Quantcast
Channel: Features – qurbejoog.com
Viewing all 6893 articles
Browse latest View live

Wada Hadal u Furmaya Somaliland iyo Punt land, Goorma ayuu Madaxweynuhu Khudbad Sannadeedkiisa u Jeedinayaa Labada Gole {DHAGAYSO}

$
0
0

Hargaysa 30.April 2014 (SDN)- Gudoomiye ku Xigeenka 1aad ee Golaha Wakiilada Somaliland ahna Ku Simaha Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Mudane Baashe Maxamed Faarax ayaa Maanta ka hadlay aragtidiisa ku aadan Shirweynihii 3aad ee Xisbiga Kulmiye oo Maalintii Shalay Ku soo Gabo gaboobay Magaalada Hargaysa .

Gudoomiye Baashe Maxamed Cade Waxaa kale oo uu ka Hadlay Wada hadal la Sheegay inuu u furmayo Somaliland iyo Punt land Waxaanu hoosta ka Xariiqay inaan laga wada hadli karin Xuduudaha Somaliland .

Gudoomiyaha ayaa Maanta hadalkan ka Jeediyay Mar ay Warbaahintu kula Kulantay Xafiiskiisa .

GUJI HALKAN OO MOBILKAAGA KA DHAGAYSO HADALKII GUDOOMIYAHA


Hargaysa SDN/QJ.

contact@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com

 


Doorashooyin Dhinaca Baarlamaanka ah oo looga dareeray Dalka Ciraaq

$
0
0

30,Apr.2014(SDN/QJ)-Dadka reer Ciraaq ayaa u dareeray doorashadii ugu horreysay ee dalkaas laga qabto tan iyo markii ay ciidammada Maraykanka halkaas ka baxeen.

Doorashadan ayaa ah mid si dhaw loola socdo,gaar ahaana Beesha caalamk.waxaanay u tahay Dawladda uu Hogaamiyo Nuural-Al Maaliki,tijaabo adag oo ku aadan suura galnimada in uu dalku gaadho heer Qofka Cod Kurisiga lagu saaro.codna lagaga Qaado.

Laakiin dad falanqeeya Siyaasadaha bariga dhexe,ayaa sheegay in rajadaasi ay wali tahay mid fog,oo dallku la daalaa-dhacayo Qalalaasa ka Aloosan Guud ahaanba Gobolka.

Doorashadan maanta oo Arbaca ay dadka reer Ciraaq u dareerayaan ayaa Waxay soo dooranayaan mudanayaasha baarlamaanka.

Ra’iisalwasaare Nuuri Al-Maaliki ayaa doonaya in xisbigiisa mar kale aqlabiyad uu helo si uu u sii hayo jagadaas.

Balse waxaa olalihii doorashada hareeyay qalalaase ballaaran oo dad badani ku dhinteen.

Doorashada kama dhici doonto qeybo ka mid ah gobolka Anbar ee Sunniyiintu degan yihiin.

Dowladda Nuuri Al-Maliki ee ay hoggaaminayaan Shiicada aya dagaal kula jirto ururro gacan saar la leh Al-Qaaciddah oo gobolkaas ku xoog badan.

SDN/QJ-Baqdaad

daacad@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com

 ciraaq

“Midnimada Somaliyeed baa Na Keentay,Cid Rabtaana Ma Jirto,Mar hadaan la Rabin….” Siyaasiga Cali Daacuun {DHAGAYSO}

$
0
0

Muqdisho 30.April 2014 (SDN/QJ)- Siyaasiga Cali Daacuun oo dhalasho ahaan ka soo Jeeda Somaliland kana Tirsan Baarlamanka Federaalka Somalia ayaa u Muuqda Shakhsi ka Rajo dhigay u doodista Midnimadii Somalia .

Xildhibaan Cali Daacuun oo Haatan Muqdisho ku Sugan ayaa Si Xoogan u Naqdiyay Distoorka Federaalka ee Somalia oo uu Sheegay inaanu dalku ku dhaqmi karin, Waxaanu Xusay oo kale inay Muqdisho u Tageen Midnimo Somaliyeed taas oo uu ku sifeeyay Mid aan la rabin oo aan Shaqaynayn ,Waxaa kale oo uu Cali Daacuun dhaliil Xoogan dusha uga tuuray Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh iyo Xukuumadiisa.

GUJI HALKAN OO MOBILKAAGA KA DHAGAYSO HADALKA CALI DAACUUN


Muqdisho SDN/QJ.

contact@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com

Wararkii Caawa ee Dalka iyo Dibada ee Shabakada Qurbejoog.com {DHAGAYSO}

$
0
0

Hargaysa 30.April 2014 (SDN/QJ)- Ku Soo dhawaada Dhamaan Akhyaarta ku Xidhan Shabakada Somalidiasporanews.com Meel kasta oo Dunnida Dacaladeeda aad kaga Sugan Tihiin Warar Wixii Naga  Soo Gaadhay Dalka Gudihiisa iyo Dibadiisa oo aanu idiinka Soo Gudbinayno Studiyaha Qurbejoog.com ee Caasimada Somaliland ee Hargaysa .

Waxaa Warka Caawa  Idiin Soo Tebin Doona Weriye Maxamed Xasan Daacad ee Dhagaysi Haboon.

Fiiro Gaara:- Dhagaystayaal Wixii Tallo iyo Tusaale ah Waxaad Noogu soo Gudbinaysaan Emailada Hoos Ku Qoran,Anagoo soo Dhawaynayna Rabitaankiina iyo Toosintiinaba.

