Quantcast
Channel: Features – qurbejoog.com
Viewing all 6893 articles
Browse latest View live

(DHEGEYSO) Mucaaridka Jabuuti oo isku urursaday Washington iyo baaqyo ay u kala direen Obama iyo Soomaalida

$
0
0

Washington May 05,2014(SDN/QJ)-Mucaaridka dawlada Jabuuti ayaa saga kala yimi gobolada dalalka Mareykanka iyo Canada si ay u muujiyaan diidmadooda ku wejahan xukuumada madaxweyne Ismaciil Cumar Geelle oo booqanaya Washington.

Mucaaradka oo qaar ka mid ah nooga waramay abaabulkooda isu soo bax ay ku hortagayaan Aqalka cad ee Mareykanka ayaa sidoo kale baaqyo u kala diray madaxweynaha Mareykanka Barack Obama iyo Soomaalida, HALKA HOOSE KA DHEGEYSO.

HALKAN GUJJI SI AAD UDHEGEYSATO MUCAARIDKA JABUUTI OO MUDAHARAADYO KA ABAABULAYA WASHINGTON IYO BAAQYO AY U KALA DIREEN OBAMA IYO SOOMAALIDA


Xisbiga Cadaaladda Iyo Daryeelka Ucid Waxaa Uu Warsaxaafadeedkan Ku Soo Saarey Maamulka Cusub Ee Laanta Finland

$
0
0

Finland 05May14(SDN) Xisbiga Cadaaladda Iyo Daryeelka Ucid Waxaa Uu Warsaxaafadeedkan Ku Soo Saarey Maamulka Cusub Ee Laanta Finland oo dib habayn loogu sameyey iyo baahida loo  qabo in maamulkii hore dib habayn logu sameeyo waxa uu soo saray war saxafadeedkan

 

JAMHUURIYADDA SOMALILAND REPUBLIC OF SOMALILAND

Xisbiga Cadaaladda Iyo Daryeelka {UCID} Justice and Welfare Party
Ref/UCID/3271/2014 Date: 03/05/2014
Ujeedo/Xilal Magacaabid
Xisbiga Cadaaladda Iyo Daryeelka Ucid Waxaa Uu Warsaxaafadeedkan Ku Soo Saarey Maamulka Cusub Ee Laanta Finland
Sidaa Awgeed Xisbiga Cadaaladda Iyo Daryeelka Ucid Markuu Arkay Baahida Weyn Ee Loo Qabo In Dibu Habeyn Lagu Sameeyo Maamukii Hore Ee Laanta Finland
Markuu Xisbiga Ucid Ku Qancey Kartida Iyo Hawlkarnimadooda,Waxaa Maanta Oo Taariikhdu Tahey 03-05-2014 uu War-Saxaafadeedkan Ku Magacaabey
1. Jamaal Maxamed Mahamud (Gudoomiyaha Laanta Finland)
2. Xassan Cumar Hurreh (Gudomiye Ku Xigeen )
3. Cabdi Jamac Axmed ( Xoghaye )
4. Maxamed Cismaan Buux ( Gudoomiyaha Dhalinyaradda Ee Laanta Finland

Gudoomiyaha Xisbiga Ucid
Eng: Faysal Cali Waraabe

Xafiiiska Tvga Qaranka ee Uk oo beniyey warar lagu dabacay websadyada qarkood shegayna in ay hawshu sidiisa u socoto

$
0
0

London 05May14(SDN) Wariyaha ruug cadaga ee Dahir Ismaciil oo waraysi gaara siyey qurbejoog ayaa waxa uu shegay in anay jirin in Tvga qaranka laantiisa uk in alabaada loo xiray waxana uu shegay in Tvga ay hawshiisa ay sidii loogu tala galay ay ku socoto dhawaana laysku diyaarinayo in baraamijyo Live la sii dayn dono loona diyaar garoobayo xaflada 18May14 waxana uu tvga qaranku dubay heeso wadani laantiisa Uk isaga oo la dardar galiyey Dahir ayaa ugu baqay dhalinta reer somaliland iyo warbaahinta madaxa banaan inay iska ilaaliyaan wararka aan salka iyo raadka lahayn ee laga daabaco  waxa mudan in ay soo boqdaan xafiska hubiyana hawsha halka ay marayso shabakada wararka qurbejoog oo boqotay goobta ayaa waxa noo surta gashay inaan ka qayb qadano heestan cusub oo hada la soo saray oo aan idiin soo gudbin dona  iyada oo hawshu si rasmiya u socota.

 

Daawasho Wacan heesta

Waa hees cusub oo la magac baxday “CALANYAHOOW DHISNOOW OO HA DHEELIYIN”, Waa codkii iyo midhihii Al-Fanaan Cabdi Cumar Cabdi, Laxankii Cabdi Rashiidh Indho, Musigii Axmed Saalax Qaasim. Habayntii Iyo Soo-saariddii SLNTV London UK.

Those who claims submitted the so called petition letter to somaliland president does not distinguish between petition and lawbreakers

$
0
0

Petition is request to do something, most commonly addressed to a government to reconsider a decision taken in the past that is considered be based on injustice, which is not in the case of owner of Haatuf News network   Petition does not involve any legal definition or title of a legal pleading that initiates a legal case. Petitions were a common form of protest and request to the British house of common in the 18th and 19th centuries. The most common petitions known to many is the one sought to free Nelson during his imprisonment by the former apartheid government of south.

 

The petitions had no legal effect, but the signatures of millions of people on the petitions represented a moral force that may have helped free Mandela and end apartheid. None-government organization such amnesty often use petitions in an attempt to exert moral in support of various causes. Other nongovernmental subjects of petition drives include corporate personnel decisions. However, the so called petition that some personalities claims submitted to the president is like a request to support injustice. Those personalities seek to lift the ban for a newspaper committed insults against most respected personalities in our country. Those individual does not differentiate between victims or the innocents and lawbreakers that they support at present or culprit. A culprit is the one who sources the cause of the problems. in conclusion, the chief editor of Haatuf news network, Gaboobe is one the sources of problems in Somali-land and the continuity for the ban of newspaper services the interest of Somali-land.    

 

Ismail Yusuf 

SHIRKII KULMIYE: Run mise Riyo?

$
0
0

Abidkay xisbi aan maqlo, iyo magaca “Xisbi” ba waxa ii gu horeeyay midkii la odhan jiray Xisbiga Hantiwadaagga ah ee Kacaanka Soomaaliyeed (XHKS). Waa xisbigii, ama xisbi-ku-sheegii uu Maxamed Siyaad u samaystay in uu wadanka ku xukumo. Ama se ma ahee, uu u la jeeday in uu caalamkii shuuciga ahaa ee waagaas u gu sheego, in wadanka uu xisbi hanti-wadaag ahi ka jiro. Waxa uu ahaa, amaba loo dhisay, in uu ahaado aalad uu qof bulshada ka mid ahi ku liido/saqiiriyo caqliga dadka kale oo dhan. Xisbiyadda manta ee Somaliland kaas bay tubtiisii hayaan, waxay na u dhisanyihiin, in qof uun, hada waa qof kaliya, uu ku gaadho xukunka.

