Quantcast
Channel: Features – qurbejoog.com
Viewing all 6893 articles
Browse latest View live

Cali Sugulle Cigaal “Duncarbeed” (Oodweyne 1933 – Dubaay 2016)

$
0
0

Mar haddaanad geerida horteed geesiga aqoonsan Goblan weeye Soomaaliyeey garashadaadiiye.”

 Eebbe ha u naxariistii abwaan Cali Sugulle “Duncarbeed” oo maanta ku geeriyooday magaalada Dubaay, waxa uu ahaa abwaan, hal-abuur, riwaayad sameeya iyo suugaan-dhaadhi aad loogu xasuusan doono halgankii xorriyad doonka, curinta iyo casriyeynta riwaayadaha, u tirinta nuucyada kala duwan ee maansada jaad gooni ah iyo waliba u hiilintii qorista iyo horumarinta afka hooyo.

Abwaan Cali Sugulle, waxa uu ku dhashay magaalada Oodweyne ee gobolka Togdheer, sanadkii kun iyo sagaal boqol iyo seddex iyo soddonkii (1933), waxa uuna ku barbaaray meelo kala geddisan oo ah ka mid ah gobollada waqooyi ee Soomaaliya ( Soomaalilaan). Waxa uu wax ku bartay dugsiyada Berbera iyo Sheekh.
Abwaan Duncarbeed oo ahaa shumac iftiimiyay fanka Soomaaliyeed, waxa uu qayb weyn ka qaatay bilowgii fanka cusub ee Soomaaliyeed ee ka hirgalay magaalada Hargeysa, iyo magaalooyinka kale ee gobollada waqooyi; waxa uu ka mid noqday kooxaha fanka ugu waaweynaa oo ay ka mid yihiin: Almadar, Sooba iyo walaalaha Hargeysa.
Abwaan Duncarbeed oo hal-abuuurka maansada ka hiddo raacay Aabbihiis Sugulle Duncarbeed tan iyo caruurnimadiisii waxa uu xiisayn jiray suugaanta taas oo u suurto galisay inuu heer fiican ka gaaro. Heestiisii ugu horraysay ee hano qaadday (ayaa ila genbiya gumaysiga) waxa uu sameeyey 1956kii.
Laga soo bilaabo taariikhdaas waxa uu tiriyay gabayo, geeraarro iyo jiifto. Sidoo kale waxa uu allifay riwaayado badan oo caan noqday oo ay ka mid yihiin: Himilladeena (1960), Tusaalo (1962), Indhasarcaad (1963), Ma Huraan Afkii Hooyo weeyoo (1964), Dhagax iyo Dadab lays kuma dhufto (1966), Sheeg iyo shareero (1969) iyo kuwa kale oo fara badan.
Abwaanku wuxuu caan ku ahaa, aadna isugu taxallujiyay, qaddiyadda ummadda Soomaaliyeed iyo dhammaan himilooyinkeeda. Suugaan kasta oo uu sameeyayna waxa uu ku abbaari jiray arrimaha ummadda ka wada dhaxeeya ee saamaynaya misna wada taabanaya xag dhaqaale iyo xag dhaqanba; taasna xaddigeeda waxaad ka garan gartaa haddaad akhrido riwaayadda “Indhasarcaad” (Halkan ka dagso).
Waxyaalaha waaweyn ee ay daarneyd suugaantiisa ee lagu xasuusto waxaa ka mid ah: muujintii baahidii loo qabay qoritaanka iyo kor u qaadidda Afka hooyo.
Suugaantiisu badi waxa ahayd murti miiran oo durba maanku qaban karo kuwaasoo si fudud halhays lagu wada halqabsado u noqon jiray, bal dhowrkaan murti ila dhugo:
  • Af qalaad aqoontu miyaa?
  • Nin lagu seexdow ha seexan
  • Dab iyo dhagax, lays kuma dhuftee, ka la dhowraay
  • Diric kala ahaantii Daleel guusha kama helo Dadkaa geesi lagu yahay
  • Adduunyo hal baan lahaa O’ hashii horor baa la tegay Haaneedkaa loo hayaa O’ hadhuub madhan baan sitaa
  • Waa baa beryay, bilicsan, arooryo baxsan, maalin boqran!
  • Waa loo tartamayaa, maxaad taqaan
  • Waa saabuuntii xumbadeedu Saacaddu ay ku gudhaysay Sida Soodhaha weeye oo Wax kast,oon ku samaynno Saaka way yara qaylin Saadanbaa la xusuusan Saakuubna waa la illaabi.
  • Ma hadhin hadal lays yidhaahdaa

Eebbe ha u naxariisto

Tixraac
  • Somali Literature , B.W. Andrzejewski.
  • Indhasarcaad (riwaayad), Cali Sugulle.

‘’Waa Kuma Amiin Caamir?’’ Warbixin Cajiiba Oo Laga Diyaariyay Shakhsiyadda Farshaxanistaha Soomaaliyeed Ee Amiin Caamir DAAWO

$
0
0

Halkan Hoose ka Daawo Warbixinta Cajiibka ah ee laga Diyaariyay Amiin Caamir;

 

Qurbejoog.Com

Hargeysa,Somaliland

Jaaliyadda Beesha Abokor Muuse Ee Maraykanka Oo Taageeray Go’aamadii Shirwayanaha Ciidagale

$
0
0

Washington,12Jan,2016(QJ/SDN)-Jaaliyada Beelwaynta  Abokor Muuse (Ciidagale) ee ku dhaqan dalka Maraykanku ayaa shir dhinaca telefoonka ah oo ay iskugu yimaadeen waxay ku soo saareen qodobadan.

1.    Waxay si buuxda u taageereen go’aamaddii ka soo baxay Shirwaynihii Ciidagale ee ka qabsoomay Hargeysa.

2.    Waxay dhiirigelinayaan in laga qayb qaato, laysna abaabulo sidii looga qayb qaadan lahaa qaadhaan ururrinta Waddada Cad iyo Mashaariicda kale ee horu narinta ahba.

3.    Jaaliyaddu waxay la shaqayn doonta guddida guud ee Abokor Muse iyo Guddida Guud ee Ciidagale ay ku midoobeen 10-kiisa ardaa.

Ugu danbayntii, waxa shirkaa lagu ansixiyey Guddida Guud ee Beelwaynta Abokor Muuse ee Maraykan.

