Quantcast
Channel: Features – qurbejoog.com
Viewing all 6893 articles
Browse latest View live

Madaxweynaha Somaliland Ayaa Maanta Ka Qaybgalay Furitaanka Kuwait Terminal Berbera Oo Laga Hir Galiyey Madaarka Magalada Berbera(Sawiro)

$
0
0

0 1 2 3 4 5 6 7 8 9 11 12 13 14 15 16 111

Berbera 23/2/2015(SDN/QJ)_Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu maanta xadhiga ka jaray dhisme aad u qurux badan oo loogu magacdaray Kuwait Terminal,  Berbera International Airport  oo ay dawlada kuwait maalgelisay dhismihiisa.

iyado  dhismaha madaarku  socday  in  mudo  furitaanka  Terminalkani  ayaa waxa madaxwaynaha ku wehelinaayey  qaar ka mida xubnihiisa golahiisa wasiirada

waxaana halkaasi madaxweynaha ku soo dhaweeyey masuuliyiinta heer gobol iyo Wasiirka Wasaarada Duulista iyo Hawada mudane Maxamuud Xaashi Cabid.

waxaana isla Terminalkaasi lagu qabtay xaflad aad loo soo agaasimay khudbadna ay ka jeediyeen wasiirka Duulista iyo Madaxweynuhu,

iyadoo  Terminalkani  loogu  magacdaray kuwit  Terminal, Terminalkani  ayaa waxa uu noq doona mid wax  balaadhan ku soo kordhiya madaarka berbera

Berbara SDN/QJ

Concat@Somalidiasporanews.com


Salaadiin iyo Cuqaal Kasoo jeeda Gobolka Sanaag Oo Ka Hadlay Xaalada Gobolkaasi Sanaag

$
0
0

saladin

Hargeisa 23/2/2015(SDN/QJ)_Salaadiin iyo Cuqaal Kasoo jeeda Gobolka Sanaag ayaa Ka Hadlay Xaalada Gobolkaasi Sanaag oo ay sheegeen in uu maraayo meeshii ugu liidatay abide e uu gaadho taasi oo ay sheegeen in aanay Xukuumada Silaanyo ee talada dalka haysaa aanay waxba ka fulin balanqaadyadeedii ay doorashada ku gashay iyagoo isla markaasi xusay in ay Xukuumadani awoodii Maamul ee Gobolka ay gacanta u galisay Beesha uu kasoo jeedo Madaxweynuhu iyadoo laga duudsiyey saamigii Beelihii kale ee Gobolka deganaa.
Salaadiinta iyo Cuqaashan oo maanta Warbaahinta kula hadlay Magaalada Hargeysa ayaa waxa kamid ahaa Suldaan Maxamuud Cali Buraale,Suldaan Siciid Maxamuud Cali (Sul.Carab) Cheaf Caaqil C/laahi Cabdale Ismaaciil Aadan
Suldaan Maxamuud Cali Buraale oo hadalka ugu hor qaatay ayaa waxa uu yidhi” waxaanu maanta halkan uga diraynaa Xukuumada Silaanyo isla markaana aanu leenahay kuna cambaaraynaynaa Cadaalad darada iyo Horumar la’aanta baahsan ee ka jirta Gobolka Sanaag gaar ahaan Degmada Ceerigaabo taasoo ay ka maqan tahay Baahiyhii aas aasiga ahaa sida Caafimaadka ,Biyaha Tayada Waxbarashada Laydhka iyo dhamaan baahiyaha Bulshada,iyadoo taasi jirto ayaa hadana waxanoo raacisay xukuumadani arin aad u fool xun oo ah cadaalad daro labaad oo ah inay Beesha uu kasoo jeedo Madaxweynuhu oo kaliya gacanta loo galiyey dhamaan Mansabkii Maamul ee heer Gobol iyo Heer Degmoba marka laga reebo Duqa Degmada Ceerigaabo oo kaliya taasoo aad moodid in la doonayo in reer Sanaag dhexdooda ka keento Fidmo iyo Nabad-galyo daro taasi oo aanu mudooyinkanba aanu dadweynaha ku qancinaynay dawladani way dhamaysatay xilkeediiye iska suga oo codkiina kaga aar-goosta,Hadaba waxaan Shacabka reer Sanaag ugu Baaqayaa inay ilaaliyaan Qaranimada iyo Isku duubnidooda una adkaystaan xaaladaas aynu ku jirnay Mudada shanta sano ah waayo waa arin ay inalla qabaan dhamaan dadweyna reer Somaliland”
Dhinaca kale Suldaan Siciid Maxamuud Cali (Sul.Carab) oo isna madasha ka hadlay ayaa waxa uu yidhi”waxaanu ku cambaaraynaynaa Xukuumada Madaxweyne Silaanyo waxbaqabadkii uu ku balanqaaday waqtigii u doorashada galaayey waxa kaliya oo taabtay wadada oo uu ka fuliyey Shan Kiilomitir oo iyada ay tahay lacagtii laga soo uruuriyey Shacabka Somaliland dal iyo dibadba oo iyana shantaasuun km laga hayo intii kalena meel la mariyey aanan garanayn ,dhinaca kale Beelaha degan Gobolka Sanaag oo sagaal Beelood ah taasi oo xukuumadani ay ku uruurisay uguna gacal miistay Beesha uu kasoo jeedo Madaxweynaha taasi oo la qadiyey Sideedii Beelood ee kale waxa kale oo jirta in Xitaa Garoonka Diyaarada uu yahay Sidiisii oo aan waxba laga qaban ilaa 1991 kii hadaba waxaanu ugu baaqayaa Shacabka reer Sanaag inay ka tashadaan Aaayahooda oo ay codkooda kaga aar-goostaan Xukuumadan,Gobolka Sanaag waa obol baaxad weyn oo xaga nabadgalyada aan ka dhisnay ,Sida degmada Laaso-surad oo aan lahayn Gaadiid Bileys sida Degmada Darar-weyne Fiqi-fuliye Xiin-galool Goof iyo dhamaan degmooyinka Gobolku ma laha Gaadiid Bileys iyo Mid Caafimaad toona Hdaba Madaxweyne Sadex nin Oo Isku Beel ah oo isku Caqliya oo isku f ahi kama talinayaan Somaliland ”
Gabagabadiina waxa hadalka soo gunaanaday Cheaf Caaqil C/laahi Cabdale Ismaaciil Aadan waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “in badan ayaanu ka hadalnay xaalada Gobolka iyo Maamulka gaar ka loosiiyey Beesha Madaxweynaha balse maanta waxa noo raacda mar hadii Maamulkii Gobolka Sanaag ee Ummadda wada Degan u dhaxeeyey gaar uu Madaxweynuhu usiiyey Beeshiisii waxa halkaa ka cadaatay Xilkii qaranka ee uu u dhaartay inuu ku wacad furay ,Maxaayeelay Gobolku waa gobolka ugu weyn ee ugunakhayraadka badan haday tahay Wadadii uu dhagax dhigay oo 3.5 km la saaray daamurkii taasina waxaanu ku sifaynaynaa in ay hore yididiilo u ahayd Dadweynaha Gobolka balse hada waxaanu u aragnaa Barnaamij lagu urursanaayo Hantida Ummada ,waxyaabaha aanu aadka ula yaabnay waxa ka mida Degmo dhawaan uu Magacaabay Madaxweynuhu oo ay wada degaan beelo badani ayaa waxa hadana loo Magacaabay Dhamaan xililkeedii beesha Madaxweynaha ,Haba waxaan halkan uga soo jeedinayaa Dhamaan dadweynaha Gobolka Sanaag iyo Guud ahaan ba Somaliland inay Codkooda kagaba badbaadiyaan Dalka Xukuumadan feenatay Dalkii

