Quantcast
Channel: Features – qurbejoog.com
Viewing all 6893 articles
Browse latest View live

Bulshada Gebilay isweydiintooda ku aadan Is weydaarinta Labada Wasiir + Tabashada Wasiirada Beesha Madaxweynaha DAAWO

$
0
0

Gebilay 01.March 2015 (SDN/QJ)- Dadweynaha ku dhaqan magaalada Gabiley ee xarunta gobolka Gabiley qaar ka tirsan, ayaa dareenkooda ka bixiyey sida ay u arkaan Isku-shaandhayn, xil-ka-qaadis iyo magacaabis uu Madaxweynaha Somaliland ku sameeyey Wasiirrada iyo Wasiir Ku-xigeennada Wasaaradaha Xukuumadda, Taliyeyaasha Ciidammada qaarkood, Madaxda Hay’adaha Madax-bannaan iyo Xubno kale, kuwaasoo ay Wasiirrada ugu shilis ee la isku beddelay ka mid ahaayeen Wasiirrada Waxbarashada, Maaliyadda, Xannaanada Xoolaha iyo kuwo kale.

Waxaanay dadka aragtidooda cabbiray ee ku dhaqan magaalada Gabiley, ayaa dhawr Wasiir isku-beddelkooda aad ugu taxaluqayey, inkasta oo ay falanqaynta iyo faaqidaadda Isku-shaandhayntan Madaxweynuhu ahayd hadal-haynta ugu badan ee Shalay  ka taagnayd goobaha ay dadweynuhu isugu yimaaddaan intooda badan, haddana waxay reer Gabiley si gaar ah isha ugu hayeen, su’aalo kala duwanna iska weydiinayeen isku beddelka Wasiirrada Waxbarashada iyo Maaliyadda oo uu Madaxweynuhu Wasiirkii Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale ka dhigay Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, halka uu Wasiirkii Waxbarashada Marwo Samsam Cabdi Aadan u beddelay inay noqoto Wasiirka Maaliyadda.

Haddaba, waxaannu Halkan Hoose idiinku soo gudbinaynaa aragtida ay tallaabadan Madaxweynaha Somaliland isku shaandhaynta ku sameeyey  ku cabbireen mar Weriyeyaasha qaarkood wax ka weydiiyeen sida ay Wareegtooyinkan Xil-ka-qaadista, Magacaabista iyo isku-beddelka ku sameeyey, ee kaga bogo halkan hoose.


Aragtida Qaybaha Bulshada Gobolka Sanaag ee Isku shaandhayntii Madaxweyne Siilaanyo DAAWO

$
0
0

Ceerigaabo 01.March 2015 (SDN/QJ)- Bulshada ku nool Magaalada Ceerigaabo ayaa siyaabo kala duwan u fasiray Isku shaandhayntii uu Madaxweyne siilaanyo ku sameeyay Golihiisa wasiirada.

Qaar ka Mid ah Bulshada Gobolka Sanaag Waxay ku doodeen in Insku shaandhayntani aanay ahayn Mid Wax weyn ah oo Saamayn ku leh dalka Waxaa kale oo ay Xuseen in Gobol ahaan aanay haba  yaraate Wax ku seegay mooye wax ugu kordhay inaanu Jirin.

Halka Qaar kale ay sheegeen in arrintani tahay Mid ka Mid ah Mas’uuliyadaha Madaxweynaha.

Ceerigaabo SDN/QJ

Dareenada ay Bulshada Gobolka Awdal ka Muujiyeen Isku Shaandhayntii Madaxweyne Siilaanyo DAAWO

$
0
0

Boorama 01.March 2015 (SDN/QJ)- Halkan ka Daawo Warbixin Dhinacyo Badan Tabanaysa oo ka hadlaysa dareenka ay bulshada Gobolka Awdal ku qaabileen Isku shaandhayntii Mdaxweyne Siilaanyo Uu Ku Samayey Xukumadiisa.Xili La Sugayey Jawaabta ahayd Tabashadii Loo Gudbiyey.

Xisbiyada Mucaaridka oo ku dooday in Isku Shaandhayntii Madaxweynuhu ay badbaadisay Wasiirada Beeshiisa+ Wax ka qabasho la’aanta Tabashada DAAWO

$
0
0

Hargaysa 01.March 2015 (SDN/QJ)- Xisbiyada Mucaaridka Somaliland ayaa Markii 1aad ka hadlay Isku shaandhayntii uu Madaxweyne Siilaanyo ku Sameeyay Golihiisa Wasiirada Iyagoo sheegay in aanay ka Turjumayn Wax ka qabashada Tabashooyinkii huursanaa ee Mudaba laga filayay Xal ka gaadhisteeda Waxay ku doodeen in Wasiiradii Beesha Madaxweynuhu ay ka badbaadeen in Seeftiisu qaado.

“Waxa ka muuqata isku shaandheyntani cadaalad daro kale oo hor leh,waa sideeddii. Wasiiraddii laga cabanaayey ee dhinaca madaxweynaha ahaa lama taaban” Jamaal Cali Xuseen

$
0
0

Hargeysa 01.March 2015 (SDN/QJ):- Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Jamaal Cali Xuseen ayaa ku tilmaamay isku shaandheyntii uu madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) xalay ku sameeyey Golihiisa Wasiirada inay horseeday cadaalad daro kale, isla markaana waxa uu ku eedeeyey Madaxweynaha inaanu taabanin Wasiiradii ay isku heybta ahaayeen.

Jamaal-CALI-XuseenJamaal Cali Xuseen waxa uu sidaa ku sheegay qoraal uu ku baahiyay bartiisa Facebook-ga, waxaanu u dhignaa sidan:

“Cudurka kaa Gala Fardaha, haddii lagu gubo dameer, Dawada lama gaadhayee. Hees bay ahayd ay Khadra Daahir ku luqeyn jirtay. Mr Garaad oo ahaa wasiirkii hore ee Shaqadda iyo Arrimaha Bulshadda maan filaneynin in la eryo isagoo buka oo cisbitaalka yaalla oo ay ahayd inay xukuumaddu xaaladiisa caafimaad caawimo ka geysato. Waxa ka sii daran in aanu madaxweynahu aanu weli ku booqan mr Garaad cisbitaalka marka laga reebo madaxweyne ku xigeenka oo xigto ahaan ku booqday. Ninbaa laga hayaa haddii dhadhaaradda la badelo oo meeshay yaalleen mid kasta laga kaxeeyo oo midba gees la geeyo; Dheriga dhadhankiisa waxba iskamay badelin.

Taas waxa ka dhigan arrinkan loogu yeedhay Isku shaandheyn laakiin runtii aad uga fog xaqiiqda.. Qofka hogaamiyaha ahi waa inuu dhegaystaa dareenka shacabka iyo cabashooyinka jira iyo dadka xilkooda ka soo bixi waayey.

Waxa ka muuqata isku shaandheyntani cadaalad daro kale oo hor leh. Nabarkii dusha ayuunbaa laga dhayey ee boogtu waa sideeddii. Wasiiraddii laga cabanaayey ee dhinaca madaxweynaha ahaa lama taaban weli, laakiin dad kale ayeey ku meeraysteen. Nimankii boqolka jeer dulmigga ka galay ummadduna weli kibir ayeey la dibiro dhacsanayaan. Allahayow ka samo bixi qarankan curdinka ah indho la’aantan iyo boobkan lagu waddo.”

Saluuga Wasiir Samaale,Aragtida dabaysha Isbedel ee Wasiir Samsam,Suul daarada Marwada Siilaanyo iyo Saadaasha Bulshada

$
0
0

Hargaysa 01.March 2015 (SDN/QJ)- Wasiirkii hore ee Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa ku gacan-saydhay, isla markaana diiday inuu noqdo ama aqbalo xilka cusub ee uu Madaxweyne Axmed-Siilaanyo niskii dambe ee Sabtidii xalay u beddelay, isagoo ku dooday sida la sheegay inaan wax wada-tashi ah lagala yeelan beddelka  Madaxweynuhu sameeyey.

MARWO AAMINA, SAMAALE IYO SAMSAM aftahannews

Wasiirkii Maaliyadda Mr. Samaale, ayaa ka mid ahaa Masuuliyiin isugu jiray Wasiirro, Wasiir Ku-xigeenno, Agaasimayaal, Taliyeyaal Ciidan iyo Maareeyayaal hay’ado kala duwan oo uu Habeen hore Madaxweynuhu qaarkood magacaabay, kuwo xilka ka qaaday, inta bandanna isku bedbeddelay, waxaana Wareegtada Madaxweynaha lagu sheegay in laga bilaabo taariikhda xalay Samaale loo beddelay inuu ahaado Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, halka Wasiirkii Waxbarashada Samsam Cabdi Aadan Madaxweynuhu u soo beddelay inay noqoto Wasiirka Maaliyadda Somaliland.

Hase-yeeshee, Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada uu Madaxweynuhu u macaabay Cabdicasiis Maxamed Samaale oo toddobaadkii u dambeeyey socdaallo shaqo ku marayey goobaha Dakhli-ururinta iyo dakhli-soo-saarka ee gobollada Saaxil, Togdheer iyo Sool, ayaa la sheegay inuu maantaba soo gebogabeeyey socdaalkiisaas shaqo, isla markaana dhinaca Hargeysa u soo baqoolay.

Ka dib, waxa uu Cabdicasiis Samaale laga soo xigtay inuu saluug ka muujiyey Wasaaradda Waxbarashada ee Madaxweyne Siilaanyo u beddelay, isla markaasna aanu illaa hadda aqbalin xilkaas cusub ee loo wareejiyey. Inkasta oo aanu jirin War-Saxaafadeed uu si toosa u soo saaray iyo Shir Jaraa’id oo uu si furan u qabtay toona, haddana Samaale iyo ila-wareedyo ku dhaw ayay Warbaahinta qaar u xaqiijiyey diidmada iyo saluugga Samaale ka muujiyey inuu noqdo Wasiirka Waxbarashada.

Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da, ayaa beehinteedii habeennimo ee sagaalkii caawa, waxay sheegtay in Cabdicasiis Maxamed Samaale saluug ka muujiyey Wasaaradda uu u beddelay Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), isla markaasna saluugga iyo diidmada uu ka muujiyey xilkaas ku sababeeyey inaan haba-yaraatee Madaxweynuhu kala tashan beddelkiisa, balse waxay BBC-du xustay inaanu wax faahfaahina oo intaas ka badan bixinnin Samaale.

Inkasta oo Samaale Warkiisa aad loo qaada-dhigayey illaa Shalay , isla markaana xalay la xaqiiqsaday inuu saluugay, waxaan illaa hadda dhinaceeda war laga heynin sida ay u aragtay in Samaale lagu beddelo Wasiirkii hore ee Wasaaradda Waxcbarashada Samsam Cabdi Aadan oo uu Madaxweynuhu xalay u beddelay inay noqoto Wasiirka Maaliyadda.

Hase-yeeshee, Marar badan oo aanu isku deynay inay Wasiir Samsam wax ka weydiiyaan sida ay u aragto Wasaaradda Madaxweynuhu u beddelay, ayaanay noo suuragelin inaannu wax war ah ka helno ka dib Taleefankeeda gacanta oo saacado bada noo caawa iyo maanta ah xidhan, wakhti saacad gudaheed ah oo uu furnaa caawa ahaanna uu sheegayey uun mashquul iyo in lagu hadlayo, farriimo aannu u dirnayna nasiib-wanaag noogamay soo jawaabin Samsam Cabdi Aadan.

Sidaa awgeed illaa hadda si rasmi ah looma oga sida ay u aragto xilkaas, inkasta oo taleefankeeda saacadaha badan xidhani muujin karo saluug iyo inay ku faraxsan tahay oo ay buuqa badan iska xidhay labada siyood-ba loo qaadan karo, haddana war sugan weli lagama hayo dhinaceeda.

Labadan Wasiir ee Maaliyadda iyo Waxbarashada ee uu Madaxweyne Axmed-Siilaanyo isu waydaariyey midba Wasaaradda uu markii hore joogay mooyee ta kale, ayaa ka mid ah Wasiirrada Xisbiyahannada ah ee KULMIYE ku abtirsada, kuwaasoo isku beel ka soo jeeda, isla markaana labada Wasaaradood ee ay kala hayeen ee haddana la isu waydaariyey ka mid yihiin Wasaaradaha ugu lixda Wasaaradood ee ugu shaqada, Shaqaalaha iyo Miisaaniyadda badan dalka.

Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo Samsam Cabdi Aadan, ayaa ahaa labadii Wasiir ee isku beddelkooda loogu hadal-haynta badnaa tan iyo markii Habeen hore Xili ku Siman labadii Habeenimouu soo baxay War-Saxaafadeedka Xambaarsanaa Wareegtada uu Madaxweynuhu xilka-qaadista, magacaabista iyo isku-shaandhaynta ama isku beddelka ku sameeyey.

Waxay dadweynaha ku dhaqan Caasimadda Hargeysa ka bixinayeen aragtiyo kala duwan oo qaarkood tilmaamayeen inuu Samaale oo Damaca Kursiga Madaxweynaha leh la geeyey Wasaarad u fiican siyaasad ahaan oo uu heerka nolosha Bulshada oo barbaarinta dhinaca aqooneed ee Jiilka soo karayo kala socon karo, halka ay qaar kale tilmaamayeen in Wasaaradda Dhaqaalaha iyo Maaliyadda ee uu joogay uga fiicnayd.

Waxay kuwo kale muujinayeen in Samsam ay magac iyo maamuus ku kasbatay afarta sano iyo dheeraadka ay ahayd Wasiirka Waxbarashada, balse aanay siyaasad ahaan iyo shaqsiyad ahaan toona u fiicnayn Wasaaradda hadda loo beddelay ee Maaliyadda oo ah Wasaaradaha dhalliisha siyaasadeed ee badan loo jeediyo, loona jeedin doono maaddaama oo doorashooyin, ololayaal furan iyo kuwa dadbani-ba imanayaan inta ka horraysa 26 June oo Xukuumaddu muddo-kordhin qorshaysatay, sidaa darteed maaddaama oo ay tahay qof Dumar ah, Wasaarad aan siyaasadda saamayn badan ku lahayna joogtay ay nabarro siyaasadeed oo hor leh kala kulmi karto Maaliyadda.

Samsam Cabdi Aadan waxay ka mid ahayd Liiska Golihii Wasiirrada ee ugu horreeyey ee uu Madaxweyne Siilaanyo markii uu xilka la wareegay maalin ka dib 27-kii June 2010-kii ku dhawaaqay, waxaanay illaa maalintaas illaa xalay oo uu Maaliyadda u beddelay joogtay Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare oo loo arkoo inay meel fiican gaadhsiisay, balse waxa la dhawrayaa sida ay Wasaaradda dhalliilaha iyo boogaha badan ee maaliyadda u maarayn doonto iyo midda ay wadi karto, inkasta oo wakhtiga Xukuumaddu u muuqaal eegyahay Ciyaar laga dareeri rabo ama Flim dhammaad ah, maaddaama wakhtiga sharciga ah ee Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenku ku egyihiin 26 June sannadkan 2015-ka.

Samsam Cabdi Aadan oo Siyaasadda ka hor aad ugu dhaqdhaqaaqi jirtay Xuquuqda Aadamaha, waxay noqotay Haweenaydii ugu horreysay ee Somaliland ka noqota Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Madaxweyne xilkaas u magacaabo. Waxaanay mar labaad noqotay Ruuxii Dumar ahaa ee ugu horreeyey ee Somaliland ka noqoto Wasiirka Maaliyadda markii uu xalay Madaxweyne Axmed-Siilaanyo u soo beddelay Wasaaraddaas, waxaanay ka mid tahay Haweenka Aqoonyahanka reer Somaliland ee Shaashadaha adeegyada Bulshada aad uga muuqday intii Somaliland jirtay, dhawrkii sano ee u dambeeyeyna saamayn ku lahayd Saaxadda Siyaasadda.

Cabdicasiis Samaale, oo ka mid ahaa Ciyaartoyda gadaal kaga soo biiray Golaha Wasiirrada Xukuumadda Madaxweyne Axmed-Siilaanyo, ka dib markii uu sannadkii 2012-kii u magacaabay Wasiirka Maaliyadda, isagoo markaa ahaa Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada, waxaana intii uu joogay Wasaaraddaas uu korodh fiican ku sameeyey Miisaaniyadda dawladda Somaliland ee saddexdii sano ee uu xilkaas hayey. Inkasta oo Saluugga uu ka muujiyey Wasaaradda Waxbarashada ee loo beddelay Siyaasad ahaan ay nabar ku noqon karto.

Waloow uu Samaale eedo kala kulmay Loollanka siyaasadeed ee Xisbil-xaakimka KULMIYE iyo Beesha uu ka dheshay dhexdooda oo Mucaaradku ku tilmaameen inuu Hantidii Qaranka u adeegsanayo ololayaasha Reerka dhexdiisa iyo ka Xisbiga dhexdiisa-ba. Balse Samsam iyo Samaale-ba waxay ka mid yihiin Xubnaha saamaynta siyaasadeed ku leh Xukuumadda, isla markaana saaxiibtinnimada dhaw la leh Qoyska Madaxtooyada Somaliland, Waxaanay ila-wareedyada qaar tibaaxayaan in tallaabadan Madaxweynuhu ku kala beddelay labadan Masuul ay saamayn xooggan ku lahayd Marwada Koowaad Aamina-Waris Sheekh Maxamed Jirde.

Hargaysa SDN/QJ

 

Ayaamihii Libin Ku Taxaashka Samaale,Weedho uu Ku Ganay Boobe iyo Tusaalaha Maanta Jooga (Xukumtu Nafsak)- DAAWO.

$
0
0

Hargaysa 01.March 2015 (SDN/QJ)- Inkasta oo Madaxweyne Siilaanyo uu soo saaray Wareegto isku shaandhayneed oo ka dhigtay Wasiirkiisii Hore ee Maaliyada Mudane C.casiis Maxamed Samaale oo uu u bedelay Wasiirka Cusub ee Waxbarashada ayaa Waxaa durba Suuqyada Siyaasada soo galay Saluug uu Wasiir Samaale ka qaaday Xilkan Cusub ee loo igmaday kaas oo la sheegay inuu Gebi ahaanba ka Cudur daartay qaadashadiisa.

Bedelaadu Ceeb ma aha,Beruu Wasiir kale imanayaa Xilka intaas oo dhan ayaa iska soo bedelaya Ceeb in laga qaado ma aha” Waa Weedho Wasiir Samaale uu 9 Bishii December ee kal hore ku ganay Xoghayaha Warfaafinta Waddani Boobe Yuusuf Ducaale Waa Tusaale maanta qabanaya Wasiir Samaale.

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

 

 

Wada-hadalladii Somaliland Iyo Somalia Oo Maanta Furmaya Iyo Wasiir Biixi Ku Adkaystay Inaanay La Fadhiisan Doonin Xubno ay Saluugsan Yihiin Oo Dhanka Kale Kasoo Jeeda

$
0
0

Stanbul:March,01,2015(SDN/QJ)-Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, ayaa Ka Hadlay Wada-hadalka Somaliland Iyo Somalia  ee Lagu wado inuu maanta ka furmi doono Magaalada Stanbul ee Dalka Turkiga.

rog;Wasiir Biixi oo la Hadlay BBC-da, ayaa ka Hadlay warar sheegaya in Dhinaca  Somalia ay ka socdaa Xubno dhalasho ahaan kasoo jeeda Somaliland, kuwaas oo sheegay inaanay la Fadhiisan doonin.

Mudane Biixi waxa uu hoosta ka xarriiqay in waxyaabaha laga hadli doono ay kaw ka yihiin Qoddobo hore loogu heshiiyey oo uu tilmaanay inay dhinaca Somalia ka fuli waayeen, waxana uu ku adkaystay inaan xubnaha Somalilnad u dhashay aanay la hadli doonin,

“waa shir ay labada waddan is horfadhiinayaan, Somaliland-na marna ma ogolaanayso inay shirka soo fadhiistaan Dad somaliland u dhashay, waxana aanu filaynaa in shirka lagaga wada hadlo waxyaabihii faraha badnaa ee aanu ku heshiinay ee ay ka baxeen.” Ayuu yidhi Mudane Biixi.