Allaah Mahadleh,

Guddida Beelwaynta Abokor Muuse (Ciidagale) ee Maraykan

Qoyska ugu awoodda badan caalamka! = W/Q: Brother Maxamed Cali Maxamed (Boos)

$
0
0

Rothschild family

Waxa aynnu  nool nahay xilli dadka ugu caansan caalamkan ay yihiin dadka kasoo muuqda  muuq-baahiyayaasha caalamka ;ha ahaadaan kuwo heesa,kuwo war innoo akhriya ,kuwo dadka madadaalaysiiya ama ba kuwo diin innoo sheega. Taasna waxa sabab u ah warbaahinta iyo tignoolajiyadda maraysa meeshii ugu saraysay abid. Laakiin akhriste malla socotaa in ay jiraan dad ama qoysas caalamkan maamula gacantana ku haya hantidda ugu badan caalamka ,haddana aan mar qudha kasoo muuqan warbaahinta horteeda xataa meelaha lagu qoro dadka hantiilayaasha ah sida Rorbes (jaraa’iidka ugu caansan ee lagu qoro dadka hantiilayaasha ah). Qoraalkan kooban waxa aynnu ku soo qaadan doonnaa qoyska ugu qanisan u guna awoodda badan caalamka ,gacantana ku haya hantida caalamka taalla laba- meelood  hal-meel u gu na cimriga dheer marka la eegayo ilaa xilliga uu rekoodhkan hayey.

Rothschild family:Waa qoys  yuhuudiya asal ahaanna kasoo jeeda dalka Jarmalka magaca qoyskan ayaa macno ahaan noqonaya “Red Shield” gaashaankii casaa. Qoyskan, Rothschild Family ayaa ah qoys qarsoon, si hoosana u maamula caalamka oo dhan ,waxa uu lee yahay  hantida caalamka u gu badan ee qoys yeelan karayey . Awoodda qoyskani ku lee yahay caalamka ayaa loo aanaynayaa in ay keentay hantida xad-dhaafka ah ee qoyskani gacanta ku hayo oo qiyaas ahaan gaadhaysa ilaa 50trillion , lakiin waxa hubaala in ay intaasi tahay oo keliya intay soo bandhigaan walaw ay jiraan hanti aad u badan oo aanay soo bandhigin.

Taariikh kooban ee qoyskan:

Mayer Amschel Rothschild (23 ,Feb 1744 – 19 Sept 1812) , waa aabbihii aasaasay qoyska Rothschild family, wuxuu ahaa nin banker ah(bangi leh ) .Sidoo kale wuxuu ahaa aasaasihii (international finance ). lixdamaadkii qarnigii 18aad waxa  uu bilaabay Mayer Amschel Rothschild in  uu u qaybiyay shantiisii inan bangiyadii ugu waaweyna caalamka markaa ee ku kala yaallay  Landhan, Baariis, Fiyeena ,Naablis iyo Faraankfurt. Qiyaastii 1906dii ,waxa la gu qoray jariidad ay lee yihiin Yuhuuddu in Rothschild family (qoyska Rothscild ) ay lee yihiin shirkado badan oo mataano ah misana kala magaca sida : Bischoffsheims, Pereires, Seligmans, Lazards iyo kuwo kale oo badan.Qoyskan ayaa loo aqoonsaday qoyskii ugu hantida badnaa, uguna waqtiga dheeraa iyad oo  jiilba jiil u sii gudbin jiray hantida baaxaddan leh siyaasadda ay reerkani isticmaali jireen ayaa ahayd inay amaahiyaan dawladaha caalamka lacag; halkii ay ka amaahin lahaayeen dadka taaso u midho dhashay una noqotay mid ay ka helaan kalsooni iyo dulsaar baaxad badan.

Hawl gallada qoyskani ka fuliyo daafaha  caalamka waxa ka mida: maaddaama aabbaha qoyskani uu ahaa aas aasaha habka bangiyada caalamka ,tani waxay u suura gelisay in ay hawl-gallo maaliyadeed ka fuliyaan meelo badan oo caalamka kamida ,sida in ay ka qayb qaateen dhiskii  Suez Canal ,iyaga oo lacagta u gu badan ee la gu dhisay kanalkan laga amaahday  bangiyada qoyskani ku lahaa Landhan  iyo Faransiiska. Sidoo kale qoyskani wuxuu si toosa ugu lug lahaayeen madax bannaanidii dalka Baraasiil ay ka qaateen dalka Bortugaal horraantii qarnigii 19aad,heshiiskii dawladda Baraasiil ay la gashay waddankii gumaysanayey ayaa dhigayey  in ay bixiso cashuur dhan 2,000,000£(2million pounds ),Nathan Rothschild oo ka tirsanaa qoyskii reer Rothscild ayaa bixiyey  lacagtii 1823-25kii ,dulsaar dhanna ka faa’iiday 500,000 pound.Dhinaca Maraykanka shirkaddii ugu waynayd dhincaha biraha ee dalkaas qoyskan ayaa lahaa iyaga oo qaatay qandaraasyadii waaweynaa ee lagu dhisayey waddooyinkii xadiidka ahaa ee dalka Maraykanka la ga dhisayey badhtamihii qarnigii 19aad.Qoyska  Rothschild  wuxu  olole ballaadhan u galay  helidda dhul ay yuhuudu yeelato iyagoo cadaadis ku saaray dawladdii Ingriska (UK) ,in ay si deg-dega u gu baadi doonto meel ay Yuhuuddu degto ,ugu danbaynna waxa ay ku guulaysteen inay falastiin degaan iyada oo dhammaan lacagtii ku baxday daad-guraynta iyo raridda dadkii Yuhuudda ahaa ee degganaa daafaha Yurub (Europe) ay bixiyeen qoyskan  ,sidoo kale ay hubiyeen dadkii yuhuudda ahaa  ee la dejiyey degaannadaas si ay u difaacdaan dhulka sida sharci darrada ah loo siiyey.

Bangiyada iyo hantida kale ee qoyskani lee yahay waxa kamida:inta u gu badan bangiyada caalamka ,waxa iska leh qoyskan dalkasta ba ha ku yaalleene, waxa kale oo qoyskani lee yihiin shirkadaha u gu waaweyn ee soo saara khamriga sida , Château Mouton Rothschild iyo  Château Lafite Rothschild oo fadhigoodu yahay dalka Faransiiska .Si taas lamida qoyskan ayaa leh saamiga  ugu badan ee  (Federal reserve bank) bangiga kaydka u ah dalweynaha maraykan sidoo kalena ah amaahiyaha ugu tunka weyn dalkaas bixiyana awaamiirta daabacaadda lacagta Dollarka ah (doller kasta ee ay soo daabacdo dawladda Maraykanka waxaa u dulsaaran ribo(interest).

 Awoodda qoyskani ku lee yahay caalamka ayaaa keentay in ay jaangooyaan ascaarta(qiimaha) dahabka caalamka, qoyskan ayaa sidoo kale leh kanalka (channel) ugu caansan  dalka maraykan ee CNN TV , iyo weliba  wakaaladda ee ROUTERS.