Xigasho Qarninews.com

Daawo:Wasiirka Maaliyada Somaliland Ayaa Maanta Kormeer Ku tagay Magaalada Laascanod Ee Gobalka Sool

$
0
0

sool

Laascaanood 23/2/2015(SDN/QJ)-Wasiirka maaliyada somaliland c/casiis maxamed samaale  ayaa maanta socdaal kormeera  ku tagay magaalada laascaood  iyadoo kormeerkaasi ay  ku wehelinayaan isuduwaaysha wasarada maaliyada somaliland  sool

Laascaanod SDN/QJ

Concat@Somalidiasporanews.com

Daawo:ururka Suxufiyiinta Somaliland Ee Solja Oo Siminaar U Furay Qaar Ka Mida Suxufiyiinta Somaliland

$
0
0

solja

Hargeisa 23/2/2015(SDN/QJ)Ururka suxufiyinta solja ayaa maanta siminaarkii ugu horeeyey  u furay  qaar ka mida suxufiinta somaliland iyadoo kulanaasi  uu ka hadlay gudoomiyaha solja maxamud jaamac (xuutu)

Hargeisa SDN/QJ

Concat@Somalidiasporanews.com

Daawo:Madaxwayne Ku Xigeenka Somaliland Ayaa Maanta Kormeer Indho Indhayna Ku Tagay Magaalada Arabsiyo Ee Gobalka Gabilay Ka Tirsan

$
0
0

bari

Hargeisa 23/2/2015 (SDN/QJ)-Madaxwayne ku xigeenka somaliland ayaa maanta kormeer indho indhayna ku tagay  magaalada arabsiyo ee ka tirsan gobalka gabilay  iyadoo safarkani uu madaxwayne ku xigeenka qaar ka mida golaha wasirada somaliland

Hargeisa SDN/QJ

Concat@Somalidiasporanews.com

Daawo:Madaxwaynaha Somaliland Oo maanta Xadhiga Ka Jaray Tarminal Cusub Oo Lagu Kordhiyey Garoonka Diyaardaha Ee Berbera Eripot Iyado Tarminalkana Loogu Magac Daray Kuwait Tarminal

$
0
0

13

Berbera 23/2/2015(SDN/QJ)madaxwaynaha somaliland ayaa maanta xadhiga ka jaray  tarminal cusub oo lagu daray garoonka diyaaradaha ee berber eripot  ee magaalada berbera  iyadoo munaasibad  halkasi xadhiga laga jaraayey lagu qabtay

Berbera SDN/QJ

Concat@Somalidiasporanews.com

Somaliland Oo Afar Cisho Kadib War Kasoo Saartay Qaraxyadii Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

$
0
0

Hargeysa:Feb,24,2015 (SDN/QJ)-Xukuumadda Somaliland, ayaa Afar Cisho kadib ka Hadashay Qaraxii khasaaraha Badan geystay eek a dhacay Hutel Central ee Magaalada Muqdisho, kaas oo ay ku dhinteen dad tiro badan oo siyaasiyiin u badnaa.

troSomaliland, ayaa Jawaabteeda la maqnayd muddo dheer, waxana ay markii ugu horraysay muujisay sida ay uga xuntahay dhimashada soo gaadhay Dadkii qaraxaas ku waxyeeloobay  iyo kuwii ku dhintayba.

qoraal kooban oo caawa lagu baahiyey bogga Wasaaradda Arrimaha dibaddu ku leedahay shabakadda xidhiidhka bulshada ee Facebook ayaa lagu sheegay in weerarkaasi oo khasaare badan dhalliyey uu shacabka reer Somaliland ka naxay, sidaa daraadeedna dawladda Somaliland Tacsi u dirayso qoysaskii dadkii ku dhintay weerarkaasi isla-markaana waxa caafimaad loogu rajeeyay kuwo ku dhaawacmay.

Qoraalka Tacsida ah ee wasaaradda Arrimaha dibadda Somaliland kaga hadashay weerarkaasi oo masuuliyaddiisa Al-shabaab sheegatay ayaa u dhignaa sidan “Dadka Jamhuuriyadda Somaliland waxay ka argagaxeen kana murugoodeen maqalka weerarkii Lagu qaadey Huteelka Central iyadoo Salaaddii Jimcaha lagu jiro”

Wasaaradda Arrimaha dibadda oo sii hadleysa ayaa sheegtay “Waxaanu Tacsi tiiraanyo leh u diraynaa qoysaska iyo saaxiibada dadkii ku dhintay weerarkaasi, waxaanuna caafimaad u rajeynaynaa oo aanu ducaynaynaa kuwa ku dhaawacmay”ayuu yidhi.

Qaraxyo tiro badan oo kala dambeeyey ayaa  hore uga dhacay Goobo badan oo ku yaalla Gudaha somaliland, kuwaas oo aanay abid somaliland wax jawaab ah ka bixin, bal hadda waa markii ugu horraysay ee ay muujiyaan Dareenkooda la xidhiidha Qaraxaas, waxana dad badani isweydiinayaan sababta keentay inay Haatan jawaab Habsaantay Bixiyaan.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

DAAWO:Faarax Macallim oo Kahadlay xuska maalinta Afka hooyo iyo dhaxal guurka Qowmiyada Soomaalida

$
0
0

Nairobi Feb 24,2015(SDN/QJ)-Guddoomiye ku-xigeenkii hore ee Baarlamaanka Kenya oo khudbad dheer ka jeediyay munaasabad Nairobi lagu qabtay oo lagu xusayay afka Soomaaliga ayaa ka warbixiyay sida qowmiyada Soomaalidu khatarta haatan ugu sugan tahay.