Wasiir Biixi oo Hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay inay  khasab tahay in xubnaha lala hadlayo ay  noqdaan Xubno dhalasho ahaan kasoo jeeda Dhulkii Talyaanigu Gumaysan jirey oo haatanna ah Somalia, waxana uu yidhi,

“Annagu diyaar uma nihin una ahaan mayno inaanu la fadhiisano nin  somaliland u dhashay inaanu la fadhiisano, somaliland-na xuduud bay leedahay, waxanuse la fadhiisanaynaa dadkii dhulka Talyaanigu haysan jirey ee Somalia la yidhaahdo la hadalno, dadkaas oo aanu laba waddan oo kala gaar ah nahay, imika aanu doonayno inaanu ka wada haladno sidii aanu u kala bixi lahayn.”

Shirka Labada dhinac oo lagu wado inuu Maanta ka Bilaabmo magaalada Stanbul ee Dalka Turkiga, ayaa ah heer Wasiirro, waxana la filayaa inuu socon doono muddo kooban, isla-markaana ay kasoo baxaan Qoddob ka duwan Kuwii hore u soo bixi jirey.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 


Xildhiban C/qaadir Indho,indho Ayaa Maanta Ka Hadlay Isku Shaandhayntii Madaxwayne Siilanyo Ku Sameeyey Qaar Ka Mida Golahiisa Wasiirada Iyo is Casilaada Samaale

$
0
0

indho

Hargeisa 1/3/2015(SDN/QJ)xildhiban c/qadir  indho indho oo ka mida xildhibanada golaha guurtida somaliland  ayaa maanta ka hadlay isku shaandhaynta madaxwayne silanyo qaar kamida golahiisa wasirada ku sameeyey  isagoo sheegay inay siku shaandhayntu thay  wax suna ah  uu madaxwaynaha somaliland xaq u leeyahay  awood dastuurka somaliland siinayso inuu ciduu doono magacaabi karo kuu doonan ka qaadi karo iasgoo isoo kale ka hadlay is casilaada uu wasiirkii hore maaliyada somaliland c/casiis maxamed samale  sheegay inaanu qaadan doonin xilkaasi  isagoo sheegay  inay  madaxwaynaha somaliland iyo samaale laba nin oo saaxiiba yihin ee anay sidaa fudud ku kala tagayn  iasgoo shegay  inay xaalado badan soo wada mareen waxanu inta ku daray  oo uu sheegay  inaynu sugayno kulan ay yeeshan madaxwayne siilanyo  samaale

Hargeisa SDN/QJ

Concat@Somalidiasporanews.com

Halka Ay Sal-Dhigan Doonaan Wada-hadaladda Somaliland Iyo Somalia (FALAN-QEYN)

$
0
0

Hargaysa 02.March 2015 (SDN/QJ)- Waxa ay taariikhdu ahayd 23/02/2012 markii shirkii weynaa ee caalamiga ahaa ee Somalida lagu qabtey xarunta taariikhiga ah ee Lancaster House, London. Shirka waxa hindisaadiisa iyo abaabulkiisa siyaaasadeed ba lahaa dawladda Britain oo hore ugu qancisay dalka Maraykanka iyo wadamadda Reer Galbeedka ba mihiimadda siyaasadeed ee ay leedahay Somaliya guud ahaan, dhinacayada aminga, dhaqaalaha iyo bogcad ahaan halka ay adduunyadda kaga taalo oo baahi weyn oo siyaasadeed loo qabo mustaqbalka. Waxa aynu la wada soconaa in adduunyadda ay jiraan dalal kale oo farsamo ahaan iyo dhaqaale ahaanba aad u soo koraya una baahan macaamil siyaasadeed oo ay adduunyadda inteeda kale la sameystaan. Waana arrinta daboolka ka qaadey in dalka Britain uu dib ugu soo rogaal celiyo guud ahaan dhulalkii taariikhdiisa ku suntaneyd iyo inta kale ee uu siyaasad ahaan gaadhi karo, isagoo kaashanaya awooda dhaqaale ee dalalka Yurub iyo Maraykanka.

MOHAMEDSiyaasadaha is bedbedalaya ee adduunka iyo dabaylaha dhaqaale raadiska ah ayaa iska leh in khariidad mabaadii siyaasadeed ku saleysan ay qasab ka dhigto in dalalka waaweyn ee adduunku hadba shax siyaasadeed oo hor leh cayaaraan labaatankii sanaba hal mar. inkasta oo loo tusay adduunka intiisa kale in Somaliya nabad ahi ay mihim u tahay arrimaha cakiran ee amaanka gaar ahaan argagaxisada iyo budhcad badeeda. Taas oo dawladda Britain shacabkeeda u tustey in tiro badan oo Somali ah oo ku nool awgeed ay lagama maarmaan tahay in faro-gelin siyaasadeed oo togan lagu sameeyo Somaliya, si aan dabka iyo holaca halkaa ka baxayaa aanu dhaqaale ahaan iyo siyaasad ahaanba saameyn ku yeelan guddaha Britain iyo Yurub toona.

Laakin cayaarta turubkaasi ma aha mid Culimadda Siyaasadda falanqeysaa ay ka indho laadahay. Si kastaba ha ahaatee, in Somaliya saameyn siyaasadeed lagu yeesho waa in marka hore la wajaho xaqiiqada dhabta ah ee ka jirta oo gooni isu-taaga Somaliland ugu horeeyo. Maqaalkan maanta waxa aan si qoto-dheer ugu lafa-guri doonaa dhamaan shirarkii dhex-marey Somaliland iyo Somaliya, rajadda ay leeyihiin wadahadaladdu, cida uu guul u yahay wadahadalku iyo waxa mustaqbalka ka soo bixi kara ee faa’ido u ah Somaliland ama Somaliya.

Sidee Lagu Aqoonsadaa Dal?

Wallow xeerarkii adduunyadda iyo shuruudihii loo dhigay qaramadda midoobay aan si toosa loogu dhaqmin 30 sano ee la soo dhaafay, gaar ahaan 20 sano ee ugu dambeeyey, marka ay timaado in dal la aqoonsado, waxa jira in sharciyan la helo afar arrimood mid uun:-

  1. Decolonisation; aqoonsigani waa kan wadamadda adduunka intooda badani ay ku caano iyo nabadba maaleen. Dalalka xoriyadda ka helay gumeystihii Reer Yurub ee dhawrtey isla markaana xafitey xoriyadooda, maanta waxa ay dhamaantood ku naaloonayaan sharaf. Calankooda iyo jirtaankoodu muran iyo qalalaase midna kuma jiro. Tusaale ahaan waxa ka mid ah dalalka Saudi Arabia, Kenya, Djibouti iyo India.
  2. Self-Determination; aqoonsiga aayo-ka-tashiga ku yimaada ee ay ku heshiiyaan wadamada iskood u kala baxaya. Aqoonsigani waxa uu ku yimaadaa wadahadal is af-garasho ku dhamaada oo lagu waydiiyo cida rabta in ay ka baxdo dal, gaarkeedna isku taagto hafti dadweyne (Referendum). Dalalka sidan madaxbanaanidooda caalamiga ah ku helay wax ka mid ah Eriteria iyo Scotland oo yadu ku guuldareysatey haftidii.
  3. Political Interest; Aqoonsiga siyaasadeysan oo ah inta badan mid dhaqaale iyo arrimo siyaasadeed dabada ku haya oo ay u ololeeyaan badanaa shariikado laga leeyahay dalalka Reer Galbeedka. Waxa UN laga dhaadhiciyaa in la sameeyo wax layidhaa Act of Self-Determination oo macnaheedu yahay in dalka laga go’ayo lagu khasbo in uu aqbalo hafti dadweyne haddii kale cunaqabteyn iyo weerer siyaasadeed la isugu dari doono. Dalalka sidan madaxbanaanidooda ku helay waxa ka mid ah South Sudan iyo Eas Timor.
  4. Revolutionary Independence; aqoonsigan waa mid ku yimaada dhiig iyo dagaal adag oo loo galo xornimo dhab ah. Waa kacdoon dadweyne oo raadinaya madaxbanaani iyo helista xoriyad taam ah oo dad ahaan iyo dal ahaanba u anfacda. Dalalka aqoonsigooda xeeladan ku helay waxa ka mid ah Maraykanka, Bangladesh iyoSomaliland. Inkasta oo Somaliland ay ku andocooto in ay xoriyadeedii dib uga la soo noqotey Koonfurta Somaliya oo hore ay ula midawdey, isla markaana ay hafti dadweyne ku ansixisay in ay si dhab ah uga gooday Somaliya. Nasiib daro se, sadexdaa xaalo midna looma tix-gelin Somaliland oo muddo 24 sano ku dhaw ahayd dal jasmi iyo ruux ahaanba u madaxbanaan dhamaan dhulkiisana aaney ka talin dawlad Somaliya mataleysa.

Siyaasadda Dawladdaha Galbeedka ee Wadahadalka

Dalalka Reer Galbeedku waxa ay u daba fadhiyaan wadahadalka dawladda Britain, oo ah siyaasad ahaan dalkii hindisay in lawada hadashiiyo Somaliland iyo Somaliya. Ujeedadda ugu weyn ee ay dawladda Britain oo hore xoriyadda u siisay Somaliland ay ka leedahay wadahadalka ayaa waxa uu yahay in guud ahaan Geeska Africa aanu marnaba gacanta Wadamadda Galbeedka ka hoos bixin. Waana sababta keentay in dalalkani ay ku kaliyeysteen dhaqaalaha AMISOM ku baxa oo dhan sanadkii 1.3 billion dollars. Dawladda Britain iyo xulufadeeda toona ma kala jecla midawga iyo kala taga Somaliya, waana sababta ay Wasaaraddaha Arrimaha Dibadda ee EU, US iyo UK ay halku dhig siyaasadooda ugu dhigeen in midnimadda iyo kala taga Somalidu ay kaliya u taalo wadamadda Africa iyo Somalida lafteeda. Waxa aan tan u leeyahay marka ay dal diidayaan ama ogolaanayaan amabase ay weerarayaan cid ay adduunka kala tashadaan ma jirto, waxaaney u tusaan wadamadda kale ee dunida in ay saameyn ku leedahay masaalaxooda siyaasiga ah.