Ugu dambayn qoyskan Rothschild family ayaa loo tixgeliyaa in ay gacanta ku hayaan inta ugu badan hantida caalamka sidoo kale inay si sira u maamulaan caalamkan una ilaaliyaan danaha Israa’iil,waxana si cad loo og yahay inay gacanta ku hayaan dhammaan lacagta dalweynaha Maraykan,walaw aanay shaashadaha caalamka kasoo muuqan haddana waa marag-maddoon in ay maamulaan inta badan waddamada reer galbeedka.dadka dhaliila qoyskan ayaa sheega in qoyskan ay lashaqeeyaan (Satan) Shaydaan maaddaama xafladaha ay qabsadan ku dhigtaan meelo qarsoon sidoo kale ay ku qurxiyaan guryahooda walxo aan caadi ahayn sida madaxyo ,geeso iyo midabo aan wacnayn.

W/Q:-Brother Maxamed  Cali Maxamed (Boos)

Email: maxamedboss7@gmail.com

   References: books including:-the financial ruler of nations/The house of Rothschild /The Rothschild dynasty  &   www.edmond-de-rothschild.com

Dhibaatada Ay Leedahay Lacagta Yar-Yar ee Suuqyada Somaliland ku Sii Yaraanaysa

$
0
0

 Asc, waxa dhibto iyo caqabad ku ah dhaqaalaha Somaliland lacagahii yar-yar oo badanaa kasii dabar go”aya suuqyada kala duwan ee jamuuriyada Somaliland .

Hadii aynu soo qaadano dhibtaada ay leedahay oo ah mid aan lagu soo koobi karin qoraal iyo maqaaltoona ayaan haddana jecelaystay inaan xogaa ka iftimiyo waayo waa dhib laga yaabo in aan badanaa la dhaadin.

Waxaa bulshadeenu markhaati ka tahay in dhamaan lacagaha kala duwan ee yaryari meesha ka baxeen qaarkood. qaarna sii yaraanayaan Waxaan ka mid ah 50 SLSH, 100 SLSH, 500 SLSH. Iyadoo mar horeba ay suuqa ka baxday lacagtii ka sii yarayd lacagtan.

Dhibaatooyinka ay leedahay waxaa ka mid in sicir-bararkan aynu ka cabanayno ay ku leedahay qayb aad u weyn oo hadii shay ahaa 100 SLSH laga yaabo inuu maanta marayo 500 SLH Kii 500 SLSH  ahaa noqodo 1000SLSH, arintani waxay meesha ka saaraysaa  lacagtii yar-yarka ahayd ee aynu lahayn.

Waxa kale oo laysku waafaqay in lacagiba lacagta ay ka yar tahay ay ka tashilid fiican tahay ta ka weyn dhaqaale ahaan marka laga eego.

Waxa kale oo meesha ka baxay dhamaan shaydii kala duwaan ee aynu ku iibsan jirnay lacagta yaryar oo ay noqonayso  hadba lacagta taa ka saraysaa  meesha ka baxaday.

Guntii iyo gabgabadii Waxaan xukumada jamuuriyada Somaliland kula talin lahaa inay awooda saarto soo noolaynta,dardar galinta iyo  soo daabicida lacagta yaryar oo mudooyinkan danbe lagu hilmaamay in bedelkeeda la soo daabaco lacago sababi kara inay meesha ka baxaan lacagteenii yar-yareed.

Taasoo suuqyadeena lasoo galiyo si sixir bararkuna u yaraado . sidoo kale Waxaan bulshadeenana u soo jeedin laha inay ku dadaalaan isticmaalka lacagaha yar yar ee qarankani uu leeyahay.

Allah Mahad Leh

 

Maxamed C/laahi Cige (Garaadka)

Madadaal222@gmail.com

Hargeysa, Somaliland

 

“Horta Marka Hore Toorreydu Wax La Isku Caayo Maaha Aniguna Reer Burco Ayaan Ahayoo, Waa Layska Yaqaannaa” Su’aalo Xiiso Leh Iyo Wasiirkii Hore ee Madaxtooyadda DAAWO

$
0
0

Hargaysa 13.Jan 2016 (SDN/QJ):- Wasiirkii Hore ee Madaxtooyadda Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa Markii u horaysay Waxa uu  ka Hadlay Xidhiidhkuu la lahaa Koox Xiligii Maamulkii Daahir Rayaale Kaahin Gaadiid saaray Hub si ay  ugu Jabhadeeyaan,

Xirsi Cali Xaaji Xasan oo Wakhtigaas iska Casilay Xubin-nimadii Komiishankii Doorashooyinka Qaranka ee Xiligaasi ayaa Madal Il yartu is qabatay kaga Jawaabay  Su’aashan iyo Kuwo Kale.

“Horta Marka Hore Toorreydu Wax La Isku Caayo Maaha Aniguna Reer Burco Ayaan Ahayoo, Waa Layska Yaqaannaa”

 “Xilligii xarbul-qanamka lagu jiray, waxaan uu taageerayay in waxoogaa la yara baqo geliyo dawladdii markaa korodhsanaysay, aniguna askari maan ahayn”

“Haddaad I weydiiso, miyaad taageeraysay xilligaa, haa ….haa…waan taageerayay oo ma ihi dadka mustaqbalka dafira taariikhda [history,] waxaan u taageerayay siyaasaddii markaas jirtay, waxaanan ahaa dadkii markaas ku raacsanaa ra’yiga ahaa in xukuumaddii markaas jirtay lagu jiq siiyo oo xooggaa cudud la tusiyo”

“Mujaahidnimadu Ma Ahayn CV. La Sheegto Oo La Yidhaahdo Anigu Mujaahid Baan Ahaa, Laakiin Waxaan Tallaabay 1987-Kii Run Ahaantiina Wax Qarsoonba Maaha Oo Dagaalkii U Dembeeyey Ee SNM Taangi Baa I Jiidhay Oo Aan Ka Noollahay…”


Dib U Milicso: Khudbadii Dhaxal-galka Ahayd Ee Sannadkii 2001 Marxuum Cigaal U Jeediyay Baarlamaanka

$
0
0

Hargeysa 13.Jan 2016 (SDN/QJ):- ALLE ha u naxariistee Madaxweynihii hore ee Somaliland Marxuum Maxamed X. Ibraahim Cigaal, waxa uu khubad dhaxal-gal ah sannadkii 2001 u jeediyay labada gole ee Guurtida iyo Wakiilada, waxaanu Marxuum Cigal markii uu xiligaasi iskugu yeedhay Baarlamaanka u jeediyay khudbad xusuus ku reebtay shacbiga Somaliland.

