Quantcast
Channel: Features – qurbejoog.com
Viewing all 6893 articles
Browse latest View live

Xildhibaanada Golaha Deegaanka ee Berbera oo ku Hawlan Qorshe ay Xilka kaga qaadayaan Maayarka Berbera DAAWO

$
0
0

Berbera 17.Jan 2016 (SDN/QJ):- Qaar ka Mid ah Mudanayaasha Golaha Deegaanka ee Magaalada Berbera ayaa ku Hawlan Qorshe ay doonayaan Inay Maamuus ka Xayuubin ku sameeyaan Gudoomiyaha Golaha Deegaanka ee Berbera Ahna Maayirka Magaalada Berbera C.shakuur Maxamud Xasan Cidin.

Hadaba Afhayeenka Mudanayaasha dabada ka riixaya Mooshinkan ayaa faahfaahin ka bixiyey Waxyaabaha ay u Cuskadeen Mooshinkoodan.


Xogwaran Xiiso leh oo Raysal Wasaarihii hore ee Somali C.weli Sheekh siiyay Barnaamijka Deperani show DAAWO

$
0
0

Garowe 17.Jan .2016 (SDN/QJ):- Raysal Wasaarihii Hore ee Xukuumada Federaalka Somalia C.weli Sheekh Axmed ayaa ka hadlay Socdaal uu Mudooyinkii u danbeeyay ku Joogay Deegaamo ka Tirsan Maamul Goboleedka Somaliyeed ee Puntland .

Sidoo kale Wuxuu Siyaasigan oo ka mid ah Madaxda ku dhawaaqday Ururada Siyaasadeed ee ka qayb qaadanaya Doorashooyinka Sannadkan la filayo inay ka dhacaan Dalka Somalia iyo Aragtidiisa Shirarka Madasha Wada Tashiga ee Somalia ka hadlay

Afhayeenka Madaxtooyadda Somaliland oo ka Hadlay Warar Sheegaya in Madaxweyne Siilaanyo Xilka ka Qaadayo Wasiirkiisa Maaliyadda DAAWO

$
0
0

Hargeysa 17.Jan .2016 (SDN/QJ):- Afhayeenka Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr), ayaa ku tiri ku teen ku sifeeyay su’aal laga weydiiyay tibaaxo sheegayay in xilka laga qaadayo Wasiirka Maaliyadda Marwo Samsam Cabdi Aadan.

 

Xuseen Aadan Cige “Xuseen Dayr”“Horta Madaxweynuhu cidda uu xilka u igmanayo iyo cidda uu ka qaadayo isagaa awoodaa leh warkaa aad sheegaysaana waxaan filayaa inay yihiin warar ku tidhi ku teena oo aanay haba yaraatee waxba ka jirin oo aan sal iyo raad toona aan lahayn Marwo Samsam Cabdi Aadan waxaa weeye Madaxweynaha ayaa xilka u dhiibay isagaana ka qaadi kara,Marka uu doono,”ayuu yidhi Afhayeen Xuseen.

 

 

“Waxa xusid mudan in marwo Samsam Cabdi Aadan tahay qof hawl  kara oo qarankan xilal badan kasoo qabtay, Wasiirka Waxbarashada ayey ahayd Samsam Cabdi Aadan oo ay si fiican min bari  ilaa galbeed meel walba ay taalo raadkeedii iyo waxqabadkeedii , Wasaaradda Maaliyadda lafteedana waad aragtaan $251 Milyan ilaa $300 oo Milyan bay ka soo qaaday markaa samsam waxay ka mid tahay wasiirrada ugu hawl karsan xukuumadda Jamhuuriyada Somaliland wararkaa borobagandhada ah ee suuqa lagu fidinayana waxaa weeyaan in samsam, xukumadda iyo xisbiga madaxa laysugu dhufto ama laga dhex shaqeeyo.

markaa waxaan leeyahay Madaxweynuhu xaq dastuuriya ayuu u leeyahay inuu cidna xilka ka qaado cidna u magacaabo laakiinse warkaasi war waxba ka jiraan haba yaraatee maaha wax bedeloo samsam xilka laga qaadayaana ma ogin waxbana kama jiraan warkaasi.”

“Dadkii Isbahaysiga Ahaa Waa Halkoodii, Maanta Ayaanu Ugu Xoog Waynahay” Maxamed Biixi Yoonis DAAWO

$
0
0

Hargeysa 17.Jan .2016 (SDN/QJ):- Wasiirkii hore ee arrimaha dibada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, ayaa sheegay in xubnihii ku midoobay isbaahaysiga xisbiga tallada haya ee KULMIYE ay haystaan taageero balaadhan, waxaanu tilmaamay in aanay jirin cid ka leexatay mawqifkii ay ku midaysnaayeen.

Maxamed Biixi Yoonis oo maanta dalka ku soo laabtay ka dib safro uu ugu maqanaa dalalka Itoobiya iyo Kenay, waxa madaarka Cigaal ee magaalada Hargeysa ku soo dhaweeyay xubnihii iska casilay Golaha Wasiirrada Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, haseyeeshee waxa soo dhaweyntan lagu qaabilay Maxamed Biixi waxa xusid mudan oo aan ka dhex muuqan Wasiirkii hore ee Maaliyada oo ay ka midaysaanyeen mawaqifkii ay ku qaadaceen ka qaybgalka shirkii golaha dhexe ee musharraxa xisbiga KULMIYE loogu doortay Muuse Biixi.

“Waxaa La Yidhi Berberi Waa Sodoh Iminkana Waxay Noqonaysaa Sodoh Weyn” Murashax Muuse Biixi oo Berbera Lagu Soo Dhaweeyay DAAWO

$
0
0

Berbera 17.Jan 2016 (SDN/QJ):- Gudoomiyaha Xisbiga Talada dalka haya ee Kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo Weftigii uu hogaaminayay oo Mudooyinkii u danbeeyay Socdaal ku Joogay Gobolka Togdheer ayaa Maanta soo Gaadhay Magaalada Berbera halkaas oo si diiran loogu soo dhaweeyay.

Weftiga ayaa Isla Galabta u soo Ambo baxay Caasimada dalka ee Hargaysa.

Madaxwayne Silaanyo Oo Intii aanu Xilka Qaban ka Hadlay Arimo Xasaasiya oo ku taxaluqa Sun Nugliyeerka badaha SL Lagu Qubo,Macdanta ,Shidaalka Iyo Arrimo kale oo maanta Qaarkod La arkay DAAWO

$
0
0

Hargeysa 17.Jan .2016 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ayaamihiisii Nolosha Mucaaridnimo Wuxuu Caan ku ahaa inuu Bog dooxo amuur kasta oo uu u arkayay inay Bulshadu kaga fogaanayso Maamulkii uu Mucaaridka ku ahaa isla markaana uu ku helayo Taageerada Shacabka.

Hadalkani Waa Mid lagu Kaydiyey Mulaaxaha Maqalka iyo Muuqaalka Kaydiya

Culimadda Diinta ee Magaaladda Buuhoodle oo Ku dhawaaqay Jihaad ka Dhan ah Somaliland Iyo Baaq ay u Direen Bulshada Deegaankaas DAAWO

$
0
0

Buuhoodle 17.Jan 2016 (SDN/QJ):- Wararka ka Imanaya Deegaanka Gobolka Buuhoodle oo ah Bogcad ay Maamulkeeda ku Hirdamayaan Somaliland,Punt land, Kooxda Khaatumo Iyo Dawlada Federaalka Somalia oo Mid kastaaba ku doodayo inay Maamulkiisa hoos tagto ayaa wararku sheegayaan in Ciidamo ka Tirsan Kuwa Qaranka Somaliland ay ku sii Qul qulayaan Jiida Magaalada Buuhoodle .

Hadaba Qaar ka Mid ah Culimada Diinta ee Magaalada Buuhoodle ayaa ku baaqay Jihaad ka dhan ah Somaliland Xili ay Warfidiyeenada kula hadlayeen Magaaladaasi.

Kulan Saddex-Geesood ah oo ay yeesheen Ganacsatada Dalka,Maamulka Dekedda Berbera iyo Xukuumadda Somaliland iyo Qadiyada lagaga hadlay SAWIRO

$
0
0

Hargaysa 17.Jan 2016 (SDN/QJ):- Waxa kulan Saddex-Geesood ah yeeshay Masuuliyiinta shirkadaha Ganacsiga Dalka, Maamulka sare ee Dekedda Berbera iyo Xukuumadda. Kulankani wuxuu ka dhacay Xarunta Qasriga Madaxtooyada waxana goob joog ahaa masuuliyiinta shirkadaha ganacsiga ee Somaliland, Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga JSL, Maareeyaha Dekeda Berbera iyo Wasiiro ka socda Xukuumada oo ay kamid yihiin Wasiirka Madaxtooyada Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi iyoWasiirka Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah Mudane Muuse Qaasim Cumar.Kulankan ujeedadiisu waxay ahayd xal-u-helidda cabashooyin isa soo tarayey oo ay qabeen ganacsatada dalka ee Dekedda Berbera wax kala soo degta, kuwaasoo muddooyinkii u dambeeyey cabasho ka muujiyey Tacriifada badeecadaha oo ay sheegeen in Dekeddu ku kordhisay alaabooyinka Dekedda ka soo dega ee ay ganacsatadu ka soo waaridaan dalka dibediisa.

Kulankan, dhanka ganacsatada waxa hadalka furay Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga JSL Mudane Maxamed Shugri oo si faah-faahsan uga hadlay cabashada ay ganacsatadu ka muujiyeen Tacriifada la saaray ee ay soo gaadhsiiyeen Rugta Ganacsiga. Sidoo kale, waxa iyaguna goobta ka hadlay tiro ka mid ah ganacsatada kuwaasoo dhamaantoodba xoojiyey cabashada ay ka muujiyeen Tacriifada lagu kordhiyey iyagoo sidoo kale is-barbar dhig u soo qaatay tacriifadaha la qaado Dekedaha dariska ah, waxaanay xuseen in ay culays ka dareemayaan tacriifada ay Dekedda Berbera ku kordhisay ganacsatada.

Ganacsatada ayaa sidoo kale Xukuumadda ku bogaadiyey tallaaboyinka ay ka qaadday la dagaallanka sicir-bararka, balse waxay sidoo kale xuseen in tacriifadaha Dekeddu kordhisay ay culays ku keeni karto ganacsatada. Haddii ay Dekeddu ku adkaysatana waxa dhici doonta in badeecadahoodu ay la tartami kari waayaan suuqyada ganacsiga, dabadeed khasaare iman doono, Dawladduna ay ku weydo dakhligii cashuuraha ee ka soo geli jiray. Ugu dambayntii Ganacsatadu waxay xuseen in wixii dalka u dan ah ay iyagana dontoodu ku jirto, ilaalinta Qaranimaduna ay tahay muhiimaddooda koowaad.

