Quantcast
Channel: Features – qurbejoog.com
Viewing all 6893 articles
Browse latest View live

Qashin Doortay Qashin

$
0
0

halku dhega maqaaladan waxaa ku tiraabay ruux muwaadin ah oo aan kula kulmay mid ka mid ah xaafadaha Hargeysa kaas oo ka xanaaqsanaa qashinka buux dhaafiyay dariiqyada magaalada, waxana uu intaa ku daray dadka sidan doortay iyo golaha ay doorteenba waa qashin.

masuuliyiinta dowlada hoose waxaad moodaa in aanay fahamsaneyn shaqadii loo doortay ee aasaasiga ahayd taa badalkeedana waxa ay ku mashquuleen dhulka anagaa xukuna iyo hawlo dhaqaale iyagoo ku fashilmay inay gutaan waajibkii ka horeeyay.

 

Hadaba marka aad magaalada Hargeysa maanta aad dhex marto waxaad ku arkeysaa qashinkii oo meel walba tuban dariiqyadii ayuu yaalaa xaafadahii ayuu hor wadhan yahay. Markaa awal bilic ayaa laga hadli jiray laakiin maanta waxa muuqata halis caafimaad oo noqon karta aafo ku soo fool leh dadweynaha ku dhaqan caasimada hadaan degdeg wax looga qaban.

Waxaan ognahay in ay hadda curanayaan roobabkii dayrta waxaana halkaa ka dhalan kara cuduro ay haboon tahay in laga hortago.

Waqtiyadii hore waxaa laga caban jiray qashinka oo goobihii loogu talo galay yaala immika taas ma jirto oo wadooyinkii la marayay ayaad ku turunturooneysaa oo wa la isla soo dhaafay.

Carradii nadiifta ahayd ee dabiiciga ahayd ayaa is dhalan rogtay.

Xaaladan saxo xumada iyo qashinka isbarkan waxa lagu tilmaami karaa mid mareysa heer fatahaadeed.

Hadaba maxaa u sabab ah maxaase loo baahan yahay si wax looga qabto.

Waxan ognahay in qashinka ay dowlada hoose ee caasimadu ku wareejisay shirkado gaar loo leeyahay kuwaas oo lacago xad dhaaf ah ka sameeya. Dowlada hoose waxaa looga baahnaa inay lahaato hab ay ula xisaabtanto shirkadahan kuna qiimeyso shaqada ay qabanayaan in sidii loogu talo galay u qabteen. Waxa ay shirkadahani ka urursadaan qoys walbana ka qaadaan bishii 30 000 shilinka Somaliland ah. Taasi waxa ay ku tusaysaa in aanay jirin tayo  aqooneed iyo waayo argnimo aanay lahayn dadkii masuuliyadan loo doortay.

Ugu dambeyntii waxaan ku soo gabogabeynayaa dowlada dhexe ee Somaliland oo u muuqata inay ka go´an tahay dhismaha dalka iyo wax ka qabashada baahiyaha waa in ay si degdeg ah u soo faragaliyaan arintan isla markaana ay ku kaabaan aqoon iyo xirfad lagu dhiso kabaasatiga golayaasha deegaanka. Si loo xaqiijiyo horumar isku dheeli tiran. Geesta kale waa in dadweynuhu ay lahaadaan hab ay ula xisaabtaan maamulka degaankooda, maadaama ay yihiin cashuur bixiye xaqna u leeyihiin sidaas.

Wabillaahi Towfiiq

Sakaria Abdi Sulub

Freelance journalist

Email: sekriasulub@gmail.com


Wiil La Xidid ah Qoyska Madaxda ka Ah Somaliland Oo Burco la Soo Galay Raxan ka mid ah Gaadiidkii, Ilaaladii iyo Dirawaliintii Madaxweyne Siilaanyo

$
0
0

 

Burco:27-March-2014(SDN-Waxa Habeenkii Xalay Magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer Soo Gaadhay Wafti Wasiirro ah oo Wato Wiilka uu Madaxweyne Siilaanyo Soddogga u yahay ee  Baashe Cumar Cawil (Moorgan) Loo Yaqaano, iyadoo  Halkaas Marayaan Raxan ka mid ah Gaadiidki Madaxtooyada iyo waliba Ilaalada Gaarka u ah Madaxweynah Qaranku.

Baashe-cum-300x157Xubnaha Wasiirrada ee Waftigan qaybta ka ah ayaa wax aka mid ah Wasiirrada wasaaraha Madaxtooyada Caafimaadka, Dibu-dejinta iyo Saraakiil kale kale oo si gaar ah ugu xidhan Madaxtooyada.

Sida ay Sheegayaan wararka ay Qurbejoog.com Helaysaa, waxa Waftigan Ujeeddadooda Lagu Sheegay sidii u Deegaanka War-cibraan oo ah Halka uu Baashe Moorgan ka soo Jeedo Uga Soo Dhagax Dhigi lahaayeen Mashaariic in Muddo ahba ay isku Maandhaafsanaayeen Madaxtooyada iyo  Wiilka Soddogga loo yahay oo si weyn ugu dhegsan in Wax qabad sedbursiimo u muuqda loo sameeyo Deegaanka uu ka soo Jeedo.

 

Baashe  Moorgan ayaa inta Badan ah Shakhsiyada Awood Muuqata ku leh Nidaamka Dawladeed ee Madaxweyne Siilaanyo, taas oo ay ugu wacantahay Marwada Qaranka oo Talooyin Badan weydiisa inkastoo aanu wax xil ah ka Haynin Xukuumaddan Haatan jirta.

 

Markii ay soo gaadheen Magaalada Burco weftigu ayaa la arkaayay isagoo wata gaadhigii ugu horeeyay waftigaas oo ah Baabuurtii khaaska ahayd ee madaxwaynaha, isla markaan ay saaranyihiin xubno ka mida  ilaalada gaarka ah ee Madaxweyne Siilaanyo, waddona darawalkii labaad ee madaxwaynuhu.

Arrimaha filan waaga ku Noqday Ciddii la kulantay Waftigan ayaa ah inay Goobta Marayaan Gaadiidkii Madaxweynaha iyo waliba Qaarka mid ah Dirawallada Khaaska u ah Madaxweyne Siilaanyo, iyadoo Qaar ka mid ah Shacabka Togdheerna Uba qaateen inuu Madaxweyne Siilaanyo Mar labaad dib ugu soo Noqday Magaalada Burco markii ay Gaadiidkiisii arkeen.

Baashe Moorgan oo ah Nin Qurbejoog ah ayaanay inta Badan Shaqada uu Madaxtooyada ka Hayo marka laga Reebo Xididtinimada Qoyska Caynkaanka dalka haya qeexnayn, waxana la Arkaa inta Badan marka Garoomada Diyaaradaha la Joogo, inkastoo aanu isagu Jeclayn in La Arko isagoo Madaxweyna Ku Dhaw.

