Quantcast
Channel: Features – qurbejoog.com
Viewing all 6893 articles
Browse latest View live

Fadeexadihii Ugu Cuslaa Oo Dulhoganaya Ciidanka Booliska Somaliland, Taliyihii Saldhiga Dhexe EE Hargeysa Oo Xabsi Guri Loo Diray Iyo Dhacdada Lago Haysto

$
0
0

Hargeysa:24-March-2014(SDN)-Taliyihii Saldhigga  Dhexe Hargeysa Maxamed Case, ayaa Xabsi Guri loo Diray kadib markii uu Dhawaan Saldhigaas Masuul Sare oo Dambi Culus Loo Haystay.

 

m cas Saldhiga Dhexe ee Hargeysa ayaa uu dhawaan Ka Baxsaday  Maayarkii Magaalada Xarshin ee Ethiopia oo la soo qabtay xilli uu Hub ku Aasay Deegaanadaas uu xukumo, waxana ay Taasi Keentay shaki badan oo Taliyaha dhinaciisa ah.

Maayarka Baxsaday ayaa la sheegay inuu Halkaas ku xidhnaa ugu yaraan Labaatan cisho, waxana la Ogaaday inuu ku baxsaday Qorshe Ballaadhan oo Hogaanka Sare ee Ciidanku wax ka ogaayeen.

Wararka Hoose ee aanu Helayno ayaa sheegaya in Taliye Cabdilaahi Fadal uu  amar ku Bixiyey inuu Taliye Maxame Case Xabsi Guri ku jiro inta laga Dhamaystirayo Sababta keentay inuu Baxsado Eedaysanaha kiiskaas Loo Haystay.

Dhacdadan Taliyaha Saldhiga Dhexe loo haysto waxa kale oo iyana u xidhan sadex askari oo kale oo ahaa kuwii habeenkaas hayey masuuliyadda saldhiga Dhexe ee Hargeysa oo loo tirinayo in uu ka baxsaday Maayarka Xarshimeed.

 

Eedaymaha Booliiska loo jeedinayo iyo dhacdooyinka lala xidhiidhinayo eek u lug lahaanshaha Danbiyada Dalka ka dhaca ayaa soo kordhaya, waxaana ka mid ah Kiisaska wali taagan ee aanay Booliisku u xidhin Askartooda kii gabadha lagu dillay Hargeysa isla markaana lagu Aasay oo ay ehelada Marxuumadaasi Booliiska New Hargeysa dusha ka saareen in ay ka qayb qaateen ama ay ka caga jiideen wax ka qabashadeeda.

 

Kiis kale oo Nin Qurbajoog ah oo la yidhaa Bad-maax uu la xidhiidhiyey in ay qayb ka yihiin Madaxda Sare ee Booliiska, kiiskaas oo ah Dhul beer ah kaasoo khilaaf xoogan ka dhex abuuray wasiir ku-xigeenka Amniga ee wasaaradda Arrimaha gudaha iyo Garsoorka, ilaa hadana cabashadiisu hor taalo guddida Cadaaladda.

Arrimahan Noocan oo kale ah ayaa inta badan loo aaneeyaa Aqoonta Ciidanka oo aan Dhisnayn oo ay u raacday Hoggaanka sare oo aan lahayn Khibraddii iyo aqoontii Boolisnimo ee Looga Baahnaa, maadaama Haatan Tirada Ciidanka iyo Tayadiisuba si weyn isu beddeshay  oo loo Baahan Istaraatiijiyad cusub inn Loo sameeyo Booliska Somaliland.

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

 


SIR : Daawo Xog Qarsoon oo ku Saabsan Masuuliiyiin Somaliland ah oo La kulmay Hogaamiyayaasha Kooxda Awdal State iyo Sabtii keentay Iscasilaada Wariye C/laahi Xogta

$
0
0

London Mar 24,2014(SDN)-Dhawaan waxa iska casiley xilkii uu uhayey Tvga SLNTV qaybta london oo ahaa madaxii Barnaamijyada C/laahi Maxamed Cali (Xogta) kadib Markii Barnaamij sir ah oo wareysiya uu duubay kaasi oo lug kuyeelaney rag kulan la sameeya oo ay hoos isugu xidhanyiin kooxda la baxdey AWDAL STATE ku waas oo kulamo qarsoodiya ku sameeyey dalka UK.

Gudoomiyaha Gobolka Awdal Cabdoo Aayar ayaa si qarsoodiya ula kulmay kooxdaasi taasi oo ay isla ogyiin madax iyo xubno wasiiro ah oo ka tirsan xukuumada Somaliland .Wareysigan la joojiyey ee uu qaadey wariye C/laahi Xogta ayaa ah mid sirahaa qarsoon daaha ka qaadayey kaasi oo uu ku wareystey Muuse Cawaale Faahiye oo u qaabilsanaa(Arimaha Dibada )oo ahaa Ragii ku dhawaaqay maamulkii Awdal State waxaanu wareysigaa ku cadeeyey siro badan.

Ururka Samafalka Hayaan ee dalka Canada oo Aduun faro badan ugu deeqay Mashruuca Wadada Cad

$
0
0

Edmonto Mar 24,2014(SDN)-Ururka Samafalka ee Hayaan oo ka diiwan gashan dalka Canada ayaa kulamo iyo dedaalo ay sameeyeen ka dib waxa ay lacago faro badan uGu deeqeen mashruuca Wada cad ee isku xidheysa Hargeysa ilaa Ina Guuxaa.

Ururka Samafalka ee Hayaan ayaa shaaciyay in haatan ay ku guuleysteen dedaal dheer dabadii in ay Jaaliyada reer Hargeisa ee ku dhaqan Gobolka Alberta ay ka ururiyeen Aduun Dhan $16000 dollar.

Hayaan ayaa wacyigelin iyo baraarujin dheer oo ku saabsan muhiimada Wadadu u leedahay bulshada dabadeed waxa ay qaadeen olole balaaran oo ay qaadeen ka dib waxa ay ku guuleysteen in ay soo ururiyaan aduunka intaa dhan.

Gudida maamusha ururka Samafalka ee Hayaan ayaa sheegay in ay lacagahaasi ay ku wareejinyaan gudida mashruuca wadada cad sida ugu dhakhsaha badan.

SDN-Edmonton

contact@somalidiasporanews.com

Gudomiiyha Jaaliyada Somaliland u Fadhiya Uk Cabdala Salim iyo Gudoomiyha ictiraaf raadinta Somaliland Mudane Subeer maxamed Cadilahi oo Edemo u soo jediyay Safiirka Cali Adaan Cawaale oo Joojiyey Banaanbixi ka dhici lahaa London

$
0
0

London 24March14 (SDN) Gudomiyaha Jaaliyada  Somaliland u Fadhiya Uk Cabdala Salim iyo Gudoomiyha ictiraaf raadinta Somaliland Mudane Subeer Maxamed Cadilahi waxay ka soo horjeesadeen qoraal uu warbahinta siyey Wakiilka Cali Adaan Cawaale oo Joojiyey Banaanbixi ka dhici lahaa London  taas oo ay ku sheegay waa arin ka soo horjeeda qaranimada somaliland waxanay ugu baqeen shacabaka reer Somaliland ee ku dhaqan Uk inaay la soo xiriiraan xafiiska Jaaliyada iyo gudoomiyaha iyo dhalinta Ictiraaf raadinta ee u hawlan qaranimada somaliland waraysiga oo dhamaysiran ka daawo qurbejoog.com .