Maareeyaha Dekedda Berbera Mudana Cali Cumar Maxamed “Cali Xoor-xoor” ayaa isaguna kulanka ka hadlay isagoo xusay in dakhliga ka soo xerooda Dekedda Berbera aanu Wasaaradna ku jirin budget-keeda, taas badalkeedana wax walba oo ka soo xerooda Dekeda lagu bixiyo dayactirka iyo balaadhinta goobaha la dhigo Koonteenarada iyo sidoo kale gunnooyinka shaqaalaha. Maareeyuhu wuxuu xusay in Tacriifadan la kordhiyey ay tahay mid aad u yar, balse ay lagama maarmaan u tahay casriyeynta adeegyada ay Dekeddu bixiso iyo daryeelka shaqaalaha maadama aanay gunno badan qaadan iyagoo ku shaqaynaya jawi aad u kulul.

Maareeyaha ayaa xusay in Dekedda Caalamiga ah ee Berbera ay door muhiim ah ka qaadato dhaq-dhaqaaqa Ganacsiga u kala socda guud ahaanba Gobolka Geeska Afrika. Sidaa darteed waxa loo baahan yahay in Dekedeenu ay la jaan-qaadi karto baahiyaha sannad walba sii kordhaya ee xagga ganacsiga iyo ganacsatada. Haddaba, si taa loo helo waxa lama huraan ah in Dekedda Berbera la casriyeeyo (qalab ahaan iyo adeeg ahaanba) isla markaana la helo shaqaale xirfad iyo aqoonba u leh u adeegidda macaamiisha Dekedda.

Maareeyaha ayaa Sheegay in Ganacsatada Dalkeenu ay u baahan yihiin adeeg hufan iyo tacriif dhiirri gelin karta koboca ganasigooda. Horumarka Dekeddu waa horumarka ganacsatada taasoo horseedi karta in dalku xagga dhaqaalaha ka horumaro. Wuxuu xusay in la fahmo in Dekedda Berbera ay kaliya tahay adeeg bixiye u adeega ganacsatada wax kala soo degta, balse Dekedda iyada lafteedu wax cashuur ah ma qaado. Dekeddu waxay Ganacsata ka qaadaa waa adeeg ay bixisay oo ka kooban qalab, xamaal, rarid, soo dejin iyo meel-dhigis.

Maareeye “Cali Xoor-xoor” ayaa xusay in Dekedda Caalamiga ah ee Berbera ay dhan walba kaga jaban tahay Dekedaha Jaarka marka loo eego dhanka adeega ay bixiyaan isagoo waliba xusay in ay haystaan culayso fara badan oo dhan walba leh. Maareeyaha ayaa xusay in hadii Tacriifadan loo ogolaado ay kor u qaadi doonaan adeegyada Dekkadu bixiso taasoo keeni doonta in ganacsataduna kaga faa’idaysan doonaan dhinacyada wakhti yaraanta, xawliga shaqada iyo goobaha ay alaabta dhigtaanba.
Maareeyaha ayaa hadalkiisa ku soo xidhay in ganacsato badan u hogaansameen isla markaana ay jiraan tiro badan oo Koonteenaro ah oo imikaba Dekkada ka soo baxay oo si habsami leh ganacsatadii lahayd u cashuurteen.

Ugu dambayntii waxa iyaguna kulankii hadallo kooban ka soo jeediyey Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi iyo Wasiirka Wasaarada Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah Mudane Muuse Qaasim oo sheegay in Dalkeennu uu yahay dal aan dunida ka helin wax taageero dhaqaale ah oo lagu horumariyo kaabayaasha dhaqaalaha (sida Dekedaha iyo Waddooyinka) iyo adeegyada nolosha bulshada lagama maarmaanka u ah. Dhaqaalaha ugu muhiimsan ee dalkeena soo galaa wuxuu ka yimaadaa dhoofka xoolaha nool iyo lacagta ka soo xeroota cashuur ururinta. Dekedda Caalamiga ah ee Berbera waxay laf-dhabar u tahay dakhliga dalkeena soo gala iyo koboca dhaqaalaha iyo xarakaadka ganacsiga.

Dhinaca kale, labada Wasiir Maxamuud Xaashi iyo Muuse Qaasim waxay sheegeen in Siyaasadda hagta Xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo ay salka ku hayso kobcinta iyo taabo-gelinta Ganacsiga uu Dalkeenu la leeyahay Dunida iyo dalalka deriska ahba. Sidoo kale, Xukuumaddu waxay xil iyo masuuliyad gaar ah iska saaraysaa sidii looga warhayn lahaa ee loo dhaqaalayn lahaa Ganacsatada Dalka (kuwa waaweyn, kuwa dhexe iyo kuwooda soo korayaba).

Wasiir Maxamuud Xaashi wuxuu sheegay in tallaabo kasta oo la qaadayo oo khusaysa Siyaasadda Cashuuraha iyo kordhinta ama dhimista Tacriifaha Badeecadaha, Xukuumaddu waxay mar walba si taxadir leh uga baaraan degtaa cid kasta oo ay arrimahani saamayn ku yeelanayaan. Kulanka wajigiisii koowaad soo afmeeray ayaa Wasiir Maxamuud Xaashi wuxuu bogaadin badan u soo jeediyey garnaqsigii sida gobonimada badan dhan walba u soo bandhigay sidoo kalena xusay in dhan walba soo jeediyey qodobo mugle oo u baahan in si deggan looga go’aan qaato.

Wasiir Maxamuud Xaashi ayaa cadeeyey in guud ahaanba Dekkaddu madax baanaan tahay balse tacriifadan la kordhiyey aanu Maareeye Cali Xoor-xoor kelidii soo allifin ee ay tahay arrin uu Madaxweynaha kala tashaday, Madaxweynuhuna ka ogolaaday, isla markaana ku cad Miisaaniyada sanadkan Baarlamaanku ansixiyey. Wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda ay ganacsatadu u leeyihiin Qaranka iyo kaalinta ay kaga jiraan horumarka dalka waxaanu xusay in aanay marnaba ka Xukuumad ahaan la rabin in uu fuulo culays ku keeni kara in lagaga adkaado sayladaha ganacsiga. Wasiirka ayaa xidhitaanka wajigii koowaad ee kulanka ku sheegay in maadama arintu u baahan tahay lafa-gur qoto dheer iyo in si fiican looga wada tashado, in loo baahan yahay in loo soo saaro guddi si degdeg ah arintaa xal waara uga gaadha.

Ganacsatada ayaa dhankooda soo saaray guddi ka kooban 13 ganacsade, halka xukuumaduna u saartay guddi arintaas la soo turxaan bixiya. Guntii iyo gebagabadii, waxaa loo ballamay in guddidaasi soo saarto go’aamo Qaranka iyo Ganacsatadaba u dan ah, waayo waxa Umusha u dan ah, ayaa ilmahana u dan ah.

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

ALLAA MAHAD LEH

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL
Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr)


Musharrax Maxamed Saleebaan oo Burco ku Qabtay Koob lagu xusay Marxuum Cali Sugulle & Kooxda Ku Guulaysatay DAAWO

$
0
0

Burco, January 18, 2016 (SDN/QJ): – Koob lagu Xusayey Allaah ha u naxariistee Abwaankii weynaa ee Cali Sugulle Cigaal (Dun-Carbeed) oo Khamiistii Aas Qaran loogu sameeyey magaalada Hargeysa, ayaa lagu qabtay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, kaasoo ay ku tartamayeen Kooxda Kubbadda Cagta ee ku ciyaara magacyada Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka iyo Kooxda Gaashaan ee Ciidanka Qaranka Somaliland.
Koobkan oo uu soo diyaariyey, isla markaana dhigay Maxamed Saleebaan Cumar oo ka mid ah Musharrixiinta u taagan inay u tartamaan Xildhibaannimada Golaha Wakiillada Somaliland, waxaanu sheegay inuu ugu talo-galay in lagu xuso Abwaanka caanka ahaa Marxuum Cali Sugulle Cigaal (Dun-Carbeed) oo uu xusay inuu ahaa Abwaan weyn oo ka mid ah dadka lagu xasuusan doono Fanka iyo Suugaanta Soomaaliyeed ee Salka u dhigay, isla markaana sida wayn uga soo qayb-qaatay Gobannimo-doonka oo heerar kala duwan soo maray, sidaas awgeedna uu mudan yahay in Koob iyo Koobab-ba lagu xuso iyo dhiirrigelinta is-dhex-galka dhalinyarada, horumarinta ciyaaraha iyo in la isku xidhnaado.
52d2ba43-eb66-4240-a645-9c58d9f75adf“Waxa sharaf ii ah inaan maanta Garoonka Alamzay ee magaalada Burco ku qabtay Koob lagu xusayo halgamaagii iyo halabuurkii Soomaaliyeed; AHN Cali Sugulle Cigaal (Dun Carbeed). Koobkani oo aan sidoo kale uga dan lahaa dhiirrigalinta cayaaraha, isdhexgalka dhallinyarada iyo la-dagaallanka balwooyinka aafeeya da’yarta.” Sidaa ayuu yidhi Musharrax Maxamed Saleebaan Cumar oo Garoonka Ciyaartaasi ka dhacday hadal kooban ka jeediyey.
Musharrax Maxamed Saleebaan waxa uu sheegay inaanay hawshani noqon doonin tii ugu dambaysay, waxaanu yidhi; “Ma noqon doono hawshii ugu dambaysay ee aan qabto, wuxuu se qayb ka yahay dedaallo door ah oo daarran horumarinta awoodaha jidheed/maskaxeed ee da’yarta gobolka Togdheer oo aan ka mid ahay musharrixiinta uga tartamaysa doorashooyinka Wakiillada iyo Madaxtooyada ee 2017. Waxaan u mahadnaqayaa cid kasta oo ka qaybqaadatay hirgalintii tartankan.”
Maxamed Saleebaan Cumar waxa uu soo qaatay Tuducyo Suugaaneed, waxaana ka nid ahaa oo uu yidhi; “Diric keli ahaantii, Daleel guusha kama helo, Dadkaa Geesi lagu yahay!”
Sidoo kale, waxaa iyaguna Ciyaartaas oo lagu qabtay Garoonka Kubbadda Cagta ee Alamsay Stadium ee magaalada Burco ka qaybgalay Maamulka gobolka Togdheer, Maamulka dawladda Hoose ee Burco iyo Xildhibaanno ka tirsan Golaha deegaanka ee degmada Burco, kuwaasoo iyaguna si diirran u soo dhaweeyey Koobkan uu dhigay Musharrax Maxamed Saleebaan Cumar ee lagu xusayey Marxuum Abwaan Cali Sugulle.
Badhasaabka gobolka Togdheer Maxamed Ibraahin Qabo, Madaxda degmada, Xildhibaannada iyo dadweynaha kale ee Ciyaartaas ka qaybgalay, ayaa halkaas uga duceeyey Marxuum Cali Sugulle (Dun-Carbeed), waxaanay Allaah uga baryeen inuu Naxariistii Janno ka waraabiyo, Ehelka, Qoyska, Asxaabta iyo guud ahaan Somaliland iyo Ummadda Somaliland-ba Samir iyo Iimaan ka siiyo. Waxaanay Musharraxa ku ammaaneen garashada iyo go’aanka uu Koobkan lagu xusay Marxuumka ku dhigay.
Haddaba, Ciyaartan Kubbadda Cagta ee dhex-martay gelinkii dambe ee Axadda Maanta Kooxda Wasaaradda Duulista Hawada iyo Kooxda Ciidanka Qaranka ee Gaashaan, ayaa ahayd mid aad u kulul oo ay labada Kooxoodba ku soo bandhigeen Ciyaar aad u hufan oo weerar iyo difaac-ba dhisnayd, taasoo sababtay in Sagaashankii daqiiqo ee Ciyaartu socotay ay ku dhammaato Barbar-dhac Eber iyo Eber ah (0+0).
Hase-yeeshee, wakhtigii dheeraadka ahaa ee lagu daray, ayaa sidoo kale ay labada Kooxood isla dhaafi waayeen waxba iyo waxba, iyadoo aanay Kooxna u suuragelin inay Kooxda kale Birtooda Gool ku taabtaan. Balse dhinac waliba waxa uu ku dedaalay oo uu muujiyey Ciyaar adag oo Difaac iyo weerarba koobsatay.
Gebo-gabadii Ciyaartaa Kubbadda Cagta ee dhex-martay Kooxda Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka iyo Kooxda Ciidanka Qaranka ee Gaashaan ee ka dhisan magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, waxa la isla gaadhay in Goolal Toos ah (Rigoodhayaal) la isku laato, waxaana Gool-laadashadaas tooska ah Guushu ku raacday Kooxda Gaashaan ee Ciidanka Qaranka oo Gool iyo Eber kaga adkaaday Kooxda Wasaaradda Duulista Magaceeda ku ciyaaraysay oo Halkaa goo lee Guushu Gaashaan ku raacday lagaga dhashay Laadka Tooska ah (Rigoodhe).
Halkan Hoose waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalka Ciyaartaasi qaabkii ay labada kooxood u dhex-martay iyo Hadallada Musharrax Maxamed Saleebaan iyo xubnaha kale ka jeediyeen halkaas, ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