Masuulka ayaa sheegay in loo baahan yahay in Soomaalidu is daba qabato oo fadhiga ka toosto si qawmiyada loo bedbaadiyo, hadaad damiir leedahay ku cibro qaado.


Magaca Wiil Mudaharaad Ka Dhaliyey Magaalada Laascaanood Oo Muddo La La’aa, Balse Haatan La Helay

$
0
0

Lascanod:Feb,24,2015(SDN/QJ)-Shacabweynaha Reer Laascaanood, ayaa Maalintii shalay Sameeyey Mudaharaad rabshado wata oo ay ku kala xidheen Waddada Halbawlaha ah ee Magaalada Dhexmarta iyo Meherada Ganacsigaba, kadib markii uu Laba Maalmood la la’aa Wiil Magaalada u dhashay oo warar khaldani kasoo baxayeen.

shroMudaharaadka ayaa Bilaabmay daqiiqado kadib markii  Mukhtaar Faarax Caarshe(astaan) oo ah wiil kasoo jeeda Magaalada Laascaanood la sheegay in lagu dilay Magaalada Caynaba ee Gobolka Saraar.

Shacab arrintaas ka cadhaysan ayaa shalay duhurnimadii iskugu soo baxay Badhtamaha magaalada, waxana soo farogeliyey Ciidamada Booliska iyo kuwa Militeriga oo markii dambe ku guulaystay inay dadkaas kala dareeriyaan Magaalada sideedii hore kusoo celiyaan.

Ma jirto cid soo abaabushay dibadbaxa rabshadaha watay sida ay sheegeen dad goobjooga-yaal ah, waxaase ay degtay rabshadu markii goor-dambe laga helay wiilkii ay rabshadu ka awgiis u dhaceen oo bad-qaba duleedka tuulada Guumeys oo 75-km dhinaca galbeed kaga beegan degmada Laascaanood.

Weli ma cadda sababta keentay in  Mukhtaar Faarax Caarshe (Astaan) oo la la’aa muddo laba maalmood ah inuu lumo, waxaase qaar qaraabadiisa ka mid ah ay sheegeen inuu ka baqay ciidan ku sugnaa magaalada Caynabo; isagoo ka yimid dhinaca magaalada Hargeysa kuna soo socday Laascaanood.

Wiilkan oo diifaysan ayaa mar dambe galay Magaalada Laascaanood, waxana wali aan la fahmin sababta keentay inuu ka hadho gaadhigii uu la socday, isla-markaana isticmaalo dariiq kale oo uu Laascaanood ku gaadho.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

 

MAANTA IYO HALKA AAN KA TAAGNAHAY SOMALILAND

$
0
0

Hordhac

Somaliland waa dal madaxbanaan oo xor ah sida ay goosteen ummadda ku nooli, marka loo eego shuruucaha dhaqan siyaasadeed ee adduunyaddu ku heshiisey wixii ka dambeeyey Dagaalkii Labaad ee Adduunka. Somaliland waa dal markii uu dhashey ee xornimadda dalalka adduunku maanta ku naaloonayaan uu ka helay gumeystihii Ingiriiska, ay dib u tuureen siyaasiyiintii wakhtigaa joogtey yagoo ku heshiin kari waayey hogaanka iyo wax wada lahaanshiyaha siyaasadeed. Wallow dadka intiisa badan loo tuso in dadkii shacabka ahaa ee wakhtigaasi ay rabeen in midnimo Somaliyeed oo shan ah la helo. Waxase qof wal oo wax ka bartey Culuunta Siyaasadda iyo Nidaamka Dawliga ah (Political Science and Public Policy), ay ka warqabaan in aaney marnaba adduunka aynu ku kor noolahay aaney hore uga dhicin, haddana ka dhici karin in dad shacab ahi jiheeyaan siyaasiyiin.  Waase loo wada joogay dhibtii siyaasiyiinta ilduufay ka soo gaadhey madaxbanaanidii ay ku tuureen hogga dheer, ee ilaa iyo maanta baadi doonkeedii aynu ku jirno.

Waxase markhaati ma doon ah in isla siyaasiyiintii afka dhulka darey ay isku day xeeladiisu hooseyso sameeyeen halsano ka dib midnimadii Somaliweyn ee lagu hungoobay. Waase shacabka reer Somaliland oo mar labaad ugu hiiliyey in ay dhiigooda, dheecaankooda iyo dhaqaalahoodaba u huraan baaqa siyaasiyiintii baxarka galiyey ummadda masiirkoodii ku aamintey 1960 ee ay meesha baas kala dhaceen. Halgankii hubaysnaa ee SNM, waxa ku naf iyo maalba waayey in ka badan 50,000, waxa ku baaba’ay hanti baaxad weyn sida magaalooyin waaweyn iyo dhaqaalihii hoos yaaley. Dhaqaale iyo hanti lunta waa laga soo kaban karaa e, waxa la huray oo kale waxa adduunka ugu qaalisan oo ah dadnimadda iyo dhaqanka suuban. Waxa aan sidan u leeyahay haddii ummadduhu dagaal galaan waxa halista ugu weyni tahay baaba, a dhaqanka suuban, kala dambeynta, cadaaladda iyo musuqa iyo maamul-xumadda oo gaadha meesha ugu sareysa.

Daar duntay waa la dhisi karaa, nidaam dawladeed oo shaqeeyana waa la unki karaa, se waxa aad u adag in dib loo soo celiyo dadnimadda iyo anshaxa wanaagsan. Culimadda Siyaasaddu waxa ay tan ku sheegaan haddii uu burbur ku yimaado umad iyo qaran hal sano kaliya waxa ay ku soo kaban karaan toban sano, haddii ay dadaalkooda libin laabaana intaa badhkeed oo ah 5 sano ayey ku soo kaban karaan. Nasiib wanaag dagaalkii reer Somaliland ay la galeen nidaamkii kali taliska ahaa ee ku dhisnaa isir nacaybka, iskana horkeenay qabaa’iladdii Somalida ee koonfurta kuwii waqooyigana in uu baabiiyo gudoonsadey waxa ay iskaga dul qaadeen muddo gaaban oo 3 sano ah. Waxa aan ka hadlayaa waa bilowgii dagaalka 1988 ilaa iyo dhamaadkiisii 1991. Si kastaba ha ahaatee, qaxoontinimaddii Somaliland waxa ay dhamaatey 1991, wallow ay jireen dagaalo sokeeye oo kale haddana marnaba lama aysan mid ahayn kan qaran burburka ah ee aynu taariikhda ku hayno.