 

Baaq ku socda shacabi waynaha Somaliland Gudaha iyo Dibada Ilham Hassan Ali (Faleebo)

$
0
0

Baaq ku socda shacabi waynaha Somaliland:-
Waxaa Mahad iska leeh Allaha inoo suuro galiyay hor umarka iyo Nabada aan hasyano ee aynu dheer nahay wadamada geeska africa, waxase Amaan mudan shacabi wayanaha Somaliland oo ah kuwo jecel hor umarka dalkooda,
Waxaa inagu soo food leh Malin la mid ah Maamaha ILAHAY balse shacabi waynaha Somaliand ku wayn quluubtooda maalintaas oo reer somaliland gudo iyo dibadba ay si wayn u xusaan, waa 18 MAY oo ay inooga hadheen ayaamo tirsan, waxaana dhamaanteen inagu wada waajib ah in loo diyaar garoobo 18 may, u diyaar garowgaan isaga oo uu hore u jiray balse kan manta ma is waydiseen Muxuu kaga duwanyahay kuwii hore ee sanadihii tagay.
Sida aad ka wada war qabtaan 18 may waa maalin ku xardhan qulubta shacabi wyanaha Somaliland , waa maalin ku suntan tariikhda Somaliland , waa maalintiii laga soo bad badiyay in ay Somaliland ku dhacdo god madow, waa malin jilal badan dhirii gali doonta, Waa maalin mudan in dib loo xasuusto taariikhdii madoobayd ee halgankii, rafaadkii, barakacii, iyo baa’bii ku dhacay bulsho waynta Somaliland.
Balhadaba maanta iyada oo la xusi doono sanad guuradii 23aad ee ka soo wareegtay aasaaskii Gooni isu taaga Jamhurida Somaliland, waxaa mudan in ay noqon doonto xusida maalintani malin ka duwan sanadahii hore!!!! Sida aad ka wada war qabatan caleenkeena Somaliland dhib laguma keenin waxaana kujirta astaan aad inogu wayn taas qaybta casaanka ah oo muujinaysa in uu yahay dhigii iyo dhibkii u soo datay calankan oo ah waxa maanta halkaas ina soo gaadhsiyay,
Habada waxaan u soo jeedinayaa in ay bulsho waynta somaliand malintan inagu soo fooda leh ay wada qataan astaan cas taas oo mujinaysa in aysan dib ugu laban doonin wixii soo maray , in ayna ilaabi doonin dhibtii loo soo maray caanka Somaliland , iyaga oo mujinaya dareenkooda muwaadinnimo oo ay dhamaan wada qataan madaxana ku qataan astaan cas masar ama koofiyado, taas oo keeni ku keeni doonta indhaha beesha calamka in dhamaan shacabka Somaliland ay u qateen ICTRAAF raadinta qaranka weer cas taas oo ay dhamaan ka midaysanyihiin midnimada, iyo Jiritaanka Somaliland
Ugu danbayntii waxaan idinku boorinayaa in yadan dhaya san in aad dhamaantiin mujisaan mabda idinka wada go’an ee ah in mar uun ay rumoobi doonto in ay Somaliland hesho ICTRAAF buuxa..
Allaha Mahad Leh,
Bintu Somaliland
Ilham Hassan Ali (Faleebo)
Ilhaan Faleebo

Maamulka Golaha Deegaanka ee Hargaysa iyo Madax kale oo Furay Buundo Cusub oo laga Hirgaliyay Degmada Maxamud Haybe {DHAGAYSO}

$
0
0

Hargaysa 24.March 2014 (SDN)- Maayar ku-xigeenka Magaaladda Hargaysa oo ay Wehelinayaan  raxan Xildhibaano oo  ka kala tirsan Golayaasha Wakiiladda,Guurtida iyo Deegaanka, ayaa maanta ka qeyb galay Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo xadhiga lagaga jarayay Buundo Cusub oo laga hirgaliyay Degmadda Maxamuud Haybe ee magaaladda Hargaysa.

Waxaana isla maanta uu Maayar ku-xigeenku oo dhagax dhigay Buundo Cusub oo dhigeeda ah oo iyana laga hirgalinayo goob in ka yar hal 1km ka yar u jirta goobta laga hirgaliyay Buundadan maanta xadhiga laga jaray.

GUJI HALKAN OO MOBILKAAGA KA DHAGAYSO HADALADII LAGA JEEDIYAY FURITAANKA BUUNDADAN


Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

 

 

“Ciidamada Qaranku 40Km ayay Garowe u Jiraan Isagoo Maxbuusa “Madaxweyne Gaas” ayaan Garowe ka soo Qaban doonaa” Xildhibaan Indho Indho {DHAGAYSO}

$
0
0

Hargaysa 24.March 2014 (SDN)- Xildhibaan C.qaadir Indho Indho oo ka Tirsan Mudanayaasha Golaha Guurtida deegaan ahaana ka soo Jeeda Gobolka Sool ayaa ku Hanjabay in Madaxweynaha Maamul Goboleedka Punt land Mudane C.weli Gaas inay ka soo Dhex qaban doonaan Magaalada Garowe,Waa Hadii aanu Joojin sida uu Yidhi damaciisa ku aadan Deegaano ka Tirsan Somaliland oo uu Sheeganayo.

Xildhibaanku waxa uu sheegay oo kale in Socdaalkii Madaxweynuhu ku maray Gobolada dalku ay ahayd Mid uu Madaxweynuhu ku tagay Deegaamadiisa isla markaana uu u dhagax dhigay Mashaariic Waxqabad oo Xukuumadu hirgalin doonto.

GUJI HALKAN OO MOBILKAAGA KA DHAGAYSO HADALKA XILDHIBAAN INDHO INDHO


Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

War Deg Deg ah:-Madaxweynaha Punt land oo ku dhawaaqay Maanta in Somaliland ay Maalgeliso Kooxda Alshabaab ee Galgala ka dagaalanta

$
0
0

Garowe 24.March 2014 (SDN)- Madaxwaynaha dowlada Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa maanta  sheegay in kooxda Alshabab ee ka dagaalanta buuraha Galgala ay maalgalin iyo taagero ka hesho Sida uu Yidhi mamulka la magac baxay Somaliland.

Gaas_4Hadalkaan ayuu Dr.Gaas ka sheegay kulan uu madaxtooyadda Bosaso kula qaatay qaar ka mid ah waxgaradka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Gobalka Bari isaga oo xusey iney kooxdaanu dhinaca Somaliland ka soo gasho Puntland.

Waxa uu sheegay inay arrintaasi ka war hayaan isla markasna ay beesha caalamka ogaysiinayaan taageerada Somalilnad ay siiso kooxda Alshabab.

Arinta Ugu Hadal haynta badan ee Shacabka ku Nool Maamul Goboleedka Punt land ay Isweydiinayaan ayaa ah socdaalkii madaxwaynaha Somaliland ee todobadkii hore uu ku tagay magalada Laasqoray iyo dilkii maalintii ka danbaysay duleedka magalada Bosaso kooxda Alshabab ugu gaystay allaha u naxariistee taliyihii ciidanka daraawiisha Col.Jaamac Afgaduud.