Ciidamadda Amaanka ee Magaaladda Burco oo Xabsiga Dhigay Weriye Cabdi Maalik Col-doon iyo Xafiiskiisii oo lala Wareegay

$
0
0

Burco 18.Jan 2016 (SDN/QJ):- Ciidanka Amaanka Gobolka Togdheer ayaa mardhaw Xabsiga U taxaabay Wariye Cabdimalik Muuse Coldoon Oo kamida Wariyayaasha Ka Hawl Gala Gobolka Togdheer.

cabdi-maalikWariyahan ayaa waxa xadhigiiisa Amray Badhsaabka Gobolka Togdheer Mudane Maxamed Ibraahin Aaadan(QABO), Waxaana Xadhiga wariyahan lala Sababaynayaa Riwaayad Uu dhawaan ka Sameeyey Badhasaabada Somaliland ee Dhawaan Dawlada Itobia U Yeedhay iyo Walibana waraysi uu dhawaan la yeeshay Nin Itobianah  oo lagu eedeyey inuu qashay gabadh Yar oo  Afar Jira.

Sidoo kalena Waxa Xadhiga wariye Coldoon la Waheliya Camera Man-kiisa oo lagu magacaabo DIiriye iyadoona sidoo kale ay ciidanka Amaanka Gobolka Togdheer ay la wareegeen Xafiiskii Wariye coldoon Iyo waliba qalabkii Warbaahineed ee meesha yaalay Waxanaa Wararka qaar ay Helayso Warbaahintu ayaa intaa ku daraya In Ay ciidanku ka furteen Taarikadii Baabuurkiisa .

Mar aan isku daynay inaan La xidhiidhno Wariyaha si aan wax uga waydiino Arimaha lagu hayso ayaa Noo suurto galin Telefoonkiisa gacanta oo xidhan Awgeed

Komiishanka Doorashooyinka Qaranka oo ka hadlay Tirada Ilaa Hada Iska Diiwaangelisay Gobolka Togdheer DAAWO

$
0
0

Hargeysa 18 January, 2016 (SDN/QJ):- Komiishanka Doorashooyinka Qaranka oo ku Hawlan Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha oo ka Socota 163 Goobood oo ku Yaala Gobolka Togdheer ayaa Markii Kowaad ka Hadlay Tirada Bulshada ee Ilaa hada Is diiwaangelisay Iyo rajada ay ka qabaan in Diiwaangelintu u Socoto Sidii loogu talo galay.

Kulan Lagu Midaynayo Shirarka Hay’ada Caalamiga iyo Kuwa Waddaniga ah oo Hargaysa ka Furmay DAAWO

$
0
0

Hargaysa 18.Jan 2016 (SDN/QJ):-Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Mudane Cali Salaan Jirde “Cali Shoonbe” ayaa Furay Kulan lagaga hadlayay Sidii loo Midayn lahaa Shirarka Hay’adaha Dawlada iyo Kuwa Caalamiga ah kaas oo Maanta ka qabsoomay Huteel Maansoor ee Magaalada Hargaysa.

Gudi Hoosaadka Dhaqaalaha Ee Golaha Wakiilada oo Soo Gabogabeeyey Kulan Howled Lagu Lafoguraayey Shan Xeer Oo Qabyo Ah DAAWO

$
0
0

Hargaysa 18.Jan 2016 (SDN/QJ):- Gudida Dhaqaalaha Ee Golaha Wakiilada Somaliland Ayaa Maanta Caasimada S/Land Ku Soo Gabogabeeyey Kulan Howled Lagu Lafoguraayey Shan Xeer Oo Qabyo Ah.

GUDI HOOSAADKA DHAQAALAHA IYO KULANKA SHANTA XEERKulan Howleedkaasi Oo Mudadii Uu Socday Lagu Lafo Guraayey Shan Xeer Oo Uu Ka Mid Aha Xeerka Qaranka Ee Maareynta Maaliyada Iyo Xisaabaadka Ee Dalka ,Oo Qabyo Qoraal Ah Oo Horyaala Golaha Wakiilada Somaliland .

Xidhitaankii Kulankaasi Oo Ay Ka Soo Qaybgaleen Xubno Golaha Wasiirada Ah Oo Ay Ka Mid Ahaayeen Wasiirada Wasaaradaha Qorsheynta Qaranka Cali Salaam Jirde (Cali Shoombe),Xidhiidhka Golayaasha Qaranaka Cali Xaamud Jibriil Iyo Wasiiru Dowlaha Wasaarada Maaliyada S/Land Dr:Maxamed Faarax Ducaale Iyo Marti Sharaf Kale Oo Kulankaasi Lagu Soo Casuumay ,Waxaana Kulankaasi Ka Qaybqaadanaayey Aqoonyahano,Ardeyda Jaamacadaha Dalka Iyo Mudanayaal Ka Tirsan Gudida Dhaqaalaha Ee Golaha Wakiilada Somaliland .

Gudoomiyaha Gudida Dhaqaalaha Ee Golaha Wakiilada Somaliland Xildhibaan Cumar Axmed Saleebaan Ayaa Faahfaahin Ka Bixiyey U Jeedadii Uu Kulankaasi Uu Daaranaa ,Waxaanu Tilmaamay  In Howl Balaadhan  Ay Ummadeena U Soo Qabteen ,Waxaanu Gudoomiyuhu Uu U Mahadnaqay Wasiirka Wasaarada Maaliyada Somaliland Sidii Waxneyd Ee Ay Ula Shaqeyneysay Mudadii Uu Kulankaasi Uu Socdey,Shirkadi Howshaasi Ka Caawisay Ayuu Mahadnaq Gaara U Jeediyey Wado Shaqeynta Ay La Leeyihiin Gudida Dhaqaalaha Ee Golaha Wakiilada Somaliland .

Dhankiisana Wasiirka Wasaarada Qorsheynta Qaranka Cali Salaam Jirde (Cali Shoombe ) Oo Goobtaasi Ka Hadlaayey Ayaa Ka Waramay Faaiidada Uu Bulshadeena U Yeelan Doono Shantan Xeer ,Oo Tilmaamaya Waxa Yare E Aynu Haysano Sidii Aynu U Maamulan Lahayn ,Ka Wasaarad Ahaana Waxaa Ay Golayaashu Noo Fududeeyeen Howshii ,Dadkii Ka Soo Shaqeeyeyna Waxaan Leeyahay Waad Mahadsan Tihiin ,Saxaafada Waxaan Leeyahay Xagga Wanaagsan Wax Ka Eega Oo Horumarka Wax Ka Eega ,Dowladii Iyo Golayaashii Nway Wado Shaqeynayaan.

Wasiirka Wasaarada Xidhiidhka Golayaasha Cali Xaamud Jibriil  Iyo Wasiiru Dowlaha Wasaarada Maaliyada S/Land Maxamed Faarax Ayaa Si Wado Jir Ah Uga Waramay Faaiidada Uu Dalka U Yeelan Doonaan Shantan Xeer Ee Qabyada Ah ,Waxaanay Baarlamaanka Somaliland  Oo Ay Si Wado Jir Ah Ay Uga Dalbadeen In Xeerarkaasi Si Wado Jir Ah Uga Soo Gudbaan.

 

Geesta Kalena Gudoomiye Ku Xigeenka Labaad Ee Golaha Wakiilada Somaliland Cali Yuusuf Axmed Oo Kulankaasi Si Rasmi Ah U Soo Xidhay Ayaa Sharaxaad Ka Bixiyey In Ay Ka Go-An Tahay In Ay Meelmarinayaan Oo Ay Hirgalinayaan Xeerarkaasi Oo Imika Qabyo Qoraal Imika Ah.

“Waxaan halkan u imid in aanay suurogelin Ololaha Xaaraanta iyo Beenta ah ee Cali khaliif ka waday Buuhoodle” Wasiirka Caafimaadka JSL oo Ka Hadlay Socdaalkiisa Buuhoodle

$
0
0

Buuhoodle 18.Jan 2016 (SDN/QJ):- Wasiirka wasaaradda Caafimaadka JSL Dr Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-Toosiye) oo maanta socdaal shaqo ku tegay Magaalada Buuhoodle oo ay mudooyinkii u dambeeyey farogelin amnidarro ka wadeen koox uu hogaaminayo Nabad diidka Cali Khaliif ee Horjoogaha u ah Kooxda Khaatumo , waxana wasiirka halkaa ku soo dhoweeyey boqolaal ka tirsan dadweynaha Degmada Buuhoodle, isagoo markii uu duleedka Magaalada gaadhay salaan ka qaatay cutub ka tirsan ciidanka Qaranka ee gudaha magaalada ku sugnaa ahna ciidankii uu wasiirku hore uga sameeyey halkaasi.

