Quantcast
Channel: Features – qurbejoog.com
Viewing all 6893 articles
Browse latest View live

Sheekh C.laahi Diiriye Sooraan oo Xaalad Caafimaad la soo Deristay iyo Madaxda Warfaafinta oo Booqday DAAWO

$
0
0

Hargaysa 23,June 2015 (SDN/QJ)-   Masuuliyiinta  ugu  saraysa  wasaaradda  warfaafinta,   dhaqanka iyo wacyigelinta ee  Somaliland ayaa shalay booqasho ugu tegay  Seekh C/laahi Diiriye Sooraan oo muddo dheer si weyn uga dhex muuqday fanka Soomaalida oo  xanuun dhawaan ku soo booday u jiifa cusbitaalka  ku yaalla magaaladda Hargaysa.

 

Abwaan-SooraanMasuuliyiintaasi oo kala ahaa Wasiirka warfaafinta  C/laahi Maxamed  Daahir (Cukuse), wasiir ku xigeenka Shugri Xariir Ismaaciil iyo agaasimaha guud Maxamed Cilmi Aadan (ilkacase),  ayaa halkaasi   ugu  duceeyay Sheekh Sooraan, iyagoo ILLAAHAY uga baryay in uu ka caafimaadkiisii u soo celiyo.

 

Wasiirka Warfaafinta   C/laahi Maxamed  Daahir (Cukuse),  ayaa si kooban uga waramay  doorkii uu Sheekh C/laahi Diiriye Sooraan ku soo dhex  lahaa fanka iyo suugaanta Soomaalida, isagoo dhinaca kalena wasiirku   ILLAAHAY uga baryay Sheekh Sooraan iyo dhammaanba ummadda  islaamka  ah  ee xanuunsanaysa  in uu caafimaad sareecan ah siiyo fadliga bisha barakaysan ee ramadaan awgeed.Waxaanu  yidhi “Sooraan, waa abwaan weyn, waa fanaan,  waa Sheekh imika, wuxuuna ka mid yahay culimadda waa weyn. ILLAAHAY waxaanu uga baryaynaa   xanuunkaasi kediska ah ee ku yimid, halyeygeenaasi  magaca bulshadda ku dhex lahaa,   in uu caafimaadkiisii u soo celiyo.”

 

 

Waxaanu intaasi ku daray. “Waxaanu ka baryaynaa ILLAAHEENA macbuudka ah ee weyn  in uu abwaankeenaa iyo inta kale ee jilicsan ee bugtaba fadliga  bisha barakaysan ee  Ramadaan ILLAAHAY in uu caafimaadkoodda u soo celiyo, inta kalena uu caafimaadkoodda u sii wanaajiyo, intii dhimatayna uu u naxariisto. ILLAAHAY waxaanu ka baryaynaa in uu isaga iyo intii kale ee bugtaba caafimaadkoodii u soo celiyo”

 

Sheekh C/laahi Diiriye, ayaa dabayaaqadii bishii hore  uu xanuun ku soo boodo ahi ku dhacay, kaasi oo ka haleelay Lug iyo gacan iyo madaxa.  iyadoo markaa wixii ka danbeeyay uu ku jiro xaalad miyir-doorsoon ah, isla markaana la jiifiyay cusbitaalka la yidhaahdo Hargeisa Neurology oo ku yaalla magaaladda Hargaysa, halkaasi oo lagu daaweynayo.

 

Dhinaca kale Sheekh C/laahi Diiriye, ayaa ka mid ahaa  ragii kaalinta weyn iyo doorka muuqda ka soo qaatay hal-abuurka, fanka iyo masraxiyadda Soomaalida, oo uu muddo dheer ku soo dher jiray, hase yeeshee Sheekh Sooraan ayaa  dhawr iyo tobankii sanadood ee u danbeeyay u leexday  dhinaca diinta, isla markaana waxa uu hadda  Mu’adin ka ahaa  masaajidka loo yaqaano   Nakhiil  oo ku yaala badhtamaha  caasimadda Somaliland ee Hargaysa.

 

Sheekh Sooraan, ayaa mudadii uu fanka ku jiray waxaa uu hormood ka ahaa raga hibooyinka badan  ee dhinaca fanka ah  isku darsaday, sida in uu heesaha ku luuqeeyo, curinta heesaha iyo riwaayadaha, jilista riywaayadaha. Isagoo curiyay heeso aad u badan iyo dhawr riwaayadood oo ka mid ah kuwa sida weyn u caan-baxay  bulshadda Soomaalidda dhexdeedda.

Waxaanu hal-abuuray heeso badan oo ka mid ah kuwa loogu jecel yahay dhegaysigoodda guud ahaanba geyiga Soomaalida, sidoo kale waxa uu Sheekh  Sooraan sameeyay riwaayado aad u can-baxay oo ka  hadlaya qisooyin dhab ah iyo waxyaabo waaqici ah. Iyadoo ay aad u badan yihiin heesaha iyo riwaayadaha uu leeyahay Sheekh C/laahi Diiriye Sooraan.


Maamulka Puntland Oo Burbur Qarka u Saaran, Saarkiil Ciidan Oo Goosatay iyo Dagaal ka Dhex Dhacay Gudaha Garowe

$
0
0

Garoowe:June,24,2015(SDN/QJ)-Maamul-goboleedka Puntland, ayaa u muuqda mid kala daadanaya, iyadoo ciidamo tiro badani haatan u goosteen  taliye kuxigeenkii hore ee ciidamad Booliska Maamulkaas  Gen. Muxuyadiin Axmed Muuse Muxudiin oo isagu  muddo kahor ciidamo goostay, isla-markaana diiday ammarada kasoo baxaya Madaxweynaha Gaas.

hugoDegaanka Qarxis ee duleedka Magaalada Garowe ayaa la sheegay in ciidamo Puntland u dirtay ay isku hor fadhiyaan Gen, Muxuyadiin Axmed Muuse iyo ciidamo kale oo laga diray Madaxtooyada Puntland.

Wararka laga helayo Garowe ayaa sheegaya inuu Garowe ka baxsaday Madixii hore ee Sirdoonka Puntland Col. Cabdi-yare oo ku biiray Gen. Muxuyadiin Gacameey. Arrimahan ayaa ka dhashay markii Madaxweyne C/weli Gaas uu wasiirka Amniga dhowaan u magacaabay Cabdi Xirsi Cali Qarjab oo hore u ahaa Gudoomiyaha Gobolka Nugaal.

Gen. Muxudiin Axmed Muuse ayaa hore ugu eedeeyay C/weli Gaas inuu sii daayay rag Alshabaab ah oo jufadiisa kasoo jeeda, halka madaxtooyada Puntland ay ku doodeyso in Gen. Muxudiin xilka looga qaaday wada-shaqeyn uu la yeeshay Alshabaab.

Rasaas xoog leh oo shalay ka dhacday magaalada Garowe ayaa maamulku uu sheegay inay ahaayeen askar rasaas furtay oo aanu dagaal dhicin, waxayna wararku intaas ku dareen in ciidamada ilaalada xarumaha hay’adaha dowliga ah ay joojiyeen howlahoodii.

Sidoo kale waxa ay wararku sheegayaan in ciidamadu gudaha u galeen Guryaha Taliye muxyadiin iyo  kornayl Cabdiyare, halkaasna kala baxeen tiro gaadiid ah iyo hub.

Madaxwweyne Gaas ayaa u muuqda inuu xakameyn kari la’ yahay xaalada maamulkiisa iyadoo is eegashada beelaha iyo isbedelada uu sameynayo ay xaalada uga sii dareen.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Afhayeen Xilka Ku Helay Cayda Iyo Aflegaaddadii Daahir Rayaale Oo Dab Kala Dhexdhigay Saxaafadda iyo Madaxweynaha Qaranka

$
0
0

Hargeysa:June,24,2015(SDN/QJ)-Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Axmed Saleebaan Dhuxul, ayaa caado ka dhigtay inuu colaad iyo xiqdi ku dhex beero Madaxtooyada iyo Saxaafadda madaxa Bannaan, isagoo si cad shaqo ugu dhigtay inuu saxaafadda kahor istaago inay madaxweynaha su’aalo ka weydiiso xaaladda Guud ee Dalka.

dhuxulAfhayeen dhuxul oo muddo dheer  xafiiska madaxweynaha joogay, ayaa ku caan baxay abuurista jawiyo cakiran oo colaadaysan oo u dhexeeya madaxweynaha iyo saxaafadda, waxana uu cadaadis saaraa saxaafadda markasta oo ay isku daydo inay madaxweynaha wax weydiiso, waxana uu madaxweynah hortiisa ka abuuraa buuq iyo fawdo lagu dilayo karaamada Madaxweynaha qaranka.

Mudane Dhuxul, ayaa  foolxumada iyo ceebaha uu madaxweynaha iyo saxaafadda dhexdooda kaga baayac-mushataraynayaa waxa ugu dambeyey dhacdo ceeb iyo nacdiir ahayd oo uu maalintii shalay saxaafadda madaxa bannaan kaga hor istaagay inay madaxweynaha wax kaweydiiso safar uu kaga soo noqday dalka Ethiopia.

Dhuxul, waxa uu madaxweynaha hortiisa saxaafadda uga sheegay inaan wax su’aalo ah la oggolayn, waxana uu madaxweynaha ku ka kallifay inuu iska fadhiisto markii uu dhameeyey waxoogaa hordhac ah oo uu safarkiisa kaga hadlay, iyadoo halkaasna uu buuq badani ka bilaabmay.

Dhuxul oo dhaxalka  sababta kaliya ee uu xilka Afhayeennimo ku helay ahayd afxumo iyo cay uu Xukuumaddii Daahir Rayaale ku hayey, ayaa markii uu kursigaas dusha uga baxay lasoo baxay dabeecad xaasidnimo iyo xiqdi ka buuxo, waxana uu gee dheer iyo mid gaabanba u fuulay sidii uu iskaga horkeeni lahaa saxaafadda madaxa Bannaan iyo Madaxweynaha qaranka, waxana uu muujiyaa sawir ah inay saxaafaddu madaxweynaha xumaantiisa ku raad-joogto,  taas oo ah khiyaali aan isaga dhinacna u dhaafsiisnayn.