Hadalka madaxwaynaha Puntland ayaa kusoo Beegmay xili ciidamo faro badan oo Somalilnad lagu arkey deegaanka Carmaale oo 75 km u jira magalada Badhan ee Gobalka Sanaag.

Wasiirka warfaafinta Puntland Cabdiwali Xirsi Indhoguran oo la hadlay warbaahinta Caalamiga ah ayaa sheegay Somaliland inay wado daandaansi iyo dhul balaadhsi ayna ka yeeli doonin arrintaasi.

Sidoo kale Wasiirka Kalluumaysiga ee Somaliland Cali Jaamac Bureed ayaa Sheegay in Somaliland aanay Hal Taako oo dhulkeeda ah uga hadhi doonin Cidkasta oo sheegata Isagoo hogaanka Maamul Goboleedka Punt land u soo Jeediyay in aanay ku Mashquulin Safarka Madaxweyne Siilaanyo uu ku tegay Deegaan ka tirsan dalkiisa.

Saan Saan Colaadeed ayaa laga dareemayaa deegaano ka tirsan Maamul Goboleedka Punt land iyadoo abaabul Ciidana ay Xukuumada Somaliland ka wado Jiidaha Hore ee Xuduuda Somaliland iyo Maamul Goboleedka Somaliyeed ee Puntland .

Garowe SDN.

Qurbejoog.com

 


Somalia: Politicized Clan Addiction

$
0
0

Somalia has been in a state of civil war since the overthrow of the military regime in 1991 by warring factions and then factions turned on each other. About 16, 17, national reconciliation conferences were held since then and most of them miserably failed. Out of the last reconciliation conference held in neighboring Kenya in early 2000s, the current federal government was born with interim status. In 2012, permanent federal government was elected through a long process. The federal government forces and the African peacekeeping forces in the country are now jointly fighting with the Al Qaeda-linked group, Al Shabab.

In a nutshell, Somalia has become a virtual orphan, a waif, a stray neglected by its guardians. Howbeit, the guardians, the Somali people in this case, have still the chance and the opportunity to fix more than 20 years of political disaster in Somalia, no matter the duration and the complexity of it.

Usually the Somalis are considered the only one homogeneous nation in Africa in particular and in the world in general, because they speak the same language, hold the same religion and possess almost the same identical features. The Somalis are also considered one tribe with clans and subclans. Paradoxically, the homogeneous reality of Somalis highlights the complexity of Somalia’s problem in the fact that in this modern era of community of nations, and since the the United Nations phrase was coined by United States on January 1st 1942, Somalia is the first country that has experienced for decades a spectrum that interminably ranges from loss of fully working government to self-inflicted subversion, self-inflicted destruction at the national level, and self-inflicted ruination of internationally unprecedented magnitude with ultimate horror.

The present ambience of Somalia, however, is primarily caused by the Somalis themselves. Foreign entities have for sure hands in Somalia’s affairs to varying positive and negative degrees, but Somalis should desist at all costs from entirely blaming the mess of their country on anybody else–both the blame for the crux of the country’s chronic ills and the responsibility to sort out the crisis lie squarely on the shoulders of the Somalis themselves.

Politicized Clan Addiction

Given its endless spiral, its crazy impulses or its illogical spontaneity in the social fabric and political landscape of the nation, the politicized Somali clan system is cancerously nonpareil, while it doesn’t have understandable principles or rules except aphoristic representation of random evil, nonsensible destruction and lack of reasoning. For instance, the clan system has ambiguous, confusing genesis in politics with susceptibility to abuse by so-called individual politicians, who usually beat the drums of unfounded fear against other clans so that they can advance their own selfish interests while disguising that they’re acting in the interests of the clan.

What is more alarming and foolish is the clan itself falling victim to the thinly disguised actions of the egocentric, greedy, so-called politicians. The clan never questions what is the real motive of why those so-called politicians, warlords and crazy islamists so cleverly employ the clan phenomenon. The clan fanatics are creatures of emotion and blindly back the wrong horse while they see at the same time that this is not only the interest of the clan but this really destroys clan in the form of killing, raping and displacing of clan population, with clan doing the same or worse to other clans and the list of reciprocal atrocities is long. Almost three decades of civil war in Somalia, within the UN existence time span, never-seen-before impasse and gridlock in other civil war affected countries have abounded in Somalia, and the clan fanatics sometimes seem to be possessed or under a spell by a witch– their brain powers in terms of logic and prudence seem to be withering and dying.

Pre-independence Non-political Clan Era (PNCE)

Pre-independent Non-political Clan Era in the nomadic life was pithily wiser than the current politicized version, which happens mostly in urban settings. The PNCE had credibility–it had breakthrough rather than impasse, where agreements reached under a tree were respected and whoever broke it incurred shaming in the strongest possible terms. Whoever broke it was called Gun in Somalia, which means the intouchables– the clan who broke agreements under the tree (where Somalis used to hold talks in nomadic life) was ostracized and used to be subjected to numbers of sanctions, such as not marrying from that clan for a certain period of time in which poems used to be created severely bashing the agreement-breaking clan. On the other hand, the Politicized Clan Addiction (PCA) since the start of the civil war and beyond from independence doesn’t care about that at all but it brags about wrongdoing–it is proud of breaking promises and mercilessly inflicting barbarity. The PCA has foes but not friends, and even it has friends, it is not real friends, whatsoever– but friends with a means to an end. In other words, in the PCA phantasm, clan constricts inward to subclans, ultimately to two groups of brothers and sisters, Bah in Somali, with a same father but with a different mother, and if they engage in a bitter feud over anything by any means, clan madness ensues with no exceptions.

With all above clan drawbacks, a political solution to Somalia’s unprecedented political and social problems is not in sight for now, unless the real culprit is caught, which is politicized clan addiction.

Ahmed Said (Abwaan-kuluc) is Somali American blogger and analyst of Somalia’s current affairs. He is based in Minnesota, United States and can be reached at abdinassirsomalia@gmail.com Te:l 320-469-0405

Hawl-wadee​nadii xukuumadee​nu ma waxay noqdeen dha-dhan raac – dhuuni raac , isir-raac iyo sheerley – shirkadley danahooda gaarka ah door bidey?

$
0
0

Waa qormooyinkeenii duurxulka iyo afmal-dhaha  ahaa ee udigaayey duulka digreetada aaminsan in ummadda lagu maamulo iyo kuwa sacabka u-garaaca ee intey abu-bidaarka diirtaan utafaxeytey sadbursiino,xaqiraad iyo nabarada duudsiga ah ee ay ku can baxeen, kuwaas oo aan laheyn sogordoh,asluub iyo anshax masuulnimo.Waa qormooyinkeenii qaawinaayey dhaqaraha aan bireysneyn ee xukuumada Siilaanyo biyo dhigay kuwaas oo galaafan doona nabad  kuwada noolaanshaha JSL lagu majeeran jirey.

