Hargeysa:10-Feb-2014(SDN)- Waxa Sii Kordhaya Cadaadiska ay xukuumadddu Saarayso Sidii ay uga Takhalusi lahayd Guddoonka Xilligan ee Baarlamaanka, waxana kor u kacday Cadhada shacabku ka Muujinayaan Arrintan.
Ilaa iyo Xalay waxa Meelo ka mid Hargeysa ka Dhacayey Mudaharaaddo iyo Shirar isdaba Joog ah oo ay wadeen Dadweyne Ka so Horjeeda Iskudayada Madaxtooyadu Meesha kaga Saarayso Guddoomiye Cirro, waxana Maanta Lagu Wadaa inuu Mudahaar Ballaadhani Ka Dhacao Magaalada iyo Xarunta Baarlamaanka.
Shacabka Hargeysa ayaa si weyn ula Socda Dhaqdhaqaaqyo kala Duwan oo ay Xukuumaddu ku mijoxaabinayso Shaqadda Baarlamaanka, waxana Socda is Abaabul iyo kacdoon Dadweyne oo Tallaabooyinkaas lagu diiddan yahay.
Taliska Booliska oo arrimaha Noocan oo kale ah aad ugu dhago Nugul, ayaa Ciidamo Xooggan ku Daadiyey Badhtamaha Caasimadda iyo Wadooyinka ku dhaw dhaw Xarunta Golaha, waxana ay si weyn ugu dheg taagayaan dhaqdhaqaaqyadda shacabku kaga soo horjeedaan Tallaabada Xukuumaddu Golaha ku Baabi’iinayso.
Maalintii shalay ayey shacab badani gudaha u soo Galeen Aqalka Baarlamaanka Somaliland, waxana dhacday in sidoo kale ciidan Tiro badan la soo Geliyey xarunta Baarlamaanka Dhexdiisa.
Lama Garan karo sida xaalku Noqon doono, waxana Maanta loo Ballansan yahay Mooshino iska Soo Horjeeda oo mid ka mid ah xilka Lagaga Xayuubinayo Guddoomiye Cirro, halka ka Kalena Awooddiisa lala Simayo Labada Guddoomiye ku xigeen oo dhawaan Hoos loo dhigay.
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com