A Black Man Like Me Nowadays in the paranoid Government of President Silanyo
DHEGEYSO:Barnaamijkii Xadiiska iyo xalqadii 3aad
Hargeysa June 26,2015(SDN/QJ)-Waa barnaamijkii taxanaha diiniga ee aad inooga barateen iyo xalqadiisii 3aad fadiilatu Sheekh Maxamed Cusmaan Cayuun.
Barnaamijka waxa isku soo dubo rida soona saara wariyahayaga magaalada Hargeysa Yusuf Foodhaadhi ee dhegeysi haboon.
HALKAN GUJJI SI AAD U DHEGEYSATO XADIISKA MAANTA
Xoogagga Al-shabaab Oo Saaka Weerar Qorshaysa kula Wareegay Saldhig AMISOM Ku lahayd Deegaanka Leego
Leego:June,26,2015(SDN/QJ)-Wararka saaka laga helay deegaanka leego ee Gobolka Sh/Hoose, ayaa sheegaya in Xarakada Ururka Al Shabaab ay weerar saf ballaadhan ah ku qaadeen xarunta ay AMISOM ku lahaayeen halkaas.
Weerarka, ayaa ku bilowday gaadhi walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo lagu dhuftay afaafka hore ee Xeradaasi, waxaana xigay ciidan xoogan oo dagaal toos ah ku soo qaaday Ciidamadii Amisom ee Xerada ku sugnaa.
Labada dhinac, ayaa muddo saacad ku dhow ku dagaalamaayay halkaasi, waxaana la soo sheegayaa in Ciidanka Midowga Afrika xoog loogala wareegay gacan ku haynta Xeradaasi.
Leego oo ka tirsan Degmada Wanlaweyn, ayaa waxaa la soo sheegayaa inay ku dhaqaaqeen ciidan xoogan oo ka kala tirsan Ciidanka Xooga Dalka iyo Xoogaga Midowga Afrika ee Somaliya. Si Shabaabka looga saaro halkaasi.
Sarkaal Ciidanka Militariga Somaliya ka tirsan, ayaa sheegay inay wadaan abaabul ka dhan ah Shabaabka ku soo duulay Deegaanka Leego.
Rasaas aan xooganayn, ayaa waxaa iminka laga maqlayaa Deegaanka Leego. Lama garanaayo inay Shabaabku isaga bixi doonaan iyo in kale, balse tani ayaa waxay walaac xoogani ku keentay dadka reer Leego.
Illaa iyo haatan lama garan khasaare sugan oo weerarkaasi geystay, waxase la sheegayaa in dhinaca Ciidamada AMISOM khasaaruhu u badan yahay.
Wixii warar ah ee weerarkaas kasoo kordha wararkayaga dambe ayaanu idinkula soo socod siin doonaa insha allah.
SDN/QJ
Akhri Nuxurka Dood Adag Oo Ay Jilbaha Isku Dareen Hoggaamiyayaasha Saddexda Xisbi ee Somaliland Iyo Guddoomiyaha Kulmiye Oo Ku Adkaystay In Guurtidu Go’aankoodii ku Adkaysteen
Hargeysa:June,26,2016(SDN/QJ)-Dood xiiso badan oo aad u adag, ayaa Habeenkii xalay ahaa ay foodda isku dareen Hoggaamiyahaasha saddexda Xisbi ee Somaliland, waxana siyaabo kala fogfog loo cabiray aragtiyo is haya oo dalka lagaga saari karo xaaladda uu haatan ku jiro.
Dooddan oo uu Telefishanka Star TV isku dubo ridday, ayaa Saddexda Guddoomiye afkaartooda ku muujiyeen, waxana si weyn looga dareemay Saansaan muujinaya in madaxweynaha iyo xukuumaddiisu ku qanceen muddo-kordhintii Guurtidu samaysay oo buuq badani wali ka taagan yahay.
Sidoo kale marka laga cabir qaato Doodda uu fagaaraha la tegay Guddoomiye Muuse Biixi, waxa aan wax rajo ah loo haynin inuu midho dhalo heshiiskii ay xukuumadda iyo Axsaabta qaranku ka gaadheen buuqii mucaaridku ka sameeyeen Muddo-kordhintii Guurtida, iyadoo Guddoomiyaha Kulmiye hoos u dhigay muhiimadda heshiiskaas.
Doodda inteeda Badan waxa ku leexaysanayey Guddoomiyayaasha Xisbiyada Ucid iyo Kulmiye, waxana Hadalkiisu aad u koobnaa GUddoomiye Cirro oo taxadar badani ka muuqday.
Ugu horrayn waxa doodda lagu bilaabay Aragtiyo laga dhiibtay kala saaridda xisiga iyo xukuumadda, taas oo uu Guddoomiye Muuse si weyn u difaacay, isla-markaana muujiyey inuu jiro xisaabtan xukuumadda iyo xisbigiisa ka dhexeeyaa, “Kii ugu dambeeyey Udub buu ahaa oo xukuumaddiii iyo xisbigii way israaceen, haddii xisbiga iyo xukuumaddu kala gaar ahaan lahaayeen inay kala hadhi lahaayeen, anagu waanu tijaabinay in labadaas la kala saaro, guulna way keentay oo xisigii iyo xukuumaddii way isxisaabiyaan waana ta aad u taqaaniin dhaliisha ee aad tidhaahdaan Kulmiye wuu is haystaa.wayna ka yimaadeen dhaliilo u baahan in dib loo saxo.”ayuu yidhi Muuse Biixi.
Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Eng. Faysal Cali-waraabe, ayaa isagu si weyn udhaliilay hannaanka ay udhaqmaan Xildhibaanada Golayaasha Deegaanka iyo Baarlamaanka xisbiyada uga soo baxa udhaqmaan, waxana uu ku tilmaamay qaar dhuunigooda uun ka fikira marka ay soo baxaan, “Dalkan sharcigu ma shaqeeyo gaar ahaan Shantii sano ee Dawladdani jirtey, xildhibaanadana marka aanu soo saarno ayaa noogu dambaysa, mana hayno awood aanu ku ilaalino Distoorkii ilaalinayeyna Madaxweynihii ma ilaalinayo, markaa Xildhibaanku Halkii ay Arsaakhi taallo ayuu tagaa Marka labada Xisbi ee kale ayaa u badanoo midna Maqalkii Dawladduu Haystaa midna Kii Baarlamaanka.” Ayuu yidhi Faysal Cali-waraabe,
Eedda dibu dhaca doorashada cidda iska leh, ayaa si weyn la iskug tuur tuuray, waxana ugu horrayn ka Hadlay Guddoomiye Muuse Biixi, waxana uu yidhi,“Eedda Did-udhaca Doorashada Waxa iska leh Ciddii sharcidejinta inoo qaabilsanayd oo uu ugu horreeyo Cabdiraxmaan Cirro, sababtoo ah Doorashadu waxay dib ugu dhacday Sharciyadoo daahay”
Guddoomiye Cirro, ayaa eedahaas iska difaacay, waxana uu dusha ka saaray Madaxweyne Siilaanyo oo uu sheegay inuu Hawshaas isagu iska lahaa, waxana uu yidhi,“waddanku madaxweynuu leeyahay isagaana distoorka iyo xeerarka ka masuul ah,2013-kii markii aanu aanu Bilownay Hannaankii Doorashadu xilligeeda ku qabsoomi lahayd Saddexda Xisbina si fiican bay ula shaqeeyeen, laakiin xukuumaddu markii ay aragtay in doorashadu soo dhawdahay, ayey Haanbireegga u Jiidday oo carqalado badan bilowday.xilka qabashada doorashaduna waxa uu saarnaa Madaxweynaha.”