Marar Badan ayaa ehellada iyo qaraabada kale ee Madaxweyne Siilaanyo ay talo ku soo Jeediyeen in Wiilkaas Xididka la ah reer Barbar looga Saaro Siyaasadda Dalka maadaama aanay Arrintaasi Dhaqan ahaan Wanaagsanayn, taas oo uu Madaxweyne Siilaanyo Garawshiiyo ka Bixiyey, balse waxa Si cad isu Hor Taagtay Arrintaas Marwada Koowaad ee Qaranka oo u sheegtay inay Jiraan Arrimo aan Looga Maarmayn oo  uu Madaxtooyada u qabtaa.

Baashe Moorgan Qudhiisu ma jecla inuu ka dheeraada Siyaasadda Dalka goobaha lagu jaangoynayo, waxana Uu Taas Taageero kaga Haystaa Marwo Aamina Waris, balse Hadalhaynta Dadka Shacabka ah  ayaa ku Badan Wiilka Soddogga loo Yahay ee Haatan isku Darsaday ilaaladii, dirawaliintii iyo Gaadiidkii Madaxweynaha Qaranka U Gaarka ahaa.

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

Xildhibaano iyo Wasiirro Safaf Dhaadheer u Galay Hambalyeyntii Siilaanyo ee Booqashada Gobollada Bari Oo Haatan Laga La Yahay Jawaab ay Ka Bixiyaan Gardarrada Puntland

$
0
0

Hargeysa:27-March-2014(SDN)-Inta Badan Xildhibaanada iyo Wasiirrada Somaliland kaga Jira Gobollada Bariga ee Sool iyo Sanaag, ayaa u muuqda kuwa Daawanaya Garddarada iyo Hadallada Deelqaafka ah ee Ka Soo Yeedhay Maamulka Puntland.

aqiWasiirrada Wasaaradaha Caafimaadka iyo Warshadaha ayaa laga Sugayey inay bixiyaan Jawaabta ugu Horraysa, maadaama Cidda  Somaliland Argagixisada ku sheegaysaa ay Yihiin Xubno ay isku Deegaan ka soo Jeedaan oo Raalligelinaya Maamulkooda, taas Beddelkeedana waxa ay Wasiirradaasi ku mashquulsan yihiin Arrimo kale oo Somaliland Gudaheeda ah.

Sidoo kale Xildhibaanada ka soo Jeeda Deegaanada Sool iyo Sanaag eek u jira Golayaasha Somaliland, ayaan marka laga Reebo Xildhibaan Indho-indho oo issagu ahaa Masuulkii ugu horreeyey ee Jawaab La yaableh bixiya  afxidhnaan kaga jawaabay Tallaabooyinka ay Puntland Halkaas ka waddo.

Arrimaha la yaabka leh ee Shacabka Xusuustooda ka Guuxaya ayaa ay ugu weyn tahay in ay Xildhibaanada Garddaradda ka aamusani ay Safaf Dhaadheer u galeen Hambalyeyntii Madaxweyne Siilaanyo ee La Xidhiidhay Booqashadiisii Bariga Dalka iyo waliba jawaab Siinta Mucaaridka dalka oo si weyn ugu Degdegaan.

Ilaa iyo haatan Wax jawaab ah lagama hayo hal xildhibaan oo ka soo Jeeda Golaha Baarlamaanka Somaliland ee u dhashay Deegaanaddaas Hadalku u badan yahay, waxana ay Shacabku wax iska weydiinayaan Muwaaddinimada iyo sida ay daacadda uga Yihiin Qaddiyadda Goonni isu taagga Dalka.

 

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

Human Rights Watch oo ku eedeysay dawlada Itoobiya in ay dhegeysato Mobilada qurbejoogta iyo shirkadaha ganta ka siiya oo la shaaciyay

$
0
0

Adis Ababa Mar 27,2014(SDN)-Hay’ada u dooda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa sheegtay in dawlada Itoobiya ay dhegeysato isgaarsiinta dadka ay u aragto in ay ka soo horjeedaan.

HRW ayaa sheegtay in dawlada Itoobiya ay gacan ka hesho shirkado isgaarsineed oo laga kala leeyahay dalalka China,UK,Itly iyo Germany.

Wasiirka Warfaafinta Itoobiya Ridwaan Xuseen ayaa sheegay  in eedaha HRW aaney aheyn qaar cusub isla markaana aan mudneyn in laga jawaabo.

Qurbejooga Itoobiya eek u nool dalalka UK iyo Mareykanka ayaa qudhooda sheegay in dawlada itoobiya ay computeradooda  ay dhigtay walxo ay ku dhegeystaan isla markaana ay kula socdaan dheq-dhaqaaqyadooda.

“Dawlada Itoobiya ayaa leh shirkada isgaarsiineed ee dalkaasi,waxaaney dhegeysataa shacabka iyada oo aan wax sharci ah u marin arinkaasi”sidaa waxa yiri Agaasimaha HRW Arvind Ganesan.

HRW ayaa sheegtay in shirkadaha caaalmka ee gacanta siiya Itoobiya si ay u dhegeysatom uwaadiniintooda looga baahan yahay in ay ogaadaan masuuliyadi in ay ka saran tahay qalabkooda.

SDN-Adis Ababa

contact@somalidiasporanews.com

Sahanka Shidaalka oo laga bilaabay Xeebaha dalka Soomaaliya

$
0
0

Muqdisho M ar27,2014(SDN)-Shirkada Soma oil iyo Gas ee dalka Britain ayaa biloowday in ay shidaal ka baarto xeebaha dalka Soomaaliya bishii hore bartamaheedii.

Dawlada Soomaaliya ayaa hore ugu fasaxday in shirkada Soma Oil iyo Gas in ay sahan shidaal ka sameyso dalka Soomaaliya.

Barta Internetka ee Bloomberg ayaa ka soo xigatay mid ka mida la taliyeyaasha sare ee dawlada Soomalaiya Cabdulaahi Xeydar  in dawlada Soomaaliya ay tixgelin doonto heshiisyadii dawladii dhexe ee Soomalaiya ay la gashay shirkadaha Royal Duch Shell,Chevron iyo Bp dagaalada ka hor.

Shirkadaha ayaa haatan wadahadalo kula jira dawlada Soomaaliya si ay dib ugu bilaabaan shidaal baarid iyo soo ssaridba.

Xaydar ayaa sheegay in kolka sahanka shidaalka la dhameystiro la bilaabi doono bixinta ogolaashaha shirkadaha ee shidaal soo saarida.

“Marka aan xal u helo arimaha u dheexaya dawlada dhexe iyo maamulada dalka ka jira isla markaana la ansixiyo shuruucda shidaalka waxaanu ku hanweynahay in la bilaabi doono shidaal balaarin”ayuu yiri Cabdulahi Xaydar.

Soma Oil and Gas ayaa haatan baareysa dhul baxaadiisu dhan tahay 20,000 km waxaaney qaadan doontaa 90 ilaa 100 maalmood.

Gobolka Geeska Africa ayaa ah goobaha ugu shidaal baarida badan sanadahan danbe caalamka.

Waxa lagu qiyaasay shidaalka ku jira Soomalaiya ilaa 100 billion oo foosto inkasta oo aan si dhab ah loo ogeyn.

Soomaaliya iyo dalalka bad iyo beriba la leh xadadka ayaa wax aka dhexeeya murano salka ku haya shidaal.

