Ceerigaabo 25/2/2015(SDN/QJ)dadwayne ku dhaqan magaalada ceerigabo ayaa soo dhaweeyey go,anki gudoomiye ciro ka qaatay dib dhaca doorashada iyo kudbadii uu jeediyey wiigagii ina dhaafay
Ceerigabo SDN/QJ
Concat@Somalidiasporanews.com
Ceerigaabo 25/2/2015(SDN/QJ)dadwayne ku dhaqan magaalada ceerigabo ayaa soo dhaweeyey go,anki gudoomiye ciro ka qaatay dib dhaca doorashada iyo kudbadii uu jeediyey wiigagii ina dhaafay
Ceerigabo SDN/QJ
Concat@Somalidiasporanews.com
Haddii gole rag uu soo goglo oo gar lagu qaado
ama guluf colaadeed dagaal lagu gorfaynaayo
ama nabad la gaadhiyo samaan la is gudoonsiyo…
ama hadal gobeed iyo murti la is garwaaqsiyo
wuxuu hadalku soo gaabin jiray gees ma dhaafta ah e
geeridii Xeray sheegayeen galabba waa ruuxe
goblatadan adduunyaad ileen geedibaan nahay
waa la is guraayuun ilaa adam gelinkiise
guri waa ka aakhiro ninkii gama u jeedow.
aan gorfeeyo wuxuu libin guntaday geesigaa baxay
Goolaaftankii xeeleedeed goosan la caraabka
Sahanku ku gaylaamin jiray goobo laga waashay.
Siduu gaadhka uga meerijiray galaw la’aantiisa
Guuraha habeenkii wuxuu gama uu diido
guubabo iyo geesimo geeshka kula meero
Tii oo ka gees iyo gees garabsin loo yeeley
oo qaar jid goon sii galiyo lug iyo gaadiidle
sida aar horwayn gelelefay goor la wadda jiifo
gudguduudka waabari muxuu guuto fara saaray
gurmad werer iyo gaadmo iyo guluf ku soo foodle
in taba wuu galaabixin ogaa goobta dirireede
ma gabade libaaxu ahaa geesi caanbaxaye
Gala galada guuluhu ku helay wa galaalaxa e
goobjoog raggii soo ahaa saw ma garanaayo
Cabdi yusuf markii laysku galay galabtii lays eeday
ee goosan iyo goosan dhacay geli dagaalkiiye
gacamadda raggii soo gurtiyo gebi la naafeeye
miyaan Moorgan goojadda sidii koran dhibiilaynin
Eebana gargaarkii u fidin goobta niman joogay
Abaanduulka guuleed Xeraa guule ku ogaaye
Koodbuurba isagaaw guntadday guridhigiisiye
geediga markaan ugu baxnay guutadda afraad
iyo garabsigi aw sancaan iyo boqol galbeedkaasa
iyo goosankii bariga eenaga gadaaleyey
Gadhka yogolka waatii dharaar loo gudoonsaday
guulwade colkay ula baxeen meeshaa lagu gaabi
darfaclena wixii gaadhay iyo labadii gooroodba
gala galada waa tuulaa geesigaa baxay
xadhig xadhigna goolaftankii wiiga lays galay
sow goaamadiisii mayahayn kuway guusha nagu raacday
ilaa guda galkii saw halyeeygu naguma geeraarin
inuu geesi baxay uu ahaa saw ma garanayno
Geyigeena oo idilba way gaadhay libintiiye
Gardaro iyo xumaandiid muxuu guluf u hansaystay
Gaajo iyo haraadkaba muxuu goowska ka adkaystay.
Maxaa fule gariiriyo dhabcaal libintii gaadaystay
Maxaa kuu garayskii ka rogay gooni u baanay
Gujo iyo maxay ugu dareen geestaa uga leexo
Alla maxaan nimaan gole la tegin galaw ku suureeyey.
isna garashadiisii muxuu hadalka soo gaabshay
Cabdillahi ruux garanayaa iyo maqal nimuu gaadhay
Gidigood naxdirin way u timi geeridii Xero e
Gelbis weeye dunidani iyo mid aan guul ku siinahaye
waa guriga aakhiro rugtaan lagaba guurayne
Isagoo werdiga guraya baa guule oofsaday
galad eebe weeyan halku galabta joogaaye
gurigii jannadda iyo nimcuu gacan togaalayne.
Geesigana Illaahay ma xilo goob u joogabe
godka lagu janeeyaw eebahay gogosha kuu nuur.
Mohamoud Hassan Arrale
Inaalillaahi wa Inaa illayhi raajucuun
London Feb 26,2015(SDN/QJ)-Ilaahay ha u naxariistee, waxa shalay magaalada Hargeisa aas qaran loogu sameeyey Marxuum Mujaahid Cabdilaahi Aw Cabdi Aw xirsi oo loo yaqaanay (Cabdillaahi xero). Aaska marxuumka oo ay ka soo qayb galeen ehelkiisa, masuuliyiin heer qaran, xisbi, madax-dhaqameed, mujaahidiin iyo dadweyne aad u fara badani, waxay marxuumka illaahay uga baryeen inuu janadiisa firdowsa geeyo, iyaga oo dhinaca kalena mujaahidiintii iyo dadkii aqoonta u lahaa ka marag furey doorkii lama ilaawaanka ahaa ee marxuumku uu ka soo qaatay halgankii qadhaadhaa ee lagu xoreeyey dalkan Jamhuuriyada Somaliland. Hadaba, si aanu wax badan uga ogaano shakhsiyadii iyo taariikh nololeedkii Marxuumka, waxa noo suurtogashay in aanu waraysano, Mujaahid Aadan Maxamuud oo loo yaqaan (Aadan Siikaawi) oo ay muddo dheer Marxuumka rafiiq ku ahaayeen halgankii dib u xoraynta dalka.
Mujaahid Aadan waxa uu hadalkiisa ku bilaabay sidan;-
“Ugu horayn waxaan halkan tacsi uga dirayaa qoyskii, ehelkii, qaraabadii, mujaahidiintii iyo dhamaanba ummada reer Somaliland, aniga oo ka tacsiyadeynaya geerida ku timid Mujaahid Cabdillaahi Aw Cabdi Aw Xirsi (Xero). Marxuumka waxaan ilaahay uga baryayaa inuu dembigiisa dhaafo, janadii firdowsana geeyo, innagana samir iyo iimaan inaga siiyo.Aamiin. Intaa markaan ka gudbo, taariikh nololeedka marxuumka halkan kuma soo wada koobi karo, hase yeeshee haddii aan si kooban uga hadlo, Marxuumku waxa uu ku dhashay magaalada Labi-sagaale wakhti ku beegnaa qiyaasti horaantii 1950nadii. Marxuumku waxa uu ka soo jeeday qoys ehlu-diin ah oo Aabihii iyo Awowgiiba waxay ahaayeen culimo dadka diinta bara, taas oo Marxuumka u suurtogalisay inuu barto Quraanka Kariimka ah, noqdayna walad saalix ah oo caawiya qoyska uu ka dhashay oo inta badan ku noolaa miyiga Labisagaale. Yaraantiisii marxuumka waxa lagu naaneysi jirey “Caga-weyne”.
Marxuumku qiyaastii 1970kii ayuu u wareegay dhinaca magaalada Beder-wanaag halkaa oo adeerkii maqaaxi iyo meherad ganacsi ku haystay, isaga oo muddo kooban la joogay, ka dibna dabayaaqadii 1970kii ayuu yimid magaalada Hargeisa halkaas oo uu ku noolaa ilaa 1980kii wakhtigaas oo uu ku biiray ciidamadii militariga Soomaaliya, kana mid ahaa qaybta gaadiidka dagaalka ee loo yaqaan jiibabka (106mm) halkaas oo uu ka gaadhay derejada “Saajin”. Wakhtiyadaa uu ciidankii Somaliya ka tirsanaa marxuumka waxa lagu naaneysi jirey “Walbaq” taas oo bedeshay naaneystiisii caruurnimo.
Markii uu xoogaystay cadaadiskii iyo cabudhintii ay dawladii militariga ahayd ku haysay shacabka, isla markaana uu Marxuumku u adkaysan waayey dulmigii socday, 1985kii ayuu ka goostay ciidamada isaga oo toos isaga xaadiriyey xaruntii tababarka ciidamada SNM ee ku taalay Awaare, halkaa oo uu tababar ku qaadanayey muddadii u dhexeysey 1985-1986kii. Ka dib markii uu dhameystey tababarka, marxuumku waxa uu ka mid noqday guutadii la odhan jirey “Fadhi-weyn”, waxaanuu ka hawlgali jirey xarumihii ciidamada SNM ee ku kala yaalay Kaam Maxamed, Kaam Buraale, Waabacado iyo Kaam Liibaan, kuwaas oo ka horjeeday fadhiisimadii ciidamada faqashtu ku lahaayeen magaalooyinka xadka sida Labisagaale iyo Qoolbuulale.