Sal-Dhiga Wadahadalka

Inkasta oo dadka qaar siyaabo kala duwan u tafsiiraan ujeedadda wadahadalka u dhexeeya Somaliland iyo Somaliya iyo suura-galnimada in natiijo fiican oo la isku af-garto laga gaadho, haddana xaalku sida inta badan dadku u dhigaan ma aha. Bal aan dib u eegno siddii uu u qornaa qodobkii lagu wadahadashiinayey Somaliland iyo Somaliya ee ay markhaatiga ka ahaayeen 55 dawladood oo adduunka ka mid ah iyo 21 ururadda caalamiga ah ee adduunka. Qodobkii lixaad ee nuxurka go’aamaddii shirkii London waxa uu u dhignaa sida tan:-

  • The Conference recognised the need for the International Community to support any dialogue that Somaliland and the TFG or its replacement may agree to establish in order to clarify their future relations.
  • Shirku waxa uu aqoonsadey baahidda Beesha Caalamku u qabto in ay taageerto wadahadal kasta oo Somaliland iyo Dawladda Federalka ee Ku-Meel-Gaadhka ah ama cida badasha isku raacdo sal-dhiga si loo cadeeyo mustaqbalkooda siyaasadeed.

Nuxurka qodobkan lixaad oo ah mid sharci ah oo duniddu isku raacdey marka aad si fiican u dhuuxdo waxa uu si toosa garabka u saarayaa uguna hiilinayaa Somaliland waa haddii ay ka faa’edysaneyso e. Waxa aan sidan u leeyahay, sharciyan marnaba suura-gal ma aha in dal bilaa sabab la iska citiraafo iyada oo aan sifo sharciya loo marin, haddii ay doonto siyaasad ba ha laga lahaadee sida South Sudan. Dadka iyo madaxda Somaliland ceeb ayey ku tahay in ay isku maaweeliyaan in citiraaf cirka ka soo dhacayo yada oo aan Somaliya si toos ah loo wadahadal, haba la isku af-garan waayo haddii la doono e. Waayo haddii la is af-garan waayo waxa jira marxaladdo kale oo saamaxaya in aqoonsi lagu helo sida in fursad loo helo in adduunyaddu soo kala dhex-gasho ama hafti loo qaado.

Siyaasadda Aqoonsi ee Dawladda Maanta iyo Kuwii Hore

Wadahadalka Somaliland iyo Somaliya kuma uu cusbayn dawladdihii soo maray Somaliland, gaar ahaan dawladdii Rayaale, oo dhawr jeer adduunyaddu ugu baaqdey in wadahadal la furaan Somaliya. Lakin Rayaale dawladdiisu waa ay ku gacan-saydhey yada oo ku dacwooneysa in aaney hadda jirin dawlad rasmi ah oo Somaliya mataleysa oo caalamku aqoonsanyahay. Waxa ay dawladdiihii Cigaal iyo Rayaale aad uga shaqeeyeen in ay helaan citiraaf ka madaxbanaan wadahadal ay Somaliya la yeeshaan. Si ay arrintan uga midho dhaliyaan waxa ay kalsooni badan ka abuureen jiritaanka xidhiidh wanaagsan oo dhex-mara Somaliland iyo Ethiopia, oo uu siyaasadeeda Madaxweyne Cigaal lahaa.

Siyaasadda xidhiidhka Ethiopia ay ka lahayeen dawladdahani waxa ay ahayd in Ethiopia tahay dal qaaradda Afrika saameyn weyn ku leh, adduunyadduna si toosa siyaasaddaha Bariga iyo Geeska Afrika uga tala galiso.Waana arrinta keentay in Somaliland qadiyadeeda Wadamadda Carabta oo Djibouti kaashanayaa ay liicin kari waayaan, waad ogaydeen oo dawladdihii Cigaal iyo Rayaale xidhiidhka Djibouti waxa ay si toos ah iyo si dadban ba uga hor marin jireen kan Ethiopia. Dawladdda Silaanyo arrintaa mid ka duwan ayey qaadatey oo ah in ay raadiso siyaasad ka duwan tan ay dawladdihii hore tijaabiyeen ee ah in wadanku loo sameeyo horumar dhaqaale.

Markii uu Madaxweyne Silanyo ku guuleystey doorashadii 2010 waxa casuumaddii ugu horeysey u soo diray dawladda Ethiopia oo waftigii caleemasaarkiisa Raysal-Wasaare Meles ugu soo dhiibay. Taa badalkeeda waxa uu ka hormariyey casuumad ay abaabulkeeda lahaayeen ganacsato Reer Djibouti iyo Reer Somaliland ba ah. Inkasta oo uu si diiran oo kal iyo laab ah Madaxweyne Geele u soo dhaweeyey Madaxweyne Silanyo haddana siyaasaddii Djibouti ee cadaawadda dhaqaalaha ku saleysneyd marnaba isma ay badalin. Madaxweyne Silanyo oo arrintan aad u dareensan siyaasadda uu ka lahaa Djibouti waxa ay ahayd in uu u sii dhex-maro wadamadda carabta oo uu rabay in uu uga faa’ideysto in ay ka taageeraan dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha ee Somaliland.

Madaxweyne Silanyo oo ah nin aan ilaa xad is naqaano si xoog u balaadhana aan u sheekaysan jirney xiliyaddii uu mucaaridka ahaa, waxa uu siyaasiyan aaminsanaa sida ay mihim u tahay in jiritaanka Somaliland ku xidhan yahay abuurista horumar dhaqaale (Economic Development). Maadaama oo aan la garan karayn inta uu qaadanayo citiraaf Somaliland ka hesho Beesha Caalamka. Waxa uu masaalaxa dalka iyo dadkuba ku jiraa in la sameeyo jawi dhaqaale oo nolol u abuura shacabka Somaliland, isla markaana xoojiya tiirarka dawladeed ee dhinacyada horumarinta, adeega iyo kaabayaasha dhaqaalahaba. Madaxweyne Silanyo, oo ah nin ku soo bartey Jaamacadda Manchester Cilmiga Dhaqaalaha waxa uu si wacan u fahamsan yahay siyaasadda wadamadda Galbeedka iyo masaalaxa masiirkooda. Waana ta keentay in uu tijaabiyo China oo uu safar ku tagey iyo wadamadda Carabtaba. Qodobkii ugu horeeyey ee uu xooga saarey wadahadaladda waxa uu ahaa in siman loo qaybsado deeqda dhaqaale ee adduunyaddu siiso Somalida iyo in aan la carqaladeyn heshiisyada ka faa’ideysiga khayraadka dabiiciga ah sida heshiisyadda shirkaddaha shidaalka baadha iyo khayraadka kale ee dalka.

Sidee ayey u Arkayeen Wadahadalka Dawladdaha Somaliland iyo Somaliya

Dawladdii Ku-Meel-Gaadhka ahayd ee Sheekh Shariif marnaba ma ay jeclaysan wadahadal nuxurkiisu salka ku hayo masiir ummadeed iyo mustaqbal siyaasadeed. Halka ay dawladda hadda ee Xasan Sheekh na ay si walba uga dagaalentey in ay fashiliso yadoo adeegsaneysa dawladdaha Carbeed sida Qatar, Masar, Saudi Arabia, UAE iyo Kuwait oo si toosa ugala Hadley Maraykanka in ay ka horyimaadaan wax wal oo midnimadda Somaliyeed wax yeelaya ama hoos u dhigaya sida arrinta wadahadalka Somaliland. Nasiib wanaag dawladda UK oo ahayd dawladdii bilowdey wadahadalka waa ay ka diiday Maraykanka in wadahadalka wax loo dhimo. Waxa kale oo si toosa uga soo horjeestey dawladda Ethiopia oo saaxiib aad u dhaw la ahayd Somaliland khaasatan dawladdihii hore, haddana aan wali ka quusan Somaliland oo wali xidhiidh wanaagsani ka dhexeeyo. Dhanka kale dawladda Somaliland waxa ay tani u ahayd fursad aad u balaadhan oo wax badan tareysa qadiyadda Somaliland iyo arrinta dhaqaale ee laf-dhabarta u ahayd siyaasadda Madaxweyne Silanyo.

Sidii uu ku Bilaabmay Wadahadalku

Yada oo laga duulayo qodobkii lixaad ee shirkii London, waxa ay labada dhinac ku dhiiradeen in ay bilaabaan wadahadal masiiri ah oo sal-dhigiisu yahay qadiyadda madaxbanaanida Somaliland oo dhinac ah iyo qadiyadda isku haynta Jamhuuriyaddii Somaliyeed ee burburtey oo dhinaca kale ah. Shirka oo qabsoomey xiligii dawladdii Shariif waxa goob-joog ka ahaa dawladdaha Norway, UK iyo Midawga Yurub oo ergay gaar ah u soo dirsadey wadahadalka. Wadahadalkan oo ahaa mid aad u kulul waxa waayo aragnimo siyaasadeed oo qoto-dheer muujiyey waftigii ka socdey dhinaca Somaliya oo uu hogaaminayey Wasiirkii Arrimaha Guddaha Cabdisamad Macalin oo ah ninruug cadaa maskax furan oo si fiican u dajiyey xaraaradii shirka ee lagu kala calaf qaadi lahaa.