 

xaglo toosiye oo Buuhoodle tegayWasiirka  ayaa isaga oo ku sugan Magaalada buuhoodle ka  warbixiyey ujeedada Socdaalkiisa iyo talaabooyinka uu illaa hadda qaaday waxana isagoo arintaa ka hadlaya uu yidhi sidan: ‘‘Buuhoodle waan joogaa waxaan u imid in aan reer Buuhoodle u sheego oo ku wacyigeliyo in ninkan dabka la wareegaya (cali khaliif) uu si nabad ah uga tago oo ay ka shaqeeyaan inuu si nabad ah uga baxo dalka, arintaa waxgaradka waa ka wada hadalnay waana ku maqan yihiin, waana lama huraan in dadka reer Buuhoodle oo ah dad aad iyo aad u caqli badan ay fahmaan dhibka uu la wareegayo oo  ku khasbaan inuu Cali magaalada ka baxo’’

Dr Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-Toosiye) waxa uu iftiimiyey mowqifka dawlada Somaliland ee ku aaddan adkaynta nabadgelyada Gobolkaasi waxana uu yidhi sidan: ‘‘Somaliland waxay jeceshahay oo aad u qiimaynaysaa in aan dhib iyo colaadi ka dhicin meesha, sababta aan halkan u imidna waa amar Madaxweyne oo ah inaan wax dhib ah ka dhicin magaaladan (Buuhoodle), wasiirku waxa uu intaa raaciyey hadafka cadaawadu ku dheehan tahay ee Cali khaliif iyo xubnaha la socda ee xamar kala yimid ay ku waxyeelaynayaan nabadda Buuhoodle iyo guud ahaanba nabadda Somaliland ‘’Cali Khaliif waxa uu doonayaa in meeshan colaadi ka dhacdo oo dhiig ku daato, taasna aniga iyo dawlada Somaliland iyo shacabka Buuhoodle midna diyaar uma aha, joogitaankayga halkana waxaa ugu muhiimsan in aan kashifno oo aan waxba ka suurtogelin ololaha beenta iyo xaaraanta ah ee uu Cali khaliif halkan ka wado waana sii joogayaa insha allaahu’’.

Dhanka kalena Wasiirka caafimaadku waxa uu tilmaan ka bixiyey xaalada nabadgelyo ee deegaankaasi ku sugan yahay iyo mowqifka Dawlada Somaliland ee ku aadan ilaalinta ammaanka gobolkaasi iyo guud ahaanba dalka waxana isagoo arintaa sharaxaad ka bixinaya wasiirka hadaladiisii ka mid ahaa: ‘‘Buuhoodle nabad baa xiligan ka jirta, colaadii way ka baxeen, Somaliland waxay diyaar u tahay in ay nabadaa koriso, weynayso oo ilaaliso, dhib dambana aanu ka dhicin, laakiin ragga Xamar laga soo diray ee doonaya nabadda Somaliland inay dhaawacaan iyo cidda la shaqaynaysa meel kastaba ha joogtee hadaanu xukuumadda Somaliland nahay midna ka yeeli mayno inay dhib iyo colaad ka abaabulaan Buuhoodle, dadweynaha reer Buuhoodle-na diyaar uma aha inay dib ugu noqdaan colaadii iyo mugdigii’’.

“Xaqu Wuxu Kaa Jiraa Halka Dadku Kaa Jiro. Adoo caalim qaran ah, wadaad kooxeed haka dooran” Maxamed cali Bile

$
0
0

bileWaxa maalin dhaweyd warbaahinta la hadley wadaado talo ka bixinaya xeerka bangiyada ee uu ka doodayo barlamaanka Jamhuuriyadda Soomaaliland. Waxa ay wadaadadu sheegeen in xeerkaasi ay ku jiraan qodobo dhowr ah oo ka hor imanaya Shareecada Diinta Islaamka oo haddii lagu dhaqmo cawaaqib xumo keeni karta. Qodobada ay ka hadleen waxa ka mid ahaa, xeerka laga doodayaa inu jideynayo ribada iyo inu maalgelinayo mashruuc kasta isaga oo aan loo eegeyn inu yahay mashruuc wanaagsan ama xalaal ah iyo in kale.
Mabda’iyan waxa an qabaa in wixii dhaqanka iyo dadnimada iyo Diintaba u xun in dalka laga ilaaliyo, haddey furitaan bangi tahay iyo haddii ay tahay ganacsi kaleba. Waxa kale oo an qabaa in culimada arinkaa ka hadashey ay leeyihiin aqoontii iyo ixtiraamkii ay arintan oo kale wax kaga odhan lahaayeen. Kol haddaan intaa ka afeeftey, doodeydan marna yaan laga dhigin inan ribo difaacayo oo waan diidanahay Ribi iyo wixii la halmaalaba. Isla markaana doodeyda haka dhigin inan dhaliilsanahay aqoonta wadaadadu u leeyihiin Diinta iyo Shareecada Islaamka oo anigaaba kuu qirey iney labadaba aqoon u leeyihiin. Labadaa arin waan ka afeeftey oo hadalkeygan wey ka xidhanyihiin, doodna lagama geli karo. Afeeftaa ka dib, waxa an ka soo horjeeda wadaadada shirka jaraa’id qabtey sida ay u hadleen iyo dariiqa ay u mareen iyo hadafka ay u muuqatey iney ka lahaayeen. 5-tan qodob ayaanan ku diidanahay:

1. Horta wadaadadu intey aroor uun soo tooseen kamey dhiidhiyin Ribada ee waa dodo iyo arimo ganacsato iyo wadaadaba ka soo tashadeen oo ay ku hawlanaayeen muddo. Maaha uun wax lexejeclo wadaninimo keli ihi ku qaadey. 3 bilood ka hor ayaan la kulmey madaxda dalka u sareysa mid ka mid oo ii sheegey iney jiraan ganacsato wax ku leh bangiyada wadanka ka jira iyo wadaado dan ku leh oo isasoo abaabulaya oo doonaya iney dadka ku kiciyaan ka hortagga in bangiyo laga furo dalka. Waa saddex ama afar bilood ka hor xiligaa an ka hadlayaa, waana arin ay ka soo tashadeen dad dani ka dhexeyso ee maaha wax dalka iyo danta loogu hiilinayo. Marka an taa sii ogahay, een ogahay in abaabul ganacsato ka danbeyso socdey muddo dheer, shaki ayay I gelineysaa inan iminka maqlo shareecada ayaa loo hiilinayaa. Ninbaa laga hayey Isaxaaqa maan diidin, ee xaaqda ayaan diidey! Wadaadku waa muwaadin aniga oo kale ah. Dan ayuu leeyahay, dareenna uu leeyahay, kitaabkana waanu u simanahay. Qofku inu danta dalkiisa ka hadlana, xaq ayuu u leeyahay. Anigu bangiyada dalka ka jira wax kuma lihi, kuwa doonaya iney qaar cusub furtaana ma ihi. Xataa ma aqaano kuwa doonaya iney bangi cusub furtaan, ganacsadena ma ihi. Wadaadadase waxa loo tuhunsanyahay iney kuwaa aanan anigu aheynba ay ku jiraan. Uuma diidani oo ma lihi muxuu wadaadku ganacsi uugu jiraa oo isaguba waa muwaadin muwaadin xoogsanaya. Balse wax uu isagii qeyb ka yahay oo uu dano ku qabo, aqoon iyo aqoon la’aanba dhexdhexaad kama noqon karo.

2. Wadaadada hadalkoodu waxa uu u muuqday in waxa ay diidanyihiin aanu aheyn ribada oo keli ah, balse waxa ay diidanyihiin in bangiyo la furo sdieedaba. Hadda waa sida hadalkoodu u dhadhamayey. Haddii waxa ay diidanyihiin uu yahay ribada oo keli ah, waxa ay hadalkooda ku soo dari lahaayeen in loo baahanyahay in dalku yeesho bangiyo badan balse xeerka wax laga hagaajiyo, waxaana ay soo dhigi laheeyeen dariiqii bangiyo badan lagu furi lahaa. Maaha oo keli ah iney xeerka bangiyada diideen, ee xataa hadalka wadaadada waxa ku jirey xawaash badan oo ay arinka ku dareen, oo ay kaga hortagayaan in bangiba la furo. Hadalka deelqaafka ah ee ay wadaadadu ku hadleen waxa ka mid ahaa, iney yidhaahdeen bangiyada la inoo furayaa xataa khamriga wey maalgelinayaan. Waa hadal loogu talo galay iney caadifadda dadka lagu basbaaseeyo. Wadaadadu marna kamey hadal bangiyada dalka ka jira ee ribada toban jibaaran qaata balse kelmadaha afcarabiga ah lagu maxlalo ee la yidhaa iyagu “Muraabaxo” ayay qaataan. Ribadu maaha magaca oo ad bedesho ee waa sameynta ay amaahdu leedahay iyo culeyska ay ku heyso qofka wax la amaahiyey. Laba bangi oo labaduba amah bixinaya oo kii 2% qadayeyna xaaraan u noqdey waayo waa dulsaar, kii 13% qaadayeyna uu u noqdey xalaal noqdey waayo waa “Muraabaxo” oo ah kelmed afcarabi ah oo aan samaawi aheyn, maan garan.

3. Inaga oo dhami weynu ognahay in Ribadu xaaran tahay. Intii Diinta Islaamku jirteyna waa la ogaa, Ribaduna wax kasta oo nolosha khuseeya ayay soo geli kartaa. Waxa aanan fahmin waxa Ribadii Ilaahey inaga xaarantimeeyey ku soo ururiyey xeerka bangiyada. Baarlamaanka Soomaaliland dhowr boqol oo xeer oo hore ayuu ansixiyey oo midkasta ay ku jireen arimo Diinta Islaamka khuseeyaa, balse aan mar keli ah wadaado ka hadal. Waa maxay sababta Ribadii addunka oo dhan ku soo ururisey xeerkan ee wadaadku uuga damqadey. Ma danta dadka iyo dalka ayuu u damqadey, mise dantiisa ayuu u damqadey? Waxa dawladdu go’aamo ka gaadhey arimo badan oo ay ka midyihiin wareejinta haamaha batroolka, wareejinta guryaha dawladda, wareejinta shirkadaha leydhka, qaar kalena iney soo socdaan ayaa laga yaabaa. Anigu ma lihi wareejintani waa qalad iyo waa sax toona. Balse waxa an la yaabanahay sababta ay wadaadadu uuga hadli waayeen arimahaas. Arimahan an sheegey waa la ogyahay oo qaarkood dadka lagu wareejiyey wadaadada ayaa ka mid ah oo kama hadli karaan. Qaarkoodna mabey dareemin oo waaney khuseyn, balse arintan bangiyadu wey damaqdey.

4. Ribadu meel kasta oo nolosha ah wey soo geli kartaa. Foostadii baatroolka aheyd ee mareysey $130 maanta waxa ay tagtey $30 suuqa adduunka. Wadamada dibedda, gaadhigii lagu buuxin jirey taangiga $90, manta waxa lagu buuxiyaa $30. Heerka intaa leeg ee baatroolku raqiisey adduunka, waddankeena weli waa sidii, dadkuna wey dulmanyihiin. Shirkadaha baatroolka oo ay wadaadadu in badan ku leeyihiin Ribadooda lama sheego, shir jaraa’idna lagama qabto. Anigu maan odhan balse waxa loo turjuman karaa in lacagtu marka ay wadaadada iyo cidda ay dan ka leeyihiina xalaal tahay. Haddii aaney sidaa aheyn, shareecada si tafaariiqeysan yaan loogu dhawaaqine si loo simanyahay haloo sheego.