 

Maanta waxa laga joogaa wakhtigaa 24 sano, oo ay ku dhismeen dhamaan magaalooyinkii Somaliland intii burburtey, waxa kale oo horumar balaadhan sameeyey tuulooyin iyo waliba degaano aan markii hore jirijirin oo ku abuurmay 24 sano ee Somaliland madaxbanaanida haystey iskeedna isku maamuleysey. Waxa kale oo ku abuurmay dawlad iyo nidaam sharci oo kala dambeyntiisa leh iyo waliba heer dawladnimo ku saleysan dimuqraadiyad casri ah oo huwan dhaqankeedii iyo afkaarteedii siyaasadeed. Dhaqaalaha dhinaciisa marka aad eegto waxa sameysmey horumar aad u balaadhan oo muuqda si toos ahna loo taaban karo.Wallow ay jiraan goldoloolooyin aad u fara badan oo ka yimid dhinaca nidaamka xukuumiga ah ee jirey 24 sano. Waxaana laga tilmaami karaa nidaamka cashuuraadka dalka iyo Wasaaradda Maaliyadda iyo waliba shuruucda dhismaha dhaqaale oo aan gabi ahaanba abuurneyn, tasaale ahaan shuruucda nidaamka bangiyada oo ah rugta abuurista dhaqaalaha qaranka, iyo waliba nidaamka soo jiidashada iyo abaabulka ee looga faa’ideeyo dhaqaalaha jira in shaqo lagu abuuro.

 

Wali xisaabtii burburkii 3 sano oo u dhigma in lagaga soo kabto 30 sano ayeynu ku guda jirnaaye, marka la kala jaro 30 iyo 24 waxa soo hadhay waa 6 sano. Waana inta ummaddi ku soo noqoto, waxa la xisaabinayaa waa jiilashii xiligaa kacay iyo intii talada haysey ee halganka ku jirtey inta ay taladu gacanta ugu jirto in aan horumar balaadhan laga sameyn karayn dhinacyada dhaqaalaha, siyaasadda iyo arrimaha bulshada oo dhamaantood u baahan fikir cusub oo ka fayow argagax colaadeed iyo xusuus balaayo. Dhanka kale, haddii aynu eegno walaalaheen Somaliya oo colaad iyo dagaal ku jiray 24 sano in ay dad caadi ah ku soo noqdaan oo la helo ummad habeysan oo garaneysa waxa ku xeeran iyo sida la isku badbaadiyo waxa u dhiman 240 sano oo kale. Yaa nool yaa dhintey, waxase hubaal ah haddii ay aad u dadaalaan waxa lagaga soo kaban kara intaa haafkeed oo noqoneysa 120 sano. Cilmi baadhistani waa mid dhab ah oo Culimadda Adduunka ee jiray ay ku sameeyeen in ka badan 40 wadan oo adduunka ka mid ah. Waxa rajada wanaagsani tahay in Somaliland ay kaliya u dhiman tahay 6 sano haddiise ay dadaalaan waxa lagu hagaajin karaa waxa ka qaldan nidaamka dawladnimo oo ah kan lagu hagaajinayo fikirka dadka iyo hab-dhaqankoodaba, isla markaana lagu abuurayo jawi degan oo siyaasadeed iyo horumar dhaqaale 3 sano. Haddaba, akhriste aan u daadago mawduucayga maanta iyo waxa aan u holadey qalinka in aan kor ugu qaado oo ah:- Xaaladda siyaasadeed ee maanta dalku uu marayo iyo sidii looga gudbi lahaa.

 

Nidaamka Dimuqraadiga ah

Somaliland 13 kii sano ee u dambeeyey waxa dawladnimadeedu ku shaqeyneysey nidaamka dimuqraadiga ah ee xisbiyadda badan. Waana sida ay ku heshiiyeen shacabka iyo dawladiisu, oo ah in shacabka ay awoodda dawladnimo gacanta ugu jirto, si ay u badalaan cida aan u shaqeyn sida ay rabaan isla markaana u doortaan cida ay rabaan. Waxa madaxda iyo siyaasiyiinta Somaliland ku waajib ah in ay ka soo baxaan waajibkaa iyo balanka u dhexeeya yaga iyo shacabka shaqaaleysiiyey.

 

Arrinta Doorashooyinka

Golayaasha qaranka oo ka kooban Dawladddaha Hoose, Madaxtooyadda iyo Aqaladda Sharci-Dejinta waxa dastuuriyan la doortaa 5 sano. Lakin nasiib daro waxa dhacda in marwalba ay muddo dhaafaan. Sababaha ugu weyn ee keenaa waa laba ammuurood oo waaweyn, oo aan marnaba siyaasiyiinta isqabqabsataa hore uga fikirin. Arrinta koowaad waa dhaqaalaha ku baxa doorashooyinka oo ah mid aad u balaadhan marka loo eego awooda dhaqaale ee dalka. Inkasta oo hadda ay European Union 75% bixiyaan, haddana mustaqbalka dhaw waxa ku waajib ah dalku in uu iska bixiyo doorashooyinka, ilaa iyo haddana cid diyaar u ahi ma jirto. Dhinac kale haddii laga eegana dhicitaanka seddex doorasho ee Heer-Qaran ahi waxa ay culays ku yihiin dhaqaalaha dal uu leeyahay oo ah in loo adeegsado hirgelinta horumarka dalka iyo dadka ee dhinacyada kaabayaasha dhaqaalaha iyo arrimaha bulshadda. Arrinta labaadna waa habka iyo nidaamka sharci iyo farsamo ee loo hirgeliyo qabsoomida doorashooyinka.

 

Tusaale ahaan, doorashooyinku waxa ay marwalba u baahan yihiin shuruuc iyo xeerar heshiis lagu yahay. Sidoo kale waxa lagama maarmaan ah farsamooyinka iyo agabka doorasho oo dheelitiran isla markaana heshiis ay ku yihiin dhamaan daneeyayaasha doorashooyinka, sida Golayaasha Qaranka, Komishanka Doorashooyinka iyo Axsaabta Siyaasaddu. Nasiib daro wali Somaliland oo 13 sano doorashooyin ku soo jirtey kuma ay guuleysan siyaasiyiinteedu in ay si wada jir ah iskula meel dhigaan arrimaha kor ku xusan. Waxana sida ay runtu tahay marwalba eedeeda yeelanaya dawladda markaa talada gacanta ku haysa oo baylihisay doorkii hogaamineed ee ummaddu u igmatey. Illaa iyo hadda labada xukuumadood iyo Golle ee arrintani ku dhacdey waa Xukuumadihii Rayaale iyo Golihii Barlamaanka ee wakhtigaa iyo Xukuumadan iyo Golaha Barlamaanka ee xiligan, waa haddii ay doorasho xiligeedii ku dhici weydo e.