 

 

Cali Sugule Duncarbeed: Faylasuufkii Badwaynta Humaagyada Halganka Iyo Foollaadkii Hogaanka Fanka Iyo Suugaanta Soomaalidda DAAWO

$
0
0

Hargaysa 13.Jan 2016 (SDN/QJ):- Ma gabade la xidhay la xidhay loo taag waayey tiisiina aanay noqon.
dun carbeed
Somalidu waxay tidhaa xiniinyo lays ma amaahiyo aad buu umada somalida ugu yar yahay inta amuurood ee cali sugule isku darsaday cid ay su raacdaa bal ila eega indheergarad fog gabyaa aan dedin, calaashaan badheedha adkeysi ma daale ah,wadanimo dheeraada, hadimo talis la,aan ficil aan habsaamin, daacadnimo, abaal ma daadshe isku soo wada duuboo inta laysku majeerto Cali Sugule xaqiiqtan waa isku darsaday.
Aan iskiin baro Cali Sugule wuxuu ku dhashay Gobolka Oodweyne sanadkii 1936, Iskuulka hoose Berbera ayuu ka galey markii danbe Sheekh ayuu uga wareegey isagoo Sheekh Arday ka ah ayey isaga iyo saaxiibadii ku tashadeen inaanay Kubada ciyaarin ee waxbarshadooda iska wataan hadii ay ka fursan weydo ciyaar Somali la ciyaaro sida jaandheer bari iyo wililo saylici dhaanto. Markay aminteedii timi kubadii cali sugule waa diiday intii kalena balantii waa kaga baxeen, maalintaas wuxuu tiriyey heesta caanka noqotay:—-

Ninkii sada haysta
lalama sugoo
Somalidu waa ka
saari jirtee
saaxiibadayoow intay
sababteen sanduuqiina
may la qaadi weydeen?!

 


Gudida Heerka Qaran ee Aaska Marxuun Cali Sugule Dun-Carbeed oo Sharaxay Habka Aasku u dhacayo Maalinta Beri DAAWO

$
0
0

Hargaysa 13.Jan 2016 (SDN/QJ):- Gudidda Heerka Qaran ee Madaxweyne Siilaanyo u Xilsaaray qabanqaabada Aaska qaran ee Abwaan Cali Sugule Cigaal Dun carbeed oo Beri la Filayo in Maydkiisa la Keeno Caasimada Somaliland ee Hargaysa ayaa Maanta Faahfaahin ka bixiyey Habka iyo Hannaanka aaskaasi u dhici doono.

Wasiirka Warfaafinta,Dhaqanka Iyo Wacyigelinta Somaliland Mudane C.laahi Maxamed Daahir Cukuse ayaa Sharaxay qaabka ay Gudi ahaan u diyaariyeen inuu aasku u dhaco.

Gudoomiye Muuse Biixi iyo Wefti uu Hogaaminayo oo si diiran loogu soo dhaweeyay Magaalada Burco iyo Nuxurka Socdaalkiisu Waxa uu yahay DAAWO

$
0
0

Burco 13.Jan 2016 (SDN/QJ):- Wefti balaadhan oo uu Hogaaminayo Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ahna Murashaxa Jagada Madaxweyne ee Xisbigaas Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa Maanta si balaadhan loogu soo dhaweeyay Magaalada Burco.

Weftigan Gudoomiye Muuse Biixi oo ay qayb ka Yihiin Gudoomiye Ku Xigeenka 1aad ee Xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed, Wasiiradda Hawlaha Guud Cali Xasan Maxamed “Cali Mareexaan”,Duulista Hawada Mudane Cismaan C.laahi Saxardiid Caddani,Mas’uuliyiin ka mid ah Laamaha dawlada ayaa Gudoomiye Biixi Waxa uu dadkii soo dhaweeyay kula hadlay Xarunta Xisbiga Kulmiye ee Magaalada Burco.

Curadkii Curinta: Calan-side Cali Sugulle Cigaal, (1939kii – 2016ka) Iyo Qallinkii Boobe Yuusuf Ducaale

$
0
0

“Waxan waayey, waayeel murtida, waajibkeed gudaye,

Waxan waayey, waadiga hiddaha, weel nin noo dara e’,

Waxan waayey, ruux loo wakiyo, wiiqii bawdada e’,

Waxan waayey, ruux lagu wardiyo, weedhuhuu yidhiye,

Waxan waayey, wabarkii tixdiyo, wadanaheediiye,

Waxan waayey, waradii hiddaha, waayo-araggiiye,

Waxan waayey, wadihii wan-qalay, wowga dirireede,

Waxan waayey, wadhi kii ku dhigay, gaalkii wicilkiiye,

Waxan waayey, webi dhaqanku laa, oo ka wabax laaye,

Waxan waayey, wiilkii indhaha, waaxda maqalkiiye,

Waxan waayey,lama waarayee, waafi Dun-carbeede,

Waxan waayey, waaniye jeclaa, wadar dadkiisoo dhan.,

 

Tuduc ka mid ah Maansada Baroor-diiqda ah ee Xasan Daahir Ismaaciil, Weedhsame,

 

Qalinka Boobe Yuusuf Ducaale – cankaabo@hotmail.com, www.dharaaro.com

 

Qormada: 1aad

 

Abwaan_Cali_Sugulle_CigaalHargeysa, 14/1/2016ka,

Cali Sugulle Cigaal, Dun-carbeed, beryahanba waa uu xanuunsanayay oo wuxu jiifay Cisbitaal ku yaal Imaaraadka. Aad ayaa looga soo dardaar-werin jiray caafimaadkiisa. Hadba waxaad ku hanbabaraysay wefdi xukuumadeed oo dalxiis ku jooga Imaaraadka oo soo booqanaya Mujaahid Abwaan Cali Sugulle Cigaal, Dun-carbeed. Sidaas ayay xaaladdiisa caafimaad iskaga liidatay beryahan danbeba.

 

Siddeetanaadkii Cali Sugulle Cigaal, wuxu ka mid ahaa halgamayaashii SNM ee af iyo addinba ku dagaallamay. Wuxu ka mid ahaa kooxdii fanka ee SNM ee deggenayd Kaam-abokor. Markii dalka la xoreeyay muddo yar ka dib ayuu deggenaansho ka helay mid ka mid ah Imaradka Abu-dabi oo aan filayo in ay tahay Shaariqa. Halkaas ayuu deggenaa sannadihii ugu danbeeyay noloshisa, ka dibna ku xanuunsaday.

 

Markii ay taariikhdu ku beegnayd 11/1/2016ka, mar ay saacaddu ahayd ku-sinnaan ilaa 3.00 galabnimo ama gelinkii danbe ayuu ku geeriyooday Imaaraadka. Muddo ku sinnayd 15 daqiiqadood ka dib aniga oo gurigayga ku sugan ayay dhowr jeer dad i soo garaaceen. Waxaan ka sii xusuustaa Mahad iyo Tiyo oo ii sheegay geerida naxdinta leh ee Cali Sugulle Cigaal. Waxa kale oo iyaguna goor danbe ila soo hadlay Wacays iyo wiil magaciisa Muxyaddiin iigu sheegay oo iyaguna ii xaqiijiyay geerida Cali Sugulle Cigaal, Dun-carbeed. Tilifoonnadu sidaas ayay iskaga soo daba-dhacayeen ilaa habeennimadii.

