Hargaysa 20.Oct 2014 (SDN/QJ)- Madaxweyne Ku Xigeenka Jamhuuriyada Somaliland ahna kusimaha Madaxweynaha ayaa Kormeer Ujeedadiisu ahayd Sidii uu Shacabka ugu dhiirigelin lahaa qaadashada Kaadhka Jinsiyada waxa uu ku soo maray qaar ka Mid ah Goobaha ay ka socoto Diiwaangelinta Madaniga ah ee Caasimada Hargaysa.
Madaxweyne Ku Xigeenka J.S.Land ahna Ku simaha Madaxweynuhu Waxa uu Kormeer ku Soo maray Qaar ka Mid ah Hay’adaha Dawlada isagoo u Kuurgalay hannaanka ay u socoto shaqada ay qaranka u hayaan.
Madaxweyne ku Xigeenku Wuxuu kormeer kedis ah ku soo maray Wasaaradda Xanaanada Xoolaha oo uu markaasi ku sugnaa Wasiirka Wasaaradaasi Dr. Cabdi Aw Daahir, oo Madaxweyne ku xigeenka uga war bixiyey hawlaha shaqo ee Wasaaradda iyo sida ay heegan ugu yihiin dhalin yaro badan oo ka soo baxday jaamacadaha Dalka.
Sidoo kale waxa uu madaxweyne ku xigeenku soo kormeeray Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo markaasi ay ka socdeen hawlo shaqo oo aad u baaxad badan iyo shirar kala duwan, Iyadoo ay Xiligaasi Wasaaradaasi ku dhamaayeen masuuliyiinta ugu sareeya wasaaradaasi, oo uu ugu horeeyo wasiirka Arrimaha Gudaha, Mudane Cali Maxamed Waran Cade, Wasiir ku xigeenka Amniga Mudane Cali Maxamed Cali ,Wasiir ku xigeenka Maamulka Gobolkada iyo Degmooyinka ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Cismaan Garaad Soofe, Agaasimaha Guud ee Wasaaraddaasi iyo guud ahaan shaqaalaha Wasaarada.
Madaweyne ku xigeenka oo sii wata hawlihiisa Shaqo ee la xidhiidha xogogaal u noqoshada Shaqo Maalmeedka ka socday Wasaaradaha uu soo maray ayaa uga sii gudbay wasaaradda Waxbarashada iyo Hay’adda Shaqaalaha oo ay ku soo dhaweeyeen masuuliyiintoodu Waxa uu Guud ahaan Madaxweyne ku Xigeenka Jamhuuriyada Somaliland ahna ku Simaha Madaxweynuhu Mudane C.raxmaan C.laahi Ismaaciil Saylici uu ku baraarujiyay Madaxdii kala duwanayd ee Wasaaraddaha uu soo maray inay dardar geliyaan waajibaadka ay ummada Mas’uulka uga Yihiin.
Hargaysa SDN/QJ
contact@qurbejoog.com