Dagaaladii uu sida geesinimada leh ugu soo caan baxay Marxuum Cabdillaahi ee uu wacdaraha ka dhigay waxa ka mid ahaa dagaalkii caanka noqday ee 1988kii ka dhacay goobta loo yaqaan “Cabdi Yuusuf” isaga oo Marxuumku ahaa Taliye urur. Dagaalkaa oo si weyn loogu naafeeyey cadowga, waxa soo shaac baxday geesinimada iyo hibada hogaamineed ee ilaahay siiyey Marxuumka. Guud ahaan ciidanka SNM ee ku sugnaa kana dagaal galay Burco-goobo iyo Cabdi Yuusuf waxa taliye u ahaa Muj. Cabdilaahi Cige Muuse (Obsi).
Marxuum Cabdillaahi xero waxa uu ku suntanaa dagaaladii gudo-galka 1988kii ee xoogagii SNM ku qaadeen magaalooyinka Burco, iyo Hargeisa, isaga oo marxuumku taliye sare ka ahaa ciidankii uu watay Maxamed Cali ee dagaalka qadhaadh cadawga kula galay kuna jebiyey goobaha kala ahaa Debis, Cadaadley iyo Madheera, ka dibna ka dagaal galay Hargeisa.
Marxuumku waxa uu ka mid ahaa asaasayaashii ciidankii quwada lahaa ee “Koodbuur” isaga oo noqday taliye ku xigeenka ciidanka, halka Muj Xasan Ganeyna uu ahaa taliyaha ciidanka. Marxuumku waxa uu ka dagaal galay goobo badan oo uu geesinmo iyo hogaamin dagaal oo sareysa ka muujiyey, sida Sharmaarke, Airportka Hargeisa, gadhka yogolka, dhaboolaq, caydaroosh, iyo goobo kale, isaga oo ahaa taliye xigeenka ciidankaa koodbuur ee ka dagaal galay 1991kii min Berbera, Hargeisa, Borama, Caasha-cado oo cadawgu fadhiisin ku lahaana cagta sii mariyey, ka dibna xadka Djibouti ee Lawya-cado soo taabtay. Marxuumku waxa kale oo uu ahaa taliyaha Q3aad iyo taliyaha ciidankii nabadgelyada.
Shakhsi ahaan, Marxuumku waxa uu ahaa nin geesi ah, hal adag, hanweyn, hadal iyo gacan toona aan habrashada aqoon, tiraba 4 ama 5 jeer ayuu ku dhaawacmay dagaaladii halganka ee uu galay. Marxuumku waxa uu ifka kaga tagay 7 caruur ah, oo 2 ka mid ahi dhasheen wakhtigii uu ku sugnaa gudaha Ethiopia, gaar ahaana fadhiisinkii SNM ee Kaam Liibaan, halka 5ta kalena dhasheen wakhtiyadii ka dambeeyey.
In kasta oo taariikhdii Cabdillaahi xero aanan soo wada koobi karin, hadana intaa aan idiin sheegay waa intaan ka xasuusto iyada oo wakhti dheer laga joogo, mar labaadna waxaan ilaahay uga baryayaa inuu demgissa dhaafo, janadana geeyo, aammiin.
Intaa waxa ii raaca oo aan ugu baaqayaa Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), oo ahaa gudoomiyihii ciidankii SNM ee marxuumku ka tirsanaa, waxaan ugu baaqayaa inuu xil gaar ah iska saaro caruurtaa Mujaahidku ka tagay oo hooyadoodna hore u dhimatay. Waxa ugu horeeya ee loo qabtaa ha noqodo guri iyo hoy ay galaan oo si dhakhso ah loogu dhiso. Sidoo kale waxaan ugu baaqayaa dhamaanba bulshada reer Somaliland in si weyn loo gacan qabto caruurtaa uu ka tagay marxuum Cabdilaahi oo ka mid ahaa ragii qaranimadan aynu maanta haysano naftiisa u huray”
Soo tebiye,
Cabdikariim Cali Baarjeex
Bismilaah mahad oo dhan alle ayaa iska leh waxaan salaamaya dhaaman umadda soomaliyeed meel kastay joogan marka xigta waxan sigaar ahaaned usalaamaya intii magacayga iyo muuqayga garanaysa.
Maqaal kan waxeynu ku milicsan doona qeybaha loo qeybiyo wax barashada, xidhiidh ka kadhexeeya aqoonta iyo xikmada ,sidoo kale, waxeynu ku eegi doona faa,idada akhris ku u leeyahay aqoon raadiyaha.
Aqoonta markaad maqasho waxyaabo badan ayaa maskaxdaada kusoo dhacaya. Aqoon macnaheedu waa faham ka ama barashada wax lagaranayo, aqoonta waxa loo bartaa si aad wax ogaatid waxyaabaha kugu hareeraysan . tusaale hawo ayaa inagu gedaaman waxeyna ka koobantahay saddex curiye oo kala ah , ogsijiin , kaarbon dhay ogsaydh iyo nitrojiin.
Haddaba aqoontu waxey salka ku haysaa in wax cusub kusoo kordhisi koon ka, soomaali ahaan aqoonta weynu barana , laakin, iskuma deynu iney wax cusub soo kordhino.
Waxbarasho ma dhamaato intaad nooshahay, sidoo kale, aqoontu waa wax lasoo ururiyey, la keydiyey, kadibna loo soo gudbiyo jiilasha.
Waxbarashada wax loo qeybiyaa labo :-
1. Waxbarashada toos ka ah ama rasmiga ah ( formal learning )
2. Waxbarashada aan toos ahayn( informal learning)
Waxbarashada toos ka ahi waa mid ubaahan iskuul, macalin, iyo ardey. Tusaale : waxbarashada toos ka ahi waxey ka bilaabantaa fasal ka 1aad ilaa heer jaamacadeed.
Waxbarashada aan toos ka aheyni waa aqoon aan ubaahneyn macalin,iyo iskuul. Aqoonta noocan ahi waxa la gerdaadiyaa markaad wax kala garato, laga bilaabi xiligaas waxaad wax kabaranaysaa dhacdooyin ka nolosha. Tusaale : sida dad ka loola dhaqmo, sida loo noolaado iyo sida masuuliyad loo qaado.
Haddaba ujeedada ugu weyn ee waxbarashada aan toos ka aheyni waa inaad barato sida aad unoolaan laheyd , dad kana udhex gashid.
Xidhiidh ka kadhexeeya aqoonta iyo xikmada badanaa dad ku waxey isku qaldaan labadaas. Barasho( learning ) macnaheedu waa si aad uheshid aqoon waxna uga baratid caalam ka, bili,aadam ku waa xayaawaan ka keliya ee wax barta.
Aqoonta waxa lagu qeexa warbixin aad fahamtey ama xirfad aqooneed oo kugu lamaan, sidoo kale, Aqoontu waa waa laydh kuu iftiiminaysa madow ga si ay kuu tusto wadiiqada toos ka ah.
Hadaf ka ugu weyn ee aqoonta loo bartaa waa in naftaada ku fahamto iyo iney wax kaa barto dabeecadaha kala duwan ee makhluuqaad ka, aqoontaad baratey waa iney kuu noqoto jiheeye ( compass) kugu hagaya wadada sax da ee nolosha.
Xikmadu waxey ku taxaluq daa aqoonta oo aad si wanaagsan u adeegsatid ama u isticmaashid, xikmadu waxey awood kuu siineysaa inaad noqoto qof fahamkiisi aad usareeyo iyo inaad go,aan qaadato adoo kala doorasho wacan adeegsanaya.
Bulshada aqoonta iyo xikmada usaaxiib ka ahi wey ka caqli badan yihiin bulshada aan looga sanqadhin aqoonta, aqoontu ma dhammato marxalado kala weji ah ayaad u martaa si aad wax u baratid laga bilaabo dugsiga hoose, dhexe, iyo ka sare markaad dhamaysato waxaad uban baxeysa heer jaamacadeed adoo aqoon taada balaadhinaya waxaad baranaysaa kuliyadahan. Sida injineer nimada, dhakhtar nimada, xisaabiye, maamule, dhaqaalayahan,taarikh yahan iyo qoraa.
Intaad wadaada cilmiga ku jirto waxyaabo badan ayaad baraneysaa halkaas na waxa si maldahan usoo galaya aqoonti aan toos ka aheyn (informal learning).
“ inbadan oo aad wax barataa, waxey kuu saamaxeysaa inaad noloshaada nidaamiso iyo inaad la qabsato deegan kasta”.