 

Xogta Muwaadiniinta (Biometric)

Dawladdaha adduunka waxa ay masuul ka yihiin ilaalinta abniga iyo xogta muwaadiniintooda. Waxase maanta dawladda Somaliland iyo axsaabta qarankaba ceeb laf-jab ah ku ah sida aaney marnaba war uga hayn waxa adduunyadda maanta ka socda. Si doorasho loo galo waxa ay siyaasiyiinta Somaliland dhamaantood u arkaan in la helo nidaam lagu ilaaliyo in cod-bixiyayaashu aaney ku celcelin codka wax ka badan hal mar. Mucaaridku kama baqayaan in codka lagu celceliyo ee waxa ay u doonayaan Biometric system kan in aaney dawladdu ku shuban doorashadda. Halka ay dawladdu lafteedu ku ilaalineyso in aan codka shacabka cadheysan ee is-badal doonka ah oo inta badan ka dhiiran kan muxaafidka ah aanu ugu celcelin codka.

 

Nasiib-daro se waxa meesha ka baxdey foojignaanshiyaha khatarta ay leedahay xogta muwaadinka oo si dhib yar shirkad shisheeye ahi u maamusho. Waxa ay la mid tahay adiga oo muwaadinkaagii lagaala wareegay. Ma jirto adduunyada meel kaliya oo Biometric laga isticmaalaa doorashooyin oo aan ahayn Somaliland iyo wadamo dilaaliini qaadatey. Wadamadda Europe iyo USA kama jiraan nidaamkan noocan oo kale ah waayo xogta dadka waxa kaliya oo hayn kara waa dawladooda, xisbi loo codeynayo Biometric System cidina xogteeda ugu sadqayn mayso. Waxaan ku baraarujin lahaa dadka iyo siyaasiyiinta Somaliland in ay arrintan ka feejignaadaan isla markaana dawladda iyo axsaabta qarankuba masuuliyad dheeri ah iska saaraan in la xafido haddii laga maarsan waayo xogta muwaadinku in aaney dhaafin gacanta dawladda.  

 

Siyaasiyiinta Madaxa Banaan

Siyaasiyiinta madaxa banaani waa kuwa iskood isku magacaaba ee aan ku jirin Golayaasha Qaran, Xukuumad iyo Axsaabta siyaasiga ah midna. Xaaladdaha keena siyaasiyiintani waa xaaladaha burburka waana masiibooyin iyo aafo qaran oo ku habsata ummaddaha taagta daran ee colaadaha iyo dagaaladda ka soo doogsada. Waxa ay ummaddaha iskaga dhigaan in ay ehel u yihiin oo ay danta qaranka iyo tan shacabkaba illaalinayaan, waase ay uga daraan xaalad wal oo guracan oo jirta, marnaba daawo uma noqon karaan cakirnaanshaha siyaasiga ah. Sababta oo ah, cid wakiilatey oo ay mataalaan ma jirto xaqiiqatan, waxaana ay leeyihiin afkaar iyo fikir kala duwan waayo ma jirto ahdaaf iyo Institution mideynaya oo leh siyaasad cad oo dastuuri ah. Dalalka adduunyada ee horumaray, iyo kuwa hadda u diyaarka ah in ay sameeyaan horumar abni, dhaqaale iyo siyaasadeed ee sida fiican u soo koraya kama jiraan siyaasiyiinta madaxa baanaani. Meel ummaddi ku heshiisey oo shuruuc iyo qawaaniin dawli ahi yaaliin suuro gal ma aha baahi loo qabaana ma jirto in calooshood u shaqeystayaal ka manfacsada siyaasadda qaranka ay jiraan. Sababta ugu weyn ee looga diiday dimuqraadiyadda iyo nidaamka dawliga ah ee caalamiga ahi waa in aaney cidna u wakiilan in ay matalaan.

 

Dhinac kale marka laga eegana waxa ay noqon karaan cid loo adeegsan karo burburinta iyo hurinta khilaafaadka siyaasiga ah ee dalka, waxaana ku soo dhuuman kara cadawga dibada. Somaliland waa ay leedahay siyaasiyiinta madaxa banaan waana khatar qarsoon oo haddii aan si dhakhso ah wax looga qaban dhalin karta masiibo siyaasadeed oo hor leh. Siyaasiyiintan wax ka mid Mujaahidiin waaweyn oo dalkan u soo dhintey isla markaana jecel horumarkiisa sida Xasan Ciise, Ibrahim Dhagaweyne, Maxamed Xaashi, Xasan Guure iyo qaar kale oo badan. Waan dareemi karaa in ay dalkan jecel yihiin wanaagiisa, lakin waxa ay ceeb ku yihiin dawladnimada aynu sameysaney iyo qaranimada aan rabno in aynu ka midho dhalino. Waxaan ka codsan lahaa siyaasiyiintaa madaxabanaan in ay ku kala biiraan Axsaabta Qaranka ee jirta. Bal isweydiiya oo halkeed adduunka ku aragteen siyaasi madaxbanaan oo ka garab hadlaya Xisbi Qaran, miyaaney tani ceeb ku ahayn qaranimadeena iyo nidaamkeena dawladnimo. Mase aragteen dalalka jaarka ah iyo adduunka intiisa kale falal siyaasi ah oo noocan oo kale ah, wali waxaynaan kala saarin dawladnimo iyo nidaamkii jabhadnimada. Insha Allahu 6 sano ee inooga hadhsan in ay 30 sano inoogu buuxsamaan dib u noolaanshiyaha dadnimo ayeynu ku kala baran dawladnimadda iyo jabhadnimadda.

 

Axsaabta Qaranka ee Sedexda ah

Axsaabta siyaasadda ee Heer-Qaran, wali ma aha kuwo si dhab ah ugu bislaadey nidaamka siyaasiga ah ee Heer-Qaran. Ma aha Xisbiyo Qaran oo la wada leeyahay ee waa Xisbiyo Qabiil ama shaqsi oo siyaasadoodu ay ku dhisan tahay waa markeenii. Haddii aan yaga odhan lahaa muddada 6 sano ah ayey ku kori doonaan, taas werwer weyn baa iga haya oo waatan la yidhi 10 kii sano ba jaantaa rogan ha loo cararo. Taas oo siyaasadda ka dhigaysa mid aan sal-dhigan oo aan deganeyn, waayo waxa laga ilaalinayaa qaangaadhnimada iyo in ay wax ka bartaan wakhtiga oo ah macalinka waayo aragnimada. Haddii axsaabta la siin lahaa wakhti waa ay ku kori lahaayeen wax badan baana iska badali lahaa.