SDN-Muqdisho

contact@somalidiasporanews.com

Gudoomiyaha Ictiraaf raadinta Somaliland Mudane Subeer Maxame d cabdilaahi ayaa baaq u diray jaaliyada soomaliland ee Uk

$
0
0

London 27March14(SDN) Gudoomiyaha Ictiraaf raadinta Somaliland Mudane Subeer Maxamed cabdilaahi ayaa baaq u diray jaaliyada soomaliland ee Uk in Banaanbaxa 18 may ay fursad  fiican tahay  marka ay ku jiraan doorashooyinka Wadankan Uk sida  golahooda dagaanka markan oo kale wax walba way ogol yihiin oo waad tusi karata qadiyadaada iyo xagey mareyso ta kale waad ogtihiin mar kasta waliba weekenda   waa laga buuxa medai iyo dalxiiska kuwa u jooga ma ka dhamaadan bartahamaha london  mida kale warqada waa loo gudbiya uun fariinta oo ku socota Safiirka somaliland oo shegay inan aan la qaban karin banaanbaxa waxaan uu shegayaa safiirka somaliland ee in Hadaba xaflada waxaa u wacan in gabolada oo dhan la isugu yeedho si wax badan loogu ururiyo wadada ceerigaabo maha in xafad ka mida london lagu qabto waa in laga wada tashadaa gobolada uk maha in laga jahli noqodo Uk inta waxad oo ay ka koban tahay waxa kale oo uu iftimiyey dadka lehin ay Ogaadan dadka is leh wadada laga soo hor jeeda waad khaldan tihiin e wax weyn ayanu la rabna iyo in la isugu yimaado oo aan loo kala hadhin london oo kaliya lagu dayn
Wa bilaahi taawfiiq

989352_10202749922284528_1409158786_o

AL –ZIIZI oo iska casilay Hogaankii Ciidamadda iyo Wasiirka Difaaca

$
0
0

Masar,27,march,2014(SDN)-Wasiirkii Gaashandiga ee Wadanka Masar Cabdifataax Al-Ziizi,ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilayo jagadaasi.si uu Qalaanqal ugu yeesho U cararida Jaggada Madaxtinimadda ee Dalkaasi.

Ziisi oo ka hadlayay Tv-ga Qaran ee dalkaasi ayaa hadal uu shacabka ugu talogalay oo jeedyay waxa uu ku yidhi “Maanta waa maalintii ugu danbaysay ee aan hortiina taaganahay,aniga oo xidhan dharka Ciidamada.waxaanan go’aan ku gaadhay in aan so af-jaro muddo aan ahaa Madaxa sare ee Ciidamadda iyo Wasiirka Difaaca ee dalka”.

Waxa kale oo uu  daboolka ka qaaday in uu damacsanyahya in uu isu sharaxo jaggadda Madaxtinimadda,isaga ooh al ku dhig ka dhiganaya “ Doonista balaadhan ee Taageerayaasha, ayaa iga dalbaday  gaadhida mansab sharafeedkaa”. Waxaana uu ku balan-qaaday inuu samaynayo Dawladda uu ku sheegay mid ka madhan Cabsi iyo Argagixiso.

Arinta ayaa ka danbaysay kulan ay iskugu yimaadeen Hogaanka sare ee Taliska Militariga oo uu weheliyo Ra’iisal Wasaaraha Ku meel gaadhka ee Masar  Cali Mansuur.

Masar,SDN.

Contact@somalidiasporanews.com

Been ku hadli mayo haddii aan idin idhaahdo cid caawa garanaysa tiradii dadka iyo baabbuurtii wefdigaas, lama hayo

$
0
0

“Mus dalleena baa jira,

Bahal baa duddada tuban,

Demmenaanta ubadkayga,

Iyo Deylo lumisteeda,

Iyo dacawadeer buuxda,

Anigiyo dedaalkayga,

Markaan dayo ammuurtayda,

Daacadow laxdaydani,

Dar Alley ku socotaa,”

Maansada Dir-sooc, 1990kii ee Ibraahin-gadhle,

Haa….Ma hadda ayaynu soo miiraabaynaa……Misehadda ayaynu sii goosnaynaa…..

Safarkii Siigaale ayaynu hadda ka meydhannay. Weji-ku-macaashkii iyo hadhaagii sacabka iyo durbaannada ku mamay ayaa saacado shaqo ay isku muujiyaan helay. Madaxweyne xilkii saarnaa ee uu ku dhaartay is-yidhi gudo oo weliba aan si fiican u gudan ayaa caleemo loo lulayaa. Alla maxaa la shaqo beelay oo baahi darteed loo bahalo cunayaa. Wefdiga Hargeysa ka kallahay ee Seylac u hoyday. Seylac ka kallahay ee Berbera seexday. Berbera ka kallahay ee Xiis seexday. Ee halkee maray? Laba-dhegedkii Lughaya iyo waddooyinkii ‘Surveyga’. Halkaa wuxu kaga dhacay Cabdi-geeddi. Wuxu maray Ceel-sheekh iyo Bullaxaar. Berbera ayuu habeenkii labaad ku hoyday. Malaha laba habeen ayuu ku nastay. Banankii Madab iyo Goob Aare maray. Ceelashii Madab, Dhanso, Laaq-dheere iyo Duur-dhil sii maray. Aan takhaygii is-taagin. Dhuuxii Gambaxo iyo waayaha ka jiray aan u joogsan. Laasaski sida hillaaca ku maray: Laaso Muuse, Laaso Uur-weyn iyo intii kale ee aad ku dari kartaan. Gubanku galbeed ilaa bari waa dhulka ugu tabaalaha iyo tawsta badan Somaliland. Markaasaa lagu odhanayaa wefdigii Madaxweynaha ayaa maray. Waxaan soo xusuustaa maanso Cabdi Iidaan Faarax lahaa beydad ku jiray ay ka mid ahaayeen:

“Tanuu maray tanu shalay ka degay, tanna xaluu dhaafay,

Ma taraashib buu siday wuxuu, taray ma sheegaan e’,”

Miyaydaan maqal: “Gambo nimaan la soo bixin, haddii guulo lagu waabo.” Gu’ baas mooyiye, haddii aan garaadba inoo kordhayn sidee la ina odhan doonaa.

Xukuumaddeenna amaan-jecel safar iyo socdaal waa ka caynkaas. Dadkii ayay siigo iyo sooryo aanay karayn ku dishay. Been ku hadli mayo haddii aan idin idhaahdo cid caawa garanaysa tiradii dadka iyo baabbuurtii wefdigaas, lama hayo. Habqanka iyo aabbahay-goblantu waa caadadood ee ceebtood ma aha. Safarrada ay dibadaha ugu baxaan ayaaba laga yaabay, waaba se mid gudaha ah.

Ku-ye, Berbera ayuu ku dabbaashay. Waa run oo waa la wada arkayay. Bal se muxuu ka yidhi badda iyo Batalaale? Dabbaashaa dabbaashii uga horreysay goor ma ayay ahayd? Xaggee ayay ahayd? Maxay labada dabbaalood ku kala duwanaayeen? Weedhahaas ayaa xayaysiis wanaagsan inoo noqon lahaa, bal se wax tiraab ah Odeyga kama haynno. Safarka oo dhan ayaan laga hayn. Markaa muxuu macno lahaa dee? Waa hawl idiin taal. Mise aniga ayaad iga sugaysaan?