GUJI HALKAN OO MOBILKAAGA KA DHAGAYSO WARKII SHABAKADA QURBEJOOG EE CAAWA


Hargaysa SDN/QJ.

contact@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com

 

Atletico Madrid Ayaa Final-ka u soo Baxdey Markii 3-1 Ugu Awood Sheegatey Chelsea (Champion League Finals) DAAWO) By Jaahhur.

$
0
0

imagesimagesLondon-30-April-2014-(SDN) Asxaabtay qormadeena ciyaaraha waxaynu ku eegeynaa horyaalka Yurub (Champion League) oo ku dhaw gaba-gabow Real Madrid iyo Atletico Madrid oo Final u soo wada baxay,ciyaartaasuna waxay ka dhici doontaa (LISBON)

imagesAtletico Madrid ciyaarta Finalka ugu soo baxdey waxay foodda isla galeen Chelsea taas oo ahayd lugii labaad,tii horana waxay ka dhacdey Madrid kuna dhamaatey 0-0.

Haddaba haddii aynu u guda galno ciyaartii ka dhacdey Stamford Stadium ayaa Chelsea garoonka ku soo gashey kalsooni xad dhaaf ah bacdamaa gurigeedii lagu ciyaarayo.

Qeybtii hore ee ciyaarta daqiiqaddii 36-aad ayaaa goolkii ugu horeeyey Chelsea u saxeexey Torres,laakiin farxaddii waxaa ka dambeeyey markii Atletico aay la simantey daqiiqaddii 44-aad waxaana shabaqa ku habsadey Adrian.

Qeybtii dambe ee ciyaarta kalsoonidii Chelsea garoonka ku soo gashey waxaa cirka ku laaley Costa oo goolkii labaad u raaciyey kaas oo ahaa Rigoore (Penelty) kii qalbi jabkana waxaa u raaciyey daqiiqaddii 72-aad Turan.

Atletico Madrid 3- Chelsea 1.

W/qorey Jaahuur

SDN

jjaahuur@hotmail.com

Hirsi Ali: Telling a Critic From an Islamophobe

$
0
0

Ayaan Hirsi Ali is a Somali-born U.S. citizen who is known — among other things — for her radical views on Islam. Her supporters consider her a leading critic, while many others believe she is guilty of Islamophobia and bigotry. I think she is a perfect case to educate people on the difference between the two.

Hirsi Ali immigrated to the Netherlands in 1992, claiming to escape a forced marriage. There, she rose to become a member of the House of Representatives in 2003. However, she was forced to resign from the Dutch parliament when her biographical details were challenged and publicly exposed as a chain of fabrications. She admitted to the lies and decided to move to the U.S. Just recently, Hirsi Ali was in the news again when Brandeis University, which had earlier nominated Hirsi for a honorary degree, decided she was not a fit candidate for the honor. “We cannot overlook that certain of her past statements are inconsistent with Brandeis University’s core values,” the university said. It added, “For all concerned, we regret that we were not aware of Ms Hirsi Ali’s record of anti-Islam statements.”

There is certainly all freedom to hold a different opinion within Islam or about Islam. Intellectual criticism leads to dialogue, which in turn leads to better understanding. However, there is a difference between critiquing Islam and spreading irrational fear of Muslims. There is a difference between intellectually commenting on a religion and inciting hatred of its adherents.

For better or worse, Muslims are not one unified community. As such, attributing the beliefs and acts of one extreme minority group — like the Taliban — to the whole community of Muslims worldwide is dishonest. Hirsi Ali is guilty of exactly this. She disregards the interpretation and practice of Islam by moderate Muslims and insists the interpretation of the terrorists is the only correct one. She contends that Islam is “a destructive, nihilistic cult of death” that must be defeated at all costs.

In an interview with Reason magazine, this became clear when the interviewer asked if by “defeating Islam” Hirsi Ali meant, “defeating radical Islam?” She replied: “No. Islam, period.” When the reporter asked her to further elaborate what she meant by “defeat Islam” she replied: “I think that we are at war with Islam. And there is no middle ground in wars. Islam can be defeated in many ways… You look them in the eye and flex your muscles and you say, ‘This is a warning. We won’t accept this anymore.’ There comes a moment when you crush your enemy.”

The interviewer then asked, “Militarily?” Hirsi Ali replied: “In all forms.”

Hirsi Ali’s defenders point out that she did not refer to militarily attacking Muslims but attacking Islam — that it is kosher to attack an ideology as long as people were not affected. When pressed to explain how Islam would be “militarily crushed,” if not by military action on Muslims, they finally conceded that Hirsi Ali was in fact speaking of radical Muslims. This is all good, except that the only person who does not make that important distinction between radical Islam and moderate Islam is Hirsi Ali herself when she claims the threat is not from radical Islam but from “Islam, period.”

This dangerous xenophobia against Muslims is not surprising. Hirsi Ali has been stroking an irrational fear of Muslims amongst western audiences for the last many years. This has led to increased intolerance, even violence. Andres Breivik — who went on a killing spree in Norway in 2011 — praised Hirsi Ali in his manifesto, stating that she deserved a Nobel Peace Prize. Hirsi has supported anti-immigration policies that target Muslim communities in the west. She has also suggested that the U.S. constitution be amended to restrict Muslim civil liberties. She has called for closure of all Muslim day schools in the U.S.

Imagine Hirsi Ali using the exact same words for Judaism, i.e., that Judaism is “a destructive, nihilistic cult of death”, which must be militarily crushed. Imagine her advocating the closure of all Jewish day schools in the U.S. Imagine her saying the same things about any other religion or philosophy.