Guddoomiye Faysal ayaa isaguna Muujiyey aragti ku dhaw midda Guddoomiye Cirro, waxana uu yidhi,“meesha waxa taalla xil-gudasho la’aan, Haddii sharciga la ilaalin lahaana Baylah badani ma timaaddeen, eedduna waxay saaran tahay Dawladda Madaxweynaha ayeyna si gaar ah u saaran tahay oo ma qaybsanna.”
Guddoomiye Cirro ayaa isagu xukuumadda ku dhaliilay fulin la’aanta heshiiskii dhawaan ay Axsaabta kula gashay Muddo-kordhiintii Guurtida ee ay saluugeen, waxana isagoo arrimahaas ka Hadlaya uu yidhi, “in maanta lasoo gaadho maxaynu 26-ka June yeelnaa ma ay ahayn hawlihii lasoo wadayna waxa ugu dambaysay gogoshii madaxweynuhu dhigay eek u saabsanayd in la xalliyo murankii ka dhashay muddo-kordhintii Guurtida, Hawl kadibna wax aka dhashay heshiis, kaas oo ahaa in Doorashada la qabto December 2016-ka, xukuumadduna ilaa maanta wax tallaabo oo ay qaadday si heshiiskaasi u fulaa ma jirto.axsaab ahaanna waxanu jecelahay inaanu go’aan midaysan kasoo saarno”
Guddoomiye Faysal oo Doodda kusoo laabtay, ayaa walaac ka muujiyey xaaladda, waxana uu soo jeediyey in la iskugu yimaaddo Sida muddo-kordhitna loo samayn lahaa,“dalkii wuu degayaa haddii aan maanta talo la iskugu iman, Dawladdii dhegahay furaysatay iyadiina waxba ma dhaqaajinayso oo waa la seexanayaa oo waa la soo toosayaa, markaa haddii Dawladdaas Wakhtiga la kordhinayo la iskugu iman waayo oo laga wada tashan waayo cid kursigaas laga xigaa ma jiro, waana halkii aan maalintaas maalineedii lahaa Axmedow ii daa” ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe, waxana uu intaas ku daray,
“27-ka Jully horteed haddaan wada tashi la iskugu iman annagaa shirayna oo Dawlad wadaag ah baanu samaynaynaa oo tii aniga iyo Axmed aanu ku hanjabi jirney baanu samaynaynaa, Bal Cidda laga xoogga weyn yahay ee Dhegaha laga furaysanayo halla arkee.”
Muuse Biixi Cabdi, ayaa markii ay dooddu halkaas maraysay si cad u sheegay in Guurtidu sharciga u martay Muddo-kordhintii ay samaysay, isla-markaana Heshiiskii axsaabta iyo xukuumaddu ahaa xal siyaasi ah, waxana uu yidhi,“innnagu awood sharci umaynaan lahayn aynu ku beddelno muddo-kordhinta Guurtidu samaysay, waxase aynu keenay xal siyaasi ah, sharciguna guurtiduu siiyey awoodda muddo-kordhinta, Guurtidiina Madaxtooyadii, xukuumaddii iyo Xisbiyadiiba waxay la hortaagan tahay SIfo sharci ah baanu marnay.”
Guddoomiye Cirro oo ka Hadlayey meesha khaladku ka yimi, ayaa yidhi,“halka ay wax ka khaldan yihiin waa wixii lagu heshiiyey oo aan fulaynin, Computorradii Komishankuna waxa ay u fadhiyaan oo sugayaan Wakhtigii doorashada.”
Muuse biixi, ayaa isagu si toos ah ula Hadlay Guddoomiye Cirro, waxana isagoo talooyin siinaya uu yidhi,“ninka looga Baahan yahay inuu Guurtida qanciyaa waa Adiga’e(cirro) orodoo kasoo dhammee Guddoomiye Saleebaan inuu inaga aqbalo wixii aynu ku heshiinay waa Haddaad doorasho doonayso.”
Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), waxa uu xalka lagaga bixi karo arrimaha taagan ku sheegay sidatan, “xalka waxan u arkaa inuu heshiiskii la galay uu fulo, furaha arrimaha ina horyaallaana waa isaga uun, aniguna markii hore waan ka biyo diidsanaa heshiiska, laakiin danta umadda ayaanu ugalnay, waxana aanu rajaynaynaynaa dhakhsihii uu markii hore ku socday ee uu muuse ku waday ee Gacmaha noo maroojinayey inuu imika ka yara gaabiyey.”
Faysal Cali waraabe, ayaa si weyn uga dayriyey tayada Xukuumadda jirta iyo awoodeedaba, waxana isagoo arrimahaas ka Hadlaya uu yidhi,
“Dawladdani waa danley, dawlad danley ah oo dan gaar ah wadatana dalkan lagu eegi kari maayo, dalkana lagu eegi maayo 52-wasiir oo iska fadhfadhiya oo aanu midna mid maqlayn oo aan hoggaan hagaagsan lahayn.”
Faysal oo Hadalkiisa sii wata, isla-markaana farriintiisa Guddoomiye Muuse ku socodsiinaya, ayaa waxa uu yidhi,“Muusow arrinta inoo taalla way ka weyntahay doorashada, Dawladdeenani Dekedaa berber wallaahi ma saxeexi karto, Bankii Goolcadey hallaga sameeyo la yidhi, ayaa socon waayey oo qaar ciida-gale ah oo doonaya inay qaataan yidhaahdeen indha-deeraa la siinayaa.”
Guddoomiye Muuse Biixi oo la weydiyey musharraxa Xisbigiisa, ayaa sidan ku jawaabay,“Madaxweynahaa noo musharrax ah isagaana la doortay, Dawlad wal iyo xisbi waloo soo baxaba madaxweynahaa noo musharrax ah.”
SDN/QJ
“Ninka Kursiga doonaya ee Mucaaridka ahi, yuu noqonin oo walaaqin oo carruur iyo naago soo kicin oo shacabka wareer geline…..”Cabdi-waraabe.
Hargeysa:June,27,2015(SDN/QJ)-Xaaji Cabdikariin Xuseen (cabdi-waraabe)oo kamid ah odayaasha ugu da’da weyn somaliland, isla-markaana talo-qabeennada ah, ayaa si kooban uga Hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, waxana waanooyin u jeediyey ragga hoggaanka dalka uu hungurigu ka hayo.
Xaaji Cabdi oo shalay ka hadlayey munaasibad loo qabtay xuska 55-guurada kasoo wareegtay markii somaliland ay xorriyadda ka qaadatay ingiriiska, ayaa xisbiyada mucaaridka uga digay inay fadqalalo ku raadiyaann hoggaaminta dalka, waxana isagoo arrimahaas ka Hadlaya uu yidhi, “tartan waa la ogol yahay buuqse lama oggola, Ninka Kursiga doonaya ee Mucaaridka ahi, yuu noqonin oo walaaqin oo carruur iyo naago soo kicin oo shacabka wareer geline kalgacal iyo wanaagna hallagu wada shaqeeyo.”
Xaajiga oo hadalkiisa sii wata, ayaa wasiirradii iyo masuuliyiinti kale ee Gooobta xuska joogtay la kaftay, waxana uu yidhi,“intiina halkan fadhiyaa mid madaweyne Doonaya iyo mid aan doonaynba waxba kama garanaysaa maalintaas la xusayo, waayo mustacmarkii baan idin dhibin.”
