Quantcast
Channel: Features – qurbejoog.com
Viewing all 6893 articles
Browse latest View live

Delayed rains, persistent insecurity spark renewed crisis concerns in Somalia

$
0
0

Nairobi, 2 April 2014 – (SDN)- A combination of delayed Gu (April-June) rains, rising food prices and persistent insecurity in Somalia is likely to worsen the country’s food security situation in the coming months, experts have warned. Food security in the Horn of Africa nation is likely to deteriorate particularly in southern regions of Lower and Middle Shabelle Regions (major maize producing regions in Somalia), due to persistent insecurity and displacements, delayed current season rainfall, and their impacts on agricultural labor demand and staple food prices. Delayed and poorly distributed rains are also a major concern in the mainly pastoral northeastern part of Somalia.

As per the results of a joint assessment announced in January this year by the Food Security and Nutrition Analysis Unit for Somalia (FSNAU), a project managed by UN’s Food and Agriculture Organization (FAO), and the Famine Early Warning Systems Network (FEWS NET), an estimated 857,000 people remain in Crisis and Emergency (IPC Phases 3 and 4) requiring urgent humanitarian assistance through June 2014. Levels of acute malnutrition remain Critical (Global Acute Malnutrition rates exceeding 15%) among rural populations in many parts of South-Central Somalia and among Internally Displaced Persons (IDPs). Nutrition survey results carried out between November 2013 and January 2014 indicate that an estimated 203,000 children under the age of 5 are acutely malnourished. This figure includes 51,000 children that are severely malnourished and consequently face a higher risk of death.

Kenyan nomadic herder looks at his cow at water point in northeastern town of El WakAccording to FAO’s Water and Land Information Management Unit SWALIM, the Gu rainy season that starts in mid March in the Northwest parts of Somalia was delayed and kicked off in early and mid April, while most parts of the Northeast and Central are yet to receive the much awaited Gu rains. The first two dekads of April have been mostly devoid of rain across the Northeast, while the Northwest has fared better, although still widely below normal. This has led to early depletion of fresh water sources for human and animal consumption. The two major rivers that support irrigated agriculture, the Juba and Shabelle, are currently below their normal levels for this time of the year and one meter lower compared to the levels of last year.

Early Gu planting started in most parts of the South as from March 2014, although the intensity of cultivation has been relatively low in conflict-affected areas of Lower Shabelle and Hiran regions. Poor rainfall in some areas in April may force farmers to replant their crop in May if the rainfall situation improves. Therefore, Gu harvest prospects will largely depend on rainfall amounts and distribution in May/June. Poor households in most agricultural livelihood zones of the country have already exhausted cereal stocks from the recent 2013/14 Deyr below average harvest and currently rely mostly on market purchases of cereals until the next Gu harvest expected from July to August 2014.

“The month of May remains critical during which, if rains fail, combined with sustained insecurity, we might see new levels of crisis unfold especially in southern parts of Somalia and the mainly pastoral northeast,” said Daniel Molla, the Chief Technical Advisor of FSANU.

Data from health facilities for the first quarter of 2014 shows increase in acute malnutrition in some livelihood zones (Northwest agro pastoral, Hawd, as well as Addun livelihood zones). In these areas, access to potable water for human consumption and water for livestock has deteriorated. Further delays in seasonal Gu rains is likely to lead to increased malnutrition in these regions by reducing household access to milk as livestock migrate to distant regions in search of pasture and water. Increasing trends of acute malnutrition were also reported by health facilities in Juba pastorals and Agropastorals in Lower Shabelle.

Recent displacements in the lead up to and during the recent military offensive against insurgents and subsequent movement and trade restrictions by insurgents have hampered agricultural activities in parts of the South (Lower Shabelle, Bulo-Burti, Jalalaqsi, Hudur,Wajid and Buurdhubo) and caused disruptions in trade and market activities in South-Central. Trade embargo imposed by insurgents in government-controlled areas (Hudur, Wajid, Bulo-Burti, Qoryoley, Elder and Elbuur districts) resulted in increased prices of essential food commodities. For instance, a the price of red sorghum increased by 25 percent, while the prices of other essential imported food (rice, wheat flour, sugar, vegetable oil) increased in the range of 40-50 percent during the month in Hudur market of Bakool region.

If movement and trade restrictions persist into May and June, this could adversely affect crop production prospects, agriculture related employment opportunities, food prices and access to humanitarian assistance, thereby further exacerbating the already poor food security and nutrition situation in most the above areas. Improved precipitation in May and June will also be critical in the northeast where access to water for both human and livestock is currently very poor.