I decided to carry out an experiment to see if Hirsi’s defenders were indeed right and there was nothing wrong in saying what she did. I put “atheism must be crushed in all forms, including militarily” as my Facebook status. Reactions came in fast and I was labelled “against the spirit of secularism,” “sad soul,” “intolerant and insane,” “no different from the Taliban,” etc.

I agree. Hirsi is not very different from the radical extremists she ought to be really targetting. She gives them credibility by claiming their version of Islam is the only correct one and others, like me, are “bad Muslims.” Like the Taliban, Hirsi is rigid in her views and is judgmental. Like them, she speaks to curtail the civil liberties of fellow citizens and inspires intolerance and violence. We must not encourage such behavior with honorary degrees. Her bigotry must be condemned in all forms — except militarily.

This post was originally published in Pakistan’s The Daily Times.

Xubin Ka Tirsan Guddida Caddaalada Oo Maalintii 6-lixaad u Xidhan Wasiir Xaglo-toosiye Oo Dhaar Ku Maray Inaanu wax waan-waan ah Ka Gelaynin

$
0
0

Hargeysa:May,01,2014(SDN/QJ)-Xubin ka tirsan Guddida Caddaalada Somaliland ayaa Maalintii lixaad  u xidhan wasiirka wasaaradda Caaafimaadka Somaliland Saleebaan Ciise Axmed Xaglo-toosiye.

xaglotoosiyeXubinta Xidhan oo Magaciisa La Yidhaahdo Shariif, ayaa Ayaamihii shirka Kulmiye Qabanqaabadiisu socotay oo muranka iyo yoo-yootanku ka taagnaa xubnaha ergooyinkiisa.

Shariif ayaa  la sheegay inuu xarunta dhexe ee Xisbiga kula dhex dagaalamay Wasiir xaglo-toosiye, isagoo wasiirka Gaadhsiiyey Nabarro fudud oo feedhadh u bandaa, waxana ay taasi keentay in xabsiga loo taxaabo Masuulkan ka tirsan  Hay’adda Caddaalada Somaliland.

Wasiirka ayaa amar ku bixiyey in xabsiga la dhigo masuulkan, waxana uu ilaa iyo haatan diidan yahay in wax waan-waan ah lagala galo sii daynta Masuulkan muddada dheer ku jirey Saldhigga.

Tallaabooyin badan oo la isku dayey in lagu sii daayo Xubinta ka tirsan Guddida caddaadada ayaa dhammaantood Guuldarraystay, kaidb markii uu wasiirku si cad u diiday inuu aqbalo maslaxaadda iyo dhexdhexaadinta lagu sii daynayno masuulkaas.

Sida ay sheegayaan ilo xog-ogaal ah oo ay heshay Qurbejoog.com, wasiirka ayaa dalbaday Raalligelin buuxda in laga siiyo dagaalkii lagu qaaday k hor inta aan la sii daynin Masuulkan, taas oo uu masuulkuna diiday isagoo ku andacoonaya inuu awood wasiir ku xidhan yahay oo  uu xidhnaa muddo badan oo dhaafsiisan heerka dambiga lagu haysto.

Wasiirrada Xukuumadda Maddaxweyne Siilaanyo ayaa inta badan marka ay cid isku dhacaan Adeegsada awoodda iyo shaadhka wasiirnimo, iyagoo ku  xad-gudba xuquuqda muwaadiniinta kale ee aan xilalka haynin.

 

SDN/QJ-Hargeysa

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

DAAWO:Hablaha ururka wadajir oo baraarujiyay bulshada reer Somaliland ee ku nool Britain

$
0
0

London May 01,2014(SDN)- Hablaha ururka wadaniga ah ee Wadajir ayaa kulan ay ku qabteen magaalada waxa ay ku soo bandhigeen qodobbo dhaxalgal ahaa oo baraarujin u badnaa,

Hablaha ayaa bulshada ku baraarijiyay in ay ku faanaan in ay ka soo jeedaan Somaliland isla markaana soo bandhigay khaladaad ay sameeyaan bulshada Somaliland ee ku nool Qurbaha.

 


Faysal cali waraabe oo Xisbiga Kulmiye ku Canbaareeyay qaabka beelaysan ee uu Ergooyinka u qaybiyay,sheegayna in Xoriyadii Saxaafaddu dhaawacday Sumcadii Somaliland

$
0
0

01,Apr.2014(SDN/QJ)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Ucid Eng.Faysal Cali Waraabe, ayaa xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye ku naqdiyay in qabaa’il ergooyinkoodii iyo golahii dhexeba ay ku qaybsadeen.

Waxa uu Faysal Cali Waraabe ku tilmaamay arintaas mid aan dalka u wanaagsanayn. Sida oo kale waxa uu guddoomiye Faysal markii ugu horaysay ka hadlay xayiraadda wargeyska Haatuf isaga oo sheegay in xukuumadda ay beesha caalamku ku caanatay xadhiga warbaahinta, isla markaasna ay dib u dhigayso sumcadii Somaliland.

Waxa uu sidan ku sheegay guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Ucid Eng.Faysal Cali, waraysi gaar ah oo uu siiyay wargeyska Geeska Afrika, isagoo jooga dalka Finland, waxaana ugu horayntii uu hadalkiisa ku bilaabay sidan“Ugu horaynta waxaan hanbalyaynayaa guddoomiyaha iyo guddoomiye ku xigeenka iyo madaxda dib loo doortay ee KULMIYE, waxaanu aad u hanbalyaynaynaa in si nabadgalyo ah oo walaaltinimo ah uu ugu dhamMaaday Kulmiye shirkii.”

