Quantcast
Channel: Features – qurbejoog.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 6893

Qaramada Midoobay oo Si Rasmi ah ugu Wareejiyay Dawlada Federaalka Somalia Maamulka Hawada iyo Jawaab Yaraanta Xukuumada Siilaanyo DAAWO

$
0
0

Muqdisho 08.Dec 2014 (SDN/QJ)- Qaramada Midoobay, gaar ahaan xafiiska hawada u qaabilsan ee ICAO ayaa cadaysay inay hawadii Somalida ku wareejinayso dhawaan dawladda Somaliya ee Xasan Sheekh, waxaanu go’aankan Qaramada Midoobay si toos ah uga horimanayaa heshiiskii ay Somaliland iyo Somaliya Turkiga ku kala saxeexdeen ee khuseeyay dhinaca hawada.

ICOAWaxa toddobaadkan heshiis ku kala saxeexday wadanka Kanada wasiirka hawada Somaliya Siciid Jaamac Qoorsheel iyo xoghayaha guud ee ICAO Mr. Raymond Benjamin, kaas oo uu nuxurkiisu yahay sidii hawada loogu wareejin lahaa dawladda Somaliya.

Xoghayaha guud ee ICAO Mr. Raymond Benjamin, oo halkaas ka hadlay ayaa yidhi “Waxa aanu gaadhnay waqtigii aanu bilaabi lahayn dhaqan-gelinta barnaamijka kala guur ee adeegyadaas dib loogu celin lahaa dowladda Soomaaliya”, waxaanu isagoo ka hadlaya mashruuc ay Somaliya kaga taageerayaan sidii loo hirgelin lahaa maamulista hawada uu yidhi “Barnaamijkaas kala guur waxaa barbar socon doona mashruuc lagu caawinayo tayeynta shuruucda duulimaadada rayidka ah. Mashruucani waxa uu leeyahay muhiimad isku mid ah, waxa aanu buuxin doonaa iskaashiga dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo dhaqan gelinta labadan mashruuc.”

Wasiirka hawada Somaliya Siciid Jaamac Qoorsheel, ayaa isna halkaas ka hadlay, waxaanu yidhi  “Waxaanu qalinka ku duugnay  in hawadii Somaliya wixii maanta ka dambeeya ay dawladda Somaliya leedahay oo ay hawshi ka soconayso, markaas haddii ay halkaas marayso, waa meel  [Somaliya] aan waxba ka jirin waxay u baahantahay in qalab la keeno, annagu markaas dawlad ahaan waanu ka sii diyaar garownay, towerkii lagu shaqayn lahaa ayay muhiimadu tahay sidii Nayroobi looga rari lahaa ee Muqdisho loo gayn lahaa, Towerka  dhimsihiiwu wuu socdaa, bilo ayuu qaadanayaa, qalabkii lagu shaqayn lahaana Talyaaniga ayaa laga soo iibiyay oo uu yaalaa. Waxay noqonaysaa in hawshii ay si rasmi ah u bilaabato.”

Heshiiskan ay kala saxeexdeen Somaliya iyo ICAO ayaa ka hor imanayaa qoddobkii kali ahaa ee ay Somaliland iyo Somaliya ku heshiiyeen shirkii ugu danbeeyey ee ku qabsoomay Dalka Turkiga, kaasoo dhigayey inay labada dhinac guddi farsamo oo ka wada shaqaysa hawshaas hawada samaystaan taas oo ay xarunteedu noqon doonto magaalada Hargeysa.

Xukuumadda Somaliland ayaa Jawaab Maqaamkeedu hooseeyo kaga fal celisay Heshiiskan Maamulka Hawada loogu wareejiyay Dawlada Somalia Wasiirka Arrimaha Dibada ee Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo doraad ka soo laabtay dalka Turkiga ayaa Warbaahintu mar ay shalay wax ka waydiisay Mawqifka Somaliland ee Qadiyadan ayaa Si Kooban ugu Sheegay “Telefishanka ayaan ka daawaday iyadoo Wasiirka Hawada Somalia iyo Xoghayaha Guud ee ICAO ay heshiiskan kala saxeexanayeen,Markaas Waxaan odhan lahaa Wixii aanu ku Heshiinay Way baalmarsan tahay”.

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 6893

Trending Articles