Quantcast
Channel: Features – qurbejoog.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 6893

Saddex Kamid ah Ciidamada Puntland Oo Nolosha Lagu Aasay Iyo Sida Falkaasi U Dhacay

$
0
0

Gal-gala:Mar,10,2015(SDN/QJ)-Warkii ugu naxdinta Badnaa Gudaha Maamulka Puntland, ayaa soo baxaya Kadib markii la sheegay in tiro kad mid ah Ciidanka maamulkaasi iyagoo Nool la aasay.

beedogXoogagga Al-shabaab, ayaa  la sheegayaa inay Aagga Buuralayda Gal-gala Goob ceel-biyood ah oo ku taallay ay  ku rideen Saddex Askari kadibna Halkaas ku aaseen iyagoo Nool.

Saddexdaasi Askari ayaa gacanta u galay Kooxda Alshabaab dagaalkii ugu dambeeyay oo ay la galeen Ciidamada Maamulka, waxaana la soo Sheegayaa in Ceelbiyoodka lagu riday Afar maalin ka hor, sida laga soo xigtay Sargaal ka tirsanaa Maamulka.

Ciidamadani la silciyay ee Nolosha lagu aasay, ayaa kamid ahaa kuwa ka howlgali jiray furunta galgala, waana sababta keentay in Shabaabku go’aankaas adag ku ciqaabaan.

Sidoo kale, gacanta alshabaab ayaa waxaa weli ku jira Ciidamo kale oo siyaabo kala duwan ay gacanta ugu dhigeen, waxaana la soo sheegayaa inay ku raadinayaan madax furasho, inkastoo Maamulka Puntland uu taasi ka dhaga adeygayo.

Maamulka Puntland ayaan weli ka hadal go’aanka ay Kooxdu ku silcisay Askar ka tirsaneyd ciidamadeeda, mana jirto wax war ah oo weli ka soo baxay laamaha amaanka.

Dhawaan ayay aheyd markii Alshabaab ay meel aan sidaa uga fogeyn furunta Ciidamada Puntland ay uga sugan yihiin Galgala soo dhigeen Ciidamo ay soo dileen, waxaana xigay Askartani ay nolosha ku aasin.

Waa Markii ugu horraysay ee Qof nool lagu aaso Goob kamid ah Dhulka Soomaalida, waana Arrin Naxdin Badan, haddii si rasmi ah loo xaqiijiyo.

 

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 6893

Trending Articles