 

Haddase, waxa la ogolaadey in siyaasiyiintu guurguuraan oo mabaadiidu lunto, iyo in aynu ka kori weyno nidaamka qabiliga ah ee dhaqankeena ku jira. Tusaale ahaan, haddii la yidhaa kaliya 3 Xisbi Qaran ha jireen waxa yaraan lahaa guurguurka siyaasiyiinta oo marka uu siyaasi walba soo maro sedexda Xisbi marka dambe meel uu ku qalajisto ayaa jiri lahayd, ama in uu ka fadhiisto siyaasadda. Mar haddii ay 3 Xisbi jiraana waxa ay qabaa’illada Somaliland ku qasbanaan lahaayeen in ay laba xaalo mid sameeyaan oo is huwan:- waa ta hore e, in ay isgaashaanbuureysi siyaasadeed sameeyaan 5 ilaa 15 sano ee hore ka dibna ay gartaan dantooda oo ay fahmaan in ay u wada baahan yihiin biyo nadiif ah, waxbarasho, caafimaad, nabad-gelyo, shaqo iyo nolol wanaagsan halkaana ay ka duusho aragtidoodu oo ah tan labaad.

 

Dawladda ama Xukuumadda

Sidii aan marar badan warbaahinta iyo qoraalo aan sameeyeyba ka sheegay dawladdu waa meesha ay dad meel ku wada nooli dhaqaalahoodo, caqligooda, aqoontooda/garashadooda, maalkooda, farsamadooda/xirfadooda, xoogooda/awoodooda iyo aragtidooda siyaasiga ah isugu geeyaan. Si ay nabad iyo horumar ugu sameystaan isla markaana sharafkooda iyo jiritaankooda dadnimo ku ilaashadaan, dadyawga kale ee adduunyadda kula noolna ula macaamilaan iyagoo isaga difaacaya dawladnimaddan wax kasta iyo cidkasta oo wax yeelo ku ah jiritaankooda qaranimo yaguna ku kala badbaadaya. Haddaba, cidkasta oo masuuliyadeeda ummaddu u garato in ay u mataalaan nidaamkaa dawliga ah waa in ay garataa waajibka saran ee runta ah waxa uu yahay.

Kaas oo noqonaya daryeelida ummadda isla markaana waxa ku waajibka ah iyo masuuliyadda saaranba garanaya culayska ay leedahay. Dawladdan oo aan anigu u arko in ay tahay dawlad horumarineed (Developmental State), isla markaana aan la inkiri karin horumarka balaadhan ee ay dalka ka sameysey. Haddana, ceebta ugu weyn ee ay leedahay waa waxa Cilmiga siyaasadda lagu yidhaa Public Relations. Isku xidhnaanshiyaha dawladda iyo shacabkeedu waa furaha koobaad ee miyirka dawladnimo, nasiib-daro se waxa aad moodaa in arrinkani maanta yahay dhibta ugu weyn ee jirta. Waxaan ugu baaqi lahaa dawladeena maanta talada dalka gacanta ku haysa in ay dib u soo celiso Public Relations ka oo ah mawduuc aad u balaadhan oo sharaxaadiisu iga qaadaneyso in ka badan 10 bog. Waxase aan u dhaafay waa ay garanayaan dawladda iyo siyaasiyiintuba macnaha balaadhan ee Public Relations leeyahay. Waayo waxa u sameysan Wasaaraddaha Arrimaha Guddaha, Waxbarashadda, Dhalinyaradda iyo Cayaaraha, Warwaafinta/Wacyi-gelinta iyo Arrimaha Bulshadda, oo dhamaantood ka shaqeeya Public Relations.  

Saxaafadda Somaliland

Saxaafadda Somaliland waxa ay soo qabatey shaqo aad u balaadhan, horumarka dadlkana qayb weyn bay ka soo qaateen dhalinyarada wakhtigooda u huray in ay xogta jirta la wadaagaan shacabkooda. Sidaas oo ay tahay wali waaxa jira dhaliilo kale oo in la taabto u baahan. Dhaliisha ugu weyn ee aan u hayo saxaafadda madaxa banaan ee Somaliland waa kala raacista Axsaabta siyaasiga ah iyo la xisaabtan la’aanta siyaasiga. Haddii uu siyaasigu yahay dhakhtarkii daweyn lahaa dhibanaha, Saxaafaddu waa askarigii ama xaakimkii fari lahaa in dhakhtarku shaqadiisa qabsado. Waxaadse moodaa in irbada suuxisada ah ee lagu muday shacabka yagana si ay wax uga soo gaadheen. Waxaan saxaafadda sharafka leh ee madaxabanaan haddii ay tahay, Mareegaha Internetka, Wargeysyada iyo Telifishanadaba in ay u soo jeestaan badbaadinta shacabkooda. Waxaan hubaa in warbaahinta Somaliland ay ku guuleysatey badbaadinta dalkeeda, waxa hubaal ah in ay ku guuleysan doonta badbaadinta siyaasadda iyo horumarka dalka.

Shacabka Somaliland

Ugu dambeyn waxaan ugu baaqayaa shacabka Somaliland in ay fahmaan awooda ay u leeyihiin in ay kula xisaabtamaan siyaasiyiintooda, si wax looga qabto baahiyahooda iyo tabashada dhaqaale iyo abni ee ay u baahan yihiin. Tusaale ahaan, siyaasiyiintu waa dhakhaatiir yaga kaliya ayaana daweyn kara cudurka bulshada iyo dalkaba haya, waase haddii ay gartaan shacabka oo ah kuwa u baahan in la daweeyo in ay u sheegtaan meesha xanuuneysa ee laga hayo. Shacabka waxa ku mudan irbad suuxiso ah oo aan u saamaxayn yaga in ay dareemaan xanuunka haya. Irbadaa suuxisada ahi waa qabyaaladda oo ka indho tirtey labada xaafadood ee Burco ama labada daamood ee Hargeysa in ay fahmaan waxa ay u baahan yihiin. Tusaale ahaan labada daamood ee Hargeysi waxa ay u baahan yihiin in ay helaan biyo nadiif ah, in ay helaan waxbarasho, nabad-gelyo, horumar dhaqaale iyo jawi siyaasadeed oo degan, waayo waxa ay bixiyaan cashuur.

