Quantcast
Channel: Features – qurbejoog.com
Viewing all 6893 articles
Browse latest View live

18MAY iyo Maanka Dhalinyaradeyda!! (QORMO)

$
0
0

dhalayAniga, Waxaan ku Indha-furtay kuna garaadsaday Muqdisho iyadoo aanay Dowladi jirin. Soomaaliduna Toban Magac iyo Maamullo is diidan ku kala hoos jirto. Waxaanse Sheeko ku hayaa inay Dadkaasi is diidani Berri ahaayeen Walaalo Is-jecel, oo Wiil Hargeysa ka yimid Gurigeena oo Xamar ah Marti ku ahaan jiray, Reerkeenuna si wanaagsan u soori jireen.

 

Wax badan ayeey Dhagteydu maqleysay illaa iyo Maalmihii Yaraanteyda, Dhawaq Hargeysa kasoo yeeraya oo Cod dheer ku sheegaya inay Magaaladaasu noqotay Xubin iskeed u shaqaynaysa oo ka go’day Jidhkii Jamhuuriyadda Soomaalida. Koofurna waxaan ka maqli jiray Dhawaq kaas diidaya oo leh Jidhka Jamhuuriyaddu sinaba uma kala go’ayo illaa uu God wada galo mooyee.

Waxaa ii gaar ahaa, Aragti, Caqli, Ujeed, iyo wax kasta oo Qof Bani Aadam ahi aanu Qof kale la wadaagi karin, intabana waxay llaa iyagoon Garaad fiican lahayn arkayeen wax ka duwan waxa ay Dad badan oon Gu’ wadaag nahay arki kareen. Waxaan rumeysnaa inay Umadda Soomaaliyeed Wada-jirka iyo Isjacaylkii hore ee Sheekada igusoo gaaray haduu Dhab ka ahaa mar un Wanaaggaas lasoo noqon doonto. Waxaana sidoo kale iga dhaadhacsanaa in wax kastoo Soomaali Dhexdeeda ka dhaca ee xumaan ah ay u dan tahay Cadawga Soomaaliyeed Cid kastuu ahaadaba.

Markii iigu horeysay waxaan Hargeysa tagay Sanado badan ka hor, Dharaar cad baan Cagta dhigay Magaalo aan illaa Maalintaan dhashay ku maqlayay inay Dadka joogaahi yihiin kuwo Soomaalinimadu uga dhigantahay Cudur Dilaa ah oo in laga hortagaa mudan. Aragtideyda oo intaasba ka duwanayd baase i kaalmeysay, oo waloow aan Hadalkii Mudada Dhagaheyga kusoo dhacayay wali sii dhadhansanayay, hadana marna kuma qancin in Qof Diir, Diin, iyo Dadnimaba ila wadaago uu Dhibaato ii geysanayo.

Intii aan goobayay Gurigii aan ku jeeday, waxaan yar fariistay meel Maqaaxi ah oo ku taala Goob markaan Xasuusteyda dib u celiyo aan maleynayo inuu Magaceedu ahaa Xera-owr (Hadii aan Magaca qalday iga raali ahaada, Mar qura ayaan Magaalada tagay kumanasoo raagine). Anigoo Indhaha taag-taagaya sidii Ruux cabsanaya, ayaan ugu dambeyn ku dhiiraday inaan la hadlo Nin meel agteyda ah marayay, oo aan warsaday halka laga helayo Gaari Bas ama Taksi aan ku tago Xaafaddii Ujeedkeygu ahaa.

Lama filaanku wuxuu noqday, inuu Ninkii si hagaagsan ii tilmaamay, isagoon waliba waxbana Dan ka yeelan Qaab-Dhawaaqa Luuqadeyda Soomaaliga. Waxaanse ilaabin koleey Kaftanba ka ahaato inuu Ninku markuu igasii dhaqaaqaya igusoo tuuray Ereyo ay ka mid ahaayeen (Ilma Malaaq baad tahay miyaa oo Muqdisho ka yimid?).

Intaas waxaa ii dheereyd, in Magaalada Maalmihii aan joogay oo aad u koobnaa aan is baranay, Saaxiibba isku dheer oo Sheekadu isugu baxdana noqonay Dhalinyar Reer Hargeysa ah. Hadaladii aan ka xasuusto ee ay igu oran jireenna waxaa ka mid ahaa (Waxaan nahay Walaalo loo kala sheekeeyay. Waxaanse guuleysan doonnaa marka aan inagu wada sheekeysano).

Casharada aan Hargeysa kasoo bartay, waxay sii xoojiyeen Aragtideydii aan illaa yaraanta qabay ee ahayd inaanay Soomaalidu Dad is-neceb aheyna, Dano shisheeye isu keen diidayaan!

Ugu dambeyn, waxaan ka hadlayaa, waxa ay Indhaheygu arkayaan, Dhagaheyguna maqlayaan, oo ah Faallooyinka ay Dhalinyar Reer Koofureed ahi ka bixinayaan Maalinta Maanta ah oo Dhalinyarada Waqooyiga u ah Maalin qiima badan.

Aan cadeeyo Aragtideydee, anigu ma qabo in Soomaalidu ay Kala go’ ku liibaanayso. Mana ku taamayo inaan ku noolaado Duni ay Soomaalidu ku liidantahay si ka badan sida ay iminka u liidantahay, waayo hadii Dalkii qura ee Shantii Soomaaliyeed ka haray uu sii kala go’o, waa hubaal inaynu ka dhiganaaneyno Caruurtii Walaalaha ahayd ee wada-jirkooda Cadawgu uga waabtay, markii midba meel lagu weecshayna ay sahlanaatay in geddigood la wada wiiqo.

Waxaanse rumeysanahay in Is-jacayl iyo is amaanid un Dadku isugusoo dhawaan karaan. Hadii ay Doodaadu noqoto Muqdisho ayaa ka wanaagsan Hargeysa, waa hubaal in Wiilka Hargeysana lasoo ban-baxayo Aragti taada ka duwan oo uu Magaaladiisa kaga sara marinayo midaada.

Bani Aadamku marnaba ma ogolaado YASMO iyo Dulinnimo, waana waxa ay Dadyow badan Dhiiggooda ugusoo daadiyeen si ay isaga daafacaan Duleysi iyo Dacdaro lala maaganyahay. Marka Soomaalida Maanta kala qoqobantay, waxa kaliya ee ay dib isugusoo eegi karto Indho walaalnimo iyo is-daneyn leh, waxay tahay iyadoo Kooxiba Kooxda kale Waji furnaan iyo wanaajin u muujiso.

Hadii Wiilka Hargeysa joogaa uu Waalidiintiisa kasoo maqlay Sheekooyin gebigood Dhiig iyo Dhibaato Koofur iyo iyagu wadaageen ka hadlaya ah, waxaa arrintaas runteeda iyo Beenteedaba cadeyn kara Wiilka Koofur jooga, oo haduu Maanta Nacayb ku qaabilo Walaalkiis Hargeyso tusaale u noqonaya wixii Aabaha Koofureed laga aaminsanaa ee Cadaawadda ahaa. Labadii Walaalo ee Shalay noolaa haduu Dabcigoodu kala geeyay, Inagu Maanta Dad kale oo Ilahay Falkooda kula xisaabtamayo ayaan nahay, Nolosha Maanta jirtaana samaan iyo xumaanba inagey inoo taal, markaa aynu sameyno wax ka duwan wixii ay Odayaashii hore faleen.

Bal adiga is tijaabi,Qof Cadawgaaga ah oo inuu kula dagaalo doon-doonaya, kaga hortag Dabacsanaan iyo Nabad-doonnimo, waxaa la arkaa inuu ku dhiiran waayo Dilkaaga, maxaa yeelay Nafta Aadamiga waxaa la xiriira Sheydaanka oo Xumaan iyo Dhibaata un ku baaqa, iyo Malaa’igta Alle oo waxa wanaagsan doonta. Mar kasta oo Colaad iyo Is-nacayb yimaado waxaa sahlan inuu Sheydaanku Shaqadiisa gutto, marka Nabad iyo Naxariis la wadaaganna, waxay Naftu ku qanceysaa deganaan iyo Daacadnimo.

Intii ay Magaalada Muqdisho iiga wanaagsanaan lahayd Hargeysa, waxaa ii haboon inay Labadooduba ii wanaagsanaadaan! Maxaa yeelay Muqdisho oo aniga ii wanaagsan, balse Wiilka igu Afka, Dhaqanka, Diinta iyo Degelka ah ee Hargeysa jooga uga dhigan Halaq-galeen lagu hoogay, Wanaagaasu waxba ma dooriyo!!.

Dadkani hadii ay Berya hore ahaayeen Walaalo wax walba wadaaga, waxaan arkayaa inuu Nacayb iyo Faquuq kala geeyay, ee Dhalinyarooy aan Dhabbihii hore ka leexano, oon dayano Tub kale oo inoo toosisa Taladii Shalay xumaatay.

W/Q: MOHAMED ABDULLAHI DHAALEEY

Mogadishu-Somalia


Oday-dhaqameedkii Dhawaan Koonfurta Somalia Ka Yimi Oo Saaka Markhaati ka AHaa Wacdarihii 18-ka May

$
0
0

Hargeysa:May,18,2014(SDN/QJ)-Odayaashii  iyo Madax-dhaqameedkii Dhawaan ka yimi koonfurta Somalia  ayaa marag iyo Markhaati ka noqday  Wacdarihii ay shacabka Somaliland iyo dawladdiisa oo isku duubani ka dhigeen Maalinta qaranimada Somaliland ee 18-ka May.

jeerOdayadan ayaa  oo in muddo ahba ku sugnaa Caasimadda Hargeysa, waxana ujeedada ay Halkan u joogeen ahayd inay Goob-joog ka noqdaan Xuska maalinta qaranimada Somaliland oo Saaka ku Beegnayd.

Waxa ay Saaka Dhamaantood soo fadhiisteen Garabka Midix  ee Goobta loogu talo galay inay Fadhiistaan Golaha Xukuumaddu, waxana ay indhahooda ku arkayeen Gaardiskii, gaaddo-ka-ciyaarkii iyo Dabaal deggii kala duwanaa ee ay samaynayeen Ciidamada kala duwan ee Somaliland iyo waliba sidii ay shacabka Somaliland u soo bandhigeen shucuurtooda ku aaddan maalintan qaaliga ku ah.

Inkastoo  aan Odayaashan loo ogolaan  inay hadlaan, haddana waxa wajiyadooda laga akhriyi karayey inay rumaysteen in Dhawaaqii Shacabka Somaliland hore ugu sheegay inuu Gooni isu taagay uu ahaa mid xaqiiqda ku fadhiya oo aan meel looga noqdaa aanay jirin.

Odayaashan ayaa si niyad ah ula socday dhaqdhaqaaqyada kala duwan ee goobta ka socday, iyagoo si dhawna u dhegaysanayey Khudbadii uu madaxweyne Siilaanyo Shacabkiisa u jeediyey.

Odyaashan ayaa laga yaabaa inay dhawaan dalka ka baxaan ua jihaystaan dhinaca dalkooda Somalia, iyadoo ay dhegahooda iyo indhahooduba ka sii bogteen xaqiiqda ka jirta Somaliland.