Axmed Saleebaan Dhuxul oo hoggaanka u haya shakhsiyaadka ugu cabban ee xukuumadda  xilalka ka haya, ayaa raalligelin ka dhigta ishortaagga su’aalaha warbaahinta, waxana uu si  ka baxsan milgaha iyo maamuuska  kursiga uu ku fadhiyo u karaama dilaa karaamada madaxweeynaha xilliyada uu saxaafadda hortaagan yahay, isagoo madaxweynaha ka dhiga shakhsi aan su’aalaha u babac dhigi Karin.

Dhuxul, ayaa hoos  karaama dilka madaxweynaha qaranka si weyn ugu dedaala, waxana noqday shakhsi ay qancisay  oo guul ka dhigta, kuna

faano inuu Saxaafadda su’aalaha madaxweynaha ku socda  ka carqaladeeyo, isagoo aan wax kale ka qabinin xafiiska uu fadhiyo.

Axmed Saleebaan Dhuxul waxa uu sidoo kale ku caan baxay inaanu wax raalligelin ah ka bixinin gefafka iyo godobaha uu ka galo Saxaafadda Madaxa Bannaan, isagoo cadaadinteeda iyo hagardaamaynteeda si weyn ugu soo dhiilo dhaansaday.

Dhammaaba Afhayeennadii kala duwanaa ee Soo Maray xukuumadihii Somaliland, cadaadista Saxaafadda Madaxa Bannaan lagu hayaa ma gaadhin heerka ay maanta taagan tahay, waxana sababta arrintaas loo nisbeeyaa Afhayeen Dhuxul oo isaga farxaddiisu ugu weyni ay tahay inuu Arko Saxaafad cadaadis lagu hayo.

Xilligii xukuumaddii Daahir Rayaale waxa uu Afhayeen dhuxul oo xilligaas ahaa wariye caadaystay aflegaaddada Hoggaankii dalka ee xilligaas, waxana markii ay xukuumaddani timi uu Cv ka dhigtay Caydaas, isagoo  xukuumaddana kaga dalbaday in xil weyn lagu siiyo.

Saxaafadda Madaxa Bannaani waxa ay sharaf iyo karaamo u haysaa Madaxweynaha           Qaranka, balse sida muuqata kumasii shaqayn karto jawiga cakiran ee uu afhayeen dhuxul dhexdhigay Madaxweynaha iyo saxaafadda, waxana loo baahan yahay inuu Madaxweynuhu qaato tallaabo uu Afhayeenkiisa  ugula xisaabtamayo qardoofooyinka iyo doc-faruurka uu ku hayo Karaamada Madaxweynaha.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Jaaliyadda Ottawa oo tacsi u diraysa qoyskii uu ka baxay marxuun Maxamuud Axmed Barre (Garaad)

$
0
0
Inaalilah wa inaalilah rajicuun. Waxay dhamaan jaaliyadda Ottawa u diraysaa tacsi tiraanyo leh qoyskii uu ka baxay marxuun Maxamud Axmed Barre Cumar (Garaad) oo manta ku geeriyooday Somaliland. Marxuun Garaad waxaa u ahaa udub dhaxeeyada ugu waaweyn Somaliland. Waxaan ilaahay ka baryeynaa inuu Marxuunka dambigiisa dhaafo ehelkiisana ka siiyo Samir iyo imaan    Amiin
1 Mohamed Aden Siciid (Barayte)
2 Mohamed Ahmed (Maxamed Case)
3 Ibrahim Ciiro Suge
4 Ibrahim Mead
5 Dr Mohamud Tani
6 Dr Adan dhoore
7 Ibrahim Elmi Egeh (Qoslaye)
8 Abdirahman Mohamed Mohamud Farah
9 Maxamed Faarax |Xareed
10 Mohamed Ismael (Siiarag)
11 Ismail Yusuf Jama
12 Abdirahman Musa Jama
13 Abdiqadir Muhumed Mah
14 Ibrahim Ali Osman
15 Maxamed Cilmi  Geydh
16 Mohamed Osman Ali
17 Eng.Mohamed Abdillahi Nur
18 Eng.Mohamed Ali Muse
19 Abdi Hussien Miyir ( Satiile)
20 Ismaaciil Isman Hassan
21 Hassan hussein Migane
22 Abdi Nuux Magan
23Muktar Hassan Ali (Ali Raan)
24Mohamed Ibrahim Isaaq (Ina Isaaq)
25 Mohamud Hahi Gaydh
26 Idriss Cananug
27 Liiban Abdi Hussein
28 Axmed Ali Elyee
29 Ahmed Faarah Ali
30 Hussein Ali Amman
31 Saed Mohamud
32 Ismael Mohamed
33 Khadar Keyse
34 Ali Abdi Jama (Ali Jackson)
35 Yasin Jama Karayeh
36 Mohamed Hassan Calow
37 Abdilahi Bodhary
38 Mohamed Hassan Cigal
39 Hassan Hussein Migane
40 Hassan Hussein (Ina Baydani)
41 Mukhtar Abdillahi Nur
42 Ahmed Ibrahim Elmi
43 Osman Abdillahi Bayteri
44  Cali Ciise (Cali Burco)
45 Axmed Siciid Xiir
46 Abdi Hussein Miyir
47 Cawaale Sulub Cawaale
48 Said Soofe
49 Axmed Jibriil
50 Rashid Ali (Africaan)
51 Mohamud Muse
52 Nasir Ahmed Ali
53 Jibril Ahmed Ali
54 Muse Mohamed Dualeh
55 Abdirahman Mohamed Farah
56 Osman Ahmed Ali
57 Mustafe Hussein
58 Osman Ibrahim Hassan
59 Abdirahman Bulbul
60 Zakariye Cawaale
61 Haybe Warmahaye
62 Muhumed Hersi Hassan
63 Mohamed Ali Madar (Boos)
64 Ahmed Osman Farah
65 Sh.Mohamed Seed
66 Muhumed Farah
67 Hussein Liban
68 Hassan Abdi Ismael
69 Yusuf Sh Abiibakr
70 Dr.Abdillahi Axmed
71 Mohamed Moalin Omer
72 Ibrahim Hassan Warsame
73 Fahmi Abdi Ismael
74 Abdiciis Osman Diiriye
75 Mohamed Abdillahi ( Loowanaaje)
76 Muse Jama ( Muse Casood)
77 Mustafe Ali Cadow
78 Dahir Cabdillahi Waberi
73 Abdualla Ali Cadow
74 Ibrahim Aden Faahiye
74 Mohamoud Aden Bakaal
75 Madar Hassan Hawaadle
76 Mohamed Osman Hassan
78 Lukman Ali Hassan
79 Caydid Ahmed Qaalib
80 Mohamed Yusuf Ali
81 Ahmed Abdillahi (Gadhle)
82 Abdirahim Ali Farah
83 Ahmed Aw Aden Bakaa
84 Mustafe Hussein
85 Adbi Fatah Ahmed Mohamed
86 Farhan Abdilahi Elabe
87 Ahmed Mohamed
88 Bashir Mohamed
89 Abdirazak Hussein Guled
90 Chief caaqil Hassan Dahir Xadi  (Xasan Ciid)
91 Kenedid Daash
92 Ahmed Jess
93 Abdirahman Sangor
94 Qasin Ali Sileh
95 Cabi M. Mohamud Omar Hashi
96 Abdirahman Ali Farah
97 Abdirahman Yusuf (Anis)
98 Mohamed Ibrahim Qalinleh (Ciro Siidee)
99 Moahmud Abdi Qalinleh
100 Mohamed Farah Hared
101 Axmed Jibril
102 Guled Yusuf Xaji Adan
103 Cali Cabaade
104 CabdiraxiinAdan Siciid
105 Axmed Maxamed Siciided
106 Cabdiqani Axmed faarax dhuxul
107 Xasan Cali Abokor
108 Yusuf Cabaade
109 Hussein Abdirahman Candhoole
110 Mohamed Amin Ali Ciid Osman
111 Khadar Mohamed Yusuf
112  Ahmed Aw Adan
113Cabdiqaadir Sonkorleh
114 Ali Cise (Ali Burco)

115 Mohamed Yusuf Dayr

116 Cali Xaji Maxamed Siraad
117 Cali Axmed
118 Dahir Qaasim (Geesh)
119 Axmed Rashid
120 Mohamud Haji Dirieh
121 Abdirahman Laxwas
122 Cali Cabaade

Somaliland oo Ku Guulaysatay Beerista Laws Tayo Sare leh kana duwan ka dibada laga soo waarido DAAWO

$
0
0

Hargaysa 24.June 2015 (SDN/QJ)- Dhulka Somaliland ayaa markii ugu horraysay laga hirgeliyay beerashada midhaha Lawska oo waxtar weyn u leh nolosha aadamaha, isla markaana ah dallagyadda beeraha ee ugu qaalisan adduunka kaas oo aan hore uga bixi jirin dalka.

LAWSShirkadda Zamzam Food Industry oo ka mid ah warshadaha dalk ka jira oo ay asaaseen xubno saamilay ah oo muwaadiniin reer Somaliland ah, laguna farsameeyo badeecadaha kala duwan ee ay ka midka yihiin, sharaabka budada ah, Jibista iyo Nacnaca, ayaa muddooyinkii u dambeeyay waxa ay ku soo kordhisay waxyaabaha ay farsamayso Lawska dalka ka baxa.