Waxa uu xaaji Cabdikariin si weyn ugu duceeyey madaxweyne Siilaanyo, waxana uu u rajeeyey cimri dherer,“Madaxweynuhu ha raaggo kii haya ha noqdo, waa nin weyn oo caqli leh, waa nin min madaxii ilaa mijihii ogaaye cimriga alla ha u barakeeyo.” Ayuu yidhi Cabdi-waraabe.
SDN/QJ
Xasan Sheekh Oo Sheegay inay Dawladiisu Gacan ka Geysanayso Xallinta Khilaafka Siyaasadeed ee Somaliland Gudaheeda Ka Taagan.
Muqdisho:June,27,2015(SDN/QJ)-Madaxweyne Xasan Sheekha Muqdisho, ayaa markale hadallo deelqaaf iyo gef ku ah shacabka somaliland iyo qarannimadooda kaga tiraabay munaasibad loogu dabbaal degayey 55-guuradii kasoo wareegtay 26-kii June 1960-kii oo ku beegan markii somaliland ay xorriyadeeda ka qaadatay dalka ingriiska.
Xasan Sheekh, ayaa somaliland hawada usoo marayey hadallo beer-laxawsi ah, kuwaas oo uu ku muujinayo jacayl uu shacabka somaliland iyo midnimadooda u hayo.
Waxa uu sheegay inuu taageersan yahay wada-jirka iyo isku-duubnida somaliland, waxana isagoo arrimahaas ka Hadlaya uu yidhi, “Somalia siyaasadeedda ku wajahan Somaliland horena waa u caddaynay haatana waa Caddaynaynaaye colaad uguma socono, dagaal ku dooni mayno, xoog militeri ku taadin mayno, dacaayad iyo borobagaandhe iyo wax aan macno lahayn ku dooni mayno iyagu inay kala furfurtaan oo kala daataan oo dhexdooda isqabqabsadaan ku doodimayno.”
Xasan Sheekh oo Hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay in kahor inta aan laga wada hadlin kala duwanaanshaha labada dhinac loo baahan in Somaliland marka hore mid ahaato, waxana uu hoosta ka xarriiqay in tabashada xilligan somaliland dhexdeeda ka jirta ay Dawladdiisu wixii ay ka qaban karo ka qabanayso,
“intaanay annaga(somalia) nala midoobin inay iyagu mid ahaadaan baanu rabnaa oo haddii iyaga dhexdooda wax ka jiraan waxa ku jira ay ka baxaan, oo haddii ay dhexdooda wax kala tabanayaan inay kala tabashadaas ka baxaan dawladda Somalia wixii ay gacan ka geysan karto ayey ka geysanaysaa.” Ayuu yidhi Xasan Sheekh Maxamuud.
Hadalka Xasan sheikh, ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogaysanayo khilaafka Mucaaridka iyo Muxaafidka somaliland dhexyaalla, kaas oo ka dhashay Muddo-kordhinta ay Guurtidu u samaysay Xukuumadda oo suuldaaraysay Heshiis dhawaan xisbiyada Iyo xukuumadda dhexmaray.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com
Muqdisho Oo Aan Xalay Lagu Qayilin Iyo Diyaaradihii Qaadka Siday Oo Garoonka Aadan Cadde Lagu Xannibay
Muqdisho:June,27,2015(SDN/QJ)-Magaalada Muqdisho, ayaa habeenkii xalay ahaa aan wax qaad ahi gudaha usoo gelin, waxana Garoonka Aadan-cadde lagu xannibay12-diyaaradood oo qaad ka keenay dalka Kenya.
Axmed Macalin Maxamed oo ka mid ah ganacsatada qaadka keenta Magaalada Muqdisho, ayaa sheegay arrin foolxun inay Jimcihii ka dhacday Garoonka Aadan Cadde, markii la diiday in laga soo saaro qaadka.
Ganacsadaha, ayaa arrintaasi wuxuu dusha kaga saaray mid uu masuul ka yahay Xeer Ilaaliyaha Qaranka, Axmed Cali Daahir, oo sida uu sheegay uu isagu amray inaan qaadka laga soo saarin Garoonka.
Wuxuu sheegay ganacsatada iyo Xeer Ilaaliyaha inay isku waafaqeen, wixii hadda ka dambeeya in Xukuumaddu ay canshuurto qaadka, ha yeeshee aanu garanayn waxa sababay in Xeer Ilaaliyuhu amro, in qaadka lagu hayo Garoonka.
Tani, ayaa waxay ka soo aadaysaa, khilaaf soo kala dhex galay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliya, Maxamed Aadan Ibraahim (Fargeeti) iyo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Maaliyadda, C/laahi Maxamed Nuur, ka dib markii ay isku qab qabteen cidii qaadi laheyd canshuuraha qaadka.
Canshuuraha, ayaa waxaa kolkii hore qaadi jirtay Shirkadda AD, oo Madax uu ka yahay Xildhibaan Axmed Ducaale Xeef, kana mid ah Baarlamaanka Somaliya. Khilaafka labada masuul, ayaa yimid markii warqaddii rusqadda ay ka dhacday Shirkadda AD, oo muddo laba sano ihi qaadeysay canshuuradaha qaadka.
Khilaafka, ayaa sii xoogeystay markii Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Maaliyadda uu muddo saddex bilood u cusbooneysiiyay Shirkadda AD, rusqaddii shaqada, iyadoona uu si weyn uga horyimid Wasiirka Maaliyadda
Wasiirka Maaliyadda, ayaa amray in hadda ka dib ay lacagaha si toos ah ugu soo dhacaan Wasaaradda Maaliyadda, waxaana taasi ku gacan-seydhay Wasiiru Dowlaha, oo isagu taageeray qorshaha ah in isbuuciiba ay mar Shirkadda AD soo gudbiso canshuur-gelinta ay ku samayso qaadka ka soo degga Garoonka Aadan Cadde.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com
Maxkamadda Ciidammada Puntland oo Go’aanno kala duwan ka soo saartay Maxaabiis Xidhan DAAWO
Garowe 27.June 2015 (SDN/QJ)-Maxkamadda Ciidammada gobolka Bari ee Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, ayaa maanta go’aamisay in Xabsiga laga siiddaayo 17 ka tirsanaa Ciidammada Birmadka Puntland, ka dib markii lagu waayey Kiisas culus, iyagoo hore ugu eedaysnaa inay ku kaceen falal anshax-xumo ah.
Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidammada gobollo ka mid ah Maamulka Puntland Cabdifataax Xaaji Aadan, ayaa go’aankaas ku dhawaaqay, waxaanu Saraakiisha Ciidammada Xabsiyada faray in Ciidanka u xidhan anshax-marinta u xidhan lagu ilaaliyo sharcigu sida uu dhigayo oo ah in 43 cisho gudohood lagu horkeeno Maxkamadda, hase-yeeshee haddii ay xilligaas ku dhaafto ay si toosa Maxkamaddu xorriyaddooda ugu celinayso ASKARugu ccelinayso.
Sidoo kale, Guddoomiyaha Maxkamaddu waxa kale oo uu u soo jeediyey Saraakiisha Xabsiyada iyo Laamaha Baadhista dembiyada intaan Maxkamadda loo soo gudbin Maxaabiista in baadhitaanno caafimaad lagu soo sameeyo si loo ogaado xaaladdooda caafimaad inay sax tahay iyo inay wax ka dhiman yihiin.