Guddoomiye Faysal oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi“Habkan ay ergooyinka ku qaybiyeen maaha hab wanaagsan,laakiin iyaga ayay u gaar tahay haDdii ay iyagu sidaas doorteen oo ay xisbigoodii beelo ku qaYbsadeen ergooyinkii iyo xubnihii golaha dhexeba, waxay ila tahay inay tahay arin iyaga u gaar ah, inkasta oo aanay ahayn in qabiilka la nooleeyo, xisbigana in ariMo qabiil uu galo, wax qurux badan maaha, waxaan jelaan lahaa in waxii hadDa ka danbeeya aanay sidaas oo kale samayn iyaga oo xisbigii talada hayay ah, waxay ahayd inay qabiilka fogeeyaan ee may ahayn inay qiimo weyn u yeelaan oo wax lagu qaYbsado,waxaanay dhibaato ku noqonysaa hawlaha guud ee dal ahaaneed, iyaga oo xisbiga ahaana waxa loo arkayaa xisbi aan ku midoobin fikir iyo siyaasad ee ay yihiin qabaa’il ku heshiiyay awood qaybsi ay yihiin, wax qabiil lagu qaybiyo oo khayr dhalay lama arkin, Alle ayuunbaa dadka raali galinkara laakiin cadaalad ayay u baahan yihiin, haddana waa arin iyaga u gaar ah. Arintani waa mid iyaga u gaar ah Somalilandna meelna u jihayn mayso, laakiin waa talo xumo oo xisbigii wakhtiga dheer soo jiray In uu qabaa’il wax ku qaybsadaa waa wax aan fiicnayn, marka kaanbaynku uu jirana waa arimaha lagu duri doono ayay noqonayaan.”

Ugu danbayntii guddoomiye Faysal oo aanu waydiinay sida uu u arko xayiraadda wargeyska Haatuf waxa uu yidhi“Aad ayaa arimahaas naloogu qabsaday, waxyaabhii ay Somaliland ku caano maashay ee dastuurku sheegayay ayay ka mid tahay, waana kuwii xisbiga Ucid iyo Madashuba ka hadlay, waxaanu filaynaa in cadaadis badan ay dawladu arinkaas kala kulantay oo bulshada caalamku ku canaanatay, waana in warbaahinta xukuumaddu faraha ka qaado laakiin sharciga uun lagu ilaaliyo, waxaanay ahayd in qofka la xidho laakiin in meherada la xiddho may ahayn, taasina waa mid dib u dhigaysa magaceenii wanaagsanaa.”

 

Xigasho:Geeska

SDNQJ-Hargaysa

daacad@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com

 

Hambalyo Aroos wacan

$
0
0

mawliid Xamse Mataan iyo Marwo Yaasmiin Siciid Dhamaan dadkan oo kala ah Aabe Cali Aadan Muuse, Hooyo Cibaado Cumar Axmed, Cabdi Cali Aadan, Jamaal Cali Aadan, Dhagalaab Cali Aadan, Asad Cali Aadan, Mawliid Cali Aadan, Sahra Cali Aadan, Rooda Cali Aadan, Iido Cali Aadan iyo Saado Cali Aadan Dhamaan reer Cali Aadan Guure Waxay Hambalyo kal iyo lab ah u dirayaan Mudane Xamse Mataan Haybe iyo Marwo Yaasmiin Siyaad oo Arooskoodu 30-kii Bishan April ka dhacay Magaalada Hargeysa. Isku waara oo Ubad khayr qabana kala hela ayaanu leenahay Lamaanaha Reerka yagleela

Mudaharaad ka dhacay Tog-wajaale iyo khasaaraha ka dhashay

$
0
0

01,Apr.2014(SDN/QJ)- Wararka haatana naga soo gaadhaya Magaalada Tog-wajaale ee Xuduuda u dhaxaysa Somaliland iyo Ethopia,ayaa shaagaya in Magaaladda uu ka dhacay Muharaad Rabshado wata oo sahayda hal qof oo  ka mid ahaa Macalimiinta Magaaladda,oo sida wararka hordhaca ah ee aanu helaynaa sheegayaan ay ku dhacday Xab habaw ah oo ay Ciidamadda Amaanku u adeegsanayeen Dadka banana baxa samynaya.waxaana jira dhaawac intaas ka badan oo soo gaadhay dadkii isku soo baxay.

Ilaa hadda si rasmi ah looma sababta ka danbaysay Banaan baxan oo mudooyinkii ugu danbeeyay ku soo noqnoqnayay Magaaladda oo ah Magaalo Ganacsi.

Laakiin sida ay Sheegayaan warar lagu kalsoonaan karo oo ay helayso Shabakkada Qurbejoog.com,banana baxa ayaa ay daku kaga cabanyaa Gudoomiyii Hore ee Deggmada oo Mudooyinkii ugu danbeeyay Xabsiga ku jiray.

Saraakiil u hadashay Maamulka Deggmadda ayaa Xadhiga Masuulkan ku Macneeyay inay tahay Arimo Dhul oo loo haysto Masuulkan Xidhan.W

Wixii warar ka soo kordha arintan halkan ayaanu idiinku soo sheegi doonaa.

.

.