“Shirkadu muddadii ay shaqaynay waxa ay ku dedaalaysay in ay markasta wax ku soo kordhiso waxsoosaarkeeda, sannadkii 2014-kii waxa ay warshadu bilawday wax soo saarka Lawska oo runtii ah wax ku cusub oo ka duwan waxyaabihii ay soo saari jirtay warshadu, gaar ahaan waxaanu isku daynay sidii aanu dalka uga soo saari lahayn Lawska anaga oo la xidhiidhnay wasaarada Beeraha Somaliland iyo Beeralayda dalka, anaga oo si tijaabo ah u beernay Lawskii ugu horeeyay” sidaa waxa yidhi Maamulaha shirkadda Zamzam Food Industry mudane Axmed Maxamed Cilmi.

Mudane Axmed Maxamed Cilmi waxa kale oo uu faahfaahin ka bixyay wax soo saarka kale ee warshada Zamzam iyo wakhtigii la asaasay, isaga oo arrintaas ka hadlayana waxa uu yidhi “Shirkadda Zamzam Food Industry waxaa la asaasay sannadkii 2003-kii, xarunteeduna waxay ku taalaa magaalada Hargeysa, waxaa lagu bilaabay waxsoosaarka sharaabka budada ah ee ay dadku cabaan, muddo lix sanno ah markii ay shirkadu shaqaynaysay waxaa lagu soo kordhiyay Nacnaca iyo Jibista, suuqa ugu wayn ee ay shirkadu wax ka iibisaana waa Hargeysa, waana shirkad ay ku midoobeen dad saamilay ah oo reer Somaliland ah, shaqaalaha ka shaqeeyaana waa ilaa todobaatan qof, waxaanay ka mid tahay shirkadaha dalka ka hirgalay.”

Maamulaha shirkadda Zamzam Food Industry mudane Axmed Maxamed Cilmi waxa uu faahfaahin ka bixiyay sidii uu mashruucani ugu hirgalay iyo cidda ka caasisay, waxaanu yidhi ““Warshada Zamzam kaligeed may hirgelin beerista Lawska ee waxaa naga caawiyay oo nagala qayb qaatay sidii mashruucani u hirgeli lahaa Hay’adda African Enterprise Challenge Fun oo ka mid ah hay;addaha maalgeliya ganacsiga, oo hadda caalamka waxaa la dhiidhi geliyaa dadka ganacsatada ah ee wax abuura ee wax tabcay, halkii berigii hore ay ahayd halkii horumarka uun laga shaqayn jiray hadda waxaa la isku dayayaa sidii dadka ganacsatada ahi ay u horumari lahaayeen marka ay figrad la yimaadaana lagu maalgeliyo, markaa hay’addan ayaa naga maalgelisay boqolkiiba konton. Markaaa mashruucani waxa uu socon doonaa muddo shan sannadood ah, qaybta hore waa qaybtaa Lawska, qayta labaadna waa samaynta Boorashka oo laga samaynayo dalaga beeraha ee dalkeenna.”

Subixii Murugada!

$
0
0

Waxay ahayd subaxnimo jimce ah taariikhduna ay tahay 26-june-2004,  waa xilli salaad hore ah, badi dadku way wada hurdaan, laakiin xubnaha qoyskayga ugu muhiimsan dhammaantood way soo wada jeedaan sida Aabo iyo Hooyo, aniga iyo walaaladayda iga yaryari waanu hurudnaa, dhagahaygu waxay maqlayaan codad kala duwan balse naftu waxay i leedahay waa xilli danbee iska hurud, waxaaban maqlay oohin iyo codad dhiilo leh, mise hooyaday oo ooyaysa ayaa qolkii aan hurudnay iigu soo gashay, intaan go’ii iska rogay ayaan ku idhi hooyo oo i dul  taagan misana ilmaynaysa Hooyo maxaa dhacay?  illintii indhaha hooyaday kasoo dhacday waxay ku dul dhacday go’ii aan huwanaa dushiisa, waxaana hooyo iigu jawaabtay “Hooyo awoowgaa wuu go’ay (dhintay!)”. Inta ay ilmo indhaha shagax iga soo tidhi ayaan sare u booday waxaana toos u abaaray aqalkii awoowo oo wax ka yar labaatan tallaabo ii jiray. Waxaan horey u galay aqalkii awoowo, Mise waaba tiriigii iyo nuurkii qoyska oo damay!. Ma runbaa mise tolow waa riyo. Halkan waxa fadhiya aabahay, adeeraday iyo eedooyinkay, dhammaaantood indhahooda illin ayaa ku wada taagan, waxayna ka wada murugaysanyihiin geerida awoowe ku timi waxaana ay dul fadhiyaan maydka!. Aniga dib ayaa layga celiyay goobtii uu maydku yaalay, waayo waxaan ahaa qofka kaliya ee muddooyinkii ugu danbeeyay awoowo la rafiiqa ahaa ee u adeegi jiray, waxaana aabo iiga shakiyay inaan awoowo oo mayd ah ka dul dhaco oo aan ku dhago. Ka dibna anigoo hiirtaanyaysan oo ilmaduna indhaha iga qubnayso ayaa aqalkii uu maydku yaalay layga saaray.

Runtii waxaan odhan karaa waa subixii noloshayda ugu murugada badnaa, mana jiro subax iiga murugo badnaa oo isoo maray.. waxaan sidoo kale xasuustaa in aan qatanaa muddo gaadhaysa todoba caano maal oo biyo madow mooyaane waxkale jidiinkayga ka dagin, waayo waxa aad iigu dheerayd naxdinta geerida awoowgay (AHN).

Naxariistii janno allah haka waraabiyee Awoowgay Cabdurraxmaan Muxumed Maax (Foodhaadhi), waxa  uu ahaa qof bulshadii uu la noolaa dhexdeeda magac iyo maamuusba ku leh, waxaana awoowgay lagu xasuustaa in uu ahaa nin kaftan badan, bulshaawi ah oo deeqsi ah.  ALLOOW KUU NAXARIISO.

CODSI:

Dhammaan walaalaha muslimiinta ah meelkasta oo ay joogaanba waxaan ka codsanayaa inay awoowo iigu duceeyaan oo ay faataxadda iigu soo maraan, maadaama lagu gudo jro bishii khayrka badnayd ee  ‘Ramadaan’.

 

W/Q: Khaalid Ismaaciil Cabdurraxmaan (Foodhaadhi)

Hargeysa, Somaliland

Email: Khaalidfoodhaadhi@gmail.com

  

Maayarkii Boorama Iyo Ku Xigeenkiisii oo Xukuumada Garab saar la lahaa oo Xilkii laga Xayuubiyay,Iyo Bedelkoodii oo la doortay DAAWO

$
0
0

Boorama, 24.June 2015 (SDN/QJ)- Xildhibaanada golaha deegaanka degmada Boorama oo maanta kal-fadhi yeeshay ayaa xilkii ka qaaday Maayirkii magaaladaas iyo ku xigeenkiisii, waxaanay doorteen maayar cusub iyo weliba ku-xigeen.

Fadhigan oo uu goob joog ka ahaa gudoomiyaha gobolka Awdal Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax ayaa waxa ka soo xaadiray 18 xildhibaan oo ka mid ah xildhibaanada golaha deegaanka Boorama.

xildhibaanada ayaa cod gacan taag xilka kaga qaaday maayarka iyo kuxigeenkiisii.

Isla goobta ayay ugu doorteen xildhibaan Maxamed Xassan  (Maydhane) in uu noqdo Duqa Boorama halka ku-xigeenna loogu doortay  Cumar Ileeye Jaamac.

Xildhibaanada golaha deegaanka Boorama ayaa muddooyinkii u dambeeyay waxa ka dhexeeyay khilaaf ragaadiyay habsami u socodka hawlaha dawladda hoose ee Boorama.

Boorama SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

 

Madaxda Sadexda Xisbi Qaran Oo Dood Ka Yeeshay Muddo Kordhinta Iyo Doorashada DAAWO

$
0
0

Hargeysa 24.June 2015 (SDN/QJ)- Telefishanka STRA TV, ayaa dood hordhac ah oo ka hadlaysa dib u dhaca doorashooyinka, muddo xileedka Madaxweyne Siilaanyo oo ku eeg 26 bishan June iyo muddo kordhintii Golaha Guurtida dhex dhigay Guddoomiyayaasha saddexda xisbi qaran ee UCID, KULMIYE iyo WADDANI.


Digniinta culus ee Faysal Cali-waraabe, dejinta Muuse Biixi iyo duur-xulka Cirro ee waxa laga yeelayo dhammaadka muddo-xilkeedka Madaxweyne Siilaanyo

$
0
0

Markay gaadho 27 July guddoomiyow (Muuse Biixi) haddaynu intaa xal heli wayno bal car waakaase Siilaanyo ha sii fadhiyo, haddii aannu…”Sadexda Gudoomiye

Guddoomiyaha UCID Faysal Cali-waraabe

Hawlgalka ninka looga badan yahay inuu Guurtida qanciyaa waa adiga (Cabdiraxmaan Cirro).”

Guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi Cabdi

Xukuumaddu malaha waxay ugu talogashay inay dalka mugdi geliso….”

Guddoomiyaha WADDANI Cabdiraxmaan Cirro

Hargeysa 25.June 2015 (SDN/QJ)-:- Guddoomiyayaasha saddexda xisbi qaran ee Somaliland ee UCID, KULMIYE iyo WADDANI – Faysal Cali-waraabe, Muuse Biixi Cabdi iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) – ayaa markii ugu horreysay isku waajahay dooddii ugu adkayd oo ku salaysan khilaafka siyaasadeed ee ka dhashay muddo-kordhinta Guurtidu u sameeyey xukuumadda iyo Golaha Wakiillada iyo dhammaadka muddo-xileedka Madaxweyne Siilaanyo ee shantii sanno ee la doortay oo ku eg 26-ka June 2015-ka oo ku beegan Jimcaha berri.

