Quantcast
Channel: Features – qurbejoog.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 6893

“waynu dhaafnay wakhtigii qofku hanjabi jirey, waynu dhaafnay wakhtigii kooxo hanjabi jireen, waynu dhaafnay wakhtigii Qoysas hanjabi jireen,”Cali Waran-cadde.

$
0
0

Hargeysa:Mar,12,2015(SDN/QJ)-Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde, ayaa maanta ka Hadlay Halka ay marayso arintii diiwaangelinta Muwaadiniinta oo muddo soo socatay, waxana uu daaha ka fayday inay Komishanka Doorashooyinka ku wareejiyeen Lacagtii loogu talo galay in lagu qabto Diwaangelinta Codbixiyayaasha.

RERCali Waran-cadde oo maanta ka Hadlayey Madal Xisbiga Kulmiye kusoo bandhigayey  mawqifkiisa ku aaddan Arrimaha Dib udhaca Doorashooyinka, ayaa xusay inay Arrinta Diiwaangelintu gebo gebo tahay,

“Maalin-saddexaadii ayey Dawladdu Komishanka Doorashooyinka u gudbisay Saddex Million oo Dollar oo loogu talogalay Diiwaangelinta Codbixiyayaasha,Maanta Arrintii Diiwaangelinta Muwaadintiiinta waxa dhamaaday 70% waa dhamaadeen, inta Hadhayna Bil Gudaheed bay ku dhamaanaysaa.”ayuu yidhi Cali Waran-cadde.

Dibu dhaca dhaca Doorashada ayuu wasiir Waran-cadde eedeeda dusha ka saaray Beesha Caalamka oo uu tilmaamay inay Bixin Kharashkii ku bixi lahaa Diiwaangelinta Codbixiyayaasha, xilli doorashadii foodda inagu soo hayso, waxana uu yidhi,

“Dawladdani uma Baahna doorashho dib u dhacda, Dawladani uma baahna in loo kordhiyo ee ay diyaar u tahay inay doorashadu wakhtigeedii u dhacdo, laakiin waxay isweydiintu tahay xaggee wax ka xun yihiin, diiwaangelinta Codbixiyaha oo ah Kaadhka lagu footaynayo oo ay  in beesha caalamku dhaqaalaheeda bixiso oo udhiibaan Komishanka Qaranka oo ilaa maanta aan waxba laga haynin ilaa iyo hadda oo doorashadii ay ka hadhay muddo dhawr bilood ahi.”

Mudane Waran-cadde waxa uu tilmaamay in qarankani dhaafay Xilliyadii la isu hanbaji jirey , waxana uu yidhi,

“waynu dhaafnay wakhtigii qofku hanjabi jirey, waynu dhaafnay wakhtigii kooxo hanjabi jireen, waynu dhaafnay wakhtigii Qoysas hanjabi jireen, kuwa nabadgelyada Dabada ku dhegayana waxanu leenahahay  ilaahay saxa ha idin tuso.”

Cali Waran-cadde waxa uu si dahsoon u sheegay in Dad dalkan fadqalalo geliya ay Somalia kiraysatay oo halkan joogaan, waxana uu shacabka ugu baaqay inaanay dhayalsan, waxana uu yidhi,

“Somalia waxay dabada kasoo kaxaysa dad ku abtirsada Reer Somaliland, waxana ay usoo kasoo kiraysatay inay duudsiyaan xuquuqda dalkani u leeyahay Gooni isutaagiisa,, waxana aan jeclahay inaan idiin sheego inaydaan Diciifsanin in kuwo kale oo Halkan jooga in loosoo kiraysto fadqalalada iyo dibindaabyada dalkeena, Habeen iyo Maallinna u soo jeeda.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 6893

Trending Articles