Shacabka  Somaliland waxaa  daashadey oo ay khatyaan la taagan yihiin mudadii ay xukuumada Siilaanyo hageysey, Dawlad musuq-maasuq hadheeyey, cadaawe siyaasadeed iyo colaad degaan oo isbarkan, habacsanaan iyo hogaan xumo saameysey habsami usocodka hawlahii dawladnimo.  Dawlad aan muujin karin yuhuuntii quruxda qaranimada iyo karaamdii dawladnimo,dawlad xubnaheeda wasiirada kuwa ugu cad cadi aaney laheyn sogordoh,anshax iyo asluub masuulnimo,Dawlad aan wakiiladeeda utirinin xilalkooda  oo dhameystiran (job-description) hawlwadeeno mikirifoono been ah uun ku adima oo  ficilkoodii noqdey dhagax meel la dhigo oo aan dhameystir laheyn. Hayado dastuur ay mawjado khilaaf hadheeyeen oo isdhex-yaac ah oo aan  isku kantaroolin hawlihii loo igmadey kuwaas oo xaalkoodii noqdey ku daneyso iyo ka daneyso, baarlamaankii ummadda u wakiilka ahaa oo ku milmay fulintii oo noqdey dha-dhan raac , dhuuni raac iyo hayb-raac  danahooda gaar ka ah door bidey oo ka mid noqdey xubno ka tirsan xukuumada oo shidhka ugu jira lagana soo shidaaliyo mar marka qaarkood si ay u-maleegaan dabinada iyo duufaanada  iyagii hada harqiyey ee shirkoodii xisbigu ka qabsoomi la yahay kuwaas oo baalmarey dhamaan dhaartii  ay ummadda uga dhaarteen in ay wakiilo metela oo daacada u-noqdaan.
 Hawl-wadeeno  ku yimaada kuraan-boodooyin dhaah-dheer oo salka ku haya iskooxeysi,dhabar-taabasho qof  jecleysi ah, isxulafeysi xaafadeysan oo  awr-ku kacsi ah, kuwaas oo badankoodu aaney aqoon dheer iyo waayo-aragnimo u laheyn maamul wanaag dawladeed lakiin  xariifiin ku ah sidii ay dhiilahooda carta leh uga dhaansan lahaayeen ee xoolo uga dhaqan lahaayeen hantida yar ee ummadda baahan wax loogu qaban lahaa, Waxaana ay  siyaasada iyo xilalka u haystaan in lagu daneysto oo lagu xoogsado. Bal ka warama  Agaasimayaal aan garaneyn xayndaabkii awoodeed ee Wasaaradahooda isuna arka in ay dadka ka sareeyaan oo iyaga loo shaqeeyo iyadoo  qaar badan farta laga saarey qorshe hawleedkii iyo higsigii Wasaaradeed iyo kii qarankaba laakiin dhaqaajin waayey oo la anbadey kuwaas o o hadana xariifiin  ku ah dus-duska, luf-lufka, af-dhuunyaaleysiga iyo difaaca xayndaabka madaxtooyada iyo shaqooyin aan loo igman oo ah  dilaalnimo ,dhul-boob iyo ganacsi daaha dabadiisa uga socda.
 Wasiiro aan aqoon in wasaaradahooda yihiin dar,yeel iyo weel  ay ummaddu leedahay iyagana loo igmadey in ay ummadda u shaqeeyaan oo ay dawlada wakiil uga noqdaan. Wasiiro aan laheyn hilaad, higsi, biseyl siyaasadeed, odorosyo iyo aragti fog oo himbiriirsi khushi-talaabsanaya mar marka qaarkood. Wasiiro  aan laheyn qorshe hawleedyo qaran oo qodobeysan oo qeexan  oo ay ku hawlgalaan iyo halbeeg lagu cabiro waxqabadkooda ( quality insurance ). Xukuumad aan Agaasimayaasheeda iyo xisaabiya-yaasheeda iyo shaqaalaheedaba aan u soo  xulan si xalaal ah oo xulasho aqooneed iyo waayo-aragnimo huwan taas oo aan  hadana carbin, tababarin, tusaaleyn,dalacsiin, una-xaqsoorin oo aan aqoon u kordhin, hase yeeshee caado ka dhigatey in ay xataa agaasime waaxeedyada ku shaqaaleysiiso iskooxaysi,isireysi, xabkeysi, taajir wasteysi, eexas ho qaawan iyo qaraabo kiil ku qotoma ku raadgadasho iyo  kula dhuuq maa-daama aan loo eegeyn haba yaraatee tar-tan, aqoon, karti ,hufnaan iyo waayo aragnimo. Waxaana xukuumadii maxsuulkeedii uu noqdey  in qarankan yar ee yab-yabka, dhab-dhabka iyo yagleesha ahi uu ku danbeeyey mid hagaasey, hintaaqmey, doc-faruurmey  oo waayey,hilaad, hinjin,higsi iyo hogaan hagaagsan, halbeeg hawl-qabad iyo agaasin jiheeya oo tubta u saara qorshe hawleedkii higsiga qaranka oo ku waqtiyeysan  sanado, bilo, maalmo,isbuucyo iyo saacado. Nasiib daro wuxuu maanta habsami u socodkii hawlihii qarankan yar ee ragaadey ee raran ka saarani  uu  ku soo ururey mid aan  ku Jihaysneyn toobiyaha  toosan oo aan  laheyn hadaf cad iyo yoolal uu higsado midna.
 
Allaa Mahad iyo Mudnaanba Leh
Wa-Laahum-Aclam-Wa-Bilaahi-Tawfiiq
Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi (scs)
Qalinkii : A/rahman Fidhinle
Intensive ED BD PA
United Kingdom
London.

“Anigu Laga Bilaabo Marka Uu Madaxweyne Siilaanyo Haakah ka Yidhaahdo Kursiga Madaxweynenimada Musharrax Baan Ahay, Muuse Biixina………” Wasiir Samaale”

$
0
0

Hargeysa:25-March-2014(SDN)-Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa markii ugu Horraysay Si cad u sheegay inuu Yahay Musharrax u taagan Madaxtinimada Dalka, balse uu kaliya ka Hor taagan yahay Madaxtimida Siilaanyo ee Xilligan taagani.

mumumWasiir Samaale oo Haatan shir Jaraa’id ku qabtay Xarunta Wasaaraddiisa, ayaa tilmaamay in Marka uu Madaxweyne Siilaanyo Ka Dhergo kursiga Dalka looga Taliyo uu isagu noqon doono Musharax u taagan Madaxtinimada Dalka, waxana uu intaas ku daray inuu Haatan Ixtiraamka Madaxweynaha Dartii aanu u  ahayn Musharax xilligan la Joogo.

“ Anigu Laga Bilaabo Maalinta u Madaxweyne siilaanyo Haakah (ka dhergo) kursiga Madaxweynenimada Musharrax Baan ahay, Muuse Biixina waan u daayey Guddoomiyenimada Xisbiga Kulmiye.” Ayuu yidhi Wasiir Samaale oo Saxaafadda la Hadlayey.

Wasiir Cabdicasiis Maxamed Samaale ayaa in Badan ku dheggenaa inuu Noqdo Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye, waxana uu  Hankiisu caqabad ku ahaa Dib u dhacyo iyo muran in badan ku dhex jirey Xisbiga Kulmiye oo sababay in shirarkii xisbigu wakhtigii loo qoondeeyey dib uga dhacaan.

