Togga-Eerigo:Oct,07,2014(SDN/QJ)-Siyaasiga sheegta inuu Yahay Madaxweynaha Maamulka Khaatumo, Cali Khaliif Galaydh, ayaa ka Hadlay wadal iyo Wada-xaajood ay kooxda uu Hoggaamiyaa la galaan somalilnad, waxana uu tilmaamay inaanay muuqanin wax astaan ah oo wada hadallka muujinaysaa.
Cali Khaliif oo maalmihii ciidda ka Hadlay Goobo Miyi ah oo ku Yaalla Togga Eerigo, ayaa sheegay in loo Baahan yahay in si qaangaadhnimo ah loo wax loo Bilaabo haddii la doonayo in la wada Xaajoodo.
Waxa uu xusay inuu dareensan yahay qiimaha nabadda iyo wada Noolaanshuhu leedahay, balse loo baahan sida uu aamisan yahay inay Somaliland ka Baxdo dhulka ay khaatumo ahaan sheegayan.
“Waa Jecelahay in caqli la isticmaalo oo la wada Hadlo oo Nabadda lagu soo dhawaado oo wixii dano ah ee Markaa la wada leeyahay Goonyaha Laga Joogo, umase Muuqato in Magaalada Hargeysa iyo Burco Maamulka Joogaa inkastoo aan Maqlayey niman lahaa wada Hadal baanu rabnaa. dee Wada Hadal haddii la doonayo Ma Ibriiq Baa lagu addimayaa ilayn Meelaha loo maro way yaqaaniin.” Ayuu yidhi Cali Khaliif.
Siyaasiga Cali Khaliif oo Hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay inay dhankood diyaar Yihiin, Haddii la fulinayo shuruudo uu sidatan ku sheegay, waxana uu yidhi, “Annaguna wada Hadal diyaar Baanu u nahaye Waxa Shardi ah inay Dhulkan Ka Kacaan.”
SDN/QJ