Quantcast
Channel: Features – qurbejoog.com
Viewing all 6893 articles
Browse latest View live

Xoghayahii garabka haweenka xisbiga ucid ee london Marwo Casha Yusuf oo iska casishay xilkii ay ka haysay xisbiga oo dhawaan loo soo magacabay.

$
0
0

London 16July14 (SD) Xoghayahii garabka haweenka xisbiga ucid laantiisa  london Marwo Casha Yusuf oo iska casishay xilkii ay ka haysay xisbiga iyada oo la soo xiriirtay qurbejoog.com Marwo caasha ayaa waxay shegtay in xilkeeda uu ka dhashay khilaaf XOGAN oo dhinaca garabka haweenka iyo masuulinta xisbiga ee laanta uk waxanay sheegtay in si loo  jaro khilaafka ay hawshii xisbiga ay ka haysay laanta uk ay faraha ka qado manay cadayn sababta keentay in ay xilkaa iska casisho iyada oo gudoomiyaha faysal cali waraabe uga mahad celisay xilkaas waxa kale oo ay sheegtay in waxii taagero ee xisbiga ay la garab tagan tahay


Tacsi: Marxuumad Hooyo Faadumo Cabdillahi Shaqale‏

$
0
0
Anagoo ah dadka/ururadan hoose ku qoran waxaan ka tacsi u dirayna dhammaan hablaha (Maryan/ Zuhuur/Samira) ilma Xaaji Faarax Gaydh iyo qoysaskoodda gar ahaan Gudoomiyaha Ururka Hablaha Gaaroodi Marwo Maryan Xaaji Faarax Gaydh oo Hooyadood Faadumo Cabdillahi Shaqale ku geeriyootay xalay afurkii (16/07/2014) London.
 
Haddaba Anaga oo ka tiraanyaysan geeridda ku timid Marxuumad Hooyo Faadumo Cabdillahi ( Ina Lilaahi wa ina Ilayhi Raajicuun) waxaanu Illahay uga baryeynaa in uu marxuumada Janatal fardawsana ka waraabiyo ubadkii iyo ehelkii ay ifkaga kaga tagtayna samir iyo iiman ka siyo. Aamin
 
  1. Dhammaan hablaha Gaaroodi UK
  2. Dhammaan xubnaha Ururka Gaaroodi
  3. Dhammaan xubnaha Ururka Gacan qabad Uk
  4. Dhamaan xubnaha ururka Haldoor UK
  5. Cumar Muuse
  6. Prof. Ciise Xuseen
  7. Muuse Bootan Cabdi
  8. Maxamed Baaruud Cali
  9. Cismaan Jiilaal
  10. Jacfar X Ismaciil Bootan
  11. Moote X. Cali Bootan
  12.  Ismail Mohamoud Danbus
  13. Mohamed Yusuf Diirqadhaadh
  14. Hassan Macalin Osman
  15. Mohamoud Xuseen Balayax
  16.  Cabdi Shariif
  17.  Adan Mooge ( Adan Ingiris)
  18.  Yaxye Adan Koodbuur
  19.  Ex. Wasiir Cabdi Yusuf
  20.  Mohamoud Lugweyne
  21.  Cabdi Cabdillahi
  22.   Gamaame Camuud
  23.  Ismail Lugweyne
  24.  En. Cabdillahi Xasan Camey
  25.   Mohamed (Gaab) Cali
  26.  Cabdi Dheere
  27.  Cali Dheere
  28.  Gudoomiye Deeq Digaale
  29.   Dayib  A yasiin
  30.  Mubaarik  Cumar Ibrahim
  31.  Sheekh Yusuf
  32. Ismaciil Xaawa
  33.  Cumar Gahayr
  34.  Mohamoud Hassan Arrale
 

Taariikhda Ururka Bisha Cas,Goorma ayaa Somaliland laga aasaasay Siduuse Maanta u Shaqeeyaa {DHAGAYSO}.

$
0
0

Hargaysa 17.July 2014 (SDN/QJ)- Ururka Caalamiga ah ee Bisha Cas ee Adduunka ayaa la aasaasay Xiligii uu Socday Dagaal Weynihii labaad ee Adduunka.

Ururkan Bilaha iyo Laanqayrta Cas ayaa Xaruntii ugu Horaysay ee uu ku yeesho Dhulka Soomaalidu Degto Waxay noqotay Magaalada Hargaysa taas oo laga furay Sannadkii 1958-kii.

Siciid Maxamed Gees oo ah aabaha dhalay Profiser Maxamud Siciid Gees oo haatan ah Gudoomiyaha Akaademiga Nabada iyo Horumarka Somaliland ayaa ka Mid ahaa Xubnihii ka aasaasay Hirgelinta Ururka Bisha Cas ee Caalamiga ah.

Siciid Maxamed Gees oo ku Sugan Magaalada Hargaysa ayaa Weriye Sakariye Axmed Muxumed oo ka Mid ah Asxaabta Qurbejoog.com Waxa uu ku siiyay Waraysigan.

GUJI HALKAN OO MOBILKAAGA KA DHAGAYSO WARAYSIGAN

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

According to Islam educating our children, both male and females is obligatory to all us‏

$
0
0

 Education is the undeniable and indispensable right of children everywhere. It is fundamentally important that we accord the advancement and development of our communities and regions a top priority by investing in the futures of our children, and wholeheartedly embracing the humanitarian, communal and benevolent culture of Islam.  In this regard, the lofty goal of establishing a primary school in camp role by a visionary and humanitarian group of people hailing from this area and its immediate environs is almost at its intended end. It is a small step aimed at insuring that the children in this  part of Ethiopia (Somali region of Ethiopia) are given a good quality  education, a fundamental human right, for which I think, the  collective will power of our community, has for too long shied away.  Owing to the great amount of dedication and diligence shown by the team, the first phases (including the construction of two classrooms) of this very crucial project has now been completed successfully.

 

The next phase is one of delivery, maintenance, expansion and management; suitable teachers would have to be recruited, relevant curriculum deployed and initiated, proper administrative and oversight procedures  enacted, and vital further resources such as energy and water leveraged in order to expand the facilities and provisions of the school in the immediate and foreseeable future. For this to become possible, the school, first and foremost, needs the continued support of our (Reer Roble) community, and if it is feasible that of the regional government of the Somali region of Ethiopia. The solemn contributions of other entities, such as charitable and NGO
 organisations, as well as benevolent philanthropic individuals is also most welcomed. Your esteemed and charitable leadership in this noble endeavor will be very much appreciated and rewarded by ALLAH, the almighty, immensely inshaALLAH.  I believe that if we pull our resources, expertise, skills and accumulated experiences together and recognize the true value and worth of education, something enduringly worthwhile can be accomplished for these children. We owe it to these children to charitably assume the noble role of attempting to forge a better future for them. It is often said that education is our passport to the future, for most certainly tomorrow belongs to those who prepare  for it today. Moreover, it is also said that to give a man a bowl of  rice is to feed him for a day, BUT to teach him how to grow his own  rice is to save his life. Conferring education on these children will mean they will no longer envisage a life of brute poverty and the  paucity of life’s bare essentials: food, clothes and shelter.  Conferring education on these children will mean, they, their families, community and country can be uplifted and transformed for the better through the power and clout of education.  I thought it apt to end this piece with the following from the Norwegian writer, Jostein Gaarder who tellingly and potently asserts  that ‘a community that does not educate and train its young is like a person who only trains his right arm. Camp Roble is settlement in Somali region of Ethiopia earlier known ad Zone five which is located around 15 kilometer south of the famous road known as “QAAXO”

 Written by your brother Professor Ibrahim Osman Abdi, Professor Riyadh University – Saudi Arabia

Email: aibrahim86@hotmail.com

KA BOGO TUSAHA AXKAAMTA XAJKA IYO CIMRADA OO AF SOOMAALI AH

$
0
0

HORDHAC

Risaaladaan waxaan ugu tala galay inaan uga hadlo axkaamta xajka iyo cimrada sida arkaanta waa jibaadka, sunooyinka iyo wixii ka xaaraam ah xaajiga inta uu xarman yahay risaaladaan waxaan ugu talagalay xujeeyda soomaalida ah inay kafaa’iideestaan sanad walba maadaama aan soomaali ku qoray. Risaaladaan waxaan u qoray alla dartii iyo inaa ku moodo maalin aysan dadka anfaceynin maal iyo wiilal.

Risaaladaan waxaaqoray:Sh. Ibraahiim Maxamuud Jiisoow

Teleefoon: 061559121 Email:Sh.jiisoow@hotmail.com

Xajka luqo ahaan waxaa layiraa qasad sharci ahaana waxaa layiraa hn beeytka alla cibaado loola qasdo

 

XAJKU wuxuukamidyahay tiirarka islaamka oo shanta ah waa rugniga shanaad XAJKA waxaa lawaajibiyay sandki lixaad eehijriyada XAJKA IYO CIMRADA qofka muslimka ah cimrigiisa hal mar ayey kuwaajibaan hadii shuruudi laga helo waxaana udaliil ah xadiiska rasuulka c.s.w uukuyiri MAYA hadii aan dhihi lahaa haa wuu idinku waajibi lahaa mana awoodeen markii ay soo degtay aayada 97 aad ee suuratul aaalucimraan ayey asxaabtu waxay dhaheen sanadkasta miyaa markaas ayuu rasuulk yiri maya sida aan soo sheegnay markaas ayaa waxaa soodegtay aayada101 aad ee suuratu alma,ida taas oo alla uga reebay asxaabta su,aasha badan RASUULKA c.s.w.marki XAJKA lafaral yeelay kadib halmar ayuu xajiyay wuxuuna xajiyay sanadkii 10aad ee hijriyada waxayna aheyd xajatu wadaac laakiin inta’aan lafaral yeelin xajka oo ahayd hijriyada kahor laba mar ayuu xajiyay wuxuuna cimreestay afar mar. Xajka waxa uu leeyahay axkaamul khamsa oo mar wuxuu noqdaa farlu-ceyn sida xajka kowaad ee qofka lagu leeyahay.

Haduushuruudabuuxiyo,marnawuxuunoqdaafarlukifaayo

,sidainay, sanad walba muslimiinta qaarka mid ah xajiyaan, siay kacbada cibaado ugu nooleeyaan.

Marna wuxuu noqdaa suno sida xajka caruurta iyo adoomada,Laakiin haddiicarrurtu, qaangaaraa naddoomaduna ay xuroobaan waxaa laga rabayaa Xajkii lagu lahaa. Marna wuxuu noqdaaxaaraamsidamarka la hubsado in dhibaato ka imaanayso safarka xajka marna wuxuu noqdaa karaaho sida marka laga shakiyoindhibaato ka imaanayso safarka xajka.

FADIILADA XAJKA

Rasuulku wuxuu yiri C.S.W qofka xajiyo oo aan xajkiisa wax fuxshi ah ku sameynin wuxuu xajkiisa azoo noqdaa asagoo lamid ah sidii maalintii hooyadiis dhashay

 

FADLIGA CUMRADA.

Rasuulku wuxuu yiri C.S.W cumrada qofkii cumreysto ilaa cumradeeda kale laga gaaraayo waxay u tahay kafaaro gud(danbitirtiris)

FADLIGAMAALINTACARAFO

Rasuulka wuxuu yiri C.S.W majiro yoom kabadan in alle ka xoreeyo adoonka naarta maalinta Carafo .