SDNQJ-Tog-wajaale

daacad@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.comWAJAALE

Ra’iisul Wasaare Cabdiwali ayaa Hambalyo ku aadan 1, May u diray Dhamaan Shaqaalaha Soomaaliyeed

$
0
0

wali1, May, 2014(SDN/QJ)-….Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Cabdiwali Sheikh Axmed ayaa hambalyo ku aadan maalinta shaqaalaha u diraya dhamaan shaqaalaha aduunka gaar ahaan shaqaalaha Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku tilmaamay maanta in ay farxad u tahay dhamaan shaqaalaha aduunka kadib markii loo asteeyey 1, May, 1904-tii in ay noqoto maalin ay shaqaalaha aduunku u dabaal dagaan,

“Waxaan halkaan hambalyo uga dirayaa dhamaan shaqaalaha dowalda iyo kuwa sida gaarka ah u shaqaysta oo isugu jira Rag iyo Dumar, kuwaas oo badankoodu si hagar la’aan ah u shaqeeya laga bilaabo arroorti ilaa qorrax dhicii, si ay u hor mariyaan Dalkooda” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cabdiwali oo dhanka kale xusay in Shaqaalaha Dowlada iyo kuwa gaarka ah ay qayb ka yihiin kor u qaadida horumarka dalka iyo abuurida fursado dhalinyarada looga soo leexinayo xag jirnimada. Waxaana dowladda ka go’an ilaalinta xuquuda shaqaalaha, waxayna dowaladu fududaynaysaa xiriir fiican oo dhex mara ururada u dooda xuquuqda shaqaalaha

“Ilaa iyo intii xukuumadaan cusub la yagleelay waxaa ka go’an in ay ficil ahaan u fuliso sidii ay u abuuri lahayd shaqooyin, loona hormarin lahaa xuquuqda shaqaalaha, taas oo sababi karta soo jiidashada maalgaliyayaal shisheeye, sitaas loo helana waxaan xoojinaynaa nabad galyada oo fure u ah in laga miro dhaliyo horumarka iyo kobcinta dhaqaalaha”

“Qorshaheena shaqo abuurista waa mid cad kaas oo ku salaysan is badalka siyaasadeed oo u dagan xukuumadda, iyo balan qaadkeena soo celinta sharciga iyo kala danbaynta, dib u dhiska dalka iyo dib u soo noolaynta kaabayaasha dhaqaalaha ee ku bur buray dagaaladii sokeeye, iyo kor u qaadida wax soo saarka Beeraha, Xoolaha, Kaluumaysiga, iyo dar dar galinta Ganacsiga”

“Si’aan uga gun gaarno ilaalinta xuquuqda shaqaalaha waxaan heshiis la galnay bishii March Hay’ada Caalamiga ah ee Shaqaalaha Aduunka,(ILO) waxaan aaminsanahay inaan horumarino shaqo nadiif ah oo la socoto ilaalinta xuquuqda shaqaalaha, si looga hortago gaajada islamarkaana ay suurta gal u noqoto in aan dib u soo celino xasiloonida dalka. waxaana diyaar u nahay inaan fulino qodobadii aan ku heshiina (ILO)

“Waxaa siyaasada dowladda ka mid ah in xuquuq ahaan ay siman yihiin shaqaaluhu oo aysan jirin kala sarayn dhanka shaqada ah, marka laga reebo aqoonta iyo xirfada uu qofku leeyahay. Si aan meesha uga saarno carruurta la shaqaalaysiinayo, waxaa xukuumaddu qaadatay siyaasadda looga hortagayo shaqaalaysiinta caruurta,”

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in xukuumadiisu dadaal dheeri ah ku bixinayso sidii looga hortagi lahaa in ay sii socdaan weerarada lagu hayo shaqaalaha iyo goobahooda shaqo.

“Waxaan ku dadaalaynaa inaan samayno wada shaqayn dhex marta Ururada Shaqaalaha, Rugta Ganacsiga, iyo Wasaarada Shaqada iyo Shaqaalaha, anagoo waafajinayna qaanuunka caalimaga ah, si loo muujiyo wada shaqayn lagu ilaalinayo xuquuda shaqaalaha, loogana hortago tacadiyada loo gaysto shaqaalaha” ayuu yiri RW Cabdiwali Dowlada Soomaaliya oo dhanka kalana sheegay in xukuumaddu diyaarinayso jawi ay ku dhiirri galinayso shirkadaha gaarka loo leeyahay, laguna abuurayo shaqooyin ku salaysan kobcinta dhaqaalaha taas oo sahli karta in dadku helaan shaqo joogta ah.

Gabagabadii Ra’iisul Wasaarahaa ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu maanta la qaybsado shaqaalaha Caalamaka dabbaal degayada iyo midnimada ay muujinayaan. Wuxuuna sidoo kale sheegay in ay muhiim tahay inuu ogaado qof walba oo shaqaale Soomaali ah in xasiloonidu ay fure u tahay horumarka shaqada iyo shaqaalaha, si looga miro dhaliyana waa in dhalinyaradu ka waantoobaan ku biirida kooxaha xag jirka ah oo halis ku ah nolosha bani’adamka.

HAMBALYO! HAMBALYO! HAMBALYO!

—DHAMAAD–

Diraac Salaad Fagaase
Communication Director Office of the PM
Mudisho, Somalia
Media@opm.gov.so

SDN/QJ-Muqdisho

daacad@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com

 

Al-shabaab oo sheegtay in Dileen Ciidamo badan oo isku jira Kenya iyo Ethopia

$
0
0

1,May,2014(SDN/QJ)-Xarakada Al-shabaab oo dowladda Soomaaliya dagaal kula jirta ayaa sheegtay in dagaallo ka dhacay gobollada Galguduud iyo Gedo ay ku dileen ciidammo Itoobiyaan iyo Kenyaan ah.