 

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Xukuumada Madaxwayne Hassan Sh, Mohamoud: ‘Ma Ka Seexatay Qaxootiga Soomaaliyeed ee Kenya’

$
0
0
Waxaan dhagaystey waraysi ay gabar Soomaaliyeed siisey Radioyaha ku hadla Afka Dowlada hada jirta ee Madaxwayne Hassan Sheikh Mohamoud. Gabarta Soomaaliyeed ee la wareystey, ayaa waxay ka codsatey in Hassan Sheikh Mohamoud iyo xakuumadiisa ay dadka Soomaaliyeed ee ku dhibaataysan dalka Kenya usoo gurmadaan madaama uu isgu masuulka guud iyo mid gaar ah ka yahay dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.
Gabadha waraysiga bixisey ayaa sheegtay in dowlada Kenya ku tiri “waxaad u xayiran tihiin safaaradiina oo laga sugayo in ay idinla soo xariirto”. Sidoo kale, waxay ka hadashey silica iyo rafaadka dadka ku jira xabisiyada sida Pangani, Xabsiga Dhexe, iyo kuwa Airoportka ku xiyiran, oo qaar ka mida ay haysataan tigadhadooda. Waxey intaa ku dartey in dadka Airoportka ku xiran ay dhan yihiin ilaa iyo 80 qofood – waxaa ka mida dadkaas oday 84 sano jir ah iyo gabar xaamila ah.
Waxaase taas ka daran, wariyihi gabarta waraysanayey – ayaa waydiiyey gabartii waxa ayada loo xiray, waxay ugu jawaabtey “waxaan ka soo qaatey waraaqd cadaynaysa in aan haysto deganaansho 5 sano ka dib markii tuugo iga xaday Passportkaygi” Ayada oo hadalkii sii wada ayey tiri “waxaa la iga qabtey Islii (EastLeigh)”. Markii la qabtey ayaa asktartii igu tiri “waxaa tihiin ari ee xarooda”. Wariyihii isagoo aan ka damqan hadalkaas, ayuu igu darey hadal aniga iila muuqday jeesjees oo ahaa “waa xarooteen”
Waxaase wax lala yaaba ah in weriyahaasi uusan magaciisa sheegin ilaa iyo intii waraysiga uu socday, kaasoo dhan ilaa iyo muda gaaraysa: 04:28. Waakan likiga ee dhagaysta, waa hadaysan ka bixin shabakada: “http://radiyomuqdisho.so/muwaadiniin-ku-xiran-xabsi-ku-yaala-kenya-oo-dowladda-ka-codsaday-in-dib-dalkooda-loogu-soo-celiyo-dhageyso/
 
 
Inkasta oo ay wariyaasha Radio Muqdiho xor ahayn, laakiin waxaa meel ka dhac ah sida uu wariyahaas u hadlaayey oo u muuqatey in uu hadalkiisu jeesjees ahaa, maxaa yeelay markii ay gabartii tiri meesha waxaa la noogu xareeyey sida arigii, ayuu ugu daray “maxarootey” eraygaas oo siyaabo badan loo qaadan karo madaama Soomaalidu hore u tiri “Af Soomaaligu waa margi oo kale, hadba meel u jiidma”
Marka ma laga yaabaa madaama wariyaha Radio Muqdisho uusan magaciisa sheegin, in uu waraysiga ahaa mid jeesjees ahaa? Mida kale, maxay safaarada ugu gurmanwaysey dadka hadii ay dowlada Kenya u sheegtey in ay siidaytooda ku xiran tahay Safaarada Soomaaliya u fadhida dalka Kenya? Mida kale, maxay ka damacsantahay xukuumada Madaxwayne Hassan Sheikh Mohamoud dadka qaxootiga Kenya ee ku xiran xabsiyada Kenya? Arintaan ma arin siyaasadeed baa, oo ay dowlada rabin in ay kaalamyso qaxotiga Kenya ku sugnaa ilaa iyo intii uu dhacay dagaalkii sokeeye, ee bilowday dabayaaqadii sanadkii 1990kii?
Su’aalaas oo dhan ayaa mudan in Barlamaaka Soomaaliya iyo Afhayeenkiisa uu waydiiyo xukuumada hada jirta, waa haday yihiin barlamaan xor ah, oo aan beec ahayn.
Waxaa qoray Mohamed Barre – Junlay “Buluf” oo wax ka qora arimaha Soomaalida, degana magaalada Minneapolis, ee MN – junlay99@aol.com

Khudbadii Madaxweyne Siilaanyo iyo Milicsiga Muuqaaladii Xiisaha Iyo Mahadhooyinka Reebay ee Maanta DAAWO

$
0
0

Hargaysa 18.May 2014 (SDN/QJ)- Waxaan Halkan idiinku soo Gudbinaynaa Khudbadii uu Madaxweyne Siilaanyo ka Jeediyay Xuska Munaasibada Qaran ee 18 May .

“Ugu horayn waxaan halkan hambalyo iyo bogaadin ballaadhan uga soo jeedinayaa dhammaan shacabi weynaha Somaliland meel ay joogaanba gudo iyo dibadaba xuska 23-aad ee munaasabadda qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland ee 18-ka May. Waxaan si gaar ah hambalyo ugu dirayaa geesiyaasha ciidammada Qaranka qaybahooda kala duwan ee hadh iyo habeen heeganka u ah difaaca qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Muddo dhawr iyo labaatan sannadood ah, ayaa maanta ka soo wareegtay markii uu qarankani la soo noqday madaxbannaanidiisi, taas oo loo soo galay halgan dheer oo naf iyo maalba leh. Halgankaasi maaha mid weli dhamaaday, balse waa mid soconaya ilaa iyo inta aynu ka xaqiijineyno hadafka iyo himilada dhabta ah ee aynu ku higsaneyno in aynu helno aqoonsi buuxa oo aynu kaga mid noqonno qaramada madaxa banaan ee qorraxdu dunida ugu soo baxdo.

Xoriyadan aynu neecawdeeda ku nafaxaadnay maaha mid ku timi hawl yari iyo hadiyad toona. Hase ahaatee, kumanaan qof ayaa naftoodii ku waayay, burbur, barakac iyo hanti badan ayaa ku baaba’aday sidii dib loogu yagleeli lahaa qaran xor ah oo qolqolkiisa laga qodax tiray dulmi, digtaytarnimo iyo awooda dawladnimo oo la isu adeegsado.

 

Waxaan Alleheenna weyn uga baryayaa in uu naxariistii janno ka waraabiyo dhammaan dadkii ku geeriyooday halgankii dalka dib loogu xoreeyay, intii ku dhaawacantay iyo agoomihiiba waxaan u rajaynayaa caafimaad iyo nolol wacan.

 

Haddii ay dadka qaar, caad iyo ciiro ka saaran tahay, waxaan u caddaynayaa in gooni isu taaga Somaliland ee maanta baarka ka jaray 23 gu’ oo gaw ah, aanu ahayn wax salka ku haya cadho iyo caadifad. Hase ahaatee, tani waxay ka markhaati kacaysaa in uu go’aankani yahay mid gaamuray oo ka tarjumaya rabitaanka runta ah ee shacbigiisa. Sidaa darteed, qadiyadda madax-banaanida dalkani maaha mid marnaba gorgortan cid lagala gelayo. Muddo kasta oo ay qaadanayso meel marinteeduna, waxay dadkeedu ula diyaar yihiin in  ay u dhabar adaygaan dhiig hor lehna u daadiyaan .

 

Dhamaan shacbiga Somaliland ayaa guulaystay, gobanimaduna waa galad u soo wada hoyatey. Inkasta oo ay ina soo waajaheen duruufo iyo danqaabooyin aan yarayni, haddana ummad ahaan waynu guuleysaney oo dharaar cad ayaynu ka dhabaynay wixii aynu aaminsanayn. Waxaynu dhidibada u taagnay qaran iyo dawladnimo ku dhisan dhaqan aynu ka dhaxalnay awoowayaasheen, nabadgelyo, dhawrista xuquuqda aadamaha, iyo nidaam siyaasadeed oo doorashooyin xor ah iyo diimuqraadiyadi dadab u tahay, taas oo dunida in badani inagu majeerato, inagagana dayan karto.

 

MIDNIMADA QARANKA

 

Walaalayaal,

 

Somaliland waxay ku soo cawo iyo caano maashay halka ay maraysana ku soo gaadhay iskaashi, nabad, tawfiiq, talo wadaag iyo isu tanaasul. Caado wanaagsan oo la gooyaa cadho alle ayey leedahay; sidaa darteed, waxaan ugu baaqayaa dhamaan goleyaasha qaranka, axsaabta qaranka, madax-dhaqameedka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, midnimo, isku-duubni iyo wadajir. Marxaladan adag ee aynu ku jirno waxaa la inooga baahan yahay in aynu kaga gudubno isu dulqaadasho, wadaniyad iyo bisayl siyaasadeed, iyadoo ay waajib tahay in aynu meel uga soo wada jeedno difaaca dalkeena iyo xaqiijinta qaranimadeena. Anigoo munaasabadda ugu faaiidaysanaya, waxaan si gaar ah ugu bogaadinaya Mudanayaasha Labada Aqal ee Baarlamaanka, Axsaabta Mucaaradka, Ururada Aan Dawliga ahayn iyo haween weynaha doorka ay ka qaataan dib-u-dhiska dalka. Dawladdan oo ah tii horumarka iyo waxqabadka, waxay gacanta ku haysaa mashaariic kala duwan oo laf dhabar u ah kaabayaasha dhaqaale iyo adeegyada bulshada Qarankan. Haddaba, far keliya fool ma dhaqado, waxan ku boorinayaaa Dhamaan shacbi weynahayga in ay iskaaya garab taagaan, si hagar la’aan ahna noogala qayb qaataan. “Waxaanan leeyahay daawanaayow waa dalkaagii”. Sidoo kale, waxaan soo dhoweynayaa dhaliilaha dhabta ah ee maamulkayga loo soo jeediyo, waxaana iga go’an in aan gufeeyo godoloolo kasta oo ay qarankan gabadano ka soo geli karto.

 

Waxaan diyaar u ahay inaan dhug u yeesho tixgeliyona talooyinka taabogalka ah ee goleyaasha iyo axsaabta qaranka. Waxaan shacbigayga qiimaha leh kula dardaarmayaa in ay si weyn u ilaashadaan nabadgelyada eebeheen inagu manaystay.

 

BEESHA CAALAMKA IYO DALALKA DERISKA

 

Waxaan ugu baaqayaa wadamada beesha caalamka inta xidhiidhka wada shaqayntu innaga dhaxeeyo iyo inta kaleba in ay tixgeliyaan, isla markaana taageeraan go’aanka iyo aayo ka tashiga shacbiga Somaliland, xaq u leeyahay.

 

Xukumadaydu waxay sii xoojinaysaa wada shaqaynta iyo iskaashiga dalalka deriska ah, si gobolka Geeska Afrika u noqdo mandiqad  nabad-gelyo ah, taas oo ay shucuubtoodu isu soo hiloobaan kana faa’iideystaan fursadaha is weydaarsiga  gacacsi iyo aqooneed. Waxaan mahadnaq iyo bogaadin u dirayaa dalalka nagala shaqeeya dimuqraadiyadda, nabadgelyada iyo iskaashiga dhaqaale.