Saddex da weji ee bar bilow ga u ah aqoon ta.
1. Xaqiiq da ( facts) : macnaha xaqiiq waa wax run ah ama dhab ah. Tusaale haddii maanta qof wax kaaga sheego cilmiga dhakhtar nimada isna takhasus kiisu yahay injirneenimada, lagama yaabo inaad muhiimad badan siisayso odhaahdiisa waa sida ay dad ku ubadan yihiine.
2. Fikrad ama ra’yi ( concept): waa fikrad ku saleysan xaqiiq dhab ah, sidoo kale waa ka fiirsasho xeel dheer ayaa sameysa fikrad taam ah.
3. Guud ahaan sho( generalization): waa odhaah, xeer ,fikrad, laakiin, kuwo kamid ah aan xaqiiq ku saleys neyn. Tusaale , waxaad rabta inaad ogaatid waa maxey sabab ta afrika unoqotay qaarada ugu faqiirsan caalam ka? Baadhitaan ka dib waxaad ogaatey saddex dan shey iney saldhig uyihiin dib udhacaas.
1. Qadar ka jaahilnimo oo kor ukacay
2. Iyadoo aaney dimiqraadiyad jirin, iyo
3. Musuq-maasuq aafeeyay, iyo khilaafad ka dhex aloosan.
Saameyn intee leeg ayay warbixina iyo macluumaad ka aad helayso ku yeelanaysaa aqoonta, (information and data).
Aqoontu waxey ka kooban tahay warbixino iyo macluumaad la uruuriyey, si ay aqoon taadu xaqiiq unoqoto kalsoonidaaduna u korodho waa inaad iska hubiso warbixina iyo macluumaad ka aad ka helayso.
Qoddob ka ugu horeeya ee aad isku hubisid waa inuu noqdaa warbixinta ama warar ka aad ka heshay inuu xaqiiq da ku fadhiyo iyo in uu been raad leeyahay. Baahiyaha ( TV) ama idaacadu ( radio ) waa ilaha laga helo warbixinta, sidoo kale internet ku isna waa il laga helo warbixinta.
Macluumad ku waa isha laga aamini karo in warbixintaasi dhab tahay iyo inkale. Tusaale waxa jira buugaag iska hor imanaya midba wax gaara ayuu kuu sheegaya, laga yaaba inaad ku wareerto kaad qaadan lahayd ama aad aamini laheyd. Marxaladaas waxaad samey karta mid kasta gaar ayaad ubaadhaysa adoo ka foojignaaya inaad isla markiiba aad aaminto labaad iskhilaafaya midkood.
Saddex da hab ee macluumad loo ururiyaa waa :
1. Hab su,aalo weydiin ah ( questionnaires)
2. Indho-indheyn ( observation )
3. Iyo in koox doodeysi ah lasameeyo ( group discussion)
Faai,dada akhrisku uleeyahay aqoonta.
Akhris ku wuxuu udhexeeya akhriyaha iyo waxa la akhrinayo, waxyaabaha aad akhrsi waxey noqon karaan buug,jaraa’id, kitaab IWM.
Ujeedada aad wax u akhrinaysaa waxey noqon kartaa, madadaalo,cilmi korodhsi, wakhti lumin IWM. Dad ka wax kale gedisan akhriyaa waxa lagu tilmaama dad ka caqliga usaaxiib ka ah. Sidoo kale waxa la tilmaama qof ka wax akhriyaa wuxuu jiraa saddex qarni. Cajiib ! side ujiraa waxa weeya.
1. Qarni tegay wuux akhrinaya buugtii laga qoray wuu la noola dad kaas.
2. Qarniga jooga wuux akhrinaya buug ta laga qoray ama se indhiisa u macalina ah.
3. Qarniga kasoo socda oo waa uu saadaalin karaa rajada aayaha.
Sidoo kale haddaad rabto inaad noqoto qore wanaagsan waa inaad ahaata akhriye wanaagsan. “ maalinta aad iskuul ka aad joogto ama jaamacada waa iney noqotaa maalin wax cusub soo korodhsato, sidoo kalena, wakhtiga aad ka maqantahay goobaha waxbarashada waa iney noqotaa wakhti aad wax baraneyso – si aad tan usameyso waa inaad wakhtigaaga maamusha”
gunti iyo gebi-gebidi, waxan naftayda iyo nafihiinaba kula talinaya in alle towbada ina waafajiyo kuwi alle ka raali noqdana inaga dhigo wa bilaahi tawfiiq.
Qalinki : – C/xakiin C.laahi Aaden dheere
Addis-ababa Ethiopia
Email = abdi.177@hotmail.com
Phone number = 0937603544
Khilaafadka dalka Yaman waa kuwo mudo dheer soo jiitamayay oo soo maraya marxalada kale duwan, kuwaas oo mid walba lahayda duruufeeda ku xeeran, hadaba qormada ugu socdo in aan kaga hadalno taarikhdii khilaafadka Yaman balse waxaa ku eegi doona dhacdooyinku ugu danbeeya iyo saameynta kala duwan ee ay ku yeelan karto dalkeen.
Sanadkii tagaya ayay Jabhada Xuutiyiinta oo ah jabhada Shiico ahm oo hogaamiyo Abdimalika Al Xuutiyi, ee gacan saarka la leh madaxweynihii la ridaya ee Cali Cabdalaha Saalax, ayaa qabsadaya dhul badan Waqooyiga Yaman ah oo ay ku jirto Caasimada Dalka ee Sanca, waxaa la wareegeen dhamaan dhismayaashii dawlada iyadoo qabsada xarunta Baarlamaanka iyo Madaxtooyada. waxaa sheega in ay meesha ka saareen dawladii uu hogaaminayay Madaxweyne Haadi. Waxaa bishan horaanteed ku dhawaaqeen dawlada ay leeyihiin oo dalka maamuli doonta.
Xaga Koonfurta Yamada ee dalka, Gobolka Al Abyan waxaa sii xoogaystay Al- Qaacidada Gacanka Carabeed. Oo ku fiday dhul badan, waxa sababtu tahay dadka Suniga ah ayaa taageer siiyay si ay uga hortagaan Xuutiyiinta soo fidaya. Hadaba dhibaatooyinkaas waxay sababeen in Yaman dawlada la’aan noqodo. Waxaana dhamaan dalalka xuduudaha la leh dalka yaman ee dhinaca Bad iyo dhinaca Bariga soo foodsaaray culus badan oo noocyo badan leh. Sida Dhibaato Amaan, Dhaqaale. iyo Siyaasadeeda. Waxaa ka mid ah dalalkaas dalka Sucuudiga. Cumaan. Somaliland, Jabuuti, Eratariya, Suudaan, Masar, Soomaaliya iyo dawlada badan oo istimaala marinka baabul mandaba ee bada cas.
Hadaba Soomaaliland waxay ka mid tahay dalalka xaga bada xuduudka kala leh dalka Yaman, waxaan soo foodsaaray laba dhibaato oo waaweyn oo ah xaga Amaanka Iyo xaga Dhaqaalaha, hadiia aynu eegno dhibaatada Xaga Amaanka: Yaman waxaa baabayda dawladii shaqaynsa waxaa kor u dhacay awoodii ururada argagixisada sida Al-Qaacida iyo kuwo kale. Waxaa gacan saar la leeyihiin dagaalayahanada ka dagaalada gudaha dalka aynu jaarnahay ee soomaaliya, Kuwaas oo halis ku ah amaanka dalkeen waxay hubka iyo tababarada ka helay Al-Qaacida Gacanka Carabeed, waxaa jira ururkaasi in ay hubka iyo saamada kala soo degi jireen Xeebaha Bariga Gobolka Sanaag halkaas oo ay kooxdu ku leedahay awood badan barigii hore.
Waxaa kale oo Hub Iyo Saanada Ciidan ka heli kara cadawga soomaaliland Sida Maamul Gobeedka Soomaliyeed ee Puntland, Khaatumo, Jabhada Suldaan Wabar, iyo dhamaan cadawga kale duwan ee Jamhuuiyada Soomaaliland. waayo dalka Yaman waa dal hodan ku ah hubka noocyadiisa kala badan siiba Hubka Nooc Fudud. Waxaa markaas dhici karta in hub badan uu ku soo qulqulo si tahriiba dhulka soomaaliland, oo awooda kooxaha ka soo horjeeda Soomaliland kor u qaada taasi waxa keeni doontaa in amaanka soomaliland halis galo.