Saddexda hoggaamiye oo ka qaybgalay dood xasaasi ah oo uu u qabtay telefishanka madaxbannaan ee STAR TV, waxay aragtiyo kala duwan ka bixiyeen sababaha keenay khilaafka doorashooyinka dib uga dhacay waqtigoodii 26-ka bishan June, muranka ka abuurmay muddo-kordhinta sannadka iyo tobanka bilood ah ee Guurtidu samaysay iyo heshiiskii asxaabta iyo xukuumaddu ka gaadheen in qabsoomidda doorashooyinka laga soo horumariyo xilliga Guurtida, balse u fuli waayey diidmada uu kala horyimi Aqalka Odayaasha Somaliland.

Dooddan oo qayb yar oo hordhac u ah ka baahiyey telefishanku xalay ka hor intaanu iyadoo dhammaystiran sii dayn cawayska caawa oo Jimce soo galayo, waxa masuuliyiinta saddexda xisbi qaran isku waydaarsadeen hadallo isugu jira eedo, hanjabaado iyo maslaxaad la xidhiidha kadib 26-ka June 2015 iyo waxa uu noqon karo xal laga gaadho khilaafka siyaasadeed ee dalka.

Hadallada kooban ee sida goo-gooska ah xayeysiiska dooddan oo uu qaaday weriye Xamse Cali Bulbul uga baahiyey telefishanka xalay, waxay ku bilaabmeen eeddo salka u haya masuuliyadda dib-u-dhaca ku yimi doorashooyinka iyo khilaafka muddo-kordhinta oo ay isku jeediyeen Guddoomiyaha KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, ahna hoggaamiyaha WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro).

Guurtidu way noo yeedhay (ka hor go’aankoodii muddo-kordhinta) waxaannu ku nidhi annagu waxaannu waafaqsannahay inaad waqtigii Komishanka sharciyeysaan, UCID sidaasay ku tidhi, Komishanku sidaas oo kale, KULMIYE wuxuu ku yidhi waxaad doontaan sameeya, markaa tii KULMIYE ayey raaceen.” Sidaa waxa yidhi Guddoomiyaha WADDANI Md. Cirro.

Haseyeeshee, dooddaas waxa duray Guddoomiye Muuse Biixi oo isna yidhi, “Maalintii Cabdiraxmaan Cirro naga cadhooday waxaannu isku haysannay go’aanka intaynaan dibadda u soo saarin aynnu Guurtida ka qaybgalinno, laakiin waakii Cabdiraxmaan diiday…”

Dhinaca kale, Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali-waraabe, ayaa isagu walaac xoog leh ka muujiyey xaaladda dalku marayo xilligan oo uu ku tilmaamay tii ugu xumayd, waxaannu yidhi, “Waar Wallaahi maanta maalin aynu ka liidanaa in aanay jirin, 23 sanno ayaan Somaliland ilaalinayoo maalin aynu maanta uga baqo badannahay ma jirin.”

Mar kale, Guddoomiyaha xisbal-xaakimka KULMIYE Muuse Biixi oo jawaab ka bixinayey walaaca Faysal, ayaa soo galay doodda oo yidhi, “Abti Faysal waxaan leeyahay qabow uun sheeg (is deji). Dhaliilaha iyo rajo la’aanta badan ee uu muujiyey Faysal anigu lama qabo.”

26-KA JUNE KADIB IYO KHILAAFKA TAAGAN:

Guddoomiye Muuse Biixi, waxa uu ku adkaystay in wanaag lagaga gudbayo 26 June oo ku beegan dhammaadka muddo-xileedka Madaxweyne Siilaanyo shantii sanno ee la doortay, “26-ka June khayr baa dhacaya insha Allaahu, innagoo isku wada duuban ayeynu dabbaaldegaynaa.”

Haseyeeshee, Guddoomiye Faysal Cali-waraabe, waxa uu ku hanjabay in wixii ka dambeeya 26-ka June aannu Madaxweyne Siilaanyo ku sii fadhi doonin kursiga haddii la heshiinwaayo.

Bal cidda laga xoog badan yahay ee dhegaha laga furaysanayo ha la arko…..Markay gaadho 27 July guddoomiyow (Muuse Biixi) haddaynu intaa xal heli wayno bal car waakaase Siilaanyo ha sii fadhiyo, haddii aannu intaa annaga nala heshiin oo waqti aannu wada goosannay oo ku ducaynay aan la gaadhin bal car ha fadhiyo!” ayuu ku hanjabay Eng. Faysal.

Guddoomiyaha WADDANI Cabdiraxmaan Cirro ayaa isaguna si kooban u yidhi, “Xukuumaddu malaha waxay ugu talogashay inay dalka mugdi geliso….”

GUURTIDA IYO HESHIISKII SADDEXDA XISBI:

Si xal loo helo oo Golaha Guurtida loogu qanciyo heshiiskii saddexda xisbi iyo xukuumaddu ka gaadheen waqtiga qabashada doorashada, Guddoomiyaha KULMIYE waxa uu u soo jeediyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada inuu arrintaasi ka hawlgalo, waxaannu yidhi, “Hawlgalka ninka looga badan yahay inuu Guurtida qanciyaa waa adiga (Cabdiraxmaan Cirro).”

Hase ahaatee, Guddoomiye Cirro waxa uu soo jeedintaasi kaga fal-celiyey, “Saleebaan (Guddoomiyaha Guurtida) waa KULMIYE ee ha isku noqdo KULMIYE oo ha soo dhammeeyo.”

MURRASHAXIINTA DOORASHADA MADAXTOOYADA EE AXSAABTA:

Dooddan waxa si isku mid ah saddexda guddoomiye mid walba loogu su’aalay cidda murrashax u ah xisbigiisa, taas oo inta hadalladooda laga baahiyey dhammaantood aanay si buuxda uga jawaabin.

Su’aasha Star TV: Muuse Biixi murrashaxa xisbigiinna waxa la filayaa inaad soo saartaan Ramadaan kadib, yaa idiin murrashax ah?

Jawaabta Muuse Biixi: Yaa kugu yidhi Ramadaan kadib ayaa la filayaa, ma adiga (weriyaha) ayaa noo taliya xaggeed ka keentay?

Su’aasha Star TV: Faysal Cali-waraabe yaa murrashax u ah UCID, ma adiga mise Jamaal?

Jawaabta su’aashaa lama baahin, marka laga reebo qosal Guddoomiye Faysal ku qaabilay.

Su’aasha Star TV: Cabdiraxmaan Cirro ma adigaa murrashax u ah WADDANI, mise cid kale?

Jawaabta Guddoomiye Cirro: Murrashaxu wuu soo bixi doonaa.

Geesta kale, dooddaas oo dhammaystiran waxa uu telefishanka Star TV baahin doonaa caawa oo ay ku beegan tahay shan sanno ka hor maalintii Madaxweyne Siilaanyo loo doortay hoggaaminta Somaliland, 26 June 2010.

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Korodhka Dadka Xanuunada Dhimirka Qaba Iyo Dhibka ay kala Kulmaan Bisha Ramadaan DHAGAYSO

$
0
0

Hargeisa 25.June 2015 (SDN/QJ)-:- Dadka Maskaxda ka xanuunsaya ayaan wakhtiga Ramadaanta helin meel ay wax ka cunaan iyo cid u gargaarta dhinaca cuntada.

Warbixintan oo uu diyaariyay Barkhad Maxamuud Kaariye oo ka tirsan Idaacada VOA ayaa ku eegaya dadka maskaxda ka xanuunasaya iyo duruufaha nololeed ee ay ku sugan yihiin wakhtigan Ramadaan.

“Mawqifka Ucid Waxa uu Yahay Hadii aan la Isu Iman 26 June oo aan la Heshiin Aqoonsan Mayno Dawlada” Gudoomiye Cali Guray DAAWO

$
0
0

Hargeysa 25.June 2015 (SDN/QJ)-Guddoomiye ku xigeenka saddexaad ee xisbiga mucaaridka ah ee UCID Cali Maxamed Yuusuf (Cali-guray), ayaa Xukuumadda Somaliland ugu soo jeediyay in xisbi ahaan ay ka dalbanayaan inay hirgeliso heshiiskii ay saddexda xisbi iyo Xukuumaddu ka gaadheen dib u dhaca doorashooyinka.

“Madaxweynuhu Wuxuu Yidhi Dalku Sharci Buu leeyahay,Waa Run Oo Dalku Dastuur Buu Leeyahay Laakiin Wuxuu Sheegayaa In Madaxweynaha 5 Sannadood La Dhaariyay, 5-tii Sannadood…” Eng Faysal Cali Waraabe

$
0
0

Hargeysa 25.June 2015 (SDN/QJ)-:- Hogaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Ucid, Eng Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay inaanay ka fursanayn in la dhiso dawlad wadaag ah, haddii la hirgalin waayo heshiiskii xukumadda iyo xisbiyada.

faysal-cali-waraabeEng Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in Somaliland arrimo badani hor yaalaan “Somaliland waxay maraysaa Is-goys, waxaa ina hor yaala arrimo badan. Arrimahaas waxaa loo baahan yahay in wada jir looga tashado, haddaan arrimahaas la dhammayna waxaan filayaa inaanu mustaqbalka Somaliland qurux badnaanayn” ayuu yidhi Eng Faysal.

Hogaamiyaha Ucid wuxuu ku taliyay in la hirgaliyo heshiiskii ahaa in December 2016 la qabto doorashada ee asxaabta iyo xukumaddu isla gaadheen “Waxaynu ognahay in heshiis ay gaadheen saddexda xisbi,, heshiiskaa in la hirgaliyo weeye.madaxweyne xigeenku wuu nala saxeexay heshiiska,taa macnaheedu xukumadduna way ku jirtaa weeye,haddaanay dee kala socon madaxweynaha iyo madaxweyne xigeenku laakiin, waxaan filayaa in xukumaddu ku midaysan tahay rayigaas. Ilaa hadda doorashadii way laalan tahay,waxay ahayd in lagu talaabsado meel marinta heshiiska saddexda xisbi” ayuu yidhi Gudoomiyaha Ucid.