 

Walaalahayo Somaaliya waxaan leeyahay reer dan buu guuraa, sidaa darteed, waannu tashanay oo waannu isku tashanay. Dalka iyo dadka aan madaxda u ahayna idiinma soo socdaan ee illaawa oo idinkuna duco-qabayaal isku tashada. Walaalayaal, awrkii lamada iyo dhibaada lahaa ee aannu lixdankii idiin keennay isagoo cadaysimo ah ayaannu la noqonay ee aan kala eed la’aanno si gobeedna aan wax u kala guranno. Waxaanu doonaynaa way cadahay, waxaannuna ka digaynaa in dib loo abuuro cadaawad iyo caabuqii colaadihii ina soo maray.

 

Xukuumadda aan gadh wadeenka ka ahay waxay diyaar u tahay in wada hadallada u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya la sii ambaqaado, si looga gaadho maslaxad caam ah oo qawmiyada somaaliyeed u horseedi karta in ay ku wada noolaato nabad, walaaltinimo iyo deris wanaag salka ku haya laba dawladood oo dano badan iska kaashan kara. Waxaan bogaadinayaa  dawladihii  sida hagar la’aanta ah  gacanta uga gaystay qabsoomidda wada hadalkaasi,  haatanna diyaarka  u ah  inay sii wadaan  dedaalkaas .

 

Ugu danbayn, waxaan shacbigayga ku dhiiri gelinayaa in ay dhexda marada ku xidhaan siina laban laaban dedaalka ku aaddan ka midho dhalinta qadiyadda aayo ka tashigeena. Waan hubaa in aynu heli doono ictiraaf caalami ah, balse waxaa la inooga baahan yahay dedaal iyo in aynu gacmaha is qabsano.

 

Waxaan u mahad-naqayaa xildhibaannada Sheffield Council oo Somaliland garab istaagay isla markaana aqoonsaday madaxbannaanida Jamuuriyadda Somaliland. Waa bilow horseed u noqonaya helidda  aqoonsi caalami ah.  Waxaan iyana la ilaawi karin   jaaliyada Somaliland ee ku dhaqan Sheffield iyo guud ahaan dalka UK oo gacan wayn hawshaas ka gaystay. Hore ayaa loo yidhi kun talaabo waxay ka bilaabmaan hal talaabo ee waxaa inaga reeban nugayl iyo niyad jab.

 

Somaliland ha Guuleysato In sha Allaah,

DSC_0016 DSC_0078 DSC_0080 DSC_0086 DSC_0094 DSC_0095 DSC_0099 DSC_0103 DSC_0111 DSC_0121 DSC_0124 DSC_0125 DSC_0126 DSC_0128 DSC_0130 DSC_0137 DSC_0140 DSC_0143 DSC_0145 DSC_0151 DSC_0154 DSC_0157 DSC_0159 DSC_0161 DSC_0166 DSC_0169 DSC_0174 DSC_0193 DSC_0195 DSC_0196 DSC_0199 DSC_0210 DSC_0219 DSC_0258 DSC_0292 IMG_0008 IMG_0012 IMG_0021 IMG_0022 IMG_0029 IMG_0033 IMG_0083 IMG_0099 IMG_0132 IMG_0134 IMG_0137 IMG_0168 IMG_0184 IMG_0197 IMG_0208 IMG_0290 IMG_0297 IMG_0301 IMG_0314 IMG_0327 IMG_0342 IMG_0348 IMG_0379 IMG_0420 IMG_0430 IMG_0448 IMG_0457 IMG_0466 IMG_0469 IMG_0509 IMG_0518 IMG_0532 IMG_0550 IMG_0587 IMG_0611 IMG_0623 IMG_0629 IMG_0654 IMG_0656 IMG_0670 IMG_0694 IMG_0698 IMG_0710 IMG_0719 IMG_0728 IMG_0770 IMG_0778 IMG_0787 IMG_0800 IMG_0807 IMG_0819 IMG_0838 IMG_0850 IMG_0867 IMG_0887 IMG_0899 IMG_0903

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com

 

Waad Mahadsan tihiin,

 

 

Wassalaama calaykum wa raxmatulaahi wa barakaatuhu.

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya Oo Maanta Muqdisho Ka Furay Kulan Ay Badhi-Taageerayso Qaramadda Midoobay Oo Lagaga Hadlayo Tirakoobka Dadka Somalida

$
0
0

qiyaasta18,May,2014(SDN/QJ)- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa maanta ka qeyb galay  Kulan lagu soo bandhigayey qiyaasta tirada dadka Soomaaliya oo ay si wadajir ah u fuliyeen Wasaarada Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamka iyo Sanduuqa Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha dadka (UNFPA).

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed oo furitaankii munaasabadda hadal ka jeediyay ayaa xusay isku dayga laga sameeyay qiyaasta tirada dadka Soomaaliyeed inay fududaynayso in la ogaado guud ahaan tirada dadka Soomaaliyeed oo wixii ka danbeeyay dawladdii dhexe ee Soomaaliya aan lagu samayn tirakoob rasmi ah.

Tirakoob rasmi ah oo lagu sameeyo dadka Soomaalida ayaan marna dhicin,kii u danbeeyey ee la sameeyo isla markaana ilaa hadda laga qiyaasqaato ayaa ahaa sanadkii 1986, waxaa lagu sheegaa dadka Soomaalida in ay ka yar yihiin 10 milyan oo qof.

Laakiin dad badan oo Somaliyeed,ayaa sheegaya in aanay ahayn Wakhtigani,Wakhtigii laga hadli lahaa Tirakoob iyo wax la mid ah,iyaga oo ku doodaya in Badiba dalkii aanu haysan Nolol iyo Kaabayaashii Nolashaha oo dhamaantood aan ahayn qaar ka jirin Dalka Somaliya.

Waxaana lagu Eedeeyaa Xukuumadda haatan uu Gadhwedeenka  ay ka yihiin Xasan Sheekh Iyo CabdiWali qaar la jaan qaadi Karin,waxna aan u qabanin iyada oo Muhiimadda Kowaad la siinayo baahiyaha dhabta ah ee Maanta la dariska ah Ummadda Somaliyeed.

 

SDN/QJ-Muqdisho

daacad@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com

 

Wararkii Caawa ee Dalka iyo Dibada ee Shabakada Qurbejoog.com {DHAGAYSO}

$
0
0

Hargaysa 18.May 2014 (SDN/QJ)- Ku Soo dhawaada Dhamaan Akhyaarta ku Xidhan Shabakada Somalidiasporanews.com Meel kasta oo Dunnida Dacaladeeda aad kaga Sugan Tihiin Warar Wixii Naga  Soo Gaadhay Dalka Gudihiisa iyo Dibadiisa oo aanu idiinka Soo Gudbinayno Studiyaha Qurbejoog.com ee Caasimada Somaliland ee Hargaysa

Waxaa Warka Caawa  Idiin Soo Tebin Doona Weriye Maxamed Xasan Daacad ee Dhagaysi Haboon

Fiiro Gaara:- Dhagaystayaal Wixii Tallo iyo Tusaale ah Waxaad Noogu soo Gudbinaysaan Emailada Hoos Ku Qoran,Anagoo soo Dhawaynayna Rabitaankiina iyo Toosintiinaba.

GUJI HALKAN OO MOBILKAAGA KA DHAGAYSO WARARKII QURBEJOOG


Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com

Madal la isku arkay oo Weftigii Somaliland ee Maraykan ku sugnaa ay kala qayb galeen Jaaliyada Somaliland Xuska 18 May Daawo

$
0
0

Washington 18.May 2014 (SDN/QJ)- Weftigii ka socday Xukuumada Somaliland ee Ku Sugnaa Wadanka Maraykanka ayaa Jaaliyadaha Somaliland ee dalkaasi ku dhaqan kala Qayb galay Xuska Munaasibada 18 May ee 23 Guurada ka soo Wareegtay Dib ula soo Noqoshada Madax bannaanida Somaliland .

Weftigan Waxaa Hor kacaya Wasiirka Madaxtooyada Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan Waxaana Xubno ka ah Gudoomiye ku Xigeenka 1aad ee Golaha Wakiilada Muddane Baashe Maxamed Faarax,Xildhibaan Cali Gebilay iyo Mas’uuliyiin kale.

Washington SDN/QJ.

contact@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com

 

Jaaliyadda Somaliland Ee Dalka Uganda Oo Laga Hor Joogsaday Xuska 18 May Iyo Dareenada Ku Xeeran

$
0
0

Breaking_News19,May 2014(SDN/QJ)-Waxa laga horjoogsaday Xuska Debaal degga Maalinta Qaran ee 18 May,Jaaliyadda reer Somaliland eek u dhaqan Dalka Uganda.

Sida uu Shabakadda Wararka ee Qurbejoog.com uu Xaqiijiyay Khadar Axmed Maxamed,oo ka tirsan Aradayda reer Somaliland ee wax ka barata Dalka Uganda.waxa uu Khadar Nooshegay in Jaaliyadda reer Somalia eek u sugan Dalka Uganda ay Abaabuleen Olole ka dhan ah Qabsoomidda Xafladda,iyaga oo adeegsanaya Safaaradda Somalida ee Magaaladda Kampala iyo Ciidamo u dhashay Dalka  Uganda.waxaana uu intaas raaciyay in sidii loo horjoogsan lahaa Dhicitaanka Xuska Maalinta Qaran ee 18 May ay Dadweynaha reer Somaliya ee Ku Sugan Dalka Uganda ay Kharash Xoogan ku bixyeen.

Muwaadinka la hadlay Shabakadda Caalamiga ah ee Qurbejoog.com,ayaa noo sheegay inay ka go’antahay inay Xafaldu ugu qabsoomto sidii loogu talo galay.

Mar aanu wax ka weydiinay waxa ay Wakiiladdda Somaliand,halkaas u joogaa arintooda Wax uga Qaban waayeen,ayaa uu noo sheegay in aanay Awood ay wax ku Go’aamiyaan aanay lahayn.

Si kasta ba ha ahaatee waxa aan ilaa hadda ka hadlin arintan Masuuliyiinta ay Khusayso iyo Xukuumadda Somaliland.

SDN/QJ-Kampala

daacad@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com

 


“Wixii Qayrkiin Eeday Mahadin Maysaan ee Is Casila” Eng Maxamed Xaashi Cilmi {DHAGAYSO}

$
0
0

Hargaysa 01.June 2014 (SDN/QJ)- Siyaasiga Maxamed Xaashi Cilmi ayaa Maanta u soo Jeediyay Xukuumada uu Hogaamiyo Madaxweyne Axmed Siilaanyo iyo Xisbiga ay ka dhalatay ee Kulmiye inay Kuraasta baneeyaan oo Iscasilaan kadib markii ay ku Guuldaraysteen inay Xaliyaan Khilaafka Garabyada u Jajabiyay Xisbiga Kulmiye.

Maxamed Xaashi Cilmi Waxaa kale oo uu ka hadlay Hab Dhaqanka Cidamada la dagaalanka argagixisada ee RRU oo dhibaato ku haya Shacabka isla markaana Habeen Madow u daata Guryaha.