Xaga Dhaqaalaha: dalkeenu waxaa uu la leeyahay xidhiidh dhaqaale Dalka Yaman , oo taarikhi ah, waxbaynu u dhoofinaa, waxna way ka soo dhoofsanaa, waxaa u dhoofinaa Xoolaha Nool waan dalalka xoolaha ugu badan aan u dhoofin jiran marka laga yimaado dalka Sucuudiga Iyo Dalka Imaaratka Carabta. Waxa ka soo dhoofsanaa alaab badan oo ay ku jiraan waxaa laysku yidhaahdo Magaashka, Sharaabada, iyo waxyaabo kale oo badan, hadaba dhibaatada Yaman waxaa keeni doona in ay hoos u dhacdo Suuqa Xoolaha, waxaa kale oo kor u kici kara qiimayaasha aleebta aynu ka soo dhoofsan jirna hadii ay joogsadaan.
Waxaa kale oo jira dhibaatooyinka kale oo in soo foodsaari kara haddii colaad dalka Yaman sii xoogaysato, sida in qoxoonti badan oo aynu Qaadi Karin Culasykooda.
Ugu danbayntii dalkeenu waxaa uu u baahan yahay in aynu tirade ku darsano dhibaatada dalka yaman oo saameynta badan inagu leh, waxaa kale oo muhiim ah la xaliyo dhamaan khilaaafada gudaha ee dalkeena sida Cabashada Bariga Iyo Galbeed, sidoo kale in kor loo qaado awooda Ciidanka Sirdoonka, Ciidanka Qaranka, iyo kuwa Booliska ee dalka si aynu dhaqdhaqaayada ururada argagixisada uga hortagno. Iyo hagardaamooyinka cadawga Jamhuuriyada Soomaaliland.
Qalinkii: Khaalid Cabdilaahi Ducaale
Tel: +252634111694
Twitter: @KHDualeh
Email: khdualeh@gmail.com
Djibouti:Feb,26,2015(SDN/QJ)-Warar cusub ayaa kasoo kordhay Sida ay yimaaddeen xogaha sababay inay Dawladda Djibouti xidhato xadkeeda ay la leedahay Somaliland oo haatan xidhan muddo toddobaad ku dhaw.
Warbixin lagu baahiyey shabakad ka faalloota arrimaha amniga, sirdoonka iyo argagixisada oo la yidhaa Intelligence News, ayaa lagu sheegay in dawladda Jabuuti u xidhay xadkeeda Somaliland sababo la xidhiidha dhinaca ammaanka, kuwaasoo soo baxay kadib markii kooxda Al-shabaab ku hanjabtay inay weerarro ku qaadi doonto suuqyada dalalka reer galbeedka.
“Dawladda Jabuuti ayaa xidhay xadka ay la wadaagto Somaliland, markii kooxda Al-shabaab ugu baaqeen taageerayaashooda caalamka inay weerarro ku qaadaan suuqyada iyo danaha reer galbeedka, taas ayaana keentay in la xidho xadka, iyadoo sidoo kale dawladda Jabuuti xoojisay ilaalinta xuduudkooda, ciidamo fara badan oo millatari ahna la dhigo xadka ay la leeyihiin Somaliland,” ayaa lagu yidhi warbixintaas oo uu helay Wargeyska Jamhuuriya.
Waxa kaloo xogahaasi tibaaxeen in dawladda Jabuuti ka war-heshay weerarro Al-shabaab qorshaynayaan inay ka fuliyaan dalalka bariga Afrika, kuwaasoo si gaar ah loola bartilmaameedsanayo danaha istaraatijiyadeed ee waddamada reer galbeedku ku leeyihiin.
Sida warbixinta lagu muujiyey, sirdoonka dalka Maraykanka ayaa bixiyey xogaha dhinaca ammaanka ee sababay in la xidho xadka u dhexeeya Somaliland iyo Jabuuti, “Hay’adaha sirdoonka Jabuuti ayaa ku dooday inay xogo ka heleen sirdoonka dalka ay xulafada yihiin ee Maraykanka, xogtaas oo sheegtay in kooxda Al-shabaab maleegayso weerarro khatar ku ah danaha waddamada reer galbeedka ee bariga Afrika oo Jabuuti ku jirto,” ayey tidhi warbixintu.
Dhinaca kale, dawladda Jabuuti ayaa ciidamo tiradoodu gaadhayso kun askari u dirtay dalka Soomaaliya, kuwaasoo ka mid ah ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM, arrintaasoo abuurtay in laga feejignaado weerarrada Al-shabaab ku qaaddo dalalka ciidammadu ka joogaan Soomaliya.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com
Hargeysa:Feb,26,2015(SDN/QJ)-Wada-hadalladii Maanta oo Bisha February tahay 26-Ka Dawladaha Somalia iyo Somaliland uga qorshaysnaa Dalka Turkiga, ayaa dib u dhacay, iyadoo aan sa shaacinin sababta keentay.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland oo la Hadlay Idaacadda BBC-da, ayaa tilmaamay in wada-hadalladu dib u dhaceen, waxase uu ka gaabsaday inuu sheego sababta dib-u-dhacaasi keentay.
Wasiirka Arrimaha dibadda ayaa sheegay in wada hadaladu muddo kooban dib u dhaceen islamarkaana 1-da bisha March ay Turkiga ka furmi doonaan.
Waxaa la rumaysan yahay in dib u dhacu ka yimid dhinaca Somalia, maadaama Guddida Somaliland u qaabilsan wada hadalku diyaar garow ugu jirtay shirka todobaadadii la soo dhaafay. Guddida ayaa lahayd kulamo u dhexeeya iyaga iyo kuwo ay la yeesheen Asxaabta Qaranka.
Kulamadan oo heer Wasiir iyo Xildhibaanno ah ayaa lagu talo jiraa in haatan loo gudbo arrimaha Mustaqbal ee labada dhinac kuwaasi oo si aada ugu kala mawqif fog.
Somaliland ayaa ajandaheeda geed ka go’anka ahi yahay in Gooni isku taagu yahay lama taabtaan, sidoo kalena Somalia ayaa aaminsan inaanay suuro gal ahayn in laga wada hadlo kala goynta wixii la isku odhan jiray jamhuuriyadda Somalia.
Wada-hadalladan oo la bilaabmay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, ayaa noqday qaar ma dhalays ah, waxana aan la haynin wax natiijo ah oo kasoo baxday Kulamo tiro badan oo labada dhinac yeesheen.
Dhawaan ayey mucaaridka somaliland shaaciyeen inaanay taageero u haynin Wada-hadalladaas, iyagoo ka faa’iidaysanaya Rabitaanka shacabku u hayaan Arrimahaas oo hoos u dhacay.
SDN/QJ
Hargeysa:Feb,26,2015(SDN/QJ)-Mako waxay ku barbaartay nolol degan iyo qoys dhisan waxay ahayd guri dambays aad iyo aad loo jecel yahay lana koolkooliyo. Hadii ay kaalin gashay oo ay gashaanti noqotayba waxay kohatay inay gayaankeed iyo gadeedaba guur ka raadiso waxaana Alle Calaf isugu daray Miigane oo markaa ahaa gadaha Mako, markii ay isla fahmeen inay rug iyo reer yagleelaan geediga noloshana sii wataan ayaa sidii soo jireenka ahayd uu u soo golo fadhiistay la isu gudoomi , gaaf loo samee , goolal loo loog la isuna ducee. Hadii ay mudo guri lahaayeen noloshana gun iyo baar isla fahmeen deegaankoogaa miyigunu la yaabeen isku heelanaanta iyo jacaylka dhexdooda yaala . waxa Alle ugu deeqay wiilkii curad waxaanay ugu wan qaleen duunyo badan wiilkaa ka dib waxa Alle ugu daray laba ubad oo ah gabadh iyo wiil kale hadiiba ay sadex ubada haystaan . Waxa geeriyooday oo xaqii u yimid wadaadkii Miigane ahaa, Makana waxa deris u noqday walaac, walbahaar iyo wehel la,aan waxa ku soo uruurtay muruga iyo masuuliyada ubadkeedan waxay go,aansatay sidii ay nolosha u waji lahayd xaqana Alle ( SWT) ugu sabri lahayd waxay tallo ku gaadhay markay Asayda ama Hegenfta dhigto inay duunyada xoolaha ee ay haysto iibiso magaaladana u guurto si ay ubadkeega waxbarasho ula doonato waxay tallo ku soo goosatay inaanay nin dambe guursan balse ay ubadkeedaa gaadhsiiso nolol sare oo aanay tabin aabahood.
Guunyadiina iibisay magaaladii meel ka degtay waxaanay wajahday nolol adag , dhaqan ka duwan kay ku bartbaartay waxay kacaa kuftaba waxay iyadu habeen iyo maalin qadaba si ay ubadkeedu u dhargaan, waxbarashadii ku dartay waxaanay u noqotay hooyo iyo aabbe.