SHURUUDAHA XAJKU WAA TODDOBO

Islaanimo, Qaangaar, Caqli, Xornimo, Sahay, Gaadiid iyo Wadadu inay aamin tahay socodkuna suura galaayo oo loola jeedo in marka hantidu ku soo gashay laga gaari karo u diyaar garowga xajka sida inaad goosato Baasaboor oo aad fiisana hesho. XAJKA waxaa kaloo loo shardiyaa awood. Awoodaas oo azoo a qaadayo labo. Awood dhaqaale iyo Awood xoog ah. Qofka awooda dhaqaale leh laakiin aan awooda xoog lahayn waxaa ku waajiba inuu kireesto qof usoo xajiyo asagoo gurigiisa jooga waxaana u dalii ah xadiiska Buqaari warinaayo oo ahaa in haweenay utimid Rasuulka (s.c.w) ayna ku tiri Rasuulka faralka alla adoomadiisa ku faral yeelay wuxuu haleelay Aabahay oo duq ah daabadna kuma sugnaankaro ee maka xajiyaa Rasuulkuna wuxuu yiri nacam. Sidaa azoo caruurta waalidkood haduusan awal xajin wey u xajin karaan farqina kalama laha wiil iyo gabar, laakiin waxaa shardi ah in qofk qof kale ka xajinaayo in uu marka hore naftiisa azoo xajiyo. Qofka awooda dhaqaale iyo awooda xooga isku leh asiga ayay waajib ku tahay inuu soo xajiyo Haweenka waxaa loo shardiyaa inuu la socdo qof muxrim ah ama ninkeeda sida ku cad xadiiska Rasuulka waxaa kaloo loo baahanyahay in qofka xajinaayo uu ka xajiyo maal xalaal ah waxaa kale oo loo baahanyahay in qofka xajka aadayo uu dardaaram qoro uu kaga hadlaayo waxa lagu leeyahay waana deynka aan hadda laga rabin , laakiin haddi deynku (xaalo yahay) hadda laga rabo waa in uu iska bixiyo deeynka

zwaajibtay in laga xajiyo.hantidaas Waxaa ku waajib ah qofkaas inuu uga xajiyo hantidaas waalidka ileen deenka allaha ayaa ku xaqnimo badan in lagudee, sida ku cad xadiiskarasuulka,c,s,w

ARKAANTAXAJKU WAA lix NIYO,ISTAAGACARAFO,DHAWAAFURUGNIGA(IFAADAHA),SACYIGA XIIRASHADA AMA GAABSASHO

RUGNIGA KOOWAAD WAA XARMASHADA

(Xarmasho macal niyo ah) Xajka waxaa la xarmada bilaha Xajka oo ah SHAWAAL (Soonfur), DUL-QACDA iyo tobanka maalmood ee Bisha CARAFO, laakiin qofki xarmado bilahaan waqti aan aheeyn ixraaamkiisu wuxuu noqonayaa cimro maxaa yeelay cimrada sanadkoo dhan waa la cimreysan karaa waxaan a suno ah inuu marka horo qubaysto xirtana dharka cad-cad , laakiin haweenka looma suneeyo in ay xirtaan dhar cadcad balse waxay qaadanayaan dhar astur ah, kadibna laba ragco oo suno ah uu dukado kadina xirto xajka haduu soomaaliya ka tago wuxuu ka soo xarmanayaa YALAMLAM laakiin hadii uu madiino ka imaanayo sida marka uu xajka ka hormariyo siyaarada Rasuulka qabriga (c.s.w.) wuxuu ka xarmanayaa DUL-XULEYFA xajka waxaa loo xajiyaa saddax nooc. Ifraad, Tamatuc, Qiraan sadaxdaan midka aad ka xajinayso ayaad ku dhawaaqee ilayn Rasuulku wuu ku dhawaaqayee hadii aad xajinayso Ifraad waxaa leedahay naweeytul xaja ,wa axramtu hadii aad xajinayso Tamatuc waxaa leedahay naweeytul xaja wal cumrata,wa axramtu bihimaa hadii aad xajinayso Qiraan waxaa leedahay sidii oo kale haddi uu qofka xajinaayo wuxuu leeyahay (naweeytul xaja canfulaanin) waxaa niyeestay inaan hebel kaxajiyo

TAMATUC,waxaalayiraahdaa in la hormariyo cimrada inta aan lagaarin maalinta sideedaad oo aad xajka gali lahayd kadina markaad dhameysato cimrada oo dharka ixraamka iska dhigto ood raaxeesato markaas kadib aad xaj xarmato waxaana heshay markaas xaj iyo cimro waxaana lagaa rabaa dhiig ama soon

Xusuus: Xaajiga ah Mutamatic haddii uu u noqdo miiqaadka kadibna uu xaj kasoo xirto wuu ka dhacayaa dhiigi laga rabay. Sidoo kale, xaajiga mutamatica ah haddii uu yahay dadka degan Masjidul xaraamka dhiig lagama rabo sida ku cad aayaxdda 196-aad ee Suuratul baqara. WAxaala iskukhilaafay,yaaugufadlibadansadaxnanoocee xajka looxirto shaaficiyada iyo maalikiyadu waxay dheheen waxaa ugu fadli badanIFRAADKA imaamu axmad wuxuu qabaa waxaa ugu fadli badan tamatuca abuuxaniifana wuxuu qabaa waxaa ugu fadli badan QIRAANKA , IFRAADKU waa kaliyeen xajka lakali yeelo kadibna marka uu xajka dhameysto uu soo cimreysto

QIRAANKU waa in la xiriirsho xajka iyo cimrada waana inuu halmar labadaba isku xiriirsho uuna halmar layimaado acmaashooda qofkii Qiraan xajinayo waxaa lagarabaa dhiig ama soon oo ah sida aan aan ku soo sheegnay tamatuca laakii dadka degan xaramka dhiig iyo soon lagama rabo sida ku cada aayada 196 ee suuratul baqara kadib markuu xajka xirto waxa uu dhahayaa labayka laahuma labayk labayka laashariika laka labayk inal xamda wanicmata laka wal mulku laa shariika laka waana suno, kadibna wuxuu aadayaa maalinka sideedaad oo loo yaqaano yowmu-tarwiya oo ah maalinta biyo dhaamiska waxaana loogu bixiyay xujeyda oo biyaha xajka ayku isticmaalayaan dhaansan jiray waxena joogayaan maalintaas Muno waxeyna ku tukunayaan Duhur, Casir, Maqrib iyo Cisho. Iyada oo lagaabineyn lkn maalinta carafo salaadaha wey gaabinayaan weyna jamcinayaan. Subaxda sagaalaadna waxey aadayaan Carafo.

RUGNIGA LABAAD WAA WUQUUFUL CARAFA

`Carafa kuligeed waa mowqif oo meeshaad doonta ayaa ka istaagi kartaa waana maalinta sagaalaad ee bisha carafe waqtiga carafo waa laga bilaabo geeska suulka qoraxda maalinta carafo illaa salaada subax kadhalato habeenka tobanaad qofkii Carafo tagi waayo maalinka 9-aad xaj uma jiro, imaamka ama naa’ibkiisu wuxuu akhrinayaa labo khudbo maalinta Carafaat dabadeed wuxuu tujinayaa dadka duhur iyo casir oo Jamacna ah Qasirna ah oo labo labo rakco laga tukanayo. Xaajigu wxuu ku duceysanayaa Carafo dhexdeeda wuxuuna badaniyaa towxiidka, waxaana u daliil ah xadiiskii rasuulka (S.C.W.S) uu yiri: “duco waxaa ugu kheyrbadan ducada maalinta Carafa” waxaa kaloo uu yiri rasuulku (S.C.W.S): Waxa aan iri waxaa ugu kheyr badan aniga iyo nabiyaashii iga horeysaba (Laa Ilaaha Illalaahu Waxdahu laa shariika lahu lahul mulku walahul xamdu wahuwa calaa kuli shey’in qadiir), waxaa kaloo xaajiga loo suneeyaa inuu saliga nabiga badiyomaalintaas. Laakiin fuulida buurta AL-RAXMA fadiila gooni ah malahan, sida Imaamu Nawaawi uu ku sheegay kitaabkiisa Majmuuca ah.halkaasayaana ilimada lagu daadshaa danbiyadna looga tooba keenaa هناك تُسْكبُ العَبَرَاتُ وتُقالُ لعَثَرَاتُ

Xaajiga carafa wuxuu ka tagayaa markii ay qoraxdu dhacdo, wuxuuna aadayaa Muzdalafa. Maqribkana wuu akhirayaa (dib ayuu u dhigayaa) si uu ugu dukado maqribka iyo cishahaba iyagoo jamac ah Muzdalafa markuu tago. Habeenkaas tobnaad ayuu dukanahayaa maqribkii iyo ceshahaba ayagoo jamac ah maqribka wuxuu duganayaa seddex rakco ileen magrib iyo subax lamagaabshee ceshahana wuxuu dukanayaa labo rakco hal aadaan iyo labo aqin ayuuna ku dukanayaa dhexdoodana lama suneeyo saalad suno ah wuxuuna baryayaa (seexanayaa) Muzdalafa. Waxaa sunno ah in Haweenka iyo dadka tabarta daran ay sii baxaaan habeenka kala barkiisa markii la gaaro, ayna aadaan Muna. Waxayna sii marayaan Mashcarul-xaraamka, sida ku cad ayaada 200aad ee suuratul BAQARA Waana buur ku taala meesha ugu danbeysa Muzdalafa oo la yiraahdoQUZAX,waynadulistaagayaan,waynaducaysanayaanillaawaagukaiftiimo,iyagooqaabilsanQiblada,arintaasnawaasunno.Intaakadib,XujeyduwaxayaadayaanMuno,markii qoraxdu soo baxdo kadib, qof kastana wuxuu tuuranayaa Buurta ugu soo horeyso oo la yiraahdo Jamratul caqaba (Jamratul kubraa), waana midda soo xigto Masjidul-kheyf. Maalintaas tobonaad, halkaas buur uunbaa la tuurtaa, halkaas ayay ku goynayaan Talbiyada, wuxuuna ku tuurayaa buurta todobo dhagax, wuxuuna leeyahay markuu dhagaxa tuurayo ALLAAHU AKBAR. Intaa kadib,

haddii uu yahay MUTAMATTIC ama QIRAAN, wuxuu qalayaa xoolihii kuwaajibay hadii uusan awoodina waxaa laga rabaa toban maalmood oo soon ah, soonku wuxuu ka soo bilaabahayaa maalinta lixaad ee carafo si uuu sagaalaadka ugu afurnaado ileen xaajiga soon looma suneeyo maalinta sagaalaade, todobada maalmoodna ee soo hartana wuxuu soo mayaa markuu kusoo noqdo wadankiisa sida ku cad aayada 196aad suuratul BAQARA intaa kadib wuu xiiranayaa ama wuu gaabsanayaa. Waxaana ragga u fadli badan Xiirashada, intaa kadib, xaajiga wuxuu la imaanayaa dhawaaful-ifaada ama dhawaafu-rukni, dabadeed sacyi ayuu la imaanayaa haddii uusan awal sacyi la imaanin markii uu la imaanayay dhawaaful-quduumka. Intaa kadib, wuxuu usoo noqonayaa hadana Mina.si uu ayaamu yashriiqa ,utuuro buuraha,Waxaa sunno ah in Tuurashada, Gowraca, Xiirashada iyo dhawaaful-ifaadaha sida aan usoo sheegnay loo kala hormarsho, laakiin waajib ma ahan sida ku cad Xadiiska Rasuulka (C.S.W) oo la weydiiyay maalintaas waxyaabaha lakala hormarshey uuna ku jawaabay: “Sameey, danbina korkaaga ma,ahaan

Xusuus:

Xiirashada, dhawaaful-ifaadaha iyo Sacyiga haddii ay kaa tagaan waqti kasta waa lala imaan karaa inta aad nooshahay , Haddii uu xaajiga sameeyo sedaxdaan kala ah: gamasho, xiirasha iyio dhawaaful-ifaada wuxuu helayaa taxallulul-awal oo waxaa u xalaal noqonaya wax waliba oo xaaraam ugu ahaa Ixraamka dartiis, aan ka aheyn Haweentiisa oo u tago, iyadoo cibaado kalena u sii dhiman tahay sida qofka dukanayaba looga dalbo salaamu naqsi labaad isagoo salaadiina uga baxay salaama naqsigii hore, inkastoo meeshaan oo ah xajka waxa laga rabo ay yihiin waajib, salaadana waxa laga rabo ay ahaayeen salaama naqsi labaad oo sunna ah. Haddii uu sameeyo xaajigu kii sedaxaad oo u dhinnaa wuxuu helayaa taxallul-taani oo waxaa u xalaal wax kasto oo ugu xaaraam ahaa ixraamka dartiis. Haddii uu kasoo noqdo xaajigu dhawaaful-ifaadaha wuxuu baryayaa Mina labo habeen ama seddax habeen sida ku cad Aayada 203 ee Suuratul Baqara. Baryidaan la baryayo Muno waa Waajib, qofkii ka tagana wuxuu dhiibayaa dhiig. Maalmaha 11-aad, 12-aad iyo 13-aad, waxay tuurayaan seddaxda buuroodba, waxayna ka bilaabayaan Kubraa, waxayna ku xijinyaan Wusdhaa, waxayna ku xijinayaan Jamratul-caqaba.Laakiin haddii uu doono Xaajiga inuu baxo Maalinka 12-aad wayubanaantahay sida ku cad aayada, laakiin waa inuu baxo intii aan qorraxdu dhicin, laakiin haddii qoraxdu ugu dhex dhacdo muno, waxaa ku waajibaayo inuu baryo habeenkaas, tuurana maalinta xigta buurihii sedaxda aha.