5. Dalku sharci ayuu leeyahay waxaana ka jirta xukuumad dadku doortey. Xukuumaddu waxa ay leedahay Wasaaradda Awqaafta iyo Arimaha Diintaa oo ah hey’adda u sareysa ee ka talo bixin karta go’aanna ka soo saari karta arimaha diinta khuseeya. Wey dhici kartaa in wasaaradaasi ay u baahato talo iyo aqoon oo ay wax weydiiso wadaado aan wasaaradda aheyn oo aqoon u leh Diinta. Balse talada kama danbeysta ah waxa gaadhaya Wasaaradda Awqaafta oo u gudbinaya dawladda ama baarlamaanka si loogu go’aan qaato. Wadaadada is barbar ordaya waa waxa soomaaliya rogey ee 100 wadaad mid walabaa inta uu maxkamad sameystey yidhi kitaabkeygaa sax ah. Umaddu dawlad ayay dooratey, dawladaas ayuunbaana ka talin karta mustaqbalka dalka. Dadka wixii aqoon iyo talo hayaana waxa ay u gudbin karaan cidda ay khuseyso. Sida ay wadaadada shirka jaraa’id qabtey u muuqdeen, waa carin iyo yareysi ay yareysteen dawladnimadii. Waa dhab oo dawladu meelo badan ayay dhaakodhaako ka tahay oo u baahan in la xoojiyo, balse uuma baahna in dawldii laga barbar furo dawlado yaryar oo ikhtiyaarkooda ku socda. Waana raqiisnimo in la yidhaa haddii sidaa la yeelo waxa dhaca waa la arki! Waa hanjabaad dawladnimada loo geysanayo.

Salaadiintu waxa ay ahaayeen hoggaamiyayaasha bulshada ee mujtamucu eegto ee warkooda la maqlo. 15-kii sanadood ee u danbeeyey ayay salaadiinta iyo cuqaasha badhkeed dano gaar ah yeesheen oo iyaga oo aan kala tashan dadkii ay madaxda u ahaayeen taageereen dhinacyo siyaasadeed oo ay ku dhex milmeen siyaasaddii. Tii waxa ay keentey in salaadiintii dadka badhkii dhaliilaan badhna taageeraan. Dadkii diidanaa dhaqanka cusub ee salaadiintooda waxa ay bilaabeen iney suldaano kale iyo cuqaal kale ka barbar sameystaan salaadiintii jirtey. Suldaan kasta oo karaamo lahaa markii uu siyaasadda galay ayaa laga barbar sameeyey 5 suldaan oo cusub oo qaar wanaagsan iyo dibjirba iskugu jira, isagiina halkaas ayuu ku noqdey suldaan kooxeed.

Anigu waan rumeysanahay in wadaada iminka hadley ay ku jiraan rag mujtamucu kalsooni badan ku qabo. Waxa kale oo an rumeysanahay iney leeyihiin aqoon iyo waaya aragnimo ku filan oo ay Diinta kaga turjumi karaan. Doodeydu taasi maaha. Waxan kula talin lahaa inaaney iyaga oo culimo qaran ah aaney ka dooran iney wadaad kooxeedyo noqdaan. Haddii dadku uuga shakiyo iney dan gaar ah iyo cid gaar ah difaacayaan oo 24 sanadood dabadood ay dalka xuurto ku heystaan laba bangi, maalinta la soo hadalqaadana sided kitaab la isla soo barbar fadhiisto socon meyso. Haddii taa laga taxadiri waayo, ganacsade kasta oo dan leh iyo siyaasi kasta oo dan lihi wuxu sameysan afar wadaad oo u hadla. Weliba culimadan an dhaliilsanahay waaba kuwo aqoontii Diinta iyo shareecadaba yaqaanee, waxa iman doona culimo kooxeedyo “Faataxada” wax ka badan aan aqoon, balse afmiishaaro ah oo inta ay cimaamado soo qataan wadaadada saxa muran ku furi doona caamada iyo intii danta gaarka laheydna jabsan doona.

Hibo Eebbe ku siiyey, Habeen la iskam Qaado. Wadaadada shirka jaraaid qabtey iyo inta kaleba waxa an kula talin lahaa ummaddu ixtiraam aay idiin heysaa ee bal idinku uun ha is maax duminin. 5-tan qodob ayaan wadaadad kula talin lahaa:

1. Waa muhiim iney wadaadadu marka hore muwaadiniin noqdaan haddii ay yihiinna u muuqdaan oo ay hadalkooda iyo ficilkoodaba ka muuqato lexejeclo ad dalka u hayaan. Diintu waxa ay ku dhisantahay dadka, dadkuna waxa uu ku dhisanyahay dalka. Haddaan dal dhisan oo xoog leh oo hore u marey la noqon, dadku uu daciifaya, dad daciif ihina Diintooda ma ilaashan karaan. Maaha uun in wadaadku shareeco keligeed meel taagan sheegaan oo uu dantiisa ka raaco ama uu dhawaaqo uun maalinta dantiisu cidhiidhiga gasho. Mujtamicii noloshu wey ku adagtahay, gaar ahaan masaakiinta, sicir barar ayaana duleystey. Sicir bararkaasi oo ay keentey ganacsato dabarka goosatey oo ay wadaadadu kow ka yihiin. Wadaadku waa inu xaqqa ku addimaa oo uu dhankasta u ridaa oo uu u hiiliyo dalkiisa. Wadaadku waa inaanu ku mashquulin u kala heelinta 4 bangi oo dad xoolo badan heystaa ku tartamayaan, balse waa inu ka fikiraa sidii loo soo badin lahaa bangiyada wanaagsan ee dalka lagu dhisi lahaa. Haddii aan dalka la keenin bangiyo wanaagsan oo ina anfaca oo dalka inala dhisa, waxa iman doona qaar aynaan ka raali aheyn waxay doonaan haku soo marmarsoodaane oo oo si aynaan rabin inoola dhaqmi.

2. Wadaadku waa inu markasta la safanyahay inta dulman, masaakiinta taagta daran, kuwa aan xaqooda u hadli Karin ee aan codkooda la maqlin, kuwa qatan, dhalinyarada 100,000 kor u dhaaftey ee jaamacadaha ka soo baxday ee shaqo la’aantu heyso ee cidi dheg u dhigi laadahay baahidooda. Wadaadku hala safto hooyooyinka nolosha la halgamaya ee sooqa fadhiya. Balse haddii kolba isaga oo dhaashani inta uu TV soo fadhiisto yidhaa waan idin wacdiyayaa, waxa loo arki karaa qof aan duruufta dadkaba la socon ee addunyo u gaar ah ku nool.

3. Wadaadku yuu meeluun taagnaane waa inu odorosaa oo uu ka sii taliyaa halka umaddu u socoto, sida looga sii hortagayo wax qaldan ee dhici kara iyo sidii loola jaan qaadi lahaa caalamka, gaar ahaan umadaha Islaamka. Umaduhu iyaga oo wada Islaam ah ayay hadana kala tageen oo qaarna dayax higsanayaan oo Diintoodiina xajisteen, qaarna waxa ay weli u noolyihiin 1,000 sanadood ka hor sidii uu Islaamku ahaa. Wadaadku haddii uu sheego uun waxa la diidanyahay, balse aanu xal ficil ah keenin, warkiisu hadal uunbuu ku danbeyn.

ADOO CAALIM QARAN AH, WADAAD KOOXEED HAKA DOORAN.

Nabad iyo Caano

Ardaaga Maxamed cali Bile
Aqoonta U Adeegta Nolosha


Gudoomiyaha Gobolka Maroodi Jeex oo ka Hadlay Nin Xalay Lagu Dilay Magaalada Hargaysa DAAWO

$
0
0

Hargaysa, 19 January, 2016-(SDN/QJ): –Gudoomiyaha Gobolka Maroodijeex Maxamed Maxamud Cali Jeeni yare ayaa Maanta Faahfaahin ka Bixiyey Dil Xalay ka dhacay Caasimada hargaysa Gaar ahaan Agagaarka Garoonka Kubada Cagta ee Hargaysa Stadium.

Waxaa Kale oo Gudoomiyuhu Sheegay in Laamaha amaanku ay ka Hawl galeen Soo Qabashada Cidii Falkaasi Gaysatay Isla markaana ay Hayaan Shakhsiyaad lala Xidhiidhinayo inay Dilkaas qayb ka yihiin.

Curadkii Curinta: Calan-side Cali Sugulle Cigaal, (1936kii – 2016ka)

$
0
0

 

 “Waxan waayey, waayeel murtida, waajibkeed gudaye,

Waxan waayey, waadiga hiddaha, weel nin noo dara e’,

Waxan waayey, ruux loo wakiyo, wiiqii bawdada e’,

Waxan waayey, ruux lagu wardiyo, weedhuhuu yidhiye,

Waxan waayey, wabarkii tixdiyo, wadanaheediiye,

Waxan waayey, waradii hiddaha, waayo-ara ggiiye,

Waxan waayey, wadihii wan-qalay, wowga dirireede,

Waxan waayey, wadhi kii ku dhigay, gaalkii wicilkiiye,

Waxan waayey, webi dhaqanku laa, oo ka wabax laaye,

Waxan waayey, wiilkii indhaha, waaxda maqalkiiye,

Waxan waayey,lama waarayee, waafi Dun-carbeede,

Waxan waayey, waaniye jeclaa, wadar dadkiisoo dhan.,

 

Tuduc ka mid ah Maansada Baroor-diiqda ah ee Xasan Daahir Ismaaciil, Weedhsame,

 

Qalinka Boobe Yuusuf Ducaale – cankaabo@hotmail.com, www.dharaaro.com

 

Qormadii: 5aad iyo 6aad oo Xidhiidhsan

Abwaan_Cali_Sugulle_Cigaal 

Hargeysa, 19/1/2016ka,

 

Riwaayadihii aan ifka arag ee Cali Sugulle uu curiyay intii ‘Kadeedkii’ Oktoobar dalka ka talinayay, waxa ka mid ah mid uu ku magacaabay “Kala fogaa fool iyo lulmo.” Guddidii Faaf-reebka ayaa ka biyo-diidday magacii ka dibna beddel ayaa lagu yidhi. Al-Ustaad Axmed Naaji Sacad oo sheekadan noo mariyay ayaa noo sheegay in uu Cali Sugulle magacii ku beddelay: “Waa la tolay oo ay oloshay.” Ka-dar oo dibi dhal ma maqli jirteen! Waa tan oo kale. Sidii ayaa Cali Sugulle Riwaayaddaas lagaga joojiyay.

 

Axmed Saleebaan Bidde oo ka sheekaynayay aqoontii uu u lahaa Cali Sugulle, ayaa yidhi: “Riwaayaddii lagu xidhay waxay ahayd Ooddaynu kala rogan, irridahaynu kala xidhan. Run ahaantii sidii ayuu Cali Sugulle oodda uga rogtay irridihiina uga xidhay ‘Kadeedkii’ Oktoobar oo aanu waxba ugu yeelan suugaantii daadka ahayd ee loo tiriyay maantana aanay suugaantaa guul-wadaynta ahayd waxba uga noolayn iyada oo la dhimatay nidaamkaa ay la dhalatay..

 

Marka aynu u leexanno caalamka heesaha Cali Sugulle lagagama dabo dhufan jirin. Ereyadu mullaax ayay ahaayeen…….Laxanka ama codkuba xareed ayuu ahaa…….Tumistu heer sare ayay ahayd…….Hooballada ku qaadayaana xulka xulkiisa ayay ahaayeen. Wuxu ku ballaysimayaa qaraamkii iyo codkii Hayaan ee socodka awrka ahaa. Waa beryihii la odhan jiray:

“Qaraamka in ay ku qiirooto,

Aan qaado qasiidadeedii,”

 

Heesahaa hore waxaynu ka soo qaadan karaynaa heestii hal-hayska noqotay ee “Nin lagu seexdow ha seexan, soo jeed oo si weyn u feejignow” oo ahayd hees siyaasadeed oo la hadlaysay innammadii la doortay iyo abbaanduulahoodii sidii beryahaa la odhan jiray.