Hadalkan ka soo Yeedhay wasiir Samaale ayaa sidoo kale u Daaha ka Rogay in Wasiir Samaale Mar horeba loo Sheegay inuu Shanta sano ee soo socda Madaxweyne Siilaanyo Yahay Musharaxa Xisbiga, sidaas Darteedan lagu Qanciyey inuu iskaga Tanaasulo Guddoonka Xisbiga maadaama aan isaga iyo Muuse midna meeli uga Bannaanayn musharaxnimada Xisbiga oo Uu Madaxweynuhu soo Noqon doono.

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

Gudoomiyah La,dagaalnka Musuqmasaqa Siciid Xariir Diiriye oo Fariin Toosa oo Ku socota Madaxwaynaha somaliland u Diray.

$
0
0
London 25March 14(SDN) Maraka hore waan ku salamay mudane madaxwayne,salaan ka bacdi madaxwayne waxaan ku rajaynayaa caafimaad qab iyo Cimridheerer, intaa ka bacdi madaxwayne ilamaa iyo malintii lagu dooratay ee 2010 ilamaa iyo manta oo sanadku yahay 2014. wax Xisaab celina oo aad samaysay ma jirto haba yaratee, Xisaab celin marka aan ku leeyahay waxaay tahay, wax allalle wax warbixina oo Aad dawladada ka bixisay maba jirto habayaratee oon ahaayn Qudbad ama (speech) aad meelka jeediso iyo waraaqo aad meelo aad Qorashaysaty ka jeediso, hadalo iskumida intabadan oo aad ka hortidhaahdo sacaafada,oon ka badnayn inta badan sadex minid oo Qaarkood aay cad dahay ama aay cadaan tahay in wasiiradada kugu xeersani si toosa aay hadalka kugu saxayaan, ooy ka mid tahay.
1) The Atlantic council. Madaxwayne mar aad tagtay xarunta organizationka ama hay’ada loo yaqaano the Atlantic council. hadalka
suaalo lagaa waydiiyay dawladada waad ka jawaabi kariwayday, ooy ka midtahay,: Imisa Dumara ayaa dawladada ku jira .? Mudane Suaashashi waay kugu adkaatay inaad ka jawaabto, waxaanad si miskinimo ah oon axba ogayn aad u jaleecday. gacanyarahagii Markaa kula socday Dr Beenaale Mr 10%Maxamed cabdullahi cumar, ood waaydiisa Inta dumara ee dawladaaada ku jira..? markaas oo iyadoo caalamku ku dawanayo iyo coucilkii suaasha ku waydiiyay uu Dr Beenaale Mr 10% uu kaa saray suaashaas oo uu yidhi. waa 2 dumara inta dawladada ku jirtaa.
2) Mar aad xadhig ka jaraysay dhismo cusub oo aad xadhiga uga jaraysay lacag $ 100.000 US Dollar ah na aad siisay qolo budhcad ah oo iyagu ku qaawlasta ama ku qadhaabata magaca dhalinyarada, hadalo aad halkaasi ka lahaayd waxa cadaan ahayd in Inanka aad adeerka u tahay ee ka mida afarta inan ee gacanyarayashada ahi ee ku magacaban wasiirka dhalinyara iyo sportska uu hadalka ku saxaayeyey.oo uu ku toosinayay kuna xasuusinayay waxyabaha aad meesha ka lahayd.
3) Mar aad Magalada Jigjiga ee ismamulka somalida si kadisa ah ugu tagtay munaasibadii loogu dabalka dagayay dadyoowga daga dalka Ethopia, waxaad halkaasi ka tidhi hadalo u muuqda inaad ka soo qaaybgashay munaasibad somaliyeed aad una mahadnaqaysay dadka somaliyeed iyo inaad u muuqatay inaad moodayso inaad somaliland dhexdeeda joogto meesha lagugu soo dhawaeeyeyna aay somaliland tahay…taasoo dadwaynihii Oromada iyo uraagada iyo amxaarada iyo tigreegii meeshaasi joogay ka yaabisay.
Mudane madaxwayne halkan ku soo koobi karimayo arimaha noocana ee shakiga galinaya Ummada reer somaliland ee aad xilka dalka ugu sareeyo aad u hayso, arimhaas iskhilaafaya iyo xuusuuslanta ka muuqata ee cadanka ah sida arita ka dhacday The Atlantic council. waa qaar warwar joogta ah ku riday shacabka guudahaanba, taasi oo keenaysa suaal aay shacabku xaq u leeyihiin oo ah in madaxwaynuhu xilkiisa gutay, ama gudanaayo, ama gudan karo…? arimaha noocani waa arimaha sida caadiga ah loogaga sheekasto magaalka iyo faras magaalah ee dhinaca xilkasnimada madaxwaynaha iyo xasuustiisa. waana mid loo bahanyahay inaad Mudane madaxwayne dadka aad madaxwaynaha u atahay aad ka shaki saarto, xaqna laguugu leeyahay inaad suaalaha noocan ah ee soo noqnoqonaay aad ka jawaabto…?
Mudane madaxwayne waxaan filayaa xukumadaadu waxaay ka koobantahay 22 wasaradood, Ilaaa imikana mid xisaab xidh samaysay kuma jirto tan iyo intii aad talada dalak gacanta ku dhigtay, waxaaynu ogsoonahay in mudane madaxwayne aay xukuumadada si waayn aay u aafaysay arimaha la xidhiidha musuqmasaqa iyo lunsiga xoolaha ummada dalka iyo dadka somaliland ee lagugu aaminay.
Aniga oo aan halkan wasarad wasarad waraqdan furan aanan kugu soo bandhigayn, oo lagaa rabo waxqabadka wasaradahaga inaad soo bandhigto, aan bal laba sadex wasaradood soo magac dhabo.
A) Wasarada Arimaha dibada: Madaxwayne waad ku guuldarasaty mudadii aad talada dalka qabatay arimaha dibada xidhiidhkeena caalamkuna halkii ugu hoosaysay buu marayaa, siiba dalalkii aaynu xidhiidhka wanagsan lahayn ee sida Ingriiska, intii aad talada dalka haysanyna Tan iyo intii la aasaasay somaliland in 1992..tiro ba 3 jeer ayuu dalaka westernka ah maraykanka iyo Europe oo Ingriisku ku jiraa uga digeen shacabkooda inaay tagaan somaliland, nabadgalyo iyo musuqmasaq awgeed.hore ugamay dhicin xidhiidhkeenuna umu gaadhin heeraka aay xukumadadu gaadhsiisay arimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga ah waxaanu taganyahay heerkii ugu hoosayey ee uu abid gaadho. sababtuna waxaytahay maamulxumo siyaasad xumo iyo musuqmasaq, dad aan aqoon lahayn oo aad qabyalad iyo qudhunqadhaadh shaqada ku qortay oon aqoon duplamasiyadeed lahayn iyo expertise oo aad fadhiga lacag bilaa xada ugu qortay iyagoon xitaa shaqo haayn shaqana garanayn meel aay kaga hagaagan, isla markaasina sida aay wasaradha xukumadadu ka simanyihiin aan ogolayn in waxlaga waydiiyo hawsha halkaay dhigeen iyo halkay waxmarinayaan, hadii suaal la waydiiyana sida xukumadada caadiga u ah aay sida fiinta u qaayliyaan, oo aay boodhka iyo porapaganda cheap ah isku qariyaan. Iyo wasaradan oo ku guuldarastay inaay Ictraaf somaliland u keento, wakhtigiina tamashlayn iyo xoolaha ummada oo hotelska caalamka lagu galo oo lagu tamashleeyo balse ku guuldarasatay inaay ka dhaadhiciso caalamka somaliland.
B) Wasarad Difaaca, Madaxwayne wasaradani waxaay ku guuldarasatay inaay xuduuka somaliland soo xidho inaay dhulka somaliland ee cadawgu hastaan ee buuhoodleh iyo taleex oo imikadaa aan ku la hadlaayo dawlado kale khaatumo state iyo puntland aay ka taliyaan ooy waliba Mashaariic dhisme oo Airports iyo biyo galin iyo arimo noocasa ka wadan. Mudane madaxwayne Week dhawayd ee aad Baariga somaliland aad ku wareegaysay waad tagi kariwayday Taleex iyo buuhoodle, oo somaliland caalamka u sheegto inaay ka mid yihiin..sababtoo ah waa lagaa hastaa oo puntland iyo khatumo state baa ku qayila oo ciyaaraha jaadba jaad ku ciyaara aa waliba adigoo bariga somaliland ka soo jeeda waad ku guuldarsatay inaad ciidankaga amar ku siiso inaay gogosha u labaan ciidamada puntland ee halkaas ku sugan iyo kuwa somaliland diidka ah ee sheegta khatumo state, madaxwayne /Maye nimankii aad darajada ku taxday,,eed Generalska ku taxday iyo darajadaad qaybisay, ma inta somaliland aaminsan maatida iyo caruurta taabcsan qadiyada somalinad iyo dawladnimada somaliland ayay hubka u sitaan….Maxay raaga inoo xoog sheeganaya wax uga qaban layihiin mise iyaguna waxaad darajada ku siisay baa ahaa qaraabo qansax iyo qabyalad iyo qudhunqadhaadh…?ee waxaanay ahayn ragii Mujaahidinta ahaa…?
C) Wasrada Gnacsiga iyo Maalgashiga. ee Dr beenaale.waxa ka socdaa boob iyo musuqmasaq aanan halkan kugusoo koobi karin, waxa kale oo lamida wasarad waxbarashada/warshadaha/maaliyada/iyo wasarada wasaradaha oo dhan shaqada u qabata ee aabaha musuqmasaqa ee inaan kaad adeerka u tahay ee Muriid Xirsi Xaaji cali, Ninka sidii General Maxamed siyaad barre uuMorgan u riday Akhirka dawaladada ridaaya..waaba iska gababsi oo dadbadan baa aminsan inaay xukumadadaii sii socotee.
Mudane madaxwayne dhamaan wasaradahan oo dhan waxa lagaa rabaa, inaad soo bandhigto misaaniyadooda iyo sida bilaa xishoodka ah ee aay u lunsadaan xoolaha ummada, madaxwayne hadaad rabto inaad Taariikh ka tagto, waxaan kugula talinayaa Inaad is daba qabato. Islamarkaasina aad Nala hadasho oo TV Timaado oo aanu si madaxbanan oo aan laguu saxaayn hadalka aad noogu jawaabto ood ka Jawaabto 16 suaalood ee Madasha wada tashigu kuwaydiiyeeen Mujaahidiintu, oo aanad wali ka Jawaabin.
Madaxwayne Hadii aad Dacwadaydan wax ka Qabto waxaan doonayaa inaad si madax banaan aad iila doodo..Wakhtigii Speech ku wuu dhamaaday 4 sano ayaad qudbanaynaysay Mudane Madaxwayne ee Bilaha kuu hadhay waa bilihii Debate ka iyo inaad soo bandhigto wax qabadka xukumadada cabashadayadana aad si wanagsan aad nooga qanciiso,
Mudane Madaxwayne sababah aan kugu nuceeyey Cimri dheerer iyo caaafimaad qab, waxa ka mida inaan Intaad nooshahay Lagala xisaabtamo arima badan, oonan halkan ku sheegahayn oo dib ugu noqonayaaa 40 yearskii la soo dhaafay oon wali lagala xisabtamin, iyo xilika aad ummada somaliland maanta u hayso ooy haboontahay Xaqna laguugu leeyahay, in lagala xisaabtamo si madaxwanaan adiga oo caafimadkaga iyo caqligaga qaba Inamadan aad adeerka u tahay iyo gacanyarayashadan guulwayayashadan aanay hadalka ku saxay fadlan Na soo hor fadhiisoo nooga jawaab 360 min afar ah oo suaalo ah waa suaalo aad diidanayd inaad ka jawaabtid 4 sano eed talda haysay eh, Priministerka Ingriisak 620 suaalood buu MP Ingriiska uga jawabaa Arbaca walba every week, ooy u dheerathay sacaafada madaxbanaan iyo ta dawlada ee bbc oo evey second question garaynaysa, Mudane adigana sanadkii suaal baa lagaa la yahay ka jawaab.groupkan guulwadayaasha ah waay kula dhaadhaceen oo way ku siixi wayeen….waxaanu mar kale kaa codsanaynaa inaad intaad nooshaya aad nooga jawabto suaalo badan oo isku kaa gaadhay…? pleaase…
Kama danbayn madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud siilanyo. waxaan kaa codsanayaa inaad arimahan aad igala doodo, oo hadii aan kugu khaldamay aad umada u sheegto.please madaxwayne TV Madaxbanaan inoo balami..si aan kuula doodo..
Wabilaahi Tawfiiq
Gudoomiyah La,dagaalnka Musuqmasaqa.
Somaliland Anti Corruption Commision
Chairman
Saciid Xariir Diiriye