Waxaa loo suneeyaa Imaamka inuu khudbo u akhriyo xujeyda Muna dhexdeeda maalinta 10-aad, salaada duhur bacdigeed, khudbadaas oo uu ku baraayo axkaamta dhawaafka iyo tuurashada iyo xoola qalidda iyo baryidda muno, dabadeed, khudbo labaad ayuu akhrinayaa maalinta labaad ee ayaamu tashriiqa, wuxuu ku akhrinayaa Muno salaadda duhur bacdigeed, taasoo uu ku baraayo iney banaantahay inay baxaan maalinta 12-aad iyodhawaaful-wadaaca.

 

RUGNIGA SADAXAAD WAA SACYIGA

SHURUUDAHA SACYIGA:

1) Waa in uu ka bilaabo Safo kuna dhameeyo Marwo, waxaana u daliil ah in uu ka bilaabayo Safo, xadiiska rasuuku (S.C.W.S) uu ku yiri ka bilaaba mida uu ALLE kabilaabayooloolajeedosafa,sidakucadaayadakujirtasuuratulBaqara oo uu Lanbarkeedu yahay (158)

2) Waa inuu ordo xaajigu todobo mar inta u dhaxeyso safa iyo marwo markuu safo katago uuna tago marwo hal mar ayuu xisaabsanayaa markuu ka soo noqdo marwo uuna yimaado safo iyadana markale ayuu ka xisaabsanayaa laakiin dawaafka waxaa la xisaabiyaa markasto oo aad timaado calaamada madow taasoo dhulka ku calaameesan oo ku aadan xajarul-aswadka oo xaga tirada waxaa sahlan sacyiga

3) Xusuus,qofkiidawaafulquduumkakadib,sameysaysacyi looma,sunooyo sacyi kaleinuu dawaaful ifaadaha kadib sameyso sida dadka qaarkood sameeyaan

SUNOOYINKA SACYIGA

Waa in uu fuulo Safo iyo Marwo qadar istaagiisa la eg, hadii uu fuulo buurta wuu duceysanayaa, ducada kuqoran risaaladan meesha udanbeeyso waxaa kaloo ka mid ah sunooyinka Sacyiga inuu socdo marka hore iyo marka dambelaakiindhexda,uuordo,weynacalaameysanyihiin meesha uu ka bilaabayo orodka iyo meesha uu ku joojinayo, laakiin Haweenku marnaba ma ordayaan.

RUGNIGA AFARAAD WAA DAWAAFKA

Rugniga afraad waa dhawaaful ifaadaha ama dhawaaful rugni, waxuuna kamid yahay arkaanta sida ku cad ayaada 29 aad ee suuratul xaj dawaafka waxaa loo shardiyaa Dahaaro iyo cowrada in la asturo iyo in uu ku dhawaafo masjidul xaraamka dhexdiisa iyo in uu dhameystiro todobada dhawaaf iyo in uu ka bilaabo dhawaafkiisa XAJARUL ASWADKA xajarul aswadka waxaa laga keenay janada wuxuuna ka cadaa awal caanaha waxaa madoobeeyay dunuubta bani’aadamka sida ku cad xadiiska rasuulka S.C.W. uu warinayo bukhaari. hadii uu ka bilaabo meel aan aheyn Xajarul Aswadka loo xisaabi mayo, laakiin hadii uu ku yimaado Xajarul Aswadka ayuu tiro bilaabanayaa, waana in uu Beytka ama Kacbdu eey ka xigto dhinaciisa bidix waa inuu markuu dhawaafayo ka baxsanyahaybeeytka,waainuukabaxsanyahay,shaadirwaanka oo ah dhismaha catabada oh (sookalka ah)waa dhismo gaaban oo ueg catabada guryaha laga talaabsado beeytka ayuuna ku wareegsan yahay illaa xijru ismaaciil ma aheef maxaa yeelay beeytka ayuu ka mid yahay oo qureeesh markeey dhiseeysay beeytka ayaa qarashki ku gaabtay markaas ayeey katageen (Beydka iyo kacbadu waa isku mid), beydkuna waa beydkii ugu horeeyay ee lasoo dejiyay dhulka, sida ku cad aayada 96-aad ee suurada Aala Cimraan. Waxaana ku xigay beytul Maqdas. haweenku hadii aysan daahir aheyn dawaafka dib ayey u dhiganayaan oo waxey la imaanayaan hoowlaha kale ooaan dhahaarada loo shardin , Markey daahir noqto ayeey la imaanee dhawaafki Sida ku cad xadiiska Bukhaari oo ay Caa’isho laga warshay oo rasuulka kuyiri markii ay Caa’isho ay xeyshay ayadoo lajoogo waqtiga dawaafka kani waa arin alle u qoray kabdhaha bani’aadamka ee sameey wixii xaajigu sameynayo aan ka ahayn dawaafka intii aa daahir ka noqoneysid.

Xusuus Xaajigu marka uu dhameeyo dawaafka garabkiisa midigta ah ha daboolo,eema,aha inuu markasto garabkiisu iska banaanyahay sida dad badan ay yeelaan Dhawaafyadu waa sadax dhawaaful rugni oo ah rugni lana sameeyo tobonaadka iyo wixii ka danbeeyo. dhawaaful quduum oo ah suno oo la sameeyo marka aad kacbada soo galeysid maalinta sideedaad iyo dhawaaful wadaac oo ah waajib una danbeeyo acmaasha xajka laqabanaayo.

RUGNIGASHANAADWAAXIIRASHSDAAMAGAABSASHADA

Raga waxaa u fadlibadan xiirashada sida ku cad aayada 27-aad ee suuratulFatxiiyoxadiiskarasuukauuuduceeyay kuwa xiiranayo 3 mar, markii afaraadna uu u duceeyay kuwa gaabsanyaan. Haweenkusemarkastowaygaabsanayaan.laakiinwaajibku waxoow kaga dhacayaa ugu yaraan sadex tin

Xusuus: gamashada, gowraca iyo xiirashada in sidaan lisigu xijiyo ayaa fiican laakiin waa jib ma ahan waxaana lagu soo gaabiyaa RADAXA oo ah Ramyi, Dabxi iyo Xalqi

Xusuus.

RUGNIGA LIXAAD WAA TARTIIBtA

Tartiib waxaa layiraa in shayga loo sameeyo siduu ukala horreeyo ,hadaba xaajigu waa inuuixraam macal niyo ah uhorreeysiiyoarkaanta ,wuquufkana ka horreeysiiyo dhawaaul ifaadaha iyo xiirashada ama gaabsashada laakiinxiirashada iyo dhawaafku tartiib malaha oomidkiaad rabto ayaad hormarinee

 

SUNOOYINKA DHAWAAFKA

Waa inuu dawaafo asagoo kabo la’aan ah, waa in uu salamsado (taabto) Xajarul Aswadka dhawaafka ugu horeeya uuna dhunkoodo uuna wajigiisa dul saaro Xajarul Aswadka. Hadii ay u suuroobeyso., hadii uusan awoodina waxa uu ku ishaarayaa gacantiisa ama ul, laakiin ma dhunkoodu xaajigu Rugniyeynka Shaamiyeenka ah mana salamsado (mana taabto), laakiin wuxuu salamsadaa (taabtaa) rugniga Yamaaniga laakiin ma dhunkoodo.

Waxaa kaloo suno ah inuu rucleeyo (ordo) saddex mar ee ugu horreeyo dhawaafka laakiin laba rukni inta udhaxeeyso ma ordayo afarta mar ee soo hertana wuu soconayaa xaajigu lama amrin xujeeyda ineey todobada mar ordain naxariis loo naxariisanaayo darteed orodkaas waxuu qaas ku yahay dawaaf uu la cirbinayo sacyi ee ma aha in xaajigu markasta orodkaas sameeyo sida dadku u badanyihiin, waxaa kaloo suno ah in xaajigu Jino tuuro; jina tuurku wuxuu khaas ku yahay dawaafka uu orodka ku dhex sameynaayo ee ma aha in xaajigu dhawaaf kasto jina tuuro sida dadku u badanyihiin, jina tuurku waxaa waaye inuu xaajigu maradiisa kala barkeed uu yeelo garabkiisa midigta ah hoostiisa, labada dhinac oo kalana uu yeelo garabkiisa bidixda ah, haweenku marnaba ma gulfiyaan mana Jina tuuraan.

Dhawaafka sunooyinkiisa waxaa ka mid ah inuu xiriirsho todobada mar, waxaa kaloo ka mid ah sunooyinka dhawaafka inuu dhawaafka ka bacdi uu labo rakco ku tukado Maqaamu Ibraahiimka, rakcada hore wuxuu ku aqrinayaa “Suuratul Kaafiruun” rakcada labaadna wxuu ku aqrinayaa “Suuratul Ikhlaas”. Kadib wuxuu cabayaa biyaha Zamzamka wuuna ka feera buuxsanayaa oo wuu ka dhergayaa wuuna duceysanayaa oo wuxuu ku duceysanayaa wuxuu jecelyahay aduun iyo aakhiraba.

ARKAANTA CIMRADU WAA AFAR

Haddi niyadalagu darana waa shan waana arkaanti xajka aan ka eheeyn wuquufka carafo

1. Xarmasho, soomaalidu waxay ka soo xarmanee YALAMLAM

2. dhawaaf

3. xiirasho ama gaabsasho

4. sacyi

WAA JIBAADKA XAJKU WAA SADDAX haddii lagudaro xiirashda ama gaabsashadana waa afar laakiin annagu arkaanta ayaankusoodarnay waana sida raajixa ah

1,Waajibka koobaad waa: in lagasoo xarmado miiqaatka. Miiqaatka soomaalidanu waa yalamlam. Miiqaatku wuxuu u kala baxaa labo. Miiqaat zamaani ah iyo miiqaat makaani ah miiqaatka zamaaniga ah ee xajka waa bilaha sonfur, sidataal iyo tobanka hore ee bisha carafo sida kucad ayaada 197aad ee suuratul BAQARA laakiin cimrada sanadka oo dhan waa la cimraysankaraa. Miiqaatka makaanig ah waa shan qofka degan Mako waxa uu kaxarmanayaa Mako lafteeda laakiin Qofkii aan Mako deganeen hadii uu kayimaado Madiino wuxuu xarmanayaa DUL-XULEEFA oo hadda loo yaqaano RAABUQ qofkii ka yamiyaada Masar ama Magrib (marooko) iyo Shaam waxay kaxarmanee JUXFA Qofka kayimaada Yaman iyo Soomaaliya wuxuu ka xarmanayaa YALAMLAM Qofka ka yimaada Najdil-xijaaz iyo Najdul-yaman wuxuu ka xarmanaa QARNAN qofka kaymaada Bari wuxuu ka xarmanaa DAATU-CIRQIN.