Guddoomiyaha Maxkamaddu waxa uu dawlad-goboleedka Puntland faray in ay Qareenno u qabato Shan Maxbuus oo ku eedaysan Al-Shabaabnimo oo uu ka mid yahay Abwaan Cabdiwaaxid Cali Gamaddiid oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Caasimadda Somaliland ee Hargeysa, kuwaasoo uu Guddoomiyaha Maxkamaddu sheegay inaanay awoodin inay Qareenno difaaca qabsadaan, sidaa awgeedna dawladda laga doonayo inay u qabato Qareenno u dooda
Warbaahinta Caalamka oo Warbixino ka Qoray Xoriyadii Luntay ee Somaliland ee 26 June 1960
Hargaysa 27.June 2015 (SDN/QJ)- Shalay oo kale kale, 26 Juun 1960, waxay dadkii wakhtigaa ku dhaqnaa geyigan Somaliland u ahayd guul iyo gobanimo. Waxay ahayd habeenkii u horaysay ee ay ku seexdaan xorriyad dhulkooda ay ku maamushaan, kadib markii ay 12 habeennimo xaqiijiyeen gebagebaynta habeenkii dheeraa ee ay muddada 86-ka sannadood ah la halgamayeen, dhulkana soo dhigeen calankii Gumeystihii Ingiriiska, dabadeedna ay ku seexdeen farxad, nayaayiro, qiiro, xamaasad iyo gobanimo. Habeenkaas 26 June, 1960 waxa ka soo wareegay 55 sannadood.
Waxay ahayd Dharaar qiimaheeda, shucuurteeda, dareenkeeda iyo jawigeeda ay sawiri karaan dadkii u soo joogey ee habeenkaa ka ciyaarayey ama damaashaadayey Fagaaraha Beerta Xorriyadda Hargeysa oo laga qotomiyay calan Somali leedahay oo xor ah kii ugu horeeyay.
Waxaana sida loo sugayey, sida loo soo dhoweeyey iyo xiisaha loo qabey dharaartaas lagu sajaley ama lagu qoray bogagga suugaanta iyo murtida dhaxal-reebta ah oo ay ka dheehan karaan jiilashii ku garaadsadey, kuwii ku dhashay xorriyadda iyo jiilasha soo socdaba.
Hase yeeshee, gobanimadaa aad loo sugayay iyo dowladnimadii Somaliland ka qaadatay Ingiriisku kuma negaan Hargeysa iyo dhulka Somaliland, waxayna ku hafatay qiiradii iyo jibadii loogu halgamayey in la xorreeyo, kadibna meel la isugu keeno 5tii Soomaaliyeed oo kala ahaa Soomaaliya oo Talyaanigu gumeysanayey, Jabuuti oo Faransiisku gumeysanayey, dhulka Soomaalida Itoobiya iyo gobolka NFD oo la raaciyey Kenya. Sidaa darteedna, 4 maalmood ka dib waxay Somaliland Calankii ay ka sudhay Hargeysa la tagtay Muqdisho oo xorriyadda ka qaadaneysey Talyaaniga 4 maalmood kadib, si ay bud-dhig ugu noqdaan Soomaaliweyn; waxaana July 1 lagu kulmiyey xorriyadda Soomaaliya iyo midnimada Somaliland iyo Soomaaliya.
Wargeyskii la odhan jiray Daily Herald oo xilligaas ka soo bixi jiray magaalada London ee dalka Ingiriiska, ayaa cadadkiisii soo baxay 29th June 1960, waxa uu wax ka qoray xorriyadda ay Somaliland heshay iyo siday ugu tuurtay wadan kale oo aan weli qaadan madaxbanaanidiisii.
Wargeysku waxa uu ciwaan ka dhigay The Colony That Rejected Freedom oo macnaheedu tahay Mustacmaradii diiday xorriyadda. Wargeysku waxa uu ciwaan hoosaad ku xusay qoraal kooban oo uu macnihiisu noqonayo, Saddex maalmood ka hor, waxa ay heleen madaxbanaanidoodii, Jimcihiina dib ayay isu dhiibeen. Warbixinta uu Wargeysku ka qoray madaxbaanidaas Somaliland ee luntay oo aanu idiin soo turjunay, waxay u qornayd sidan:
“Somaliland oo ahayd mustacmarad ingiriisku gumaysto ku dhawaad 80 sannadood ayaa madaxbanaani qaadatay Axadii la soo dhaafay, islamarkaana jimcihii afar maalmood ka dib madaxbanaanideeda ayay mustacmaradani dhiibtay lana midowday walaasheed Somaliya. Somaliland waxa ay go’aansatay in aanay ka mid noqon ururka barwaaqo sooranka. Somaliland oo ku taala marinka bari ee qaaradda Afrika waxay ahayd saddex cisho ka hor mid aanay saxaafadda caalamku haba yaraate soo hadal qaadin.
Hase yeeshe imika waxa ay noqotay meel muhiimad taariikhi ah leh, sababtuna waxa weeye la midowga ay Somaliya la midowday oo ah mid naadir ah, waayo Somaliya lafteeda ayaan weli xor ahayn.”
Sida laga dheehan karo jariiradan, dunidu aad ayay ula yaabtay reer Somaliland, waxaanay bulshada caalamku isweydiinaysay ujeedada halgankii Somaliland, mar haddiiba ay maalmo kooban ka dib xoriyadii qaaliga ahayd ku tuurtay Somaliya oo aan xilligaas qaadan xorriyadda.
Jibadii iyo caaddifaddii waxay ku burburtay Isu-taggii 1dii July, balse lagama hadhin, waxase himiladaasi si dhab ah u dhimatay, luxudkana u qabatay 17 sannadood kadib, markii Jabuuti oo ku hadhsanayd gacanta Gumeystihii reer Yurub ay qaadatay 27 Juun 1977 xorriyad iyo dowladnimo ay gaarkeed isugu taagtey, isla markaana ay diiddey inay ku soo biirto labadii dal ee midoobey. La Midowgaas Somaliya ee deg dega iyo salfudaydka ahaa, waxa ay Somaliland ka dheefsatay dhibaatooyin isugu jiray siyaasad, dhaqan iyo weliba dhaqaale. Ugu horayn dawladii markii la midoobay la dhisay waxa ay muujisay sawirka dhabta ah ee reer koonfureedka, waxaana Madaxweyne noqday Aadan Cabdule Cismaan oo ka soo jeeday koonfurta halka uu Raysalwasaare noqday Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo isna ka soo jeeday goboladaas koonfurta ee ay Somaliland la midowday. Iyadoo Somaliland-na laga qadiyay mansabyadii sare ee dawladii ay dhisteen labadii gobol ee midoobay.
Somaliland waxay ku qadday muxubadeedii. Waxay ku hungowdey himiladeedii. Waxayna baraarugtey iyada oo badhtanka ugu jirta badweyn aanay ka bixi karin, taas oo u sii taxaabtay inay u gacan-gasho talis naxariis-darran oo ay dadkeedu kala kulmeen cadaadis iyo colaad aanay kala kulmin Mustacmarkii Ingiriiska ee muddada 86-ka sannadood ah u talinayey. Shacabka Somaliland, mar labaad ayay bilaabeen halgan ay dib ugu soo celinayaan xoriyadoodii, waxaanay dib u bilaabeen halgan ka xanuun kulul, ka khasaare iyo burbur badan, kana qallafsan kii ay iskaga xorreeyeen Ingiriiska.