GUJI HALKAN OO MOBILKAAGA KA DHAGAYSO HADALKII MAXAMED XAASHI CILMI


Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com

Xoghayaha Guud ee Xisbiga Kulmiye oo Sheegay in Wakhti aan la Cayimin Dib loo dhigay Shirweynihii Golaha Dhexe {DHAGAYSO}

$
0
0

Hargaysa 01,May,2014(SDN/QJ)-Xog-hayaha Guud ee Xisbiga Kulmiye ,ayaa maanta ku dhawaaqay in Mudo aan la cayimin dib loogu dhigay Shrweynihii  Golaha dhexe ee Xisbiga kulmiye oo maanta oo Axad ah loo balansanaa in lagu qabto Hotel-ka Maansoo rr Magaalada Hargaysa.

Xog-hayaha ayaaa sheegay in in ay tixgalinayaan Gudiga Golaha Guurtida ee Haatan Waan-waanta ka dhex wada laba garab ee u kala fadhiya Xisbiga Kulmiye.

GUJI HALKAN OO MOBILKAAGA KA DHAGAYSO HADALKA XOGHAYAHA GUUD


SDN/QJ-Hargaysa

daacad@qurbejoog.com

contact@somalidaisporanews.com

 

Madaxweyne Siilaanyo oo Qado Sharaf u Sameeyay Golihii Dhexe ee Kulmiye ee Muranka Dhaliyay iyo Saylici oo ka Hadlay {DHAGAYSO}

$
0
0

Hargaysa 01,June,2014(SDN/QJ)- Madaxwyne Ku-xigeenka Jamuuriyada Somaliland Cabdiraxmaan  Cabdilaahi Ismaaciil Saylici,ayaa Maanta ka qeyb galay Munaasabad Qado sharaf ah oo loo sameeyay Xubnihii Golaha dhexe iyo Fulinta ee ay dhawaan ku dhawaaqeen Shir-gudoonkii Shir-weynaha Xisbiga Kulmiye.

Waxaaana uu Saylici rajo fiican ka muujiyay in ugu danbayn xal waara laga gaadhi doono Muranka Siyaasadeed ee Xisbiga Kulmiye haatan ka Aloosan

GUJI HALKAN OO MOBILKAAGA KA DHAGAYSO HADALKA MADAXWEYNE XIGEENKA


SDN/QJ-Hargaysa

daacad@qurbejoog.com

contact@somalidaisporanews.com

 

Ragga Haybta Wadoow Siyaasadi Hayb iyo Halbeeg Ma Leh Qallinlii: Libaan Ismail

$
0
0

linUmaan qaadan qalinka inaan cid ceebeeyo ama aflagaadeeyo balse waxaan u qaatan inaan iftiimiyo ama tilmaamo waxaan u arkay ama ay tahayba qalad oo aan maalmahanba warbaahinta dalka ku arkay qaarna aanba ka war qabay qaban qaabadooda iyadoo aan si toos ugu tilmaamay inaanay haboonayn inay dhalintu ku dhaqanto.

Akhriste sidaad ka war qabtaan waxa maalmahan u dambeeyay taagnaa khilaafka xisbiga kulmiye kaas oo dadku ku kala aragti duwaanayeen ayaa wax dhacday in dhalinyarada wadanka qaar ka mid ahi ay qaadeen taalaabo aan haboonayn oo ah inay dadka iyo bulshada Somaliland u kala saareen hayb ama ku kala taageereen siyaasiyiintii is haysay hab beelaysan .

Markaan ka hadlayo beel kama soo hor jeedo beesha iyo dhalinta toona waxa kaliya oo aan leeyahay qaybaaladu maaha mid looga baahan yahay dhilinta mana ah mid siyaasada looga baahan yahay .

Waayo siyaasadu ma laha wax lagu cabiro waa shay is rogrogiisu badan yahay oo aan saacad iyo sikin toona meel joogay oo u janjeedhsanaysa hadba meeshii dani gasho.

Sidoo kalena ma laha hayb malaha waad ila yaabi hadaan ku idhaa hayb ama dhawaansho ma leh waxaad odhan waayo, hasa yeeshee bal u fiirso inta siyaasi ee dantiisa uun wata ee aan ka fikirin ama hoos u  eegin dadkii haybta ama qabyaalada ku taageeray ee galaya  hadba meeshii isaga dantiisu gasho, balse qabiilka ama haybta ku soo carara marka uu dantiisu la soo  gasho oo odhanaya meeye reer hebel miyaynaan xaq la hayn ,, oo heedhe akhriste muxuu isagu markii hore ee uu dantiisa watay reer hebel u noqon waayay.

Geesta kale marka siyaasada sideeda looga hadlayo waxay leedahay aragti taas hore ee aan soo tilmaamnay ka duwan oo ah in la isku taageero ama la isugu soo dhawaado wixii dana ee meesha taal haday tahay aragti iyo isku fikir jihada loo soconayo ah , sidoo kale haday tahay barmaamijka wax qabad ee dalka iyo dadka wax loogu qabanato.

Hadaan intaas kaga soo baxo iftiiminta oo aan u soo daadago waxa igu kalifay maqaalkan kooban waxay tahay bal inaan dhalinta inaan u iftiimiyo ujeedadaas iyo inaan hoga tusaaleeyo

Dhalinyaradu waa mustqabalka maanta, waa hogaanka birrito, waa hagaha mustqalbalka bulshada, waa xooga iyo hantida ummadi ku faanto, waa quruxda iyo qaayaha ummada, waa muraayada laga dheehan karo waxa uu noqon karo mustqabka wadankaas.

Iyadoo ay mihiimadaas leedahay dhalinyaradu oo waxaas oo musuuuliyad ahi sugayso haday siyaasiyiin maanta is haya birritana heshiinaya ugu kala qaybsamaan qabiil iyo hayb miyanaanay ahayn ayaan daro iyo nasiib xumo oo aanay xaajadu noqonayn in xilkii iyo masuuliyadii dhalinta saarnayd ee loo baahnaa inay aqoontoodu taliso inay gabeen.

Bal akhriste suuree hadii hore dadkeena iyo bulshadadeenu markii ay reer guuraaga ahayd ay is dilli jirtay oo ay isku dili jirtay daaq iyo biyo , maanta hadaba hadii dhalintii dadkan aqoonta u baratay ee jaamacadaha ugu soo baxday loogana fadhiyay inay bulshada u sheegaan danteedu inaanay ahayn inay qabiil u kala baxdo ee danta iyo  galadu ku jirto danta guud oo meel looga soo wada jeedo bulshada oo abnigeeda ilaashada iyo gacmaha oo la is qabsado ay iyagii qabiil cid isaga dhaw iyaga ay qabiil ku taageeraan miyaanay nasiib daro ahayn bal u fiirso tixdii lixdameeyadii uu  Alle ha u naxariistee Tiriyay Abwaan Abdulahi Suldaan Timacade ee ay ka mid ahaayeen tuducyadani .

  Dul iyo hoosba waan ugu dhigay waa dix dhagaxeede

.  Anuunbaa danqanayee dhaguhu uma daloolaane

     .  Dadkaan la hadlayaa baan lahayn dux iyo iimaane

 Bal inay dafoof tahay caqliga      dooni laga saaray

  Wixii hore usoo daashaday bay degashanaysaaye

 

.  Doc hadday u wada jeedsatooy dhowrto danaheeda

  Ooy duul walaala  ah tahay ooy duunka ka heshiiso

.  Dadka kama yaraateene ways    dabar jaraysaaye

  Dubba madaxa wayskala dhacdaa daa’in abidkiise

 Goortay is wada dooxatay baa   daad u soo geliye

 

Waxaan qalinka ku soo xidhayaa dhilintaay ha taliyo garaadkiinu oo ha ka xoroobo qabiilaysiga iyo waxa aan dantu idiinku jirin dalka idinkaa leh dadku idinkuu idin sugayaa.

Aqoontiinu yay noqonin mid wax dumisa ee ha noqoto mid wax dhista

Bal u fiirsada tixdan Alle ha u naxariistee abwaan Ibraahim Gadhle

Midigtaadu yey noqon,

Mid tolkeed u muruq weyn,

Murjinkaagu yuu noqon,

Magli dila walaalkii,

Magacaagu yuu noqon,

Mid xumaan ka marag-kaca,

Sida macawisaa qaar,

Ninba maalin yuu xidhan,

Hadba kii muraadle ah,

Hawga dhigin maqaar-saar,

Mar waxaad dhandhamisiyo,

Mijin qaad ah haw dhiman,

Hana talin masiibiyo,

Wax makhluuqa kala dila,

Maskaxdaadu yay noqon,

Maqal lagula leeyahay,

Yaan toban muftaax iyo,

 

QALINKII : Liban Ismail Abdilahi

EMAIL: Liibaanhanad79@gmail.com

 

“Xabadaad ka carartay ayaad maanta ku ordeysaa Axmed-Siilaanyo adiga iyo inamadan yaryar….” Mujaahid Dhego Weyne {DHAGAYSO}

$
0
0

Hargaysa 01.June 2014 (SDN/QJ)- Afhayeenka madasha wada-tashiga iyo toosinta qaranka Somaliland Mujaahid Ibraahim Cabdilaahi Xuseen (Dhagaweyne) ayaa walaac ka muujiyey xaalada uu maanta dalku marayo, islamarkaana waxa uu madaxweyne Siilaanyo ku eedeeyey inuu ka baxsaday SNM maalmihii guda-galkii dalka ee Hargeysa iyo Burco 27 May iyo 31-kii May 1988-kii.

 

dhegtaMujaahid Ibraahim Dhagaweyne waxa uu sidaa ku sheegay shir jaraa’id oo ay maanta ku qabteen Magaalada Haregeysa, kaas oo ay kaga hadleen khilaafka ka dhex taagan Xisbiga KULMIYE iyo muddo kotdhin la hadal-hayo in loo sameeyo xukuumada uu hogaaminayo Madaxweyne Siilaanyo.

Mujaahid Ibraahim Dhagaweyne waxa uu warwar ka muujiyey xaalada uu dalku wakhtigan mareyo, waxaanu yidhi“Waxa weeyaan xaalada aynu maanta ku jirnaa waa xaalad burbura malaha nina way u wanaagsan tahay umadda inteeda kalena dhinac ayey ka taagan tahay, waxay u aragtaa inaanay waxba jirin, waxa maanta meesha yaala Golayaashii (Guurtida iyo Wakiillada) way baaba’een, sharciguuna wuu abaaba’ay, Maxkamadiina way baaba’ay.

Sidoo kale waxa uu Dhagaweyne weeraray guddida diwaangelinta Ururada ururada Siyaasada iyo ansixinta axsaabta qaran oo uu ku tilmaamay wax uu iska adeegsado madaxweynuhu, waxaanu yidhi “Diwaangelin wax la yidhaahdo oo uu ka dhigtay maxkamad oo hore waxan u soo sameeyeen ayey imika leeyihiin KULMIYE ayaanu kala saareynaa oo aan sharciyeysnayn oo ay ahayd inay ururada diwaangeliyaan oo ay ahayd inay meesha ka baxeen,arrimahani maaha qaar la isaga tagayo meesha ay sharciga ka keeneen waa lala xisaabtami iyo dunuubta ay dalka ka galayan Axmed Siilaanyo waxa uu u heysta intuu si yar isaga tago oo uu caruurta uu leynayo iyo dhiiga dhaca berito way ku xumaan doonta oo waa la arki doonaa”

 

“Axmed Siilaanyo waakii ka cararay, run ayaan idiin sheegayaye 31-kii  May 27-May gudagalkii dalka waxa uu ka baxsaday halgankii SNM oo waxa uu u cararay London maalintii dalka la soo galayey, waa maalintii ay yaabtey dawlada Ethiopia ee ay tidhi walaahi hadaan halgankaa ku jiro maan carareen,”.Ayuu yidhi Ibraahim Dhagaweyne.

