Hargaysa 20.Jan 2015 (SDN/QJ)- Waxay ahayd Talaabo la eegayay inuu Madaxweynuhu ku dhiirado Waxay dheeli tiraysay Wada Jirka dal ahaaneed ee Somaliland iyo inuu Madaxweynuhu tegi karo deegaan kasta oo ka tirsan dhulka J.S.Land, Waxay arrini is bedeshay daqiiqado kooban.
Socdaalka uu Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo uu ku marayo Gobolada iyo Degmooyinka oo galay Maalintiisii Lixaad ayaa Shalay Waxay in badan oo ka mid ah Bulshada Somaliland gaar ahaan kuwa ku dhaqan Gobolada bari ay ka filayeen inuu Cago dhigto Magaalada Buuhoodle oo ay ku hirdamaan Sadex maamul oo kala ah Somaliland,Punt land iyo Kooxda Khaatumo oo Mid kastaaba sheegato inay Xukunto .
Wasiirka Caafimaadka Somaliland Dr Saleebaan Ciise Axmed Xaglo Toosiye ayaa dhawrkii Cisho ee u danbeeyay ku sugnaa Magaalooyinka Buuhoodle iyo Qori Lugud waxaa la isla dhex marayay in Wasiirku uu u sii gogol xaadhayay in madaxweyne Siilaanyo uu noqdo hogaamiyihii u horeeyay ee Somaliland ee Ku Dhiirada inuu tago Magaalada Buuhoodle ee Wasiirku dhalasho ahaan ka soo jeedo si uu Madaxweyne Siilaanyo u mataaneeyo Madaxweynihii ka horeeyay ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin oo Markii uu Xilka la wareegay go’aan adag ku qaatay inuu tago Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool oo ay Xiligaas ku hirdamayeen Ciidamo ka kala Tirsan Somaliland iyo Punt land .
Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo iyo Weftigiisa ayaa gaadhay Degmada Qorilugud oo hoos tagta Gobolka Buuhoodle halkaas oo uu kaga hor yimid Wasiirkiisa Caafimaadku isla markaana ay Shacabka Magaaladaasi ku adkeeyeen ilaalinta nabadgalyada iyo sidii loo soo celin lahaa Walaaltinimadii ka dhaxaysay beelaha ood wadaagta ah ee Qorilugud iyo Buuhoodle oo ay Wakhtiyadii danbe ka dhex dhaceen Dagaalo aano ku salaysan.
Waxaase la yaab ku ahayd in badan oo ka mid ah Mujtamaca Somaliland inuu Madaxweyne Siilaanyo dumin kari waayay darbiga naanaysta ku noqday ee Ma Tegi kartid Buuhoodle waxaanu xagasha sagaashan mar qudha u gooyay Socdaalkiisii oo uu hoos ugu soo kicitimay Degmada War Cibraan ee Gobolka Togdheer iyadoo warar ku dhow dhow Safarka Madaxweynuhu ay sheegayaan inuu hada kadib ku jihaysan yahay Gobolka Sanaag oo uu kaga qayb galayo daah furka wejigii kowaad ee dhismaha wadada ceerigaabo iyo Burco.
Si kastaba ha ahaatee waa boog ku taal Xukuumada Somaliland inay tahli kari wayday in hogaamiyaheeda u sareeyaa uu gaadhi kari waayay Magaalada Buuhoodle .
Hargaysa SDN/QJ