 

XHKS wuxu ahaa xisbi balaadhan, oo xubnahiisa iyo gudiyadiisu aanay is aqoonin. Wuxu ahaa xisbi shirarkiisa kharash aad u badani ku baxaan, isla markaana, wax natiijo ahi aanay ka soo bixin. Hogaanka xisbiga la ma bedeli jirin, marka sanado door ah la joogo na, wadanka waxa uu xisbigu ka qaban jiray wax la gu sheegi jiray doorasho. Doorashadu ma ahayn doorashada aad mooday. Gadhku gadhka aad mooday ma aha ayaa nin la ga hayay. Wadanka oo dhan sanaaduuq baa la gayn jiray, waxaana dadka la waydiin jiray afti ah “Haa” ama “Maya”, oo ku saabsan hogaaminta wadanka ee Jaale Siyaad. Mar kasta oo aftidaasu dhacdo ba, natiijadu waxay ahaan jirtay 99 boqolkiiba oo “Haa” u gu codaysay in uu Hogaamiyaha Kacaanka, badbaadiyaha umadda, Aabaha garashada, Jaale Siyaad, uu wadanka sii hogaamiyo. Hees na waa loo gu dari jiray, oo la odhan jiray, “Cimrigii jiryoow, caynaanka hay, waligaa hay.! Saw ma aha?

 

- Marmaroor tusyaa iyo jidkii, toosan mariyaaba.

- Siduu ula macaamilan jiriyo, maamulkuu barayey.

- Ardaygu meel uunbuu uga ekaan, macallinkiisiiye. (Dhoodaan)

 

 

 

Aan is waydiino- Shirkii mudada dheer foolanaayay ee Kulmiye maxaa ka soo baxay? Amaba se ma ahee, marka hore ba maxaa horta shirka loo qabtay? Maxaa loo gu baahday in kumanaan qof wadanka debeddiisa iyo gudahiisa ba loo ga yeedho, oo aduunyo tiro badan la kharash gareeyo? Bal u fiirso: shirwaynaha xisbiyadu marka ay dhacayaan, waa xisbiyadda dhabta ah, ujeedadu waxa ay tahay, in dadka xisbiga xubnaha ka ah talo la ga waydiiyo qorshe-hawleedka xisbiga. Si kale hadii loo digo, wa in ay xalaaleeyaan qorshaha xisbigu ku socdo, iyo hogaanka xisbiga wadi doona ba. Waa in la dodo, la is maskax tuujiyo, isla markaana, hogaanka xisbiga ee la filaayo in uu hogaanka umadda noqon doono, la biyo-dhiijiyo, oo xisbigu ku qanco. Waa in dimuquraadiyaddu ay xisbiga dhexdiisa ka soo bilaabanto, ka dib na wax la soo bisleeyay dadwaynaha loo la tago.

 

Aan afar su’aalood oo muhiim ah is waydiino: shir-waynihii Kulmiye miyaa loo sheegay, ama talo la ga waydiiyay qorshaha xisbiga, waaba hadii qorshe jiree? Miyaa musharaxii doorashada 2015 la doortay? Miyaa xukuumad iyo xisbi toona, ay jirtaa cid masuuliyiin ah oo la la xisaabtamay? Miyaa hogaaminta xisbiga (Gudoomiyaha) la gu tartamay? Saw jawaabta intaas oo dhami “Maya” ma aha? Hadaa maxaa la ga shiray? Hadii dad kooban, oo faro ku tiris ahi meel madaw ku soo go’aamiyeen wax kasta iyo kalmad kasta oo shirka la ga yidhi, maxaa kumanaanka qof loo soo shiriyay? Xisbiga Kulmiye, oo ay la qabaan kuwa kale na, doodoodu waxay tahay, dhexdayada dimuqaraadiyadi ma jirto, laakiin dadwaynaha dimuquraadiyad baanu u soo wadnaa. Waa sidee xaalku? Ma run baa tani mise waa riyo?

 

Gees kale fiiri. Fadhiidnimadii xisbiyada wadanku ay wada qabeen, Kulmiye maanta siyaado ayay ku kordhiyeen. Waxay jeexeen wado cusub. Waxay si qayaxan umadda u gu sheegeen in beel-beel loo qaybsaday ergooyinka shirwaynaha. Reer-qansax intaas bay heleen, iyo Reer-qudhac intaas bay heleen ayay ku soo saareen bayaan rasmi ah oo Kulmiye ka soo baxay. Haa, waa dhab in qabiil wax ku qaybsiga iyo qabiil wax ku dhisidda, oo ah dhaqan aad u liita, loo adeegsado wax kasta oo la qabanaayo, laakiin aniga ogaalkay, marnaba sedan hadda uu Kulmiye sameeyay, ee ah Reer-hebel iyo reer-hebel intaas oo ergo ayay leeyihiin la ma odhanin. Tani waa aqbalaad rasmi ah, oo la gu aqbalay nidaamkaas reer-hebelnimada. Si kastaba, kolka la eego habkaas Ina Barre la ga dhaxlay, ee xisbinimada hoosta ka madahn ah, ee meel aan talo la isku waydiinaynin, kumanaan qof la gu soo shirinaayo, iyo tan cusub ee qabiilo wax ku qaybsiga qaawan ah, waxa I noo soo baxaaya sawir foolxumo badan.

 

Taariikhdu, waxa la yidhaahaa, way isa soo celisaa (history repeats itself). Dhab ahaan, dhacdooyinka taariikhdu waa tagto oo ma soo noqdaan, wax se loo ga jeedaa, waxyaabaha horey u dhacay, kuwo la mid ah ama aad u gu eg baa mar iyo marar kale ba dhaca. Nin la odhan jiray George Santayana, oo ahaa faylasuuf wax ka bari jiray jaamacadda Harvard 1950s kii ka hor, ayaa la ga hayaa odhaah ahayd, kuwa aan dhacdooyinka taariikhda wax ka baranin, waxa la gu ciqaabaa in ay mar kale ku noqdaan qalad kii hore – “Those who cannot remember the past are condemned to repeat it.” Kuwaasu inaka miyaanay ahayn? Ilaa hadma ayaynu sedan sii ahaan karnaa?

 

  • Inta aad sidan tiin.
  • Salkoo meel aad dhigtaan.
  • Waa dameer san madaw,
  • iyo sacabkaas oo timo yeeshoo.
  • Sina loo arki maayo. (Timacade)

 

Qalinka: M. Haaruun – mbiixi@gmail.com

DAAWO:Ergeyga Mucaaridka Jabuuti ee USN Canada iyo Jaaliyada reer Jabuuti oo mudaharaad ka hor dhigay safaarada Mareykanka

$
0
0

Ottawa May 06,2014(SDN/QJ)-Ergeyga Dalada Mucaaridka Jabuuti ee USN Siyaasi Xuseen Cabdiraxmaan Jaamac Cadhoole iyo jaaliyada reer Jabuuti ee dalka Canada ayaa safaarada horteeda ku qabtay isu soobax ay uga soo horjeedaan booqashada madaxweyne Ismaciil Cumar Geelle uu ku joogo dalka Mareykanka.

DAAWO:Soomaalida Minneapolis oo masuuliyiin ka tirsan dawlada Mareykanka kala hadlay tacadiyada dawlada Kenya kula kaceyso Soomaalida

$
0
0

Minneapolis May 06,2014(SDN/QJ)-Soomaalida ku nool magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka oo is abaabulay ayaa la kulmay qaar ka mida masuuliyiinta dawlada Mareykanka ee Gobolkaas ka soo jeedsi ay ugala xaajoodaan in dawlada Kenya culeys lagu saaro in ay joojiso bar tilmaansiga Soomaalida Kenya.

Madaxweyne Siilaanyo Iyo Kooxda Ku Hareeraysan Oo Ka Naxay Hadalkii Muuse Biixi, Kuna Mashquulsan Qaabkii ay Jawaab u Bixin Lahaayeen

$
0
0

Hargeysa:May,06,2014(SDN/QJ)-Dhawaaqii dhawaan ka soo yeedhay Guddoomiye Muuse Biixi ee  uu ku sheegay inuu u taagan yahay Musharaxnimada Madaxweynenimo ee Xisbiga Kulmiye, ayaa shaki iyo isku dhexyaac badan ka dhex dhaliyey Madaxtooyada Somaliland oo aan ku farxin hadalkan.

sbaabaSida ay sheegayaan warar aanu ka helayno Madaxtooyada Somaliland, waxa Hadalkaas aad u dhibsaday Hoggaanka sare ee Dalka oo uu ugu horreeyo madaxweyne Siilaanyo oo walaac badan ka muujiyey dhawaaqa sida degdegga ah uga  soo baxay afka Guddoomiye Muuse.