1. 2,Waajibkalabaad waagamashadabuuraha

tuurashada buuraha maalinta tobonaad waxay ka soo tagayaan MUSDALIFA markeey salaada subax dukadaan laakiin dadkd tabarta yar waxaa loofasaxay iney soobaxan lix saac habeenimo soona aadaan MUNA si,ey utuurtaan buurta xujeeydu waxay gamayaan buurta ugu sokeyso marka aad ka ay ka yimaadaan muzdalafa waxaana la yiraahdaa KUBRAA ama jamratulcaqaba ayada kaligeed ayey maalinkaas gamayaanwaqtigeeduna wuxuu gelayaa habeenka tobanaad kala barkiisa laakiin maalmaha kale ee ayaamu tashriiqa waqtigeedu wuxuu galayaa waqtiga duhurka MArkaas ayeeyna TALBIYD gooynayaan

gamida waqtigeedu wuxuu ku egyahay maalinka ugu danbeeyoayaamutashriiqaqorraxdiisudhacdo, qofkigamitaankukatago,wuusooqaleeynayaa,haddiiuusooqalleynwaayanawaxaakuwaajibaayofidyo,ooah inuu dhiig baxsho

xusuus dawaafka iyo sacyiga dhexdiisa xaajigux kuma talbiyeesto ee adkaar kale ayuu,la imaanayaa oo kuqoran risaaladaan aakhirkeeda todobo dhagax ayena gamayaan xujaaydu maal-maha kalane sadaxda buurba way gamaayaan ookalaKUBRAAama(JAMRATUL-CAQABA) WUSDHAA, JAMRATUL,AKHIIRA laakiin maalinta koowaad waxaa gamida bilaabi kartaa laga bilaabo habeenka tobonaad kala barkiisa lakiinmaalmahakaletuuristawaxaybilaabanee waqtiga duhurka waxaadna leedahay markaad gameyso buuraha Allahu Akbar, Waxaa suno ah in uu duceysto marku tuurto buurta 1-aad iyo tan 2-aad ba asagoo qiblada qaabilsan gacmihiisana kor u qaadayo laakiin buurta u danbeyso ee jamratul caqaba ma istaagayo mana duceysanahayo sida kucad xadiiska rasuulka S.C.W Haddii aykaatagtohalmaalingamashadeed,waxaad,laimaanaysaa,ayaamu-tashriiqa dhexdiisa, laakiin haddaad la imaanwayso ayaamu-tashriiq dhexdiisa kadib makaa ansaxayso, waxaana kugu waajibayo dhiig,

xusuus Qoki rabo inuu buuraha,utuuro qof aan tuuran Karin waxaa shardi ah inuu marka hore naftiisa katuuro

WaajibkasaddaxaadwaaDhawaaful wadaac.

Dhawaaful wadaacu waa waajib waana in xaajiga dhawaafo kacbada markuu dhameesto howlaha xajka laakiin lagama rabo sacyi. Qofki ka tagto Dawaaful wadaaca waxaa laga rabaa dhiig. Laakiin hadii uu kasoo noqdo meel la eg masaafatul qasri ama ka yar wuu ka dhacayaa dhiiggu. Laakiin haweenayda xaa’ida ah waxaa u bannaan inay iska baxdo wadaac la’aan, sida ku cad xadiiska rasuulka (C.W.S) ay warineyso Caa’isho in Safiyo oo kamid ah haweenka rasuulka C.S.W ay xeeshay markii la baxayay dabadeedna rasuulka uu kuyiri maalintii tobanaad dawaafki ahaa dawaafu rugniga masameysay dabadeedna layiri waad sameysay kadibna uuu yiri iska bax.

xusuus

Haddi uu xaajigu bixi waayo dhawaaful wadaaca bacdigiis uuna udaaho arimo oonkusaabsaneen anbabaxa safarkiisa wuu soo celinayaa dhawaaful wadaaca haddii uusoocelinwaayana dhiig ayaa laga rabaa laakiin haweenka dhiiga qabo waqtigaas ayga,waa laga fasaxay dawaafulwadaaca sidaku cad xadiiski hadda aan soosheegnay

xusuus:

FARQIGA U DHAXEEYO RUGNIGA, WAAJIBKA IYO SUNO

Rugni hadii aad ka tagto xajka ama cimradu ma’arnsaxayaan ilaa aad kala timaadid rugnigaas laakiin waajib hadii aad ka tagto waxaa kugu waa jib ah dhiig ama soon, SUNO hadii aad ka tagto waxba kuguma waajibin.

SUNOOYINKA XAJKA WAA LIX

1) Ifraad oo ah in lakali yeelo xajka. 2) Talbiyo oo ah labayka lahuma labayka. 3) dhawaaful Quduum. 4) in la hoydo Muzdalafa. Xusuus Dhagaxda wax lagu tuurayo in muztalafa laga Gurubsado waajib ma,ah n ee meel kasta ayaa laga gurubsan karaa 5) ) In lahoydo Muno. 6) In laba ragco lagudukado Maqaamu-ibraahiimka.

WAXYAALAHA IXRAAMKA DARTIISA XAARAAMKU AH WAA TOBAN

1. in-ninku xirto dhar ay tolmo gashay. Laakiin haweenku way xiran karaan

2. in-ninku madaxa uu daboolo iyo in haweenku wajiga ay daboolaan

3. in-tinta lashaleeyo

4. in-tinta laxiiro aydoon waqtigeedi lagaarin

5. in-cijiyaha lajaro aydoon waqtigeeda lagaarin

6. barafuun ama shey carafaya aydoon waqtigeeda lagaarin

7. in-ugaar ladilo

8. in-naag lanikaaxsho

9. in-haweentiisa uu utago

10 inuu taa-taabto haweentiisa si shahwo ah

xusuu Intaa wax kamid ah haduu sameeyo xaajigu waxaa ku waa jibaayo fidyo oo ah inuu dhiig baxsho haduusan awoodinna uu soomo laakiin haweenta oo loo tago asagoon helin taxalulu saani xajka ayaaa ku burayo waxaana ku waajib noqeyso inuu sii wado xajki asigoo buray iyo sanadka xigo inuu soo xajiyo.

cimraduna waxay kuburee haddii uu,u tago xaaskiisa asgaoo aan dhameyn acmaashii cimrada

Xusuus qofkii waagu,uguberyo maalinka tobanaad asigoon tagin carafo xaj uma jiyo waxaana kuwaajibayo inoow acmaasha cumrada la yimaado sanadka danbana uu soo qalleeyo xajki katagay waxaana kale oo kuwaajibaayo neef ari ah inuu goowraco

لحديث الحج عرفة

xusuus haddii qof xaj ama cimro xarman laga manciyo (loodiido)ineey siiwadato acmaasheeda waxaa ubanaan iney iska taxalushokadibnawaxaa ubanaan waxyaalihii ixraamka dartii uga xaaraan ahaaykadibna wuxuu goowracayaa neef ari ah wuxuuna kugoowracayaa meeshi lagu shiray (lagu celshay)wuxuuna siinayaa masaakiinta xaramka joogto haddii uusan heli karina wuu soomayaa sida kucad aayada 196 aad ee suuratul baqara

xusuus baadida xaramka laga helo qofna u banaano ineey milkiso bal waa inaad geeyso meelaha loogutalagalay oo dowladu udiyaarisay in laga baafiyo xusuus sidoo kale mabanaano in ladilo ugaarta xaramka joogto ha ahaayo qooleey ama ugaar kale qofki dilana waxaa ku waaajib ah ineey bixiso neef xoolo ah oo u,eg ugaarki oow dily, sidakucad aayada95 aad ee suuratul maa,ida

Xusuus

Xaajiga waxaa loo suneeyaa inuu cabo biyaha Zamzamka, waxaana sunno ah in isagoo taagan cabo iyo inuu ka dhergo iyo inuu niyaysto wuxuu jecelyahay oo kheyr ah adduun iyo aakhiraba.

Ziyaarada,QabrigaRasuulka (C.S.W)

Xaajiga waxaa loo suneeyaa markuu guto acmaasha xajka amaba ka horba inuu soo Ziyaarto Qabriga Rasuulka (C.S.W).

Xusuus:Ziyaarada qabriga Rasuulka (C.S.W.) kama mid aha Xajka balse waa Shey Sunno ah. Qabriga Rasuulka (C.S.W) wuxuu ku yaallaa Madiina, Xajkana waxaa lagu gutaa Mako.

Aadaabta Ziyaarta waa: Inuu yiraahdo Assalaamu caleyka yaa rasuula-laahi (C.S.W), codkiisa kor uma qaado, oo wuxuu edebsanayaa sida Rasuulka oo nool oo kale. Kadib, midigta ayuu u baxayaa qaddar hal dhudhun ah, wuxuuna salaamayaa Sayid Abuubakar (R.C), kadibna, dib ayuu u baxayaa qaddar hal dhudhun ah, wuxuuna salaamayaa Sayid Cumar (R.C).

Waxaa kale oo loo sunneeyaa xaajiga inuu soo ziyaarto qabuuraha Baqiic oo Asxaab badan ay ku duuganyihiin, wuxuu kaloo soo ziyaaranayaa Masjidka Quba, waxaa kaloo sunno ah inuu tago Ceel Ariis uuna ka cabo biyo kana weyso qaato, waxaa kaloo haboon inuu salaadaha ku dukado masjidka Nabiga (C.S.W)

تحذير DIGNIIN

Xaajiga haka digtoonaado inuu dawaafo qabriga rasuulka, waxaa kaloo reeban inuu ku dukado xijrada ama Qolka Rasuulka ku duuganyahay asigoo ula jeedo weyneyn.

Waxaa kaloo reeban, in Xaajiga dhabarkiisa ku tiirsho derbiga Qabriga, waxaa kaloo reeban, inuu masaxdo qabriga, sidoo kale, waxaa reeban inuu dhunkado, balse, aadaabtu waxay tahay inuu ka fogaado qabriga uuna u jirsado intii asxaabtu u jiri jirtay markuu noolaa.

Waxaa kaloo loo suneeyaa xaajiga haddii uu safraayo inuu masjidka ku sugootiyo labo rakaco oo sunno ah. Sidoo kale, waxaa loo suneeyaa inuu qabriga mar labaad tago uuna la yimaado salaantii oo kale, wuxuuna dhahayaa “Ilaahayow haka dhigin ziyaaradeyda oo tan ah tii ugu danbeysay oo aan soo ziyaarto qabriga Rasuulk, Ilaahayow ii celi wadankeyga anoo nabad qaba”.

 

DUCOOYINKA XAJKA أدعـــيـــــــــة الحــــــــج

وإذا رأى البيت رفع يديه ويقول: “اللهم زد هذا البيت تشريفاً وتكريماً وتعظيماً ومهابةً، وزد من شرّفه وعظّمه ممن حجه واعتمره تشريفاً وتكريماً وتعظيما وبراً، اللهم أنت السلام ومنك السلام فحينا ربنا بالسلام” ويدعو بما أحبّ من الدين والدنيا.ويقول في طوافه عند البيت: “اللهم إن هذا البيت بيتك، والحرم حرمك، والأمن أمنك، وهذا مقام العائذ بك من النار”.

ويُسنّ أن يقول أول طوافه: “بسم الله والله أكبر، اللهم أيماناً بك وتصديقاً بكتابك، ووفاء بعهدك، واتباعاً لسنة نبيك محمد صلى الله عليه وسلم”.

ويقول بين اليمانيين: “اللهم آتنا في الدنيا حسنة وفي الآخرة حسنة وقنا عذاب النار”. فإذا وصل إلى الركن الذي عند فتحة الحجر يقول: “اللهم إني أعوذ بك من الشك والشر والشقاق والنفاق وسوء الأخلاق وسوء المنقلب في المال والأهل والولد”.ويقول قبالة الميزاب: “اللهم أظلني في ظلك يوم لا ظل إلا ظلك، وأسقني بكأس نبيك محمد صلى الله عليه وسلم مشربا هنيئا لا أظمأ بعده أبداً”.

ويقول بين الركن الثالث واليماني: “اللهم اجعله حجاً مبروراً وسعياً وعملا مقبولا وتجارة لن تبور يا عزيز يا غفور”.

ويقول في رمله أي في الثلاثة الأولى: “اللهم اجعله حجاً مبروراً وسعيا مشكوراً وذنبا مغفورا”.

ويقول في الأربعة الباقية: “رب اغفر وارحم واعف عما تعلم إنك أنت الأعز والأكرم، ربنا آتنا في الدنيا حسن وفي الآخرة حسنة وقنا عذاب النار”

دعاء يوم عرفة: وفي الحديث (خير الدعاء دعاء يوم عرفة، وخير ماقلت أنا والنبيون من قبلي ” لاإله إلا الله وحده لا شريك له له الملك وله الحمد وهو على كل شيء قدير”.ربنا آتنا في الدنيا حسنة وفي الآخرة حسنة وقنا عذاب النار. اللهم إني ظلمت نفسي ظلماً كثيراً ولا يغفر الذنوب إلا أنت فاغفر لي مغفرة من عند وارحمني إنك أنت الغفور الرحيم. اللهم انقلني من ذلّ المعصية إلى عزّة الطاعة، واكفني عن حرامك، واغنني بفضلك عمن سواك، ونوّر قلبي وقبري، واهدني وأعذني من الشرّ كله، واجمع لي الخير. اللهم إني أسألك الهدى والتقى والعفاف والغنى”.وينبغي أن يستغفر للمؤمنين والمؤمنات في دعائه في يوم عرفة، ويكثر البكاء، لأن هناك تسكب العبرات، وتقال العثرات.

