Hargaysa 24.Oct 2014 (SDN/QJ)- Gudoomiyaha Golaha Wakiilada iyo Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Mudane C.raxmaan Maxamed C.laahi “Cirro” ayaa Saaka barqada dib ugu soo laabanaya Caasimada dalka ee Hargaysa Kadib markii uu soo dhamaystay Safar ay isaga iyo Labada Gudoomiye ee Xisbiyada Ucid iyo Kulmiye ugu Maqnaayeen afartii Cisho ee u danbeeyay Xarunta Kenya ee Nairobi Isla Markaana ay Kulamo la soo qaateen Qaadhaan bixiyeyaasha Somaliland ka Taageera Geedi socodka Dimuquraadiyada.

Photo Fille
Sadexda Gudoomiye ee Xisbiyada Qaranka ayaa shalay ka sheegay Magaalada Nairobi inay Fariin Midaysan u gudbiyeen Daneeyeyaasha Dimuquraadiyada Somaliland taas oo ku aadan inay Axsaab ahaan ka go’an tahay in Doorashooyinku ku qabsoomaan Xiliga loogu talo galay ee Badhtamaha Sannadka soo socda,Iyagoo sheegay inay ka dalbadeen qaadhaan bixiyeyaasha in dhaqaalihii ay beesha caalamku ugu talo gashay doorashooyinka iyo Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha Somaliland ay fasaxaan, Sida wararku sheegayaan Waxay Qaadhaan bixiyeyaashu u soo jeediyeen in la dhamaystiro Qodobada Caqabada ku ah qabsoomida doorashooyinka kana Mid Yihiin Ansixinta Xeerka Diiwaangelinta Muwaadinka iyo Todobada Xubnood ee Komiishanku ka Kooban yahay oo dhawaan Madaxweynuhu u gudbiyay Golaha Wakiilada Warku waxa uu intaas ku darayaa in Sidoo kale Qaadhaan bixiyeyaashu ka rabaan Xukuumada Siilaanyo Sidii ay u hanan lahayd Kalsoonida deeq bixiyeyaasha una abuuri lahayd Saaxad lagu wada tartamo.
Dhanka kale wararku waxaa kale oo ay sheegayaan in daneeyeyaasha geedi socodka dimuquraadiyada Somaliland ay u Muuqato inay Cago jiid tahay Hanaanka ay u socoto diiwaangelinta Muwaadinka, Labada Gudoomiye ee Xisbiyada Mucaaridka ayaa ku dooday in Xukuumadu Xili danbe ay Golayaasha Sharci dejinta u soo Gudbisay Xeerka Qabyo qoraalka ah ee Diiwaangelinta kuna soo dartay Qodobo ka hor imanayay Heshiiskii Sadexda Xisbi,Komiishanka iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha kuwaas oo keenay in hakad galo meel marinta xeerkan ilaa si wada jir ah looga heshiiyay.
Gudoomiyaha Golaha Wakiilada ahna Gudoomiyaha Xisbiga Waddani ayaa Balanqaaday in Todobaadka beri bilaabmi doona ay kaga dhamaan doonto Golaha Wakiilada ansixinta Xubnaha Cusub ee Komiishanka Doorashooyinka Qaranka hasa yeeshee Waxaa shantii Cisho ee u danbeeyay Saaxada Siyaasada Somaliland ku soo rogaal celiyay Khilaaf soo kala dhex galay Gudoomiye Cirro iyo Xildhibaanada Golihiisa ee Lagu Xanto inay Madaxtooyadu u soo mariso arrimaha ay doonayaan in la fuliyo.
Mudanayaashan ayaa Gudoomiyahooda ku eedeeyay inuu sameeyay Sharci Jebin kadib markii uu Golaha Guurtida u gudbiyay Xeer uu Gacantiisa ku samaystay oo aan ahayn Sida ay yidhaahdeen kii uu Goluhu ansixiyay ee Diiwaangelinta Muwaadinka,balse waxaa dood taas ka duwan aaminsan Xildhibaanada Mucaaridka oo sheegay in Xeerka la gudbiyay uu yahay kii saxda ahaa iyadoo lagu lifaaqay doodii Mudanayaashu soo jeediyeen Mudadii doodu Socotay,waxayna khalad ku tilmaameen in Gudoomiyaha Aqalka Guurtidu uu is hortaagay inuu Golihiisa hor dhigo Xeerka uu Gudoomiye Cirro u gudbiyay .
Labadan dhinac ayaa Hadalo Weeraro ah isu mariyay qalabka warbaahinta, Mudanayaasha Muxaafidka ah oo doodoodu aanay Miisaanayn ayaa ku baaqay in Fadhigii Sabtida Beri loo balansanaa oo dib u dhac ku yimid Kadib markii uu Ku Beegmay Bilowga Sannadka Cusub ee Taariikhda Hijriyada oo fasax la yahay ay ku soo hor dhigi doonaan golaha Mooshin Ujeedadiisu tahay inay Xilka ka Xayuubiyaan Gudoomiye Cirro, halka Xildhibaanada Mucaaridka ahi ay iyana shaaciyeen in hadii ay dhacdo in Mooshinkaas Golaha la keeno ay iyana bedka soo dhigi doonaan Mid Madaxweynaha Xilka kaga Xayuubinayaan.
Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Mudane C.raxmaan Cirro oo lagu wado inuu 10 Subaxnimo ee Bariga africa uu ka soo dego madaarka Hargaysa ayaa looga fadhiyaa inuu Cadeeyo Xeerka uu Guurtida u Gudbiyay inuu dhalan rogay iyo in kale iyadoo hadii ay ku cadaato inuu wax ka bedelay go’aan gole ay rumoobi doonto dhawaqa Mudanayaasha ka soo horjeeda ee sheegay in Mudane Cirro uu dabar ku yahay in doorashooyinku Xiligoodii ku dhacaan,Xukuumadana ay ka weecan doonto dhaliisha ku wajahan inay iyadu doorashada ka caga jiidayso,Halka taas badalkeeda hadii uu bayaamiyo inuu Guurtida u gudbiyay Xeerkii Goluhu wax ka bedelka iyo Kaabista ku sameeyay ay Markhaati Cad ku tahay in Xukuumadu ka dhex hadashay Golaha Guurtida ama aanay diyaar u ahayn in Sannadka soo Socda ay doorashooyinka Madaxtooyada iyo Wakiilada oo isku Lamaani ay dalka ka dhacaan.
Kala Soco Shabakada Qurbejoog.com Wixii Warar ah ee arrintan ka soo Kordha.
Hargaysa SDN/QJ