Wasiirrada iyo xubnaha  uu qalbigooda xulay Jacaylka Madaxweyne Siilaanyo, isla-markaana Godobta Badan u galay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, ayaa  muraaradillaac ballaadhan ka muujiyey Hadalka Guddoomiyaha xisbiga, waxana ay soo jeediyeen in la diyaariyo Tallaabadii laga qaadi lahaa, maadaama uu ku dhiirraday inuu Odhaadhaas sheego xilli aan shirweynihii Xisbigaba laga joogin Toddobaad.

Wasiirrada Wasaaradaha Madaxtooyada, Duulista Hawada, Macdanta,Arrimahha Gudaha, Waxbarashada, Warshedaha iyo waliba Saraakiil tiro badan oo Guulwadaynta caan ku ah ayaa soo jeediyey in si wada jir ah jawaab looga bixiyo hadalkii Muuse Biixi, balse wali waxba la islama Meel dhigin.

Wali ma jirto tallaabo lagaga hortegayo Damaca Muuse Soo Qaddimay oo madaxtooyada shexdeeda la iskaga raacay, waxase haatan lagu hawllan yahay wixii laga odhan lahaa arrintaas, iyo waliba ciddii  odhan lahayd.

Madaxtooyada ayaa si weyn uga naxday Hadalka Guddoomiyaha Kulmiye, waxana soo kordhaya wararka ay arrintaasi ku keentay Madaxweynaha iyo Kooxda ku Hareeraysan oo iyagu doonaya inuu  madaxweynuhu shan sano oo kale soo noqdo.

Guddoomiye Muuse ayaa isagu markii uu hantiyey Sharciyadda Guddoonka Kulmiye u badheedhay inuu Musharax yahay, waxana taas ka dhashay Buuq iyo sawaxan shaki badan dabada ku haya oo Guddoomiye Muse looga shakiyey inuu arrintaas ka dhabayn doono.

Haddii  uu hadalkaasi ka dhab yahay Guddoomiye Muuse Biixi, waxa xaqiiqo ah inuu heli doono Codad badan oo uu musharax ku noqon karo, waxase durtaba soo baxaya cadaadis ka dhan ah oo kaga imanaya dhinaca xukuumadda oo u muuqata mid isa siisay musharaxnimada Xisbiga ee shanta sano ee soo socota.

SDN/QJ-Hargeysa

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com


Cabdi Fataax Al-Ziizi Oo Wacad Ku Maray Inuu Dalka Masar Ka Sifayn Doono Ikhwaanka,Hadii Madaxweyne Noqdo

$
0
0

asiisi06,May,2014(SDN/QJ)-Taliyihii hore ee militeriga Masar ee la filayo in uu ku guulaysta doorashada laga qaban doono dalkaas, ayaa sheegay in ururka Ikhwaanul Muslimiinka uusan sii jiri doonin haddii isaga loo doorto madaxweyne.

Cabdulfataax Al-Sisi, ayaa sheegay in dadka reer Masar ay diideen ururka Ikhwaanul Muslimiinka.

Waxa warka dad badan oo Masaari ahi ay Guuxeen uu ka sheegay  mar uu ka hadlayay TV-ga Qaran ee Dalka Masar wareysigii ugu horrey ee uu bixiyo tan iyo markii uu si rasmi ah isu soo sharaxay.

Al-Sisi, ayaa hoggaaminayay militeriga dalkaas markii xukunka laga tuurayay Maxamad Mursi bartamihii sanadkii hore.

Hal musharrax oo kaliye, ayaa la sheegayaa inuu  doorashada kula tartamayo Al-Sisi, waxaana la filayaa inuu  ka guulaysan doono,sida ay sheegayaan dadka u Dhuun Daloola Siyaasadda Masar.

Doorashada madaxweyne, ayaa dalkaas laga qaban doonaa muddo saddex toddobaad gudahood ah.

Al-Sisi, ayaa wasiirka difaaca u ahaa, Maxamed Mursi, madaxwaynihii Ikhwaanul Muslimiinka ka hor intii uusan xukunka ka tuurin.

SDN/QJ-Qaahira

daacad@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com

 

 

Daawo Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo London soo gaadhay aaadna loogu soo dhaweeyey.

$
0
0

London 05May14(SDN)Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa xalay kasoo degan gagida diyaaradaha ee Heathrow International Airport isaga oo kasoo kici timay dalkan Finland oo uu booqasho ku joogay,Gudoomiye Faysal ayaa aad loogu soo dhaweeyey tageerayaasha Xisbiga UCID..Waxa uu dhawaan la kulmi donaa tageerayaasha Xisbiga,kana warami doona hawlo badan oo ku saabsan Somaliland iyo Xisbiga UCID ba. Waxa isaguna dhawaan soo gaadhay dalkan Ingiriiska Musharaxa Xisbiga UCID Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen.Gudoomiyaha sadexaad ee xisbiga Ucid Cali gurey. halkan kaa daawo sawiradii iyo vidyaw ay qurbejoog idiinka diyaarisay.

1001981_10203703580051510_2920110581971312438_n

 

 

.

Madaxweyne Siilaanyo Oo Magacaabay Wakiilka Somaliland Ee Turky-ga

$
0
0

ssssiiii06,May,2014(SDN/QJ)-  Madaxweynaha JSL Md.Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo),ayaa Magacaabay Wakiilka Somaliland u Fadhi Doona Dalka Turkiga.

War-saxaafadeed Goor-dhawayd laga soo saaray Qasriga Madaxtooyadda ayaa lagu sheegay in laga Bilaabo Maanta Madaxweyne Siilaanyo u magacaabay inuu Noqdo Wakiilka Somalinad ee Turky-ga Md. Cali Axmed Cismaan (Tuuhe).

Warsaxaafadeedkii oo dhamystirana waxa uu u dhignaa sida tan: “War-saxaafadeed-Date: – 06/ 05/2014

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu Digreeto Madaxweyne oo sumadeedu tahay, JSL/M/XERM/249-2467/052014 Wakiilka Jamhuuriyada Somaliland u fadhiyidoona dalka Turkiga.

MADAXWEYNUHU:-

Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (r) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda Wakiiladda Somaliland u fadhiya dalalka dibaddu u leeyihiin dhismaha Qaranka;

Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagada Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya dalka Turkiga;

Markuu La Tashaday: Madaxda ay khusayso;

Markuu Ku Qancay: in uu hanan karo, aqoon iyo kartina u leeyahay jagadan;

Wuxuu go’aansaday

In Mudane, Cali Axmed Cismaan (Tuuhe), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Turkiga.”

ALLAA MAHAD LEH

Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

SDN/QJ-Hargaysa

daacad@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com

Wasiir Ku Xigeenka Amniga ee Arrimaha Gudaha oo Ka Hadlay Sababta uu Xilkiisii ku Waayay iyo Khilaaf Weli taagan {DHAGAYSO}

$
0
0

Hargaysa 06.May 2014 (SDN/QJ)- Xaflado ay Xilalka kula Kala Wareegayeen Mas’uuliyiintii uu Madaxweyne Siilaanyo horaantii Todobaadkan Magacaabay ayaa Maanta Xilalkii loo Igmaday Si rasmi ah ula Wareegay.

Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Arrimaha Gudaha ee Maamulka Gobolada iyo Degmooyinka Mudane Cismaan Garaad Soofe ayaa Xilalkii isna u kala wareejiyay Wasiirku Xigeenka Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Wasiir ku Xigeenka Cusub ee loo magacaabay.