دعاء السعيفإذا رقي يقول “الله أكبر، الله أكبر، الله أكبر ولله الحمد، الله أكبر على ما هدانا والحمد لله على ما أولانا لا إله إلا الله وحده لا شريك له، له الملك وله الحمد يحيي ويميت وهو على كل شيءٍ قدير، لا إله إلا الله وحده صدق وعده ونصر عبده وأعز جنده وهزم الأحزاب وحده ، لا إله إلا الله الله أكبر ولا نعبد إلا إياه مخلصين له الدين ولوكره الكافرون ، ثم يدعو بما شاء من خيري الدنيا والآخرة.تنبيه:ولا يقبّل شيئاً من البيت إلا الحجر الأسود، ولا يستلم شيئاً إلا اليماني

وصية DARDAARAN

Qofkasto oo hesho nusqo kamid ah risaaladaan waxaan ka codsanaa in ay ii soo duceyso markay tagto amaakiinta fadliga badan leh iyo in ay sii badiso risaaladaan si ay xujayda sanad kasto uga faa’iidaysato.

Waxaa Diyaariyay: Sh.Ibraahiim Max’ud Jiisoow

Tell:0615591213.

Email: Sh.jiisoow@hotmail.com

 

Xasuuqii Xeebta Jasiira ee Muqdisho 25 Sanno ka Hor Xalay oo kale iyo Xog Waran Naxdin leh oo uu bixiyay Shakhsigii Keli ahaa ee ka Bad baaday DAAWO

$
0
0

Muqdisho 17.July 2014 (SDN/QJ)- Ilaahay naxariistii jano haka waraabiyee Waxaa Habeenkii Xalay iyo 25 Sanno ka Hor Xeebta Jasiira ee Magaalada Muqdisho Xasuuq loogu Gaystay 47-ka qof  iyadoo uu ka Badbaaday Hal qof oo qudha kuwaas oo dhamaantood dhalasho ahaan waxay ka soo jeedeen Somaliland, isuguna jiray waayeel iyo dhalinyaro ahaa aqoonyahano, arday, ganacsato, macalimiin, xirfadlayaal, xoogmaal iyo shaqaale dawladeed, oo aan danbi galin, dhibaato kalena geysan balse loo gumaaday oo kaliya isirkooda oo cadaawad iyo naceyba u qabtay taliskii siyaad bare.

Sidaasi awgeed halkan ka daawo xasuuqii xeebta jasiira sidii uu u dhacay iyo shaqsiga kaliya sida uu uga badbaaday iyo dareenka ehelada dadkaasi lagu xasuuqay xeebta jasiira ee magaalada muqdisho.

Muqdisho SDN/QJ
contact@qurbejoog.com

Boliska Somaliland Oo Shalay Muwaadinkii 8-aad ku Wareejiyey Sirdoonka Djibouti Oo Fadhataysanaya Shacab Aan Waxba Galabsan

$
0
0

Lowyacado(SDN/QJ)-Ciidamada Booliska Somaliland ayaa sidii caadadu ahayd Markale Sirdoonka Djibouti Gacanta Ka Geliyey Muwaadin kale oo  reer somaliland ah kaas oo ka mid ahaa Wade-yaasha Gaadiidka Labada dal ukala goosha.

jidh diliNinka La dhiibay oo Magaciisa ay dadka Deegaanku noogu sheegeen  Maxamed Xuseen Mumin (Batun), waxana Gacanta ku dhigay Ciidanka Booliska Magaalada Lawyacaddo, kuwaas oo isa shalay SHalay Makhribkii u gacan geliyey Sirdoonka Djibouti oo Halkaas ugu yimi.

Darawalkan shalay la dhiibay ayaa ka mid noqonaya Tiro dad ah oo ka soo jeeda Somaliland, kuwaas oo loo gacan geliyey Dalka Djibouti, iyadoo lala xidhiidhinayo Qaraxii dhawaan ka dhacay Djibouti oo Dad ajaanib u badani ku dhinteen.

Magacyada Dadka hore loo dhiibay ayaa sidan kala ahaa”

Axmed aadan isaaq

Mawliid Aare Xadi

Daahir cilmi faarax

Xuseen daahir waabari

Cabdi khadar xuseen

Cabdillahi aadan faahiye

Axmed maxamed ismaciil

 

Dadkan ayaa Badankoodu ka soo jeeda Gobollada Awdal iyo Salal, walina cidi kama war hayso Meeshii ay ku dambeeyeen tan iyo intii loo gacan geliyey Sirdoonka Dalka Djibouti.

falkani  ugu dambeeyey maxamed mire  loogu dhiibay Sirdoonka Djibouti ayaa Noqonaya Shakhsigii Siddeedaad oo dalka Djibouti loo gacan geliyo muddadaas Gaaban, iyadoo ay Sirdoonka Djibouti wali Dabagal ku hayaan Muwaadiniin kale oo reer Somaliland ah.

00 lagu naanays0 batuun ayaa ahshakhsigii  sideedaad ee xukuumada s0maliland gacanta ka galis0 dalka aynu jaarka nahay ee jabuutitaliye

Xukuumadda Somaliland ayaan wali shacabkeeda siinin jawaab ay kaga Qancaan Fadhatada ay sirdoonka Djibouti ku  hayaan Muwaadiniinta reer Somaliland, waxana wasiirka arrintan ku shaqada leh ee Cali Maxamed Waran-cadde uu tilmaamaa in kaliya arrintu baadhitaan tahay oo aanay wax kale ahayn.

 

 

 

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Shir lagaga hadlayo Horumarinta dalalka Afrika oo ka qayb galayo wafdi ka socda Somaliland

$
0
0

London 18July14(SDN warar ay heshay si rasmiya  qurbejoog ayaa waxa u suurto gashay in shir lagaga hadlayo horumarinta dalalka afrika lagu qaban dono aqalka guuritada ingriiska shirkan ayaa waxa ka qayb galaya Xubno wasiiro oo ku sugan Uk  oo uu ka mid yahay wasiirka Duulista iyo hawada Mudane Maxmuud Xaashi iyo Taliyaha waxda socdaalka Somaliland Maxamed Yusuf ina canbaro iyo Xuseen Alisxaqi oo ah madaxa horumarinta maashaaricda Afrika isaga oo ka danbeyey qaban qabista iyo isku xidhka shirkan oo u suurto galisay Jamhuuriyada Somaliland inay ka mid noqoto in shirkan si rasmiya loogu soo casumo halkan waxaan idinku soo rifaqaynaa wadamada iyo kulamada la filaayo inay dhacaan.

Africa International Business Forum Business Summit on 18 July 2014 being held in London

 

THEME OF SUMMIT ‘India – Africa: Business Opportunities & Growth Potential’

PROGRAM OF SUMMIT:

Seminar Session – 18th July 2014

10:30am – 2:30pm, Nehru Centre, London (Including Lunch).

AIBF Awards

Date: 18th July 2014

Venue: House of Lords , Palace of Westminister

Time: 19:00 to 22:30

Reception, Networking and Dinner

The purpose of this summit is to promote and encourage investment by international companies in Africa.

The key questions / topics to be addressed at the summit are:

.             The importance of peace in Africa to obtain Good Governance & Sustainability

.             Understanding economic diversity of Africa & finance in Africa

.             Explore business opportunities in Africa and identify key sectors for investment

The summit will provide a unique platform to network and seek knowledge for any Business looking to further establish their presence in Africa or seeking to improve sustainability in business.

Expected speakers are:

1.      Rt. Hon’ble Baroness Verma, Minister of Energy & Climate Change, UK

2.      Rt. Hon’ble Lord Boateng, Hon President AIBF, Former Chief Secretary to the Treasury UK

3.      Rt. Hon’ble Lord McConnell, Former First Minister of Scotland

4.      H.E. Mr Ranjan Mathai, High Commissioner of India, U.K.

5.      Mr G P Hinduja Noted Industrialist and billionaire

6.      Mr Tony Elumelu, Noted economist, banker, investor and philanthropist

7.      Mr Michel Sidibe, UNAIDS Executive Director

8.      Dr. Mo Ibrahim, Mobile communications entrepreneur and billionaire

9.      Mr Jean-Louis Ekra, Chairman and President of AFREXIMBANK

10.  Dr. Bassary Toure, Vice President of West African Development Bank

11.  Hon’ble Karim Keita, Head of the Commission of Mali National Security and Defence, Deputy of the largest District in Bamako

12.  Lt Gen J.S. Ahluwalia, PVSM (Retd.) President, Institute of Directors, IOD India

13.  Mr Vindi Banga ,Senior partner Clayton Dubilier & Rice, former chairman and CEO Hindustan Lever Ltd

14.  Mr Ajay Kirloskar, Noted industrialist

15.  Dr R Seetharaman, Group Chief Executive Officer of Doha Bank

16.  Number of African Ministers

17.  Number of UK MPs and Lords

 

 


UDUB WAY TAGAYSATE HA TAHRIBINA MEEDAY +++XAGAY KU DANBEYASAY GUDIDII TALLO BIXINTA TAHRIBTA Ee WASIRKII DHALINTU HOR KACAAYEY

$
0
0

Hargeisa 18/7/2014(SDN/QJ)Wasaaradda Arimaha Dibadda iyo Wakiilada Magac u yaal ka ah ee Xukuumadda Siilaanyo oo ku Fashilmay in ay u gurmadaan, Dhalinyarada Ku Xidhan Jeelasha Libaya iyo Malta.Xukuumadani  ayaa mudo  afarsano  kahora  xiligii ay ololaha ugu  jirtay jagada  madaxtimada fagarayaasha  kaga khudbadayn  jirtay  udub  way  tagaysaye  ha tahribina  balse  sanadihii  ugu danbeeyey  ayaa waxa sii kordhaysay  tahribta iyadoo  ubaxii dalkani  ku  idlaaday  badaha  udhaxeeya  liibiya  iyo talyaaniga halka  intii  kale  ay  maxabis  ku  yihin  jeelasha  liibiya  iyo malta   hadaba  madaxwaynaha somaliland  axmed maxamed  maxamed maxamud  silanyo ayaa snadakii  hore  gudi ka  soo  talabixisa  tahribta  u saaray  xubno  ka mida  golaha wasiradisa  balse  ilaa hada  melay gududaasi  ku  danbaysay  lama hayo iaydoo xukumad siilanyo  ay  dul hoganayso  fashilad  dhanka dhalinyarada  ah iaydoo  meel  walba xukumad  silanyo la tagantahay  waa xukuumadi  dhalinyarta  ayan  la garanayn  bal  talada  ay  ka qadato  dhalintasi

maxabisliby.jpg

maxa

Hargeisa SDN/QJ
Maxamed  Aadan Qurbe Jog
Concat@somalidiasporanews.com

Nuxurka ay Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan kaga Jawaabtay inay iyada iyo Madaxweyne Xasan Lacag Somalia lahayd Lunsadeen {DHAGAYSO}

$
0
0

Muqdisho 18.July 2014 (SDN/QJ)- Fowzia Yusuf Xaaji Aadan oo ahaan jirtey wasiirkii hore ee arrimaha dibada ayaa shir jaraa’id oo ay ku qabatey maalintii shaley 17 July, 2014 Muqdishu ayey iskaga fogaysay eedahaasi iyadoo ku tilmaantey kuwa magaceeda lagaga dilayo.

 

foosiya2Dhinaca kale waxay sheegetey iney kamid aheyd dadkii keeney gudoomiyihiii hore ee banagiga dhexe oo is-casiley yusur Abaraar.

Fowsiya ayaa tilmaamtay inay dacwad kusoo oogi doonta madaxa kooxdan eegaya cuno-qabaynta Soomaaliya iyo Elatariya QM saartay waxayna muujisay in dano gaar ah falkan laga lee yahay.

GUJI HALKAN OO MOBILKAAGA KA DHAGAYSO HADALKA FOOSIYA YUUSUF


Muqdisho SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

DAAWO:Ujeedada aduunka loo joogo – Quraanka iyo Adiga -2

$
0
0

Ottawa July 19,2014(SDN/QJ)-In badan oo bani’aadmiga ka mida ahi ma yaqaanaan xaga ay ka yimaadeed, ujeedada ay aduunka u joogaan iyo waliba dhimashada ka dib masiirkoodu waxa uu noqonayo. Barmaamijka adiga iyo Quraanka waxa aan maanta kaga hadlaynaa jawaabaha uu Quraanka ka bixiyay arinkan. Fadlan halkan ka daawada.