Hamigeega ugu weynina waa inay u darxumooto sidii ay iyagu asaagood u raaci lahayeen waxay ubadkeedii dhamaysteen dugsigii hoose dhexe waxaanay Mako niyada ka tidhaahdaa hada ayuunbay rajadii kuu soo dhawaanaysaa, somaliduna waxay tidhaahdaa “ Ninkaan Curadku Duuf laal Ka noqon Doonsin baa u Maqane’ waxa tahriibay wiilkeegii curad waxaanu beegsaday xagaa iyo sucuudiga muddo markii u dhuumaalaysi ku jiray ee Makana ay daashadeen walaac iyo walbahaar aya wuxuu shaqo ka bilaabay meel lagu iibiyo jaadka qarsoodiga aha markii uu maalmo yar joogay la isku xidh isagii iyo meeshiiba xabsi iyo ganaax la isugu dar warkii soo gaadh Mako oo markii horeba murugo la ildaran taladii ku cadaatay waxay go,aansatay inay maarayso waxaanay iibisiy meeshii ay daganayd oo ahayd dhulka aadka loo jecel yahay intii u soo hadhayna waxay ku iibsatay dhul kale oo aad ugu fog isagiina la soo deji hadii uu maalmo
joogay hooyo Mako ubadkeedii isugu yeedhay waana iyo hoga-tusaalayna u soo jeedisay waxaanay warkii ugu soo goysay waar muuqiina ha iga dheeraynina, ha ii horseedina inaan naxdinta ka qaad xanuuno aan ka bogsan waayo hana I badina in la ii doondoono cid I aasta !!!
Aax aax aax aax ileen hadii damiirku kaa dhinto waxba ma dhaantid weel daloola oo waanadu way ku dhaaftaa , maalmo markii uu magaalada joogay ayuu hadana tacabiray beegsay bartaa iyo liibiya loona sheeg wadaadii xaalkeegu noqoy ileen ciil kuma dilee wuu ku daahiyaa!
Hooyo naxariis badanaa bartii ay daganayd qayb iibisay magafihiina kaga sii daysay bartaa doon ka raac waxay walbahaar baadkii iyo biyihii ka dheeraataba loo soo sheeg inuu dhintay dhakafaarkii dhulka gashay dhakhtar la dhig loo sheeg inay ku soo boodeen macaan iyo dhiikar mataano ah warkeegu noqoy bukaan socod , iska samirtay subaxii waxay la maleegataa caagado dhawr ah duhurkii markuu xayawaanku hadh galana waxay buur iyo banaan la meeraysataa iyagii oo buuxa si ay caanaha macaamiisheeda ugu shubto warkeegu waa caydhi ma bukooto oo markay socon kari waydaba meel bay kambadhuudhsataa hadana ka socotaa , muddo markuu xaalku sidaa iska ahaa wiilkeegii kale isna ha beegsado bartii walaalkii ku dhintay xaalkii Hooyo Makana ha noqdo dhulku kulama guuro, Saacadaada horteed ma dhimatid warka ugu horeeyay ee ku soo dhacaa ha noqdo lacagtii magafaha soo dir wehelkay haystaa ha noqdo walaac iyo walbahaar waadaga nafteeda dhulkii yaraa ee ay deganayd ha iibiso magafihiina ha kaga sii dayso , aqal soomaligii yaraa iska furfuratay meel aan dhulkeegii hore sidaa ugu durugsanayn oo xabaalo ahna ha ka dhisato, xaalkeegii caafimaadna ha iska sii cuslaado wiilkeegina warkaaba ma hayee halkan ha la soo joogo lacagtii doontaa hadhay ………..Aaaaaaaaaaaaaaaaax marka Mako la bariidayana waxay ku hal-celinaysaa tollow yaa ciiduun igu rogi oo I aasi doona isana uma bilawna jaarkii isku yaace dhakhtar la gee dawooyin loo soo miis wixii yaraa ee loo soo uruuriyay si ay nolol maalmeed uga dhigato ileen waa hooyo iyo caadkeeda ha u dirto doontii
uu raacay war hore ha looga waayo dhiigii iyo macaankii cirkaa ha maraan dhakhaatiirtii iyo dawooyinkii ha dajin kari waayaan maalmo waxay sidaa ahaataba geeridii u timid Mako.
La aas oo ehelkii iyo jaarkiiba ha galbiyaan inantii yaraydna isku buuqday oo koomo gashay.
Hadaba akhriste midha meesha taalaa waxa weeyi marka uu ilmuhu tahriibo hadii wuu waalidkii
wax walba u keeno oo wuu daaro fooqliyo duunyaduu doono siiyo waxa aanu marnaba dawayn
Karin ama aanu miisaankeeda soo celin Karin naxdintii gaadhay waalidka oo kaliya .
Fiiro Gaar Ah: qisadan ama xaalkani akhriste maaha malawaal ama iska samayn ee waa qiso dhaba oo dhacday
SDN/QJ
Qatar-27-Feb-2015-(SDN/QJ) Asxaabtay qubanaheena ciyaarha waxaynu ula haajireynaa xagaa iyo Qatar oo lagu qaban doono koobka kubadda cagta ee aduunka 2022 inta u dhaxeysa bilaha Nov iyo Dec.
Hadaba sababtu maxay tahay loo qaban waayey June ? markii xiriirka kubadda cagta ee aduunka FIFA shir aay iskugu yimaadeen waxay isku raaceen in la qabto Nov-Dec bacdamaa June aad u kulusha ahay Qatar.
Akhyaartay ila daawada garoomada casriga ah ee sida doonyaha u eg looguna talagaley koobka kubadda cagta ee aduunka Qatar 2022.
W/qorey Jaahuur
SDN/QJ
Geeraarkan waxaa la yidhaa GAF-SOKEEYE, wuxuuna ka hadlayaa Hayb-sooca iyo gefaf badan oo lagula kacay bulsho ka mid ah ama beelo ka mid ah beelaha Soomaalida, waa bulshada loo yaqaanno (Gabooyaha). Gabaygan waxa tiriyay abwaan Cabdinuur Maxamed Carab.