Xukuumaddii waa taas. Saa waa Xisbigii? Waa kee? Waa Kulmiye. Ma Shirweynihii? Oo ma Shirweyne ayaa la qaban karayaa? Waa markii immisaad ee ergo dibadda ka timid iyaga oo aan Shirweyne gelin iska noqonayaan. Xisbiga caynkaas ah ee weliba sheeganaya in uu taladii dalka hayo, ayaa haddana qabsan kari la’ Shirweynihiisii uu qabsan kari jiray isaga oo mucaarid ahaa. Xataa berigaa, waxba lama qaban jirin ee magac-u-yaal ayay kulammadu ahaayeen iyo hugunkii ‘Kacaankii Oktoobar’ wax ka liitay. Maantana kaba sii daran.

Dar madhan ayaa lagu loollamayaa. Waa la iskala tegay Dastuurkii xisbiga. Waa laga jaqaafiyay Dastuurkii Qaranka. Duruustii Macallinkii galbaday iyo qabyaaladdii lagu go’ay ee lagu goblamay ayaa godadkii loo doontay. Ii cug iyo Cirka ayaa xaal taagan yahay. Ii cug: Laba reer Qadhoon. Ii cug: Afar reer Quwaax ah. Halkaaba la islama dhaafayo. Wixii xigaaba waa: Goor ma ayay reer Quwaax ka bateen reer Qadhoon iyo ma idinkaa na gaadha. Sidaas ayaa reerihii kalena ku maqan yihiin.

Dastuurka Qaranku wuxu qorayaa:

Qodobka: 9aad, Faqraddiisa 2aad: Tirada xisbiyada siyaasiga ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland kama badnaan karaan saddex (3) xisbi,

Faqradda 3aad: Iyada oo xeer gaar ahi habayn doono qaabka loo furan karo xisbi siyaasi ah, waxa reebban in xisbi lagu dhiso gobolaysi iyo qabyaalad.

Weli ma is-weydiiseen su’aasha ah horto Kulmiye xisbi ahaan ma u jiraa? Meeday Guddidii Diiwaan-gelinta ee geeddi-socodka dimuqraadiyadda ilaalain jirtay? Iyaduna ma dubuq tidhi? Ma hay’adaha la cunay ee la calaashaday ayaynu ku darnaa? Maxay uga hadli waayeen waxan socda iyo xisbigan duhurka cad jibsinta u kala baxay?

Dastuurka Kulmiye wuxu qorayaa in Shirweynaha xisbiga afartii sannadoodba mar la qaban karo. Shirweynihii ugu dambeeyay Maarj, 2008kii ayuu ahaa. Malahayga Qodobka 24aad ee Dastuurkooda ayuu ahaa. Wuxu intaa ku darayaa in Golaha Dhexe hal mar muddo lix bilood ah dib u dhigi karo. Marka aynu Dastuurkaa xisbiga Kulmiye raacno, Kulmiye xisbi ahaan ma u jiraa mise waa xisbi waayaha ku milmay oo ka jaqaafiyay saaxadda siyaasadeed? Waa su’aal ina wada hor taal. Xaggee lagu arkay xisbi iska odhanaya mar kasta Shirweynihii ayaa dib u dhacay? Yaan Gole Dhexe ahayn ee Shirweynaha dib u dhigi karta.

Golihii Guurtidu waa uu arkayaa. Golihii Wakiilladu waa ay arkayaan. Gaarsoorkii waa uu arkayaa. Xisbiyadii Mucaaradka ahaa waa ay arkayaan. Saxaafaddi waa ay arkaysaa. Dadweynihii waa ay arkayaan. Haddana cidi kama hadlayso. Horumar iyo dimuqraadiyad in laga hadlana waa la donayaa.

Su’aasha Khamiislahani waxay tahay:

Kulmiye, xisbi ahaan ma u jiraa? Maxaad ku sababaynaysaa? Immisa jeer ayaa Shirweynihiisa dib loo dhigay? Yaa u dhigay? Yaa awood dastuuriya u leh in uu Shirweynaha dib u dhigo? Haddii uu Shirweynihiisa qabsan kari waayo ma xisbi jiraa? Maxaa inooga xeer ah?

Kuwaa iyo kun su’aalood kale ayaa jawaabo inaga sugaya haddii aynaan is-yeel-yeelayn.

SNM, saaxadda siyaasadda waxay ka baxday markii ay qabsan kari weyday Shirweynaheedii 7aad oo ku beegnaa Meey, 1993kii. Xisbiga Kulmiye miyuu ka duwan yahay? Miyaanu xeerkaasi qabanayn. Iyagaaba soo halgamay oo naf iyo maalba soo huray ee maxaa lagu haystaa?

Dhammaad, waa inoo Tirsiga 8aad, haddii Eebbe idmo.

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale- cankaabo@hotmail.com, www.dharaaro.com

27/3/2014ka, Hargeysa,

 


Every time Kulmiye party has overcome from crisis, the party falls to another crisis deeper or worse than the earlier one

$
0
0

The word crisis originated from Greek origin and it is an unstable and dangerous situation affecting an individual, group, community, or whole society. Crises are deemed to be negative changes in the politically, socially or economically. Crisis is the situation of a complex system (family, economy, society) when the system functions poorly, an immediate decision is necessary, but the causes of the dysfunction are not known. Situation of a complex system – simple systems do not enter crises. We can speak about a crisis of moral values, an economical or political crisis, and function. The system still functions, but does not break down. An immediate decision is necessary to stop the further disintegration of the system. A personal crisis can occur when events of an extraordinary nature trigger extreme tension and stress within an individual which require major decisions or actions to resolve.

 

A crisis situation can revolve around a dangerous situation such as extreme weather conditions or a medical emergency or long-term illness. A crisis can also be related to a change in events that comprise the day-to-day life of a person and those in their close circle. Such situations may be loss of a job; extreme financial hardship; alcoholism or addiction and others. With regard the current issue of my concern, it is certain and no thought that, the current government has achieved successive progress for almost all domains necessary for human development and the last one is trip in which the president and his delegation have traveled across the whole country from west point Saylac to far east point Lasqoray to see from witness point of view the circumstance and the living conditions for the people lived for the places visited, so that the assistance required by these people be extended to them.   

 

Despite of this progress, it is unfortunate the party that formed the government has not parallel moved along the direction of the government which paved the progress mentioned in the above. Every time the Kulmiye party has overcome from one crisis, the party fall another crisis more dangerous than the previous crisis. This indicates that, this party does not have common interest, but group, personal or tribal interest.

Many times in the past, the party crisis was resolved after the intervention of the government. At present their current crisis what spoiled the party image in the front public will not be solved unless the government leadership intervene. The reason that we establish the political parties is to immigrate from tribal society to democracy society based on parties system.

