Quantcast
Channel: Features – qurbejoog.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 6893

Haweenay Garaadnimo Sheegatay Oo Lagu Caleemo Saaray Muqdisho iyo Shaqada ay Qaban doonto

$
0
0

Muqdisho:Oct,24,2014(SDN/QJ)-Caasimadda somalia ee Muqdisho, ayaa taariikhda markii ugu horraysay shalay lagu caleemo saaray Haweenay la sheegay inay noqonayso Garaadad, taas o oaf kala qaad ku noqotay shacabkii warkan maqlay.

gariyHaweenaydan garaadnimada loo caleemo saaray ayaa la sheegay inay ka shaqayn doonto koru qaadida arrimaha Haweenka, waxana si gaar ah loo xusay dhinaca siyaasadda oo haatan dumarka soomaalidu ay kusoo badanayaan.

Garaadada oo lagu magacaabo Rooda Maxamed Xuseen, ayaa waxay sheegtay in fikirkan uu ku dhaliyay, markii ay aragtay caqabadaha dhanka Siyaasada ka heysata haweenka Geeska Afrika, gaar ahaan haweenka ku nool deegaanada afka Somaliga looga hadlo.

Sidoo kale waxay sheegtay inay ku qanci weyday habka ay wax u soo xulaan Odayaasha Dhaqanka ee Somalida, iyadoo ku eedeysay inaanay inta badan Siyaasada u soo xulan dumarka, oo ay soo magacaabaan ragga oo kaliya.

Garaadada waxay ku andacooneysaa in haweenku ay aad uga maqan yihiin saaxada Siyaasada, isla-markaana ay isku hawli doonto, sidii dumarka Somaliyeed ay kaalin ugu yeelan lahaayeen Siyaasada.

Mar wax laga weydiiyay qaabka loogu caleemo saaray Magaalada Muqdisho, ayay ka dhawaajisay in lagu caleemo saaray qaabkii soo jireenka ahaa, ee Odayaasha Dhaqanka lagu caleemo saari jiray, isla-markaana lagu shubay caanihii dhaqanka ahaa.

Rooda waxay kaloo sheegtay in caleemo saarkeedu ay ka soo qaybgaleen Odayaal Dhaqameedyo iyo  Siyaasiyiinba, isla-markaana ay aad iyo aad ugu faraxsan tahay inay noqoto Garaarad.

Rooda, ayaa xustay inay dad badani soo dhaweeyeen tallaabada ay hore u qaaday, halka dad kalana ay ka horyimaadeen, isla-markaana waxay walaac ka muujisay dadka saluugaaya Garaadnimadeeda.

Garaadada, ayaa waxay qurbo joogta ku ammaantay inay iyagu ku dhaliyeen fikirkaan ah inay Garaarad noqoto, ayna taageero u muujiyeen.

Dhacdadan, ayaa waxay noqoneysaa mid cusub oo ku soo korortay saaxada dalka, waxayna u muuqataa in ay reebi doonto dood adag, maadaama ay dhinac mareyso dhaqankii soo jireenka ahaa ee Soomaalida.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasoranews.com

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 6893

Trending Articles