Heesaha halkudhegga noqday waxa ka mid ah heesta dhiirri-gelinta shaqo-tagga iyo ka-adkaanta nafta ee “Wallee nin hurdow hallowday dantaa, hadhowna dib looma heli karo.” Nimaan magac ka-miskiin ahayn oo Kuluc la odhan jiray ayaa codkaa ku leexaysan jiray. Waxa kale oo aynu tusaale nool u soo qaadan karaynaa heestii dhaqaalaha iyo kobcintiisaba uu ku dhiirri-gelinayay ee uu sida la yaabka leh u qaadi jiray Cabdi Muxumed Amiin ee ahayd:

“Dhaqaalaheennu ha dhuroobee,

Dhambala ciiddoo ku dhuftaay,”

 

Heesihiisa dhaqameed ee halkudhegga noqday waxa ka mid ahayd heestii siyaasadeed ee Hiddiiddiiyoo Hiddii. Waxay ahayd hees siyaasadeed oo uu curiyay laguna qaaday 1962kii. Heestaas oo aad u caan-baxday waxa kala-roganayay wiilal iyo hablo ka mid ahaa markaa fannaaniintii Radio Hargeysa oo waa intii aan Kooxda Waaberi la samaynin. Haddii aanu godollo ka soo qaadanno waa kii lahaa:

“Hir bay laacayoo hinqaday,
Hillaac bay baxoo handaday,
Haddana waayayoo hakaday,
Halyeey waayoo habraday,
Haween baan ahoo hamraday,
Hiil iyo midna hoo ma karo,”.

Wiilashuna waa kuwii lahaa:

“Hurdada aawadaa ma ledo,
Hummaaggaagi bay hor kacay,
Hawshaada ma soo hadh galo,
Hawshaan ku la qaybsadaa
Oo harraadkaan kula qabaa,
Oo anigu waan ku la hayaa,
Ee adaan i hagaajinayn,.

Tuducyadaasi waa Heestii dhaqameed ee Hiddiiddiiyoo Hiddii. Beryo danbe ayuu Cali Sugulle ka dheegayaa Hees dhaqameed kale hees Jabuuti ka caan ah oo ay qaaddo Nimco Jaamac oo ah ta halkudheggeedu yahay: “Heey yaa, Alla Hobaalin Hoobaalow waa” oo ka hadlaysay arrimaha ijtimaaciga ah ee guurka oo uu ku luuqeeyay Al-ustad Axmed Naaji Sacad. Heestan qudheeda waxa ku doodayay wiilal iyo gabdho isku eedaynaya guurka burburay iyo qoysaska kala tegay.

 

Nasiib-wanaag Al-ustaad Axmed Naaji Sacad oo ay Cali Sugulle fan ahaan isku xidhnaayeen, wuxu ka mid ahaa dadkii meydkii Cali Sugulle ka soo gelbiyay Imaaraadka si loogu aaso magaalada Hargeysa. Si wanaagsan oo qiimo leh ayaa Cali Sugulle loo sii gelbiyay oo waxay ahayd geeri-arooskeed. Axmed-Naaji Sacad isaga oo Cali Sugulle iyo Hargeysaba qiimaynayay habeenkii Jimcihii ee 14/1/2016ka, wuxu Hudheelka Hiddo-dhowr ka qaaday heestii Cali Sugulle ee Guri ba’ay. Hiddo-dhowr waa xarun dhaqameed oo cusub oo kaalin la yaab leh kaga jirta soo-noolaynta iyo keydinta guud ahaanba fanka Soomaaliyeed iyada oo lagu ballaysimay codadkii Qaraamka. Dhawaanna waxa xadhigga laga jari doonaa Hoolka yar ee Hiddo-dhowr oo loogu wan-qali doono Ardaaga Maxamed Mooge. Axmed-naaji isaga oo deggen Maansoor Hotel ayaan ka codsaday in uu ii qoro hees-dhaqameeddaa Guur ba’ay ee Cali Sugule, waanu yeelay sidaas oo maanta (17/1/2016ka) barqadii ayuu iyada oo qoran i siiyay. Heestii Guur ba’ayna waa tan ee ka noolaada:

Hees-dhaqameedda Guur ba’ay

 

“Gaarida gaarida haween,

Geed baa loo fadhiisan jiray,

Inta loo gogol-dhigtaa,

Gabbaati la qaadi jiray,

Guurkii sida geed ma dhadhay,

Geyaankii miyuu goblamay!

 

Jiib: Heey haa, heey heey haa, Alla hobaalow hoobalow waa

 

Gabdhii waxay leeyihiin,

Giniyo lacag baan rabnaa,

Gacmaha kaan sudhi lahayn,

Luqunta kaan gashan lahayn,

Guntiino xariir ah iyo,

Garbo-saar aan la iibsan karin,

Kolkii ay guddoonsadeen,

Sidaasaa guurkii ku ba’ay,

 

Jiib: Heey haa, heey heey haa, Alla hobaalow hoobalow waa

 

Gabdhii waxayleeyihiin,

Raggii godadleey noqdeen,

Iyagaa goobta xun na dhigay,

Galabtii walba waa aroos,

Gelbisna uma baahanee,

Gebleey-shinbir bay tuntaan,

Guurkii sida geed ma dhadhay,

Geyaankii miyuu goblamay,

 

Jiib: Heey haa, heey heey haa, Alla hobaalow hoobalow waa

 

Raggii gocasheey qabaan,

Gabdhii way cabanayaan,

Iyamaa godobtaasi qaba,

Gefkaasi xagguu ka yimid,

Dadweynoow gartooda naqa,

 

Jiib: Heey haa, heey heey haa, Alla hobaalow hoobalow waa

 

Heesaha kale ee hadaaqa dadweynaha noqday waxa ka mid ah oo dal iyo dibadba maaxday heesta uu ugu hiilinayay qoraalkii farta Soomaaliga, heestaas oo aan filayo in ay ku jirtay Riwaayadihiisii mid ka mid ahayd. Waa heesta la yaabka leh ee “Af-qalaad aqoontu miyaa.” Waxa kala-roganaya oo cirkaa isla maraya Xaliimo Khaliif Cumar (Magool) iyo Maxamed Axmed Kuluc. Haddii aynu yar sunnaynno, waa kii lahaa:

 

“Af-qalaad aqoontu miyaa,

Mayay mayee waa intuu qofba Eebbe geshaa,

Ayay nala tahay annagee,

Ma og tahay dib looma abuuro dadkee,”

 

 

Cali Sugulle kuma koobnayn oo keliya heesahaa waddaniga ah bal se mararka qaarkood ayuu kalgacalka iyo laxawgana baacin jiray. Tusaale waxaynu u soo qaadan karaynaa hees ay wada qaadeen Xasan Diiriye iyo Magool. Haddii aynu dhandhamiya is-nidhaahno midhahaa kalgacal, sow kii lahaa:

 

Gabadha:

 

“Baxsanow kalgacaylku waa,

Dab baxaaya oo belelee,

Adigaa i badee iga bi’i,”

 

Wiilka:

 

“Bilaneey kalgacaylku waa,

Bidhaan quruxsan ood u boogtee,

Adigaa i badee iga bi’i,”

 

Heesihiisii kale ee halkudhegga noqday ee had iyo jeer lagu halqabsadona waxa ka mid ah:

 

“Ma-hadhin hadal la is-yidhaahdaaye,

Hubsiimo hal baa la siistaa,”

 

Heesaha kale ee ma-hadhada reebay ilaa maantadaa aynu joognana la majeerto waxa ka mid ah laba heesood oo uu Jabuuti u tiriyay  19kii Maarj, 1967kii. Waa xilli dalkaa laga qaadayay afti ahayd in ay kala doortaan Haa iyo Maya oo u kala taagnaa: Haa gumeysigu ha na sii haysto iyo Maya oo ahayd gumeysigu ha naga guuro.

Cali Sugulle wuxu is-hordhigay laba munaasbadood. Wuxu yiqiinsaday in ay aftidaasi laba natiijo mid uun ku dhammaanayso: Haa ama Maya oo u kala-dhigmayay ‘Oui’ iyo ‘No’. Laba heesood ayuu u kala sameeyay labadaa munaasabadood. Wuu laximay, waa la tumay waana lagu qaaday ama lagu heesayba. Xiddigihiisii Kuluc iyo Magool ayuu u kala dhiibay.

Xilligu xilliyada kuma jirin oo waa berigii aftida laga qaadayay dalka Jabuuti oo ku beegnayd 19kii Maarj, 1967kii. Haddii dadweynuhu maya ku codeeyaan oo ay gumeysiga iska eryaan, wuxu ugu talo-galay heesta karkaarrada jabsatay ee:

“Waa baa beryay,

Bilicsan,

Arooryo baxsan,

Maalin bokhran,”

 

(La soco berri, haddii Eebbe idmo)

 

 

 

Haddaa Yaanu Dad-qal Xadi gaadhin = W/Q: Maxamed Cabdillaahi Biixi

$
0
0

12596409_10201534777406719_303695431_nWaa waa hore , hadda sidaasi usii horeeya oon dhaweyn. Waan yaraa, Haddaa yaraanshiyo ma ahayne way yaraanshiyo dhaaftay. Ku dhawaad hilaadii 2006 bay ahayd. Goobtu waa hargeysa, Qofka sheekadani ku dhacdayna waa ani.

Waagaasi aan aadka u yaraa waxaan ahaa wiil aad iyo aad waxbarashada u jecel gaar ahaan waxaan aad u xiisayn jiray inaan barto luuqadaha siiba ingiriisiga oo baryahaasi ahayd wax balo ka dhacday oo xataa haweenka miyiga kasoo galaybaa ku hadli jiray oo guri jiray i dont care iyo shidhboolshidh maxaa waxana baray?.

Waxay sidaasi ahaataba waxa aanaad u jeclaa inaan barto luuqadaasi, kaliyaata inaan barto uun may ahayne waxa iyaduna aad u jeclayd ingiriisiga hooyaday oo i odhan jirtay” hooyo ingiriisiga baro haddii kale dugsiga sarre si fiican waxba u baran kari mayside oo waliba intaanad 8ka gaadhin si fiican u baro”.
waxay sidaasi ahaataba, waxa markii danbe dhacday in bareefat luuqadaha lagu barto la i geeyo si aan luuqadda ingiriisiga ugu soo barto.
Se nasiib darro xaafadda aan daganaan jirnay oo ahayd jigjigayar wax bareefat ahi uma dhaweyn!!!.

Waagaasi xagga horumarka xaafadda jigJigayar way ku hoosaysay.
May ahayn jigjigayartan hadda caasimadda noqotay ee waxkasta laga helo.
Sidaasi aawadeed, waxaa qasab noqotay inaan u tago bareefado ku yaala suuqa-hoose si aan u soo barto ingiriisiga.
Waagaasi suuqa waxaa ku yalaay bareefato heer caalami ah oo biyaha tufi jiray, koollajyadda reer landhan kamay dhici jirin.
Waxa baraaktiis la samaynayo, waxa tobigyo la jeedinayo iyo waxa inan iyo inan is gurayaan haw aaryuu? Weer aaryu kamfaroom iyo way u aar luukin at me am ay e miror waad waayabaysaa!!!!.