“Ma Jiro Wax Is fahmi waa ah oo Wasaarada iyo Baanka soo kala dhex galay” Wasiirka Maaliyada {DHAGAYSO}

$
0
0

Hargaysa 25.March 2014 (SDN)-Wasiirka Wasaarada Maaliyada ee Somaliland Mudane C.casiis Maxamed Samaale ayaa Shir Jaraa’id oo uu Maanta ku qabtay Xafiiskiisa Waxa uu daboolka kaga qaaday Khilaafkii la sheegay inuu soo kala dhex galay Wasaarada Maaliyada iyo Baanka Somaliland .

Mudane Samaale Waxaa kale oo uu ka hadlay Sicir bararka dalka ka jira iyo doorka Wasaarada Maaliyada iyo Baanku ku leeyihiin Waxaa kale oo uu Jawaab ka bixiyay halka uu ku danbeeyay Hankiisii Siyaasadeed ee Hogaaminta Xisbiga Kulmiye.

GUJI HALKAN SI AAD MOBILKAAGA UGA DHAGAYSATO HADALKII IYO SU’AALIHII SAMAALE


Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

 

Kulan lagaga Hadlayay Baahiyaha Waxbarasho ee degmada Sallaxley oo Hargaysa lagu qabtay Ka Daawo Qurbejoog.com

$
0
0

Hargaysa 25.March 2014 (SDN)- Marwada Madaxweynaha,Wasiirada Waxbarashada,Wasiirul Dawlaha Madaxtooyada iyo Mas’uuliyiin kale ayaa ka qayb galay Kulan lagaga hadlayay  Baahiyaha Waxbarashada ee Degmada Sallaxley.