Halka uu ka Qaloocdey Wadahadalku

Shirarka noocan oo kale ah ee bilawga ah waa kuwa inta badan siyaasiyan lagu muujiyo dareenka dhabta ah ee aad ku mataleyso shacabkaaga iyo qadiyadda dalkaaga. Fudeydka iyo waayo-aragnimo la’aanta Wufuuda shirka uga qayb-galey Somaliland ayaa u fududeeyey in dibada looga saaro goob-joogayaashii caalamka oo ay waftigii Somaliya codsadeen. Waana ta keentey in wafuudii adduunyaddu u wakiilatey shirka ay u fahmaan in aaney qadiyadda Somaliland ahayn mid sidaa u sii ridan. Waxa mar labaad ilduufay qadiyadda Somaliland Xukuumaddii, Goleyaashii iyo dhamaan Xisbiyaddii Mucaaridka oo aqbaley in wixii Chevening House ka dhacay labada Madaxweyne ku saxeexaan Dubai oo markii dambe sheegtay in shirka sal-dhigiisu ahaa Midnimo Somaliyeed. Waa halkan halka uu ka qaloocday sal-dhigii wadahadaladda Somaliland iyo Somaliya waxaanu qaladku si toosa u saran yahay dhamaan siyaasiyiinta Somaliland oo Mucaarid iyo Muxaafidba lahaa, qaybna ku lahaa geedi-socodka wadahadaladda.

Yaa ku Haboon Marti-Gelinta Shirka

Marti-gelinta shirarka noocan oo kale ah ee lagaga hadlayo qadiyad iyo aayo-ka-tashi ummadeed waxa ku haboon wadamadda aaminsan xoriyadda muwaadiniinta ee isticmaala dimuqraadiyadda iyo xoriyadda saxaafadda. Waxa kale oo shirkan aad ugu haboonaa wadankii fikirka wadahadalka lahaa ee qasab kaga dhaadhiciyey Somaliya in ay aqbasho wadahadal sal-dhigiisu yahay aayo-ka-tashi iyo mustaqbal siyaasadeed. Nasiib daro dawladda Somaliya waa ay ogoleysiisey Somaliland in qadiyadeeda si dheel-dheel ah looga dhaqaajiyo oo loo geeyo wadamo aan siyaasiyan ehel u ahayn in ay dhex-dhexaadiyaan labada dhinac.

Dawladdaha UAE, Turkey iyo Djibouti

Dawladda Isu-Taga Imaaraadka Carabtu ma aha siyaasiyan dawlad u aragta in Somaliland xaq u leedahay aayo ka tashi. Sababta oo ah waa dal Islam ah oo aaminsan midnimo Somaliyeed iyo mid Carbeed. Waxa kale oo jirta qadiyad aad u xoog badan oo ah arrinta hadda aadka siyaasiyan u xasaasiga ah ee Sunni iyo Shiica oo salka ku haysa siyaasad diimeed iyo mid dhaqaale oo taariikhi ah. Isbadaladda Syria, Iraq iyo Yemen ma aha kuwo farxad-gelinaya dawladdaha Carbeed ee Sunniga ah oo ay urur ahaana Somaliya ku jirto. Sidoo kale arrinta biyaha wabiga Niilku waa qadiyad Carbeed oo taagan, xalka ugu weyn ee ay Carabi u haysaana waa Midnimo Somaliyeed oo Ethiopia cabsi galisa.

Sidoo kale Turkigu arrintan qadiyadda diiniga ah waa uu la qabaa Carabta oo isaga qudhiisu waa dal sunni ah. Waxase dal ahaan u dheer qadiyadda ka xoog badan kuwan Carabta oo ah sida tan:-

  1. Arrinta aayo-ka-tashiga ee Somaliland ma aha mid khuseysa dawladda Turkey, sababtoo ah Self-Determination waa resolution wadamo badan oo adduunka ka mid ahi ay saxeexeen. Nasiib daro se aanu marnaba Turkey ka mid ahayn wadamadda saxeexay, waayo waxa hoos yaala dal ahaan qodxo aad u badan sida Qoomiyadda Kurdida oo rabta xornimo se uu ka diiday qasabna ku haysto. Somaliland oo aayo-ka-tashi ku andocooneysa doodeeda ugu adagina tahay ma ka dhaadhicin kartaa mase suura-gal tahay in uu Turkey ka tanaasulo qadiyaddaa oo uu isagu Kurdida u ogolaado waxa ay rabaan oo ah aayo-ka-tashi. Inta aanu Somaliland ku waafiqin aayo-ka-tashiga waa in uu ogolaado Kurdida oo muddo dheer raadineysey xornimo dagaal dheerna u soo martey in ay ka hesho xoriyad. Kana mid ah qadiyaddaha EU ugu diidey in uu ka mid noqdo, wallow ay jiraan qadiyaddo kale oo ka balaadhani.
  2. Arinta labaad waa tan Xasuuqa oo Somaliland ah ta ku kaliftey in ay gaar isku taagto ka dib dagaal qadhaadh oo hanti iyo naf badan ba loo huray. Turkey waxa uu xasuuq ba’an u geystey Armanian ka oo uu ka dilay 1.5 million dad ah. Waxa ay su’aashu fadhidaa ma ka ogolaanayaa Somaliland oo ku dacwooneysa in 50,000 oo qof looga xasuuqay midnimaddii dhalanteedka ahayd. Halka adduunyaddu ugu taagweydey in uu aqbalo xasuuqii Armanian ka. Arrintani waxa ay yadna ka mid tahay arrimaha EU u diidan tahay in Turkey xubin ka mid ah noqdo, wallow ay jiraan qadiyadda kale oo ka balaadhani oo lagaga horjoogsadey in uu Xubin ka noqdo Midawga Yurub.

Ugu dambeyn, dawladda Djibouti waxa ay cabsi aad ah ka qabtaa wax wal oo dhaqaale ahaan wax yeelaya. Inkasta oo dad badani moodaan in ay midnimo Somaliyeed rabto waxa ay runtu tahay in aaney rabin, wallow ay muddooyinkii dambe cidhiidhi badan ka soo wajahay wadamada ku bahoobay IGAD. Taas oo gayeysiin kara in ay u baahato garab kale oo ay isku weheshadaan siyaasaddaa Afrika oo takoor badan ka soo food-saarey. Waxay tani ina tuseysaa in qalad weyn Somaliland sameysey yadoo siyaasiyiinteedu aaney marnaba qaladkaa u kala hadhin. Cidkasta oo hadda tidhaa Turkey dhexdhexaad ma aha waxa ay ina tuseysaa in aaney u bisleyn siyaasadda caalamka iyo sida adduunka u shaqeeyo. Markase ay noqoto Turkey iyo UAE waxa uga dhaw Djibouti in ay dhexdhexaadiso wadahadaladda, sababta oo ah waxa ay ka mid tahay AU, IGAD waana wadan aynu jaarnahay fahamsana qadiyadeena iyo waxa aynu u rabno in aynu gooniinka.Sidoo kale waxaan wadaagnaa jinsiyadda, afka, diinta iyo jaarnimo ma guuraan ah, waaba haddii ay naxariistaasi ku jirto e.

Waxa lagu Wadahadley Shirarkii Hore

Shirarkii la isugu imanayey dhamaantood waxa ay ahaayeen kuwo fooda la isku daray oo aan waxba la isku reeban. Inkasta oo ay ka aradnaayeen dhamaan nidaamka laba dal ama laba dhinac oo qadiyad masiiri ah ka wadahadlayaa farsamo ahaan iyo agab ahaanba qaabka loo wajaho siyaasad sal-dhigeedu yahay qadiyad masiiri ah. Waxaa shirkii ugu dambeeyey ee Djibouti lagu sheegay in lagu soo dhawaado arrimaha masiiriga ah, laakin arrintaa masiiriga ah marwalba oo wadahadal la iskugu yimaado waxa ay ahayd mid miiska saaran. Waxase, runtu ay tahay in la isku mari waayey, laguna kala kacay dhawr-jeer. Dawladda Turkey waxa ay u guntatey in aanu fashilmin shirku si aaney ula wareegin dalal kale yada ayaana Somaliya ogoleysiineysey waxyaabo badan oo aan fulin sida Maamulka Hawadda iyo arrintii Xasuuqa.

Inkasta oo aad hoos loogu dhigay, haddana maalin dhan bay qaadatey in ay dawladda Turkey ogoleysiiso in ay intaa kaliya qirtaan waa arrinta xasuuqa e. Nasiib daro Somaliland intaa ayey guul balaadhan ku sheegtay oo aanan anigu shakhsiyan guul marnaba u arag. Waxa ay guusha dhabta ahi tahay in Somaliland oo dhinac ah iyo Somaliya oo dhinac ahi wadahadlayaan yagoo siman oo ka tashanaya mustaqbalka siyaasiga ah ee masiirka labada dhinac. Guushaa wali kama ay faa’ideyn Somaliland waana hiil inooga yimi dawladda UK in laga midho dhaliyo waa in hawsheeda la galo oo si balaadhan loo wado, waxaaney taas inoo haya dawladeena oo si dhab ah u eegta marxaladda iyo xaalka siyaasadeed ee loo baahan yahay. Xisbiyadda siyaasiga ahina waa in ay daacad ka noqdaan oo ay kala shaqeeyaan dawladda qadiyaddan. Inkasta oo ay ka cawdaan in aaney marnaba dawladdu ka talo galin arrimaha masiiriga ah ee qaranka oo cidwalba taabanaya.