Source: FAO


Garaad Cabdirashiid Garaad Ismaaciil Oo Ka Hadlay Garaadkii Dhawaan Hargeysa Lagu Soo Dhoweeyay Iyo Shirqool Uu Sheegay In Wasiirka Hawlaha Guud Ee Somaliland Ka Dambeeyay Daawo

$
0
0

Garaad C.rashiidHargaysa 02.May 2014 (SDN/QJ)- Garaad C.rashiid Garaad Ismaaciil oo la dhashay Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil Ducaale oo dhawaan Si Balaadhan loogu soo dhaweeyay Caasimada Hargaysa kadib markii ay Xukuumada Somaliland Marti qaad u fidisay ayaa Sheegay in Walaalkii aanu Garaadnimada dhaxlin ee uu Isagu Dhaxlay isagoo Xusay inuu da’a ahaan aad uga Yar yahay.

Waxa uu Garaadkani ka Sheekeeyay Isbarbar yaaca Garaadnimo ee Isaga iyo Walaalkii u dhexeeyay, Waxaa kale oo uu Xusay inay arrimaha noocan oo kale ahi burburiso Milgaha Garaadnimo Waxaanu dhaliil dusha uga riday Wasiirka Hawlaha Guud ee Somaliland oo uu u Sibir Saaray Inqilaabka dhacay.

Garaad C.rashiid Waxa uu Sheegay inuu Wada Shaqayn Fiican la lahaa Xukuumada Somaliland marka laga reebo Maamulka Madaxweyne Siilaanyo.

Hargaysa SDN/QJ.

contact@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com

 

Maxaa Kala Haysta Real Madrid Iyo Atletico Madrid (Champion League Final 2014 In Lisbon) By Jaahuur.

$
0
0

_74579185_ronaldosplitSpain-02-APRILL-2014-(SDN) Akhyaartay qormadeena ciyaarha waxaynu ku eegeyna labada Madid ee Real Madrid iyo Atletico Madrid oo isku magaalow ah ayaa ku balansan caasimadda Portugal ee Lisbon Sat-May-24 (Champion League Final 2014).

Haddaba labadan Madrid ayaa midna midda kale ka qalooneyn bacdammaa aay isku magaalow yihiin aalaana wada ciyaara sida horyaalka La Liga,Rey Del Copa iyo kuwa kale oo farabadan,markaa waxay noqon doontaa ciyaar aad u xiisa badan taageerayaashooduna dabcan isku maagaalow ayey ka soo haajiridoonaan.

Ciyaartan ayaa ka dhici doonta garoonka weyne ee la magac baxay (Estadio Da Luz ee Lisbon) garoonkan ayaa la dhisey sannadkii 1954-tii,walow qeyb lagu kordhiyey 2003 wuxuuna qaadaa 65,647 oo qof.

Saaxiibayaal u diyaar garooba ciyaartan final-ka ah oo aay foodda isgashandoonaan kana dhicidoonta caasimadda Portugal ee Lisbon Sat May 24 haddii Haddii Ilaahay ka dhigo.

Champion League Final 2014 Real Madrid VS Atletico Madrid.

W/qorey Jaahuur

SDN

jjaahuur@hotmail.com.

Isbar bar dhig layaab leh oo uu C.raxmaan C.qaadir ku Sameeyay Tacadiga Suxufiyiinta ee Rayaale Vs Siilaanyo Daawo

$
0
0

Hargaysa 03.May 2014 (SDN/QJ)- Siyaasiga Cabdiraxmaan cabdi qadir oo ka tirsan Madasha Wada Tashiga  iyo Toosinta Qaranka Ayaa  ka waramay saxaafada somaliland iyo caqabada haysta Waxanu ka sheekeeyay Kaftan hore u dhexmaray isaga iyo Alle Ha u naxariistee Cali Maarshaal.

Siyaasi C.raxmaan C.qaadir oo mar ahaa Gudoomiye ku Xigeenkii 2aad ee Xisbiga Kulmiye ayaa Waxaa kale oo uu Isbarbar dhig ku sameeyay Heerka Tacadi ee Warbaahintu kala Kulantay Madaxweynaha haatan talada dalka haya ee Kulmiye Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo iyo Madaxweynihii hore ee Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin taas oo ay ka Muuqanayso inay kaaf iyo Kala dheeri yihiin.

Hargaysa SDN/QJ.

contact@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com

“Anaga Xukuumad ahaan Waxaan Mab’da ahaan Qabnaa in Arrinta Haatuf ay Maxkamadu u marto Xeerka Saxaafada” Wasiirka Warfaafinta Daawo

$
0
0

Hargaysa 03.May 2014 (SDN/QJ)- Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Mudane C.laahi Maxamed Daahir Cukuse ayaa Maanta Cadeeyay inay Xukuumad ahaan Mab’da ahaan aaminsan yihiin in Qadiyada Wargayska Haatuf ee ku Jirta Gacanta Garsoorka loo maro Xeerka Saxaafada ee dhaqangalka ah waxaanu sheegay Wasiirku oo kale in Xiligii uu ahaa Afhayeenka Madaxtooyada uu Madaxweyne Siilaanyo ka dalbaday inaanu u Jawaabin C.raxmaan C.qaadir iyo Cali Guray oo uu Madaxweynuhu xusay inay ahaayeen Inamadiisa oo kale.