Wasiir Ku Xigeenka Amniga ee Wasaarada Arrimaha Gudaha C.laahi Abokor Cismaan ayaa Biniixiyay Sababaha uu ku Waayay Xilkiisii Isla markaana Sheegay in Qadiyada Xil ka Qaadistiisu ay Weli taagan tahay.

GUJI HALKAN OO MOBILKAAGA KA DHAGAYSO HADALKII WASIIR KU XIGEENKII HORE


Hargaysa SDN/QJ.

contact@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com

DAAWO:Siyaasi Abdillahi Kader Waberi oo ka waramaya sida xisbiga MRD ee Jabuuti ummadii u kala qeybiyay

$
0
0

Brussels May 06,2014(SDN/QJ)-Siyaasiga reer Jabuuti ee Abdillahi Kader Waberi oo ku nool magaalada Brussels ee dalka Belgium ayaa noqday siyasigii u horeeyay ee ku dhiirada in uu bulshada u soo bandhigo sida ay masuuliyiinta qurbejooga ee xisbiga Jabuuti laga mumnuucay ee MRD ummadda u kala qeybinyaan.
Masuulkani waxa uu si faahfaahsan u sheegayaa cago jugleynta ay masuuliyiinta MRD ee dalka Bilgium kula kacaan shacabka aan xisbigooda taageerin iyo waxa ka dhalan kara.

Khudbad Sannadeedkii Distooriga ahayd ee Madaxweyne Siilaanyo labada Gole u Jeediyay Akhri

$
0
0

Hargaysa 07.May 2014 (SDN/QJ)-Shirgudoonka Baarlamaanka, Mudanayaasha Labada Gole, Wasiirada, Xisbiyada Qaranka, Marti sharafta, dadweynaha iyo saxaafadda, waxan idinku salaamaya salaanta islaamka:

 

Assalaamu calaykum waraxmatullaahi wa barakaatuhu”.

 

Ugu horeyn, waxan salaan iyo mahadnaq u dirayaa dhamman shacbiga Somaliland gudo iyo dibedba, meelkasta oo ay joogaan.

 

Mudanayaal iyo Marwooyin,

 

Waxa sharaf iyo maamuus ii ah in aan sannadkii 4aad hor imaado aqalka Baarlamaanka Somaliland ee Guurtida iyo Wakiiladda, taas oo aan ka hor jeedinayo khudbad sannadeedka uu Dastuurkeenu igu waajibiyay, waxaanan khudbadayda kaga hadlayaa warbixinta sannadkii tegey iyo Qorshaha Xukuumadda ee sannadka cusub, iyada oo aan si gaar ahna ugu tilmaamo wixii xaalad daruuri ah in laga waramo.

 

Somaliland waa qaran saddex iyo labaatan jirsaday oo qaangaadh ah, waa qaran ay dadkiisa iyo dawladdiisuba mar kasta iyo goorkastaba u soo jeedaan. Labaatankaa sannadood ee ay Somaliland jirtayna shacbi iyo dawladba, Somaliland, waxay halgan ugu jirtay, dadaal ay ku xaqiijinayso qaranannimadeeda, adkaynta nabadgalyada, kor u qaadidda adeegyada aasaasiga ah ee waxbarashada, caafimaadka, biyaha iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha.

Waxaan jecelahay in aan sannadkan warbixintayda ku saleeyo heerka aynu ka joogno dhinacyada kala duwan ee Nabadgelyada, Siyaasadda iyo adeegyada bulshada.

 

Waxaana hubaal ah in maanta Somaliland marayso meel aan indhaha laga qarsan-karin, iyadoo buuxisay shuruudihii looga baahnaa. Waxaase jirta in cadawga Somaliland ku hawlanyahay hagardaamooyin uu ku waxyeelaynayo himilada umadeena oo ah Dawladnimo iyo Qaran cagihiisa ku taagan oo beesha caalamka ka mid ah.

 

Warbixinta Xukuumada

 

Ballanqaadkayagii iyo Barnaamijkii Siyaasadeed fulintooda waxaanu u soo kala horreeysiinay sidii ay u kala muhiimsanaayeen ee ay baahida dalku ahayd, isla-markaa ay awoodda dhaqaale inoo saamaxaysay. Waxaanan idiin sheegayaa in balanqadayadaa qiyaas ahaan %85 ka mid ahi qabsoomeen, oo ay sidii loogu talo galay u fuleen, halka %12 gacanta lagu hayo oo aanu ku rajo weynnahay inay maalmaha soo socda dhammaadaan, %3 keliya ayaan filaynaa waxa aan noo qabsoomin ku talogalkayagii.

 

1.    Nabadgelyada:

 

Nabadgelyadu waa aasaaska nolosha aadamaha, waana halbawlaha dal ku tamariyo ee aanu la’aanteed jiri-karin amase aanu horumar higsan-karin, haddii aan nabadgelyo jirin. Waa wax Ilaahay loogu mahad naqo inuu dalkeenu maanta ku sugan yahay nabadgelyo aad u heer saraysa oo aynu ka mid nahay dalalka Africa ugu nabad gelyada fiican.

 

Waxaanay nabadgelyadu ku dhisantahay dedaalka Ciidamada ammaanka, soo jeedka iyo feejignaanta bulshada iyo tacabka iyo joogtaynta ay ciidammada qaranku ugu jiraan heeganka illaalinta dalka iyo dadka.

 

Sida aad wada dareensan-tihiin, waxa jira cadow badan, oo u quudhiwaa iyo xiqdi dartii, doonaya inay wiiqaan degenaanshaha, dimoqraadiyadda iyo horumarka aynu ku talaabsanay, iyagoo adeegsanaya tabo iyo xeelado qarsoon. Waxa hubaal ah in aanu cadawgu kelidii waxyeelo inoo gaysan karin, haddii aanu helin qaar inaga mid ah oo dhagaraha cadawgu inala beegsanayo gacan ka geysanaya.

 

Anagoo ku dedaalayna sidii aan kor ugu qaadi lahayn tayada, tababarka, dhaqaalaha iyo mooraalka Ciidanka, waxaanu kordhinay mushaharooyinkii, waxaanu siinay Derajooyinkii, waxaanu u samaynay Kulliyado iyo Dugsiyo-tababar oo aqoontooda kor loogu qaado. Sidoo kale, waxaanu idiin soo gudbinay shuruucdii ay ku shaqayn lahayeen (Xeerka Sirdoonka Qaraka, Xeerka Booliiska iyo Xeerka La-dagaalanka Argagixisada). Waxaanan idinka codsanayaa in aad gacan naga siisaan.

 

2.    Siyaasadda Arrimaha Dibedda iyo Ictiraaf Raadinta:

 

Waxaanu u guntanay xaqiijinta iyo taabo-gelinta madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland, sidii ay uga mid noqon lahayd bulshada caalamka, una heli lahayd aqoonsi buuxa.

 

Illaahay mahaddii, Somaliland waa Dawlad ku timi rabitaanka bulshada, dadkeedu aqoonsanyahay, dadkeedu illaashanayo, buuxisay dhamaan shuruudihii dawladnimo, waa hubaal dunidu way inala macaamishaa, waanay ina ixtiraamtaa balse inama aqoonsan weli.

 

Siyaasadda Arrimaha Dibedda ee Somaliland waa mid cad oo haysata jidkii loogu talo galay. Waxa dunidu si aan mugdi ku jirin u qirtay, marar badan iyo goobo badan kaalinta aan la dafiri karin ee JSL kaga jirto mandaqadda Geeska Afrika iyo beesha caalamkaba.

