Quantcast
Channel: Features – qurbejoog.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 6893

Drs MARYAN WARSAME….GABADH SOMALIYEED OO AQOON IYO KARTI ADUUNKA KAGA YAABISAY (1-2) !!!

$
0
0

Wuxuu ahaa Safarkii ugu dheeraa ee gabar Somaliyeed u gasho hey’adda caafimaadka aduunka (WHO) iyadoo Saynisyahano fara ku tiris ah oo rag iyo dumarba leh ay gaareen halka ay gaadhey. Drs Maryan warsame oo ah gabar Soomaaliyeed kuna barbaartay dalka Somalia wexey ahayd curadda 10 walaalaa, yaraanteedii dadaaliyo juhdi ay waxbarashadeedii ku bixisay ayaa u horseeday Iney noqoto hormuudka gabdhaha iyo weliba hormuudka dugsigeeda iyadoo mar walba ardayda la heerka ah dhinac walba tusaale ugu ahayd. Maryan wexey tiri “Aniga ayaa horumaru marinta naftayda u sabab ah, Sidoo kalena waalidkay ayaa i dhiiri gelin jirey aabahay wuxuu ahaa askari boolis ah, qayskayaguna mushaharkiisa keliya ayey ku tiirsanaayeen,laakiin isaga iyo hooyadayba marna iguma cadaadin inaan guursado, waxaana ka wada go’nayd inaan iskoolka dhigto, halka gabdhihii kale badankood iskoolkii seegeen markey heerka 8aad gaareen. Maryan wexey ku biirtay jaamacadii umadda iyadoo baratay cilmiga caafimaadka qaybtiisa qalliimada, halkaas oo ay ka mid ahayd 8 gabdhood oo 50 wiil qol lafadhiyey.

 

Barashadii cilmiga Duumadda iyo socdaalkii Sweden.

Maryan Markii ay ka qalin-jebisey jaamacada umadda, si ay u dhamastirto heerka masterta wexey ku biirtay machadka Karolinska ee dalka Sweden. Saynisyahanadii yarayd Isla durbadiiba wexey wax weyn ku biirisay qormo cilmiyeedkii jirey.1986 wexey daabacday warbixinteedii ugu horeysey ee Somaliya kuna saabsanayd hababka ay plasmodium falciparum isaga caabiso chloroquine-ta, wexey qeexday khatarihii duumada gooba badan oo webiga shabeelle ku teedsan, waxaana ka gacan siinayey TDR iyo Swedish Agency for Research and Cooperation.

Maryan warsame wexey mar labaad fursad kale u heshay iney heerka PhD-da ka dhamaystirato machadka Karolinska. Wexeyna heerkeeda PhD-da aad xooga ku saartay qiimaynta iyo qiyaasida daawada iska-caabinta falciparum malaria ee Soomaaliya. Balse nasiib darro xiligii ay ku dhexjirtey diyaarinta PhD waxaa burburay Dalkeedii hooyo, wexeyna dantu baday Iney Sweden degto. Wexeyna samaysay post-doctoral research project oo ay ka gacan siinsay dowladda Sweden.

Maryan oo aan aqoonba loo lahayn in dalkeeda wax laga barto ayaa tusaale wanaagsan u noqotay dhammaan ardaydii ajnebiga ahaa iyadoo gacan siisay arday badan oo ajaanib ah, wexeyna dhaxashay mahadin iyo bogaadin aad u baaxad weyn.

Madixii hore ee Global Health Division ee Machadka Karolinska Dr Hans Rosling wuxuu yiri “Maryan Wasame waxaa ka go’nayd Iney Soomaaliya ka shaqayso balse markii dagaalkii sii daba dheeraaday wexey bedelkii Soomaaliya dooratay wadanka Tanzania, kadibna hadaan nahay machadka karolinska waanu ku taageeray go’aankeeda.

 

La soco qaybta xigta

Abdi Aziz Bandiirad


Viewing all articles
Browse latest Browse all 6893

Trending Articles