Daawo Muuqaalka Wareysgii ugu qosolka badna Feysal Cali warabe oo dhan

$
0
0

London July 19,2014(SDN/QJ)-Waxaan akhristyaaasheena sharafta leh halkan idinku so gudbineyaa muuqalka wareysi dhawaan laga qaaday Feysal cali Waareb.

Waresigaaan oo taabayanaa dhinacyo badan tabanaayaa sdia siyaasada dibada Somaliland, Wadahadaladii u dhexeeyaya Somaliland & Somaliya, iyo waxa uu qabandonoo hadii Xisbiga Ucid ku guleyto dorashada Somaliland.

Hoos ka daawo o kaga bgo wareysigan oo xiiso badan leh.

Madaxweynaha Djibouti oo ka codsaday dawladda Maraykanka in laga caawiyo siddii ciidamo Afrikaan ah loo keeni lahaa xuduuda u dhaxaysa Djibouti iyo Somaliland iyo Madaxweynaha Somaliya oo si aad ah u taageeray

$
0
0

Hargeysa July 19,2014(SDN/QJ):- Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee UCID, Mudane Yusuf Budle oo ka hadlay arrintaa: Ismaciil Cumar Geele anigu waxaan u arkaa in uu yahay nin aad u neceb Somaliland, run ahaantiina haddii uu awood u yeelan lahaa siddii Siyaad Barre ayuu dhulka ku simi lahaa oo baa’in lahaa

 

Tan iyo maalintii uu ka dhacay qaraxa ismiidaamiska ahaa magaalada Djibouiti ayaa waxa isa soo tarayay ololaha ay xukuumadda Djibouiti ugu jirto in ay arrintaas ku leexiso dawladda iyo shicibka Somaliland. Run ahaantii waxa xaqiiqo ah in labada qof ee qaraxaas ismiidaamiska ah isku qarxiyay ay kasoo kala jeedeen Ethiopia iyo Somaliland, oo weliba ninka hawsha wadey uu isir ahaan iyo nolol ahaanba kasoo jeeday Ethiopia, haba yaraatee aanu wax lug ahna ku lahayn Somaliland, marka laga reebo in uu soo dhex maray Somaliland, iskana soo raaceen gabadha la fulisay hawsha oo iyadu adeece ama daba socda ahayd.

 

Haddaba, todobaadkii hore ayay ahayd markii uu Madaxweynaha Djibouti si toos ah(official ah) uga codsaday dawladda Maraykanka in laga caawiyo siddii qaar ka mid ah ciidamada nabad ilaalinta ee jooga Somaliya loo keeni lahaa xuduuda u dhaxaysa Djibouti iyo Somaliland, isaga oo ku sheegay qoraalkiisa in ay noqotay wado halaq mareen ah oo halis ku ah Djibouti iyo Ethiopia-ba.

 

Waxa la filayaa in uu dhawaan Madaxweyne Ismaciil Cumar Geele ku yimaado socdaal dalka Maraykanka isaga oo weliba ka codsaday Madaxweynaha Somalaiya Xasan Shiikh in uu kula kulmo Washington si uu uga taageero codsigiisaas.

 

Haddaba arrintaas ayaanu isku daynay in aanu wax ka weydiino Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Somaliland isaga oo jooga magaalada Addis Ababa. Anaga oo aan haynin xidhiidhkiisa tooska ahna, waxa aanu kala xidhiidhnay safaaradda Somaliland ee Addis Ababa, waxase naloo sheegay in aanay suurto gal ahayn in aanu la hadalno oo uu mashquul ku yahay socdaalka Madaxweyne Siilaanyo uu ku joogo Addis Ababa.

 

Kadib waxa aanu isku daynay in aanu la xidhiidhno safiirka Somaliland u fadhiya Washington, Mudane Rashiid Gaaruf, hase yeeshee labaddii tilifoon ee aanu ka haynay ayaa midna waxa uu noqday mid la gooyay (disconnected), midka kalena waxa aanu u farnay dhawr fariimood laakiin aan marnaba nalooga soo jawaabin.

 

Ugu dambayntii waxa aanu la xidhiidhnay Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Xisbiga UCID, Mudane Yusuf Budle oo isaguna degen dalka Maraykanka, waxana aanu weydiinay dhawr su’aalood oo u dhignaa sidatan:</span></p>

 

Su’aal: Hoghaye, maxaa ka jira in Madaxweynaha Djibouti, Mudane Ismacil Cumar Geele dhawaan imanayo dalkan Maraykanka isaga oo codsanaya in xuduuda ay Djibouti la leedahay S/land la dhigo ciidamo nabad ilaalin oo kasoo jeeda dalal Afrikaan ah?

 

;”>Yusuf Budle: Warkaas inta aanu ognahay waa war jira, beryahaana socday. Run ahaantii waxa hadda laga shaqaynayaa oo Djibouti iyo dawladda Somaliyaba u tafo xayteen siddii ay aduunka uga dhaadhicin lahaayeen in Somaliland ay halis ku tahay dalalka deriska ah, ciidamo nabad gelyo oo caalamiyana loo dhigi lahaa xuduudaha Djibouti/Somaliland iyo Somaliland/Somaliya (waa xuduudaha Sool iyo Sanaag’e). Arrinkaasu waa arrin jira, waana arrin halis ku ah jiritaanka Somaliland. Run ahaantii arrinkaasu si fudud ayuu u fuli lahaa, haddii aanay dawladda Ethiopia kasoo hor jeedsan, illaa haddana kasoo hor jeedin. Haddii aanay wax is bedelin Madaxweynaha Djibouti, Ismaaciil Cumar Geele iyo Madaxweynaha Somaliya, Xasan Shiikh, labaduba waxa ay u imanayaan arrinkaas Washington bishan soo socota ee August bilowgeeda.

 

Su’aal: Marka dawladdeenii Somaliland iyo Xisbiyada qaranka oo aad adiguba ka midka tahay madaxdoodii maxaad ka qabateen arrinkaas?

 

Yusuf Budle: Run ahaantii xukuumaddii shicibka S/land u igmadeen ka midho dhalinta aqoonsiraadiska Somaliland way ka seexatay dhamaanba waajibaadkeedii, mid gudeed iyo mid dibadeedba. Wasiirkii Arrimaha Dibedda ee Somaliland, walaalkay Maxamed Biixi-na waxa uu imika hawsha ugu weyn ka hayaa biyo gelinta Hargeysa, isaga oo dhamaanba ka dhacay arrimaha siyaasadda ee geeska Africa iyo kuwa aduun weynuhu ka leeyihiin geeska Afrikaba. Anagu mucaarid ayaanu nahay, dawladdan hadda jirtaana mucaaridka waxaabay ka jeceshahay oo ay kasoo dhawaysataa kuwa Muqdisho jooga ee danaha Somaliland kasoo horjeeda, laakiin sidaasooy tahay haddana waanu dedaalnaa. Imika bishan oo keli ah laba goor ayaanu UCID ahaan u tagnay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Maraykanka (US State Department-ka), wax kalena kalamaanu hadlaynin ee arrinkan difaaciisa iyo wax la xidhiidha ayuunbaanu kala hadlaynay.

 

Su’aal: Xoghaye, waxaan filaynay in ay dawladda Djibouti tahay saaxiib dhow oo ay Somaliland leedahay, maxaa ku kalifaya in ay ciidamo ajaaniba keento xuduuda ay la leedahay S/land?

 

Yusuf Budle: Dadka reer Djibouti waa dad walaalaheena, xidhiidh dhaqan, dhiig iyo dhaqaalena inaga dhexeeyo, LAAKIIN, Ismaciil Cumar Geele anigu waxaan u arkaa in uu yahay nin aad u neceb Somaliland, run ahaantiina haddii uu awood u yeelan lahaa siddii Siyaad Barre ayuu dhulka ku simi lahaa oo baa’in lahaa. Run ahaantii anigu waxaan u arkaa in saaxiibka koowaad ee ay S/land leedahay ay tahay Ethiopia, cadawga koowaad ee somalilan-na uu yahay xukuumadda Ismacil Cumar Geele ee Djibouti. Kolay sidaanu wax u ognahay uma wada sheegi karno, wax walba wakhti ayay leeyihiin, Insha Allah wakhtigeedana waanu ka hadlidoonaa.

 

Su’aal: Dawlada Somaliland maxay uga hadli weyday arrimahan?

 

Yusuf Budle: Horta Dawladda Djibouti waxay soo adeegsataa dad u dhashay Somaliland oo lagu tilmaamo ganacsato, laakiin run ahaantii loo maal geliyay in ay Somaliland wiiqaan oo ay ka dhigaan meel mar kasta hoos joogta Djibouiti. Iyada oo taas ku guulaysatay ayaa haddana waxa timid dawlad qatan ama qaawan (xukuumadda Kulmiye) oo ilaa wasiiradeedii lagu taxay baasbooro Djiboutian ah. Sidaasooy tahay ragbaa jira xukuumada S/land ku jira oo arrimahaas oo dhan kasoo horjeeda, intii itaalkooda ahna ka dagaalama, si xoog lehna u fahansan meesha uu Ismaaciil la rabo S/land. Iyada oo ay intaasuba jirto ayaa haddana ay dawladda Djibouti u qortay mushaarooyin tiro badan xubno badan oo xukuumadda iyo mucaaridkaba ku jira oo haddii aad soo hadal qaado xukuumadda Djibouiti iyo cadaawadda ay u qabto s/land dagaal toos ah kugu qaadaya oo cir iyo dhulba kaasoo weeraraya.

 

Su’aal: Ku celi halkaas… Ma waxa jira dad Somaliland xukuumadeeda u shaqeeya iyo kuwo madax mucaaridda oo dawladda Djibouiti mushaaro siiso?

 

Yusuf Budle: Haa adeer, way jiraan oo waxa jira rag darajooyin aad u waaweyn ka haya xukuumadda iyo Mucaaridkaba oo mushaaro uga xaadira bil kasta xukuumadda Djibouti. Miyaad ogtahay adeer in sanadkan oo keli ah dawladda Djibouti siisay in ka badan 250 baasboor oo Djibouitian ah madax Somaliland ah oo isugu jira wasiiro, wasiiro kuxigeeno, maareeyayaal, madaxda sirdoonka Somaliland, madaxda ciidamada qaranka iyo kuwa booliiskaba iyo weliba madaxdaas xubnaha qoysaskooda, sida ciyaalkooda iyo xaasaskooda.

 

Su’aal: Ok, aan kusoo noqono arrinkan ciidamada la rabo in la keeno xuduuda S/land iyo Djibouti. Bal noo balbalaadhi waxa aad ka og tahay iyo waxa aad ka yeelaysaan?

 

Jawaab: Ugu horayn dawladda Ismaciil Cumar Geele waxay u xadhko xidhatay siddii ay uga dhaadhicin lahayd aduunka in aan laga maarmayn in Ciidamo la dhigo xuduudaas. Dhinaca kale maamulka Puntland oo ay adeegsanayso dawladda Muqdisho waxa ay iyaguna rabaan in ay aduunka ka dhaadhiciyaan in xuduuda S/land iyo Somaliya, gaar ahaan goboladda Sool iyo Sanaag ay yihiin goobo bahalo galeen ah sidaas daraadeedna ay lagama maarmaan tahay in lagu daro goobaha aduunweynuhu ilaaliyo, ciidamana la keeno. Xukuumadda S/land ilaa hadda inta aan ka ogahay cidda keli ah ee ay arrinkaas kala hadashay waa dawladda Ethiopia oo iyadu markeeda horeba kasoo horjeeday qorshayaasha ay wadaan maamulada Djibouti, Somaliya iyo Puntland-ba. Wasiirka arrimaha Dibedda ee S/land hawshiisii u weyneyd waxa ay ku ekaatay arrinka biyo gelinta caasumadda oo aynu ognahay weliba in khasaaraha uu keenay ay aad uga badan tahay faa’iidada uu ka keenay. Anaga, UCID ahaan, waajibka nasaaran waa mid la mid ah kan xukuumadda saran, inkastoonaan lahayn awooda xukuumaddu leedahay, marka si aanu uga soo baxno waajibkaas waxa aanu samaynay wax kasta oo awoodayada ah. Waxa aanu la kulanay laba goor Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Maraykanka, waxa aanu arrintaas si toosa ugala xidhiidhnay dawladda Ethiopia oo 100% nagu raacday in dhibaatada ka iman kartaa ka weyn tahay faa’iidada ay keeni karto. Waxa kale oo aanu waraaqo badan u qornay cid kasta oo ay khusayso, gaar ahaan dalalka Europe iyo xarunta dhexe ee Midowga Europe. Anaga fikirkayaga iyo dooda aanu la hor tagnay dawladaha aanu kala xidhiidhnay waxa ay tahay: Somaliland waa nabad, sida aynu wada ognahayna gacan bir ah ayay kula dagaalantaa cid kasta oo ku lug leh argagixisada gudaha iyo dibeddaba. Haddii la keeno ciidamo ajaaniba Somaliland, xuduuday toontaba ha ahaatee waxa imanaysa in ay noqoto meel faraha ka baxda oo hadhoow isu bedesha xarun ay usoo haajiraan argagixisada aduunku si ay ula dagaalamaan ciidimadaas la keenay. Waxa kale oo iyana imanaysa in dadka shicibka ah ee hadda iyagu dalkooda ilaashayaa noqdaan kuwo u arka in ciidamo ajaaniba laga dul keenay, sidaa daraadeedna ay suurto gal tahay in ciyaalka yaryar iyo dadka masaakiinta ah maskaxda laga xado oo laga dhaadhiciyo in ay sax tahay in ay raacaan dhinaca argagixisada, iwm. Ugu dambayn, doodayada ugu weyni waxa ay tahay in haddii ay S/land u qasanto sida Somaliya in ay uga halisan tahay Ethiopia, gacanka cadmeed (Red Sea) iyo weliba Djibouti ayna si fudud argagixisadu uga weerari karaan meelo badan oo imika ay ku adagtahay in ay gaadhaan, sida ciidamada Maraykanka u fadhiya Djibouti, iwm.