Wasiirka ayaa hadalkan ka jeediyay Munaasibad loo sameeyay maalinta Caalamiga ah ee Saxaafada adduunka oo lagu qabtay Huteel Maansoor ee Magaalada Hargaysa.

Hargaysa SDN/QJ.

contact@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com

Ururka Horumarinta ee Hablaha Garoodi oo 5 Sano jirsaday iyo kulan lagu xusaayo oo London ka dhacay. daawo sawiradii r

$
0
0

London 03May14(SDN)Ururka Horumarinta ee Hablaha Garoodi ee ka hawlgala Somaliland oo in badan ku hawlanaa hawlaha samafalka ee Degmada Salaxlley ayaa waxa ay qabsadee kulankoodii   5 Sano ee ay hawsha samafalka ay wadeen iyaga oo warbaxin ka dhagaystay gudiga uruka ee dhawaan socdaalka ka yimid iyada halkaana lagu doortay hogaan cusub webka qurbejoog oo goob joog ka ahaa iyaga  oo gudii hore loo mahad celiyey lana soo dhaweyey gudidan cusub iyaga oo laysla meel qatay in la sii horumariyo hawsha samafalka ururka habalah garoodi waxa ay dhawaan fureen dhaqtarka salaxley iyo iyaga oo si mugleh uga qayb qatay dhismaha wadada Cad,

IMG_0108IMG_0113IMG_0114IMG_0116IMG_0117IMG_0119IMG_0120IMG_0121IMG_0129IMG_0128IMG_0127IMG_0126IMG_0133IMG_0134IMG_0141IMG_0143IMG_0144IMG_0149IMG_0151IMG_0154IMG_0158IMG_0163IMG_0165IMG_0171IMG_0169IMG_0183IMG_0181IMG_0175IMG_0174IMG_0187IMG_0184IMG_0193IMG_0209IMG_0207IMG_0200IMG_0213IMG_0212IMG_0211IMG_0210

Wararkii Caawa ee Dalka iyo Dibada ee Shabakada Qurbejoog.com {DHAGAYSO}

$
0
0

Hargaysa 03.May 2014 (SDN/QJ)- Ku Soo dhawaada Dhamaan Akhyaarta ku Xidhan Shabakada Somalidiasporanews.com Meel kasta oo Dunnida Dacaladeeda aad kaga Sugan Tihiin Warar Wixii Naga  Soo Gaadhay Dalka Gudihiisa iyo Dibadiisa oo aanu idiinka Soo Gudbinayno Studiyaha Qurbejoog.com ee Caasimada Somaliland ee Hargaysa .

Waxaa Warka Caawa  Idiin Soo Tebin Doona Weriye Maxamed Xasan Daacad ee Dhagaysi Haboon.

Fiiro Gaara:- Dhagaystayaal Wixii Tallo iyo Tusaale ah Waxaad Noogu soo Gudbinaysaan Emailada Hoos Ku Qoran,Anagoo soo Dhawaynayna Rabitaankiina iyo Toosintiinaba.

GUJI HALKAN OO MOBILKAAGA KA DHAGAYSO WARARKII CAAWA EE QURBEJOOG


contact@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com

 

Khasaaraha Ka Dhashay Gubashadii Kaalinta Shiidaalka ee Kaah {DHAGAYSO}

$
0
0

Hargaysa 03.May 2014 (SDN/QJ)- Wararka ilaa iyo Haatan Soo Gaadhaya Shabakada Qurbejoog.com Xafiiskeeda Hargaysa ayaa Tilmaamaya in Khasaaraha la Xaqiijiyay ee Soo Gaadhay Kaalinta Shiidaalka ee Kaah oo ku taala Bariga Hargaysa ay ka dhasheen afar Qof oo dhaawacooda lagu dawaynayo Cisbitaalka Guud ee Magaalada Hargaysa.

Sidoo kale waxay Wararku Tilmaamayaan in Khasaare dhinaca Moodka ahi uu soo gaadhay Qaybta Cosmetic ee Kaalinta Shiidaalka ee Kaah iyo dhawr Gaadhi oo Xiligaas ku Jiray Qaybta Maydhista Gaadiidka.

Waxaa Goor dhawayd lagu Guulaystay in la Bakhtiiyo Dabkii ka kacayay Kaalintaas taas oo ay qaybta u weyn qaateen Booyadaha Biyaha ka soo dhaamiya dooxa Aw barkhale iyo Bulshada ku Xeeran Nawaaxiga Kaalintaas.