 

Wada-hadaladii inoo dhexeeyey inaka iyo Somalia way socdaan, waxaanay ku xusan yihiin nuxurkii ka soo baxay buugtaa laydiin qaybiyey, waxaanan soo jeedinayaa in goluhu ka doodo wixii dan-qaran loo arko la ansixiyo, si joogto ahna warbixinteeda waan idiinla wadaagi jiray oo waxaaba markasta Guddiga Wada-hadalada idiinku jiray xildhibaano iyo shirgudoonka golayaasha.

 

Waxaan maalmahan iyo maalin horeba warbaahinta kala socday Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh oo sheeganaya xidhiidh noo dhexeeya iyo waraaqo aanu is waydaarsanay, waxaan leeyahay Madaxweynuhu wuxuu ku cusubyahay saaxada siyaasadda waana dhalinyaro, waa nasiib daro haddii uu sheegto oo wax-qabad ka dhigto waraaqdii tahniyada madaxtinimada aan ugu diray.

 

Ma jirto wax aan ka waydiinayo Xasan Sheekh dalkayga iyo xuduudihiisa-toona, waxaa noo dhexeeya wada hadal dunidu inoo golaysay ee si nabadgelyo ah ma u kala boqoolaa ayaan leeyahaya. Qaranimada Somaliland waa mid ku timi codka shacabka waanu difaacaynaa, waa u dagaalamaynaa, waana u dhimanaynaa.

 

 

 

 

3.    Waxbarashada iyo Caafimaadka:

 

Waxbarashada iyo caafimaadku waa labo shay oo aan kala maarmin kuwaas oo saldhig u ah nolosheena, waa waxa bulshooyinka dunidu ku kala horeeyo ama isku dhaafo taas oo eynu la’aantood qiimo yeelan karin.

 

Waxbarashadu waa xuquuq aasaasiga ah oo ay leeyihiin dhammaan muwaaddiniinta Somaliland, angoo ogsoon in dhammaan muwaadiniintu xaq u leeyihiin inay helaan waxbarasho lacag la’aan ah, tayo leh ayaan tacab badan gelinay waxbarashada.

 

Dawladdaydu waxay mudnaan siinaysaa horumarinta, baahinta iyo fidinta waxbarashada dadweynaha. Waxay dhiirigelineysaa sare-u-qaadidda cilmi-baadhista, hal-abuurka iyo farshaxanka, horumarinta ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka, isboortiga iyo dhaqanka suuban ee dadka Somaliland.  Waxaana xaqiiqo ah in maanta waxbarashadu ay marayso meel fiican oo aynu ka horayno dalal badan oo Africa ku yaalla.

 

Waxaad wada ogtihiin muhiimada caafimaadka iyo fayadhawrku dadka u leeyahay, anagoo ogsoon xilka iyo waajibaadka naga saaran umaddayada, waxaanu caafimaadka ka qabanay waxyaabo muuqda, haddii ay noqon lahayd dhinaca dhismayaasha xarumaha caafimaadka, hadday tahay qalabka caafimaadka iyo kor u qaadidda aqoonta hawl-wadeenada caafimaadka iyo hadday tahay ololeyaasha lagu cidhibtirayo cudurada dilaaga ah iyo kuwa faafa.

 

Iyadoo aanu dedaal badan gelinay caafimaadka guud ahaan, waxaan si gaar ah ula tacaalay xanuunka HIV/AIDs oo dunida faro-xun ku haya, “dabcan inakuna dunida ayuun baynu ka mid nahay”.

Xukuumadaydu waxay xil weyn iska saartay si walba oo xanuunkan wax looga qaban karo, Somaliland ahaan si aynaan u gaadhin heerka loo yaqaan “marxaladda uu xanuunkani baahsanyahay” iyadoo nasiib wanaag aynu joogno marxalad aanu baahin oo wax laga qaban karo, waxaanu si buuxda isu barbar-taagnay Komishanka qaranka u qaabilsan hawshan. Markii aan ogaaday in uu jiro culays maaliyadeed oo ku soo kordhay Global-Fund-ka oo ah Hay’addii Somaliland iyo waddamo badan oo dunida ka mid ah ka caawin-jirtay dhinaca dhaqaalaha; waxaan Miisaaniyada qaranka ugu daray taageero maaliyadeed anigoo baaqna u diray bulshada Somaliland iyo Beesha Caalamka guud ahaan kaas oo ku wajahan sidii aynnu gacan buuxda u siin lahayn Komishanka Qaranka ee Xakamaynta AIDs-ka sidii loogu horjoogi lahaa shanta sano ee soo socota heerka ugu hooseeya ee aynnu gaadhsiin karno, intaa wixii ka danbeeyana aynu  u cidhibtiri-lahayn xanuunkan.

 

4.    Xoolaha iyo Illaalinta Deegaanka:

 

Xooluhu waa laf-dhabarta dhaqaalaha dalka, sidaa darteed waxa lagama maarmaan ah in lagu dadaalo caafimaadkooda iyo daryeelka iyo deegaanka ay ku nool yihiin.

 

Waxaana Wasaaradda iyo hawl-wadeenadeedu dedaal badan geliyeen caafimaadinta Xoolaha, waxaana la daweeyey in ka badan 12,000,000 oo adhiya 1,500,000 oo Geel ah iyo 1,500,000 ka badan Lo’ ah. In kastoo tacabkaa la geliyey, haddana waxaa jirtay labo markab oo geel ah oo laynagu soo celiyey kuwaas oo markii la baadhay laga helay %2, dhibtuna waxay noqotay 40 neef oo geel ah.

 

 

Iyadoo xooluhu muhiimadaas leeyihiin ayaa waxaa ka muuqda dayac iyo dedaal la’aan taasoo deegaanadii xooluhu daaqayeen weerar badan lagu hayo iyadoo aad maqasheen tuulooyin, Oodo iyo xidhmooyin dhulkii xooluhu daaqayeen lagu xayiray. Waxaan labada gole ka codsanayaa in aad arrintaa gacan naga siiyaan, xeerka hortiina yaala ee Illaalinta Deegaanka idinkoo waajibkiina sharci ka gudanaya aad dedejisaan si ay noogu suurtagasho illaalinta iyo xakamaynta deegaanka.

 

5.    Waddooyinka:

 

Wadooyinku waxay muhiim u yihiin dhinacyada kala duwan ee nabadgelyada, dhaqaalaha, isku xidhka gobolada iyo Degmooyinka, waana lafdhabarta horumarka, anagoo arrintaa ka shidaal qaadanayna waxaanu dayactir balaadhan ku samaynay waddada Hargaysa–Berbera, waxaa la dhameeyey Wadada Boorama, waxaanu dhawaan xadhiga ka jaray Waddada Wajaale, sidoo kale waxaa la bilaabay waddadii Ceerigaabo.

 

Sanduuqa Somaliland Development Fund waxaa laga bixinayaa kharashka dhamaystirka Wadada Berbera ee Xamaas illaa Sheekh oo ay ku bixi doonto $4 Million oo U.S Dollar iyo Waddada Kala-baydh illaa Dilla oo loo qorsheeyey $2 Million oo U.S Dollar.

 

6.    Horumarinta Madaarada iyo Dekedaha:

 

Maddaarada iyo dekeduhu waa albaaka laga soo galo dalka, waana xidhiidhka waddamada iyo dariiqa ganacsi ee sahla macaamilka nololeed ee ina dhexmaraya dalalka caalamka, anagoo arrintaa ka shidaal qaadanayna, waxaan u hawl-galay sidii loo dhisi lahaa Madaarada Caasimada Hargeysa iyo Berbera, waxaana socota dhismaha lagu dheeraynayo Dhabaha diyaaaradaha ee Caasimada, kaasoo marka uu dhamaado noqon doona Madaar ay nooc-kasta oo diyaaradeed kasoo degi karto.