Afhayeenka howlgalada Al-shabaab, Sheekh C/casiis Abuu-Muscab oo wareysiyo siiyay warbaahinta Al-shabaab ayaa sheegay in dagaal ka dhacay degmada Ceelbuur ee gobolka Galguduud ay ku dileen ciidammo Itoobiyaan ah, kaddib dagaallo socday saddex maalmood oo isku xiga.

Sheekh Abuu-Muscab ayaan sheegin tirade ciidamada Itoobiyaan ah ee ay ku dileen degmada Ceelbuur, balse wuxuu sheegay inay ahaayeen kuwo badan, isagoo aan sheegin khasaaraha dhankooda soo gaaray.

Dhanka kale, afhayeenka howlgallada Al-shabaab oo ka hadlay dagaal isna ka dhacay deegaanka Ceel-cadde ee gobolka Gedo ay ku dileen sarkaal sare oo ka tirsanaa ciidamada ka socda dalka Kenya.

Inkastoo illaa hadda aysan dowladaha Kenya iyo Itoobiya ka hadlin dagaalladii ay Al-shabaab kula galeen gobollada Gedo iyo Galguduud ayaa haddana waxaa jirtay in deegaannadaas ay dagaallo ka dhacayeen maalmihii lasoo dhaafay.

Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Kenya ayaa waxay qayb ka yihiin howgalka ay ka wadaan Soomaaliya ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM, kuwaasoo ka socda lix dal oo Afrikaan ah.

Al-shabaab ayaa laga qabsaday deegaanno dhowr ah oo ku yaalla Bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya ayaa haddana waxay ka taliyaan deegaanno badan oo ku yaalla Soomaaliya.

SDN/QJ-Baraawe

daacad@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.comcali dheete

Madaxweynha Somalia oo Shir Jaraa’id ku qabtay Muqisho,kana hadlay Xaallada Dalka iyo Higsiga Xukuumadiisa

$
0
0

culus1,May,2014(SDN/QJ)- Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goor dhawayd shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho isagoona ka hadlay arrimo dhowr ah.

Ugu horeyn madaxweynaha wuxuu hambalyo u diray shaqaalaha Soomaaliyeed, maadama maanta ay ku beegan tahay maalinta shaqaalah adduunka.

Madaxweynaha wuxuu ka hadlay dhibaatooyinka lagu hayo shacabka iyo diplomaasiyiinta Soomaalida ee Kenya ku sugan.

Wuxuu sheegay in warqad cabasho ah u qoreen dowladda Kenya oo weli ay jawaab ka sugayaan, isagoona intaas ku daray in xukuumadda ay u yeertay safiirkii u fadhiyay Kenya oo wax laga weydiinaayo xarigga qunsulka Soomaaliya ee Kenya Siyaad Maxammuud Shire.

Madaxweynaha waxaa uu ka hadlay howlgallada ka dhanka Al-Shabaab ee la doonayo in dalka looga xorreyo.

Wuxuu sheegay in weli howgallada ay socdaan, isagoona xusay in dhul badan laga qabsaday Al-Shabaab.

Wuxuu sheegay oo kale in howgalladaas ay dhaliyeen caqabado cusub, kuwaasoo ah in Shabaab magaalooyinka laga qabsaday ay go’doomiyeen isla markaana ay diiddeen in ay wax gargaar ah magaalooyinka galaan.

Wuxuu amar ku bixiyay in sidda ugu dhaqsiyaha badan loo furo waddooyinka ay xireen Shabaab isla markaana la geeyo gargaar iyo mucaawino kale.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Shabaab magaalooyinka laga saaray ay dumiyeen ceelashii biyaha isla markaana ay diddeen in wax ganacsi ah magaalada uu soo galo.

Wuxuu sheegay in aan laga seexan shuruucda baarlamaanka ay dajinayaan oo qaar badan oo xukuumadda ka soo baxay soona gudbiyay baarlamaanka la dhaqan galiyay, isagoona shegeay in ay u baahan tahay waqti badan.

Madaxweynaha ayaa ka hadlay hiigsiga 2016-ka isagoona sheegay in dadka Soomaaliyeed uu furan yahay, barnaamijkaas isagoona xusay in aaney jirin wax laga soo waariday ama fikrad shisheeye ka soo maaxatay.

“Hiigsiga 2016-ka waa mid ka yimid dadka shacabka, ma ahan fikir ajanabi. lama mid ahan kii Road Map-ka oo dad badan ayaa siddaas u maleenaya” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Ugu dambeyn wuxuu ka hadlay madaxweynahu, maamulada laga dhisaayo goobaha laga xorreeyay Shabaab, wuxuuna sheegay in wax yaabaha ugu horeeya ay qabanayaan uu yahay sidii adeegyadii looga heli lagaa maadama Shabaab ay go’doomiyeen.

.

SDN/QJ-Muqdisho

daacad@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com

 culus

Madaxwene Ku-Xigeenka Somaliland oo Maanta ka Qeyb galay Kulan Qaddo Sharaf oo Hogaanka Cusub ee Kulmiye u Sameeyay Maayarka Hargaysa

$
0
0

ssasasa1,May,2014(SDN/QJ)-Madaxweyne ku Xigeenka JSL,Md.Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici),maanta ka qeyb galay Kulan Qado sharax ahaa oo Maayarka Magaaladda Hargaysa u Sameeyay Hogaankii Dhawaan la sheegay in mar labaad loo doortay Hogaanka Xisbiga Taladda Somaliland haya ee Kulmiye.