Gudoomiyaha Ucid waxa uu ku dooday in la sameeyo dawlad wadaag ah inta lagu jiro muddada lagu heshiiyay in doorasho ku dhacdo “muddadaas sanadka iyo 6-da bilood ah waa in la qabto hawlo badan. Waxa ugu horeeya hawlahaas in dawlad la sameeyo, sababtoo ah dawladdan waxay muddo xileedku ka dhammaanaysaa 26-ka June 2015,” ayuu yidhi Eng Faysal.

Hogaamiyaha Ucid waxa uu jawaab ka bixiyay hadal uu Madaxweyne Siilaanyo shalay sheegay oo ahaa in khilaafka muddo kordhinta ka taagan loo raaci doono sharciga dalku leeyahay “Madaxweynuhu markuu hadlayay wuxuu yidhi dalku sharci buu leeyahay. Waa run oo sharci buu leeyahay, dastuur buu leeyahay laakiin maaha dastuurku in wixii isaga taabanayana ka boodo wixii kalena sheego maaha. Dastuurku wuxuu leeyahay 5 sannadood ayaa madaxweynaha la dhaariyay, 5-tii sannadood way dhammaadeen. Hadda wixii ka dambeeya dawlad midnimo qaran in la dhiso ayaa loo baahan yahay”

Eng Faysal Cali Waraabe, waxa uu sheegay in dawladdaas lagu midaysan yahay ka shaqayn doonto hirgalinta diwaangalin fiican,sidii sharciyada doorashada loo samayn lahaa,sidii komishanku dib u eegis ugu samayn lahaa goobaha codbixinta oo 6 sannadood ka hor la sameeyay, sidii dib u eegis loogu samayn lahaa dastuurka oo keenay muranno aanu ka gar niqin.

Eng Faysal, ayaa intaasi ku daray “Waxaa loo baahan yahay in arrimaha bariga iyo galbeedka si dhab ah loo soo afjaro.haddaan arrinta Boorama,Buuhoodle,Taleex ama Saax-dheer aan la dhammayn doorashada ka hor dee waxa weeye dalku wuu kala qaybsan yahay.markaa waa in arrintaas la soo afjaro oo si dhab ah loo galo.”

Hogaamiyaha Ucid waxa uu soo jeediyay in la joojiyo wada hadalka Somaliland iyo Somalia “Waxaa loo baahan yahay in la joojiyo wada hadalka Somaliland iyo Somalia,maadaama aanay xagaas dawladi ka jirin, maadaama xukumadda Xasan Sheekh hadda ku hawlan tahay waxyeeladda Somaliland oo aanay wada hadal u jeedin, maadaama aanu aragno in shaadhkii Soomaali loo tolay u gali waayay oo ay fashilantay Somalia oo maamul goboleedyadii fashilmeen, oo uu noqday shaadh qolo kaliyi soo tolatay oo uu qoladii soo tolatay mooyee intii kale leekaan waayay.markaa inta xukumaddan sidata buuggii Somalia ee ku hawlan qayb-qaybinta Somaliland iyo inay iska horkeento waxaa loo baahan yahay in wada hadalka la joojiyo” ayuu yidhi Eng Faysal Cali Waraabe.

Hargeysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

TAXANE: Maxaad ka taqaan Awoodaha Caruurta Marwada madaxweynaha Jabuuti ay u dhashay Raiisul wasaarihii hore ee Jabuuti

$
0
0

Paris June 25, 2015(SDN/QJ)-Caruuta ay Marwada madaxweynaha Jabuuti u dhashay raiisul wasaarihii hore ee Jabuuti Cabdalla Kaamil ayaa waxa ay saameyn weyn ku leeyihiin siyaasada iyo dhaqaalaha dalka Jamhuuriyada Jabuuti.

Najiib Cabdalla Kaamil oo ay dhashay Khadra Maxamuud Xeyd ayaa haatan ah xoghayaha gaarka ah ee raiisul wasaaraha haatan ee dalka Jabuuti. Waxaanu leeyahay xidido beeleedyo kala duwan marka la eego hanaanka beelaha Jabuuti. Aabihii waa Canfar, hoyadii waa Isaaq, Adeerkii hoyadii qaba Waa ciise (Mamaasan) Ismaaciil Cumar Geelle, xaaskiisuna oo u leh labo hablood oo mataano ah iyo inan waa Ciise(Furlabe), oo waxa ay ilmo adeer yihiin wasiirka maaliyada Ilyaas Muuse Dawaleh, iyaduna waa ina Siciid Dawaale oo  hore kooto ugu heystay ganacsiga Qaadka(SOGIK).

najiib

Najiib Cabdalla Kaamil ayaa kobociisa siyaasadeed waxa uu abaal ugu hayaa hooyadii marwada madaxweynaha, khaasatan intii ka danbeysay kolkii ay heshiiyeen. Najiib sida walaashii Nazil Cabddala Kaamil oo 43 jir ah Hooyadii cilaaqaad wanaagsan mey laheyn.

Najiib waxa uu 1990 naadkii ka dib kolkii uu maray imtixaankii Jaamacada waxa xurguf ka careysiisay ay dhex martay isaga iyo hooyadii, si toos ahna waxa ay isugu dheceen Ismaaciil Cumar Geelle oo xilgaa ahaa madaxa xafiiska Madaxweyne Xasan Guuleed Abti doon.

Najiib waxa uu sanadii 1992dii ku biiray jabhadii Canfarta ee hubeysneyd ee (FRUD), balse Kama uu qeyb qaadan dagaaladii qaraaraa eek a dhacay woqooyiga dalka, waxaasu u xilsaarnaa abaabulka waxaanu kolkii hore joogay Yemen, inta badanse waxa uu ku sugnaa Itoobiya.

Xiligaa waxa uu Najiib magan u ahaa Mohamed Kadamy oo haatan Farance mustaafuris ku jooga isla markaana ah madaxa garabka hubeysan ee (FRUD) eek u sugan woqooyiga Jabuuti. Intii aaney dawlada Itoobiya dalkeeda ka mustaafurin madaxdii (FRUD) ee aan ka dibna lagu xirxirin Jabuuti ayuu Najiib mawqifkiisii bedelay isuna dhiibay hooyadii sanadii 1997kii.

Intaa wixii ka danbeeyay waxa ay marwada madaxweynaha Jabuuti la gacanta ku dhigtay oo la wareegtay maareynta hamiga siyaasadeed ee Najiib Cabddlah Kaamil, waxaaney adkeysay in ay asaxaabtiisii FRUD wax xiriir ah yeeshaan, waxaanu ka soo shaqeeyay safaarada Washignton sanadihii 2004tii ilaa 2006dii ka dibna ku dhawaad toban sanadood ka hawlgelayay safaarada Paris ee Jabuuti, halkaas oo uu maareynayay dhaqaalaha ku baxa deeqaha waxbarosho ee ardeyda.

Waxaase fursadii siyaasadeed ee u weyneyd ay soo martay intii ka danbeysay geeridii ku timi abtigii Jaamac Maxamuud Xeyd oo ahaa Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Jabuuti, geeridaa oo sababtay cidlo dhanka kalsoonida siyaasada ah in ay soo wejahday Marwada madaxweynaha Jabuuti.

KMudo kooban ka dibna waxa ay Khadra Xeyd goaansatay in ay ku khamaarto Najiib Cabdallah Kamil, waxaaney u dhiibtay in uu maareey tartankii kuraasta Baarlamaanka Jabuuti ee sanadii 2013kii khaasatan kuraastii loogu tartamaya gobolka Oboch ee xisbiga (UMP).

Ka dibna waxa loo magaacabay Xoghayaha Raiisul wasaaraha Jabuuti si uu u noqdo dhegaha iyo indhaha ay madaxtooyadu ku leedahay xafiiska Raiisul wasaaraha. Marwada madaxweynaha Khadra Xeyd ayaa sidoo xiriir dhaw haatan la leh Xoghayaha xafiiska xukuumada Maxamed Xasan Cabdilaahi.

Xilkaa loo magaacaabay ayuu Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle u isticmaalay sidii wadahadalo loogu furi lahaa Mucaaridka Jabuuti ee USN, Najiib ayaa safaarada Jarmalka si kedis ah ugu la kulmay Xoghayaha Guud ee USN Cabdiraxmaan Maxamed TX Geelle dhamaadkii horaantii 2014kii, Najiib ayaa balanqaaday in uu ka shaqeyn doono wada hadalada xukuumada iyo dawlada, dhamaadkii isla sanadkaana waxa ay labada dhan kala sexeedeen heshiis. Aqootii uu u lahaa mucaaridka ayaa ka caawisay in uu ku guuleysto in wadahadaladu miro dhlaan. Mar uu horaantii Sanadkan ku sugnaa Paris waxa uu dalbaday in uu kulan la yeesho madaxa FRUD Maxamed Kadamy, ka dib kolkii ay arinkaa soo fareen madaxweynaha iyo hooyadii. Najiib ayaa Maxamed Kadamy u sheegay in uu doonayo qodoboda lagu soo xero gelin karo (FRUD). Waxa loo sheegay in FRUD ay dooneyso qodobo ka balaaran kuwa USN, oo dooneysa dhismaha Guddi Doorasho oo madaxbanaan, laakiin ay diyaar u yihiin ibedel nabad ku saleysan oo ay dusha kala socdaan cid labada dhan ka madax banana.

Najiib Cabdalah Kaamil ayaa haatan madax ka ah tiro mashaariic iyo gudiyo heyado horumarineed, oo ay ka mid yihiin heyada sheybaarka Cunada Jabuti, waxa isaga iyo Jeylani Xasan Maxamed wada jir u leeyihiin Harmonica services, oo heysta mashaariic naadafad iyo amni. Mashaariicdaa ayaa waxa hore u heystay Yasiin colaad Faarax oo fadeexadoobay bartamihii 2012kii. Najiib Walaashii Nazli Cabdallah Kaamil oo ah xaaska wasiir Cali Xasan Bahdoon ayaa iyadu uga dheereysay dhanka ganacsiga. Waxa ay madax ka aheyd Djibouti Chamber of Commerce, inkastoo ay leedahay aqalo hadana waxa ay ku noosha aqal hooyadeed leedahay oo ku yaal Plateau du Serpent.