1. Geeraarbaan Ereygiisiyo
2. Taladaan Gocanaayo
3. Sida loogu gorfeeyiyo
4. Gadihiisa aqaane
5. Goobtan cawa la joogana
6. Guyaal baaban sugaaye
7. Kama gaabsan karaayee
8. Ga’da maan ka bilaabo .
9. Geedibaan rarayaaye
10. Bal halkuu ila gaadhiyo
11. Gurigaan furi doono
12. Allahayoow gayi rooniyo
13. Goob barwaaqo ka yeel
14. Gud-bay oo iska dhaafaye
15. Hadaan gees kale eego
16. Soomaalay giddigiinba
17. Idinkoo dad gudboon ah
18. Oon badhkiin gaalo ahayn
19. Su’aal aan garan waayey
20. Oo waayahaa I gubaysay
21. Gafna aan u arkaayaan
22. Golaa soo dhigayaaye
23. Guurtiyeey bal dhagaysta oo
24. Jawaabteeda gorfeeya oo
25. Garawshiiyo ka keena !!!!
26. Maxaa beeshan gabooye
27. Gaarka loogu faquuqay
28. Ee gesigooda bar-baariyo
29. Gabdhohoda qurxoon
30. Ee aad geenyada mooddo
31. Ma gaynaa la yidhaaye
32. Maxaa loo galbin waayey ?
33. Ee guurka loogala maagay ?
34. Ee geesta looga maraa ?
35. Gayaan weeye ilayne
36. Gaf miyaanay ahayn ?
37. Umad aynu gud-boonnay
38. Oo Guri aan wada naalno oo
39. Guudka aan isu eegnay
40. Bal maxaad ku giriiftay ?
41. Ee Gunta loogu sifeeyey
42. Adna aad GOB ku sheegan?
43. Bal waxad Gooni u dheertay
44. Golahan caawa ka sheega ?
45. Gabooyaa ka yasaayoow
46. Ma anigaa ka gu’waynoo
47. Guun ah baad igu leeday ?
48. Maadigaa Dhud galooloon
49. Cidi gaadhi karayn iyo
50. Geedo gaar ah ka beeran oo
51. dadkan guudka ka saaran
52. Ma isagaa Garan waa iyo
53. Gumartaa laga uumay
54. Ma isaga ah goriile
55. Geed qudhaad wada tiine
56. Abtirsiimada guudkiyo
57. Aaden saw gali maayo?
58. Garaad gaabanidee!!!!!!!
59. Galladaa rabbigeennu
60. Uu inoogu gar-gaaray
61. Nina gaar uma sheegtee
62. Maadigaa ka gun dheeroo
63. Garashaanay lahayn!!!?
64. Mise goobta dagaalkiyo
65. Halka laysku galaayiyo
66. Gulufkay ka baqaanoo
67. Geesi baanay lahayn ?
68. Giniyaad lacageed iyo
69. Ma nin guunyo dhaqaayiyo
70. Ganacsadaanay lahayn ?
71. Ma gamaanka la fuuliyo
72. Fardihii gantamaayey iyo
73. Geela hawdka ku foofa ee
74. aynu gaaxda ka maalniyo
75. Lo’da geesaha dheer iyo
76. Gaabanoow adhigii iyo
77. Guunyadaad ka xigtaa ?
78. Oo ma idinkaa ula gaar ah
79. Oo iyagaan garanaynin
80. Gadda loo dhaqanaayo
81. Ma gartaanay aqoonoo
82. Guurti geed ka hadlaysiyo
83. Garsooraanay lahayn ?
84. Ma wadaaddo gadh-weynoo
85. Garabka wayso ku qaatoo
86. Faralkii gudanaayoo
87. Guulohood ka baqaayoo
88. U gar-gaara kitaabkiyo
89. Dad Qu’raan Garanaayaan
90. Guryahoodaba joogin ?
91. Ma nin aan gacantiisu
92. Waligiiba gudhaynoo
93. Martida goolal u loogiyo
94. Deeqsibaad kala gaartay ?
95. Oo gocor baad ku saluugtay ?
96. Ma abwaan God yaqaanno
97. Golayaasha yimaaddoo
98. Suugaantii galbinaayiyo
99. Gabayaabaanay lahayn.?
100. Ma gashaanti dhabeeloo
101. Qabbaankii gurigeediyo
102. Xilkeedii gudanaynsa oo
103. Gasiinkii karinaysa oo
104. Geedka loogu fadhiisto oo
105. Geenyo ah oo la majeertiyo
106. Gaari baanay lahayn!!!!?
107. Intaasoo galladoodba
108. Gabooyuu kuwan soocay
109. Way ku gaadhi karaanoo
110. Ganbadaa lama dheera !!
111. Gadaafaad ku waddaane
112. Waxaan maanka galayn iyo
113. Gurrac layskuma raacee
114. Qofka aad ka go’ayso
115. Wax gad-maaya ku diid .
116. Ajiyoow Gar-darraale
117. Gacalkiisa fogeeyoow
118. Gaf sokeeye Gal maahaa
119. Gees biciid tumo maaha
120. Adigaa iska guuraye
121. Badhna waa gondo raacise
122. Gafka uunka ka ka daaya
123. Oo walaalihiin Gacmohoda
124. Iyo garabkooda ahaada .
125. Walaaleheenna Guhaad iyo
126. Guubaabaan farayaaye
127. Dadka yaanay ka gaabin oo
128. Guusha yaaney ka quusanoo
129. Gaf haddii lagu maago
130. Iyana yey is gamaarinee
131. Waa inay gil-gishaanooy
132. Maskaxdooda korshaan.
133. Waan gunaanadayaaye
134. Gabooyaa waxan leeyey
135. Tartan baa la galaaye
136. Giddigiinba midooba oo
137. Gees kasoo wada jeesta oo
138. Guullihiin tala saarta oo
139. Cirkaad gaadhi kartaane
140. Hankiinna meel sare geeya
141. Oo god-daloolada awda .
142. Guubaabo wayga intaas
143. Gar eexana wayga walle
144. Go,aanna waa ka ilaah
Abdinour Mohamed Carab
Hargeysa, Somaliland
Geneva Feb 27,2015(SDN/QJ)- Mudane Cali Ibraahim Moxamed (Cali Sanyare) oo ahaa Wasiirkii Qorsheynta Qaranka iyo Xidhiidhka Ha’yadaha Caalamiga ee xukuumadii Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin ayaa, isagoo joga magaalada Jineefa (dalka Swiserlaan), aannu la yeelanay wareysi dheer oo dhinacyo badan taabanya. Waa wareysigan taxana ah oo mudo socday haatan socona doona dhawr todobaad oo danbe Kala soco qurbejoog.com
Qeybta 5aad ee taxanaha ayuu Wasiir Cali Sanyare Maanta ku eegi doonaa iibinta laga iibinayo ganacsto hanti ay ku jirto dhul,dismeyaal, iyo warshado iyo sababaha keena murankan,
Hargeysa:Feb,27,2015(SDN/QJ)-Suldaanka Beelaha Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi, ayaa jawaab ka bixiyey Hadal dhawaan uu Suldaanka Guud ee Beelaha Somaliland ka yidhi Dekedda Berbera oo la sheegay in xukuumaddu shirkad kale ku wareejinayso.
Suldaan Xasan ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray ku sheegay inay Haboonayn in Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir kala tashato jawaabta uu Arrimaha Dekadda Kaga Hadlayo, waxana uu xusay inaan loo baahnayn inuu udhaafo Dekedda uu dhalasho ahaan uu kasoo jeedo.
Sidoo kale waxa uu Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Su’aal geliyey Saldannada Guud ee uu sito Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, waxana uu sheegay inaanay sheekagashadaasi ahayn mid sax ah.
Warka uu Suldaan Xasan Soo Saaray ayaa u dhignaa sidatan:
Suldaan maxed suldaan cqaadir suldaan clahi oo Aanu kala mudanahay tix-gelin qadarin iyo xishmad soo jireena hadaan ahay suldaanka guud ee subulaha ilaa saaxil Suldan xasan suldaan cabdilaahi suldaan cabdi raxmaan suldan diiriye.
Runtii Waxa aanu nahay laba saldanadood oo isku faca mataano ku ahaa talo boqornimo sharaf oo isku xili fog u soo ariminaayay Somaliland.
waxa noo dheer tafiir qudha inaanu kasoo wada jeedno oo loo yaqaan ba-dahabo oo dalka hadii uu turkigii joogay waxa uu ugu imanaayay labadayada awoow suldan diiriye garaad iyo suldaan diiriye xasan oo geed qudha wada fadhiya oo boqoro dhulkoodii jooga ahaa oo dhinacna wada dhashay.
Hadii uu ingiriis yimina labadii suldaan ee ku xigay suldan cabdiraxman suldan diiriye iyo suldan cabdilahi suldan diiriye oo geed qudha wada fadhiya haday xornimo u socdaan isku talo ah qof udhaxayn laguma koobi karo sida sooyaalkii tarikhed ee fogaa ee naga dhexeeya labada saldanadood hayeshee waxan isu haystaa inaan wali geedkii fadhiyo dhaqanku siduu ahaa odayaasha reer salaxley uma dhaafi karo asagaa noo dhexeeya saaxilna wadadeda inuu soo maro waa dow balse in badan waan isu dhagooleeyay in badan waan isu indholeeyay ha maqlin ha arkin malaha wuu kasoo degi faraskan .
hase yeeshee maanta waa in aan xakamaha u qabtaa waxaan leeyahay Suldaan soo baydh oo kusoo noqo dhaqankii dadkayga reer saaxil siday ii xurmeyanbay kuu xurmeyn iyo si ka badan dadkayga reer gabiley sidoo kale ana reer salaxley xurmo badan baan ku qabaa oo taada ka badan.
warbaahinta waxaad marinayso jooji, xaajooyinka kaleba sidaad iigaga timaad la kaalay wixii aad saluugto marna ha ii weydaaran odayaasha yaanay iyana kusoo gaadhine waa talo hoga tusaaleyn iyo waano xambaarsan reer saaxil oon suldaan u ahay xaalbaan ka siiyay dhinacii bah ahaan suldan maxamed suldaan cabdi qaadir.
waxa kale oo xusid mudan haba yaraatee dhaqankeena soo jireenka ah kuma jirto suldaanka guud ee dalku qolyaha saxaafadu haka waantoobeen. suldaanku maaha administration ee waa hogaan dhaqan oo beel ama laba beelood u bokhran oo cumaamada u haya qaran waxaa metela ninkaa distooriga ah ee kitaabka u maray sida madaxweyne xildhiban Baarlamaan ama degaan luquntu madaxa ma dhaafto kii maamula shaqadiisa waala yaqaan kii dhaqana ardaagiisa waa layaqan saxaafadu haday ka xishooto suldaanka habar awal qabyaaladaa sidii berigii hore ee xoriya iyo jamhuriya deganka hasheegen suldanka subulaha ilaa saxil suldaan maxed walaalkayna suldanka guud ee salaxley waa ok suldaanka guud ee qaranka waa madaxweynaha dalka shucubteena iyo qabaa ilkenuna waa suldan. Caqil iyo cheif caqil beelna beel waxba uma dhiibane shaadhka hanaga weyneynina markaad wax qoraysaan markaad suuqa joogtaan hana odhanina suldaankii ciidagale ama awal ama arab dhaqanka intuu hayo sheega wasiirka sidiisa u sheega xilalkaa qaranka waabad sheegtane dhaqankana sidiisa u sheega waayo janareshinka inaga danbeeya haka khalkhalina dhaqanka jamhuriyada Somaliland baa umada ka dhexaysa wabilaahi towfiiq”
SDN/QJ
Hargeysa:Feb,27,2015(SDN/QJ)-Wararka naga soo gaadhaya Deegaanka Kalshaale ee Gobolka Buuhoodle, ayaa sheegaya in dagaal uu goor dhaweyd halkaas ka dhacay, isla-markaana ay dhimasho iyo dhaawacba jiraa.