 

Dekedda Berbera oo ah marsada ugu muhiimsan dekedaha geeska taasoo leh waxyaalo dabiici ah oo ay dheertahay dekedo badan, waxaanu muddo ku hawlanayn sidii loogu heli lahaa maalgelin iyo dhaqaale lagu horumariyo si ay u noqoto deked soo jiidata, qayb-libaaxna ka qaadato xarakada ganacsi ee mandaqada (World Class Facility). Waxaa wada hadallo noo socdaan shirkado badan oo ay ugu mudantahay shirkad Faransiis ah oo lagu magacaabo Bollore.

 

Horumar-badan ayaa dalka ka socda, “Cudurku waa soo boodaa, Caafimaadkuna aayar aayar ayuu u yimaadaa”, waxyaalaha badan ee la qabtay iyo inta socotaa cayaar kuma iman ee waxaa la geliyey deddaal iyo tacab. Haddii aynu yara milicsano maanta iyo maalintii aan xukunka la wareegay waxaa kuu soo baxaya faraq aad u badan, tusaale:

 

·       Askarigu wuxuu qaadan jiray mushahar: SL.SH/=265,200 taasoo u dhiganta ($44)

·       Maanta wuxuu qaataa mushahar: SL.SH/=636,000 + Gunnada Derjada taasoo u dhiganta ($106 + Gunnada Derajada)

·       Wasiirku wuxuu qaadanayey: SL.SH/=4,800,000 taasoo u dhiganta ($800)

·       Maantana wuxuu qaataa: SL.SH/=14,100,000 taasoo u dhiganta $2,350

·       Garsooruhu wuxuu qaadanayey: SL.SH/=2,097800 taasoo u dhiganta $349.6

·       Maantana wuxuu qaataa: SL.SH/=8,100,000 taasoo u dhiganta $1,350

·       Xildhibaanada Golayaashani waxay qaadanayeen: $421 (SL.SH/=2,526,000)

·       Maantana waxay qaataan: (SL.SH/=8,125,000)  taasoo u dhiganta $1,354

 

 

Waxaan shaki ku jirin in Xukuumadani tahay Xukuumadii Horumarka iyadoo aanu qabanay wax badan, balse qabyada iyo baahida dalka ka jirta ayaa ka badan, waxbase kala hadhimayno intii awoodi noo saamaxdo.

 

Waxaa Sannadkan 2014-ka noo qorshaysan dhamaystirka mashaariicda faraha badan ee socota, Xoojinta Ammaanka iyo Fidinta maamulka, Diwaangelinta Muwaadinka, Kor u qaadidada Adeegyada Caddaalada iyo Horumarinta Xeebaha iyo khayraadka badda.

 

Ammaanka iyo Fidinta Maamulka: Waa ogtihiin oo Ciidamadu waxay joogaan duleedka Taleex oo u dhow xuduudka Somaliland, Wasiirkii Caafimaadku wuxu joogaa Buuhoodle, waxaanu ka wadaa horumar iyo maamul fidin. Xagga Laasqoray iyo Barina waxa ka socdaa dedaallo.

 

Horumar kasta waxaa aasaas u ah nabadgelyada, waxa aan shacbiga JSL ku boorinayaa in ay nabadgelyadooda ilaaliyaan, kana fogaadaan wax kasta oo dhaawici kara xasilloonida aynu muddadaa badan ku soo caano-maallay.

 

Diwaangelinta muwaadinku: waxay salka ku haysaa in la sugo muwaadinkasta oo xaq u yeeshay muwaadinimo, laguna yeeshay waajibaadka iyo xuquuqda ka laasimaysa muwaadin Somaliland u dhashay, waxaana saldhig u ah Dastuurka JSL iyo xeerarkii golayaashani ay dejiyeen oo ay ka mid yihiin Xeerka Jinsiyadda iyo Xeerka Diiwaangelinta Codbixiyayaasha, iyo Xeer-nidaamiyayaasha Diiwaangelinta muwaadinka ee aan Xeer Madaxweyne ku soo saaray.

 

Cadaaladda iyo Garsoorka: Waxaanu hore u qaadanay tallaabooyin badan oo aanu ku taageerayno, dhiirigelinayno kuna kobcinayno bahda garsoorka iyo cadaaladda. Waxaan mar labaad iyo mar sadexaadba xooga saaridoonaa xoojinta iyo ka midhadhalinta garsoorka iyo cadaaladda, kana daalimayno illaa inta bulshadu helayso adeegii loo baahnaa.

    

Horumarinta Xeebaha: Waxaad dhamaan ka warhaysaan safarkii dheeraa ee aan ku soo maray dhamaan xeebaha Somaliland si aan u ogaado duruufaha nololeed ee bulshada, si aan ugu kuurgalo waxna uga ogaanno qaabkii loo horumarin-lahaa loogana faa’iidaysan lahaa xeebaheena iyo khayraadka ku duugan. Sannadkan waxaanu samayn doonaa daraasad dhamaystiran oo ku wajahan horumarinta xeebaha iyo khayraadka badda. Waxaanan hay’adaha dawliga ah iyo kuwa maxaliga-ahba ugu baaqayaa in xooga la saaro horumarina xeebaha.

 

Gebogebadii

 

Culimada

Maadaama aynu 100% dad muslima nahay, waxa culimada door weyn iyo masuuliyadi ka saarantahay ilaalinta Diinta Islaamka, dhaqanka suuban iyo ammaanka. Waxaa lagama maarmaan ah in aynu ka midowno iskana kaashano duruufaha jira si aan da’yarteena loogu marin-habaabin fikrado xag jir ah oo aan diinteena waafaqsanayn.

 

Anigoo xoojinaya doorka culimadu ku leedahay bulshada iyo illaalinta dawladnimada, anigoo ogsoon in culimadu yihiin birma-gaydo, isla markaana ka shidaal-qaadanaya Dastuurka Qodobkiisa 115 illaa 121, waxaan soo saari-doonaa Guddiga Culimada ee Dastuuriga ah.

Beesha Caalamka

Waxaanu diyaar u nahay in aanu kala shaqayno beesha caalamka danaha guud ee la wadaago, sida ammaanka, la dagaalanka budhcad-badeeda, argagaxisada iyo deegaan-dhawrista. Waxaanu u soo jeedinaynaa dawladaha caalamka in ay garwaaqsadaan rabintaanka iyo xaqqa ay u leeyihiin shacbiga Somaliland aayo ka tashiga madax-banaanidooda.  Sidoo kale, waxaanu ka codsanaynaa Qaramada Midoowbey, dalalka deeq bixiye-yaasha iyo hay’adaha samafalka in ay si mug leh noogala qayb-qaataan dib u dhiska iyo horumarinta dalka.

 

Haweenka: Waxaan hore labo-jeer idiinku soo gudbiyey kootadii haweenka, anigoo qadarinaya qiimaha ay haweenku bulshada u leeyihiin iyo kaalinta ay kaga jiraan horumarka dalka, waxaan mar saddexaad idinka codsanayaa in golaha la horkeeno oo aad ka gudataan waajibkiina dastuuriga ah.

 

Dhamaan Golayaasha Qaranka, Qurbajooga Somaliland iyo guud ahaanba bulshda reer Somaliland waxaan ugu baaqayaa in si mug leh loogu diyaargaroobo xuska maalinta qarannimada Somaliland ee 18-ka May.