It is unfortunate that, the party has put into practice for the old tribal ideology based on tribalism in which the society was developed from. This  generates the need to revise the party policy to beautify its image which is heavily damaged.           

 

ismail Yousuf.

rabasoro55@hotmail.co.uk

Sharkada Sky Moon Travel ee Xarunteedu tahay London oo kuu bilaawday tigidho jaban Dhamaan Qaradahaa Aduunka oo Dhan

$
0
0

London08March14(SDN) Shirkada SKY Moon Travel oo xarunteedu tahay London ayaa waxay  bilaawday inay jarto tigidho jaban oo aad ku tagi kartid wadankii adiga oo kala soo xiriiri kara teleefonada hoos ku qoran.

Telka:00447506629724

10157336_10203427417947630_650959063_n

Qurbojoogta: Oo Ka Welwelsan Go’aanka Dowlada Kenya Ku Gaartay In Qaxootigu Ka Baxo Nairobi

$
0
0

Minneapolis Mar 28,2014(SDN)-Waxaa qaar ka mida Qurbojoogta degan magaalada Minneapolis, ee gobolka MN, ee dalka Maraykanka ee aan la hadlay ka muujiyeen walaac aad u wayn go’aankii ay dowlada Kenya ay ku amartay in qaxootiga degan magaalooyinka in ay ku laabtaan ama degaan xeryaha qaxootiga loogu talagalay. Taas oo ay dowlada Keyan ku tilmaantay in ay uga hortagayso falalka argagaxisanimada ee hore u dhaci jiray.

Qurbojoogta oo aan anigaba aqristow ka mid ahay, ayaan intooda badan ku noolaa dalka Kenya ka dib markii uu dhacay dagaalkii sokeeye 1990kii. Sidoo kalena, waxay intooda badan ka soo baxeen dalka Kenya, iyada oo ay intooda badani qaar ka mida eheladoooda ay waqtigaan xaadirka ah ku nool yihiin dalka Kenya, ha ahaadeen kuwo ay gadaal iska heleen ama kuwo gadaal ka yimi.

War ay qortay shabakada BBCda, isla markaana ay idiin soo gudbisay qurbejoog.com ayaa wax ay sheegtay in Wasiirka arimaha gudaha ee dalka Kenya Joseph Ole Lenku uu yiri in amarkaan sababta loo soo saaray ay tahay arimo degdeg ah oo la xariira nabadgelyo darida dalkooda soo foodsaartay. Waxaa uu Wasiirka intaas ku daray in qaxootiga degan magaalooyinka ay iska xaadiriyaan Dhadhaab ama Kakuuma. Wasiirka oo cadeeyey in la joojin doono meelaha ku yaala magaalooyinka ee lagu diiwaangeliyo qaxootiga degan ama soo gaara magaalooyinka. Isagoo yiri “kuwa go’aanka ku xadgudbana, waxaa lala tiigsanayaa sharica”

Wasiirka oo intaas ku daray in qaxootiga degan magaalooyinka ay iska xaadiriyaan xerooyinka Dadaab iyo Kakuma oo ku yaal Bariga iyo Waqooyi-Bari Kenya. Waxaa lagu qiyaasaa qaxootiga degan Dhadhaab ilaa nus milyan, halka 100,000 oo qaxooti ah ay degan yihiin Kakuuma.

Dhinaca kale, waxa ururka loo yaqan Refugee International ee laga leeyahay dalka Maraykanka ayaa ka codsaday in dowlada Kenya ay ka laabato go’aankeedi. Waxaa uu ururkaas yiri “sanado badan bey si deeqsimo leh Kenya usoo dhawaysay qaxootiga Soomaalida, taas oo u ogolaatey in qaar badan ay gaaraan isku filaan, iyaga oo isla markaana wax ku soo kordhiyey dalka Kenya. Go’aankaan oo inatusaaya isbadel welwel leh johadiisuna ay qaldantahay, in uu meel maro ma aha”.

 

Waxaa tafatiray: Mohamed Barre – junlay “Buluf”oo wax ka qora arimaha Soomaalida, degana magaalada Minneapolis, MN – Junlay99@aol.com

Sababta Dr Macow Loo Xidhay Oo Iskugu Biyo Shubatay Masuuliyiinta Wasaaradda Caafimaadka iyo Koox Dhakhaatiir ah oo Heshiis ku ah Dhiig-miirashada Danyarta

$
0
0

Hargeysa:28-March-2014(SDN)-Waxa uu war ka soo Baxay Sababta Rasmiga ah Ee Dawladda Somaliland u xidhay Dr Macow oo Dhawaan Xarun Caafimaad ka Furtay Magaalada Hargeysa, kaas oo La Qabtay Xilii Uu Doonayey inuu  Bilaabo Shaqada Xaruntiisa Cusub.

macowCiidanka Booliska ayaa Taxaabay Diktoorkan xilli ay Dad Badan oo Dalka ku dhaqani sii Goosteen Tigidhada Loogu Gelayo ka hor intii aanu Iman, waxana La Sheegayaa inay Xadhigiisa ka Dambeeyeen Koox Dhakhaatiirta ugu Waaweyn Dalka ah  oo Adeegsanaya Masuuliyiinta Wasaaradda Caafimaadka.

 

Sida ay sheegayaan wararka Hoose ee ay Helayso Qurejoog.com, waxa ay Dhakhatiirta waaweyn ee Hargeysa ku Sugani ka War heleen in dad aad u tiro badani iska Diiwaan geliyeen Xarunta Diktoorkani ka Furtay Hargeysa, taas gelisay shaki ah inay Gacantooda si fudud uga Bixi karaan Dad ay haatar ka hor haysteen oo aan Haysanin meel kale oo ay Tagaan, waxana ay Markiiba Wargeliyeen Masuuliyiina Wasaaradda Caacimaadka oo ay Saaxiibo dhaw ku yihiin inay Dadka Liita iyo Noloshoodu Hoosayso Ka Cararaan Daaweyntooda iyo daryeelkooda.

Dhakhaatiirtan ayaa si Midaysan ugu tegay Wasaaradda Caafimaadka, waxana ay u sheegeen inuu soo Socdo Dhakhtar ay Dadka Badidiisii ku jabeen isagoo aan dalkaba imanin,  taasina ay Halis ku hayso Dakhligii ay heli jireen oo Dabcan Xubno wasaaradda Caafimaadka joogaana  Wax laga soo Gaadhsiiyo iyadoo laga cararayo in Umadda loo shaqeeyo oo Cisbitaalka Weyn la Fadhiisto.

Masuuliyiinta Wasaaradda Caafimaadka oo ay kow ka Tahay Wasiir-ku-xigeen Nimco Xuseen ayaan ka Laba labaynin Taladaas uga Timi Kooxdaas Dhakhaatiirta ah ee ay isku Xidhan yihiin, waxana ay Markiiba Maleegeen Dabin Dhakhtarkan lagu Nashuushadaynayo, kaas oo ah inaanu sifo sharci u marin Xaruntiisa Caafimaad ee uu Magaalada Hargeysa ka Furtay.