Wararku waxa ay intaas ku darayaan in Kooxda fallaagada Khaatumo ay saaka Weerar kusoo qaadday deegaanka Maskax-buqle oo ka ag dhaw Balliga Kalshaale, waxana ay halkaas ku dileen Nin ka mid ahaa Dadka Deegaanka Qorilugud oo xoolo dhaqato ahaa.
Sida ay Dadka deegaanku u xaqiijiyeen Shabakadda Qurbejoog.com, waxa Marxuumka la dilay la odhan jirey Laliye, waxana uu la joogay xilligaas Geel halkaas daaqayey, iyadoo ay dhaawacyo-na jiraan.
Kooxdii dilka geysatay ayaa la sheegayaa inay Halkaas ka baxsadeen markii ay dilkaas geysteen, waxana goobtii tegay Gurmad ka socday Deegaanka ninku ka dhintay, kuwaas ay rasaas isweydaarsadeen gacan-ku-dhiigalayaashii dilka geystay.
Wararku waxa ay intaas ku darayaan in Gurmadku si weyn uga socdo Deegaankaas, iyadoo Labada dhinacba wadaan is urursi is kooxaysi.
Shacabka deegaankaas ayaa waxa dhex taalla Colaad bilaabantay xilligii xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, waxana guuldarraystay Isku dayo dhawr ahaa oo la doonayey in colaadaas lagu damiyo.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com
Hargaysa 27.Feb 2015 (SDN/QJ)-Guddiga jamhuuriyadda S/land u qaabilsan wadahadalada Somaliya ayaa maanta u ambabaxay Dalka turkiga oo maalinta Axadda ay ka bilaaban doonaan wadahadaladii labada dhinac, wadahadaladaas oo ay Somaliland ku doonayso inay ka soo baxdo natiijo saamaynaysa madaxbanaanida JSL.
Waftigan oo uu hogaaminayey Wasiirka Arrimaha Dibada ee Somaliland Maxamed Biixi Yoonis ayaa waxa ku Wahelinayey Wasiirka Beeraha Somaliland Faarax Cilmi Geedole, Wasiirka Duulista iyo Hawda Maxamud Xaashi, Wasiirka Xanaanada Xoolaha Cabdi aw Daahir, Guddoomiye Ku-xigeenka Kowaad ee Golaha Wakiilada Baashe Maxamed Faarax, Guddoomiye Ku-xigeenka Kowaad ee Guurtida Siciid jaamac Cali, Xildhibaan Kijaandhe iyo Xildhibaan ka socday Golaha Guurtida.
Wasiirka Arrimaha Dibada ee Somaliland Maxmaed Biixi Yoonis oo Warbaahinta la hadlaya intii aanay madaarka ka Dhoofin ayaa Sheegay in Waftigoodani ay dalka Turkiga u tagayaan sii Amboqaadka Waddahadaladii u socday Somaliland iyo Somaliya oo Maalinta Axada ka Furmaya waddanka Turkiga Magaalada Istanbul.
Ottawa Feb 27,2015(SDN/QJ)-Waa Barnaamijkii taxaniha ahaa ee Diinaga ahaa ee uu Sheekh Saciid Cali Axmed inoo soo diyaarin jiray.
Todobaadkana waxa uu ku saabsan yahay In qof ban’iaadmi ah la badalo fikirkiisa, dhaqankiisu ma fudduda. Waxa hadaba muhiim ah in la is waydiiyo sida uu Nabi Maxamed (Salalahu Calyhi Wasalam) uu mudo 23 sano ah ugu guulaysatay in uu isbadal wayn ku sameeyo fikirkii iyo dhaqankii ka jiray jaziirada Carabta. Halkan ka daawa sida uu barmaamij ku saabsan mawduucaas.
Jabuuti 27.Feb 2015 (SDN/QJ):- Taliyaha Ciidanka Booliska Jabuuti Col: Cabdillaahi Cabdi Faarax, ayaa sheegay inaanu xidhnayn Xuduudka u dhexeeya dalalka Somaliland iyo Jabuuti, kaasoo toddobaadkii hore hakad la geliyey gaadiidkii iyo dadkii labada dhinac u kala gudbi jirtay. Hase-yeeshee, Taliyaha ayaa maanta sheegay inaanu xadku ka xidhnayn cid kasta oo doonaysa inay sifo sharci ah ku galaan gudaha waddanka Jabuuti.
Taliyaha Ciidanka Ammaakna Jamhuuriyadda Jabuuti Col. Cabdillaahi Cabdi Faarax, waxa uu ku dooday inaanu jirin xadka u dhexeeya Somaliland iyo Jabuuti oo wakhtigan xidhan, hase-yeeshee ay jirto wada-shaqayn dhinaca ammaanka iyo adkayntiisa la xidhiidha oo ka dhexeeya Hay’adaha Ammaanka ee dawladaha Jabuuti iyo Somaliland, sidaa awgeedna xog ay ka heleen dhinaca Somaliland ay keentay adkaynta isu-socodka dhanka xadka oo ka xidhan guud ahaan cidda aan sharci haysan iyo cidda sharcigoodu kala dhiman yahay ee rabay inuu galo Jabuuti, taasoo uu ku tilmaamay tallaabo sharci ah oo ay labada dawladood isla ogyihiin.
Waxa uu Col. Cabdillaahi Cabdi Faarax sidaas ku sheegay Shir Jaraa’id oo uu Jimcihii maanta ku qabtay Magaalada Jabuuti ee Caasimadda Jamhuuriyadda Jabuuti, kaasoo uu kaga hadlay arrimaha Xuduudka iyo xidhiidhka iskaashi ee ka dhexeeya Hay’adaha Ammaanka iyo War-doonka ee dawladaha Somaliland iyo Jabuuti. Waxaana Warbixinta Warkiisa oo dhan aannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho Wacan:-
Dawladda Jamhuuriyadda Jabuuti, ayaa marar kala duwan xidhay Xadkeeda tan iyo markii Qaraxyadu ka dhaceen Caasimadda dalkaas ee Jabuuti badhtamihii sannadkii hore, kuwaasoo 15 qof oo Ajaanib ku jiraa ku dhinteen, isla markaana labaataneeyo kale ku dhaawacmeen, markaasoo baadhitaanno ka dib ay dawladda Jabuuti sheegtay in Nin iyo Gabadh Qaraxyadaas fuliyey muddo socdaal ku joogeen Hargeysa, ka dibna ka gudbeen Xadka ay Somaliland iyo Jabuuti wadaagaan, markii ay maalmo kooban gudaha Jabuuti ku sugnaayeenna ay Qaraxyada fuliyeen.
Hargaysa SDN/QJ
Hargeysa 01.March 2015 (SDN/QJ)
Daarihii burburay shalay,
Waxa maanta kaga daran,
Iimaan-darraantiyo,
Nabaad-guurka Diintiyo,
Kaga dhacay damiirkoo,
Dal waxaan ku noolahay,
Saddexdii dalaaqood,
Lagu furay dadnimadii,
Maansada Daba-taxan ee Gaarriye, 5/1/1997kii, Hargeysa,
Hargeysa, 28/2/2015ka,
Hordhac:
Waa halkii Timacadde e’, “Waxba yaan araar tiigsan iyo, tooxistii gabaye.” Beydka aan taxanahan gaaban ku suntaday ama cinwaanka uga dhigay ee ah: “Dadkii sow tan haadkiyo, haanraawe boobeen,” waxaan ka soo ergistay Hadraawi. Ereyga “Haanraawe”, wuxu ka mid yahay ereyada aan hadda sida aadka ah loo adeegsan. Qaamuuska Soomaal, wuxu ereygani ku macnaysan yahay dugaagga inta hilib-cunka ah.
Intaa aynu ballaysin iyo ararba ka dhiganno. Aan uga gudubno dulucda iyo ujeeddada aynu ka leenahay taxanahan gaaban ee Sabtiilaha noqon doona ee aynu ku suntannay: “Dadkii sow tan haadkiyo, haanraawe boobeen.”
