Hargaysa 02.Feb 2015 (SDN/QJ)- Waxay ahayd Marxalad adag ,iyo Dhaxalkii Dagaalada dib u xoraynta Waddanka, Waxaa Degsiimo kasta oo ka mid ah Degelada Somaliland ka Jiray Kooxo Maleeshiyo Beeleedyo ah oo Halis ku ahaa Amaanka iyo Xasiloonida dalka.
May Jirin Cid ay ka amar qaataan marka laga reebo Cida Hogaamisa,Wax dan ah kamay Lahayn nabada,Mudadii ay Maleeshiyaadkaasi dalka Somaliland ka Jireen Waxay Sahaydeen Nafo badan oo agteena Qiimo ku lahaa oo Si Macno dari ah ku waayay Noloshoodii Qaaliga ahayd .
Hasa Yeeshee Markii uu Dulqaadku dhamaaday Waxaa la Jeexay Nidaam Cusub oo ah Abaabul ka Saar iyo Qaramaynta Maleeshiyo Beeleedyadii dalka ka jiray, Waxaa Talaabadaas Hirgaliyay Madaxweynihii 2aad ee Somaliland ay Yeelatay Marxun Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal.
Waxa uu Barnaamijkan Gaarka oo Qurbejoog.com idiin soo diyaarisay Kana Soo Ururisay Kaydkeeda uu ku qotomaa Hanaankii Hub ka dhigista Maleeshiyaadkii SNM Maadaama Maanta ay ku Suntan tahay 21 Guuradii ka soo wareegtay Aasaaska Ciidanka qaranka oo ah Halkii laga bilaabay Hub ka dhigista Waxa Barnaamijkan Si Wada Jir ah idiinku soo Tebinaya Weriyahayaga Yuusuf Maxamed iyo C,raxmaan Axmed oo ka mid ah Asxaabta Qurbejoog.
GUJI HALKAN SI AAD MOBILKAAGA UGA BOGATO BARNAAMIJKAN GAARKA AH
Hargaysa SDN/QJ
contact@somalidiasporanews.com