 

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi“Waar Xabadaad ka carartay ayaad maanta ku ordeysaa Axmed-Siilaanyo adiga iyo inamadan yaryar ee aan waxba ka ogeyn, iyo umaddii aad ka dhuumatey habeenka madoow  waxa ka mida Xasan Guure, Abwaan Maxamed Warsame Hadraawi, Jaamac iyo Saalax Boobe Yuusuf Ducaale ee Jigjiga  kaga baxsaday car haday kaa dhab tahay Telefiishanka kaalay labadeena ayaa ka doodeynee, waxaan idin tusayaa umad-yahay wixii uu ka baxsaday inuu maanta dalka ku duleeyo WALAAHI inaanay soconayn Axmedoow oo aanad ka faa’iideyn oo aad noqonayso ka ugu cabaadka baddan waanan is-garanaynaa”

 

“Maalmihii dalka la xoreeyey ee la xusi lahaa ayaad adna xabad guryaha ugula dhacaysa, waar maalintii loo baahna miyaad la soo dhacdid maalintii lagaga baahna xiniin-yaha iyo raganimada intaad lix jirka ugu dhacaysid guryaha maanta waa maalintii dalka la dhisi lahaa ee  ubadka loo caqli celin lahaa”.Ayuu yidhi Ibraahim.

 

“Cid kaaga jilicsani ma jirto ee xabada dabada ha u soo saarin waa ninkaa Telefiishanka ka baqanayaa ee inta uu cajalad iska soo qabto ayaa dad looga tag la’a-yahay su’aalaha ayuu ka baqayaa, markaas ayuu leeyahay afar inan oo yaryar qoryaha qaata”.Ayuu yidhi

GUJI HALKAN OO MOBILKAAGA KA DHAGAYSO HADALKA DHEGO WEYNE


Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com

 

Cabdi Qays iyo Hadraawi: Raad-gurayaashii la Raad-gurayey iyo Guushii ay Soo Hooyeen Qaybtii 3aad

$
0
0

 

Markuu Siyaad Barre ka soo noqday dalka Ruushka,  ayaa qeybta baratakoolka ee madaxtooyadu waxay diyaar-garaysay maalinta koowaad marka uu nasto madaxweynuhu maalinta labaad inuu la kulmo golaha kacaanka iyo golaha wasiiradda, maalintaa iyo kulankaa ka bacdina , wuxuu islamaalintii ka dambaysay balansaday madaxweynuhu shantii golaha sare ee kacaanka iyo waaxdii cusbayd ee uu gaashaanle sare hoos-u-jeed madaxda ka ahaa iyo saraakiishii sarsare ee waaxdaa cusbayd ka tirsanayd inuu la kulmo, markaa Hoos-u-jeed, oo warbixin sida, ayaa wuxuu soo raacay Axmed Saleebaan Dafle oo ahaa madaxa nabad suggida, markaa wuxuu ka qeyb galiyey markii ugu horaysay shirkii uu Siyaad Barre warbixinta kaga bixinayey safarkii ciraaq iyo Ruushkaba, arrinttaas oo uu Hoos- u-jeed aad ugu farxay , Maxamed Siyaadna wuxuu u soo bandhigay golihii kacaanka iyo golihii wasiiradaba heshiisyadii ay kala sexeexdeen iyagiyo Ruushku , isagoo aad ugu faraxsan aaminsanna inuu guul weyn soo hooyey. markii loo akhriyey heshiiskii ayuu shirkii soo xidhay, waxaanu kula dardaarmay oo uu yidhi  ‘maanta maalin aynu ka adagnahay ma jirto, maadaama quwadii ugu waynayd adduunku garabkeena taagan tahay’, intaasi markay dhacday, ayaa haddana shir gooniya oo qorshaysnaa waxa ka soo qeyb galay shantii ugu saraysay golaha kacaanka iyo Hoos-u-jeed oo isagana ay la socdaan saddex nin oo raggii ugu muhiimsanaa ee waaxdaa nabadsuggida ee dabagalida suugaanta iyo abwaanada ka tirsanaa loo soo beddelay, raggaas soo raacay ee dibadda ku sugayey shirkii hore waxa ka mid ahaa, Yaasiin qorhe, oo ahaa nin Barwaani ah, oo ka soo baxay jaamacada ugu qiimaha badan leh ee milatariga dalka Masar, qeybteeda qorshaha (military planning), waxaanu u qaabilsanaa qeybta qorshaynta ee waaxdan cusub ee dabagalida suugaanta, ninka labaad ee la socdayna wuxuu ahaa nin la odhan jiray Maxamed waxaana lagu naanaysi jiray Magafe,waxaanu u qaabilsanaa hawl-galinta, ninka saddexaad waxa la odhan jiray Maxamed saalax, oo isaguna u qaabilsanaa Maaliyadda iyo bajadka, saddexdooduna waxay ahaayeen gaashaanleyaal dhexe, iyagoo 3daa nin laga soo beddelay ciidankii qaranka ee milatariga, mid ka midana waxa laga soo beddelay bilayska, waxa kale oo loo yeedhay oo shirkaa ka qeyb- galayey madaxda kala duwan ee ciidamada iyo qof kasta oo muhiim ahaa oo aan arrintan looga maarmayn.  markaa intuu shirku socday waxa kacay ninkii la odhan jiray gaashaanle dhexe yaasiin-qorshe, oo soo bandhigay qorshe  sannadeed qeybtan cusubi ay ku hawl galayso, qorshahaas oo markii yaasiin dhameeyey gaashaanle sare hoos u eed uu u soo jeediyey madaxdii:

in muddo sannad ah la siiyo, oo ay hawshan ku soo gabagabeeyaan, saddexdii biloodna  ay warbixin keenaan oo ay la toos ula soo xidhiidhaan shanta golaha sare ee kacaaanka,  islamarkaana miisaaniyada waaxdan cusub la siiyo imika saddex jibaar loo kordhiyo tan imika la siiyo, hawsha baaxadda leh awgeed, In waaxdan cusub la madax-banaanaysiiyo , amarkana ay ka qaataan, warbixintana ay u gudbiyaan shanta sare ee golaha kacaanka. In arrinta ay wadeen Cabdi Qays  iyo Hadraawi  ee ay kaga soo horjeedaan Siyaad Barre laga hortago maadaama aanay dan u ahayn soomaaliya, In arrintan ay abwaannad la beeleeyo oo lagu koobo isaaq inay balaayo waddaan, In odayaasha reerka, ee labada abwaan ka soo jeedaan loo diro odayaal, oo ay soo maslaxaan, si ay uga noqdaan hawshan kicinta bulshada ah, haddii labadaa qorshe lagu guuldaraysto in loo balan qaado lacag waxay dalbadaan. In lagu eego in xilal loo dhiibo, oo boosas fiican laga siiyo safaaradaha dibada, si ay faraha ugala baxaan arrimaha ay ku jiraan, In abwaanada waddanka jooga oo dhan la maal-galiyo, si ay nimankaa sumcadooda u dilaan, oo ay u khalkhaliyaan, In loo cagajugleeyo, oo la baqo-galiyo, oo lagu eego inay taasi dowo u noqoto, In gobolada oo dhan loo diro golaha wasiirada iyo kacaanka, si dadweynaha looga digo labaadaa nin dabka ay hurinayaa, In ragga aad Qur’aanka u yaqaana, ee ay markii hore isticmaali jireen la adeegsado, oo ay ku akhriyaan si ay ugu joojiyaan abwaanada digniinaha ay bixinayaan iyo baraarujinta. haddii ay taasi socon waydo in la soo ururiyo qolooyin karaame leh oo nimankaasi karaamo ku aamusiiya, hadday intaa ku joogi waayaana sixir lagu eego, In Raadiyow Muqdisho iyo Raadiyow Hargeysa waddanka oo dhan la gaadhsiiyo, oo laga mashquuliyo dadweynaha labadaa abwaan iyo abwaanada kale ee ku hawlan kicinta dadweynaha, Talaabooyinkaasi haddii ay shaqayn waayaan, in xadhiga adag oo muddo dheer ah la xidho. Ama si hoose loo khaarajiyo.

Maxamed Siyaad Barre oo aad u aaminsaa gaashaanle sare Hoosujeed, ayaa aad iyo aad raali uga noqday qorshahaa sanadka ah oo aynaan halkan ku soo koobi karayn, markii ay gabagabdii ku dhow yihiin, ee ay dhammeeyeen, ayaa wuxuu kula dardaarmay inay si degdeg ah u hawl-galaan, arrintaasna si degdeg wax uga qabtaan , talo iyo tusaale iyo gacana ay la barbar taagan yihiin, islamarkaana loo keeni doono , 3 jannan oo la-taliyeyaal oo dalka Ruushka ka socda oo ka ugu yari 50 sannadood uu ka shaqaynayey hawlaha nabad-suggida, ee dalka Ruushka, hawshu markay gabagaba taagan tahay, ee sharaab la dalbaday, ayaa Siyaad Barre oo uu dhiniciisa midig fadhiyey Cali Samatar, ayuu si hoose dhegta ugu saaray in imika uu dalbado oo loo keeno, darajada janaraalnimo iyo saddex xidigood oo wadda socda kuwaas oo uu ugu talo galay Hoosujeed in jannan laga dhigo , saddexda kale ee sarkaalna gaashaanleyaal sare laga dhigo, isagoo ku faraxsanaa qorshihii waxqabad ee ay soo bandhigeen, markaa waxa kacay Cali samatar oo tegay xafiiskii ay madaxtooyada uu ku lahaa , waxaanu gacanta ku qabtay telefoonkii yellowga ahaa ee isaga u gaarka ahaa, ee aan cidi dhagaysan karayn, wuxuuna la hadlay askari gaashaanle dhexe ah oo ka madaxa waaxda darajo bixinta ee ciidanka , wuxuuna amar ku siiyey 15 daqiiqo gudohood inuu ku keeno xiddigaha iyo wixii darajadaa la xidhiidha , wax-yar ka bacdiba waa la keenay darajooyinkii wuxuuna ku taxay Hoosujeed oo jannan laga dhigay iyo 3dii nin ee ka hooseeyey hoosujeed oo lagu taxay darajooyinkii waxaana laga dhigay gaashaanleyaal sare, si loogu dhiirigaliyo darajooyinkaas si ay hawshaa loo diray uga soo baxaan sida ugu wanaagsan ee hawlkarnimo ku dheehan tahay. Markii uu shirkii dhammaaday, ee uu ka soo baxay Hoosujeed,ee uu xafiiskiisii tegay, ayaa waxa la soo hadlay inankiisii oo muddo dhowr iyo toban sannadood ah aanay wada hadlin wuxuuna ku yidhi ‘aabbo naftani meel ma jirto inagoo isku cadhoonaynana ma doonayo inaynu kala dhimano, wixii aynu ku kala tagnayna waxa weeyi hooyaday sidii aad u gashay, oo aanad adigu xumaan ugala jeedin , ee shaqadaada aad wax-walba ka horaysiin jirtay, markaa aabbo waxaan doonayaa xajka soo socda inaynu wada tagno, oo aynu halkaa ku ducaysanno’, General Hoosujeed waligii maalin uga qiimo badnayd muu arag maalintaa , labadii arrimood ee uu ku hamiyi jiray intaanu dhiman ayaa labadiiba maalin kaliya dheceen , islamarkaana martiqaadkii golaha kacaanka ,iyo golaha wasiirada lagu martiqaadayna wuu ka mabsuuday, sidoo kale nimankii abwaanada ahaa ee Cabdi Qays iyo Hadraawi shaqadoodii tilmaanta, ee dadka ay ku toosinayeen in xukunkani yahay mid faasida, oo uu cidhib-xumana ku dambaynayo ayey halkii ka sii wateen, dadkiina way ka dhergiyeen, sheekadiina waji labaad ayey isku beddeshay oo baraarujintii bulsho weynta reer soomaaliya iyo raadgurridii Siyaad Barre, ee la raadguray waxay ku dhammaatay inay abwaanadu hantiyaan maskaxda bulshada  reer soomaaliya, hawshaas oo ay u fayteen. Wakhtigaa aynu ka hadlayno isbeddelo waa-weyn iyo guulo uu kacaanku soo hooyey ayaa jiray, waxyaalihii dhacay ee dadku aad uga raali noqday waxa ka mid ahaa:

in afsoomaaligii la qoray, inay nabadii meel walba gaadhay, in wax-soosaarki iuu kordhay, in wershado la furay, in luuqadda Carabiga dadka la baray, in abaartii daba-dheer si fiican loo maamulay, inay qorsheeyeen sidii bacaadka beeraha ku soo fidaya wax uga qaban lahaayeen, inay siyaasadii dibada ee waddamada carabta iyo Afrikaanka gaar ahaan ay guulo badan ka soo hooyeen, waxa kale oo ay dowladdu la wareegtay ajanabigu shirkadihii ay lahaayeen waxaana la daryeelay shaqaalihii iyaga u shaqaynayey, waxa kaloo iyaguna soo kordhay in reer miyi badani magaalada soo galay abaaro awgeed, oo ay markaa u fayteen dadweynihii inay u dhoofaan dhinaca waddamada carabta, oo ay shaqooyin ka doontaan qaarna ay ciidamada isku shubeen, iyadoo caasimadii muqdishana loo eekaysiiyey caasimadaha kale, kuwaas iyo kuwo kaloo badan ayaa wakhtigaa si fiican ugu hirgalay.

Waxyaalaha dadweynuhu markaa ka biyo diidanaa waxa ka mid ahaa:

  1. 1.      Dadkii oo xorriyadii laga qaaday, oo la cabudhiyey , oo ciddii juuq tidhaahdaba la xidho ama la dilo.
  2. 2.      Dilkii Caynaashe iyo Salaad Gabayre , oo dil xaqdarro ah lagu dilay, isagoo Siyaad Barre ugu quus-goynayey inaan cidina milatariga dhaqdhaqaaqin, taasna wuxuu u samaystay maxkamad milatari, oo xukunkeedu adag yahay, waxa kale oo dadku aad uga biyo diideen, dilkii wadaadada waxba aan galabsannin, oo iyadana uu ugu quus-goynayey wadaadada.
  3. 3.      In dadkii siyaasiyiinta ahaa, ee ay xukunka ka inqilaabeen ee xidhnaa aan wali soo daynin, iyo cabudhin siyaasadeed oo xad-dhaafa oo taagnayd oo ay dadweynuhu hadiyo jeer ka codsan jireen.
  4. 4.      Iyo iyaga oo aan cayimin wakhtiga ay shicibka ku celinayaan xukunka, adduunweynuhuna culays ku saari jireen.
  5. 5.      Waxa kale oo ay dadku ka biyo diideen dadkii layska tooganayey, ee dowladda u shaqaynayey, ee qofka 100,000 lunsada lagu toogan jiray.

Dhinaca kale iyadoo ay jiraan arrimahaasi ay shacabku ka biyo-diideen, ayaa Siyaad Barre adduunweynihii iyo madaxdii Afrikaankii aad u soo dhoweeyey , qiimo gaarana wuu ku yeeshay, islamarkaana wuxuu yeeshay ciidan milatari iyo filifoos, oo todobaatan kun ah oo si fiican loo tababaray, oo hub fiicanna la siiyey.

Sidoo kale dowladdu waxyaalaha ay kula dagaalamayso abwaanada waxa ka mid ahaa, oo ay xoogga saareen labada idaacadood ee Raadiyow Hargeysa iyo Raadiyow Muqdisho inay waddanka wadda gaadhaan, barnaamij barobogaando ahna dadka ay ku furan, si ay dadku uga soo leexdaan abwaaniinta, idaacadahana waxa ka bixi jiray barnaamijyo qiimo leh oo maskaxda dadka lagu jiidanayo, sidoo kale wargeys afka dowladda ku hadla , oo isagana aad loo dhisay, markaa abwaaniintii waxay raadguridii u beddeleen kasbashada maskasxda dadweynaha , halkaasna waxa ka dhacay kooxdii Hoosujeed iyo abwaaniintii oo dagaal kulul dhexmaray. Markaa waxa bilaabmay hoos u jeed iyo ciidankiisii inay digniino siiyaan nimankaa abwaanada ahi inay ka joogsadaan mucaaradnimada , taasi markii ay u shaqayn waydana waxay bilaabeen cagajuglayn iyo handadaad, labadii abwaan iyo intii kula socotay mabda’aasi waxay heleen taageero cajiib qabta, oo dadweynaha ah gaar ahaan reer sh. Isaxaaq, markaasi waxa isku soo faramuruxsadday labada nin ee Hadraawi iyo Cabdi Qays, abwaanadan oo  geed-adayg u dhashay, oo aan la loodin karayn lana  iibsan karayn, mabda’na ku dagaalamaya, dhinaca kalena waxa ka soo jeeday general Hoosujeed, oo isaguna geed-adayg iyo maskax cajiib qabta u dhashay, dabadana ku wata Siyaad Barre iyo Cali Samatar oo taageero badan oo dibada ah iyo mid gudahaba haysta, iyadoo Khaladaadka ay galeen Hoosujeed iyo Kacaanku ay ka mid ahayd, inay yaraysteen labadaa abwaan oo aanay habayaraatee wax aqoona aanay u lahayn. Abwaanadaas oo hibo gaara wata iyo awood ilaahay ku ladhay, maadaama ay ku guuldaraysteen inay bakhtiiyaan dabkii ay huriyeen abwaanadu, iyagoo ku guulaystay inay ujeedooyinkii ay lahaayeen ay gaadhaan, Waxaana taa kuu cadaynaya cajiibnimada abwaanadan iyo waxyaalaha ku lammaan, 1992kii meel aanu ku qayilaynay, ayuu Cabdi Qays daf soo yidhi siday sheekadaasi ku timid ma sii xusuustee wuxuu ka sheekeeyey nin jin ah oo boqora oo qolada gaalada ah inuu jeclaaday inan reer Hargeysa ah, sidii aanu afkiisa u eegaynay, sheekadaas oo cajiib qabtay, oo laba jeer oo danbe qaad la soo qaaday, ayaa salaadii subax aanu u kacnay, isagoo dhammeeyey markaasuun sheekadii.  La soco axadda soo socota…..

 

Wararkii Caawa ee Dalka iyo Dibada ee Shabakada Qurbejoog.com {DHAGAYSO}

$
0
0

Hargaysa 01.June 2014 (SDN/QJ)- Ku Soo dhawaada Dhamaan Akhyaarta ku Xidhan Shabakada Somalidiasporanews.com Meel kasta oo Dunnida Dacaladeeda aad kaga Sugan Tihiin Warar Wixii Naga  Soo Gaadhay Dalka Gudihiisa iyo Dibadiisa oo aanu idiinka Soo Gudbinayno Studiyaha Qurbejoog.com ee Caasimada Somaliland ee Hargaysa

Waxaa Warka Caawa  Idiin Soo Tebin Doona Weriye Maxamed Xasan Daacad ee Dhagaysi Haboon

Fiiro Gaara:- Dhagaystayaal Wixii Tallo iyo Tusaale ah Waxaad Noogu soo Gudbinaysaan Emailada Hoos Ku Qoran,Anagoo soo Dhawaynayna Rabitaankiina iyo Toosintiinaba.

GUJI HALKAN OO MOBILKAAGA KA DHAGAYSO WARARKA QURBEJOOG


Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com


“Waxaa Maanta Suuqa yaala oo la Iibinayaa Garoonkii Masalaha Hargaysa”Xildhibaan Siciid Libaaxo {DHAGAYSO}

$
0
0

Hargaysa 01,June,2014(SDN/QJ)- Gudoomiyaha Gudida Arrimaha Bulshada ee Golaha Guurtida Somaliland Xildhibaan Siciid Maxamed Libaaxo,oo ka tirsan Golaha Guurtida Somaliland,ayaa si weyn uga Dayriyay  Xaaladda uu haatan ku suganyahay Garoonka Masahala Ee Magaaladda Hargaysa ee Somaliland.

Xil Siciid Maxamed LibaaxoXildhibaanka ayaa ku Eedeeyay Golaha Deegaan ee  Caasimada Hargaysa ay kaw ka yihiin Boobka iyo Biliqaysiga Dhulkii Danta Guud ee Cassimada.

Waxaanu u soo jeediyay Xildhibaanku in cid kasta oo ay Khusaysaa ay soo faro Galiso Boobka lagu hayo Goobiihii Danta Guud ahaa ee Xaafada Masaha  gaar ahaana Garoomadii ay Dhalintu ku ciyaarayeen.

GUJI HALKAN OO MOBILKAAGA KA DHAGAYSO HADALKA XILDHIBAANKA


SDN/QJ-Hargaysa

daacad@qurbejoog.com

contact@somalidaisporanews.com

MADAXWENE OBAMA IYO ANGELE MERKEL OO KALA HADLEY KHILAAFKA XISBIGA KULMIYE

$
0
0

Salaan qiimo badan ka dib dhamaan umada Somaliyed gaar ahaan reer Somaliland oo sheekadani khuseyso.

 

Warar lagu kalsoon yahey oo laga soo xigtey dhalinyaro tahriibayaal reer Somaliland ah oo saaran dooni dul sabayneysa biyiha badweynta Mediterraneanka ee u dhaxeysa Waqooyiga Afirca iyo Koonfurta qaarada Yurub ayaa sheegaya, in Madaxeynaha USA Brack Obama uu khadka Telfonka kula xidhiidhey Reysalwaaraha dalka Germany Miss Angele Merkel, iyagoo ka wada hadley khilaafka xisbiga Kulmiye ee cakiran, hadaba warkan oo Tariibahayaashu aaney u jeedin iney dhegaystaan maadama aanu waxba uga tareyn mushikalada Tahriibtooda ayaa u dhacey sidan soo socto

 

Obama—– Dail phone.. +49xxxxxxxxx….xxx

 

Phone sound—— Riiiiiiiiiiiiiing, dhiiiiiiiiiiiiiiiiidh, dhuuuuuuudh

 

Angela———- Hello Mr Obama..