Soddon sannadood kadib xorriyadeeddii ay ka qaadatay Ingiriiska ayay Somaliland mar kale u dabbaaldegtey oo ay ku soo hoysey halgan qadhaadh iyo dagaal socdey muddo 10 sannadood ah, kaas Tobannaan kun oo qof ay ku dhinteen, Boqollaal kun oo kalena ku barakaceen, hanti aan la qiyaasi karina ay ku baaba’een. Waxaanay mar kale Somaliland u dabbaaldegtey xorriyadeeda 18ka May, taas oo la xusayey 20kii sannadood ee u dambeeyey. Laakiin, inkasta oo ay Somaliland dib u soo celisay xoriyadeedii, haddana ma aha mid beesha caalamku aqoonsan tahay, sidii loo aqoonsaday xorriyaddii aan la mahadin ee 26kii June 1960.
Si kastaba ha ahaatee, xorriyaddii 26kii June 1960 way luntay, farahana kuma jirto. Waxaana isweydiin leh; maalintani ma waxay noqonaysaa mid lagu xuso Farxad iyo gobanimo? Mise mid lagu xuso Murugo iyo ciil.? Wax kasta oo lagu xuso, waa taariikh, waxaana laga baran karaa cashar weyn oo ah in khaladka qofka caadiga ahi galo lagu sixi karo muddo yar, laakiin, khaladka siyaasadeed ee ay galaan hoggaamiyayaashu sixitaankiisu uu qaato ugu yaraan Qarni dhibaato badanna loo maro. Somaliland waxay hadda ku maraysaa Nus Qarni sixitaanka khaladkii ay gashay 55 sanadood ka hor, kaas oo ahaa xoriyadii sida fudud u luntay.
Hargaysa SDN/QJ
Gabo Gabada Tartanka Qur’aanka Kariimka ah ,Weedha Madaxweyne Xigeenka iyo abaal marinta ardayda DAAWO
Hargeysa, 28 June, 2015 (SDN/QJ)- Madaxweyne Ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Mudane C.raxmaan C.laahi Ismaaciil Saylici ayaa ka qaybgalay Munaasibad loo sameeyay dhamaadka Tartanka qur’aanka Kariimka ah iyo Axaadiista Nebigeenii Suubanaa ee Muxamed NNKH oo lagu qabtay Huteel ambassador ee Magaalada Hargaysa.
Waxaana halkaasi lagu gudoonsiiyay ardaydii ku guulaystay tartankaas Lacag iyo soo Gudashada Xajka oo laga bixinayo.
Hargaysa SDN/QJ
” Ciidamada Amisom Ee Soomaaliya Dawlado Kale Ayaa Ku Shaqaysanaya, Oo Mushahar Wanaagsan Bay Qaataan, guryo Wanaagsan bayna ka dhisteen …” Prof. Samatar DHAGAYSO
Washington, 28 June, 2015 (SDN/QJ)-Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo ka mid ah aqoonyahanada Xeesha dheer u leh Siyaasada Somaliya iyo Gobolkaba, ayaa beeniyay inay hoos u dhacday awooddii Ururka Al Shabaab, ka dib weerarkii uu dhiigga badani ku daatay ee Jimcihii kula wareegeen Xeradii Ciidanka Amisom ee Deegaanka Leego ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
GUJI HALKAN OO MOBILKAAGA KA DHAGAYSO HADALKA PROF SAMATAR
Washington SDN/QJ
Duqay ka Xog waramay Sidii ay ku Timid Xornimadii Somaliland ee 1960kii Iyo Dardaaranka Maanta DAAWO
Hargaysa 28.June 2015 (SDN/QJ)- Xuska 55 Guuradii ka soo Wareegtay markii ay Somaliland Xornimadeeda ka hanatay Boqortooyadii Ingiriiska 26-June 1960 kii ayaa duqaydii Xiligaas Goob jooga ahaa waxay ka Xog warameen Sidii ay dharaartaasi ku Timid iyo Qiimihii Xornimada.
Odayaashaas waxaa ka mid ahaa DC-gii ama Gudomiyihii wakhtigaasi lagu wareejiyey xornimada Somaliland oo ahaa Cismaan Axmed Xasan (Indhoole), Xaaji Cabdikariin Xuseen (Cabdi Waraabe), Maxamuud Aadan Dheri, Saxardiid Raage oo dhamaantood ka waramay qiimihii xornimadu lahayd, Dareenkii, xamaasadii iyo sidii loogu wareejiyey Somaliland.
Hargaysa SDN/QJ
Tiradii ugu badnayd ee Askar ka Tirsan Asluubta Somaliland oo Shaqada laga Caydhiyay iyo Qaar laga Hakiyay Iyo Sababaha dhaliyay
Hargeysa 28.June 2015 (SDN/QJ)- Taliyaha ciidanka Asluubta Somaliland, sarreeye guuto Maxamed Cismaan Xudhuun, ayaa sheegay inuu shaqada ka hakiyay 86 Askari oo 4 ka mid ah shaqada laga Eryay.
Askarta shaqada laga hakiyay iyo kuwa la ruqseeyay ayaa ahaa askar aan lahayn qoryo, kuwaasi oo hadda lagu amray inay soo qaataan qoryo haddii kalena aanay ka mid ahaanayn askarta.
Taliye Xudhuun, ayaa sheegay in askartaasi oo liiska magacyadooda dhawaan la soo dhejiyay markii amarkaasi la siiyay ay 4 askarta ka mid ahi abaabuleen 86 Askari kadibna Madaxtooyada iyo baarlamaanka u gudbiyeen cabasho ah inaanay soo helayn qoryo, sidaas darteedna shaqada laga eryay 4 tii abaabulka sameeyay.
“Afar askari waxaan ku eryay, askarigu dambi hadduu galo oo dambi qaran galo, oo loo naxariisto aan la gayn xabsi, waxa weeye shaqada ayaa laga fadhiisiyaa. 86 askari oo bilaa qori ah ayaanu soo dhejinayn, waxaanu nidhi muddo bil ah ku soo qaata qor yihiina, markaa 4-ta askari intay ciidankii abaabuleen ayay baarlamaanka iyo madaxtooyada geeyeen oo yidhaahdeen xeradii baa nalaga soo saaray, markii la waydiiyay sababta loo soo saarayna waxay yidhaahdeen qoryo keena ayaa nala yidhi, markaa askari wuxuu askari ku yahay qoriga ee qoryihiina doonta ayaa la yidhi. Kolkaa afartii 86 askari hor kacay waan ruqseeyay oo ishibiliin xumo ayaan u ruqseeyay oo maalinta dambena wax kale ayay samayne kuwa kale ha ku waano qaataan” ayuu yidhi Taliyaha Asluubtu.
Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in Askarta lagu xidhay shuruudda ah inay keensadaan qoryo ay iskood u leeyihiin hadda loo qaybiyay kuwo qoryo soo helay iyo kuwo mushaharkooda laga jarayo qori ay leeyihiin “Askartii bilaa qoriga ahayd 2 ayaanu u qaybinay, kuwii qoryaha keenay waanu u liis garaynay,kuwii aan qoriga keenina Lacagtiisa(Mushaharkiisa) ayaanu ka jaray oo nidhi qori baanu kuu iibinaynaa” ayuu yidhi Taliye Xudhuun.
Taliyaha ayaa la waydiiyay sababta loo qoray Askartan haddaanay marka horeba haysan qoryo ama dawladdu qoryo siin waxaanu ku jawaabay “Anigu xilka waxaan hayay muddo 3 bilood ah, sababta qori la’aan loogu qoray raggii hore(Taliyeyaashii hore) ayaydun waydiin”.