Kulanka oo ay kazoo Qeyb galeen badi Hogaanka haatan Gadhwadeenka ka ah Xisbiga Kulmiye,ayaa waxa hadal kooban Madasha ka Jeediyay Mr.Saylci.waxaana uu  u mahadnaqay Maayarka Magaalada Hargaysa oo isagu Marti qaadka u fudiyay.waxa dhinaca kalena uu dhambaal Hanbalyo ah u diray Dhamaan Taageerayaasha Xisbiga Kulmiye.

Waxaana hadaladii uu Madaxweyne Ku-Xikeenka Goobta ka jeediyay ka mid ahaa “Salaan ka dib waxaan  marka hore ilaahaybaa mahadleh halkan isagu keen keenay inaga oo nabad,waxaan mar labaad u mahad naqayaa gudoomiyaha golaha deegaanka dagmada hargeysa ee caasimada Somaliland Cabdiraxmaan iyo golahiisa deegaanka mati qaadka sharafta badan ee ay nagu maamuseen hadaanu nahay hogaankii cusbaa ee KULMIYE doortay aad iyo aad ayaan ugu mahad naqayaa gudoomiyaha iyo saaxiibadiisa lagu maamuusay ,waxaan kale  oo aan aad ugu mahad naqayaa dhamaanba marti sharafta halkan ka soo qayb gashay aad baan ugu mahad naqayaa,waxaanan leeyahay taageerayaashii reer kulmiye ee noo codeeyey iyo intii aan noo codaynba waa dimuqraadiyad weeyaan”Ayuu yidhi Madaxweyne Ku-Xigeenka Somaliland.

.

SDN/QJ-Hargaysa

daacad@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com

 


Midawga Yurub oo lacago badan ugu deeqay in ceel biyoodyo laga qodo dalka Jabuuti iyo walaaca laga qabo in lacagta la lunsado

$
0
0

Jabuuti May 02,2014(SDN/QJ)-Midawga Yurub ayaa ansixiyay deeq lacageed oo dalka Jabuuti u suurto gelinaya in tiro ceel biyood dalkaasi laga qodo.

Dawlada Jabuuti ayaa mudo dheer codsaneysay deeqdan ceelasha biyaha lagu qodayo balse reer Yurub ayaa ka walaacsan heerka musuqa ee xukuumada iyo ku tumashada xuquuqaha aadana.

Wadahadalo mudo qaatay ka dibna Midawga Yurub waxa ay Jabuuti u ansixiyay aduun dhan 2 billion  oo francs oo u dhiganta $11 million.

Lacagtan aya aloo qoondeeyay in dalka Jabuuti looga qodo lix ceel biyood oo ku shaqeeya ileyska qoraxda.

Walaaca kooxaha u kuur-gala musuqmaasuqa xukuumada Jabuuti ayaa walaac weyn ka qaba in xukuumada Jabuuti sidii caadada u aheyd ay u lunsato deeqdan.

Dalka Jabuuti ayaa tobankii sanadood ee u danbeeyay ku jiro abaaro dhaliyay roob la’aan sababy in haraad badani roo wejaho dan yarta dalka.

Saadaaliyeyaasha cimiladana waxa ay isku raaceen in ay suurto gal tahay in isbedelka cimiladu keento roob yaraan dheeri ah.

SDN/QJ-Jabuuti

contact@somalidasporanews.com

contact@qurbejoog.com

Gudoonka Jamacadda Hargeisa oo ku Adkaystay Kordhinta Lacagta iyo Mowqifka Ardayda. By:Xasan Qamaan

$
0
0

hhahahhah Mudo laba todobaada ayaa laga joogay xili ay ardayadu

jamacadda hargeisa  mudaharaada ay kaga cabanayaan kordhinta lacagta

laga qaado  jiray  ee fee-ga  Semesterka oo lacag cusub  lagu daray

ayaa joojisay tagtaanka jamacadda hargeisa iyagoo oo sobob uga dhigaya

inanay qaadi Karin wakhtigan lacag dheer ah.

Ardayda  qaar ka mid aya xidhna mudo todobaad ah iyaga oo ay  ciidmada

amaanka ku  qabteen mudahaarad ku muujinayeen siday uga xun yihiin in

wakhtiga lagu kordhiyo lacag qaar mid class-yada  jamacadda oo ay ku

tilmaameen inay tahay wax ka fog cadaalada iyaga  sobob uga dhigay

inan lagu kordhin ardayda ku jirta afarta sano ilaa sadex sano ee

dhigta jamaacadda ardaydii lagu qabtay mudaharaadka ayaa ku jiray

saldhig –yada mudo todobaada ah waxa dadaal ka galay sidii loo soo

dayn laha walidintiina dhalay ubadka xidhan.

Gudoonka jamacada hargeisa ayaa ku adkaystay kordhinta lacagta cusub

ee ay ku kordhiyeen ardayda ku jirta mudada labad- sanadood ah oo

gaadhaysa $ 30  halka horay looga qaadi jiray semester-ka $180

maamulka jamacada  iyaga  oo sobob uga dhigay in kor loo qaadayo

tayada warbarshada jamacadda  iyo macaliniminta wax u dhiga ardayda.