 

 

C/risaak Qaasaali (Biito)

Columbus, OHIO, USA

 

Somaliland oo mar kale haysata fursad qaali ah MUUSE JAAMBIIR

$
0
0

Waxay u muuqataa mar kale inay Somaliland helayso fursad qaali ah. Tani waa talaabo u baahan soo dhawayn buuxda, si looga midha dhaliyo. Waa barnaamij waaceensi u noqonaya nolosha bulshada, isla markaana wax ka taraya shaqo yaraanta jirta. Waa hawl gal balaadhan oo la doonayo, in markii u horaysay lagu beegsado deecaaminta khayraadka dhulka. Waa albaab cusub oo Somaliland ku xidhaya dunida ay aqoonsiga ka raadinayso. Haddii la kasbado oo sidiisa loo xaslado, wuxuu soo jiidi karaa daneeyayaal kale oo caalami ah. Wuxuu wax ka taray, hadana ka tarayaa soo noolaynta kaabayaal badan oo nolosha umadda muhiim u ah. Mashruucani maaha mid cusub ee waa hawl galkii baadhista shidaalka Somaliland oo la filayo, inuu dib uga bilaabmo jiidihii uu hore uga socday.

Dunidda iyo GENEL

Inkastoo filashada soo laabashada barnaamijkani ay liidatay, kadib hakintii ku timi wejigii hore ee sababay bixidii kanbaniyadii hawsha waday, hadana, dadaal dheer oo la galay ayaa la sheegayaa, inuu aakhirkii ku dhamaaday guul iyo in la gaadho heshiis qaneecaad leh oo dib loogu dhaqaajinayo hawshii baadhista shidaalka. Shirkadda GENEl oo saldhigeedu yahay dalka Ingiriiska, isla markaana ay wadaag ku yihiin Ingiriiska iyo Turkigu, ayaa hormood u ahayd, hadana u ah baadhista, ka gun gaadhista iyo soo saarista shidaalka Somaliland. Shirkadani waxay ka shaqaysaa waqtigan ilaa 17 wadan oo ku kala yaala Afrika, Amerika iyo Asia kuwaasoo ay ka wado hawl galo shidaal soo saaris ah oo ay maal gelisay, qaarkoodna ay ka soo saartay shidaal, balse ay ka hayso hawlo maamul. Meelahaa waxa ka mid ah, dalka Ciraaq, gaar ahaan gobolka kurdiyiinta, Turkiga, Maroko, Tansania iyo qaar kale. Hase yeeshee, qaaradda Afrika meelaha ay maal gelinta ugu badan gelinayaan, hawshana ay ka wadaan waxa la sheegay inay yihiin sadex dal oo kala ah, Somaliland oo dhawaan dib loo bilaabi doono shaqadii, Tanzania, gaar ahaan dhinaca Zinzibar iyo Maroko. Hogaamiyaha ugu sareeya maamulka shirkada GENEL Mr Tony Haward ayaa isna socdaal uu ku muujinayay sida ay diyaarka ugu yihiin maalgelinta mashruucan ay ka wadaan Somaliland ku yimi dalka kal hore, waqtigaas oo uu kulan la qaatay Madaxweyne Axmed Siilaanyo. Socdaalkaa uu ku yimi magaalada Hargeysa na waxa ku wehelinayay qaar ka mid ah ku xigeenadda maamulka sare ee shirkada iyo mulkiilaha ugu saamiga badan, isla markaana waxay ku yimaadeen Somaliland duulimaadkii ugu horeeyay ee toos ah ee Luton oo dalka Ingiriiska ku taala iyo Hargeysa diyaaradi ugu kala gooshto.

                                                       Somaliland iyo Genel                                                              

Sida qaalibka ah way adag tahay, dal aan la aqoonsanayni inuu helo fursadahan oo kale, hase yeeshee, siday tibaaxeen xogo mawduucan la xidhiidha oo na soo gaadhay, imaatinka shirkadan iyo isku xidhkaba waxa door laxaad leh ka ciyaaray ilaa hadana ka mid ah hawl wadeenkeeda Eng Ibraahin Maxamed Xasan oo reer Somaliland ah, kana mid ah madaxda hawlgalka shirkadu ka wado gudaha wadanka. Madaxda sarsare ee shirkadda GENEL ayaa iyana dhinacooda ku qancay fursadan, maalgelin iyo caawimo dheeraad ahna u huray Somaliland. Sidoo kale xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo guud ahaan, gaar ahaan madaxda Wasaaradda Macdanta ayaa iyana qayb ka ahaa curashada barnaamijkan. Guud ahaan dadaaladaasi waxay sababeen, in GENEL ka bilowdo dalka hawlgal sahaminta shidaalka ah, kaasoo daloolinta ceelka iyo soo saaristiisuna sida la sheegay ay daba taalo. Sidaas waxa lagu bilaabay hawlgalkii, hase yeeshee mudo markii uu socdayba, waxa is taagay shaqadii, waxaana dalka ka baxay dhinacyadii hawsha waday. Inkasoo sababaha kelifay aan carabka lagu wada dhufan, hadana, warar aan cidhib iyo raad raac run ah lahayn oo bulshada lagu dhex tuuray, ayaa loo aanaynayaa inay qayb ka ahaayeen, shakigii dhinaca amaanka ee soo baxay oo haddii xaaladu sii aloosnaato loo arkayay, in lagu soo dhex dhuuman karo. Waayo, haddii aan dawlad iyo shiciba layska kaashan amniga, wadajirna loola shaqayn, loona saacidin mashaariicda noocan oo kale ah, hawshu ma socon karto. Magaaladda Burco ee xarunta Gobolka Togdheer waxay ahayd, weli tahay saldhiga deegaanada hawlgalka shidaal baadhistu hore uga socday, hadana dib uga bilaabmayo. “ maalintii ay istaagtay hawshu maalintii ka horaysay, Burco waxay u muuqatay ama ahaydba magaalo nuuraysa oo dhaqdhaqaaqa noloshu kor u socdo. Magaalo naf cusubi soo gashay oo waxa is dhaafaya aad yaabayso ayay ahayd. Maalintii hawshu is taagtay maalintii xigtay ilaa hadana wejigay leedahay waad ka naxaysaa”. Sidaa waxa ku dooday mid ka mid ah dadka reer Burco. Mid kale oo ka mid ah dadka deegaankaa ayaa isna fikirkiisa ka dhiibtay saamaynta dhaqaale ee hakintii barnaamijkani ku yeelatay dadka gobolkaa, “dad badan baa shaqaynayay, qaar kalena nayaayiray qabeen. mid makhaayad haysta, mid hudheel haysta, mid Tagsiile ah, mid Caano iibiya, mid dabakaayo haysta, qof kasta oo Burco ku nooli wuu dareemayay in wax soo kordheen markii hawshu socotay, markii ay istaagtayna nalkii daarmay baa damay”.

Akhristahaa iyo qaar kale oo badan oo gobolkaa ku dhaqan oo wargeyska Ogaal la hadlayba, waxay isku raacsan yihiin tilmaamida dhaliilo iyo khaladaad dhinaca dadweynaha iyo dhinacyo kale oo dawladu ka mid tahay loo tirinayay, inay sababeen farsamo xumadii horseeday, inay faraha isla gaadhaan hawl wadeenkii shirkadda iyo shacabku. “macno badan inoo samayn mayso in gaajo inagu dul xasuuqdo carradan, iyadoo hoosteeda manfac aynu ku noollaan karo lagu tuhmayo” sidaa waxa yidhi mid ka mid ah akhristayaasha reer Burco ee uu wargeysku kala sheekaystay arrintaa. Akhristahaa iyo qaar kale oo badaniba waxay muujiyeen, gobol ahaan iyo guud ahaan dadka reer Somalilandba in dantoodu ku jirto suurta gelinta barnaamijkan iyo kuwa la midka ah, isla markaana waxay ku baaqeen, in loo diyaar garoobo soo dhawaynta shirkada hawsha wada, loona midoobo manaafacaadsiga waxtarkan soo kordhay, dawlad iyo shicibna gacmaha laysu qabsado sidii hawshu u socon lahayd, guusha la doonayana looga gaadhi lahaa. Waxa kale oo ay rumaysan yihiin, cadaalad ahaan in loo xaqsooro muwaadiniinta, oo shaqo qoristu ay noqoto mid eex iyo wax is daba marin laga fogeeyay. Iyadoo laga faa ii daysanayo dhaliilihii horena dadweynaha wacyi gelin buuxda la siiyo.

 Goormaa dib loo bilaabayaa

Ku sii tiigaalka falanqaynta dhacdooyinkaa hore, haatan waxa loo arkaa casharo wax badan laga bartay oo xigasho iyo xusuus mudan, dib inay u soo laabtaana diyaar garow laga sameeyay. Dhanka kalena xogo laga soo xigtay illo lagu kalsoon yahay waxay tibaaxeen, in la diyaariyay ciidan tababar gaar ah la siinayo, kaasoo sugaya amaanka hawl wadeenka shirkadda iyo guud ahaan goobaha hawsha laga bilaabayo. Sharcigii shidaalka ayaa isna xogahaasi sheegeen inuu socdo, kaasoo shirkadda GENEL caawimo ahaan ay gacan ka siisay xukuumadda, lana saadaalinayo in dhawaan la hor keenayo golaha wasiiradda si ay u ansixiyaan, kadibna loogu raadiyo xalaalaynta uu uga baahan yahay Golaha Wakiiladda. Xogahaasi waxay intaa ku dareen, in qorshuhu yahay dabayaaqada sanadkan in dib loo bilaabo hawlgalkii shidaal baadhista ee hore u hakaday, kaasoo boqolaal qof oo maanta bilaa camal ahi ay shaqo ka heli doonaan.

Gunaanad

 

Dhaqaale ahaan, shaqo ahaan iyo diblomaasi ahaanba mashruucani waa mid dan wayni ugu jirto Somaliland dad ahaan iyi dal ahaanba. Sidaa aawadeed, waxa muhiim ah in la hanto fursadan oo laga digtoonaado wax kasta oo wax u dhimi kara fulintiisa ama meesha ka saari kara. Dadweynaha guud ahaan, Salaadiinta Beelaha, Cuqaasha, waxgaradka iyo xilkaska umadda, siiba kuwa ku dhaqan deegaanka hawshu ka bilaabmayso waxa la gudboon inay gutaan waajibaadka ka saaran ilaalinta maslaxada guud iyo ta gobolkoodaba, hormoodna aanay ka noqon kicinta habaas danno gaar ah loogu dhuumanayo, oo Somaliland seejiya mashruucan . waxa kale oo looga baahan yahay, inay ka hor tagaan fara gelin kasta oo ka dhan ah, waayo, waxa jira shisheeye badan oo aan raali ka ahayn barnaamijkan, kuwaasoo isku dayi kara, hadii ay gudaha taageero ka helaan talaabo kasta oo ay wax ku yeeli karaan. Xukuumadana waxa waajib ku ah, inay daboosho dhaliilihii wejigii hore ee hawlgalkan ka soo baxay, dadkeedana ay u faahfaahiso waxa socda gobol, degmo, tuulo ilaa heer qoys, kana soo baxdo guud ahaan heshiiska dhinaceeda wixii kala gudboon, si shirkada GENEL iyo bah wadaagta kale ee hawsha qabanaysaana uga soo baxaan heshiiska dhankooda.