Waxay Somaliland Miiska Keentay

Dawladda Somaliland waxa ay miiska wadahadaladda keentay saddex shuruudood oo masiiri ah. Shuruudahani wax ilaa iyo hadda jawaab u la dawladda Muqdisho oo aan awood balaadhan oo ay wax ku fuliso aan lahayn sida ka muuqata. Isla markaana, diidan in adduunyaddu soo dhex-gasho, sababta oo ah waa ay og yihiin in aaney marnaba gar ku helayn oo dooda ayaa ka jabeysa. Maxay yihiin haddaba shuruudaha ay Somaliland miiska keentay ee sida dhabta ah ugu badheedhayo in aan maanta u sheego shacabkayga aan warka u hayn waxa lagu wadahadlo marka Turkey la aado. Waa kuwan qodobadda Somaliland doodeeda wadahadaladda salka u ah:-

  1. Waxaanu idinku soo biirnay 1960 anaga oo dal madaxbanaan ah. Midnimaddii aan rabney waa ay u shaqeyn weydey sidii la rabay oo ah in la helo shan Somaliyeed. Cadaalad daro iyo dulmi waxa aad noogu darteen xasuuq yadoo dawladdii aanu ka mid ka ahayn dadkayagii ku weerartey hubkii iyo ciidankii aynu wada lahayn. Dhib kasta oo dadkayaga soo gaadhey waanu idinka saamaxeynaa ee ogolaada qadiyadda gooni isu-taaga Somaliland. Aynu noqono laba dal oo walaalo ah oo iskaashada kana wada shaqeeya horumarka dadkooda iyo dalkooda, iskuna weheshada meelna uga soo wada jeesta masaalaxa dalkooda marka la joogo fagaarayaasha caalamka. Arrintani, Somaliya waa ay u cuntami laadahay waaney ka dhego-adeygeysaa ilaa iyo hadda.
  2. Somaliland ahaan waxa aanu idiin nimi 1960, waxaanu idiin keenay dal, dad iyo calan dawladnimo oo xor ah. Waxa aad qaadateen manfacii dawladnimo ay lahayd oo dhan sida caasimaddii, xukuumaddii iyo saamigii dawladnimo 96%. Mudaddii 31 sano ahayd ee aynu isku jirney waxa aad magac iyo manfac ba u qaadateen wixii la wada lahaa. Haddaba maanta ma awoodaan in aad soo wareejisaan dhamaan wixii aanu hurney 54 sano ka hor idinka oo shuruud ka dhigaya caasimadda, madaxtooyadda iyo dhamaan hay’addaha dawliga ah ee dalka muddo 30 sano ah. Arrintan labaadna Somaliya waa ay u cuntami waydey waaney ka dhego-adegeysaa ilaa iyo hadda.
  3. Arrinka ugu dambeeya ee saddexaad waxa uu yahay midnimadda aad dooneysaan ma ku rabtaan mid cadaalad iyo walaalnimo ku saleysan, oo aynu ku dhisano dawlad laba dhinac ah oo Federal ah. Idinka oo ka tanaasulaya nidaamka hadda ee Federalka aad ku sheegtaan ee labada gobol ku saleysan. Isla markaana, inoo dhisaya dawlad Federal ah oo ka mideysan calan cusub, lacag, cusub, magac cusub sida (Jamhuuriyadda Somaliyeed), siyaasad arrimo dibadeed, ciidan federali ah oo saldhigoodu yahay Somaliland oo si isku mid ah uga amar qaata laba taliye qaybeed.Lakin cid waliba siyaasadeeda arrimaha guddaha ay u madaxbanaan tahay, madaxtooyadu iyo xukunkuna yahay mid dheeli-tiran oo hadba dhinac u wareega, isla markaan saami fiican oo ku dhisan cadaalad awoodaha qaybsanka ahna leh. Siyaasadda dhismaha dawladnimo ee laga duulayaana ay tahay labadii gobol ee Waqooyiga iyo Koonfurta ee lixdankii isku tagey, isla markaana been wal oo ku sameysantey xaaladihii burburka meesha laga saaro, sida Maamul Goboleedyadda hadda jira.

Dhanka Somaliya

Arrintana waa ay u cuntami weydey Somaliya. Su’aalahan waaweyna waa ay ka jaawaabi kari laayihiin illaa iyo hadda. Waayo waxa kaliya oo ay wadahadalka ugu jiraan waa laba amuurood oo ah caalamka oo ku qasbaya in la wado wadahadalka gaar ahaan wadamada Galbeedka, iyo dhanka kale oo ah in ay u rabaan wadahadal ku saleysan sida ay rabaan oo ah la mid noqda Galmudug, Juba Land ama Puntland. Waxa kaliya oo intaa dheer ee ay ilaa iyo hadda miiska la yimaadeen waa aan gaar idiin siino Home Rule ama Autonomy oo ah hab is xukun gaar ah. Lakin si toosa arrimaha siyaasadda dibada, dhaqaalaha iyo difaacaba aad ugu hoos jirto isla markaana aad leedahay ciidan Police ah oo kaliya, halka ciidanka difaaca aanad talo ku lahayn, taasoo aaney jiri kareyn kalsooni nimankii diyaaradaha inala dhacay aynu mar labaad ciidankeena u hoos-geyno.

Maxaa ku haboon Somaliland

Waxa aan qarsoodi ahayn in Somaliya ay tiraba 5 jeer ka baxdey inta la ogyahay waxii lagu heshiiyey oo ay ka mid yihiin, magacaabista ergada shirka ka qayb-galaya in aaney ka soo jeedin Somaliland, arrinta hawadda in Hargeysa laga xukumo iyo in wadahadalka laga dhawro hadalada xanafta leh. Sidaa darteed waxaa Somaliland ku haboon in ay wadahadalka si toosa ugu baaqdo in ay ka soo qayb-galaan wadamo goob-joogayaal ah, isla markaana Turkey laga raro haddii aanu si toosa meel dhex ah uga istaageyn qadiyadda wadahadalka ee labada dhinac. Marba haddii sababtii Turkey dawladdu ay ugu dartey oo ahayd in ay taageero dhaqaale ka helayso ay meesha ka baxdey. Waxa Turkey si badheedh ah u cadeeyaa in uu Somaliya midnimadeeda taageersan yahay dhaqaalihiina Muqdisho kaliya galiyo. Dhanka kale haddii aad ka eegto Turkey kuma jiro Midawga Yurub, Jaamacadda Carabta, Midawga Africa xuduud inaga dhaxaysaana ma ay jirto.

Guntii iyo gunaanadkii wadahadaladda Somaliland iyo Somaliya waa kuwo mihim ah, waana masiir umadeed oo aan ka laabasho lahayn una baahan in si taxadar badan looga hawl galo. Talo ahaan waxaan dawladda Somaliland u soo jeedin lahaa in ay aad uga foojignaato dabinada qorsheysan ee wadamadda Carbeed iyo Turkey la damacsan yihiin isla markaana aaney dhaqaale ku doorsan marnaba dabin qarsoon oo loo hadoodilo.

Haddii wadahadaladan maanta socda midho dhali waayeen oo qodobo la mid ah kuwii hore ka soo baxaan waxa ay niyad jabinayaan shacabka Somaliland iyo dawladaha kale ee hoosta ka taageersan Somaliland. Shirkan oo aan ogahay in uu yahay kii ugu abaabulka weynaa ee ay Somaliland gasho waa in uu rajadii shacabka dib u soo nooleeyaa isla markaan abuuraa jawi siyaasadeed oo ka duwan kii hore ee ma dhaleyska ahaa. Haddii taa la waayo dawladda Somaliland waa in ay si toosa siyaasad cad uga yeelataa waxa ay ka yeelayso wadahadalka yadoo la kaasheyneysa wadamaddii bilaabay wadahadalka. Waxaan halka aan aad uga mahadnaqayaa Xisbiga Cadaaladda iyo Daryeelka oo aad uga shaqeeyey in meel looga soo wada jeesto qadiyadda Somaliland. Isla markaana ka hawl-galey in adduunyaddu isha ku hayso, yada oo dhex-galeysa goob-joogna ka noqoneysa wadahadalka, dibna loogu noqdo in qadiyadda Somaliland adduunka laga dhaadhiciyo mar haddii dhul iyo dal ay dawladdi inaga haysataa aanu jirin. Halka uu Xisbiga Wadani ka dayriyey in aan rajo ka soo baxay wadahadalka isla markaana ugu baaqay dawladda in ay ka baxdo. Wallow shakhsiyan aanan anigu taa ku raacsaneyn oo ay tahay in farsamooyin badan loo adeegsado shirka isla markaana la tashi balaadhan lala sameeyo Axsaabta Qaranka, aqoonyahanka dalka iyo khuburada caalamiga ah ee hawlahan adduunka u qaabilsan iyo waliba wadamada saaxiibka nahay intaba. Wa bilaahi Tawfiiq.

Mohamed Hagi.

The University of Warwick.

Department of Politics and International Studies.

Taliyaha Cusub ee Ciidanka Ilaalada Xeebaha oo ka Hadlay Xilkii laga bedelay ee Ciidanka Asluubta iyo aragtidiisa Xilka Cusub

$
0
0

Hargeysa 02.March 2015 (SDN/QJ):- Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Somaliland Sarreeye Guuto Maxamed Xuseen Faarax (Xiirane), ayaa ka hadlay sida uu u arko xilka cusub ee uu Madaxweyne Siilaanyo habeennimadii Sabtidii u magacaabay, waxaanu u beddelay Madaxweynuhu inuu noqdo laga bilaabo Sabtidii Taliyaha Ciidanka ilaalada Xeebaha Somaliland, waxaanu sheegay inaanu wax dhib ah u arkayn Xilka Asluubta ee laga beddelay iyo xilka cusub ee loo beddelay.

Taliyaha Ciidanka ilaalada Xeebaha Somaliland ayaa ku jiray Liiska isku-shaandhayn uu Madaxweyne Axmed-Siilaanyo ku sameeyey Golaha Wasiirrada, Agaasimayaasha, Taliyeyaasha Ciidammada qaarkood, xilka qaadis iyo Magacaabis uu sameeyey. Waxaanu Taliye Xiirane sidaa ku sheegay mar Shalay madaarka diyaaradaha ee Hargeysa lagu soo dhaweeyey isagoo ka soo laabtay dalka Itoobiya oo uu Aqoon-is-weydaarsi shan cisho qaatay ugu maqnaa. Muuqaalkan hoose ka daawo waxa uu xilka loo beddelay ka yidhi Taliyaha ilaalada Xeebuhu.

Hargaysa SDN/QJ
contact@qurbejoog.com

Wasiir Samaale Weedh uu Alle u Aqbalay Shan Cisho ka Hor Xilka uu Gaashaanka ku dhuftay ee Waxbarashada DAAWO

$
0
0

Hargaysa 02.March 2015 (SDN/QJ)- Wasiirkii Hore ee Wasaarada Maaliyada Mudane C.casiis Maxamed Samaale ayaa noqday ka loogu hadal haynta badan yahay kadib markii uu ganafka ku dhuftay Bedelaadii uu Madaxweyne Siilaanyo ugu Magacaabay Wasiirka Wasaarada Waxbarashada taas oo uu Gebi ahaanba cadeeyay inaanu qabanayn Xilkan lana shaqayn doonin Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo.

Hadaba ka hor intii uu Kormeerka ku joogay Magaalada Burco ayaa hadal dhaxal gal noqday uu ku Tiraabay kadib markii loo sii saadaaliyay Xilka wasiirka waxbarashada.

