Quantcast
Channel: Features – qurbejoog.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 6893

Filashadii Hore,Ficilka Maqaska, Foolka Bari Iyo Foorar Dhagax Dhigyada Socda SAWIRO Layaab leh

$
0
0

Hargaysa 20.Jan 2015 (SDN/QJ)- Madaxwayne jamhuuriyada somaliland mudane Axmed Siilaanyo Iyo Wafti balaadhan oo hogaaminayo oo weli ku jira socdaal ay ku marayaan deegaano dalka ka mid ah, ayaa axaddii doraad goor danbe hiimse hiimse ah la sheegay inuu ku soo beegmay degmadda Faraweyne, halkaas oo dadka degani maalintii oo dhan sugayeen, isla markaana filayeen inuu dhagax dhigi doono jid magaaladaa u xidha caasimadda, balse weftiga madaxweynuhu aanuu ku hakan, taasina ay sababtay in dadku mudaharaad kala hor tagaan markii uu marayay halkaa waqtigas oo la sheegay inuu caraabe ku ahaa Baligubadle oo uu habeen hore u hoyday.
Siilaanyo Dhagax Dhig 5 Siilaanyo dhagax dhig 4 Siilaanyo Dhagax dhigid1 Siilaanyo Dhagax dhig3 Siilaanyo Dhagaxdhig2Warar laga soo xigtay dad goojoog ahaa oo ka mid ah dadka deeganka Farawayne oo xiligaa ku sugnaa goobta ayaa u sheegay warbaahinta qaar in dadku dhagxaan ku tuureen gaadiidka weftiga madaxwyanaha, isla markaana qaarkood muraayaduhu ka jabeen. Warku wuxuu intaa ku daray, in sidoo kale dhagxaantaasi dhaawacyo fudud gaadhsiisay qaar askarta ilaalada ka mid ah. hase yeeshee ma jiraan warar madax banaan oo ku saabsan xaqiiqadda siday wax u dhaceen markii weftigu marayay deegaankaa.
Dhinaca kale weftiga madaxweynaha ayaa weli ku guda jira safarkii uu ku marayay deegaanada dalka qaarkood,Isagoo Isaga Gudbay Jiido badan oo hoos taga Gobolada Maroodijeex,Daad Madheedh,Togdheer iyo Buuhoodle Gaar ahaana kuwa deegaanada xadka ku teedsan /

Guud ahaan meelahaa uu booqdayna wuxuu dhagax dhigay mashaariic kala duwan oo Xukuumadu ka fulin doonto Goboladaaas .

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 6893

Trending Articles