Jabuuti 21.Dec 2014 (SDN/QJ)- Labada Madaxweyne ee Somalia iyo Somaliland Mudane Xasan Sheekh iyo Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ayaa Shalay ku Kulmay Magaalada Jabuuti,halkaas oo ay ku sii ambo qaadayaan Wada hadaladii u dhexeeyay Labada dal ee Somaliland iyo Somalia.
Wada hadalku waxaa uu ka soo curtay shirkii Lancaster House, London kasoo markii ugu horraysay, muddo 20 sannadood ah, u goleeyay in 23kii February 2012 labada dal si fool ka fool ah u kulmaan.
Waxaa Kulamo foolka fool ah wada yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo iyo Dhigiisa Somalia Xasan Sh.Maxamud
Kulankan ay Wada yeesheen labadda Madaxweyne ayaa ahaa mid Qaddo sharafa ay, kaas oo ka qabsoomay Hotel Kempinski, waxay labada madaxweyne ee Somaliland iyo Somalia markaas kadib u bilaabmay kulamo gaar ah oo aanay saxaafaddu goob joog ka ahayn