Horaantii sanadkan ayaa Nazli oo gacan ka heyesa walaasheed Faadumo Cawo Ismaaciil Cumar Geelle waxa ay ku guuleystay afgenbi weyn oo ay saami ku yeelatay Mediagroup, oo ah shirkad ay leedahay Kadra Cabdi Dugsiiye oo ah hawweney ka ganacsata isgaarsiinta oo isla markaana la Talisa wasaarada isgaarsiinta Jabuuti.

Mediagroup ayaa xiriir la leh shirkada TVyada Faransiiska ee Canal+ si ay u soo gudbiyaan barnaamijyada lacagaha lagu daawado ee caalemiga ah, hxiriirkaa ooh ore loogu diiday xaaska safiirka Jabuuti ee dalka Jabuuti Maxamed Idiris Farax, xaaskii ayaa ka soo jeeda Congo.

Nazil Cabdallah Kaamil ayaa qudheeda haatan baadi goobta ganacsiyada naafada iyo amniga oo ay kula tartan heyadaha Qaranka.

Madaxweynaha Dalka Jamhuuriyada Jabuuti ayaa qudhiisa leh inan uu ka dhalay xaaskiisii hore Warmoog Axmed Abar oo la yiraahdo Liibaan Imaaciil Cumar oo dhashay sanadii 1975 ka dib kolkii ay aabihii iyo hooyadii kala tageen.

Liibaan ayaa waxaasoo koorsaday hooyadii iyo seygeeda isaga iyo caruur ay waalo yihiin, Ismaaciil Cumar Geelle Ayaan soo dhweysan inankiisa, waxaaney xaaladu sii xumaatay kolkii uu aabihii guursaday Khadra Maxamuud Xeyd oo gaartay ilaa in ay ka xaarintimeyso in uu madaxtooyada yimaado. Iminka oo afatameeyadii galayna inanka ugu weyn ee Ismaciil Cumar Ayaan siyaasada lagu arag, waxaasu uu ka macaashaa mashaariicda qaar sida keenida gawaarida Asia, waxa uu leeyahay tiro gawaari kuwa xamuulka ah oo alaabada ka keena Itoobiya, waxa uu xiriir dhaw la leeyahay shirkado Asian ah sida Hanaro Telecon iyo Isuku, wuxuu sidoo kale leehay dhismeyaa sida xubnaha kale ee qoyska madaxweynaha.

Xiriirka uu la leeyahay Madaxweynaha Jabuuti ayaa u sahlaya in uu ka helo amaaha Baanka, sidoo kale waxa uu taageero ka helay Djibouti Economic Development si uu u dhiso wershed sameysa Pastada.

 

SDN/QJ-Paris

contact@qurbejoog.com

Madaxweyne Siilaanyo oo ka Hadlay Xuska 26 June,Afkana ka Xidhay Khilaafka Siyaasadeed ee dalka oogan DAAWO

$
0
0

Hargaysa 25.June 2015 (SDN/QJ)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ayaa Shacabka Somaliland ku hambalyeeyay Xuska 55 Guurada ka soo Wareegtay Markii Somaliland Xoriyadeeda ka hanatay Boqortooyadii Ingiriiska 26 Bishii June 1960kii.

Madaxweyne Siilaanyo oo Warbaahinta dawlada kula hadlay qasriga Madaxtooyada ayaa sheegay sidan.

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Taariikhda Islaamka: Boqorkii Labaad Ee boqoradii Umawiyiinta.

$
0
0

Waxa uu ahaa Yaziid binu Mucaawiya waxa uu ku dhashay meel tuulo ah, waxaana haysan jirtay hooyadii ka dib markii aabihiis isfureen yaraantiisii, wuxuu la noolaa reer abtigii. Yaziid xilligii uu dhashay waxay taariikhdu ahayd 23bishii ramadaan sanadkii 23 ee hijriyada isla khilaafada ama xukunka waxa uu qabsaday sanadkii 60 ee hijriyada dadkoo dhami way la baayactameen illaaa waxa xukunkiisa diiday laba nin oo kala ahaa Xuseen binu Cali binu Abii daalib iyo Cabdiraxmaan binu subeyr.

 

Xuseen binu Cali binu Abii daalib iyo Cabdullaahi binu Zubeyr waxay ka tageen Madiina waxayna tageen Makka wakhtigii Mucaawiye ayay reer Ciraaq usoo qoreen in uu ciraaq yimaado Xuseen laakiin waa uu diiday markii Mucaawiye dhintay oo wiilkiisii Yasiid qabsaday sidoo kale waxay reer Ciraaq ka dalbadeen in uu u yimaado Cabdulaahi binu zubeyr ayaa kula taliyay in uu baxo oo uu ciraaq tago, laakiin Cabdulaahi binu Cabaas ayaa ku yidhi ha u tagin reer ciraaq adiga iyo caruurtaada iyo xaasaskaagaba way ku dili doonaan sidii ay u dileen Cismaan binu Cafaan wayna ku sirayaan siday usireen aabahaa. Cali laakiin wuu diiday taladaas Ciraaq ayuuna tagay bishii dilxija sanadkii 61H isaga iyo caruurtiisa qaar ka mid ah reer banii Haashim iyo xaasaskiisii markuu ciraaq tagay ayaa yasiid amray in la dilo Xuseen binu Cali waxaana arintaas fuliyay waaligiisii Ciraaq Cubaydillaahi binu Ziyaad waxaana lagu dilay meel la yidhaahdo Karbala. waxaana halkaas lagu laayay dhammaan caruurtiisii ilaa wiil Cali la dhaho mooyaane markii ay kusoo baxeen ciidamadii yasiid oo gaadhayay 20kun reer ciraaq wax usoo baxa ayay waayeen waxayna ciidamadaasi laayeen ehelkii rasuulka NNKH iyo ahlubeytkiisii.

 

waxa laga wariyay saxaabigii weynaa ee abu hureyrah in uu yidhi “illaahow waxaan kaa magan galay sanadka 60H iyo xukunka ay  haystaan dhalinyarada” illaahay waa ka aqbalay wuxuuna dhintay sanadkii 59 ee hijriyada islaaamka.

 

Yasiid binu abii sufyaaan intii aanu xukunka qaban waxyaabihi lagu  xasuusto ee ay taariikhdu sheegtay waxa kamid ahaa: sanadkii 46H ee xukunkii aabihiii in uu madax looga dhigay ciidamadii loodiray magaalada Qustandiiniya oo ahayd waagaas caasimada dowlada Bisandiya waxaana xukunka dowlada haystay qustandiinkii afraad . waxa dagaalkaas ka qayb galay saxaabo badan iyo caruur ay dhaleen. waxa kamid ahaa Abuu Ayuub Al-ansaari ,Cabdulaahi binu Cumar, Xuseeen binu Cali, sababta dagaalka ay saxaabadu iyo caruurtooda uga qayb galeen waxay ahayd xadiiskii rasuulka ee ahaa ciidamada ugu horreeya ee ku duula magaalada qusdantiin waa ciidamo loo danbi dhaaafay. markay gaadheen ciidamadii islaamku magaalada waxa uu Yasiid amray in magaalada la go’doomiyo badda iyo dhulka dhawr jeer ayaa la isku dayay in lagalo magaalada laakiin fashal ayay ku dhamaadeen dhamaadkii dagaalkaas waxa xanuunsaday saxaabigii jaliilka ahaa Abuu Ayuub Al-ansaari wuxuuna dalbaday in lagu aaso duleedka qusdandiiniya halkaas ayuuna ku dhintay illaa haddana halkaas ayuu ku yaalaa qabrigiisi.

 

Hadii aan wax ka tilmaano sifaadkii Yasiid Binu Macaawiye, waxa uu ahaa nin dheer oo maarriin ah, oo deeqsi ah, gabyaa ah, geesina ah, waxa uuna geeriyooday 14 bishii rabiicul awal sanadkii 64 ee hijriyada islaamka.

…………………………… Lasoco qaybaha danbe.

 

W/Q: Khaalid Ismaaciil Cabdurraxmaan (Foodhaadhi)

Hargeysa, Somaliland

Email: Khaalidfoodhaadhi@gmail.com

 


Dood Xasaasi ah oo Sadexda Gudoomiye ee Xisbiyada Qaranku Gondaha isku dareen,Iyo Dareemada ka soo dhex baxay DAAWO

$
0
0

Gudoomiyeyaasha XisbiyadaHargaysa 25.June 2015 (SDN/QJ)- Guddoomiyayaasha saddexda xisbi qaran ee Somaliland ee UCID, KULMIYE iyo WADDANI – Faysal Cali-waraabe, Muuse Biixi Cabdi iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) – ayaa markii ugu horreysay isku waajahay dooddii ugu adkayd oo ku salaysan khilaafka siyaasadeed ee ka dhashay muddo-kordhinta Guurtidu u sameeyey xukuumadda iyo Golaha Wakiillada iyo dhammaadka muddo-xileedka Madaxweyne Siilaanyo ee shantii sanno ee la doortay oo ku eg 26-ka June 2015-ka oo ku beegan Jimcaha berri.

Doodan oo uu soo qaban qaabiyay Telefishanka Star Tv isla markaana uu daadihinayay Weriye Xamse Cali Bulbul ayaa Hogaamiyeyaasha Axsaabta Qaranku waxay is dul taageen Asbaabaha Khilaafka Siyaasadeed ee Marba Wejiga qaadanaya ee ka taagan Somaliland kaas oo gun dhigiisu yahay Go’aankii Mudo Kordhinta Golaha Guurtida.