Wasaaradda caafimaadka ayaa intaas ka dib Amar siisay Ciidanka Booliska, waxana la Soo qabtay Diktoorka oo Markaas uun wadanka yimi, isla-markaana ilaa iyo Hadda ku jira Gacanta Ciidanka Ammaanka Somaliland oo aan sheegin sabab ay ku haystaan.

Masuuliyiinta wasaaradda Caafimaadka ayaa la sheegaa inay si dhaw iskugu xidhan yihiin innta badan dhakhaatiirka waaweyn ee Somaliland ka shaqaysata, kuwaas oo ay ku shuraakoobeen inaanay dhakhaatiirtaasi imanin Xarunta Cisbitaalka Guud ee Hargeysa oo haatan ka Hor ay Khasab ahayd inay u soo Shaqo tagaan, balse Muddooyinkii dambe Dhakhaatiirta waaweyni waxa ay ku eg yihiin xarumahooda Gaarka ah, mana Tagaan Cisbitaalka Guud  maadaama ay Masuuliyiinta ku Laaluusheen inay ku sugnaadaan Shaqadooda Gaarka ah.

Dr Macow ayaa ah Qurbejoog dalal ku yaalla Yurub iyo maraykanka ku leh Xarumo Caafimaad, waxana inta Badan uu ku shaqaystaa Khibradd iyo waayo aragnimo uu Caafimaadka u leeyahay oo dad badani ku Amaamaan.

Sida ay sheegayaan wararka la xidhiidha Sababta keentay inuu Diktoorku helo Tiro dad ah oo aad u tiro badan xilli uu dalka dibadiisa ku maqnaa, ayaa sheegaya in inta   badan dadka is diiwaangeliyey ay talooyin ka heleen Ehelladooda oo yurub joogo, kuwaas oo kula Taliyey inay ka Faa’iidaystaan Imaanshiyaha Dr macow ee dalka.

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

Baydhabo oo lagu doortay Madaxweynaha Maamul Goboleedka Koonfur-Galbeed ee Soomaaliya

$
0
0

Baydhabo Mar 28,2014(SDN)-Waxa magaalada Baydhabo lagu doortay madaxweynaha maamul Goboleeedka Koonfur Galbeed ee dalka Soomaaliya Maxamed Xaaji Nuur oo ka koobnaan doonaan gobolada Bay Bakool Gedo, Shabeelaha Dhexe,Jubooyinka Hoose iyo Dhexe.

Shirka madaxweynaha lagu doortay oo magaalada Baydhaba ka socda mudo ayaa wax aka qeybgalay in ka badan 700 oo xubnood.

“Waxaan ka shaqeyn doonaa amniga degaanadan la ii doortay in aan hogaamiyo waxaana la dagaalami doonaa kooxda Al Shabaab ee weli ku sugan degaanada qaar” ayuu yiri Madaxweyne Maxamed Xaaji Nuur doorashadiisii ka dib.

Shirarkii lagu soo dhisay maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa wax aka dhashay khalalaase faro badan oo dhimasho sababay.

Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan oo damac ka lahaa hogaanka maamulkan cusub ayaa Baydhabo isaga baxay ka dib kolkii uu muran siyaasadeed dhexmaray madaxweynaha cusub.

Dawlada Soomaaliya Ayaan ka hadal dhismaha iyo madaxweynaha cusub ee Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.

SDN-Baydhabo

contact@somalidiasporanews.com

OGEYSIIS : Dhamaan waxaa la ogeysiinayaa Dadka reer UK Habeenkii bandhig faneedka faarax murtiile hamoogaan oo haka maqnaan 29 march 2014 sabtida

$
0
0

LondonWaxa dhamaan la ogeysiinayaa Bulsha waynta reer Uk in loo qaban doono Bandhig faneed aad uxiiso badan oo loogu  magacdarey ama loo bixiyey ( Habeenkii bandhig faneedka faarax murtiile hamoogaan oo haka maqnaan 29 march 2014 sabtida ) 

Hadab ha moogaan Bandhigan oo ah mid aad uqiimo badan oo aad ka heley Fan ,Suugaan ,Maad iyo Madadaalaba.
ogeysiis

Haayadda la dagaalanka musuqmasuqa ee fadhigeedu yahay London oo ku baqday Bulshada reer Somalilanad Gacan ka siiso la dagaalanka Musuqmaasuqa

$
0
0

28March14(SDN) Ujeedo: Warsaxafadeed iyo codsi ku socda dhamaan shaqalaha haay’aadaha iyo wasaradah iyo Wakaaladaha Jamuuryada Somaliland gaarahaan Shaqaalaha waaxaha Maamulka lacagta iyo Mashariicda kala duwan ee ka hawlgala haayadaha Dawliga ah ee puplica ah/ kuwa gaarka loo leeyahay ee private ka ah iyo kuwa aan dawlihga ahaayn ee NGOs loo yaqaano, siiba kuwaa qaata koontragyada(contractorska) dawlada somaliland ka qaata koontraagyada iyo UN/World bank .

Iyadoo la wada ogsoonayahay inuu musuqmasaq boob iyo laaluush uga socdo wadanka si bilaa xada
Oo aanu wadanku waligii gaadhin ama aaynu kujirno wakhti musuqmasaqu noqday wax iska caadiya iyo in lagu faano in la lunsado xoolaha ummada ka dhexeeya ee qasnada sanduuqa dalka oo aay dadka xilalka hayaa aay sidaay rabaan ugu tagri falaan xoolaha ummada oo aay musuqmasaqaan xilka ummadu u dhaarisay ee ay ku aamintay, iyada oo aay caadasteen laaluush iyo hanti lunsi aanay islahaynba cidbaa idin arkaysaa, musuqmasaqan oo ah mid lid ku ah wax wayna yeelay ama yeeli doona hadaan laga hortagin gooni isutaag somaliland iyo inaaynu noqono dawlad caalmka laga aqoonsado waxa lagama marmaan ah inaaynu meel uga soo wada jeedsano musuqmasaqa iyo laaluushka iyo kuwa cadastay inaay hantida maguuranka ah ee umada lunsadaan ooy si bilaa xishooda u boobaan.
Sidaasi darteed waxaanu bulshada xalaashah ah ee reer somaliland meelkastooy joogan aanu ugu baqaynaa wax alla waxii ku saabsan musuqmasaq iyo lunsi hantida ummada inaay noo soo sheegan oo soo report gareeyaan.anagoo ugu balan qaadayna in warbixinta aay nasiiyaan anu xafidi doono ooy noqondoonto (private and confidential ) islamarkaasina qofkastaba warbixintiisu aay amaano noo noqoto isaga oo ogolaada inaanu magacwdo mooyee.
 Waxa kale oo aanu Si gaara u Codsanaynaa dhamaan shaqaalaha dawlada inaay nala soo xidhiidhaan ooy na soo wargaliyaan soona gudbiyaan wax ala waxii akhbaara ee ku salaysan maamul xumo musuqmasaq iyo laaluushqadasho iyo lunsi hantida ummada iyo waxii la halmaaala..wasaradaha aanu sida gaarka ah u danaynaynoo in nalooga soo waramo waxa kamida.
1) Wasaarada Madaxtooyada ee uu hogaamiyo Xirsi xaaji cali.
Qaaybta Maamulka lacagta iyo qandaraasyada, waxaanu ka codsanaynaa shaqaalaha sharafta leh ee wadaniyiinta ah ee wasaarada madaxtooyada ka shaqeeyaa inaay na soo siiyan wax alla waxii musuqmasaqa ee ummada somaliland iyo dalkaba wax yeeli kara ee ka socda wasarada madaxtooyada.
2) Wasaarada Maaliyada ee uu hogaamiyo Sheekh Samaale  :Qaaybta Maamulka lacagta iyo qandaraasyada, iyo Xisaabadka cashuuraha gobolada/ Dakadaha/Airport/ports/raashinka/Gaadiidka/Guryaha/qaadka/Shirkadaha waawayn haddii wax cashuura laga qaado iyo hadii aay laaluush bixiyaan cidaay siiyan iyo sida aay u bixiyaan.
Waxa kale oo aanu baadi goobaynaa faahfahin ku sabsan Miisaniyadeed sanadeedkii 2013/2014 iyo lacag ku maqan wasiirka maliyada oo ku dhaw $100.000.000 millions,
fadlan haddii aad Kashaqayso Wasrada madaxtooyada ee somaliland/ ee xirsi xaaji cali
ama aad ka shaqayso Wasarada maaliyada ood xog culus haayso fadlan nala soo xidhiidh. warbixintaduna waa aamin. Waxaanad ku soo hagajin kartaan waxii information ah amaba warbxin ama xog aad haysaan. emailkan.
WAXII XOGEED KA HAYSAN WASARADAHA KALE/ MASHARCIIDA WORLD BANKS/NGOs/ fadlan nasoo siiya iyagana.
London UK