Hargaysa SDN/QJ
“Heshiiskii Xisbiyadu muu ahayn Mid Distoori ah balse Wuxuu ahaa Is faham Siyaasadeed” Xoghayaha Guud ee Kulmiye
Hargeysa 28.June 2015 (SDN/QJ)- Xoghayaha guud ee xisbiga Kulmiye Xasan Siciid Yuusuf, ayaa ku tilmaamay in aanu sharci ahayn heshiiskii ay wadda gaadheen saddexda xisbi iyo xukuumaddu hase yeeshee uu ahaa is-faham siyaasadeed oo laga gaadhay arrimaha doorashooinka.
Waxaanu sheegay xoghayaha KULMIYE in heshiiskaasi markii u horaysay ee la wada saxeexanayay in uu xisbiga Waddani ka baxay, isla markaana ay xisbiyadu u aqoonsan yihiin mid sharciyadda waafaqsan go’aankii guurtidu gaadhay.
Xasan Siciid, oo xalay telefoonka ugu waramay Wargayska Afka Xukuumada ee Dawan ayaa waxa uu xusay in dastuuri yahay go’aankii golaha guurtidu muddo xileedka ugu kordhiyeen xukuumadda iyo golaha wakiiladda isla markaana heshiiska xisbiyadu burinan go’aanka golaha guurtida.
“Heshiiska xisbiyadda iyo xukuumaddu wada gaadheen muu ahayn heshiis dastuuri ah, balse wuxuu ahaa heshiiskaasi is-faham siyaasadeed oo ay axsaabtu wad agaadheen. Mana burinayo go’aanka golaha guurtida ee mudada ay ugu kordhiyeen xukuumadda iyo golaha wakiilada go’aankaa aanu wadda gaadhnay xisbiyaddana waxa uu ahaa mid siyaasi ah. Arrintaana markii la doonayay in golaha guurtida in lagu qanciyo xisbiga Waddani isagaa ka baxay heshiiska. markaa heshiiskaasi muu ahayn mid dastuuri ah, guurtiduna waa mid sharciya”ayuu yidhi Xasan Siciid.
Xoghayaha guud ee KULMIYE, waxa kale oo uu tilmaamay in beesha caalamku aanay burin karin go’aamadda dastuuriga ah ee ka soo baxa goleyaasha qaranka Somaliland, hase yeeshee Somaliland iyo beesha caalamka ay ka dhaxayso wada shaqayn.
Dhinaca kale xasan Siciid waxa uu sheegay in ay ka xisbi ahaan u hogaansamayaan go’aankii guurtidda. Isagoo xusay in aanay jiri doonin wax dhibaato ah oo dalka ka dhacdaa markaay dhamaato xiligii sharciga ahaa ee la doortay madaxweynaha iyo ku xigeenka. Isagoo tilmaamay in aanay cidina ka saraynin dastuurka iyo shuruucda dalka u yaalla.
Isagoo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Annagu (Somaliland) dastuur ayaan leenahay sharci ayaan leenahay. Xidhiidh iyo wada shaqayn way inaga dhaxaysaa beesha caalamka laakiin ma farogalin karaan mana burin karaan wixii go’aamo ah ee aynu leenahay dawlad ahaan.
Xisbi ahaana waanu ixtiraamayaan go’aankii golaha guurtida. go’aanka golaha guurtidana waa mid sharciya oo aan ixtiraamayno oo aan aqoonsanahay wax dhici doonaana ma jiraan deerona deero hirdiyi mayso waxaa mucaaradku sheegayaan sharcigana cidina kama wayna.”
Xoghayaha guud ee Kulmiye waxa kale oo uu sheegay in kooxda madasha sharci ahan isla markaana xisbiyadda mucaaradku ku milmeen. “Madasha wadda tashigu ma aha xisbi jira oo sharciya waa dad muwaadiniina oo ka mid ah shacbiga reer Somaliland markaa go’aan saamayn leh ma aha, mid siyaasadeed oo sharci midna malaha axsaabtuna waa sharci ee madasha ma iyagaa ku milmay mise madashaa ku milantay”ayuu yidhi Xasan Siciid.
Hargaysa SDN/QJ
“Miyaanay Ceeb Inagu Ahayn In Dastuurkii Qaranku Noqdo, Margi Nimba Siduu Doono U Jiidh-Jiidho” Jaamac Gug soo dhacay
Lyon 28 June, 2015 (SDN/QJ)- Xoghayihii guud ee xisbigii UDUB Jaamac Yaasiin Faarax oo tan iyo shan sanno ka hor markii laga guulaystay xisbigiisii ku maqnaa wadanka Faransiiska oo uu hore u degenaa, ayaa ka hadlay marxaladda siyaasadeed ee dalku ku jiro iyo muddo kordhintii loo sameeyey xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.
Jaamac Yaasiin Faarax oo qoraal dheer ka soo qoray magaalada Lyon ee wadanka Faransiiska oo uu degen yahay ayaa dhawr iyo toban su’aalood ku cabiray xaalada lagu jiro iyo sida uu u arko heshiiskii Madaxtooyada iyo axsaabta siyaasaddu qalinka ku duugeen, kaas oo aan illaa hadda midho dhal noqon, oo laga sugayo in la dhaqan geliyo.
Mr. Jaamac ayaa qoraalkiisa arar uga dhigay jidkii ay mareen hoggaamiyihii daraawiishka iyo keli taliyihii nidaamkii macangaga ahaa ee Soomaaliya dhaxal wareejiyey, kuwaas oo uu xoghayaha guud werwer ka muujiyey in la raaco sunnihii qallafsanaa ee ay jideeyeen ee markii dembe iyagana galaaftray. Qoraalka xogahaya guud oo dhamaystiranina waxa uu u dhignaa sidan: “Waa falkii gurracnaa ee lagu diiday Hororkii Ina Cabdilleh Xasan, kuna jabay. Waa falkuu ka dumaaley Kaligii-Taliskii Ina Siyaad Barre, ee haligmay. Illaahay baan idinku dhaariye, ma labadaas daalin ee mabaadiida burburinta ummadda Somaliland ku bahoobay, ayaynu jidkoodii raacnaa?, Ma waxaan dastuurka bulshadu dhigatay ahayn (97%), ayaynu isku maamulnaa?, Ma koox yar baynu u muraad quminaa, oo qaran dhan ayaynu xaqiisa duudsinaa?, Ma horumarkaynu gaadhnay ayaynu caras-qalnaa , oo raad keeni ayeynu dib u raacnaa?, Ma halgankii dheerah, xoriyaddii iyo midnimaduu keenay ayaynu midhaheeda ubadkeena ka afqabanaa?, Gartaas eexashada ku qotonta, ee munaafiqadda xambaarsan, Eebeheen ma inaga dhaafayaa?, Miyaanay badbadada ummadu ku jirin in aynu isugu hiilino axdigaynu bulsho ahaan wada dhiganay?, Waar miyaanay ceeb inagu ahayn, in dastuurkii qaranku noqdo margi, nimba siduu doono u jiidhjiidho, ama u turjomo, isagoo af-soomaali faseexa ku qoran?.