Taliyaha Ciidanka Booliska Sareeye Guuto C.laahi Fadal Iimaan iyo Maayar ku Xigeenka Hargaysa oo Xili dhawayd oo ay ku sugnaayeen Wajahada hore ee Kaalintaas u Waramay Qurbejoog ayaa faahfaahiyay Heerka Khasaaraha ilaa haatan la Hubo.

GUJI HALKAN OO MOBILKAAGA KA DHAGAYSO TALIYAHA BOOLISKA IYO MAAYAR XIGEENKA


Hargaysa SDN/QJ.

contact@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com


Abwaanka Dada Yar ee Xamse Axmed Nuur oo soo saray heestii Calanka somaliland loo hibeyey ee (Saadaashu waa Khayr) Daawasho wacan

$
0
0

London 04May14(SDN) Abwaanka dada yar ee Xamse Axmed Nuur oo soo saray heestii ugu qimaha badnayd oo loo hibeeyo calanka jamhuuriyada Somaliland taas muqaalkeedii la soo saray waxana ku luqaynayaa Faniinta kala ah.Cabdirsaaq Gadaco,Xaawo Kiin,Kastam.Jihaan Jalaqsan,Faysal Yare,Ikraan Caraale,Farxaan Bada Cas abwaanka oo la soo xiriiray shabakada shabakada qurbejoog ayaa waxa uu hambalyo u diraya dhamaan shacabka reer somaliland isaga oo heestan ay noqonaysa tii ugu qiimaha badan ee loo tiriyo Calanka somaliland , Dawasho Wacan.

 

Barnaamij Xiiso badan oo looga hadlayo Waa Maxay Midgaan iyo dadka la heeb sooco daawasho wacam

$
0
0

London4May14(SDN)Barnaamijka Bandhiga somalichenel oo ka hadlaya dadka la heeb sooco baraamijkan oo xiiso badan iyo wariyaha iyo martida oo si kalsooni ku jirta uga hadlay oo dacad nimo ku jirto bal daawasho wacan.

DAAWO:Mushkilada​ha Guurka (6) – Cabsida Allah weeye xalku

$
0
0

Ottawa May 04,2014(SDN/QJ)-Waa barnaamijkii taxanaha ahaa ee Mushkiladaha Guurka ee uu in sso bandhigi jiray Sheekh Saciid Cali Axmed.

Barmaamijkan maanta waxa aan ku eegaaynaa in Ilaah oo si dhab ah looga cabsadaa ay tahay bilowga xalka mushkiladaha guurka. Fadlan soo dhaji markii aad waqti u hesho.

DAAWO:FILM KU SAABSAN TAARIIKH NOLOLEEDKII MARXUUM MAXAMED X IBRAAHIN CIGAAL SANADGUURADII 12AAD EE KA SOO WAREEGTAY GEERIDIISA

$
0
0

Hargeysa May 04,2014(SDN/QJ)-Waa film ka waramaya taariikh nololeedkii Marxuum Maxamed Ibraahim Cigaal oo loogu talo galay sanad guuradii 12aad ee ka soo wareegtay geeridii Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Ciigaal.

Filmku waxa uu si weyn u soo bandhgayaa taariikhda Marxuumka khaasatan dib u dhiskii Somaliland.

Dacwadii loo haystay Masuuliyiinta Haatuf oo Maanta dhegaysigeeda dib loo dhegay

$
0
0

HAAAA04,May,2014 (SDN/QJ)-wararka haatan naga soo gaadhaya Maxkamadda Gobolka Hargaysa,ayaa sheegaya in dib loo dhigay dhegaysiga Dacwadii Wargeyska Haatuf ee Madaxa banana,kana soo baxa Caasimadda Somaliland ee Hargaysa.

Ilaa hadda si rasmi looma oga waxa keenay Dib dhaca ku yimid Dacwadii ay Xeer-ilaalintu kusoo oogaysay Masuuliyiinta Wargayska Haatuf oo markii hore balatu ay ayhayd maanta oo Axad ah 04,05,2014,balse waxa la sheegayaa in dib loogu riixay ilaa 10-ka bisha May.

SDN/QJ-Hargaysa

daacad@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com

Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo Xadhiga ka Jaray Jidka Kala Baydh iyo Wajaale SAWIRO

$
0
0

siilaanyo berberaHargaysa 04.May 2014 (SDN)- Madaxweynaha JSL Md Axmed Maxamed maxamed maxamuud siilaanyo ayaa maanta si balaadhan loogu soo dhoweeyey magaalada tog-wajaale halkaas oo si weyn loogu soo dhoweeyey.

 

Madaxweynaha oo ay socdaalkiisa ku wehelinayaan mas’uuliyiin ka tirsan dawladda Somaliland ayaa markii uu magaaladaasi gaadhay waxa uu Xadhiga ka jaray wadada laamida ah ee isku xidha degmooyinka Wajaale iyo kalabaydh oo dhismaheeda si guul leh ku soo gebageboobay.