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

“26 June: Sooyaalka taariikheed iyo 55 sanno ka hor” Qallinkii Maxamed Baashe Xasan

$
0
0

Markii Ingiriisku Somaliland qabsaday waxa ka hor yimi dareen diidmo ah. Waxa ka mid ahaa: “Berberi Wax Go’ Lagu Qaado Ka Weyn” oo ay jawaabtii shacbigu noqotay.

Faarax Nuur oo ka mid ahaa afhayeenkii dareenka shacbiga ayaa dharaartaas lahaa:

-Waa duni la kala iibsadoon nala -ogaysiine

-Waa duni akhyaartii luntoo aaran soo hadhaye

-Orgigaa riyaha taabaxoo oodda faaliga’e

-Waa duni hablii la arki jirey aqalka diideene

-Aan se ila ah aakhiro sebaan iligyadiisiiye

Nimanyahaw Isaaq xaajadaa la la aguugaayo

-Odayaasha loo geynayee la anfacsiinaayo

-Haddaad niman Islaamiya tihiin Aadan Faraciisa

-Oo aydaan Ilaahay ka go’in ha ina oodina’e

-Asaxaabihii bayna yidhi gaal ha aaminine

-Hadduu awrka dooxada ku furo eel kalaa xigiye

-Waar inaga daaya yaynaan ku dhicin bahal afkiisiiye!!

1887 (128 sannadood hadda) ayaa Ingiriisku gacanta ku dhigay Somaliland, kana sameeyey mustacmarad uu danahiisa ku ilaashado.

-“Dagaalkii Nasaarada anaa daalib ku ahaaye

-Daliilkii Rasuulkii anaa doonayoo helaye

-Anaa diiday gaal daacufle ah daba galkiisiiye

-Dalka ma lihid anigaa ku idhi doora-weynaha’e

-Anaa diidey maantuu lahaa deeqdan iga hooye

-Diintayda anigaan ku gadan dabaqi naareede

-Anaa labada daarood tan hore derejo moodayne”!

(Seyid Maxamed Cabdille Xasan)

Ingiriiska kolkiiba waxa ku kacay dad badan. Seyid Maxamed Cabdille Xasan, ayaa abaabulay kacdoonkii ugu horreeyey, ugu na weynaa ee Somaliland ka hanaqaada, kuna fida dhulalkii kale ee Soomaalida.

1899 – 1921, ayuu Seyidku siyaalo kala duwan guluf weyn iyo dagaallo yaab leh Ingiriiska galaabixiyey. Ciidankii Daraawiishta oo noqday ciidankii ugu horreeyay ee dayaarado gumaysigu kula dagaallamo Afrika, ayuu Seyid Maxamed gabay iyo xoog hubaysan ku dagaal geliyey muddo ka badan 20 sannadood. Taageeradii uu u baahnaa ayuu ka waayey shacadka intiisa badan, ka dib saluug badan oo salka ku hayey sidii uu Seyidku wax u maamuli jirey, deedna isaga oo aan hadafkiisii gaadhin baa la jebiyay.

-“Coomaaddayaal duulayay Cadan ka keeneene

-Cirka iyo dhulkii bays qabsaday cadhadhaqdoodiiye

-Adigu ba caqlaad leedahaye carar maxaa dhaama”?!

(Seyid Maxamed Cabdille Xasan)

1921 ayuu Seyid Maxamed cudurka duumada ee kaneecadu keento ugu geeriyoodey Iimay ku taalla daanta galbeed ee shishe qawyada uu maro webiga Shabeelle ee dhulka Soomaalida ee Itoobiya haatan hoos taga.

Isma uu taagin kacdoonkii Ingiriiska ka dhanka ahaa, waxaana shidantay oog-dhamaceeddii halgankii xornimo-doon ee siyaasiga ahaa.

June and SomalilandXaaji Faarax Oomaar Ileeye ayaa dhammaadkii 1910-nadii bilaabay abaabul dhaqdhaqaaq siyaasi ah oo hoosta ka xarriiqayey xaqa dadkiisu u leeyahay in uu aayihiisa ka tashado. Gulufka Daraawiishta iyo halganka siyaasiga ah ee Faarax Oomaar way isku soo gaadheen saaxadda, hase yeeshee Faarax qalinka iyo qawl ku-dagaallan ayuu ahaa, halka uu Seyid Maxamed Cabdille Xasan seef iyo qori ku gayllan ka ahaa.

-“Hayaay na cunyeey, naga soo gaadhaay”! iyo

-“Dadkaygu wuu ka itaal yar yahay in la rarto

Dalkayguna wuu ka yar yahay in la kala qaybiyo”!Ayaa ka mid ahaa hal-ku-dhegyadiisa siyaasadeed.

Xaaji Aadan Axmed Xasan (Afqallooc):

-“Da’dii uu ahaa Faarax baa jeelka loo diray

-Loo diid durriyadduu dhaliyo duunyaduu dhaqaye

-Haddeeruu sidii dawri aar dibedda meeraayee”!

Xaaji Faarax waxa uu ahaa ninkii indhaha u jeexay ee laangooyada u sameeyey waddada dawladnimada casriga ah ee Somaliland ee aynu maanta jidkeeda haynno. Isaga ayaa ka dambeeyey oo lahaa yagleelkii khayriyadaha magaalooyinka Burco, Hargeysa iyo Berbera oo noqday halkii ugu horraysay dareenka wadareed ee halganka xornimo baafintu ka bilaabmay.

Xaaji Faarax Oomaar Jeel iyo masaafuris ayuu noloshiisa ku dhammaystay.Xilliyadii dagaalkii labaad ee dunidu sii dhammaanayey, ayaa Sheekh Bashiir Yuusuf ka kacay magaalada Burco. Sheekh Bashiir, waxa uu ku dhashay xero Daraawiisheed oo aabbihii Yuusuf Fiqi Xasan ayaa ka mid ahaan jirey hormoodkii Daraawiishta. Sidaas awgeed, dagaal ka-fool-ka-fool ah, ayuu ku dhawaaqay in Ingiriiska lala galo.Culimadii Burco ayuu shiriyey, kuna boorriyay in ay halgan u diyaargaroobaan.

Culimadii baaqa sheekha way ka warwareegeen, waxanay u sheegeen in ay Alle ka baryi oo quraanka akhriyi si gumaysigu uga kaco. Xigmad culus iyo halhays buu Sheekh Bashiir ka tegey:

Bilaale ayuu soo qaaday oo culimadii dhex dhigay oo ku yidhi “ku akhriya 30-ka jis ee qura’aanka oo bilaalahaas ku jebiya”! kolkii ay cabbaar ku akhriyeen, ayuu bakooraddiisii inta uu qaaday yidhi “ Bismillaah” oo dhalfiifaha kaga dhigay oo bilaalihii laba ugu kala jebiyey, waxaanu yidhi ka dib “Wadaadow ficilka iyo bisinku way wada socdaan”!!

Xaaji Aadan Axmed Xasan (Afqallooc):

-“Duhur baa Bashiir la shannaqay daar agtiinna ahe

-Dahriga iyo laabtay raasaas kaga daloosheene

-Damal la hadh gala bay jabsheen waqaay dulloobaane”!

Sheekh Bashiir dagaal carcaro qaba ayuu Burco Ingiriiska kula galay, ugu dambayna waa lagaga xoog roonaaday, waxaanu galay Buur-dhaab oo lagu dilay isaga oo gaylan diriraaya.

Dhammaadkii dagaalkii labaad baraarug weyn ayay dadyowgii la gumaysanayay, gaar ahaan kuwii Afrikaanku, la hanqal-tooseen. Yaboohintii xornimada ayaa na cirka isku shareertay oo loo qalab iyo qaylo-dhaan dirtay.

Aasaaskii iyo hanaqaadkii axsaabtii siyaasiga ahayd ee xornimodoonka ayaa aabbudhka furatay:

Dhammaadkii dagaalka waxa lagu dhawaaqay SNL oo hore na u ahayd SNC (1935). SNL waa xisbigii ugu horreeyey ee siyaasi ah ee la yagleelo marka laga reebo ururradii Somali Islamic Association (Cadan, kuwii shaqaalaha (Somaliland) iyo Ururkii Isxaaqiya (Sawaaxil) oo wuxu ba xidhiidh toos ah inta badan iyo mid dadban lahaa halgankii siyaasiga ahaa ee Xaaji Faarax Oomaar Ileeye oo lahaa yagleelka labada hore.

SNL oo ahaa xisbigii ugu weynaa, waxana hormuudkeeda ka mid ahaa:

1. Sheikh Cumar Askar

2. Maxamed X. Ibraahim Cigaal

3. Yuusuf Ismaaciil Samatar (Gaandi)

4. Axmed Kayse Cabdalle

5. Yuusuf X. Aadan Qabille

6. Xaaji Xasan Geelle

7. Yuusuf Iimaan

8. Cabdiraxmaan Cali (Dubbe Cali Yare)

9. Maxamed Cali Faarax

10.Sheekh Cali Ismaaciil

11. Naasir Naxar

12. X. Ibraahim Cismaan Food (Basbaas)

13. Cumar Hadraawi

14. Jaamac Saalax Axmed 

15. Maxamuud Cabdi Carraale

16. Axmed Ismaaciil Cabdi (Duqsi)

USP ayaa isna lagu dhawaaqay wax yar gobannimada ka hor, waxaa na hormuudkiisa ka mid ahaa:

1. X. Ibraahim Nuur iyo

2. Cali Garaad Jaamac

NUF, oo hore u ahaa isir loo xilsaaray soo dhicinta Hawd iyo Researve Area, Ingiriiska na arrintaas culays ku saarayey, ayaa isna wax yar ka hor gobannimada xisbi u dhalan doorsoomay, waxana horseedkiisa ka mid ahaa:

1. Micheal Mariano

2. Axmed Xasan

Halgankaasi waxa uu lahaa Jaraa’id iyo caroogyo hal-abuur oo aan idaacadda iyo tv-yada ka dhicin. Jaraa’idka waxa ka mid ahaa:

Qarnal Ifriiqiya, Alsoomaali, Al-liwaaya, Akhbaarsida!