 

Ku-sinnaan 7.04 saacadood ee fiidnimo waxa Dubai igala soo hadlay Axmed Naaji sacad, wax yar ka-dibna waxaanu wada-hadallay Colaad oo ii xaqiijiyay in ay soo qaadi doonaan meydka Cali Sugulle Cigaal maalinta Khamiista, subaxnimada hore.

 

Cali Sugulle Cigaal, Dun-carbeed qof keliya ma ahayn. Wuu ka badnaa. Weliba waxa intaa u dheeraa in uu ahaa bad-faneed oo aan laga dabbaalan karayn. Waxa kaaga daran wuxuu ka tegay ama beeray oo fan iyo fannaanba leh. Waxaan soo xusuustay tuducyo ka mid ahaa Baroor-diiqdii Xuseen Jaamac Rooble (Xaaji Gujis) ka tiriyay geeridii naxdinta lahayd ee Cabdillaahi Maxamed Maxamuud Xirsi oo loo yaqaannay Cabdillaahi-qarshe, tuducaas oo ahaa:

 

“Hadda qof iyo dhowr iyo,

Qoys iyo kamuu tegin,

Qolo waxaad tidhaahdo e’

Annagoo quruunuu,

Qormadu fadhiyi jiray,

Qarshe nagu banneeyee,”

 

Qormadaa qormadeedii ayuu Cali Sugulle Cigaal, Dun-carbeed ku banneeyay dunida fanka Soomaaliyeed guud ahaan.

 

Sidii uu ii sheegay 1998kii dhammaadkiisii mar aan Dubai ku wareystay, Cali Sugulle Cigaal “Dun-carbeed” wuxu ku dhashay magaalada Oodweyne 1939kii. Hooyadii waxay ahayd Dhool Xasan Xirsi. Wuxu ku barbaaray magaalada Berbera oo uu ka galay malcaamad Quraan. Markii uu dhammaystay Dugsiga Hoose, wuxu Dugsiga Dhexe ka galay Sheekh 1949kii. Sannadku markii uu ahaa 1951kii ayaa laga eryay Dugsiga Dhexe ee Sheekh isaga oo lagu eedeeyay muddaaharaad uu abaabulay oo la xidhiidhay ciyaar kubbadeed. Saaxiibbadii la galay abaabulkaa oo kaga baxay waa kii ku lahaa:

 

“Saaxiibbadayoow intay sababteen,

 

Sanduuqiina mayla qaadi weydeen”,

 

Tuducaas ayaa badiba loo yaqaannaa in uu ahaa wixii ugu horreeyay ee uu tiriyay. Laga soo bilaabo maalintas ilaa maanta oo uu geeriyoonayo Cali Sugulle Cigaal wuxu ku hawlanaa fanka iyo falkintiisa isaga oo geedaha ugu doorka roon meydhax iyo mullaaxdeedba uga diiri jiray.

 

Marka aynu fanka iyo dhudihiisa ka hadlaynno, Cali Sugulle Cigaal wuxu ka mid dadka aadka u tirada yar ee Ilaahay mowhibada u siiyay in uu hor yaal ku noqdo dhowr dhudood oo sida qof keli ahi u kulmiyaa adag tahay.

 

Dhowr iyo konton ayuu bilaabay in uu ka hawl-galo Waaxdii ama ‘Department-kii’ Xannaanada xoolaha. Muddo badan ayuu ka ka hawl-gelayay degmooyin badan oo Somaliland ka mid ahaa, halkaana waayo-aragnimo hodan ah ka korodhsaday. 1957kii wuxu galay Dugsigii Tababarka Xirfadaha ee Sheekh (VTC), halkaas oo uu ku jiray ilaa 1959kii xilligaas oo loo beddelay Boorame.

 

Wuu ka digo-rogtay oo 1960kii wuxu noqdya Karraani isaga oo ka hawl-geli jiray xafiiskyadii maamulka ee dawladdii Ingiriiska ee dalka gumeysan jirtay. Wuxu ka shaqayn jiray oo uu karraani ka ahaan jiray Xafiiskii Hawlaha Guud ee loo yaqaannay ‘PWD-da’. Intaa ka dib ama xilliyadii danbe wuxu u wareegay Xafiiska Shaqaalaha oo loo yaqaannay ‘Establishment-ka’.

 

Wuxu iiga sheekeeyay mar uu Addis-ababa dawada xoolaha kaga soo raray laba baqalood uu la soo lugeeyay. Wuxu sheekadaa ii marinayaa 1993kii, malmihii lagu jiray Shirweynihii Boorame. Wuxu sheekada iigu daray in ay Boorame ka mid ahayd magaalooyinka ama degmooyinka uu ka hawl-galay. Hawshan xannaanada xoolaha oo uu waxoogaa ka shaqaynayay waxay u suuro-gelisay in uu barto dad badan iyo deegaammo badan oo markii danbe wax weyn ku kordhiyay awooddiisii curineed ee faneed oo dhudo badan u qaybsamaysay.

 

Waxba wax la raajaa rag kuma sama e’, Cali Sugulle Cigaal wuxu horyaal sida loola tartamaa adag tahay ku ahaa: curinta maansada, curinta iyo soo-saarista riwaayadaha, curinta heesaha, curinta alxaanta isaga oo lahaa kuwa ugu macaan ee ilaa maantadaa loogu jecel yahay. Wuxu si la yaab leh u yaqaannay ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka oo saldhig iyo hal-beegba u ahaa alxaantiisa ma-guuraanka ah, taas oo dhadhan gaar ah u yeeli jirtay alxaanta uu sameeyo baadi-sooc gaar ahna u ahayd.

 

(La soco Sabtida, haddii Eebbe idmo)

Maalmihii Bashaar Al Asad,Dharaaraha Milayga Wata Iyo Dirrirta ka Oogan dalka Suuriya Qormo Taariikheed DAAWO

$
0
0

Dimishiq 14 January, 2016 (SDN/QJ):- Bashar Hafez al-assad wuxuu ku dhashay caasimada dalka suuriya ee dimishiq sanadkii 1965. Waxaanu ku soo koray dalkaasi.Waxbarashadiisii dugsiga hoose, dhexe iyo sareba wuxuu ku dhamaystay xarunta dalka suuriya ee dimishiq. Dugsiga uu dhigan jiray waxa la odhan jiray” Al-Huuriya school”.