 

Obama———– Hello Miss Agenle, Are You ok

 

Angele—– Yes I`m Fine and You.

 

Obama– Wax waliba waa ok but, I`ve called to You inaan ku weydiiyo if U heard about Somaliland conflict, I Mean Kulmiye Parti. Waayo ma dooneyno in madaqadasi ay noqoto meel amaankeedu faraha ka baxo, ama ka dilaacdo new terrors.

 

 

Agelne– Obama, I don`t know well about Somaliland, waayo waxaa Gumeysan jirey UK, But I heard that They have odeyaal waaweyn oo Xaaji Cabdi Waraabe miidhan ah Kuwaas oo markey madaxa isla galaan kala saara, You know that they don`t respect their constitutions, their rules, and all other laws, opposite, waxey aad u caabudaan oo ku dheer Qabiilka. Waana aafo guud ahaan Somalida haysta.

 

Obama———– I Understand good Miss, Angele, But I want to ask U one more question, What is problem between President Silaanyo, and Muse Bihi who is appointed Chairman of Kulmiye Parti.?

Angele Aad uma hubo but I heard from my foreign Minister, Iney isku haystaan Hagbad…. I means inuu Muse Bihi leeyahey Silaanyo ayaa ku murmaya Gacantii aan qaadan lahaa.

 

Obama Angela !!!. What U mean Hagbad..

Angele Oh!!.Obama It is so hard to explain what means Hadbad, But I try to do my best inaad Fahanto. Xiligii doorashadii Silaanyo ku soo baxey, ayaa isaga iyo Muse Biixi ku heshiiyeen in imika Silaanyo la doorto oo Muse Bihi reerkoodu codka siiyo Silaanyo, gacanta taa ku xigtana in Silaanyo Muse bixi ugu shubo. So I heard now inuu Silaanyo doonayo inuu one Game more ku ceshado.. But Muse Bihi said that he doesn’t accept inuu Silaanyo ku ceshado.

 

 

Obama I understand that they abused Democracy, waayo Hagbad iyo dimuqraadiyadi isma galaan, Qabiil iyo Qaranimo isma Galaan, odey beeleed iyo dawaldnimo isma galaan, koofiyad bacle iyo hururmar isma galaan, tahriib iyo heeso isma galaan, gaajo iyo Landcruiser isma galaan, Cay iyo xil isma galaan, shaqsi weerar iyo wax toosini isma galaan, qorba joog iyo xil qaran isma galaan, Tuug iyo umad waxeed isma galaan, RRU iyo shicib isma galaan, qof xil loo dhiibey in la caayo iyo wax toosi isma galaan , waa marekygii iyo Madaxeynanimo isma galaan, shaley wixii aad caayeysay manta amaan iyo umadnimo isma galaan.. All and All, Somalida iyo dadnimadu shaqo iskuma laha.

 

 

Alla mahad leh

Osman Omar Dool

Oslo Norway

 

 

 

Khilaafka Xisbiga Kulmiye Astaan Muujinaysa Xisbi Ku Fashilmay Hogaamintii Dalka,Taaba Galintii Dimuqraadiyada iyo Himiladii Fogayd ee Shacbiga

$
0
0

Mudo haatani laga joogo 23aad Somaliland waxa ay ku naaloonaysay nabad galyo marka laga reebo waqtiyo kooban oo dalku soo maray dagaalo sokeeyo oo laga dhaxlay dhibaato xoogan iyo burbur laxaadleh balse tan iyo wixii ka danbeeyay waqtigii loo gudbay nidaamka dimuqraadiga ah ee axsaabta badan Xisbiga haatan talada Somaliland gacanta ku haya ee kulmiye waxa uu ahaa xisbi ay ku midoobeen in badan oo ka mid ah siyaasiyiin caan ka ahaa gayigan Somaliland samaystayna shuruuc iyo nidaam maamul oo uu xisbigaasi ku kala danbeeyo taasi oo keentayna in doorashadii 2010 ka qabsoontay Somaliland uu xisbigu ku guulaysto taladii dalka oo waqtigaasi uu gacnata ku hayay Xisbigii UDUB ee taaba galiyay dimuqraadiyada dhalisay doorashooyinkii xorta ahaa ee dalka ka qabsoomay.

 

Guushii Xisbiga Kulmiye ku hantay talada dalka 2010kii waxay ahayd isbedel cusub  bulshadu indhaha ku kala qaaday maadaama oo xisbigani noqoday markii ugu horaysay talada dalka ay gacanta ku dhigaan asxaabta markaas mucaaridka ahayd waxaana xiligaas dhismaha xisbigu ahaa mid si ay isku wada mida isugu waafaqsanyihiin xubnaha xisbigaasi hogaankii xisbiga ee hore jiray.

 

Mudo bil ka dib ah markii madaxweyne Siilanyo talada dalka gacanta ku hayay waxa ku wareejiyay gudoomiyinimadii xisbiga Mudane Muuse Biixi Cabdi oo waqtigaasi ahaa Gudoomiye ku xigeenkii 1aad ee Xisbiga islamarkaana uu hore u jiray Heshiis Dhigayay in waqtiga talada dalka uu xisbiga Kulmiye Gacanta ku Dhigo lagu wareejiyo muuse Biixi Gudoomiyinimada Xisbigaasi.

 

Xisbiga Talada Haya ee Kulmiye mudadaasi ka dib ma uu ahayn mid ay wada shaqayn buuxdaa ka dhaxaysa Xisbiga iyo Xukuumada iyadoo ay soo baxayeen xubno ka tirsan Hogaanka Xisbigaasi oo uu ka mid ahaa Mudane C/raxmaan Cabdi Qaadir oo ahaa Gudoomiye Ku xigeenkii 2aad ee Xisbigaasi inay eedo u soo jeediyaan wasiiro ka tirsan xukuumada uu soo Dhisay Madaxweyne Siilanyo waxaana taasi ay dad badani isla waqtigaasba u arkayeen in weli xisbiga Kulmiye u haysto inuu mucaarid yahay oo dhexdiisa eedo isu jeedinayo.

 

Shirweynihii Xisbiga Kulmiye ee Dhacay sanadkii 2012 waxa uu noqday mid markii ugu horaysay dibeda u soo saaray cadaawada dhexdooda taala,Ninjeclaysiga iyo sida aanay dacaad uga ahayn in xisbigaasi noqdo mid sumacad badan sii yeesha ka dib markii shirweynaha dhexdiisa jidh dil iyo hagar daamooyin kale loogu gaystay Mudane Cabdi Raxmaan Cabdi qaadir Faarax oo ka mid ahaa Ragii Xisbiga Asaaskiisa iyo Dhismihiisa Gacanta Weyn ku lahaa.

 

Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilanyo waxa uu isku shaandhayno waqtiyo badan ku sameeyay golihiisa wasiirada iyo agaasimayaasha guud kuwaasi oo qaarkood eryay halka kuwa kalena ay iskood isaga casileen xilalkii ay hayeen taasina ma ay noqonin mida daawo u noqota tabashada shacabka iyo dareenada laga qabay wasiiro ka tirsan xukuumadaasi oo iyagu aanay saaamayn marnaba ku yeelanin eriga iyo isku shaandhaynta madaxweynuhu.

 

Si Kastaba ha ahaatee waxaa Mudo haatani Gaadhaysa Sanad Marba dib u dhac weyni ku imanayay Shirweynihii 3aad ee Xisbigaasi kaasi oo ay si weyn u hadheeyeen khilaafaad xisbiga dhexdiisa ah kuna taxaluqay doorshada hogaanka Xisbiga iyo musharaxiinta u matalilahayd doorashada lagu wado inay Somaliland ka qabsoonto sanada 2015ka .

 

Si Distuurka Xisbigaasi Dhigaayay waxa uu qorshahu yahay in mid kasta oo han leh Madaxda Xisbiga Kulmiye uu ku tartami karo Doorashada Hogaanka Xisbiga iyo Musharaxnimada madaxtinadaba balse waxaa muuqatay in qorshuhu u muuqday mid cid waliba dan gaara ka lahayd shirkaasi si qorshaheedu u guulaysto.

 

Dhanka Madaxweyne Siilanyo iyo Xubno ka tirsan Golihiisa wasiiraduba waxay qabeen in Muuse Biixi Sadka kaliya ee Helaa ay noqoto inuu ahaado gudoomiyaha Xisbigaasi halka marka shirweynaha xisbigu qabsoomana madaxweyne siilanyo noqodo musharaxa Doorashada Madaxweynaha ee aan cidi kula tartamin Xisbiga Gudihiisa.

 

Dhanka Muuse Biixi ayaa isna Qorshaha uu watay isaga iyo xubno ka tirsan Golaha wasiiraduna uu ahaa in marka la qabto shirweynaha 3aad ee Xisbiga Loogu Doorto Gudoomiyaha Xisbiga si uu awood buuxda ugu yeesho wax ka badalka iyo guda galka shuruucda xisbiga iyo waliba dhismaha golaha dhexe ka dibna isaga oo awoodaasi leh uu ku dhawaaqo inuu noqodo musharax madaxweyne oo xisbiga dhexdiisa kula tartama madaxweyne Siilanyo iyo cidii kale ee isla soo sharaxdaba.

 

Tan iyo markii Gudoomiye Muuse Biixi Cabdi Ku dhawaaqay hankiisa Musharaxnimo ee Xisbiga Kulmiye waxa ay si weyn uga xanaajisay garabka madaxweynaha oo u arkayay in muuse Biixi ku joogayo oo kaliya Gudoomiyanimada taasi oo ay bilaabantay olole hor leh oo lagu afduubayay dhismaha Golaha dhexe ee xisbigaasi iyo shir gudoonkii uu yeelanlahaaba.

 

In badan oo ka mid ah golaha wasiirada ee loo igmaday shaqooyinka qaran iyo baylahda shacabku waxa ay u muuqdeen kuwa ku mashquulay khilaafka cakiran ee xisbigaasi ka dhex taagnaa taasi oo dhalisay in qaarkood ku waayaan xilalkii ay hayeen halka hantidii qarankuna sida muuqatay si sharci daro ah ay ugu baxaysay kala jiidashada xubnaha golaha dhexe.

 

Shacbiga Somaliland waxa ay iyagu daawadayaal ka yihiin masrixiyada iyo gawaraca siyaasadaeed ee xisbigaasi ka dhex socda iyadoo ay taasi sii dheertahayna inayba ka ladi wayeen qaraxyo iyo rabshado rasaas laysu adeegsaday oo ka dhacayay caasimadii dalka horseedna ka yihiin xubno xisbigii dalka maamulayay ka mdi ah noqotayna waji gabax iyo waxaan shacabku hore uga baranin Xisbiga Kulmiye oo Muxaafida iyadoo hore loo ogaa in xisbigani waqtigii uu mucaaridka ahaa uu soo abaabulijiray mudaharaado rabashado wata oo ay kaga soo horjeedi jireen xisbigii talada hayay ee ka horeeyay ee UDUB kuna nafwaayeen rabashadahaasi in badan oo shacabka ka mid ahi.