Haddaan lays-yeelyeelaynin, labada qodob ee 42aad iyo 83aad, ayay ku qayaxan yihiin sababaha muddo-kordhini ku iman karto iyo xaytabyada loo dhigay-ba. Iska kordhi uun ma aha ee GDQ oo keliya, ayaa leh mas’uuliyadda magacawga taariikhda loo cayimaayo doorashada. Iyana si cad oo cilmiyeysan ayay u tafatireen barnaamijkooda ku aadan doorashooyinka qaranka loogu tala yalay. Ceebina kama raacin, oo way asiibeen. Madaxweynaha dalka way qanciyeen, Wuxuu isna proposals-kii u gudbiyey Golaha Guurtida, si waajibkooda dastuuri uga gutaan. GDQ-ku way hor tageen Golaha Wakiillada, si fiicanna way u qanciyeen, iyaga oo muddo-kordhin macquul ahna raaciyey.Taakuleeyayaashii caalamkuna way ku duceeyeen, Axsaabtii qaranku may ka hor iman nadaamka farshaxanta loo dhigay. Waar bal tabco-dhexaadkan, uu Saleebaan Gaal ku kacay, meesha miyey-ba Qabataa? Saw maaha qalad, in la saxo u baahan , intaanu aafo abuurin?.
Madaxweynuhu wuxuu ku baaqay in state holders-ku iska arkaan, Madaxweyne ku xigeenkiisa Mudane Cadiraxmaan Saylici, ayuu arrintii u xilsaaray. Madaxweyne K/X-kuna, intuu saddexdii xisbi qaran la kaashaday, ayuu arrinkii go’aan loo dhan yahay, oo uu saxeexay, kaasoo gudbiyey.Waa nadaam dhan, oo dawlad lagu yaqaanay. Waxa gaab noqotay, Madaxweynihii dalku, illaa maalinkan maanta ah, hadal laguma hayo. Alla qabay, afkana waa yaqaan, waana ka agnaan. Ummaddu waxay sugaysaa go’aanka Madaxweynuhu qaadanaayo. Go’aankaasi ma wuxuu noqon doonaa, mid bulshada Somaliland ee nabaddda, xoriyadda iyo horumarka jeceli ku faraxdo?, Mise mid ka duwan, oo guusha siiya cadaw Jamhuuriyadda Somaliland, ee dhegtu taagan tahay? Bal aan eegno uuraysataye, waxay umuli doonto. Waxaan dharwna waa Ilma dhamays ah,oo duco loogu wan-qalo iyo dhicis laga naxo, oo KULMIYE iyo Siilaanyo aakhiraw dira. Allahayow, ummadda Somaliland nasiibkeeda wanaaji, kana badbaadi khasaare iyo burbur, cadowgooda farax geliya.
Aamiin Iyo ciid mubaarik!
Waa Billaahi Tawfiiq
Jaamac Yaasiin Farax
Xoghayihii Xisbiga UDUB
LYON/FRANCE SDN/QJ
“Ramadaan Dhexdeeda Sidee Ayaynu U Noolaanaynaa” Sh.Maxamed Sh.Cumar Dirir DAAWO.
Hargeysa, 28 June, 2015 (SDN/QJ)- Bishii Fadliga iyo Xasanaadka dheeriga ah lahayd ee Ramadaan ayaynu Weli ku dhex jirnaa.
Waxaa dhamaaday Tobankii Cisho ee u Horeeyay ee Bisha barakaysan ee Ramadaan,Waxaa la is weydiin karaa Bishan ramadaan dhexdeeda Sidee ayaynu u noolaanaynaa Waxaa deriskaasi inoo soo jeedinaya Sheekh Maxamed Sh.Cumar Dirir oo ka mid ah Culimada Somaliyeed ee aqoonta weyn u leh diinta Islaamka .
Hargaysa SDN/QJ
TACSI KU SOCOTA DHAMAAN REER GABAXADI GEERIDDA IBRAHIM Y. GABAXADI
KU SOCOTA DHAMAAN REER GABAXADI GEERIDDA IBRAHIM Y. GABAXADI
Majalada Theafricareport oo Wax ka qortay Muuqaalada Madaaradda Somaliland iyo Isbedelada ku soo Kordhay
Paris June 29, 2015 (SDN/QJ) –Wargeyskan Magazine-ka ah ee Theafricareport Ee Dalka Faransiiska Xaruntiisu tahay , ayaa warbixinta uu Bishan June ku daabacay cadadkiisii u dambeeyey waxa uu diirada ku saaray Horumar xawli ah oo tibaaxay inay ka tisqaadeen Madaaradda Somaliland gaar ahaan Madaaradda Hargeysa iyo Berbera oo uu hoosta ka xariiqay inay ku talaabsanayaan Xukuumadda uu madaxweynaha ka yahay Mudane Axmed Maxamed (Siillaanyo) tan iyo markii uu Xafiiska Madaxtooyadda qabtay in uu awooda saaray sare u qaadida iyo maalgeinta dalka
Warbixintan ay Somaliland ka diyaarisay Majaladda THEAFRICAREPORT oo ku qorneyd luuqadda Afka Ingiriisa oo uu Wargeyska Saxansaxo Akhristayaashiisa sharafta leh ugu soo turjumay Afka Somaliga , waxa Wargeysku kaga hadlay dhinaca horumarinta iyo Maalgashiga ay Xukuumadda Somaliland ku sameysay gaar ahaan Madaarka Caasimadda Hargeysa ee Cigaal International Airport waxay sheegtay dub u dhiskiisa iyo Casriyeyntiisa ku baxday ku dhawaad lacag dhan Qadar Lacageed oo dhan $6.7 oo Doolar oo dawladda Kuwait bixisay iyo lacag kale oo aanay dalka Mareykanku bixiyey balse aanu Wargeysku Cadadkeeda tibaaxin iyo inta ay leeg tahay sheegin, lacagahaasi oo wax lagaga qabtay Casriyeyinta Terminalada, Dhismaha iyo baadhinta Ranway-da iyo Marawaxadaha Korontadda laga dhaliyo ee madaarka laga hirgeliyey.
Wasiirka Qorsheynta Qaranka Somaliland Dr Sacad Cali Shirre oo Wargeysku soo xiganaayey waxa uu yidhi “ Madaaraddu waxay noo yidhiin Ahmiyadda ugu weyn dal ahaan waa waxyaabaha kaliya ee nagu xidhi kara aduunka intiisa kale, maalgashiga dhulka, Hawladda (Madaaradda Somaliland) ,Dekadduhu waa meelaha maalgashato kasta u ah halbeega ay doonayaan in aanu iska kaashano oo ay maalgashigooda u tixgelinayaan weeye”
“Dawladda Somaliland waxay u aragta Duulimaadyaddu ama Madaaraddu ahmiyada koobaad u yihiin iyo ta ugu muhiimsan balse xaqiiqadu waxay tahay Awood yar ayey ku leeyihiin iyo in Saameyn ah, mana laha awood ay Somaliland ku maamusho Madaaraddeeda” Sidaasi waxa yidhi Margaret Viola oo ah lataliye hore oo Shirkadda Diyaaraddaha ee Daallo Airline
Wasiir ku xigeenkii hore ee Amniga Arimaha Guddaha Somaliland Md Cabdilaahi Abokor oo Wargeyskan Bilaha Ah ee THEAFRICAREPORT ayaa isna yidhi “Madaarka Cigaal International Airport waxa weeye ka ugu amaansan ee ugu amniga badan xata madaaradda Somalida, runtiina hadii aan la casriyeyn la heyn duulimaadyadda iyo maadaradda Diyaaraddaha Caalamiga ahi waligood ka may shaqeyn laheyn Madaarka Cigaal Airlines, Diyaaraddahaasi oo ay ku jirta Diyaaradda Ethoipian Airlines oo iyadu ahmiyada koobaad uba aragta Amnigeeda ”
Warbixinta Majaladdan Theafricareport ka qortay Somaliland iyada oo sii wadata waxay sheegtay inay inay hore Madaarka hargeysa si joogta ah uga duuli jireen Shirkaddaha Diyaaraddaha ee Daallo,Jubbo oo (hada midoobay), Afrika Express isla markaana Hargeysi tahay Caasimadda ugu weyn Somaliland oo ay ku dhaqan yihiin dad kabadan 750,000 (Todoba Boqol Iyo Konton Kun),waxaanay iyaga oo soo xiganaaya wasiirka Duulista Hawadda Maxamuud Xaashi Cabdi in uu sheegay xata ka hor intii aan la dhisin madaaradda Hargeysa iyo Berbera inay Rakaabadda Diyaaraddu boqolkiiba 18% isla markaana Xamuulka ama (Cargo)-na uu 29% oo kor u kacay, halka Sida Wasiir Sacadd Cali Shirre uu hoosta ka xariiqay inay sannadii 2013-dii 83,000 ( Saddex Iyo Sideetan Kun ) oo Rakaabka Diyaaraddaha Raaca inay Madaaradda dalka ka duuleen.
