Hargeysa:Nov,18,2014(SDN/QJ)-Taliska Ciidanka Boliska somaliland, ayaa ka hadlay Idaacad FM ah oo xalay Fiidkii hore kasoo qabteen Gudaha Magaalada Hargeysa xilli ay ku jirtey Hawsheedii shaqo.
Taliyaha Ciidanka Booliska Cabdilaahi Fadal Iimaan oo la hadlay idaacadda VOA-da, ayaa qiray inay idaacadaaas gacanta ku dhigeen, isagoo faahfaahiyey sida ay u heleen idaacaddan oo ay muddo ku daba jireen.
Mudane fadal waxa sheegay inay dabagal dheer iyo xuuraan kuddo qaatay kadib heleen idaacadaas, isagoo qiray tiro shaqaale ah oo ay gacanta ku hayaan,
“Sidii aad ka warqabteen waxa jirtey idaacad sharci darro ah Hargeysa Habeenkii laga dhegaysan jirey. ciidankuna waxy ku jireen Xuuraan iyo Baadhis. caawa sagaalkii iyo daqiiqado ayey ciidanku ku guulaysteen qalabkii oo isku dhan iyadoo hadlaysa waxana lagu soo qabtay afar dhallinyaro ah, idaacaddu waa mid sharci darro ah waxana ay khalkhal gelinaysay nabadgelyada, eedaysanayaashana waxaynu horgeynayanaa sharciga”ayuu yidhi Taliye Fadal.
Taliyuhu waxa uu sheegay inay hayaan afar kamid ah Shaqaalihii idaacadaas hagayey, waxana uu sheegayey in saddex kamid ahi ay xilligaas shaqada si toos ah ugu jireen, waxana uu tilmaamay in sharciga la horgeyn doono, maadaama ay Baahinayeen warar aan sugnayn sida uuu hadalka u dhigay,
“Tab kasta iyo xeelad kastab waa hawlciidan, eedaysanayaasha saddex kamid ahi arrinta ayey gacanta kula jireen waxana socota baadhis. Waxa aan sal iyo raad tooona lahayn oo borobagaandhe ah ayey baahinayeen,” ayuu yidhi Taliye Fadal.
Idaacaddan oo muddo bilo ah laga dhegaysaneyey Magaalada Hargeysa, ayaa xukuumaddu uga shakisan tahay inay badhitaaraan Mucaaridku gaar ahaan xisbiga Waddani oo ayaamahan ay xukuumadda meel adag islamarayaan.
SDN/QJ