Tacsi:Waxaan Tacsi tiiraanyo leh u direynaa, dhammaan reer Xuseen Samatar Kaliil (Xuseen Turub)

$
0
0

Inaa lillaahi wa innaa ileyhi raajicuun.

Anagoo ah qoyska reer Ahmed Abdi Qadhabo, Waxaan Tacsi tiiraanyo leh u direynaa, dhammaan reerXuseen Samatar Kaliil (Xuseen Turub), oo ku kala nool: Mareykanka, Ingiriiska, Sacuudiga iyo Somaliland iyo sidoo kale Eheladii iyo Qaraabadii ay ka baxday Marxuumad Hooyo Caasha Xuseen Maxamuud (Caasha Aabi) oo xalay oy taariikhdu ahayd 18.JUL.2014 ku geeriyootey magaalada Jiddah ee Sacuudiga.

Waxaanu ilaahay uga baryeynaa inuu marxuumadda Jannadii ka waraabiyo. Qoskii, Qaraabadii iyo Ehelkii ay ka geeriyootey oo aanu ka mid nahayna samir iyo iimaan nagawada siiyo.          Aamiin, aamiin, aamiin.

 

 


DAAWO:Dood ay fooda isku dareen xisbiyada Kulmiye iyo UCID, Halka xisbaga Wadani uu dooda ka muquurtay

$
0
0

Hargeysa July 20,2014(SDN/QJ)-Dood ka baxday TVga Qaranka Somaliland oo ay ku herdemeen xisbiyada Kulmiye iyo UCID ayaa wax aka muquurtay xisbiga Wadani.

Axsaabta mucaaridka ayaaney caado u aheyn in aaney ka faaiideysan fursadaha doodeed ee ay la yeeshaan xisbul xaakimka.

Dooda wax aka qeyb qaatay La taliyaha madaxweynaha Somaliland ee hay’adaha Caalemiga Md Cabdifataax Siciid Axmed, Xoghayaha Arrimaha Bulshada ee xisbiga UCID Md Cabdiraxmaan Axmed Cali iyo siyaasi Maxamed Ibrahim Qabo.

HALKAN HOOSE KA DAAWO DOODA

MASHRUUCA XOOLO NAAXINTA QOOLCADAY HAB DEGAN IYO TALO WADAAG HA LAGU WAJAHO

$
0
0

Wacan oo wanaaagsan bahda mareegaha iyo bulshooy.

Guud ahaan dalka iiyo deegamada oo idili waxaa ay baahi waayn u qabaan mashaariicda horumarineed,waxana cid kasta waajib ku ah in la soo dhoweeyo,lana tixgeliyo wixii xidhiidh iyo hayb la leh dhinaca horumarka . Waa marka xaaladda jirta si qumman loo odoroso,lana hufo. Mar kastana waa in laga feejignaado ka hor wixii carqalado keeni kara inta aan lagu hawshoonina laga wada xaajoodo.

Hadaba,waxaa xusid mudan in todobaadkan ay jirtay hadal haynta badan ee ku saabsan mashruuca lagu magacaabay xoolo-naaxinta oo lagu wada in laga hirgelin doono Banka Qool caday ee duleedka magalada Sallaxley,warbaahinta dalkana laga baahiyey.

Taasi awgeed,waxaa jiray kulamo ay yeeheen mas’uuliyinta xukumada iyo Odayaal ka soo jeeda Deegaanka mashruucan loo qorsheeyey  oo aan wax midho dhal ah yeelanin. Waxaa u sabab ahaan qorshe iyo nidaam xumo ka muuqda dhinaca mas’uuliyinta Xukumada iyo xubno deegaanka ka soo jeeda oo gelbinaayey mashruuca.   Waxaanad moodaa arrinta mashruuca lagu wajahay jid qaldan oo aan laga fiirsannin.

Waayo, waxaa xaaladu ahayd mid kidiso ah. Mana jirin wax war iyo waciyi-gelin ah oo bulshada deegaanka la gaadhsiiyey kulamada Hargeisa ku qabsoomay ee dhicisoobay ka hor. Sida aynu ogsoonahay,Banka Qoolcady waxaa ku nool boqolaal Qoys oo Xoolo dhaqato ah iyo kumanyaal Xoolahooda ah oo ay manaafacaadsadaan oo u baahan sahan iyo ka fiirsasho badan inta aan deegaankoodu lagu faro gelinin.  Jees ama qoys ka kooban toban Qof ayaa guuritaankooda ka hor u baahda in loo sii sahamiyo goobta loo raraayo.

Banka Qoolcaday dhinaca Caasimada Hargeisa iyo dhinaca Hawdba waxaa kaga xayndaaban dhul seeraysan oo dadyow u xidheen habka beeraha,foodana aan la gelin karin,meel cagta la dhigana aan lahayn.   Meel kale oo ka baxsan deegaankooda oo Xukumadu u qoondaysa bulshada loo qorsheeyey in ay guurana ma jirto ka dib marka laga bara-kiciyo ee deegaankooda  ee lala wareego.   Waxaa dheer oo kale in dadkan aanay Xukumaddu u soo bandhigin weli  ujeedada dhabta ah ee loogu talo galay mashruucan seeraynta Deegaankooda. Haddiiba su’aalo laga waydiiyey masuuliyinta mashruuca hogaaminaya nuxurka mashruuca,waxaa ay ku jawaabayaan”Ma ogoshahiin mashruuca banka in la xidho,mise meelo kala ayaanu u leexinaa? ” iyo jawaabo la mid ah oo cago juglayn huwan basle aan  lahayn innaba wax faa-faahin ah iyo isu-soo dhowayn toona,marka laga reebo in ay yidhaahdeen mashruuca waxaa idiinla socda laba ceel biyood,caws la idiin beero iyo rug caafimaadka xoolaha.

Waxaa kale oo ka muuqda habka loo wada mashruuca degdeg, wacyigelin la’aan, talo wadaag la’aan . Waxaanad moodaa in Madaxda mashruuca hogaaminayaa jecel yihiin in ay ku wadaan mashruuca habka is-maquuninta. Taasi oo haddii ay timaado aan khayr laga dheefi doonin,masuuliyideedana ay qaadi doonaan masuuliyinta hormoodka ka ah mashruucu.

Aragtidayda,waxaa qumman, in mashruuca deganaanshiiyo lagu hago. In Odayaasha deegaanka,waxgaradka, iyo hogaan dhaqameedka beesha gacanta laga geliyo deraasada dhabta ah ee loo qoodeeyey hirgelinta mashruuca oo muddo la siiyo oo ay kaga soo baaraan-degaan.  In dhib iyo dheef waxa uu u leeyahay mushruuca ay si gundheer oo hufan u odorsaan bulshadda deegaanku. Ka dib  go’aan hufan oo loo dhan yahay,aadna looga fiirsaday ay kula laabtaan xukumada iyo masuuliynta mashruuca hogaaminaaya.

Waa in laga feejignaado in beesha dhexdeeda la isu adeegsado,lana iska horkeeno iyada oo qaybo iyo ardaayo ka mid ah la soo dhowaysanayaa darteed si mashruucu degdeg ugu fulo. Wax walba waa in laga hormariyo midnimada bulshada iyo xasiloonida deegaanka banka iyo nawaaxigiisa.  Waxaa jira ayaamahan muran iyo is-maandhaaf isa-soo taraya oo  ka dhex aloosamay odayaasha iyo bulshada beesha oo salka ku haya mashruucan.  Taasi aweed, waa in laga feejinaado ifafaalaha muuqda ee ah in bulshada deegaanka la qaybiyo,mashruucana degdeg loo guda galo iyada oo aan la bislaynin xaajada gunteeda.  Masuuliyinta hagaya mashruucu waa in ay ogaadaan wixii fidno ka abuurma hawlgalka mashruucan in ay tunka u ridan doonaan. Taasi awgeed,mar walba waa in ay si taxadir leh u tukubiyaan hadba wixii lagu heshiyo ee lagama maarmaan noqda ee Bulshada raali geliyana qaderiyaan,danta guudna ku jirto insha allah.

Waa  in ay mas’uuliyinta mashruuca hogaaminayaa debecsanaan iyo furfurnaan ku wajahaan bulshadooda,kulamada iyo la tashigana badsadaan insha allah.
salama calaykum.

Mohamed Adan Omer
Hargeisa.

Xukuumada Somaliland oo Ka Hadashay Inay Marin Muhiim ah u noqotay Dhoofinta Duur Joogta DAAWO

$
0
0

Hargaysa 20.July 2014 (SDN/QJ)- Xukuumadda Somaliland, ayaa ka hadashay lugta ay ku leedahay eedayn loogu jeediyey Warbixin Urur caalami ah oo ka shaqeeya ilaalinta Duur-joogta Adduunka oo la yidhaahdo CITES, kaasoo warbixintiisa ku sheegay inay Somaliland Marin muhiima u noqotay dhoofinta Duur-joogta sida sharci-darrada ah looga ganacsado oo ay sheegeen inay dhibaato badan ku hayso sii jiritaanka nolosha Duur-joogtada dalalka Afrika.

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare oo maanta shir jaraa’id ku qabatay Xafiiskeeda magaalada Hargeysa, ayaa jawaab ka bixisay warbixintaas, isla markaasna qirtay in Xeebaha dalka Somaliland qaarkood si dhuumasho iyo kootaro-baan ah loog dhoofiyo Ugaadha sida sharci-darrada ah looga ganacsado, taasoo uu Ururku sheegay in loo dhoofiyo waddamada Khaliijka Carabta oo loo sii marsiiyo Yemen marka Somaliland Xeebeheeda laga dhoofiyo.

Haddaba, Wasiirka Deegaanka Somaliland Shugri Xaaji Baandare waxa ay ku sabababysay Duur-joogta laga dhoofiyo Somaliland, qaabka looga dhoofiyo, sababta ay wax uga qaban waayeen Xukuumad ahaan, heerkooda awoodeed, qorshayaasha wax-ka-qabashada arrintaas ku aaddan iyo faham la’aanta dhinaca Bulshada dhammaan iyadoo qodobbadaas iyo kuwo kale-ba ka hadlaysa waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalka Hoose ee Shirka Jaraa’id ee ay Wasiir Shugri maanta ku qabatay Xafiiskeeda Hargeysa.

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

 

DAAWO:Halaaga Tahriibka iyo Sh. Saciid Maxamed Faarax

$
0
0

Malta July 20,2014(SDN/QJ)-Waa barnaamij ka mid ah wareysiyo qiiro leh oo googoos ah oo Sh. Saciid Maxamed Faarax ka sameeyey dadka soo tahriibay ee ku godoonsan jasiirada maalta.

Halkan hoose ka daawo mid ka mida barnaamijyada naxdinta leh ee ka waramaya marxaladaha ay soo maraan dadka tahriibta.

 

Tacsi ku socota Gudoomiyha Ururka Hablaha Garoodi Marwo Maryan Xaaji Faarax Cilmi

$
0
0

Gudoomiye ku xigeenka Hablaha Garoodi Asiya Faraax Muuse iyo Gudiga Fulinta iyio dhamaan ururka hablaha Garoodi meel kasta oo ay kala jogaan waxay tacsi  tiraanyo u leh u dirayaan Gudoomiyaha ururka hablaha Gaaroodi  Marwo Maryan Xaji Farax Cilmi iyo dhamaan ilma Xaaji Farax cilme iyaga oo ka tacsiyadeenayaan geridii naxdinta leh ee ku timid  Hoyadood Hooyo Fadumo Cabdilaahi Shiraaqle oo shalay jimcihii lagu aasay London Marxuumada  inuu danbigeeda Dhaafo Qabrigana illaahay u nuuriyo Kitaabkiisan Illaahay Midigta ka siiyo Ehelkii iyo qaraabadii ay  katagtay  samir iyo iimaan Illaahay kasiiyo.

Viewing all 6893 articles
Browse latest View live