Bashar-al-Assad-007
In badan oo dadka ka mid ahi maanta waxa ay is waydiinayaan Shakhsiyadda Bashaar Al Asad, Calawiyiinta iyo sida ay u burburinayaan wadanka Suuriya oo ka mid ahaa dalalka ugu muhiimsan dunida Muslimka taariikh ahaan iyo dhul ahaanba iyo Waxaa ka dhacay Goobo ka Mid ah Dalka Suuriya Waxay qaramada Midoobay ugu Yeedhay Xasuuq, Maadaama ay sheegeen in Maamulka Bashaar uu adeegsaday Hub Kiimikal ah (Chemical Weapons) oo sahayday nolosha kumanaan qof oo u badan Caruur iyo dad waayeel ah.

Sanadkii 2000 geeridii aabihii ka dib waxaa loo magacaabay Bashaal Al asad xoghaya guud ee xisbigul bacaska Suuriya, laba cisho ka dibna golihii xisbiga ayaa u magacaabay musharaxa m/weynaha Bashaar.

Ka dib fadhi ay yeesheen golihii baarlamaanka dalkaasi waxay ansixiyeen magacaabistii. 10-kii july 2000 wuxuu u tartamay jagada m/weynaha oo aanay cidi kula tartamin, waxaana loo doortay todobo sano inuu dalkaasi hogaamiyo.

Sida aynu la wada socono waxaa dalka Suuriya ka oogan Dirir Sannado soo socotay oo u dhaxaysa Xukuumada bashaar iyo Xoogaga Mucaaridka Waxaa madhalays noqday Shir ay qaramada midoobay dabada ka riixayso kaas oo ay uga dan leedahay sidii loo soo afjari lahaa dagaalka ka taagan dalkaasi.

” Shirka Kismaayo Waxa uu Ku dhammaan Doonaa Guul ” Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud DAAWO

$
0
0

Kismaayo 14 January, 2016 (SDN/QJ):- Madaxwaynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud ayaa ka hadlay socdaalka uu  ku tagay magalada Kismaayo, ka dib markuu kasoo qayb galay furitaanka shirka mamulka loogu dhisayo Hiiraan iyo Shabeelada dhexe.

Xasan Shiikh Maxamuud ayaa Jubbaland uga mahad celiyay marti galinta shirka wadatashiga doorashadda Soomaaliya 2016, wuxuna rajo ka muujiyay shirka inuu kasoo bixi doono wax la isku raaco oo lagu dabaqayo doorashada.

Wakiiladda beesha caalamka ayaa qaarkood weli soo gaarin magalada, halka wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya uu shalay  ka duulay magalada Kismaayo.

Sheikh Dirir iyo Qaar ka Mid ah Cullimada waaweyn ee Dalka oo ka horyimid Xeerka Baanan ee golaha wakiilada Horyaalla DAAWO

$
0
0

Hargeysa 14, January 2016 (SDN/QJ):- Qaar ka mida culimada waaweyn ee dalka oo shir-jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa ka digey xeerka baanan oo buuq ka abuuray golaha wakiilada islamarkaana horyaaa golahaasi oo laga sugayo inay ansixiyaan.
Culimadu waxay sheegeen in hadii la doonayo baanan lagu shaqeeyo ay jiraan baanan islaami ah oo aan dadka waxba dulsaarayn.
Halkan ka daawo Shirka-jaraa’id ee culimadu ay ku qabteen magaalada Hargeysa.

Mudane Siciid Cilmi Rooble Si adag ula Hadlay Cullimada dalka kuna Dooday in la ansixiyo Xeerka Baananka Ganacsiga oo la Waafajiyey Diinta Islaamka DAAWO

$
0
0

Hargeysa 14, January 2016 (SDN/QJ):- Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo ka mida mudanayaasha golaha wakiilada Somaliland ayaa ku dooday in xeerka baananka Ganacsiga ee Golaha wakiilada horyaala  uu horumar weyn ku kordhinayo bulshada Somaliland.

xildhibaan siciid cilmi roobleXildhibaanku waxaa uu  sheegay in xeerkani laga badalay qodobkii Ribada dadka laga  qaadayey islamarkaana loo badalay Khidmad, Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo arimahan ka hadlaya waxaa uu yidhi “Baanku waxaa uu leeyahay kun macaamil  oo  kale waanu inoo faaideynayaa, waxaynu dhoofinaa xoolo dabadeedna waynu ku silicnaa, laakiinse marka  uu  halkaasi British baankii, French baankii, iyo maraykan baankii kuu yaalo ictimaad ayaad fureynaysaa”

Xildhibaanka oo hadalkiisa siiwataa waxaa uu intaasi ku  daray“Baatroolkiibaa kacay, raashinkiibaa kacay waxan imika ina haysta haduu baanku joogo halkaasi ayaad aayar ka dirranaysaa oo aad leedahay markab baariisa iisoo rar lacagtiina waataas, qiimihiisa dawladu way xukumi kartaa, shidaalkan aynu la waalanay ee hadba mid xaaraana iyo mid inaga gubba baabuurta aynu keenayno halkanaynu ka diraynaa”

Xildhibaan waxaa uu dhaliilo u jeediyay Culimada dalka oo iyagu xeerkan kasoo horjeeda islamarkaana ku taliyay inaan la ansixin “Hadaan mid maanta halkaasi ka hadlaya (Cullimada ) oo leh ribaa la wadaa aad maqashaan oo dadkana wax ku akhriya ileyn qur’aankana wuu iga yaqaanaaye, waxba haka maqlina ,nimankaasina waxba ku tiigaali maayo, waxaan shacbiga reer Somaliland u sheegayaa hadii la idin odhan doono ama khudbadaha jimcaha lagu soo qaato oo la idin yidhaahdo ribaa la doonayaa, Shacbiga reer somalilandnoow waa been , xeerkii waanu ka badalnay  khidmadbaanu ku qornay, ninka leh khidmadi waa xaaraanoow kaalay” ayuu yidhi Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble.

Xeerka Baananka Ganacsiga ayaa buuq ka abuurey golaha wakiilada somalliland kadib markii mudanayaashu isku qabsadeen ansixinta xeerkaasi, Sidoo kale waxaa iyaguna ka digey in xeerkani la ansixiyo cullimada Somaliland oo ku dooday inuu baalmarsanyahay shareecada Islaamka.


