Dhawr jeer oo kala duwan ayuu maxfallo iyo goobo kala jaad ah madaxweyne Axmed Siilaanyo ka sheegay inuu caafimaad qabo oo aanay jirin wax durro ah oo dubaaqiisa haleelay. Dhawr jeer ayuu sidoo kale sheegay inuu isagu yahay madaxweynaha ummaddu gacanteeda ku dooratay ee Jamhuuriyadda Somaliland ka taliya.
Balse arrintaasi waxba kamay bedalin shakigii jiray ee su’aasha geliya mar walba cida Somaliland ka talisa, iyadoo sir iyo caad-ba in badan afartaas sannadood ee Siilaanyo xilka hayay ay soo baxayeen in badi gudoonka iyo tallada madaxweynaha ay mindida daabkeeda hayaan dad aan qarankan loo dooran, hase yeeshee ka mid ah qaraabada iyo qoyska madaxweynaha oo jaanis u helay inay ku muraadsadaan awooda madaxweynaha.
Waxa dawladdan KULMIYE u meel maray xukuumadda (Xigtada iyo Xigaalada), waxa jira askhaas madaxweynaha hablo ka qaba, kuwo raaskiisa ah iyo xubno ay xayn iyo xididnimo wadaagaan oo maanta ka tanaaday hantida qaranka.
Yeelkeede waxa eedahaasi oo ururay ay la daadegeen madaxweyne Siilaanyo oo ay ka dhigeen Hoggaamiye kursiga duruufi ku heshay oo ah loo taliye aan go’aan qaadasho lahayn isla markaana aan wax badan kala socon dhacdooyinka taban ee maamul maroorsatadu curiyaan oo naanaysta ka hadhaa ay noqoto dhito madaxweynaha dabarsan doonta.
Madaxweynuhu waxa kaliya ee hoonku kaga dhagay oo la xafid siiyay xadhig ka jariska saraha dhaadheer ee wasaaradaha dawladda ee qandaraasyadooda lagu naas-nuujiyo xubno ka mid ah ehelada qoyska madaxweynaha iyo wadooyinka shacbigu qaadhaankooda ku dhisteen ee dawladdu isku sawirto.
Marka doc kasta laga eego waxa kuu muuqanaysa in dawladnimada KULMIYE ay ku badan tahay reernimada. Waxa dhacday in shaadhka beeshu noqday wax la isku khuukhiyo. Waxa si waadix ah loo arkay shaqaale hoosaad agaasime guud handadaya oo looga hambranayo inay isku raas guud yihiin masaxweyne Axmed Siilaanyo.
Waxa ka mid ah falal dhaqanka iyo Hoggaaminta suuban aan meelna kaga jirin balse Somaliland ka baratay maamulka Siilaanyo waxa ka mid ah in Golaha Wasiirradu ay noqdaan dabaqado kala sareeya oo u kala dambeeya siday madaxweynaha ugu kala dhow yihiin.
Wali ma maqashay hal-hayska kalmada ah “AFARTA WAX OG”. Arrintaasi waxa maalin dhawayd si weyn iigu jilciyay wiil dhalinyarro ah oo si caqli-gal ah, hase yeeshee aan maan-gal ahayn ii dhacsiiyay wuxuu igu yidhi “AFARTA WAX OGI WAXA WEEYE AFARTA WASIIR EE MADAXWEYNAHA KA SOO JEEDA” oo uu ku dooday inaanay isku shaandheyntu iyaga saamaynin, inaan la eryin, inay yihiin adeegeyaasha idman ee qaranka xilka gaarka ahi ka saaran yahay.
Si aan wadanka hore uga jiri jirin, dhaqanka dawladnimadda aynaan hore ugu aqoon doorka iyo kaalinta aan xadiga lahayn ee afada madaxweynuhu ku leedahay tallada wadanka gaar ahaan jaan-goynta siyaasadda iyo fal celinta xukuumadda ee ku wajahan dagaalka axsaabta mucaaridka ah.
Cali Ismaaciil Cismaan