 

Aad baa u mahadsantihiin,

Hargaysa SDN/QJ.

contact@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com

Madaxweyne Siilaanyo Hanjabaad Kulul Hawadda U Mariyay Dhigiisa Somalia

$
0
0

IMG_036907,May,2014(SDN/QJ)-Madaxweynaha Somaliland  Axmed Maxamed Maxamuud Siilanyo,ayaa Khudbadiisii Sannadlaha ahayd ee uu Maanta Ka Jeedinayay labada Gole Barlamaan (Wakiiladda Iyo Guurtida),waxa uu  Hanjabaad Warbaahinta u mariyey Madaxweynaha Somaliya ,isaga oo ku tilmaamay inuu yahay Nin Siyaasaddu u Cusub tahay,Kuna Tilmaamay Inan yar oo siyaasada Barbarad ku ah. “Ninka Madaxweynaha ka ah Somaliya waa Inan yar oo siyaasada ku cusub, waxa xidhiidh ah oo na dhex maray ma jirto, Xududaha Somaliland Awood aanu ku difaacno waanu leenahay.”Ayuu Yidhi Siilaanyo.

Hadalkan Madaxweynaha ee Maanta,ayaa daba socday Hadal Hore uga soo yeeshay Madaxweynaha Somalia oo ku aadanayd Talaabadii Ciidamadda Qaranka Somaliland ay kaga soo baxeen Magaaladda Taleex ee Gobolka Sool oo uu Xasan Sheekh,uu sheegay inuu kaalin ku lahaa Ka bixitaankii Milatariga Somalialand ee Magaaladda,isaga oo intaas ku ladhay inuu Gudanayay Waajibka Xukuumadiisa Nabadaynta Dalka sida uu hadalka u dhigay.

SDN/QJ-Hargaysa

daacad@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com

 


“Siilaanyo Markii Uu Mucaaridka Ahaa Wuxuu Ka Hadli Jiray Musuq-Maasuqa Iyo Hantida Umadda Ee La Cunayo…Maantana.…”Xasan Guure

$
0
0

guure07,May,2014(SDN/QJ)- Guddoomiyaha Madasha Wadatashiga Mujaahid Xasan Guure Jaamac, ayaa Xukuumadda ku tilmaamay inay hantidii dalka si sharci daro ah ugu takri-fashay, si aan sharci ahayna u isticmaashay, isaga oo tusaale u soo qaatay Shirweynihii Xisbiga Kulmiye, oo uu sheegay inay Hantida Umadda ka dhexeeysa ay ku isticmaashay, waxaanu xusay Musuqmaasuqa uu Xukuumadda ku dhaliilay ay keeni karto Nabadgeliyo daro iyo inay dagaalo dhacaan, dadkuna iska hor yimaadaan”.

Xasan Guure Jaamac ayaa sheegay inay Xukuumaddi aanay waxba u fiirsan oo cidii soo hadal qaada Musuq-maasuq,  ay xidho, isaga oo xusay inay Madaxweyne Siillaanyo uu aad ugu dhaliili jirey Xukuumaddii ka horeeysay ee Daahir Rayaale balse hadda Xukuumaddisu Hantidii dadka sida ay doonto u isticmaashay.

Mujaahid Xasan Guure Jaamac, oo Wargeyska Geeska Afrika  wareysi gaar ah siiyey ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay, isla markaana beeniyey hadal ka soo yeedhay dhawaan Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin, hadalkaas oo ahaa in Xisbiyada Mucaaradka iyo Madasha Wada-tashigu ay kaga baxeen Shirweynihii ay isku ogayeen, waxaanu sidoo kale ka hadlay Musharaxnimada Madaxweyne ee Muuse Biixi oo uu sheegay inuu xaq u leeyahay, waxaanu ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay “Xukuumadda Maanta dalka ka talisa waa Xukuumadda sida ay doonto oo sharciga baal marsan ay ugu takri-fasho Hantidii Umadda ka dhaxaysay, oo sida ay doonto ayey u adeegsataa, haddii aanu tusaale soo qaatana waxa cad oo marag madoon ah in Xisbiga Kulmiye oo ah Xisbul Xaakimkiii uu ku dhaqmay kuna dhaqaaqay arin aad u fool xun,oo ah in Shirweynahoodii ay ku qabsadeen Hantidii Umadda ka dhexeeysay, taas oo arin aad u fool xun, Musuqmaasuqan ay ku dhaqmeena ee ay horseedka ka tahay Xukuumaddani waxa ay horseedii kartaa amaan daro, Xasilooni daro, Nabadgeliyo daro iyo in dalka dagaalo ka dhacaan, madaama cid gaar ahi ay Lacagtii iyo Hantidii Umadda si sharci daro ah u isticmaalayso, markaas waxa aan leeyahay oo aan Xukuumadda ugu baaqay inay bixiso Lacagta ku baxaysa Shirweynaha Xisbiyada UCID iyo WADDANI, madaama ay bixisay Lacagtii iyo Hantidii ku baxday Kulmiye, sababtoo ah iyaguba xaq ayey leeyihiin oo Kulmiye wey la siman yihiin”.

Guddoomiyaha Madasha Wada-tashiga oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Madaxweyne Axmed Siillaanyo markii uu ahaa Mucaaradka, waxa uu aad uga hadli jirey oo uu odhan jirey Musuqmaasuqa iyo Hantida Umadda ee la cunayo ayaan wax ka qaban doona, balse Maanta oo uu Madaxweyne yahay wax alaale waxa uu ka qabtay ma jirto, sidii la doonana waa loo isitcmaala Hantida Umadda, waxaana taas ka sii daran in ciddii sheegta inuu jiro Musuqmaasuq iyo in si khaldan loo leexsaday Hantidii Umadda in aanay hubsan inay wax ka qabato ama  si gaar ah ay u baadho cidii lagu sheegay Musuqaas, balse waxa ay xidhaan cidii soo bandhigtay ama warbaahintii baahisay inuu Musuq jiro, waana wax laga xishoodo, oo aad loola yaabo”.

Mujaahid Xasan Guure mar  wax laga weydiiyay  inay wax ka jiraan hadal dhawaan ka soo yeedhay Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Xisbiga Kulmiye ayaa yidhi “Hadalkii ka soo yeedhay Maxamed Kaahin ee ahaa in aanu kaga baxnay oo aanu iman weynay Shirweynihii aanu isku ogeyn, waxba kama jiraan, balse anagu arintaas waxa aanu ku waareejinay Xisbiyada Mucaaradka ah, meel ay nagula soo hadleen iyo goob aanu ku balanay toona ma jirto, waxaana wali filayaa inay hawshaasi socoto”.

Xasan Guure mar kale ka jawaabay su’aal aanu  wax kaga weydiinay sida uu u arko Musharaxnimada Madaxweyne ee uu iclaamiyey Guddoomiyaha Kulmiye waxa uu kaga jawaabay“Muuse Biixi laba jeer ayuu aad iyo aad  wax ugu qabtay Madaxweynaha, Doorashadii 2003-dii, aad ayuu wax ula soo qabtay, oo waxa uu ku dadaalayey inuu Axmed Sillaanyo Madaxweyne noqdo, balse nasiib daro wakhtigaas muu noqon Madaxweyne, haddana sidii ayuu hawsha ula sii waday oo uu u  garab  taagna, Sanadkii 2010, ayuu haddana ku dadaalay inuu Axmed Siillaanyo Madaxweyne noqdo, wuu noqday Madaxweyne, inuu hadda yidhaahdo “Waxa aan ahay Musharax Madaxweyne”, xaq ayuu u leeyahay, inuu Axmed Siillaanyo Xisbiga dhexdiisa kula tartamana xaq ayuu u leeyahay, wax ka hor istaagayaana ma jirto, qofkuna han ayuu yeelan karaa.”

 

Xigasho:Geeska Africa

SDN/QJ-Hargaysa

daacad@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com

Wefti ka Socda Dalka Germal-ka oo M.weynuhu Maanta Xafiiskiisa Ku Qaabilay

$
0
0

jarmalka07,May,2014(SDN/QJ)- Waxa maanta Madaxweynaha JSL,uu Xafiiskiisa ku Qaabilay Wafdi Heer sare ah oo uu Hogaaminayay Safirka Dawladda Jarmalka u Fadhiya Magaaladda Nairbi ee Dalka Kenya.