Hadaba waxan arintan ka wareysanay Gudoomiye ku Xigeenka Jamaacadda

Hargeisa Prof.C/salan Yasin oo aan wax ka waydinay wax xiligan keenay

kordhinta lacagta qaar ka mid ah ardayda wax ka barata jamaacaadda iyo

sidii  loo xalin laha cabashada ardayda oo gaadhay inay joojiyaan

waxbarashadii  Gudoomiyaha oo faahfaahinaya waxa uu yidhi kordhinta

lacagta cusub.

By:Xasan Qamaan

 

Xuska Dhimashadii Marxuun Cigaal oo Beri ku Beegaan Iyo Barnaamij ay Qurbejoog ka Diyaarisay {DHAGAYSO}

$
0
0

Hargaysa 02.May 2014 (SDN/QJ)- Waxay maalinta beri ah ku beegan tahay Sannad Guuradii 12aad ee ka soo Wareegtay Markii uu Geeriyooday Madaxweynihii hore ee Somaliland Marxuun Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal.

Shabakada Somalidiasporanews.com Waxay halkan idiinku soo Gudbinaysaa Khudbadihii Taariikhda Galay ee uu fagaarayaasha ka Jeediyay Marxuun Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal.

GUJI HALKAN OO MOBILKAAGA KA DHAGAYSO KHUDBADIHII CIGAAL


Hargaysa SDN/QJ.

contact@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com

Madal Xafladeed Xalay Ay Ardeyda Somaliland Ee Perlis Malaysia Kula Kala Wareegayeen Xilka Gudoomiyanimo Iyo Ku Xigeenkiisa

$
0
0

Xaflad xalay ka dhacdey putra palace hotel, kangar Malaysia oo ahayd madal is huwan oo koobsatey wajiyo badan ayaa si sharaf iyo maamus leh loogu sacabo tumay xil wareejin ka dhacdey halkaasi,

Xilkan oo ah mid sannadle ah, sannadkiiba ay jaaliyadda Ardeyda Somaliland ee gobolka Perlis, Malaysia kula kala wareegaan xilka gudoomiyonimo iyo gudidiisaba, halkaas oo Warbaahinta QURBEJOOG.COM ay goob joog ka ahayd, ayaa waxaa ka soo qayb galay gudoomiyaha Somaliland ee Jaliyadda UUM, University Utara Malaysia, iyo gudidiisa oo si heer sharaf leh loogu soo dhaweeyey Madashan.

Sidoo kale waxaa halkaasi ka soo qayb galay gudoomiyihii here ee xilkan wareejinayey Abdirisaq Abdillah Abdi (Sheekhaawi) oo si maamus leh uga warramey soona koobay waxqabad wax ku ool ah oo ay ka fuliyeen mudadii ay xilka hayeen isaga oo ku dheeraadey dhanka isku duubnida iyo midnimada Ardey Somaliland ahaanimo faaidada ay leedahay, waxaanu sidoo kale u mahad celiyey dhamaan ka soo qayb galayaasha xafladaasi, gaar ahaan waftiga ka socdey jaaliyadda UUM.

Waxaa isna halkaas hadal dheer ka jeediyey gudoomiyaha jaaliyadda jamacadda UUM Farax Axmed, oo si qoto dheer uga waramey muhiimada isku imaatinkan iyo xilkan xalay la wareejinayey, waxa uu godoomiye Farax kalmado dardaaran, waano iyo ducaba u jeediyey dhamaan ka soo qaybgalayaashii isaga oo si gaar ahaaneed talo iyo tusaalena u jeediyey gudida iyo godoomiyaha cusuba,

Xafladan oo u muuqatey mid si meeqaam sare loo soo agaasimay ayaa gabagabadii waxaa xilkii la wareegay gudoomiyaha cusub Ahmed Hassan Adan iyo G/xigeenkiisa oo kala wareegay gudoomiyihii hore iyo gudidiisii, halkaas oo uu godiimiye ku xigeenka jaliyadda Somaliland ee Perlis, Malaysia kaga dhawaaqey gudida cusub una rajeeyey waxqabad iyo hufnaan, shegayna in hawl culus u taal.

 

Gudoomiye:   Ahmed Hassan Aden

G/xigeen:        Ahmed Mohamed Abdillahi

Xubin  :            Mohamed Adam Hassan

Xubin :             Saed Mohamed farah

Xubin:              Osman yusuf  Osman

 

IMG-20140501-WA0004 IMG-20140501-WA0033 IMG-20140501-WA0036

Wararkii Caawa ee Dalka iyo Dibada ee Shabakada Qurbejoog.com {DHAGAYSO}

$
0
0

Hargaysa 02.May 2014 (SDN/QJ)- Ku Soo dhawaada Dhamaan Akhyaarta ku Xidhan Shabakada Somalidiasporanews.com Meel kasta oo Dunnida Dacaladeeda aad kaga Sugan Tihiin Warar Wixii Naga  Soo Gaadhay Dalka Gudihiisa iyo Dibadiisa oo aanu idiinka Soo Gudbinayno Studiyaha Qurbejoog.com ee Caasimada Somaliland ee Hargaysa .

Waxaa Warka Caawa  Idiin Soo Tebin Doona Weriye Maxamed Xasan Daacad ee Dhagaysi Haboon.

Fiiro Gaara:- Dhagaystayaal Wixii Tallo iyo Tusaale ah Waxaad Noogu soo Gudbinaysaan Emailada Hoos Ku Qoran,Anagoo soo Dhawaynayna Rabitaankiina iyo Toosintiinaba.

GUJI HALKAN OO MOBILKAAGA KA DHAGAYSO WARARKII CAAWA EE QURBEJOOG


Hargaysa SDN/QJ.

contact@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com

Viewing all 6893 articles
Browse latest View live