Waa taxane aynu ku soo qaadan doonno mowduucyo la xidhiidha waayahan cakiran ee ay dal iyo dadba badday Xukuumaddan faan-jecel faallo-neceb. Waxaynu kaga hadli doonnaa Xukuumaddan wax-qabadkeedii dhaafi la’ yahay dhagax been ah oo meel la dhigo iyo waxaan sakaaro ka biirsan oo hadba la yidhaahdo Madaxweynaha ayaa xadhigga ka jaraya. Haddii ay wax macno leh ahaan lahaayeen, Madaxweynaba looma kaxaysteen oo inta Odeyga da’daas ah inkaar laga shaqaysto hadba meel looma kaxeeyeen. Hadda waa kuwii dad ugu xigay iyo intii uu xilalka ku muuneeyay ee ku muraadsatay.
Bal ka warrama waddooyinka marka dhowr kiilo mitir la dhoob-dhoobaba Madaxweynaha iyo Xukuumadda oo dhan loo kaxaynayo. Malahayga, waddada Kalabaydh iyo Tog-wajaale u dhexeysa ayaa waddooyinka Hargeysa ka baxsan ugu gaabnayd oo Madaxweynuhu dhowr jeerna wuu dhagax-dhigay, dhowr jeerna wuu furay. Waxa intaa dheer dhowrka jeer ee hadba Wasiir xilka lagula dul-kufay la jibbaysan oo hallowsani xadhigga ka jaray ama isku soo sawiray. Guriga Martida ee magaalada Sheekh Madaxweynuhu safarkiisii dhawaa mar labaadkii ayuu dhagax dhigay. Hadda waa magaalada Sheekh oo Madaxweynuhu markii uu marayay ee ka hadlayay uu ku dheeraaday inta jeer ee ay magaaladaa wax isu yihiin. Waa halkii Cabdi Iidaan Faarax e’: “Anigu daaha kama erogin, dadku se waa yaqaannaa.”
Wax-qabadku sidiisaba is-ma qariyo. Wixii wax-tar u leh mujtamacan tabaalaysani is-ma qariyo, umana baahna in la sheeg-sheego. Faanka, tookha beenta ah iyo shalaan dhaliyay goolkaas oo dhaqan iyo caadaba u noqday Xukuumaddeennan Kursi-jecel Kadeed-badan, malahayga laga roon. Wax-qabadka iyo goolasha la dhaliyaa iyaga ayaa isa sheega, umana baahna Wasirro kuraasida ku mamay oo dalka iyo dadkaba dib ugu celiyay nidaamkii keli-taliska ahaa ee laga soo guuray in ay dadweynaha iyo Madaxweynaha ku mashquuliyaan wax aan sidaa u sii ridnayn.
Hadraawi miyaanu maansadiisii Jiitama ee 1984kii, mar uu ka hadlayay hafarkii iyo been-sheeggii nidaamkii millateriga ahaa ee aan la mahadin, ku odhan:
“Dheeha muuqa guudkaa,
Nuxur looga dhigayaa,
Haddii ay dhabeel tahay,
Dadka lihi ku dhaataan,
Wuxuun dheef ah lagu qabo,
Dhag-dhag iyo durbaan iyo,
Dharba looma baahdeen,
Ninka dhacanta jiitow,
Dharka ceebta qariyaa,
Hadaf iyo dheh maahee,
Dhaqan suubban weeyaan,”
Si dhab ah oo mowduuciya marka aynu u hadalno ama wax u qornaba, Xukuumadi iskama hadasho ee waxay raacdaa abbaar iyo tilmaan qorshaysneyd oo ay dejisatay. Xukuumaddeennan ‘Kacaan-u-eg’ ee aan la mahadin, waxa ka soo hadhay dhagxaan si macno-la’aan ah dalka loogu saydhiyo, ubaxyo been ah oo qoorta la isu geliyo iyo wax-qabad-ku-sheeg sidii gaaraa-bidhaanka hadba meel ka hillaaca oo hadba safar ma-dhalays ah oo aanu ka geyoonayn Odeyga la geliyo, in kasta oo ay immika runtii albaabbada ku garaacday nidaamka dalka ka taliya oo safarkii ugu dambeeyay ee Berbera lagu tegayba diyaarad loo adeegsaday.
Xukuumadaha dhabta ah ee jira laba arrimoodba waa lagu yaqaan, waana lagu cabbiraa ama dhudhumiyaaba wax-qabadkooda:
Barnaamajka Ballan-qaadyada ah ee Xisbiga talada haya ama ku guulaystaa ku galo ololaha,
Qorshaha shan-sannadoodlaha ah ee ay Xukuumaddu dhigato,
Barnaamajkii ballan-qaadka ahaa ee Xisbiga Kulmiye ololaha ku galay 2010kii, halkii ay ku tuureen maalintii ay guulaysteen cidi kama soo qaadin. Kaaga daran e’, Xisbi Kulmiye la yidhaahdo oo ay talo gacanta ugu jirtaana ma jiro oo guri-caskii lagaga soo guuray ayuu ku garbo-duuban yahay. Taladii iyo guddoonkiiba waxay yaalliin Madaxtooyada, waxaana gacanta ku haya dad aan doonin markii ay Maandeeq hallowday. Kuwaasaa dambarkii Maandeeq dhamaya. Intii sallaxa u soo barkatay ee siigada u soo huwatay waa ku marti, haddana ‘Gurey waa warramayaa, Guulna wuu akhriyayaa.’ Mararka ay meelahaa hadalka ku dibbiro-dhacsanayaan, ayay yidhaahdaan: “Waa Xukuumaddii wax-qabadka.” Dadku se waxay u yaqaanniin Xukuumadda ‘Dha’da afarro-maran’ (square four). Waa Xukuumadda: Dhul-boobka, lacag-Dhaansiga, Dhoofka iyo Dhar-xidhashada.
Qorshihii shan-sannadoodlaha ahaa iyo Hiigsigii (Vision) soddon-sannadoodlaha ahaa sidii ay u daabacday Wasaaradda Qorshayntu dib indhaha looma saarin, cid ku shaqaysaana ma jirto. Waxa inoo soo hadhayba waa hawl-maalmeedka joogtada ah ee ay Xukuumad wal oo adduunkan joogtaaba u soo kallahdo. Haddii ay intaa wax soo raacaan waa waxyaabaha yar yar ee gole-ka-fuulka ah ee la leeyahay hadba meel ayaa laga furay ee Madaxweynaha lagu mashquuliyo.
Taxanahan waxaynu ku gorfayn doonnaa Murashaxnimadan Xisbiga Kulmiye ee dhuumaalaysiga noqotay sidii filim-kartoonka Tom iyo Jerry. Waaxaynu kaga hadli doonnaa ololayaashan galbeedaysan ee bari ka socda iyo sida loogu ballan-furay Madaxweynihii Murashaxa ahaa. Hadda dibad loogama iman Odeyga ee waa intii ku xeerrayd ee uu ma-huraanka u haystay.
Taxanahan gaaban, waxaynu kaga hadli doonnaa dibudhaca lagu riday qarannimadii aynu u soo halgannay ee aynu labaatanka sannadood dhisaynay. Maamul-wanaaggii, dawlad-wanaaggii, dibuheshiisiintii, nabadayntii, geeddi-socodkii dimuqraadiyadeed iyo wada-tashigii aynu ku soo caano-maallay ee laga jaqaafiyay, taladii iyo tusmadii dalkuna ku ururtay gacmaha tirada yar ee dal-jacaylka iyo dad-jacaylkuba sida aadka ah ugu yar yihiin. Taxanahan gaaban waxaynu ku gorfayn doonnaa wada-hadalladan ma-dhalayska ah ee Soomaaliya lagula jiro ee lagu wiiqay laguna naafeeyay qarannimadii iyo madax-bannaanidii Somaliland. Waxaynu kaga hadli doonnaa dhul-boobka iyo daaro-dhiska, dibad iyo gudaba ka socda ee lagu lunsanayo hantidii ummadda. Mowduucyada kale ee aynu taxanahan ku soo qaadan doonno waxa ka mid noqon doona guryahan iyo dhulkan dawladda ee muquunada loo siinayo dadka aan mutaysan ee weliba laga yaabo in ay qaarkood dibindaabyo ku hayaan ummaddan sideeda kaleba u tabaalaysan. Waxaynu kaga hadli doonnaa casuumadahan kumaankunka qof loo samaynayo ee dheecaankii wadhatada lagu bixinayo iyo mowduucyo kale oo badan ama aan sidii habar-wadaaggay, saaxiibkay Maxamed Moogeba u idhaahdo e’: Iyo qaar kaloo badan……..Iyo qaar kaloo badan.
(La soco Sabtida dambe, haddii Eebbe idmo)