Kulankan ayaa lagu falanqaynayay Sidii Meel la isula dhigi lahaa Baahiyaha Waxbarasho ee Degmada Sallaxley Waxaana Halkaasi ka hadashay Marwada Madaxweynaha,Wasiirada Waxbarashada,Gudoomiyaha Gudida Dib u dhiska Wadada Cad ee Hargaysa Iyo Sallaxley.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

 

Cisbitaalka Guud ee Hargaysa oo la Keenay Qalab Casri ah oo dalka dibadiisa loo tegi jiray,Daahfur loo sameeyay iyo Wasiir Xaglo toosiya oo furay Qurbejoog ka Daawo

$
0
0

Hargaysa 25.March 2014 (SDN)- Wasiirka Wasaarada Caafimaadka ee Somaliland Dr Saleebaan Ciise Axmed Xaglo  Toosiye ayaa Maanta Xadhiga ka Jaray Daahfurka Adeegyo Wax ku ool ah oo lagu soo Kordhiyay Cisbitaalka Guud ee Caasimada Hargaysa.

Agaasimaha Cisbitaalka Guud ee Magaalada Hargaysa Dr. Axmed Cumar Askar oo Halkaasi ka Hadlay ayaa Iftiimiyay Horumarka kala duwan ee Cisbitaalku ku talaabsaday Isagoo ka Waramay Qiimaha Mashaariicdani u leeyihiin Adeegyada Caafimaad ee Cisbitaalku fuliyo.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

 


Gudoomiyaha Sallaxley Oo Golaha Deegaanka Hargeysa Ku Eedeeyay Weerar Qaawan Oo Dhul boob ah Inay ku Soo qaadeen Deegaanka Toon Iyo khasaare ka dhashay Goobtaa {DHAGAYSO}.

$
0
0

Hargaysa 25.March 2014 (SDN)- Gudoomiyaha Degmada Sallaxley Ismaaciil yuusuf Xuseen (shiine) ayaa Si adag uga hadlay Fal iska Hor imaad Sababay oo Maanta ka dhacay Buurta Qalax ee Tuulada Toon.

Gudoomiyaha Degmada Sallaxley Waxa uu ku eedeeyay Maayar ku Xigeenka Caasimada Hargaysa inuu Horseed ka ahaa Rabshad iyo Is rasaasayn ka Timid Markii Golaha Deegaanka ee Caasimadu ay ku rabeen inay dhul ka qorsheeyaan hasa yeeshee Markii ay ka War heleen ay Tageen Deegaankaas,looguna Jawaabay rasaasta nool .

GUJI HALKAN OO MOBILKAAGA KA DHAGAYSO HADALKA GUDOOMIYAHA SALLAXLEY


Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

“Somaliland iyo Alshabaab Waa Mataano” Wasiirka Amniga Punt land Xasan Aloore {DHAGAYSO}

$
0
0

Garowe 25.March 2014 (SDN)- Dowladda Puntland ayaa sheegtay inay ka feejigan yihiin weeraro kaga yimaada dhanka kooxda Alshabab ka dib socdaal uu madaxwaynaha Puntland maanta ku tagay goobaha ciidanka daraawiisha kaga sugan yihiin Galgala.

AlooreWasiirka Amniga Xasan Cismaan Aloore oo maanta la hadlay Radio Garowe ayaa sheegay ammaanka Puntland inuu yahay mid wanaagsan balse kooxda Alshabab ay taageero iyo soo dhawayn ka hesho mamulka Somaliland.

Waxa uu sheegay inay labadaasi mataano yihiin oo ay Alshabab dhanka Sanaag kasoo galeen dhinaca Somaliland uu gacanta ku hayo wuxuna tilmaamay Puntland inay arintaasi la socoto.

”Baran annigu ma hayno Somaliland inay soo gaartay,waxanu haynaa inay ku sugan yihiin Ceerigaabo iyo aageeda,halkaasi waxaa mara badi alshababka ka imaanaya Koonfur waana la socotaan Shabab Puntland inay lee yihiin Colaad soo jireen ah balse Somaliland way soo dhexmaraan oo waxaaba ka dhaxeeya xeer ah ha i daarin ku daarimaayee” Wasiirka oo sii hadlaya ayaa sheegay inaan la isku hayn in Somalilnad ay garab iyo gaashaan siiyo Alshabab.

Socdaalkii Siilaanyo ee Laasqoray ayuu ku tilmaamay inuu ahaa mid dhuumasho ah oo aan cago badan ku taagnayn”Hadduu dan ka lee yahay wuu siijoogi lahaa mudo nusaac ah ayuu joogay marka maxaa balan qaadka ah dadka joogana waa dad Puntland ah”.

Guddoomiyaha Gollaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan oo warbaahinta Hargaysa ka hadlayay ayaa sheegay mamulka Somaliland inuusan dagaal diyaar u ahayn balse loo baahan yahay madaxda Puntland inay nabadda iyo wada deganaasha ka shaqeeyaan.

Isagoo ka hadlaya socdaalkii Laasqoray ee Siilaanyo ayuu yiti Saleban” Deegaanada Madaxweynuhu soo maray dee waa deegaano Somaliland ah ,waxay ila tahay dalalkuna kuma dhisna abtirsiimo,xiriir bey leeyihiin ,xad bey leeyihiin,taariikh horey leeyihiin”.

Madaxwaynaha Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo maalinkii shalay magalada Bosaso kulan kula qaatay qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa sheegay Somalinad inay maalgaliso ururka Alshabab si ay dagaalo iyo dhibaato uga fuliso Puntland.

GUJI HALKAN OO MOBILKAAGA KA DHAGAYSO HADALKA ALOORE


Garowe SDN.

Qurbejoog@gmail.com

Ehelada rakaabkii saarnaa diyaaradda Malaysia ee la waayay oo Dibad-bax ka dhigay dalka Shiinaha, maxay tahay sababtu?

$
0
0

Beijing March 25, 2014 (SDN)- Ehelada qaar ka mida dadkii saarnaa diyaaradda dunida dhakafaarka ku riday ee laga leeyahay Malaysia, tirsigeeduna ahaa 370 oo muddo laba todobaad badan la la’yahay, ayaa dibad-bax ka sameeyay jidadka caasimadda Beijing ee dalka Shiinaha.

Dibad-baxeyaasha oo ku qaylinayay ama ku dhawaaqayay ‘beenalayaal’, waxay ka cadhoodeen dhawaaqa dawladda Malaysia oo shaacisay in la hakiyay baadhitaanka lagu baadigoobayay diyaaraddaas oo la waayay 8-dii bishan March, taasoo kasoo duushay caasimadda Malaysia ee Kuala Lumpur, kuna jihaysnayd magaalada Beijing ee dalka Shiinaha.

Diyaaraddu waxay siday 239 qof oo ay 150 ka mid ahi u dhasheen Shiinaha.

Inkastoo Australia oo qayb ka ah raadinta diyaaraddaas oo ay ka qaybqaadanayaan inka badan 30 dal oo caalamka ku kala yaala, ay sheegtay in satellite keedu sawiray wax u eg raqda diyaaradda, haddana ilaa haatan si cad looma sheegin dhab ahaan waxay diyaaraddu ku sugan tahay.