 

Burco intaa in le’eg ayey u baahan tahay, sidoo kale dhamaan goboladda iyo degmooyinka Somaliland waxa wada haysta dhib isku mid ah, waana in ay fahmaan in ay uga bixi karaan si isku mid ah. Awoodda la xisaabtanka siyaasiyiintu waata keenta horumarka dhabta ah ee wadamaddu ay gaadhaan. Jawigan waxa abuura kaliya waa shacabka oo sunta ay ku mudayaan siyaasiyiintu fahma. Waxaan ugu baaqayaa siyaasiyiinta in damiirkooda dadnimo ay soo celiyaan, waayo waa dhakhaatiirta nolosha iyo dhaqaalaha dadka. Waxaynu ognahay in xisbi ama siyaasi siyaasi kale dhaama aanu jirin maanta, waxa aan taa u leeyahay waxa aynu ka arki lahayn damiirkiisa iyo ahdaafta siyaasiga ah ee uu ku shaqeynayo. Waxaan tusaale u soo qaadataan haddalada maalin walba aad warbaahinta ka maqashaan ee siyaasiyiintu isku durayaan. Waxay heshiis ku yihiin oo badan baa jira idina shacabow waad u sabcineysaan oo waliba aad kala taageersan tihiin. Waxaan idiinku baaqayaa in aad garataan meesha idin xanuuneysa si ay idiin daweeyaan. Una diida in ay idinku duraan suntan idin ilawsiineysa xanuunka idin haya. Wabilaahi Tawfiiq.

 

 

Mohamed Hagi Mohamoud. Department of Politics and International Studies. The University of Warwick. Email: m.hagi-mohamoud@warwick.ac.uk, mohamedomar1@hotmail.com.

 

 

 

Daawo:Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland Ayaa Maanta Kulan La Qaatay Sadexda Xisbi Qaran Ee Somaliland OO Laga Arinsanayo Wadahadalada Somaliland Iyo Somalia

$
0
0

XADHIG

Hargeisa 24/2/2015(SDN/QJ)wasiirka arimaha dibada somaliland  maxamed biixi yonis ayaa maanta ayaa maanta xafiiskisa isgugu yeedhay  sadexda xisbi qaran iyagoo ka wada hadlaayey  wada hadalada soamliland iyo somalia  dhawaan uga furmi doona dalka turkiga

Hargeisa SDN/QJ

Concat@Somalidiasporanews.com

Mashaariic uu Madaxweyne Siilaanyo Maanta ka Furay Magaalada Berbera DAAWO

$
0
0

Berbera 24.Feb 2015 (SDN/QJ)- Madaxweynaha JSL oo Maalintii Labaad socdaal shaqo ku jooga Magaalada dekedda ah ee Berbera ayaa maanta xadhiga ka jaray mashaariic horumarineed oo ay ka mid tahay Waddo laami ah oo Dhexmarta Magaaladaasi.

Gudoomiyihii Gudida Baadhista Xasuuqa oo Ku Dhaawacmay Shil Baabuur iyo Haweenay ku Geeriyootay

$
0
0

Hargaysa 24.Feb 2015 (SDN/QJ)- Alle ha u naxariistee hal qof ayaa ku dhintay Sadex kalena waxaa ka soo gaadhay dhaawac kadib markii Maanta shil ka dhashay laba gaadhi oo is jiidhay uu ka dhacay inta u dhaxaysa Haleeya iyo Dacar budhuq.
Shilkan waxaa ku naf waayay Marxuumad Canab Yuusuf Dhakhtar, halka Sadexda qof ee Ku dhaawacmay uu ka mid yahay Gudoomiyihii Gudida Baadhista Xasuuqa Khadar Axmed Like.
Warku waxa uu sheegayaa in Shilkani ka dhashay kadib markii ay isku dhaceen laba gaadhi oo Noocyadoodu kala ahaayeen Land Curser iyo Noha .
Gudoomiyaha Gudida baadhista Xasuuqa Khadar Axmed Like oo ku dhaawacmay Shilkan Isla markaana ahaa Wadihii Gaadhiga land Curer ka ah ee Marxuumadu ku dhimatay ayaa noo sheegay in baaburka Noh-du uu xaga dabe ka soo galay gaadhigooda taasina ay sababtay inuu sadex jeer gaadhigu isla rogrogo.
Maamulaha Cisbitaalka Guud ee Caasimada Hargaysa Axmed Daahir Aadan ayaa dhankiisa waxa uu sheegay in dadka dhaawac ah xaaladoodu ay wanaagsan tahay.
Dhanka kale Taliyaha Ciidanka Nabadgalyada Wadooyinka Faysal Xiis ayaa noo sheegay inay baadhayaan Sababta keentay Shilkan.
Shilalka ka dhaca Jidka Xidhiidhiya Caasimada Hargaysa iyo Berbera ayaa la aaminsan yahay in inta badan ay Sababaan Xawaaraha baabuurtu ku socdaan iyo taxadir la’aanta darawaliinta qaarkood.

“26 Juune Haddii Ay Doorasho Dhici Waydo, Oo Ciddii Loo Asteeyey Qaban Waydo, Ma Jirto Nin Suurta Afuufaya” Wasiirka Madaxtooyada

$
0
0

Burco 24.Feb 2015 (SDN/QJ)- Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa Sheegay haddii ay doorashadu ku qabsoomi waydo 26 June 2015-  inaan kursiga Madaxweynanimada Somaliland kaga tageyn hanjabaad, balse ay ku sii joogayaan si sharci ah

xirsigaWasiir Xirsi Waxa Uu Sidaa Maanta Ku Sheegay Mar Uu Ka Hadlayay Xidhitaanka Shirweynaha Beelaha Gaashaan-Buur Axmed Faarax (Habar-Jeclo) Oo Ka Socday Huteelka City Blaza Ee Magaalada Burco.

 

Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Somaliland Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan, Ayaa Waxa Uu Yidhi “Qolyaha Mucaaridka Ah Ee Leh Haddii Ay 26 Juune Doorasho Dhici Weydo Wax Ayaa Dhacaya, Iyo Dawlado Kale (Dawlad Wadaaga) Ayaa La Sameynayaa, Waxaanu Ku Nimi Sharci Oo Waxaanu Komiishanka Ka Sugaynaa Wakhtigii Doorashada, Wixii Ka Soo Baxana Waanu U Hogaansamaynaa. Tartan Diyaar Ayaan U Nahay”

 

“26 Juune Haddii Ay Doorasho Dhici Waydo, Oo Ciddii Loo Asteeyey Qaban Waydo, Ma Jirto Nin Suurta Afuufaya, Mana Jirto Inaanu Hanjabaad Iyo Handidaad Kursiga Kaga Tagayno Madaxweynaha (Axmed Siilaanyo) Si Sharci Ah Ayaa Loo Doortay, Xukuumadiisu Si Sharci Ah Ayay Ku Joogtaa, Si Sharciya Ayaanu Ku Sii Joogaynaa Haday Doorasho Dhici Waydo”.