 

Sumacadii Deganaanshaha iyo hanaankii Dimuqraadi ee Dalku waxa uu maalmahan u muuqday mid galay Mugdi siyaasadeed oo xoogan ka dib markii ay soo baxeen fadeexadaha Xisbigii dalka Hogaaminayay oo laba dhinac ah rasaas iyo hub culusna maatada dhexdeeda isu adeegsanaya.

 

Ugu Danbayntiina Fashilkani iyo Jahawareerkani Siyaasadeed ma noqonkaraa mid shacbiga la diifaysan diihaalka Sixir bararada,cunaqabataynada dhaqaale,abaaraha ka jira degaanada qaar iyo cashuuraha xad dhaaf ka ah dan u ah iyadoo intaas ay sii dheertahay in xisbiga Kulmiye Cagta Saaray Dhabaha dib u soo celinta nidaam ku dhisan qabiil oo xisbigaasina marka hada laga hadlayo xaqiiqada dhabata ah uu isku hayo waaxanad mooda in hada xaalkuba yahay maansadaii allaha u naxaristee abwaankii weynaa ii Ibraahim Gadhle ee ahayd Allahayow Doc Naageed Miyaad Igu Danbaysiisay.

 

Dayax dhacay, daleel qaawan oo, dugul madoobaatay,

Gudcur dama, habeen daaha rogay, deelalliyo foore,

Cirka oo daruurtii huwaday, fadadna doonyaystay,

Heegada daroortiyo xareed, dooxa soconaysa,

Dhankaan dayoba aashaa biyaha, dulundulcaynaaya,

 

Aniga oo dabayl iyo qabow, wada deddoonaaya,

Allahayow maxaan geel dib-jiray, kaligay doon-doonay,

Maxaa dawli aar iyo libaax, igu dinnaanneeeyay,

Dawac igu dhawaaqiyo shabeel, daafta iga raacay,

Dib u eegmadoodii maxaan, dogob galool jiidhay,

Maxaa lugaha diirkooda sare, diirtu iga leeftay,

Diihaalka baahida anoo, oon la ledi waayay,

Dermadaan ku jiifsaday anoo, duudka kala booday,

Deeq lagama quustee maxaa, dirirku ii hooray,

Maxaan doobigaygii ku shubay, Debec karuurkeeda,

Dambarkii markaan dhamay maxaan, kibir la daanshooday.

 

Allahayoow Dirxiiliyo maxaan, belo ka soo doogay,

Dunidaada Eebboow maxaan, nabad ku soo daaqay,

Allahayoow da’daan jiray maxaan, daawasho u joogay,

Arrinkii Duraayiyo maxaa, sheeko igu duuban,

Anigoo ahaan jiray dorraad, beel nin daaddihiya,

Dabo ma leh belaayee anoo, daanka qabanaayay,

Deeq iyo markay taagan tahay, doodda iyo baane,

Iyadoo rag ii daba socdoo, iga dambaynaayay,

Diyo iyo anoo qaar badnaa, dayn u kala qaaday,

Anigoo dadweynaha dhaqoo, nabad u daaweeya,

Derajada rag leeyahay anoo, daafta sare gaadhay,

Anigoon haween talo ka dayin, dirasho mooyaan’e,

Allahayow doc-naageed miyaad, igu dambaysiisay!

Doqon dheregtay maygu daaliyo igu damalaysay.

 

Gabbalkii markuu dumay illaa, dalalacdii waaga,

Anigoo darbiga yuururoo, debedda meeraaya,

Miyuu Shiikhi ii daakiroo, diiggi igu heesay,

Anigoon wakhtiga diiddanayn, doorba waxa jooga,

Anigoon damaaciyin nin kale, dahabka uu haysto,

Siduu doono yeeloow adaan, talada kuu daayay

 

 

Maxamed Cawad Maxamed

Burco Somaliland

Cawad2010@gmail.com /00252-2-4144847

 

Waxa La Gaadhay Waqtigii Isbedelka!

$
0
0

guMaanta wuxuu dalku marayaa meel adag, waxa daaha laga qaaday qabyaaladi, waxa xadhkaha goostay musuqmaasuqi, waxa god madaw lagu riday caddaaladi. Waxa la xakameeyay xoriyatal qawlkii saxaafada. xukuumada iyo xisbiga kulmiye waxaynu ka dhaxalay kala qoqob, eex iyo sinaan la’aan, waxa loo baahanyahay in caqlig iyo cilmigu shaqeeyo cida la rabo inay dalka samato bixisa waa aqoonta dhallinyarada. Xisbiga waddanina wuxuu aaminsanyahay in fikirka iyo aqoonta dhallinyarada dalka lagu horumarin karo, in dhallinyardu tahay lafdhabarta Somaliland, waana xisbi tixgaliya tallada, argatida, iyo fikirka tolmoon ee dhallinyarada. Somaliland way aragtay hogaaminta habawsan, horumarka dhalanteedka ah, ee xisbiga kulmiye iyo xukuumada madaxawyne siilaanyo gadhwadenka ka yahay, dalku wuxuu u baahnyahay isbedel haboon , somalilanda waxay u baahantahay hogaamiye samata bixiya oo sameeya horumar dalka wada gaadha , odhan mayno Waddni ahaan waxa soo hoori doona daruuro masno ah, ee waxaanu leenahay waxaynu heli doona maamul suuban oo saxan iyo dawlad Somaliland oo dhan deeqda oo ku hagta ummada midnimo sinaan, wada jir, waxa wada qabsi. Dhallinyarada Somaliland way dayacantahay maanta, xoogeeni aqoonteeni iyo labeentii dalkeenu waa kuwaa boqol boqol u tahriibaya ee badh magafe haytso, badh baddaha dhexdooda libaax baddeedka hilbahoodi ku casheeyey, badha waa kuwa yurub ku jira jeelasha caydh, kaamamka iyo qaxoontiga. badhna waa kuwa ku shaqada la’ dalka ee aan haysan jihayn, danayn iyo daryeel dawladeed. Ciideena hooyo waa laga curin karaa nolol ta yurub taal ka haboon, hadii la weeleyo cashuurta oo daacadnimo lagu hago dalka, maamul wanaag, dawlada danayaynsa shacabka iyo hogaamiye xilkasana la helo. mee balan-qaadki iyo fariimhi ololaha Kulmiye ee dhalinyarada rajada ku beeri jiray, Udub way tagaysa ha tahriibina, waxay ahayd ha tahriibinee kulmiye u codeeya markaad codaysaana madaxiin banaan. Miyaany sidaa ahayn? Madaxwayne meeday dhiiranaantadi, hiilkada u ahayd dhallinyarada iyo balanqaadkagi tolmoona, ma hadhka daarta madaxtooyada ku bedel, mise ujeedadu waxay ahayd in dhallinyarada salaan aad ku fuusho madaxtooyada kuu noqdaan. Dhallinyardu waxay xaq u leedahay inay hesho mustqabal hirasho leh, shaqooyin wanaagsan iyo nolol haboon oo la mida nolosha aynogooda dunida ku nooli ku dhaqanyihiin. waxaan hubaa oo aan aaminsanahay in aynu gaadhi doono himiladaas marka aynu helno hogaan inala aragtiya oo dhallinyarada la dareen iyo damqasho ah. Xiniinyo meel adagbay yaalan. maanta waa maalinti is bedelka, waa maalinti codku hiilin jiray, maku ciil baxna dhallinyarooy codkeena? nin dhallinyara oo aan la sheekaystay kana mid ahaa dhallinyaradi nafta u hurtay isbedelka dhalnteedka ah ee kulmiye ayaa I yidhi waxaan maanta is idha hadh iyo habeen mayska jarta farti aad ugu codaysay kulmiye! may iska jarimayno farahee istaaq furulaa ayaan leenahay. maantaba is bedelku horteenu yaal. Waxaan leeyay geedku kulmiye beeray hadh yeelan waa. Xukuumadu kulmiye dhalayna horumar iyo hirasho laga waa. Mudane madaxwayne ilmaha ku cagaagan laas qoray ilaa lawyo cado, hooyada ku haraadan bari ilaa galbeed, dhallinyarada aqoonyahanka ah ee ku bilaa camlaka ah gobolada iyo degmoooyinka dalka, dadka dayacan ee aan haysan adeeg bulsho, adaa lagu waydiinayaa oo masuul ka ah. Caddaaladi iyo sinaantaad ku dhaartayna waa xisaab taal. Xisbiga Waddani waa xisbi tallo waadag, waa xisbi loo yagleelay in Somaliland himiladeeda hungawday iyo horumarkeeda ragaaday sannadaha badan in lagag midh dhaliyo oo dalka lagu gaadhsiyo horumar waraa, waxaan hubaa oo aan aaminsanahay in xisbiga Waddani dalka samatabixn karo waxaan ku kalsonahay aqoonyahanka indheergaradka hagaaya ee hogaanka u haya. Dalka maw midawnaa? Somaliland horumarkeeda maw midawnaa? Gacamaha maysku qabsana sidii aynu u gaadhi lahayn yoolkeena? Haday haa tahay aynu taageerno oo cudud, cilmi iyo cuud gelino Xisbi waynaha waddani. dhallinyarooy ceelka cidba qoda cidna way u aydaa xisbiga waddanina waxa u aayi doona dhallinyarada somailand. Guul iyo gobonimo. Garabka dhallinyarada heer qaran ee xisbiga Waddani. Maxamed Sadiiq Dhamme Msadiiq@hotmail.com

“Niman Muhaajiriin ah ayay ahaayeen,Markii Danbena Mujaahidiin ayay Noqdeen Maanta Ma Waxaynu Nidhaahnaa Munaafiqiin” Suldaan Maxamed Cabdiqaadir DAAWO

$
0
0

MuhaajirHargaysa 02.June 2014 (SDN/QJ)- Suldaanka Guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan C.qaadir oo Maanta ka Hadlayay Kulan ay Salaadiinta,iyo Qaar ka Mid ah Madax dhaqameedka Beeshiisu kaga hadlayeen Xaalada Amaan ee Caasimada ayaa Luqad adag kula hadlay Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi iyo Ku Xigeenkiisa Maxamed Kaahin .

Suldaanku Waxa uu Dul Maray Sooyaalkii Siyaasadeed ee labadan Mas’uul oo ah Dhinacyada Khilaafka Kulmiye u dhexeeyo Waxaanu Sheegay inay ka Hijroodeen Xiligii Taliskii Siyaad bare dalka oo ay Noqdeen Muhaajiriin, markaa kadibna ay u Raacday Mujaahidnimo Waxa uu Su’aal Geliyay inay Maanta ku sifoobayaan Munaafiqiin marka laga Shiidaal qaato sida uu Yidhi Ficilo ay la Gole Yimaadeen.

Waxa uu Suldaan Maxamed Suldaan C.qaadir labadan Mas’uul Si Cad ugu Eedeeyay inay Mas’uul ka Yihiin Qaraxyo ka Dhacay Caasimada Hargaysa isagoo ku Hanjabay inaanay Cidna u daba Fadhiisanayn Nabadgalyada Caasimada.

Hargaysa SDN/QJ

contact@

Viewing all 6893 articles
Browse latest View live