Waxaana Kulankaas laysku weydaarsaday Xidhiidhka labada Dal iyo Sidii loo sii Horumarin lahaa.

Warsaxaafadeed laga soo saaray Xafiiska Qasriga Madaxtooyadda ayaa waxa uu  u dhignaa sida tan:

“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland waxa uu Xafiiskiisa ku qaabilay wefti uu hogaaminaayo Safiir ku xigeenka Jarmalka u fadhiya Nairobi, kulankaasi waxa ka war bixiyey Wasiirka Qorshaynta Qaranka iyo Safiir ku xigeenka ujeedadiisuna waxay ahayd xog ururin iyo sidii ay Somaliland uga caawin lahaayeen xaga Biyaha, Caafimaadka iyo Meelaha muhiimka u ah in laynaga caawiyo.

Waxaa Kulankan Madaxweynaha ku wehelinaayey

1.         Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahhi Ismaaciil Saylici

2.         Wasiirka Madaxtooyada Jamhuuriyada Somaliland Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan

3.         Wasiirka Qorshaynta Qaranka Dr. Sacad Cali Shire

4.         Wasiirka Biyaha Mudane Xuseen Axmed Cabdulle iyo

5.         Xoghayaha Gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Cali Axmed Cali

Dhinaca Weftiguna waxay kala ahaayeen:

1.         Mr Christian Resch, Deputy Ambassador to GermanE,bassy Nairobi

2.         Dr. Philipp Rock, Desk officer for German Federal Ministry for Co-operation and Development, Bonn.

3.         Ms Julia Kronberg, Deputy Head of Development Co-operation, German Embassy Nairobi

4.         Mr Hendrix Linneweber, GIZ Country Director Kenya, Nairobi

5.         Dr. Christoph Schaefer, Senior Country Manager East Africa, German Development Bank KFW, Frankfurt am Main

6.         Mr. Thomas Herzberg, German Development Bank KFW”

SDN/QJ-Hargaysa

daacad@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com

Xisbiga Ucid laantiisa Uk oo isku diyaarinaya Soo dhawaynta Madaxda Xisbiga iyo soo dhawayntii uu balarnayd iyo heeso cusub oo loo sameyey daawasho wacan

$
0
0

London07May14(SDN) Xisbiga Ucid laantiisa uk ayaa waxay ku jiraan qabanqabadi u danbaysay ee soo dhawaynta madaxda xisbiga oo ku sugan wadankan uk taas oo ay ku soo bandhigi donaa himilada xisbiga ee mudada doorashada ka hadhay Xafladan oo noqonaysaa tii ugu horaysay ee nocan oo kale oo ay ku kulmaan Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng:Faysal Cali Waraabe , Gudoomiyaha Sadexaad ee Xisbiga Mujaahid Cali Gurey iyo Musharaxa Madaxwaynaha ee xisbiga Mudane Jamaal Cali Xuseen, Xoghayaha xisbiga ee Mudane Cabdilaahi Cumar Shaqale iyo Xoghayha Garabka haweenka Marwo Nuura Omaar oo u warameyey Shabakada qurbejoog aya waxay shegeen in maanta la garay gabagabadii Xaflada oo in mudo lagu jiray qaban qabadeeda waxay kale baaq u direen dhamaan tageerayasha xisbiga iyo jaaliyada reer somaliland ee ku dhaqan uk inay ka soo qayb galaan xafladan oo ah mid  lagu soo bandhigayo teegerada xisbiga. Xoghayaha xisbiga  ucid ee uk aya waxa uu qurbejoog u xaqiijiyey in ay la kulmayaan Barlamaanka wadanka Uk waxii wara kala soco qurbejoog.

 

Adareeska Goobta iyo Gudida Qaban qabada.

Tariikhda:09/05/14

Goobta:Premier Banquet

1Canning  Road,

HA3TS

Harrow

Sahra Ismaaciil:00447944754130

Farduus Cige Tel;0044794002114

Foosiya Cusmaan:00447904796500

Ifraax Baruud:004479844940133

Saynab Xaaji Gaydh:00447507691986

Caasha Yusuf :00447985454087

Nuura Ciise Omaar:00447535975364

Heesta Xisbiga ee loogu talgalay soo dhawaynta madaxda xisbiga halkan ka daawo.

Ogaysiis:Dhamaan Tageeraysha Xisbiga Ucid ee Uk in la qabanayo Xafladii soo dhawaynta Madaxda Xisbiga Ucid

$
0
0
waxa la ogaysiinaya dhamaan tageeraysha xisbiga Ucid ee Uk in la qabanayo xaflad aad u heer saraysa oo lagu soo dhawaynayo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng :Faysal Cali Waraabe iyo Gudoomiyaha Sadexaad Mujaahid Cali Gurey, Musharaxa Madaxwaynaha Xisbiga Ucid Mudane Jamaal Cali Xuseen .

Adareeska Goobta iyo Gudida Qaban qabada.

Tariikhda:09/05/14

Goobta:Premier Banquet

1Canning  Road,

HA3TS

Harrow

Kala Xiriir Gudida Qaban qabada.

Sahra Ismaaciil:00447944754130

Farduus Cige Tel;0044794002114

Foosiya Cusmaan:00447904796500

Sahra Ismaaciil:0047944754130

Ifraax Baruud:004479844940133

Saynab Xaaji Gaydh:00447507691986

Caasha Yusuf :00447985454087

Nuura Ciise Omaar:00447535975364

1001981_10203703580051510_2920110581971312438_n

“Ciidamadeena Soomaaliya joogga shaqada ay hayaan waa suggidda ammaanka dalalka Somaliya iyo Kenya” Madaxweynaha Kenya

$
0
0

ken07,May,2014(SDN/QJ)-Uhuru Kenyatta, Madaxweynaha Dowladda Kenya, ayaa wuxuu daboolka ka qaaday  in qaraxyada ka dhacaaya dalka Kenya, inaanay saamayn ku yeelan doonin hawlgalka Ciidamada Kenya ka wadaan Soomaaliya.

Madaxweynaha, ayaa qaraxyada ka dhacaaya dalka Kenya waxa uu dusha kaga tuuray Ururka Al Shabaab, oo horey ugu goodiyay in ka fal celin doonaan, tallaabada Ciidamada Kenya gudaha ugu soo galeen Soomaaliya.

Madaxweynaha Kenya wuxuu sheegay Ciidamadooda ku sugan Soomaaliya, in ay ka shaqaynayaan xasiloonida dalalka Somaliya iyo Kenya, isla-markaana aynaan ka joojin doonin qaraxyada ka dhacaaya gudaha Kenya.

“Ciidamadeena Soomaaliya joogga shaqada ay hayaan waa suggidda ammaanka dalalka Somaliya iyo Kenya. mana naga joojineyso weerarada inooga imaanaaya Al Shabaab.” ayuu yidhi Madaxweynaha Kenya.

Uhur Kenyatta oo u waramay Warbaahinta Kenya qaarkood, ayaa wuxuu dadka reer Kenya ee Masiixiga ah uu uga digay, in ay dhibaateeyaan Muslimiinta reer Kenya.

Kenyatta wuxuu Shabaabku ku eedeeyay in ay kala qaybinayaan Muslimiinta iyo Kirishtaanka wada degga dalka Kenya, wuxuuna dadka diimaha ku kala duwan uu ugu baaqay, in si wada jir ah loola dagaalamo Al Shabaab.

SDN-QJ-Hargaysa

daacad@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com

 

 

Viewing all 6893 articles
Browse latest View live