DAAWO/ Socdaalkii Hawada Sare (Amir Sultan & Hay’adda NASSA)

$
0
0

Riyadh 14.Jan 2016 (SDN/QJ):- Muddo 25 sanadood ah oo Amiir Suldaan Bin Salmaan Bin Cabdilcasiis Ala-Sucuud ku jiray Tijaabooyin nololeed oo muhiim u ahaa, ayaa waxay ahaayeen tijaabooyinkaasi kuwo aan bedelin noloshiisa keliya laakiin wax ka bedelay dhamaan nolosha dhalinyarada carbeed, Xiligaa Dunida reer Galbeedku waxay ku mashquulsanayeen horumarinta aaladda dayax gacmeedka kaasoo qayb ka ah xidhiidhka caalamiga ah iyo cilmiga ay dhinac kasta ka samaynayso dunidan aynu ku dul nool nahay.

Aas Qaran oo Lagu Sagootiyey Hal abuurkii Caan Baxay Marxuun Cali Sugule Cigaal Dun Carbeed iyo Weedhihii laga Jeediyey DAAWO

$
0
0

Hargaysa 14.Jan 2016 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo, waxa uu saaka ka qaybgalay Aas qaran oo loo sameeyey Marxuum Abwaan Cali Sugule Cigaal “Duncarbeed” oo maanta si heer qaran ah loogu aasay Caasimada Somaliland ee Hargeysa gaar ahaan Xabaalaha Naaso-hablood.

92c77a49-e1b1-4f26-acb1-e49c687677e0Subaxnimadii hore ee saaka waxa dalka soo gaadhay maydka marxuum Abwaan Cali Sugule Cigaal “Duncarbeed” oo laga soo qaaday Imaaraadka Carabta halkaasi oo uu ku geeriyooday Marxuumku.
Alle haw naxariistee Markii Maydka laga soo dejiyey Diyaarada waxa hareera joogay una diyaar ahaa cutubyo ka mida Ciimadanka Qaranka Somaliland, marxuumka oo ahaa Abwaan qaran oo dalka iyo dadkaba ka baxay, markii laga soo qaaday maydka marxuumka madaarka Cigaal International Airport waxaa salaadii Jinaasada lagaga tukaday masjidka tabliiqiyiinta iyadoo halkaasina looga sii qaaday dhanka xabaashii loo qoday oo diyaar ahayd, waxaana buddhigay Ciidamada Qaranka.

Marxuumka ayaa loo aasay si heer qaran ah iyada oo ay ka soo qaybgaleen guud ahaan bulshada Somaliland, munaasibada aaska ayaa ahayd mid aan loo kala maqnayn sidoo kalena ay joogeen golayaasha qaranka, Saddexda Xisbi Qaran, badi madax dhaqameedka, waayeelka, waxgaradka iyo haldoorka Somaliland.

Ka dib markii Marxuumka ciida lagu rogay ayaa halkaasi loogu duceeyey inuu illaahay naxariistii janatul fardowsa ka waraabiyo, ehelkii qaraabadii iyo shacabka Somaliland ee uu ka geeriyoodayna samir iyo imaan ka siiyo.

Somaliland oo Digniin kama Dambays ah u Dirtay Somalia DAAWO

$
0
0

Hargaysa 14.Jan 2015 (SDN/QJ):- Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland Oo Maanta Shir Jaraa’id Ku Qabtay Xarunta Wasaarada Arrimaha Gudaha ayaa Ka Hadalay Shirar Ku Lidi Ah Qaranimada Somaliland oo Maamulka Taagta Daran ee Soomaaliya Ka Jiraa Doonaayey Inuu Ku Qabto Gobolada Bariga ee Buuhoodle Halkaasi Oo Ciidamada Qaranku Saaka Ku Ruqaansadeen.
Wasiirka Arrimaha GUdaha Cali Maxamed Waran-cadde ayaa Hadalo Kulul Warbaahinta U Mariyey Maamulka Soomaaliya isaga oo sheegay In hadii ay joojin waayaan fadqalalada ay doonayaan inay ka abuuraan Somaliland ay ka Dhici doonto Dhibaato aan geeska afriga lagu mahadin.

Xaaji Cabdi Kariin Xuseen “Cabdi Waraabe” oo Dib ugu soo Noqday Dalka kana Waramay Xaaladiisa Caafimaad DAAWO

$
0
0

Hargeysa 17.Jan .2016 (SDN/QJ):-Saaka arooryadii hore waxa garoonka Diyaaradaha ee Egal International Airport lagu soo dhaweeyey Xaaji Cabdikariim Xuseen (Cabdiwaraabe) oo uu wehelinaayey Amb. Baashe Cawil Cumar oo isagu xaajiga u qaaday Imaaraadka si xaaladiisa caafimaad loogu sameeyo shaybaadh guud ama loo hubiyo, iyadoo si weyn loogu soo dhaweeyey garoonka, kana hortageen wasiiro, wasiiru-dawlayaal, Wasiir ku xigeeno, Lataliyeyaal, Xildhibaano,  Xubno ka mida Golaha Guurtida, Masuuliyiin tiro badan oo kale iyo Bulshada qaybeheeda kala duwan.

 

18f59119-bc49-49bf-b03f-df4e742add24Ugu horayn waxa halkaasi ka hadlay Afhayeenka Madaxtooyada Mudane Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr) oo hadalka ku soo dhaweeyey Wasiirka Maaliyada,

Waxaanay hadalkeeda ku bilowday Wasiir Marwo Samsam Cabdi Aadan  “illaahay baan ugu mahad naqaynaa inuu maanta xildhibaan Cabdikariim kusoo celiyo wadankiisi isagoo cagihiisa ku socda   aad baan ugu mahad naqaynaa Safiirkeena jooga Imaaraadka Baashe oo  hawl  yareeeyey safarkiisa caafimaad runtii waa illaahay mahadii, waxaynu dheernahay ummadaha kale waxaa  ka mida Xildhibaan Cabdikariim oo runtii isagoo da’a daa jooga hadana caqligiisa aan inyar kolba marka Mawduuc “topic” gaa laga hadlayo si sugan uga hadla  runtii waxaa weeyi waxyaabaha ummaduhu ay ka yaabaan inaguna ilaahay ugu mahad naqno ay tahay aynu qiimayno aynu had iyo jeer ogaano kolba xaaladiisu siday tahay, aynu ka war hayno oo aynu la socono qiimaynta uu leeyahay inagoo dhami ay waajib inagu tahay inaynu qiimayntaa ku dayano,  siduu u noolaa iyo siday noloshiisu ahayd ayey ka turjumaysaa caqligiisaasu”