Maxamuud Jaamac Uurdoox, Muuse Ismaaciil Galaal, Sayid Axmed Sheekh Muuse, Cumar Cabdiraxmaan (Cumar-dheere oo ahaa Ugaadeen, Hargeysana ka soo baxay doorashadii labaad ee wakiillada), Cali Maygaag Samatar iyo Xaaji Cabdi Ducaale (Cabdi Ayuub) ayaa ka mid ahaa warfidiyeenkii ugu firfircoonaa, una horreeyey.“Hayaay bal eega, Hasheenna naaxday Libaaxu haysto” iyo“Hangool nin sitoo, Hashiisa irmaan, Ha maalin la leeyahaan ahay!”Ayaa ka mid ahaa sarbeebta lagu gayllan dirirayey!

Maxamed Ismaaciil Maxamuud (Basarce/Barkhadcas) ayaynu ka soo qaadan karnaa hal-abuurkii ugu codka dheeraa ee dhiirranaa halgankaas dhinaca maansada waddaniga iyo xornimo-doonka ah. Afafka Carabida iyo Ingiriisida, ayuu Barkhadcas si wanaagsan u yiqiin oo waxa uu ahaa reer Cadmeed adduunka wax kala socday. Barkhad-cas waxa la mid ahaa oo ka mid ahaa caroogyadii maanseed ee halgankaas Cabdillaahi Qarshe iyo Cali Xuseen Xirsi.

Waxa uu Barkhad-cas soo akhriyi jiray jaraa’idkaas oo labadaas af kusoo kala bixi jiray. Inta uu Faras magaalaha Hargeysa yimaaddo, ayuu dadka Afsoomaali ugu turjumi jiray:

– “Alsoomaal, Al-liwaa iyo Akhbaarsida

waxaan ahay tii afraynaysoo

Iyadu iibso iyo adduun ma gashoo

afkeedana way ku hadashaa”!

Feb 1954 Hawd and Reserve Area maalintii la bixiyay na waa kii lahaa:

– “Dhallintii waddankiyo dhulkaannu nahoo

Inaannu dhimanniyo inaannu dhacsanno

Maantaan waxba nooga dhaxaynayneey”!!

1959 Waxa Hargeysa booqasho ku yimi Diyuuk of Edenbrough. Aan soo dhowayno, ayaa dadkii yidhi Barkhadcas waxaka mid ahaa walaalkii Aadan Ismaaciil, waxaanu ku hal-celiyay:

– “Isagoo Iglan jooga buu I diloo

Ushuu soo fidshaa I iimaysoo

Waanigaa aramidiisi aahda hayee

Ninkii awoowgay Indhaa tiray

Ninkii aabbahay addoonsaday

Ninkii anigana i iibsaday

Haddaan ogohoonan ka aarsan karayn

Haddaanan Aadanow unuunka jarayn

Ninkaas araggiisa uurkaan ka ogee

Aan ooyo’e albaabka ii xidha”!

1959 waxa London loo diray oo shacbiga Somaliland metelayey weftigii xornimada qaadashadeeda in ay soo go’aamiyaan loo xilsaaray, waxa na ka mid ahaa xubnihiisa:

Maxamed X. Ibraahim Cigaal

Cali Garaad Jaamac

Axmed-kayse Caabdalle

X. Ibraahim Nuur

Markii la soo gaadhay in Ingiriisku gobannimo siinayo Somaliland, waxa saddexdii xisbi ee dalka ka jirey galeen doorasho Feb 1960.Waxa aqlabiyadda ugu weyn helay SNL oo Maxamed X. Ibraahim Cigaal hoggaaminayey, labada xisbi ee kalena waxa kala hoggaaminayey NUF oo Micheal Mariano hagayey iyo Cali Garaad Jaamac oo USP madax u ahaa.

Si kastaba ha ahaato’e, 26-kii June 1960 Beerta Xorriyadda ee u dhaxaysa Togga Maroodijeex iyo Codkii Goodirka, Hargeysa, Hooyadii Xorriyadda Soomaalida, ayaa calan saarkii ka dhacay.

Cabdillaahi Suldaan Maxamed (Timacadde) ayaa la oogsanaya:

– “In sidayda tihiin iyo

In kalaanan saxayne

Soomaaloo calan taagta

Saakaynoogu horrayso’e

Saaxirkii kala guurnaye

Sarreeyow ma nusqaamow

Aan siduu yahay eego’e

Kaana siib kanna saar”!

– “Waataa curatayoo mataano dhashee

Aan maallo hasheenna Maandeeqeey”

Golatoo candhadii gollaha marisee

Aan maallo hasheenna Maaqdeeq” iyo

– “Soomaalaay kulligaa

Kulmiyaa la sudhee

Kadabaa dhaha eey”!

Kooxdii Walaalaha Hargeysa oo ay ka dhex muuqdaan cododkii qayuuriga ahaa ee Maxamed Axmed Kuluc iyo Maxamed Yuusuf Cabdi, labada (AHUN), ayaa iyaguna maalintaas qaadayay.

Xornimadii Somaliland waxa ay heshay aqoonsi caalami ah oo ay qalinka ku duugeen in ka badan 34 dawladood oo ka tirsan waddamada Qaramada Midoobey.Waxa xusid mudan in ay waddamada Somaliland aqoonsaday xilligaas ay ka mid ahaayeen dhammaan waddamada awoodda badan ee USA, UK, France, China iyo Germany.

Bal se 5 maalmood ka dib ayay Somaliland si shuruud la’aan ah ula midawday Soomaaliya oo 6 maalmood ka dib qaadatay xormadiisii.

Jaraa’idkii caalamka ka soo baxay, gaar ahaan Ingiriiska, waxa 26-kii Juun 1960 uu bogagga hore ku wadheen faallooyin aan faraxadi ka muuqan oo ay ka mid ahaayeen “Dadkii dawladnimadooda tuuray ama diiday iwm!”

Si kastaba ha ahaato’e, himilada halgankaasi waxa ay ahayd sii ambaqaadka riyadii Soomaaliweyn. In la xoreeyo oo deedna la isu keeno shanta Soomaaliyeed. Soomaalidii Talyaanigu gumaysanayey, Djabuuti oo Faransiisku haystey, Somaliland, NFD iyo Soomaalida Itoobiya.

1-dii Julay 1960, waxa xoroobey Soomaalidii Talyaaniga, isla maalintaana waxa is-raacay Somaliland iyo Soomaalidii Talyaaniga si shuruud la’aan ah oo degdeg ah, waxana daba ka riixayey midowgaas Somaliland oo naanaysta “Qaldaan” dadkeedu kula baxeen.

W.Q: Maxamed Baashe Xasan

Culimo Meel Adag iska Taagay Fanaaniin Soomaali ah oo ku Jees Jeesaya Qur’aanka Kariimka DAAWO

$
0
0

Nairobi 26.June 2015 (SDN/QJ)- Maalmihii ugu dambeeyay ayaa waxaa si xawli ah Baraha ay Bulshada ugu xidhiidho ugu soo badanayay Fannaaniin isugu jira Rag iyo Dumar soo duubayay Muuqaalo ay ku muujinayeen inay ku tartamayaan Qur’aanka Kariimka ah ee Qawl-ka Eebe.

Culumada Soomaaliyeed ayaa markii ugu horaysay ka hadlay talaabada ay qaadeen Fannaaniintu oo ay ku tilmaameen inay tahay JEES JEES iyo Qur’aanka oo ay ku ciyaarayaan,waxaana ay sheegen  Culumaduinay jiraan qaab loo Akhriyo Qur’aanka,looguna tartamo Qawlka EEBE.

‘’In Ilaahay Aayaadkiisa lagu Jees jeeso oo ruux Akhrinaya Cayaaro oo Jajabiyo oo Fannaanadu iyada oo qaawan ay tiraahdo waan akhrinayaa,waa Badweynta Dambiyada ee Fannaaniintu ay ku dhexjireen uun bay mid ka wayn soo galeen oo Shaybaarkii baa meel kale usi jiiday’’Ayuu yiri Sheekh Umal.

Sheekh Umal ayaa sheegay in Qashinka noocaan oo kale ah cida samaynaysa ay Eebe u noqoto.

Nairobi SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Qaxoonti ka soo Cararay dagaalada Yemen oo ku Sugan Magaalada Laascaanood oo Noloshooda laga dayriyay DAAWO

$
0
0

Laascaanood 26.June 2015 (SDN/QJ)- Waxaa Xarunta Gobolka Sool ee Magaalada Laascaanood Ku Sugan Qaxoonti Tiro badan oo ka soo cararay Qalalaasaha ka oogan dalka Yemen,Kuwaas oo laga dayriyay Xaaladooda Nololeed.

Maamulka heer Gobol ayaa Baaq u diray Xukuumadda dhexe ee Somaliland, Hay’adaha Qaramada Midoobay kuwa Maxaliga ah,Ganacsatada iyo Cid kasta oo wax haysaa inay Gargaar u fidiso dadka ka soo qaxay dagaalada ka socda Yemen ee ku sugan Magaalada Laascaanood.

Laascaanood SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Wasiir Warancade oo Qiray inaanu Shacbigu Jeclayn Mudo kordhinta Iyo Dhibka ka dhasha oo uu asteeyay DAAWO

$
0
0

Hargaysa 26.June 2015 (SDN/QJ)- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Mudane Cali Maxamed Warancade ayaa Cadeeyay in Shacabka Somaliland aanay Jeclayn Mudo Kordhimaha la sameeyo Waxaanu xusay inay inta badan ka dhalato dhibaatooyin aan markii hore lagu xisaabtamin.

Wasiir Warancade Waxa uu intaas ku daray in Xisbigii Udub ee uu ka tirsanaa Waxyeelo weyn ay gaadhsiisay Mudo kordhimihii loo sameeyay

 

Viewing all 6893 articles
Browse latest View live