 

Madaxweynaha oo la hadlayey dadweynaha Degmada Togwajaale ee Gobolka Gabiley  ayaa sheegay inay ka dhabaynayaan ballanqaadadii xukuumadiisa, wadadan laamida ah ee togwajaale-na ay ka mid tahay mid bilow u ah horumar ay ku talaabsan doonto magaalada togwajaale oo muhiim u ah dakhli soo saarka wadankan JSL

Dhankoodana ururada Bulshada ee Gobolkaasi ayaa madaxweynaha gudoonsiiyey shahaado sharaf uu ku muttaystay dadaalka uu ugu jiro in haweenka Somaliland ay kuraas kootto ah ka helaan golayaasha  dawladda dhexe iyo kuwa heer deegaan.

 

Wasiirka wasaaradda Madaxtooyada oo ay hoos timaaddo hay’adda waddooyinka Qaranku oo isna halkaasi ka hadlay waxa uu sheegay in xukuumadda Somaliland ay xilligan gacanta ku hayso dhismaha 38 waddo oo laami ah oo laga hirgelinayo Gobolada iyo degmooyinka Somaliland.

IMG_0069 IMG_0089 IMG_0107 IMG_0109 IMG_0111 IMG_0115 IMG_0116 IMG_0121 IMG_0123 IMG_0126 IMG_0133 IMG_0138 IMG_0146 IMG_0157 IMG_0172 IMG_0185 IMG_0193 IMG_0195 IMG_0226 IMG_0253 IMG_0259 IMG_0276 IMG_0277 IMG_0297 IMG_0299 IMG_0313 IMG_0320 IMG_0321 IMG_0337 IMG_0338 IMG_0340 IMG_0348 IMG_0355 IMG_0358 IMG_0369 IMG_0376 IMG_0388 IMG_0411 IMG_0414 IMG_0428 IMG_0444 IMG_0471 IMG_0481 IMG_0495 IMG_0501 IMG_0533 IMG_0534

 Hargaysa SDN/QJ.

contact@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com

” Waxaan ka Shaqaynayaa Nabadgalyada Waxaan Gobolka Ka Fulin doonaa Mashaariic”Wasiirka Caafimaadka Somaliland iyo Buuhoodle {DHAGAYSO}

$
0
0

Buuhoodle 04.May 2014 (SDN/QJ)- Wasiirka Wasaaarada Caafimaadka ee Somaliland Dr Saleebaan Ciise Axmed Xaglo Toosiye ayaa Maanta Socdaal Shaqo ku tagay Magaalada Buuhoodle halkaas oo Si balaadhan loogu soo dhaweeyay .

Wasiirka Wasaarada Caafimaadka ee Somaliland ayaa Dadweynaha ku dhaqan Magaalada Buuhoodle Waxa uu kala Hadlay Meel Fagaare ah waxaanu sheegay inuu Gobolkani dalka intiisa kale dib uga dhacay Waxaanu intaas raaciyay inuu Xukuumada Somaliland Mashaariic horumarineed ka fulinayso Gobolka Buuhoodle.

GUJI HALKAN OO MOBILKAAGA KA DHAGAYSO HADALKII WASIIRKA CAAFIMAADK


Buuhoodle SDN/QJ.

contact@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com

 


Wararkii Caawa ee Dalka iyo Dibada ee Shabakada Qurbejoog.com {DHAGAYSO}

$
0
0

Hargaysa 04.May 2014 (SDN/QJ)- Ku Soo dhawaada Dhamaan Akhyaarta ku Xidhan Shabakada Somalidiasporanews.com Meel kasta oo Dunnida Dacaladeeda aad kaga Sugan Tihiin Warar Wixii Naga  Soo Gaadhay Dalka Gudihiisa iyo Dibadiisa oo aanu idiinka Soo Gudbinayno Studiyaha Qurbejoog.com ee Caasimada Somaliland ee Hargaysa .

Waxaa Warka Caawa  Idiin Soo Tebin Doona Weriye Maxamed Xasan Daacad ee Dhagaysi Haboon.

Fiiro Gaara:- Dhagaystayaal Wixii Tallo iyo Tusaale ah Waxaad Noogu soo Gudbinaysaan Emailada Hoos Ku Qoran,Anagoo soo Dhawaynayna Rabitaankiina iyo Toosintiinaba.