Shirkadii Kowaad ee Caymis ah oo Somaliland laga Furay DAAWO

$
0
0

Hargaysa 02.March 2015 (SDN/QJ)- Munaasibad Lagu daahfureyay Shirkada Caymiska ee Takaful ayaa lagu qabtay Magaalada Hargaysa ,waxaana ka soo qayb galay Gudoomiyaasha Golaha wakiilada iyo Xisbiga Kulmiye Xubno golaha wasiirrada ka tirsan.

Munaasibada lagu Furayay Shirkadan Cusub oo lagu qabtay Huteel Maansoor Waxaa ka Qayb galay Gudoomiyeyaasha Xisbiyada Waddani iyo Kulmiye,Madax dhaqameed

Wareegii 8aad ee Wada hadalada Somaliland iyo Somalia oo Baaqday Iyo Dooda Hal Muceed ee Labada Dhinac ku Kala Boodeen

$
0
0

Istanbul 02.March 2015 (SDN/QJ):- Shirka kulanka ama wejiga siddeedaad ee wadahadallada dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland u socday saddexdii sano ee u dambeeyey oo Axaddii shalay ka furmi lahaa magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, ayaan furmin oo baaqday, ka dib markii ay Ergooyinka ka kala socday labada dhinac isku mari waayeen Xubno u dhashay Somaliland oo ka mid ah Ergada Muqdisho ka socotay oo ay Ergada Hargeysa ka biyo-diidday la xaajood-kooda.

qorshayaalMarkii ugu horreysay ee ay wadahadladu u bilaabmayeen Somaliland iyo Soomaaliya sannadkii 2012-kii oo uu xilka hayay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo uu Guddiga wadahadalka u metelaysay Federaalka uu ku soo daray Xubno dhasho ahaan ka soo jeeda Somaliland, balse mabda’a midnimada Soomaaliweyn aamminsan, ayaa hakadyo iyo khilaafyo soo kala dhex-galeen habsami-u-socodka wadahadallada bilaabmi lahaa, waxaana muddo hadallo dhalliilo ah iyo diidmo Warbaahinta la isu marinayey oo ay Somaliland ku doodaysay inaanay wadahadal la furayn xubno deegaanandeeda u dhashay oo shaqo tegay, balse ay horfadhiisan karaan cid talada Soomaaliya wax ku leh.

Hase-yeeshee, markii dambe Madaxweynihii wakhtigaas ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed waa uu beddelay xubnihii ka soo jeeday Somaliland ee uu Guddiga wadahadallada ku dartay, sidaas darteed markii uu Xasan Sheekh Maxamuud xilka la wareegay oo la sii amba-qaaday wadahadallada socday oo sidoodii u sii socday. Balse, waa markii u horreysay ee Xasan Sheekh Maxamuud intii uu joogay xubno dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland u diro wadahadalka, waxaanay taasi sababtay in dib-u-dhac iyo hakad ku yimaaddo shirka Axaddii Shalay ka furmi lahaa Stanbul, kaasoo aan illaa hadda caddayn inuu burburay iyo inuu Isniinta Maanta oo ay ahayd inuu maalinta labaad galo uu furmi karo iyo in kale.

Ergada dhinaca Somaliland ka socota oo Warbaahinta la hadlay ilaa xalay , ayaa sheegay inaanay wadahadal iyo wada-xaajood toona la furaynin Ergada Soomaaliya ka socota inta ay ku jiraan Xubno dhalasho ahaan ka soo jeeda Deegaannada Somaliland, halka ay Ergada dawladda Federaalka Soomaaliya ka socota oo War-Saxaafadeed qoraal ah ka soo saaray Istanbul ku doodayaan inay diyaar u yihiin in wadahadalladu si caadi ah u furmaan sida ay dhigayaan qodobbada heshiis bishii December 2014-kii ay magaalada Jabuuti ee Caasimadda Jamhuuriyadda Jabuuti ku kala sexeexdeen Madaxweyneyaasha Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Somaliland Axmed-Siilaanyo. Isla markaana, ay mar walba tixgelinayaan midnimada ummadda Soomaaliyeed.

Dawladda Turkiga iyo Iyagaba (Soomaaliya) waannu u sheegnay in Shirkan dhici doonaa yahay Shir Somaliland iyo Soomaaliya ah oo labada waddan is hor-fadhiisanayaan, Somaliland-na aanay marnaba oggolaanayn in Niman Somaliland u dhashay inay shirka soo fadhiistaan. Markaa. waxaannu filaynaa inuu noqdo Shir lagaga wadahadlo waxyaabihii faraha badnaa ee ay fulin waayeen ee ay ka baxeen lagaga wadahadlo.” Sidaa waxa yidhi Wasiirka arrimaha dibedda Somalilad oo ah Guddoomiyaha Guddiga wadahadalka u qaabbilsan dhinaca Somaliland oo isagoo jooga Istanbul u warramay BBC-da caawa.

Waxaanu Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis intaas ku daray oo yidhi; “Annagu diyaar uma nihin mana oggolaanayno oo sharciyan, annagu dad Somaliland ka soo jeeda oo Xamar tegay lama fadhiisanayno, Somaliland xuduud cayiman ayay leedahay oo ah dhulkii Ingiriisku haysan jiray, markaa wixii dhulkaas u dhashay ee reer Somaliland ah annagu shirkan la fadhiisan mayno, waxaanu la fadhiisanaynaa dadka ah Dhulkii Talyaanigu haysan jiray ee Somalia la yidhaa haddana aanu doonayno inaanu laba Waddan oo kala gaara oo kala ambabaxa u wada hadalno.”

Arrimaha Masiiriga ah horena miiska way u saarnayd haddana way saaran tahay laakiin, arrimaha ka horeeya ee aanu Xallinayno waxaa ka mid ah awal hore wuxuu Turkigu iskugu kaayo yeedhaa laba wadan oo kala gaar ah oo siman oo labaaas waddan wadahadlaan, wixii hore loogu heshiiyay waxaa ka mid ahaa in wixii Af-Xumo ah la iska ilaaliyo. Laakiin, af-xumooyin faro badan, ayaa warqad ay soo qoreen ku jirtay arrimahaas baanuna ka wada hadlaynaa. Sidaad ogtahay labada Madaxweyne waxay ku dhiirradeen in laga wadahadlo arrimaha siyaasadda ee masiiriga ah (mustaqbalka sida la kala noqonayo) (Midnimo iyo Madax-bannaani), labada Madaxweyne hore amar loogama haysan Madaxweynayaasha, immikana amar baa laga haystaa, markaa arrimahaas ayaannu ka wadahadlaynaa.” Sidaa ayuu yidhi Maxamed Biixi Yoonis.

Geesta kale, Ergada wadahadalka ugu xil-saaran Federaalka Soomaaliya ee Turkiga ku sugan, ayaa War-Saxaafadeed ay arrintan kaga hadleen ka soo saaray magaalada Istanbul ee shirkii ku mudaysnaa inuu shalay ka furmo Magaalada Istanbul oo Nuqul ka Mid ah Warsaxaafadeedkooda shabakada Qurbejoog.com heshay ayaa u dhignaa sidatan:-

Iyada oo la tixraacayo heshiiskii Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Silaanyo ay ku gaareen magaalada Djibouti bishii Disembar 2014, ayaa Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay magaalada Istanbul u dirtay wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha, Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa, oo ka kooban Wasiirro, Xildhibaanno iyo mas’uuliyiin kale oo xag farsamo ah.

Wafdiga oo damaanad buuxda ka haysta Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, waxaa uu caddeynayaa in uu diyaar u yahay in uu la fariisto Wafdiga Somaliland oo isaguna ku sugan Istanbul si loo guda galo wada-xaajood ku salaysan qodobbadii ay ku heshiiyeen labada Madaxweyne, oo ay ka mid tahay in la billaabo ka hadalka arrimaha siyaasadda ee masiiriga ah ee ka dhexeeya labada dhinac.

Wafdiga Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxaa ka go’an in uu dadaal walba ku bixiyo midnimada Jamhuriyadda Fedraaalka ee Soomaaliya. Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay uga mahad-celineysaa Dowladda Turkiga marti-gelinta labada wafdi iyo dhiirrigelinta wadahadalka labada dhinac.”

Shirkan Axaddii shalay ka furmi lahaa Istanbul oo noqonaya shirkii Wejiga siddeedaad ee wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya, ayaan la hubin inuu sidaas ku burburi doono iyo in Isniinta berri wax iska beddeli doonaan jewiga diidmada ah ee ay labada dhinac isku qaabbileen.

Istanbul SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Xusuus Qor Dhakhtaar Ilkood Iyo Taxane Shabakada Qurbejoog.com idiin soo Gudbinayso {DHAGAYSO}

$
0
0

hibaaqHargaysa 02.March 2015 (SDN/QJ)-Dhamaanba Asxaabta ku Xidhan Shabakada Qurbejoog.com waxaanu Si Taxane ah Halkan idiinku soo Gudbin doonaa Qormo Xiiso badan oo ay inoo soo diyaarisay Drs Hibaaq C.raxmaan Buubaal oo ah Dhakhtarad Cilmiga Ilkaha Hargaysa kaga Shaqaysa .

Waxay Drs Hibaaq Buubaal qormadan Maanta ay inagu Hoga Tusaalaynaysaa Siyaabaha Keena in Mawqifyada Nolosha loo bedelo Marka ay Mushkiladi kula soo deristo, Waana Taxanihii ( Xusuus Qor Dhakhtar Ilkood).

GUJI HALKAN OO MOBILKAAGA KA DHAGAYSO BARNAAMIJKAN XUSUUS QOR DHAKHTAR ILKOOD


Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

 


“Markay dawladdii iyo Wakiilladii israacaan ee ku heshiiyaan inay sharciga jabiyaan oo wakiilkii shanta sano la soo doortay uu shan kale fadhiyo oo sharci kasta oo Dawladdu keento u saxeexo….” Gudd. Faysal Cali Waraabe.