Daawo Sawiro…Xarun cusub oo TVGA Somsat ka furtay magaaladda London iyo Jaaliyada Somaliyeed oo si mugleh uga soo qayb gashay qaybaheeda kala duwan

$
0
0

London29March14(SDN)Tvga Somsat ee xaruntiisu tahay caasimada labaad ee wadankan uk ee Birmiham waxay xafiis cusub ka furteen caasimada wadankan uk ee London xaruntan ayaa waxay noqonaysaa xarun muuhima oo goobta laga furay xafiiska aya noqonaysa xarunta ganacsiga badan ku leyiihiin jaaliyada somaliyeed ee ku dhaqan wadankan xafladan ayaa waxa ka soo qayb galay jaaliyada soomaliyeed qaybaheeda kala duwan iyo saxafada madaxa banaan oo si mugleh uga muqatay.

halkan ka daawo sawiradii xaflada oo qurbejoog.com idiin soo diyaarisay.

IMG_8288 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

IMG_8278 IMG_8271 IMG_8269 IMG_8258   IMG_8239 IMG_8237 IMG_8232 IMG_8231 IMG_8216 IMG_8215 IMG_8207 IMG_8205 IMG_8195 IMG_8193 IMG_8189 IMG_8175 IMG_8164 IMG_8163 IMG_8161 IMG_8160 IMG_8136 IMG_8106 IMG_8083 IMG_8081

 

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Taliyeyaasha Ciidanka Qaranka,iyo Booliska oo Jabuuti u Kicitimay Ka Daawo Qurbejoog.com

$
0
0

Hargaysa 29.March 2014 (SDN)- Wefti uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancade, islamarkaana uu wehelinayo Taliyeyasha Ciidamada Qaranka Sareeye Gaas Ismaaciil Maxamed Shaqale,Booliska Sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan ayaa maanta u kicitimay dalka Jabuuti. Weftiga ayaa u jeedada socdaalkooda ku sheegay mid khuseeya iskaashiga Xuduudaha iyo amaanka.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

 

Wasiirka Caafimaadka iyo Wasiirul dawlaha Waxbarashada oo Tegay Bogcada uu Madaxweyne Siilanyo ku Dhashay ka Daawo Qurbejoog.com

$
0
0

Dharyaley 29.March 2014 (SDN)- Wasiirka Wasaarada Caafimaadka ee Somaliland Dr Saleebaan Ciise Axmed Xaglo Toosiye iyo Wasiirul Dawlaha Wasaarada Waxbarashada ee Somaliland Mudane Axmed Nuur Faahiye iyo Mas’uuliyiin kale ayaa Maanta dhagax dhigay Xarumo Caafimaad iyo Kuwo Waxbarsho  oo laga hirgalinayo Deegaanka Dharyaley oo ka Tirsan Gobolka Togdheer .

Deegaankan ay Mashaariicda Caafimaad iyo Kuwa Waxbarasho ka Hirgalinayso Xukuumada Somaliland ayaa ah Halka uu ku Dhashay Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo.

Dharyaley SDN.

Qurbejoog@gmail.com

 

“Walbahaarka Jacaylka iyo War la’aanta Indhoolka” Sheeko Taxane ah Qaybtii 1aad (DHAGAYSO}

$
0
0

Hargaysa 29.March 2014 (SDN)- Waa Sheeko Jacayl iyo Waayo la soo Dersay Nin araga Naafo ka ah Looguna Wanqalay “Walbahaarka Jacaylka Iyo War la’aanta Indhoolka” Waxay Sheekadani ku Dhacday Nin lagu Magacaabo Maxamed Cabdi Wabax.

Hadaba Shabakada Qurbejoog.com Waxay la Socodsiinaysaa dhamaanba Akhyaarta ku Xidhan inay Si Toos ah Sheekadan oo Xiise Badan Suugaan door ahna Wadata inay Idiinku soo Gudbinayso Waxaa inoo bilaabmaya Maanta Qaybtii 1aad ee la Socod Wanaagsan.

GUJI HALKAN OO MOBILKAAGA KA DHAGAYSO SHEEKADAN OO XIISO BADAN


Hargaysa SDN.

Qurbejoog@gmail.com

YAA YIDHI SOMALIDII HORE JACEYLKA MAY AQOON? MISE JACEYLKII AYAA WAX LAGA BADDALEY?