GUJI HALKAN OO MOBILKAAGA OO KA DHAGAYSO QURBEJOOG WARARKII CAAWA
contact@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com

Khasaaraha ay Sababtay Booyad Shidaal Siday oo Hargaysa ku Qaraxday Kadib Markii ay Qalibantay {DHAGAYSO}

$
0
0

Hargaysa 04.May 2014 (SDN/QJ)- Alle ha u naxariistee hal qof,ayaa ku geeriyooday  mid kalena wuu ku dhaawacmay booyad shidaal oo ku gaddoontay agagaarka xaruntii hore ee ay ku jirtay UNICEF ee magaalada Hargeysa ugu yaraan laba gurina wey ku shuf beeleen.

booyad5Booyada shidaalka sidday,ayaa ka soo daadegtay dhanka jidka ka yimaadda xaafadda Xero  Awr waxaanay ku gaddoontay meel aan ka fogayn halkii ay hore ugu jirtay hayada UNICEF,kadib markii ay booyaddu gaddoontay waxaa halkaa ka dhashay qarax uu sameeyay shidaalkii ay sidday kaasoo noqday dab aan la bakhtiin Karin oo ka awood batay dadwynihii u soo gurmaday markii ay booyaddu qalibantay.

Waxaana ku geeriyooday dirawalkii booyadda waday hal qof oo kalena wuu ku dhaawacmay,dabkii ka dhashay qaraxa booyada dhacday ee shidaala sidday,ayaa gaadhay guryihii ka agdhawaa waxaanay wararku intaa ku darayaan  in laba ka mid ah guryaha uu dabku gaadhay ay shuf beeleen,hantidii taalayna ay ku gubatay .

Shalay Galab ayay Ku Beegnayd Markii uu dab Xoogani ka Kacay Kaalinta Shiidaalka ee Kaah oo ku taala Bariga Caasimada Hargaysa taas oo uu dhaawac ka soo gaadhay Afar Ruux isla markaana ay hanti badani ku baa’baday.

Khasaaraha ka dhasha inta badan dabka ayaa Noqday aafo ay Somaliland Xakame u Weyday iyadoo ay Faro ku tiris noqdeen Gaadiidka la Tacaala Marka uu dabku dhasho ee damdamiska .

GUJI HALKAN OO MOBILKAAGA KA DHAGAYSO TALIYAHA CIIDANKA BOOLISKA


Hargaysa SDN/QJ.

contact@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com

“Golaha Wakiiladu Waxba kama Oga Hogaaminta Waddanka” Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble {DHAGAYSO}

$
0
0

Hargaysa 04.May 2014 9SDN/QJ)- Xildhibaan Siciid Maxamed Rooble oo ka Mid ah Mudanayaasha Golaha Wakiilada ayaa Maanta Sheegay in Golaha Wakiilada ee uu Ka tirsan aanu haba yaraatee wax ka ogayn Hogaaminta wadanka .

Xildhibaankan oo ka Tirsan Xisbiga Kulmiye ayaa Mar uu maanta Fikirkiisa ka dhiibanayay Wax ka bedel lagu sameeyo Ajandaha Kalfadhigooda ayaa dalbaday in Gacanta Golaha lagu soo Celiyo Xeerka diiwaangelinta Muwaadinka iyo ka Codbixinta Sidoo kale waxa uu dalbaday in la ogaado Talada uu Golahoodu ku leeyahay Maamulka Qaranka.

GUJI HALKAN OO MOBILKAAGA KA DHAGAYSO XILDHIBAAN SICIID CILMI ROOBLE


Hargaysa SDN/QJ.

contact@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com

 

Kala fogaa cidda ku kaliyaysatay khayraadka dalka iyo hummaaga saami qaybsiga ee shirkii kulmiye