$
0
0

London:March,02,2015(SDN/QJ)-Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa Ka Hadlay Xaaladda Guud ee Dalka, waxana uu ka dayriyey sida xaalku haatan yahay.

faysal caliGuddoomiye Faysal oo haatan socdaal ku maraya Dalal Yurub ah, ayaa sheegay in isku-duubnidii iyo wada jirkii shacabka Reer Somaliland ka Baxday, isla-markaana ay qiimo dhacday qaddiyadii Somaliland ee markii hore loo hanweynaa,

“waxaynu u kala baxnay Mucaarid iyo Muxaafid sidii baana aynu isku eryenaynaa, marna ismaan lahayn ictiraafka Somaliland intaas buu qaadanayaa, waxana aynu noqonay Super Market waxba iibgeyn garan weynay wax kastaana yaalaan, Garowe oo Macdaar yar le’eg ayaa inaga xariifsan, Dadkana waxa aynu moodaynaa inaynu ka Ilbaxsanahaye inagaa dadka ugu badowsan.”ayuu yidhi Guddoomiye Faysal Cali Waraabe.

Faysal Cali Waraabe uu hoosta ka xarriiqay in Dawladnimada ay Somaliland uga Martida tahay aan lagu helaynin si fudud, loona Baahan yahay in si adag loo shaqeeyo, waxana uu yidhi,“Inagu reer Reer Baynu u kala fadhinaa Qaranna waa samaynaynaa Ictiraafkana laguma helo hees ee Tacab baa lagu helaa,”

Faysal Cali Waraabe, waxa uu tilmaamay in Golayaashii Xukuumadda iyo Wakiilladu ka leexdeen shaqadii loo igmaday, iyagoo isku raacay sidii ay sharciyadda dalka u burburin lahaayeen, waxana uu yidhi,

“Markaad umad dhan oo wada mikrofon sidata oo iscaayeysa aragto, markay dawladdii iyo Wakiilladii israacaan ee ku heshiiyaan inay sharciga jabiyaan oo wakiilkii shanta sano la soo doortay uu shan kale fadhiyo oo sharci kasta oo Dawladdu keento u saxeexo, markaa iyaguu ka wakiil yahay.”

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe, ayaa muddooyinkii ugu dambeeyey Hoos u dhigay Mucaaraddadiisii ka dhanka ahayd Madaxweyne Siilaanyo, waxana uu haatan diiradda saaraa Dhanka Golaha Wakiillada oo uu si adag uga soo horjeedo in Muddo-kordhin loo sameeyo.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Wararkii Ugu Dambeeyey Ee Shirkii Somaliland Iyo Somalia Uga Qorshaysnaa Turkiga, Heerka Dedaallo ay Wadaan Diblomaasiyiinta Turkigu Iyo Natiijada Maanta La Filanayo

$
0
0

Ankara:March,02,2015(SDN/QJ)-Wada-hadalladii ayaa qabsoomi waayey kadib markii ay Ergadii Somaliland diideen inay horfadhiistaan qaarkamid ah Xubnaha Waftiga somaliland oo kasoo jeeda Deegaanadeeda.

dheecoShirka oo lagu waday inuu Maalinti shalay ahayd Furmo ayaan wali wax tallaabo ah qaadin, waxana Waftiga Somaliland qaddimeen Saluugooda la xidhiidha Xubnaha ay diidan yihiin inay horfadhiistaan.

Xubnaha Somaliland diiddan tahay  waa Waa afar Xubnood  oo Kala ah Wasiirka Warfaafinta, mudane maareeye, Gaadiidka iyo dulista, Siciid Jaamac Qoorsheel oo hore xilal uga soo qabtay Xukuumadihii kala dambeeyey ee Somalia,  Jaangeli, Xildhibaan Cilmi oo kamid ah Mudanayaasha Baarlamaanka Somalia oo kasoo jeeda Deegaanada Somaliland.

Xubnaha Somaliland shirkaas udirtay, ayaa la Kulmay Safiirka dalka turkiga u fadhiya Somalia waxana ay sheegeen inay xubnaha ay diidan yihiin.waxana rajo laga qabaa in Maanta labada dhinac uu midkood tanaasulo.

Ilaa imika lama oga xilliga rasmiga ah ee uu furmi doono shirkaasi, waana suurtgal in haddii dedaaladu midho dhali  waayaan in shirka dib loo dhigo.

Degaallo badan ayaa waxa wada Diblomaasiyiinta Dalka Turkiga, waxana ay ku rajoweyn yihiin in Maanta la gaadhi doono isu tanaasul dheeri ah.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

 

Masuulkii Labaad Oo Muddo 2-Cisho Gudahood ah Iskaga Casilay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo Iyo Dil-dillaac Bilaabmay

$
0
0

Hargeysa:March,02,2015(SDN/QJ)-Muddo laba Cisho Gudahood, ayaa markii ugu horraysay uu masuulkii labaad  oo ah La-taliyihii madaxweyne Siilaanyo ee Bulshada la Haybsoocaa iskaga casilay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.

barookMudane Barkhad Jaamac Xirsi oo muddo soo ahaa La-taliyaha Madaxweynaha ee Bulshada la Haybsooco, ayaa ugu dambayntii gudbiyey istiqaaladiisa ka dhanka ah Xilkaas uu madaxweynaha u hayey, balse ma sheegin sabab cad uu go’aankaas u qaatay.

Mudane Barkhad waxa uu ka gaabsaday inuu tafaasiil ka bixiyo Iscasilaadiisa, balse Madaxweynaha wuxuu uga mahadceliyay muddada ay soo wada shaqaynayeen “Madaxweyne Maamus iyo sharaf ku waar waanan kaaga mahadcelinayaa wada shaqeynteeni muddada soo socotey ee macasalaama. Somaliland guul iyo gobonimo waarta shacabkeygow guuleysta waana igu balan ka shaqeynta daryeelka bulshada iyo danta guud, Gobey liico ha jabin.” Ayuu Mudane Barkhad ku yidhi Qoraal uu Bartiisa facebook ku baahiyay.

Ka Sakaw Qoraalkiisan Barkhad oo Saxaafadda qaarkeed la hadlay waxa uu xaqiijiyay Iscasilaadiisa, wuxuuse ka gaabsaday inuu tafaasiil ka bixiyo.

Iscasilaadiisa ayaa imanaysa iyadoo Wasiirkii hore ee Maaliyadda Cabdicasiis Samaale habeen hore iscasilay sidoo kalena la hadal hayo iscasilaad uu maagan yahay Wasiirkii xannaanada xoolaha Cabdi Awdaahir oo haatan loo badalay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

Dildillaaca Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo sida la ogyahay Salka ku haya Go’aanada ay ku socota oo aan kasoo bixin halkii salka u ahayd, ayaa lagu wadaa inay sababaan In xubno kale is casilaan, iyadoo guuxa Xubnaha Tabashada  wada iyo Jaahwareerkii ka dhashay isku-shaandhayntii ugu dambaysay ay Qarqiyeen Aqalka Madaxtooyada.

 

Himilo Media

 

Daawo:La Taliyihii Madaxwaynahee Beelaha Laga Tirada Badan Yahay Oo Is Casilay Taasi Oo Maalintii Shalayto Ahaydna Uu Wasiir Samaale Iska Casilay Taasi Oo Taagerada Kulmiye Sii Diciifinaysa

$
0
0

barkhad

Hargeisa 2/3/2015(SDN/QJ)-Muddo laba Cisho Gudahood, ayaa markii ugu horraysay uu masuulkii labaad  oo ah La-taliyihii madaxweyne Siilaanyo ee Bulshada la Haybsoocaa iskaga casilay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.

Mudane Barkhad Jaamac Xirsi oo muddo soo ahaa La-taliyaha Madaxweynaha ee Bulshada la Haybsooco, ayaa ugu dambayntii gudbiyey istiqaaladiisa ka dhanka ah Xilkaas uu madaxweynaha u hayey, balse ma sheegin sabab cad uu go’aankaas u qaatay.

Hargeisa SDN/QJ

Concat@Somalidiasporanews.com

Suldaan Hargaysa lagu Xidhay,Xaaladii Tiyaatarka oo si Kooban loo Xaliyay, Go’aan Madaxtooyada ka soo baxay Iyo Dhaawac Cisbitaalka lagu dabiibayo

$
0
0

Hargaysa 03.March 2015 (SDN/QJ)-Waxaa Xalay  la soo af jaray Xaaladdi ka taagnayd Tiyaatarka iyadoo gabi ahaanba malleeshiyadii gudaha Tiyaatarka ku jirtay laga soo saaray isla amrkaana arrinka lagu dhameeyay hanaan nabadgalyo oo ku salaysan wada hadal .

Tiyaatarka HargaysaKulan ka dhacay Hargaysa oo dhex maray Guddi odayaal ah oo ka soo jeeda Beelaha Ciidagale oo uu hogaaminayo Suldaan Maxamed Suldaan Cabdillqaadir iyo Wasiirka Arrimaha gudaha ayaa waxaa lagaga wada hadlay sidii loo qaboojin lahaa xaaladda waxaana la isla af gartay in xaaladda si deggen loo dhameeyo .

Waxaana halkaasi lagu soo qabtay Suldaan Saleebaan Boqor Cismaan (Suldaan Habaar) oo xabsiga la dhigay isaga iyo gaadhigiisiiba .

Sidoo kale waxaa uu madaxweynuhu soo saaray go.aan uu ku sheegay in aan dhulkaa wax talaabo ah laga qaadeen illaa inta ammar danbe ka soo baxayo madaxtooyada .

Geesta kale markii ciidamada laga soo saaray Tiyaatarka waxaa Ku jiray laba Nin oo dhaawac ah oo iyana cusbitaalka la geeyay Haatanna xaaladooda caafimaad halkaa lagula tacaalayo walo mid ka mid ahi dhaawaciisu culus yahay halka ka kalena uu dhaawaciisu fududyahay .

Ugu danbeentii xaaladdi ayaa si ku meel gaadh ah loo qaboojiyay iyadoo laga dhur sugayo waxayaabaha ka soo baxaa kulamada danbee ee arrinkan lagaga hadlayo ee la xidhiidha Xaaladda Tiyaatarka oo noqotay Qaddiyad soo noqnoqotaa .

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

 

Viewing all 6893 articles
Browse latest View live