Wasiirka Duulista Hawadda iyo Gaadiidka Cirka ee Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi oo Magazine-ka Theafricareport uu ka soo xiganaayey in uu sheegay in Diyaaradda Ethoipia Airlines inay Madaarka Magaaladda Berbera bilaabi ka bilaabi doonto duulimaadyo sida madaarka hargeysa waxaanu yidhi “Dawladda Somaliland waxay rabta inay magaaladda Berberi noqoto meel Dalxiisayaasha aduunku ku soo hirtaan , waxaanu rajeynaynaa inay diyaaradda Ethoipian Airline duliimaadyo ka bilaabi doonto si ay si fiican u isticimaalaan Rakaabkayaga Bariga Somaliland iyo ta ugu muhiimsan oo ah inay Dalxiisayaasha Itoobiya u dhashay isticimaali doonaan” Waxa uu Wasiirku la hadlaayey Warbaahinta gudaha sida Wargeysku xusay
Warbixinta waxa sido kale lagu sheegay in Somaliland sannadii 2008-dii ay hirgelisay sharciga Maalgashiga Caalamiga ee Shisheeyaha, iyada oo shirkaddaha Coca Cola iyo Western Union ay hada in mudo ah dalka ka hawlgalaayeen halka Genel Energy, DNO International, and RAK Gas ay iyaguna arimoa Samahinta Shidaal baadhis ah ay Somaliland ka wadaan iyada oo dawladda Somaliland dhaqaalaheeda uu kaalinta 1aad ka yahay Dhoofinta xoolaha nool laguna tilmaamo in dhaqaalaha waddanka iyo waxyaabaha dalku dhoofiyo ay 60 % la dhoofiyo.
Paris SDN/QJ
Maxkamadda Denbiyada Culus ee Puntland oo Mar labaad Dib u Celisay Go’aan ka Gaadhista Eedaynta Abwaan Cabdi waaxid Gamadiid isaga iyo 4 Xubnood oo Kale DAAWO
Garowe June 29, 2015 (SDN/QJ) – -Maxkamada dambiyada culus ee maamulka Puntland ayaa u fadhiisatay dacwada rag lagu tuhmayo inay hore uga tirsanaayee Xarakada Al shabaab.
Raggan looga shakisan yahay inay ka tirsanaayee Al Shabaab oo uu ku jiro Abwaan Cabdiwaaxid Cali Gamadiid oo Ah Abwaan dhalinyaro ah oo ka soo jeeda Somaliland.
Waxay Maxkamadu Sheegtay in Shantan eedaysane ee uu Abwaan C.waaxid Gamadiid ka mid yahay in loo qabto Garsoorayaal ka difaaca eedaha loo haysto ee ka mid ahaanshaha Ururka Alshabaab.
Garowe SDN/QJ
“Marka la gaadho 27-ka July waxaa noo qorshaysan inaannu shacbiga reer Somaliland iskugu keeno Madaxtooyada horteedda,” Jamaal Cali Xuseen.
Hargeysa:June,29,2015(SDN/QJ)-Musharraxa Jagada Madaxweyne-nimo ee Xisbiga Ucid Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen, ayaa Go’aankii Guurtidu muddada ugu kordhiyeen Xukuumadda ku tilmaamay mid xaaraan ah oo aan la qaadan Karin, isagoo intaas ku daray inuu ahaa Go’aan aan loo meel deyin.
Aqoonyahan Jamaal oo U Warramay qaarkamid ah warbaahinta, ayaa ku adkaystay in dhammaanba Qoddobada Guurtidu mudd-kordhintooda u cuskadeen yihiin qaar aan waddanka ka jirin, “Guurtidu Sharciyad maaha, muddo kordhintanna saddex xaaladdood ayaa lagu saleeyaa, saddexdaa arrimmood dalkeenna kama jiraan oo waynnu wada ognahay maaha in Indhaha la is qabto, haddaanay jirinna Guurtidu xaq umalaha inay Kordhiyaan amaba la yidhaahdo go’aankooddu waa Distoori, taasi waa been cad, balse Distoorkeenna oo qabyo ah ayaa ka aamusay, markaa waxay ahayd in la iskugu yimaado talo qaran oo laga wada-tasho waxa laga yeellaayo,taasinna may dhicin, markaa labada Xisbi mucaarid iyo Madashu way iskaga imanayaan.” Ayuu yidhi Murashaxa xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen.
Mar uu ka hadlaayey arrinta heshiiskii ay wada gaadhaan Xisbiyadda Qaranka iyo Xukuumaddu waxa uu yidhi“Waxaannu arkaynnaa in Xisbiyadda mucaaridka la khiyaameeyey, oo xumad-jebin loo sameeyey, balse waxaannu haysannaa Shacbiga reer Somaliland iyo beesha caalamka.” Ayuu yidhi waxaannu intaas ku daray oo uu yidhi “Shacbiga reer Somaliland waxaannu iskugu keenni doonnaa Madaxtooyada horteedda, waayo Xukuumaddani waxay ku guul-daraysatay inay Doorashooyin ka qabato dalka, oo maantaba waxa ay ahayd in Madaxweyne la soo doortay uu joogaa, markaa haddii ay nimankani damceen inay Sharciga indhaha ka qarsaddaan Ummadda reer Somaliland waxaanu soo tubi doonnaa Madaxtooyadda.” Ayuu yidh Murashaxa Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen.
Murashaxa jagada Madaxweynaha ee Xisbiga Caddaalada iyo Daryeelka ee UCID Md Jamaal Cali Xuseen waxa uu caddeeyey qorshahoodda hadda wixii ka dambeeya, waxaannu yidhi “Xukuumadda uu hogaamiyo Madaxweyne Axmed Siilaanyo, ma aqoonsanin hadda wixii ka dambeeya, Madaxweynenna ugu yeedhi maynee laga bilaabo hadda waa Axmed Siilaanyo, waayo Sharciyaddii uu Madaxweynaha ku ahaa way ka dhammaatay. Waxaynnu ku jirnaa bil ramaddaan, laakiin marka la gaadho 27-ka Jully waxaa noo qorshaysan inaannu shacbiga reer Somaliland iskugu keeno Madaxtooyada horteedda,” Ayuu yidhi Murashaxa Xisbiga UCID Md Jamaal Cali Xuseen.
SDN/QJ