Waxa bareefatadadaa ugu cadcadaa aflax, waabari,xasan cawaale, nuuradiin iyo iqra oo ahaa kuwa ay waagaasi magaaladdu u shidnayd. Xataa waxay ahaayeen intay shidni dhaafeen qaar holac bixiya. Alla waagaasi waayaysnaaye.
Shukaansiga ka dhaca magaaladda meel kale kamuu dhici jirin, waxa ay ahaayeen crownada iyo green plazayaasha magaaladda. Se waxaas oo dhan waxaan ka ahaa uun daawade waayo waan yaraa oo hablahuba inay dadka cunaan baan moodi jiray.
Kuwa labista marsada iyo kuwa iscadeeya waan ka baqanjiray!!!.

Waagaasi da’ daydu sheekadda ma aqoon se da’da xilligan joogtaa sheeko iyo waxaas wayba dhaafeen oo way is guursadaan.!!! Waagu wacnaaye.
Tallaw ma anagaa badaw ahaan jiray? Moojaan!! Haddaan gartay ee iska dhaaf faysbuug baan jirin oo halkaanu badawda ka ahayn halkaasay ahayde.
Xaafadayada oon curad u ahaa aawadeed waxa lay geeyay bareefat la odhan jiray IQRA oo ku daba yaalay fooqa maaweel amaba kasoo horjeedi jiray isguulka xasan cawaale, sababta oo ah waxa uu ahaa ka noogu soo xiga jigjigyara ahaan suuqana udhaw. Wiil curad ah oo la jecel yahay ma iska ahaa aad baa lay ilaalin jiray.

Hadda lafteeda waa lay ilaaliyaa hablooy ee hoy iska kay ilaasha. Mayee isku kay ilaasha ma yidhaah?. Oo isku ilaalinta ma biifbaf baan ahay cayayaanka ka ilaalinaysa? Dee mooji!!!. Yeelkeede bareefatkii waan bilaabay. Waan xasuustaa oo maalintii u horaysay waxa aan galaaska bilaabay iyaga oo dhigta buug la odhan jiray(lost cat) bisadii luntay. Buugani wuxuu ahaa buug ka horeeya buuga la yidhaah new concept english.
Calashaan waa beginner iga dheh. Haa waa begginer se hadda ALPHABETKA englishta waanu ka saraynay oo iyagoo halkaas marayaan la bilaabay.

Waa maalintii iigu horaysay een bareefat fadhiisto oon English ku dhigto mise suuqaba waxbarasho u yimaad. Nimaan suuq arkin dhaayo la’aa!!! Suuquba ma sidan baa? suuquba hay danbeeyee waxa cajabtu cajiib ila noqotay hablahan aanu isku kalaaska ahayn oo badankoogu iga waaweynee, misena laa xawlaa qurqurux badnaa!!! Alla qurquruxbadnaayeenaa hablahaasi. Sababta miyaad garanaysaa? Maya baan filayaa, waayo waxaan ahaa arday dugsi hoose dhexe wax ka dhigta oo hablo xaydarada cuna moojaane aan waligii arag oo ag fadhiisan inan haaf dhajisa xidhan, xamuurad afka soo marsatay, boorso yar garabka ku haysa oo shalmad yar huwan.
Ayaamihii u horeeyay waxba ma dhigan jirin oo maalinkasta dharkooga ayaan iska dàadaawan jiray. Waxaan xasuustaa inan haaf dahabi ah iyo shaadh kiisa oo dahabi ah soo xidhanjirtay. !!!!

Alla xumaa markay iyaguna nuunuu yar kuu arkayaan oo maxamed yaraw buugaa ii dhiib iyo waraaqahaa inoo soo koobiyee ku odhnayaan.
Anna waaban ka helayaa oo calashaan nimay ka heleen baaban isku haystaa!!! Se ka heliduba ha joogtee inlayn gacanyaraan u ahay. Caruuri waa ciil laga waynaado.
Galaaska noocaas ah baan wax la dhigan jiray.
Waxa galaaska ugu yaryaraa aniyo 3 inamood oo kale laakiin 23ka kale waa ay naga waaweynaayeen. Waxa uu waayuhu sidaas ahaadoba maalinba maalinta ka danbaysa waxbaa luuqadaydii iska soo badbadalaya.
Baraaktis samee, buug habaryartaa leedahay lecture kasoo qoro oo jeedi misena haba yaabaan oo ha yidhaahdaan waaba cadaab yarku. Muddo yar kadib galaaskii waxaan ka noqday waxyaroo daadax ah oo casharadiisa ka adag.

Runtiina been ma ahayn oo aad baan u xiisayn jiray ingiriisiga inlayn nin hablo ka waaweyni maxamed kaalay erayadaas noo qor iyo tobik noo soo qorta hayaan baan ahee. Allaw yaa u sheega in buugii habaryaro ku dhigan jirtay ingiriisiga aan kasoo qoro waxan.
Waxay sidii ahaataba markii danbe si daacad ah baan bahalkii u bartay, maalin kasta warka 2 da ayaan soo dhagaystaa, halkaasaan baraaktis kasoo sameeyaa oon ula yimaadaa ardayda anoo waxaygii yaraa sharaabsan.
Marka aan galaaska ka baxno hablaha waxa ay israaci jireen wiilasha ay isku gayaanka yihiin, aniguna 3 dii kale ayaanu israaci jirnay ilaa aanu baska ka gaadhayno. Laba waxay gali jireen pepsiga, mid xero-awr anna jigjigayar waxaananu ku kala leexan jirnay saldhiga dhexe ee hargeysa agtiisa.

Inta aanu usoo socono baska laga soo bilaabo xafiiska daalo airline ilaa laga soo gaadhayo masjidka rusheeye ee sheekh dirir tujiyo badanka waxa aanu kusoo ciyaari jirnay candho candho. hanala yaabin caruur baanu ahayne. Maalin kasta caado ayayba noo ahayd ciyaartaas yari.

Haddaba, waxaanu ciyaarnoba maalin maalmaha kamid ah ayaa waxa aanu kusoo habsaanay bareefat oo awal halka aanu kasoo bixi jirnay 5 ayaanu kasoo baxnay 5.30kii galabnimo, dhulkii waa soo modoobaanayaa cadeeceedina orod bay kusii hoyanaysaa habeenkaa wax ka si ahaa mooyaane aad bay u dagdagaysay cadceedu.
Laakiin anaga nagama qasna oo candho candhadii baa noo muuqata.

Iska bilawnay, isna eryanay oo kolba mid la candhee oo haddan mid kale la candhee, anaga oo sidaasi ciyaartaasi xamaasadda leh ugu jirna ayaa waxaan markaliyaata waayay seddexdii asxaabtayda ahayd mar aan soo gaadhnay fooqa baxsane ee horncable tv xafiiska ku leeyahay , waliba qaybta kasoo horjeedda xafiiska somtel.

Waan istaagay. cabaar baan raadiyay, se waan waayay. Waxaan u qaatay inay iga dhuumanayaan, haddana macquul ilamay noqon oo anuu ka laga dhuumanayay maan ahayn ee ninkale ayaa noo candhaysnaa oo naba eryanayay. Yaab!!!!

 Waan daydayay oo daydayay oo haddana daydayay se waan waayay.

Anoo yaaban oo amakaagsan uun baan markaliyaata is idhi ‘gaadhigan caasiga ah ee ku horyaala bilay kudaba jiraan, mise dhankiisa danbe ayaan eegay oo kuma dhuumanayaan.
Soo jeedsigaan soo jeedsaday oon isleeyahay iska tag uunbaa bahal dhirbaaxo ah dhabanka baw laygaga siiyay!!! Ilaa hadda ma kala garanayo inay xanuun ahayd iyo inkale. Waxaanse xasuustaa in dhabankii i kogay oo qaboobay.

Dhirbaaxadda waxa igu dhuftay waa nin, wajigiisa ma arko se kaliyaata waxaan arkaa surwaalka uu xidhnaa oo caddaan ahaa iyo shaadhku xidhnaa oo fiyoolee ahaa, ninku dhexda ayuu ka xidhnaa suun madawna waa uu kaga xidhnaa. Garabka ayuu i qabsaday, waxa aanu markiiba igu bilaabay” adeer iskawaran ? Ma fiicantahay? maanad i garanayn? Ima garanysid baan filayaa oo addoo caruur ah baa iigu danbaysay gurigiina. Intan intuu leeyahay ani shoog baa i haysta hal marna ugama jawaabayo, kaliya waan aamusanahay. Waxaan umalaynayaa inaan sixranaa.

Inta uu waxan i leeyahay waxa ii igala soo talaabayaa dhanka fooqa baxsane oo uu iila soo talaabaya halka uu fooqa somtel hadda yahay.

Wadada bartankeeda markaan marayno uun buu miyirkaygii igu soo noqday oon markaliyaata iswaydiiyay muxuu la dagdagayaa ee uu gawaadhida uga istaagi laayahay? Waayo waxaan miyirsaday isagoo gaadhinxawli ku aocda suginkari la’ oo hore u talaabaya.

Markaan intan iswaydiiyay ayaa wax markiiba igu soo dhacay hadal ay hooyaday igu lahayd galabnimadii markaan xaafadda kasoo baxay oo ahaa’ caruurbaa la qashee is ilaali’.

Markiiba jidhiidhico ayaa iga booday. Xasuuso markan waxaan ku hoos jiraa kilaankiladiisee. Tallo ayaa igu cadaatay. Waanan fikiray, waxaan sameeyona waan ka fikiray inta aanu wadada ka talaabaynay kun iyo toban go’aan baa igu soo dhacaya.

Mar ma qaylisaa baan isleeyahay? Oo haddaad qayliso bilaa dadkuba wada sixranyihiin oo lagu raaciyaa? Mar waxaan isleeyahay ma orodaa? Oo ma orod baad kaga dheerayn bay nafi i leedahay? Marna islaamaha jaadlayda ah ma utagtaa baan isleeyahay? Kun iyo kotonkaa wax baa intii yarayd een talaabaynay igu soo dhacay.

Anoon go’aan qaadan baan tallawnay se wali si si ah. Markii aanu talawnay baa gaadhi uu lahaa oo hortaagnaa dahablaha xafiiska somtel ku xiga oo garande ahaa ayuu daaqadda danbe furay soona fuul i yidhi.

Saacadan anuu waan anfariirsanahay waliba kurboonayaa oo dhididkaa raba inuu iga yimaad halka iyadana ilmadu rabto inay aayar iska soo socoto, waxaan ku qasbayaa inay ku jiraan nudaha jidhka ee ay ku kaydsanyihiin. Haddayse nudahaas kasoo baxsadaan waxaa dhacaysa in la dareemo inaan wax dareemay oo dareenkaygiina iisoo noqday.
Waxaan sameeyo ma garanayo, tallona waa ay igu cadahay.

Waan garwaaqsaday inuu ninkani yahay dadqal i raba inuu i xado se nuuxsan karo. Markan waa inaan fikiraa, inta aanan gaadhiga korin ayaa waxaa markaliyaata igu soo dhacay dhako aan islahaa waad ku badbaadaysaa.