 

“Marwalba Doorasho Ayaanu Diyaar U Nahay, Maba Jirto Baqo Aanu Ka Qabno Cid Kale Oo Naga Helaysa, Waayo Waxaanu Is Muujinay Oo Aanu Isa Soo Bandhignay, Waar Aarkeyseen Safarkii Uu Madaxweynuhu Bari Iyo Galbeed Ku Maray, ILAAHAY Mahaddii Dadkayaga Taageeradiisa Waanu Haysanaa Oo Waanu Ku Kal-Soonahay”. Ayuu Yidhi Wasiir Xirsi.

Sirdoonka Ingiriiska Oo La Wareegay Hadhaaga Jidhka Haweenaydii Dhawaan Isku Qarxisay Muqdisho

$
0
0

Muqdisho:Feb,25,2015(SDN/QJ)-Sirdoonka Dalka Somalia, ayaa wararku sheegayaan inay hadhaaga jidhka Haweenaydii dhawaan isku qarxisay Hutel Central ee Magaalada Muqdisho ku wareejisay Sirdoonka Waddaka Britain si loogu sameeyo baadhitaanno dheeri ah.

????????????????Madaxii haweeneydan oo kaamil ah ayaa ku dhacay hotelka kale ee Naasahablood II kaasoo ku dhegan hotelka qaraxu ka dhacay ee Central, waxaana la wareegay sirdoonka Soomaaliya, kadibna waxay u wareejiyeen saraakiil ka socota Ingiriiska oo saldhigoodu yahay Safaaradda Ingiriiska ee ku dhex taalla garoonka diyaaradaha Muqdisho, aagga Xalane iyadoo baadhitaano ku sameyn doona si loo xaqiijiyo shaqsiyadeeda.

Haweeneydan ayaa ahayd qof ka timid dalka Holland oo sharci ay ka heysatay, waxaana ay hooyo u ahayd lix caruur ah oo min laba-laba mataane u ahaa sida uu sheegay wasiirka amniga dowladda Soomaaliya, waxaana la xidhay dhammaan shaqaalihii kale iyo maamulkii hotelka Central.

Waxaa shalay Muqdisho gaadhay Safiirka Holland u qaabilsan Soomaaliya Joost Reintjes iyo saraakiil la socota oo la sheegay inay iyaguna doonayaan ku lug lahaanshaha baadhitaanka haweeneyda isku qarxisay hotelka Central, waxayna sida la sheegay dalbadeen inay ka qeyb qaataan baadhitaanka kiiska iyo macluumaadka haweeneyda is qarxisay.

Qaraxyadii mataanaha ahaa ee 20-kii Bishan ka dhacay Muqdisho ayaa ahaa kuwii ugu qasaaraha badnaa in muddo ah oo sida qorsheeyayna ay waqti dheer qaadatay, waxana ay Bannaanka keeneen heerka ay gaadhsiisan tahay awoodda sirdoonka iyo qarax abaabulka Alshabaab.

Sirdoonka Ingiriiska ayaa la aaminsan yahay inay rugo kala duwan ku leeyihiin Gudaha Magaalada Muqdisho, gaar ahaan Xerada Xalane ee Ciidanka Amisom deggen yihiin, waxana la filayaa inay haatan halkaas kusoo baadhi doonaan hadhaaga jidhka haweenaydaas.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com


Daawo:Waraysigii Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliland Ee Martida Kalsantv Oo ka Waramy Cawaaqib Xumada Ka Dhalan Karta Dib Udhaca Doorashooyinka

$
0
0

Capture

Hargeisa 25/2/2015(SDN/QJ)halkan ka daawo  barnaamijka martida kalsan  oo waraysi xiiso badan la yeeshay gudoomiyaha baarlamaanka somaliland ahna gudoomiyaha xisbiga wadani c/raxmaan maxamed c/laahi ciro oo ka waray ka waramay xogo badan oo doorashooyinka ah


Hargeisa SDN/QJ

Concat@Somalidiasporanews.com

Daawo:Warbixin Ku Saabsan Farqiga U Dhaxeeya Cuntooyinka Dalka Dibadiisa Laga Keeno Iyo Kuwa Dalka

$
0
0

cunto

Hargeisa 25/2/2015(SDN/QJ)-Cuntooyinka dibada laga maxay  dadka dhib ku keenan warbixin arintaasi ku  saabsan auyy tvga star  ka diraayey  bal cuntooyinka dibada iyo kuwa dalka farqiga u dhaxeya

Hargeisa SDN/QJ

Concat@Somalidiasporanews.com

Daawo:Gudoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Oo Sii Diyaariyey Xalka Dib Udhaca Doorashada Kuna Dhawaaqay Wakhtiga Ka Hor

$
0
0

saleban

Hargeisa 25/2/2015(SDN/QJ)Gudoomiyaha golaha guurtida somaliland saleban maxamuud aaadan ayaa maanta ka hadlay  doorashoyinka  doorashoyinka lagu wado inay dalka ka dhacaan badhtamaha sanadkan isagoo gudoomiyuhu soo jeediyey  xal aan ilaa iyo hada lagaadhin

Hargeisa SDN/QJ

Concat2Somalidiasporanews.com

Daawo:”Anaga Xirsi Nooma Hanjabi Karo Mana Naqaan Ee Axmed Siilanyaa Na Baray,Waxa U Caado Ah Dameerka Markuu Dhargo Dinaahinta Xirsina Waa Kaasoo Kale “Gudoomiye Cali Guray

$
0
0

dinaahin

Hargeisa 25/2/2015(SDN/QJ)Gudoomiye ku xigeenka sadexaad xisbiga ucid cali maxamed yuusuf  cali guray ayaa maanta jawaab kulul siiyey  wasiirka madaxtooyada somaliland xirsi cali xaaji xasan

Hargeisa SDN/QJ

Concat@Somalidiasporanews.com

Daawo:Isku Tuur-turka Dib Udhaca Doorashada Xisbiyada Wadani iyo Kulmiye Iyo weedhaha Masuuliyiinta Labada Xisbi

$
0
0

shabel

Hargeisa 25/2/2015(SDN/QJ)daawo isku tuur tuurka doorshada wadani iyo kulmiye iyo sanku haynta xiliga doorashada iyadoo xisbiba ka kale ku riixayo xoghayaha xisbiga wadani uur cade iyo gudoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga muxaafidka ah  ee kulmiye oo  eedo isku jeedinaya

Hargeisa SDN/QJ

Concat@Somalidiasporanews.com

Viewing all 6893 articles
Browse latest View live