaweeyay Sheekh Cabdiraxmaan Bashiir oo mudo u xirnaa Xukuumada Jabuuti

$
0
0

Ottawa Oct 07,2014(SDN/QJ)-Madaxda Mucaaridka Jabuuti ee dalka Canada ayaa caasimada Canada ee Ottawa ku soo dhaweeyay sheikh Cabdiraxmaan Bashiir oo mudo ku jiray xabsiga Gabod ee dalka Jabuuti.

Sheekha ayaa xabsiga ku muteystay taageero uu u muujiyay shacabka reer Jabuuti ee isbedel doonka ah isla markaana ku mowqifka ah dalada mucaaridka ee USN.

Safiirka Canada ee dalada mucaaridka Jabuuti ee USN Md Cabdiraxmaan Cabdiraxmaan Cadhoole iyo Afhayeenka Xisbiga CDU Maxamed Axmed Yusuf Rabaash ayaa sheekha uga mahadceliyay dedaalkiisa iyo in uu halkaa ka sii wado dedaalkiisa.

Sheekh Cabdiraxmaan oo reer Canada ah ayaa isaga iyo culimo kale oo qaarkood weli xabsiyada ku jiraan waxa ay ummada reer Jabuuti uGu baaqeen in ay ka qeyb qaataan dedaalada isbedel doonka Jabuuti ee y USN hurmoodka ka tahay.

photo (2)

SDN/QJ-Ottawa

contact@qurbejoog.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 6893

Trending Articles