Waxaan ku yidhi” adeer substationkaa masjidka sheekhdirir ku hoosyaal, hadda kaas aan farta kuugu fiiqayo sawma arkaysid baan kasoo qaadayaa 300$ oo biilkii xaafadda ah oo la dhigee aan inoo soo qaadee isii sug” intan markaan leeyahay ilama aha inaan ku badbaaadayo!!!! Waayo nin arkaaya naf dhan isma odhanayo macalaa 300$ ku darso oo fasax hasoo qaadee, nasiib wanaagse wuxuu ahaa dadqal iimaan la’ oo waxba dhaafay lacagta iyo anigaba wuu noo miliqsaday.

Waxa uu igu yidhi” orod waayee adeer soo dhaqso aan gurigii hore kuu geeyee”!!!!! Ma nacas baan ahay, markuu intaas iyidhi waxa iga soo booday neef qabaw oo neecaw wadata aan la qiyaasi karin runtii siday ahayd.

Firxadka aan halkaasi kasoo qaaday waxaan ka dheeraynayay gawaadhida wadada hareeraheega maraysay, mooji dadku inay ila yaabanaayeen. Anuu waxba ma arkayn oo dhamaan dareemadaydu waa ay kacsanaayeen indhahaygana waxaa buuxisay ilmo hililiqda i haysa.

Waxaan ordoba waxaan maqiiq aan ku galay guri adeerkay leeyahay oo kudaba yaala baanka dhexe ee hargeysa, anoo xiiqsan oo hiir raagaya baa ay aayaday igu tiri” maxamed maxaa kugu dhacay?” Maan u jawaabayaba iyada lafteeda ayaan u haystaa inay dadqalka heshiis la tahee.

Bal naftan waalan eega, oo hadday heshiis la tahay maxaa gurigeega i keeny!!!! Waxa i keenay waa waalidnimo iyo guriga oo gurigii adeerkay ah se waxa waswaaskan oo dhan igu waalayaa saw maaha inaan ahay nin sixran.!!!!

Qasabad guriga ku dhex taalay baan biyo ka cabay kana fool dhaqday, waxayna aayaday igu tiri’ maxamed shaydaanka iska naar oo halkan soo fadhiiso anaa ku kaxaynaya oo guriga ku gaynayee’ se maan aamini runtii ee intaan xuf kusoo siiyay baan anoo maqiiqan orod gurigii kaga soo baxay. Inay iga daba yimaadeen iyo inkale alaahu aclam!!!!.

Anoo maqiiqan baan markaliyaata is arkay inaan joogo istaankii basaska jigjiga yar laga raaci jiray.
Waxa uu ku ahaan jiray istaanku hadda halka uu yahay.
Bas aan ilaa immika xasuusto oon xataa 6 bilood kahor markaan hargeysa joogay aan soo arkay oon iskuulka u raaci jiray barigaan xuseen giire(dugsi-hoose dhexe) dhigan jiray baaa nasiib wanaag taagnaa, kii baan dalaq soo yidhi.

Baska dirawalka wada waan waji aqaan, sidaasi aawadeed waxaan fadhiistay kursiga dirawalka ku beegan ka ka danbeeya ee kali kalida ah si haddii uu ninkii soo koro aan dirawalka ugu qayliyo oo uu ii badbaadiyo.

Naftan yar ee igu jirta alla maxaa lasoo cadaabay!!! Malaha cadaab danbeba iimay hadhin. Wadnahaa fudhfudhaa i haya, baskii dhaqaaq nasiib wanaagna ma saarnaa ninkii.

Markii aanu marayno halkii ku beegnayd dahablaha ku xiga somtel oo ahayd halkaan kaga tagay gaadhigiisuna taagnaa ayaan daaqadda baska daaha aayar ayaar ka qaaday oo khaawisay misena waa uu taagan yahay daaqadiina waa ay furantahay.

Naxdin weynaa wakaas ku arkay baan is idhi oo dagdag baan daahii daaqadda ugu daday. Qulu waluhu wuu daalay,anna waan jajabinayaa oo nafnaxsan baan ahay.

Waxay sidaas ahaataba markuu baskii cabaar socday ee uu marayo gooladda state houseka ayaa dad badani ka daadageen, markaasaan xagga danbe eegay, mise waxaaba xagga danbe fadhiya isagii!!!!!!!! Laa xawlaaaa. Orod intaan isqaadaay baan dag is idhi markaasaan haddana isa soo qabtay oon ogaaday inaanan xaafadii gaadhin.

Markan war uma hayo inuu isna damcay inuu soo daadago iyo inkale se baskii anoo kawada dagin baan dib iskaga soo noqday… horta waagaas dadku cadawsanaayee maskiinkaygan yar ee naxsan mayna dareensanayn? Maya baan u malaynayaa oo waagaas psychologyga aad looma baran.kkkkkkk.

Markaan kusoo noqday gudihii baska baa waxaan fadhiistay kursiga dirawalka ka danbeeya ee labada lagu fadhiisto oo madhnaa.

Markan kursiga umaan fadhiisan inuu dirawalku wax iga qabto, se waxaan u fadhiistay inaan kolba dhinac u dhaqaaqo marka basku istaago oon iska dhigo nin dagaya anoo anna isaga dareenkiisa eegaya. Isagu kursiga danbe oo madhan buu fadhiyaa, markuu basku dhaqaaqo anna wax dagaan iska dhigaa anoo isaga eegaya, mise isna waa uu iska dhigaa oo uu igu qoslaa!!!!! Naxdin weynaaa!!!! Wali ma hadli karo oo cidna umaan sheegin in nin dadqal ahi baska saaranyahay.

Waxaan ka cabsi qabaa in dhamaantood uu sirxo iyo inay iyaga laftoodu dadqal yihiin. Hoostaan ka leeyahay : aalla hooyooy aalla aabooy dadqal baa i helay!!!! Waxuu xaalkii sidaas ahaadoba oo uu qosloba , walibana midkaayaba ka kale la dhaqaaqoba tallo waxay ka fursan wayday inaan markale fikiro oon keeno hanaan aan ninkan kaga baxsado.

Ninkani marbaan soo siray se lagama yaabo inaan markale sigo saw sidan maaha. Waan fikiray waliba fikir naxsan oo maskax dhiig badani ku socdo ka imanayo, cabaar kadib waxaa igu soo dhacday fikrad ah: inaan baska kaga dago oon joojiyo meel ku beegan guri habaryartay leedahay oo wadada qarkeega saaran, kadibna aan sidii wax maqiiqan gurigaasi galo, waayo isagu halkaasi kuma dhaco inuu iga soo dabo galo.

Sidii baan go’aan ku qaatay. Markuu baskii gurigii usoo dhawaaday baan joojiyay oon sidii xabad la tuuray ka booday , nasiib wanaag albaabka guriguu wuu furnaa. orodkaan ku galay baa waxaa isoo celiyay gidaar daarada danbe ku yaal.

Markan waan yara nafisay se haddana waan naxsanahay oo waan isku aamini kari laayahay guriga haboyartay oo waxaan ka cabsi qabaa inuu soo galo oo iyana ii dhiibto!!!!! Duni la kala aamin baxay baaan waagaas ku sugnaaa.

Markaan gidaarkii sidaas uga soo go’ay baa haboo naxsani igu tiri”habo maxaa dhacay? Way aragtaa inaan ilmaynayo se waxaan ugu jawaabay waxba. Inyar kadibba anoon nasan oo iyana warka u dhamaystirin baan el kaga soo baxay gurigeegii, garo oo gurigeeguu wuxuu ku yaal agagaarka ina bakeeri-jigjigayar.

Jiirta irshaad tagta ee ina bakeeri kabaxda baa anoo sida miiga u duulayaa ka baxay oo haddana la daadagay, waagaas haddii orodka laygu dari lahaa Mo Farah caruureeye ayaan noqon lahaa.
Nin naxdini hayso ma waxaanu mofarah ka dheeraynbaa?!!! Jiirtu halkay ka daadagto ee ka laabato baa gurigayaga looga laabaa se nasiib darro xawligaan ku socday waan is qaban kari waayay oo anoo maqiiqan baan geedo iyo meel madaw daf yidhi.
Waqtigan aan rafaadayo waa 7dii habeenimo oo dhulku waa madaw. Orod baan kaga soo baxay meeshii madoobayd oon dib jiirtii usoo koray anood moodo in sida fulkaanaha wax iisoo tuureen.

Anoo hiirraagsan oo naftu i hayso baan soo galay gurigayagii hooyo iyo caruurtayadii joogaan. xaafadii waa ay iga naxday, mar inlay soo dilay moodeen, mar inlaysoo sirxay marna in jin isoo galayba.!!!!!

Iyaga oo amakaaagsan biyo iyo baraf laygu qabay, liin laysii oo joogaag isku qulaami inlayn nin maanta dhan ordayoo laga xaraabadaysanayaan ahaa inlayne. Inyar kadib wadaad jaar nala ahaa baa loo yeedhay halkii baana quraan laygu aqriyay. Subaxnimadii baan soo toosay anoo caafimaad qaba, markaasaan xaafadii dhacdadii uuga sheekeeyay.

Maalintaa wixii ka danbeeyay bareefat laygama saarin se waalay sii qaadi jiray.

Waxaase nasiib darro ah in maalintaas ilaa maalintii bareefat iigu danbaysay oo 2 bilood u dhaxeeyeen aanan arag seddexdii saaxiibadayda ahaaa ee maalintaasi aan waayay!!!!!!! Mooji in iyagana la xaday maalintaasi oon anuu badbaaday kaligay…. dhamaad.

Mohamed cabdilaahi biixi.
Addis-ababa, ethopia.
Medical student.
Biixiyare@hotmail.com.

Gudoomiyaha Gobolka Maroodijeex Iyo Madax Wehelisa oo Awaamiir Cusub ku soo Rogay Dadka Dooxa Xaraf Ciidda ka Gura DAAWO

$
0
0

Hargaysa, 20 January, 2016-(SDN/QJ): – Gudoomiyaha Gobolka Maroodijeex oo ay Weheliyaan Gudooomiyaha Hay’ada Nerad Iyo Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargaysa ayaa Kormeer ku soo Maray Xaraf ee duleedka Caasimadda Hargaysa oo ay Faro baas ku hayaan  Gaadiidka Iska Rogooyinka oo ka daabula Ciida.

Kormeerkan ay Mas’uuliyiintani ku tageen Dooxa xaraf ayaa lahayd Laba Ujeedo oo kala ah Sidii looga samayn lahaa Dhaam Iyo Sidii loo Joojin lahaa dhibaatada ay iska rogooyinku ku hayaan dooxa Xaraf .

Hargaysa Degsiimooyin Loo Dhisayo Dadka Danyarta ah Iyo Agaasimaha Guud ee Dib u dejinta oo soo Kormeeray DAAWO

$
0
0

Hargaysa, 20 January, 2016-(SDN/QJ): – Agaasimah guud ee wasaarada dib u dajinta jamhuuriyada somaliland Mudane Cabdi-naasir Xaaji Daa’uud Warsame ayaa kormeer ku soo maray xaafadaha ayaxle iyo jimcaale oo loo dhisayo dadka danyarta ah.

Viewing all 6893 articles
Browse latest View live