Waxa kale oo isna halkaa ka hadlay Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyi-gelinta Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse “ Ilaahaybaa mahadleh Xaaji Cabdikariim Xuseen oo aad garanaysaan Xildhibaan weynoo dalkeena qiimo weyn ugu fadhiya Xildhibaan weynoo taariikhda kaalin muhiima kaga jira, waxaan uga mahad naqaynaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland gacanta uu ka geystay safarkii hore ee loogu qaaday  Addis ababa iyo safarkan danbe oo imika lagu geeyey Saldanada Imaaraadka Carabta caafimaadkiisana lagaga soo shaqaynaayey, caafimaadku waa wax illaahay bixiyo laakiin dadka dedaal baa lagu leeyahay dedaalkaa waxaan uga mahad naqaynaa Madaxweynaha Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo ragga kale ee ay ka mid yihiin ragg iyo dumarba, Wasiirka Maaliyadda Samsam Cabdi, Safiirka Imaaraadka Carabta u Fadhiya Jamhuuriyadda Somaliland Baashe Cawil Cumar, illaahay baanu marka hore uga mahad naqaynaa marka xigina Madaxweynaha iyo inta gacan ka geysatay baan uga mahad naqaynaa, Waxaa ku dayasho mudan Xaaji Cabdikariim Xuseen (Cabdiwaraabe) inta cumaamad sidata inta madaxtinimo kale qoolaaliyeysa iyo inta xilal haysa ama siyaasadeed iyo mid dhaqanba ku dayashuu mudan yahay xaaji cabdikariim sidaa caafimaadkiisa looga werweraayo in lagaaga werwero waad mutaysan kartaa hadaad Cabdi Waraabe ku dayato illaahay baanu ka baryeynaa inuu cimrigiisa iyo caafimaadkiisaba inoo dheereeyo waanan uga mahad naqaynaa shacbiga Somaliland Madaxweynaha iyo Xukuumadaba” .

 

 

Sidoo kale waxa hadlay Xaaji Cabdikariim Xuseen (Cabdi Waraabe) “  Maxfalka iga horyimi Wasiiradii, Madaxdii, Guurtidii, Baarlamankii, Culimo awdiinkii Shicibka Somaliland Salaama Calaykum Wax Raxmatulaahi Wa Barakaatu, Waxaan illaahay ugu mahad naqayaa anigoo talaabsanaya oo caafimaad qaba dee da’adii maahee wixii kale illaahay iga kor qaaday oo dawlada imaaraadka u maleegatay haduu dalkii igu soo celiyey isagoo nabada waa illaahay mahadii waxaan u mahad naqayaa dawlada imaaraadka Madaxdeeda iyo Minjaheeda shicibkii joogay ee Soomaliland iyo shicibkii Carbeed siday ii dhawrayeen iiga hor yimaaden ee iisoo bixitimiyeen dhakhtarkii igu maleegtayna waan u mahad naqayaa calankooda iyo keenuba ha raagee, safiirkii halkan iga kaxeeyey halkana i keenay imika ila socda oo la yidhaahdo Baashe Cawil Cumar ha baashado kor alle haka yeelo inagana gobanimada alle haynoo adkeeyo Madaxda alle haynoo raajo Madaxda markaan tegayaba horaynta iyo dermada iga horaysiisa Axmed Maxamed Siilaanyo iyo Madaxweyne ku xigeenka Saylici iyo Haweenkooda iyo Wasiiradu intuba waa mahadsan yihiin “.

 

Ugu danbayntii waxa Suaal la waydiiyey Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr), Suaashaas oo uu waydiiyey Weriye Cismaan Axmed Cismaan (Heello) oo ka tirsan Television ka Star Tv una dhignayd sidan Mudane afhayeen waxa Dhawaanahan warbaahinta qaar qorayeen In xilka laga qaadayo wasiir ka Maaliyada Samsam Cabdi Aadan maxaad ka leedahay Arrintaa? “horta Madaxweynuhu ciduu xilka u igmanayo iyo ciduu ka qaadayo isagaa awoodaa leh warkaa aad sheegaysaana waxaan filayaa inay yihiin warar ku tidhi ku teena oo aanay haba yaraatee waxba ka jirin oo aan sal iyo raad toona aan lahayn Marwo Samsam Cabdi Aadan waxaa weeye Madaxweynaha ayaa xilka u dhiibay isagaana ka qaadi kara markii uu isagu doono laakiinse waxaa xusid mudan in marwo Samsam Cabdi Aadan tahay qof hawl  kara oo qarankan xilal badan kasoo qabtay, Wasiirka Waxbarashada ayey ahayd Samsam Cabdi Aadan oo ay si fiican min bari  ilaa galbeed meel walba ay taalo raadkeedii iyo waxqabadkeedii , Wasaaradda Maaliyadda lafteedana waad aragtaan $251 Milyan ilaa $300 oo Milyan bay kasoo qaaday markaa samsam waxay ka mid tahay wasiirada ugu hawl karsan xukuumadda Jamhuuriyada Somaliland wararkaa borobagandhada ah ee suuqa lagu fidinayana waxaa weeyaan in samsam, xukumadda iyo xisbiga madaxa laysugu dhufto ama laga dhex shaqeeyo markaa waxan leeyahay Madaxweynuhu xaq dastuuriya ayuu u leeyahay inuu cidna xilka ka qaado cidna u magacaabo laakiin se warkaasi war waxba ka jiraan haba yaraatee maaha wax bedeloo samsam xilka laga qaadayaana ma ogin waxbana kama jiraan warkaasi “

Magacyada Sadex Gacan Ku dhiigle oo Ciidamada Somaliland Maanta Ku Fuliyeen Xukun Qisaas ah

$
0
0

Hargaysa 17.Jan 2016 (SDN/QJ):- Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa maanta dil ku fulisay saddex gacan ku dhiigle oo hore dilal badheedh ah u geystay,sida uu daboolka ka qaaday Xeer Ilaaliyaha guud ee qaranka Xasan Axmed Aadan.

“Waxa Saaka oo bishu tahay 17/01/2016-ka abaarro 8:30 subaxnimo Jeelka weyn ee Mandheera hortiisa lagaga fuliyay dil toogasho ah saddexda qof ee kala ah:-

Marxuumad Ruqiya

Marxuumad Ruqiya

1)-Gacan Ku dhiigleyaal Muuna Maxamed Cabdilaahi (Ina Faadumo Cali) oo 37 jir ah.

2)-Maxamed Axmed Cali (Ina Muuna Maxamed)  oo 21 Jir ah, kuwaasi oo hore si wada jir ah ugu dilay  Magaaladda Hargeysa, gaar ahaan xaafadda New-Hargeysa Marxuumad la odhan Jiray Ruqiya Siciid Ayaanle, ka dibna ku aasay daarada gurigooda.

3)-Waxa isagana dil toogasho ah lagu fuliyay gacan ku dhiigle Cabdalla Xasan Maxamed (Ina Aamina Xasan) oo 30 Jir ah, kaasi oo hore ugu dilay degmadda Dhoqoshay ee gobolka Tog-dheer Marxuum la odhan jiray Maxamed Muuse Cashuur,”ayuu Xeer Ilaaliyuhu ku yidhi War-saxaafadeed kooban oo uu maanta soo saaray.

Viewing all 6893 articles
Browse latest View live