$
0
0
 Waxa dhawaan maqal iyo muqaalkeena ka batay gaar ahaan todobaadkii aynu soo dhaafnay shirkii kulmiye ee labada cisho socday oo run ahaantii wax natiijo ah oo ka soo baxday jirin.
Hase ahaate waxa ugu waynaa oo carrabka lagu badinayay oo ahayd sheekada fagaaro kaste sidii beeluha u kala lahaayeen kuraasda xisbiga iyo saamiga reer walba. Inkastoo aanay  dhankayga culays badan igu hayn sidii loo kala lahaa saamigan iyo sidii loo kala badsaday iyadoo sababtu tahay wax haba yaraatee macno ah oo ku fadhiyay ayaan jirinba  kii badsaday iyo kii laga badsaday midkoodna  kol haddii aanay qaybtankaasi ka turjumayn xaqiiqada ka jirta maamulka dawaladan Somaliland ee u hogaamiyaha u yahiin  xirsi iyo moorgan+amina waris, oops raali ahaada madaxwayne siiranyo.
Haddaba waxaan jeclahay dulucda qoraalkaygan inaan garab dhigo xaqiiqada ka jirta sida maamulka dawladan ugu qaybiyo khayraadka dalka beelaha degan oo malaha haddii laga tagi waayo ay qurux badnayd inay sidii shirkii indho sarcaadka ahaa ee dadka lagu jaho wareerinayay ugu yaraan ay dadka u tusaan in loo siman yahay .
Waxa la sheegaa oo xaqiiqo ah in tiro aad u faro badan oo ku saaqiday aduunka gaar ahaan dalka la yidhaa ingiriiska xaafadiisa bariga London inay dib ugu guureen dalkii oo xilal lagu wada taxay taas oo ay garab socoto safaro joogta ah oo xilal iyo dhaqaale doon ah oo  ku abbaaran madaxtooyada .
Bal aynu si guud u jaleecno sidii khayraadka dalkan loogu koobay beesha aan kala hadhin iyadoo haba yaraatee aanay jirin wax xishood ah ama xushmayn la siinayo dadka dalkan ay wadaagaan
1.      Dhamaan (baloogyada) khayraadka shidaalka  ku jira dalka waxaa la siiyay shirkadu ay gadhwadeen ka yihiin niman ay isku beel yihiin madaxwaynaha marka laga reebo  4 baloog oo u  leeyahay ganacsade maxamad yusuf oo helay dawladii Rayaale markay jirtay. Dhamaan 20 baloodh ee soo hadhay waxay ku qoran  yihiin shirkadu ay hor kac u yihiin niman ka soo jeeda beesha madaxaynaha.  Arintan oo ka dhigan in boqolkiiba ay leeyihiin in ka badan  90%.
2.      Madaxa qaybtina mashaariicda shidaalka iyo wasiirka macdantu (waji –xun) waa isku beel kaliya
3.      Mashruuca samaynta lacagta Somaliland waxaa la siiyay nin ay isku reer yihiin madaxwaynaha
4.      Mashaariicda nabadgalayda garoomada diyaaradaha oo ay bixiso dalka ingiriisku laguna qiimayo ilaa 27 malyuun oo lacagta ingiriiska ah waxaa la siiyay nin ay madaxwaynaha isku beel yihiin. Mashruucan oo 2dii sano mar la cusboonaysiiyo
5.      Dhamaan dhismayaasha garoomaha diyaaradaha waxaa la siiyay ninka la yidhaa (cumaani) oo ay isku beel yihiin madaxwaynaha, waa mulkiilihi hore ee hudheelka la seexdo ku lahaan jiray suuqal dahabka dubai
6.      Dhamaan mashruuca qalab keenista garoomada diyaaradaha waxa loo xidhay nin isaguna beesha ka soo jeeda
7.      Dhamaan sidoo kale  mashaariicda tababarka shaqalaha garoomada ee dawalda ingiriisku bixiso waxaa iyaduna u xidhan tahay nin kale oo beeshan ah
8.      Mashruuca qandaraaaska samaynta E-passport ee Somaliland isaguna waxa loogu deeqay nin beeshan ah
9.      Dhamaan mashaariicdii garab socotay GENEL ee adeega iyo qalabka waxay u xidhnayd nin beeshan ah. Waxaana tusaale u ah in Genel ay qoratay 84 landcruiser, 81 ka mid ah waxa la siiyay beeshan oo bil kaste GENEL  ku bixin jirtay 3000 oo dollar. Mar ay ka codsatay shirkada Genel in laga keeno shaqaale tababaran Hargeysa iyo  gawaadhida , waxa si adag isku hortaagay madaxii mashrruca la siiyay oo juffada madaxwaynaha ah kaaso  gawaadhidii landcruiser ahayd ka soo iibiyay jabuuti .
10.  Sidoo kale waxa madax looga dhigay inuu qaato dhamaan qandaraaska adeegyada iyo qalabka ee shirkadii DNO  ee Norway ay u baahan lahayd nin isaguna halkaa ka soo jeeda
11.  Waxa sidoo kale qandaraas loo xidhay dhamaan qalabka mashruuca wadooyinka dhisidoodu ay u baahan yihiin wiil isaguna eebe ka dhigay beeshan barakaysan
12.  Waxa sidoo kale dhawaan la siiyay mashruuca kaluumaysiga ee gobolka Saaxil nin shaqo la’aani ku haysay bariga London oo ku soo caan baxay caydii dawladii Rayaale iyo dhawr jeer oo u ka muuqday dood lagu qabtay tvga universal oo u la galay ambassador cabdi fatax oo la yidhaahdo yusuf isagoo isguna gabood ka soo dhigtay shirkada dalka iiraan laga leeyahay.
Haddaba iyadoo intani ay ka turjumaysa xaalado iska kooban ayaa wax dhabtu tahay in dalkii khayraadkiisii uu u gacan galay dad aan lahayn aqoon ama waayo aragtinimo lagu hogaamin karo ummad. Arimahan cadaalad darrada ahna haddii aan hore wax looga qaban wax hubaal ah in dhaawac wayno soo gaadhi doono dawladii dhawr iyo laabtanka sano lagu soo tabcayay.
Waxaana maqaalada soo socda aan ku soo qaadan doona faahfaahin la xidhiidha mashruuc kaste gaar ahaantii iyo ninka loo xidhay iyo taariikhdiisa haddii eebe idmo.
 Cumar cali