$
0
0

Dadkii ugu gobsanaa Adduunka waxa ay aheeyeen Somali, waxaa loogu hal qabsan jirey dad aan xaqiraadda aqoon oo waxaa lagu tilmaami jirey dad aan midab kala sooca aqoon waxay tusaale u ahaayeen dad sharaftu iyo sumacddu uga qaalisanayd buuro dheeman iyo dahab ah waxay ahaayeen dad yar iyo waynba is ixtiraamid, is qadarin iyo isu turid ka dhaxaysay.
Kal gacalka iyo Jaceylku waxa uu ka gaadhey xad qofka socotada ah ee reer soo mara aanu ka tagin isaga oo farxad, rayn-rayn, tamashleyn, dharag iyo haraad baxba aan ciil u qabin.
Waad iga xasuus dheer tahay ayaa laga yaabaa oo inaad durtaba gadaal milicsatey Ayaan u malaynayaa laakiin Gobanimada iyo sharafta aan sida khaaska ah uga hadlayaa waxay tahay: Sharaftaa, kalgaceylkii, Maamuuskii iyo Mudnaantii uu lahaa JACEYLku! Oo tolow waa jaceylkee jaceylkaa aan xood-xoodinayaa? Ma mid kan imika ka duwanbaa? Oo muxuu kaga duwan yahay?
Haa su’aalahan wey ku soo dhacayaan Maskaxdaada laakin hawlo ma jeclid inaad isku furto ood ka fekerto! Dhinaca kale ka eeg oo Maanta Sharafta jaceylku waa maxay? Ma in xuuraanka la galo oo gaadhi la kaxaysto ama wadooyinka la lugeeyo oo la isku jaakidhaa? Waxaan adeegsanayaa Erayada ay dhalinyarteena manta wax ku cabirto, Xuuraan, Jaakidhaad, Tirris iyo qaar kaloo badan, kuwaas ayay ku cabbiraan jaceylka roodhi kawda, Mee Jaceylkii Aabo iyo Hooyo kugu soo bar-baariyeen? Hadalladii iyo naxariistii yaraantii laguu lahaa imikana laguu leeyahay Jaceyl maaha miyaa?
Mise Jaceylka waxaad u taqaanaa kan todobaadka ee marka la iska gun gaadho la is aqoon? Subxan!
Runtii waxaa dhalinyarteenii ku soo badanaya Macsida iyo Khiyaali xad dhaaf ah oo maarayntiisu adagtahay waqtigan, yaa u hiil ah dhalinyartii manta? Wey jahawareereen talaabadoodii way ka gaabiyeen Melna ma haystan, yaase yidhi Somalidan waa ilbax? Ma sidanaa ilbaxnimadu? Yaa yidhi sees iyo meel madow ayaa jaceyl lagu jilaa? Mise ka waaweyn?

Hordhac ahaan ayey ahayd intaa hore laakiin aan isku dayo ra’yigayga inaan ku cabbiro Jaceylkii Somalidii hore, Miyaa la is dhici jirey mise…
Way dhici kartaa in meelaha qaar wiilka gabadh jaclaadaa iyada hoos ahaan u soo kaxaysan jirey, culimaduna way ka hadashay mana rabo inaan ku dheeraado halkaas, laakiin Jaceylkii Somalidii hore siduu ahaa
Bal aan eegno markii uu jaceylku ku dhacey Abwaankii caanka ahaa ee Maxamed Nur Fadal, siduu wax u cabbiray iyo eraygii afkiisa ugu horreeyay iyo aragti sidaan u cabbiray waa kan beydkiisa ugu horreeyaa:

Xassanow dhawaaq gabay haddaad iga dhaguugayso,
Hadduu GUUR Qalbiga kaaga dhaco dheelin baad tahaye,
Gabaygan aan intan ka soo qaatey oo ah ammaan badankiisu laakiin aan si u eegno iyo halkuu jaceylkii Somalidii hore ka cabbirayo, aan mar labaad idinku celiyee Somaliga waa la iigaga fiican yahay mana ihi hal abuur ama gabayaa ama Nin ku wanaagsan xifdiga gabayada ama maansooyinka kaleba laakiin inaan Akhriyo way dhacdaa oon fahmo, haddaba Jaceylkii hore maxaan beydkaa labaad ee HADDUU GUUR QALBIGA KAAGA DHACO DHEELIN BAAD TAHAYE ka fahmi karnaa amba ka tafasiran karnaa dhinaca jaceylka; waxan qalbiga ku dhacayaa waa maxay? Oo guurku siduu qalbiga ugu dhacaa? Qalbigu miyaanu kii waynaa ee wadnaha ahaa ahayn?
Haaa, ila eeg Qalbigu waa kan waraaqaha Jaceylka ee la isku diro lagu sawiree! Oo barigaa tolow miyaa la sawiri jirey qalbiga? Cajiib!
Yaanan ku daalin wax badan maskaxdana kaa buuxin Akhriste laakiin waxaan uga socdaa Jaceylkii hore muu ahayn sida aynu manta u adeegsano eed ka wada dharagsantihiin dhalinyaro!
Hubaashii Jaceylka xaqiiqda iyo runta ahi waa kaas GUURKA oo Abwaankani muu odhan Jaceyl hadduu qalbiga kaaga dhaco ee wuxuu yidhi Alleh ha u naxariistee:- Haduu GUUR QALBIGAkaaga dhaco, waxaan uga socdaa, waqtigan la joogo iyo waqtigeenii somalidii hore waa kaaf iyo kala dheeri, waxa aan qoraalkan u sameeyayna maaha inaan kaa cilmi badanahay laakiin waa xasuusin sidaan wax u arko inaad ila eegto, miyaan qaldanahay markaan leeyahay jaceylkii waa lagu tuntey oo meel kale ayaa la mariyey? Waa haddaad sidaan wax u arkayo iila aragto, dee waad ogtahay oo waa run oo marka imika saaxiibkaa/saaxiibaddaa ku tidhaah qofkaas Ayaan jeclahay maskaxdaada waxaa ku soo dhacaya wax, waxuu doono ha ahaado, ha fiicnaado ama ha xumaado laakiin inuu Guur ku soo dhacaa waa saadaal adag!
Kuma muquuninayo kugumana khasbayo aragtidayda laakiin caddaan ayey iigu muuqataa godka aynu ku soconaa inuu yahay mid aan saxdii ahayn!
Akhriste adigoo ah wiil/gabadh Somali ah oo khaladka iyo saxda kala saaraya miyey kuula muuqataa inaad sidan oo kale wax u cabbirto waa beydadka gabayada een kor ku xusee? Adiga Ayaan kuu dayn bal waxay kula noqoto.

Yaanan ku sii dheeraan waxaa muhiim ila noqotey inaan idin xasuusiyo tubtii toosneyd ee jaceylka oo ah GUUR, inkasta oo mawduucan aan ka hadleyaa aanu ahayn mid qoraal lagu soo koobi karo haddana aan waxuun ka taataabto, waxaan u malaynayaa inaad ila fahantey u jeedadeyda oo ah: waar walaalayaal sidan yaynaan ku sii socon ee aynu xaqiiqda ka hadalno oo aynu isku dayno inaynu waaqiciga cabbirno oo aynu Dhalinyarteenan khiyaaliga iyo waxaan munaasibka ahayn ku dhaqma kaga joojino, waxa wax baddalayaa waa Adiga iyo aniga oo u hiilina dadkeena iyo mustaqbalka saaxiibadeen.
Halkaad doonto jog waa mid saameynteeda kugu leh, Maye hablaheenii iyo inamadeenii Ammaanta mudnaa? Alleh ha inoo sahlo, Ameen.
Gabagabadii Somalideena manta khaladka aynu ka saarno una iftiimino Mudnaantii iyo sharaftii Jaceylku lahaa(Guurka)
Magacii iyo Maansooyinkii hore iyo kuwa imika ee jaceylka ka hadlaa ma isku midbaa? Mise wadnahaa I dhag-leh ayaad ka taqaan?
Yaanu jaceyl khayaali ahi qalbiga kaaga dhicin ee guur qalbiga ha kaaga dhaco!

Mahadsanid
Mahad jama Mohamoud
Mahadguleid@hotmail.co.uk
+60 11-1222 3193

Viewing all 6893 articles
Browse latest View live