Hargaysa 20.Oct 2014 (SDN/QJ)- Sida ay Mihnad kastaaba u leedahay Shuruuc ay ku dhaqanto ayay Saxaafaduna u leedahay Xeerar iyo Qawaaniin ay ku Sar goyso Wax kasta oo ay ummada akhrisata,Dhagaysata iyo kuwa daawadaba u tebinayso.
Waa laba kala duwan War iyo Xayaysiis, Warku wuxuu leeyahay Qodobo la rabo inuu ka Jawaabo Sida Maxaa dhacay,Goormay dhaceen,Halkay ka dhaceen,Siday u dhaceen, dhamaantiisna Waa inuu ahaado dhacdo Cusub hadii aanu Xidhiidh la lahayn Mid ka horaysay.
Halka Xayaysiiskuna uu Sheegayo Wax Suuqa la soo geliyay si looga Macaasho, Hadaba Markaad Warkan oo Xalay ka baxay Telefishanka dawladu maamusho ee SLNTV isla markaana ay ka dhex muuqdaan Intii ugu Magaca weynayd ee Suxufiyiinta ka hawl gala warbaahinta dawladu ee noqon lahaa Tusaalaha ay ku hirtaan da’a yarta soo kacaysaa Ma yahay War, Mise waxaa haboonaan lahayd in hadii laga Maarmi waayo Si dadka loogu baraarujiyo ka qayb qaadashada Diiwaangelinta Madaniga ah in Sida Fariimaha Xayaysiiska loo dhex dhigo baahinta Telefishanka.
Hargaysa SDN/QJ