Shirka Cardiiff Lagu Qabanayo EE Dawladu Abaabulayso Waa In Aanu Fidno Dhex Dhigin Jaaliyada Cardiff.
Magaalada Cardiff ee caasimada Wales ayaa xubno ay xukuumadu u soo xilsaartay in ay shir ku qabtaan ka wadaan olole shirkaas lagu qabto. Ujeedada shirka ayaa xubnaha wadaa waxa ay sheegeen in uu yahay in wax qabadkii xukuumada ee sadexda sano lagu soo bandhigo, qodobkaas oo aan cid isku diidanayn. Waxaase la isku diidan yahay waa in ay noqoto mashruuc dalka lagu boobo, in lacag la soo diro oo magaalo kasta la yidhaahdo dabaal dega oo na ammaana, waxa lagu dabaaldegayona ay tahay hantidii iyo cashuurtii dan yarta reer Somaliland.
Qorbo jooga Somaliland waa dad dalkooda jecel, waa dad aan ku heesin shilimaad loo soo diro, waa dad iyagu isbedelka keena oo Kulmiye iyo isbedelkiisii si mug leh u keenay, weliba Cardiff waa laantii ugu horaysay ee Kulmiye ee laga furo UK, si baaxad leh ayay u golle keeneen guushii, maanta xaqna maaha dawna maaha in la yidhaahdo hebel iyo hebel ayaanu laag u soo dirnayoo xaflad dhigaye la tuma durbaanada.
Waxaanu ka digaynaa maalintii Kulmiye qabsaday dalka Cardiiff iyo Qurbo joogu waxay ahaayeen dad midaysan, waxaana hubaal ah in ay khilaaf balaadhan keenayso xafladaha mashruuca ah ee dilaalintu ka macaashayaan.
Haddaanu nahay Jaaliyada Somaliland ee Cardiff waxaanu mar labaad ka digaynaa Shirka la qabanayo 21/09/2013 ee lagu soo bandhigayo waxa lagu sheegay waxqabadka xukuumada, haddii aanay xukuumada iyo shakshiyaadka wadaa ka digtoonaan. annaguna waxaanu dhigaynaa mid aan ahayn ka macaash oo dhab ah oo qiimaynaya waxqabadka xukuumada iyo waxa dhiman si dhab ahna wax u qiimayn doona.
·Waa in arimaha jaaliyadaha loo daba fadhiistaa Xisbiyada iyo cidii ay doorteen.
Waad mahadsan tihiin.
Jaaliyada Somaliland Ee Cardiff.
Yusuf Abdillahi Cardiff Uk