“Cali khaliif waa nin Gabadhi dhashay, deegaankana ka tirsan, laakiin ka ogolaan mayno siyaasadii isaga dantiisa ku saabsanayd, Buuhoodle-na noqonmayso dhagax la isku taago…….”Xaglo-toosiye

$
0
0

Buuhoodle:May,05,2014(SDN/QJ)-Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Saleebaan Ciise Axmed (xaglo-toosiye) ayaa si Badheedh ah uga Hadlay Safarkiisa uu ku jooga Magaalada Buuhoodle oo aanu tegin sidii uu wasiirka uga Noqday Xukuumadda Somaliland.

xaglotoosiyeWasiir Xaglo-toosiye oo waraysi siiyey Idaacadda BBC-da, ayaa sheegay in socdaalka uu Buuhoodle ku  joogaa ka mid yahay kormeer uu wasiir ahaan ku marayo gebi ahaanba Somaliland si uu wax uga ogaado arrimaha caafimaadka iyo halka ay marayaan.

Wasiirka ayaa sheegay inuu ku jiro safarro caadi ah si loo dardar geliyo arrimaha caafimaadka ee Somaliland, “Sababtaan Buuhoodle u tegay waa mid la xidhiidha safarradii aan  ku marayey waddanka somaliland ee aan ugu guurgalayey adeegyada iyo xarumaha caafimaad ee waddanka maadaama aan wasiirka caafimaadka ahay, hadana waxan ku jiraa Kormeer aan ka bilaabay degmada Buuhoodle.” Ayuu yidhi Wasiir Xaglo-toosiye.

Wasiirka ayaa sheegay inuu Tegay Magaalo iyo Deegaan uu ku dhashay, kaas oo aanay jirin cid ka hor istaagi kartaa, waxana uu yidhi,

“Buuhoodle waxa iigu dambaysay markii aan Nabadgelyada la saxeexday Madaxweyne Siilaanyo ee aan ciidamada ka rarnay meelahay Fadhiyeen Maxaabiistana soo deynay,, anigu waxan imi magaaladaydii Aabahay joogay, Tolkay Joogay, dadkaygu joogay ee deegaankayga ahayd.”

Waxa uu wasiir xaglo-toosiye sheegay inuu magaalada ku galay kalsoonida shacabka iyo waliba jacayl ay u qabaan dadku in horumarka Somaliland ay qabtooda ka qaataan, waxana uu yidhi,

“Ciidan Somaliland oo aniga daacad ii ahi waa joogeen,laakiin kuwaas kumaan imane waxan ku imi Nin ka mid ah degaanka oo u dhasay, wax ka qabtay shacacbkiisu taageersan yihiin, jecelyihiin waana la igu soo dhaweeyey.”

Waxa uu meesha ka saaray wasiirku jiritaanka Ciidamo iyo awood uu magaalada ku galay,

“Ciidan aan watay ma jirin, buuhoodle ciidan iyo Hantidaad iyo Tekniko laguma soo galo, soo dhaweynta maanta ii dhacdayna waxay ahayd mid aan anigu awood ku muquuniyeye waxay ahayd jacayl ay dadkaygu I jecel yihiin” ayuu yidhi xaglo-toosiye.

Waxa uu jawaab ka bixiyey Joogiyaanka Cali khaliif ee Deegaanka Buuhoodle, waxana uu ku  macneeyey Booqashada cali khaliif mid la xidhiidha Hooyadii  oo halkaas deggen, waxana uu u diray Digniin cusub oo nabadgelyada la xidhiidha,

“Cali khaliif waa nin Gabadhi dhashay, deegaankana ka tirsan, Magaaladiisana jooga cid odhan karta Magaalada Ka baxna ma jirto, laakii ka ogolaan mayno cali khaliif siyaasadii isaga dantiisa ku saabsanayd, Buuhoodle noqonmayso dhagax la isku taago oo uu qofku ku gaadho dantiisa, balse Hooyadii baa joogta oo uu soo booqday, una malayn maayo inuu sameeyo dhaqdhaqaaq keeni kara Nabadgelyo darro.” Ayuu yidhi wasiir Xaglo-toosiye.

 Booqashada wasiirka wasaaradda Caafimaadka Somaliland ee Deegaanka Buuhoodle, ayaa muujisay in Gebi ahaanba dadka halkaas ku dhaqani ay diyaar u yihiin inay Somaliland la qaybsadaan HOrumarka iyo wanaagga ka jira, waxana haatan wixii ka dambeeya muuqata in la derder gelin doono tallaabooyinka Wax loogu qabanayo Dadka halkaas deggen.

SDN/QJ-Hargeysa

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Viewing all 6893 articles
Browse latest View live