Chinese relatives of passengers onboard the missing Malaysia Airlines plane, flight MH370, shout in protest as they march towards the Malaysia embassy in Beijing, China, Tuesday, March 25, 2014Laakiin, dawladda Malaysia waxay shalay shaacisay in laga yaabo in diyaaraddaas ay ku dhacday Badweynta Hindiya, isla markaana ay dhinteen dhammaan dadkii saarna, inkastoo aan la isku raacin burburka Australia sheegtay inay aragtay.

Xukuumadda Malaysia waxay sheegtay in Salaasaddii maanta oo dhan la hakiyay raadinta diyaaradda, cimilada oo aad u xun awgeed, taasoo keentay in ehelada rakaabka aan warkooda la haynin ee diyaaraddu siday ay ka cadhoodaan wararka kala duwan ee todobaadyadan ka soo baxayay dawladda Kuala Lumpur eek u saabsan diyaaradda, isla markaana ehelada mudaharaadka dhigay ay masuuliyiinta dalkaas dhawaaqyadooda la xidhiidhiyaan kuwo ‘been ah’.

Qurbejoog.com, Beijing

Gudiga Ladagaalanka Musuqmaasuqa oo fadhigoodu yahay Uk London oo dalbatay in Wasiirka Maaliyada Cabdi casiis samaale Cadalada la Horkeeno

$
0
0

London 26March14(SDN) Gudiga Ladagaalanka Musuqmaasuqa oo fadhigoodu yahay Uk London oo dalbatay in Wasiirka Maaliyada Cabdi casiis samaale Cadalada la Horkeeno gudoomiyaha ururkan siciid xariir diriiye oo fadhigiisu yahay london ayaa warsaxafadeedkan soo gaadhsiyey warbahinta waxana uu  qornaa sida tan

Ku :socota Maxakamada Sare ee Somaliland:

Ku: Labada Gole ee Parliemanka somaliland
Ku:Madaxwaynaha Somaliland A.M.M.Siilanyo
Ku:Gudoomiyayaaasha Xisbiyada Mucaaradka ah. Engineer; Faisal A. Warabe.
Ku:Gudoomiyaha Barlamaanka ahna Gudoomiyaha xisiga Wadani  Abdirahman .A. ciiro.
Waxaanu ku baaqaynaa in (Criminal Investigation for fraud and Malpractice ) dacwad lagu qaadao Wasiirka Maliyada Sheekh Cabdalcasiis Samaale dacwadan oo aay tahay in lagu qaado badhitaana la sameeyo, lacag uu ka lunsaday sanduuqa ama Qasanada Jamuuryada somaliland ee wasarad maliyada, lacagatan oo dhan $ 30.456.000.000. oo ka maqan misaniyad sanadeedkii 2013/2014.
 waxa kale oo aanu codsanaynaa in Maxkamada la horkeeno dhamaan mashariicdii iyo kharashkii ka baxay wasarada maliyada ilaa iyo intii Xukumada kulmiye talada dalka qaaday siiba intii uu sheekh samaale wasirka maliyada uu xilka wasarad la wareegay, hadaanu nahay Hay’ada La,dagaalanka Musuqmasaqa Somaliland.(Somaliland  Anti Corruption Commision) waxaanu codsanaynaa waxaanu codsanaynaa inaay xukumada uu gadhwadeenka ka yahay Mudane Axmed A.siilanyo aay arintan hay,adaha sharciga kala shaqayso, wasiir samaalana aay shaqada ka joojiso. ilaa inta case kiisu dhinac u dhacaayo ee la goobayo uruurinta hantida ummada ee uu lunsaday. waxa kale oonu taageero ka filaynaa dhamaan ha’aayadaha Dawliga ah iyo ururada caalamiga ah ee arintani khusayso. waxaanu u aragnaa in aay arintani tahay xasaasi ama mihiim, madaama oon somaliland ictiraaf calami ah aanay helin, waa in somaliland muujisaa inaay samayso dawlad wanaag iyo in aan xolaha masakiinta ummada aan sidii la doono loogu tagri falin. kama danbayn waxaanu ka codsanaynaa inaay golayasha qaranka iyo xisbiyada mucaradku aay arintan naga tageeran oo y sharciga dhinac istagaan,
Haddii Sharciga somaliland arintan waxba ka qaban waayo waxaanu qaadi doonaa talabo waafaqsan sharciga calamiga ah ee ee ku salaysan la/dagalnka musuqmasaqa waxananu tageero waydiisan doonaa ha’ayadaha calamiga ah sida UN. Transparency international iyo deeqbixiyayasha. iyo maxkamada aduunka in sheekh samaale la soo tago, arintan oo somaliland ceeb ku noqon doonta hadii sharciga somaliland cadaalada tageeriwayo oo uu garab istaago laaluush cunayaasha iyo kuwa xoolaha ummada sida bilaa xishoodka ah u lunsanaaya Sida sheekh Samaale.
Waxaanu ku soo afjaraynaa baaqan,, Sheekh Samaale Hawlaha arlada haddii lagugu aamino Ummada u shaqeeyiyo adeegaa lagaa dhigo ha is oodhan Cidi kuma arkaaysee Afka Buuuxso…..
Wabilaahi tawfiiq
Ilaahay xaqa somaliland ha garansiiyo:
 Saciid Xariir Diiriye
Gudoomiyaha la dagalnka Musuqmasaqa Somaliland
Chairman Somaliland Anti corruption commission
00447946893675
Uk:London

Gudoomiyaha Degmada Maxamud Haybe oo Dhinac isaga Leexiyay eedayn uu u soo Jeediyay Maayarka Sallaxley,Sheegayna inuu Bulshada kala faquuqayo {DHAGAYSO}

$
0
0

Hargaysa 26.March 2014 (SDN)- Gudoomiyaha Degmadda Maxamud Haybe ee magaaladda Hargaysa,ayaa maanta Shir jaraa’id oo ku qabtay Xafiiskiisa iska Fogeeyay Eedaha loogu jeedinayo in isaga iyo raxan ka tirsan Xildhibaanadda Golaha Deegaanka Hargaysi  ay Weerar ku Qaadeen Golaha Deegaanka ee Degamadda Sallaxley,ka dib markii laysku af-dhaafay Qorshaynta Beer daaqsimeed ku taala Agagaarka Tuuladda Toon oo laba dhinacba ay sheeganayaan in ay iyaga Maamul ahaan Hoos timaado.

Gudoomiyaha ayaa ku Eedeeyay  Maayarka Magaaladda Sallaxley in uu wado talaabooyin dadka Deegaanka layska horkeenayo.taasina ay dhaawac ku tahay Haybadda Masuuliyadda uu dadka iyo dalka u hayo.

Ugu danbayntiina waxa uu baaq u diray Wasiirka arimaha Gudaha JSL,oo uu ka dalbay in arintan uu si deg deg ah wax uga qabto.

GUJI HALKAN OO MOBILKAAGA KA DHAGAYSO HADALKA GUDOOMIYAHA M.HAYBE


Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

 

Viewing all 6893 articles
Browse latest View live