Quantcast
Channel: Features – qurbejoog.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 6893

Haddii Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaraha ay heshiin waayan waxa qasab noqoneysa in labadooda ay is casilaan

$
0
0
Waxaan mar labaad doonayaa in Shacbiga Soomaaliyeed u sheego xaqiiqda runta ah ee ku saabsan Khilaafka u dhaxeeya Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud  iyo Ra’iisal Wasaaraha ee Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed in uu ku saabsan yahay Arrimo gaar u ah oo labadooda oo ka dhaxeeyo laakiin wax ku saabsan Nidaamka Dowladda ama Dastuur isku ma heystaan.
Sida xaqiiqda ay tahay Madaxweynaha ma doonayo in uu sheego waxa Ra’iisal Wasaaraha u ku heyso maxaa yeeley haddii uu sheego waxa dhaceeysa Fadeexo xun  , Sidoo kale Ra’iisal wasaaraha Ma doonayo in uu sheego waxa Madaxweynaha ay isku heystaan hase yeeshe Labada nin waxay doonayaan in ay arrinta ka dhigaan siyaasad si ay u qaldaan Shacbiga Soomaaliyeed iyo Beesha caalamka.
Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha waxaan kula talin laha in ay kala saaraan Danta guud iyo Danaha gaarka ah ay isku heystaan ee looma baahno in ay noqdaan laba qof oo ah  Xasan Sheekh Maxamuud iyo Cabdiweli Sheekh Axmed oo dan gaar ah isku heysto ee waxaad tihiin laba mas’uul oo Dal dhan Hoggaaminaaya ee Khilaafka joojiya.
Xildhibaanada Baarlamaanka iyo Golaha wasiirada waxaa loo baahan yahay in si nabad iyo walaal nimo ku jirto loo heshiisiyo Xasan Sheekh Maxamuud iyo Cabdiweli Sheekh Axmed si loo bad baadiyo Qaranimada Soomaaliyeed.
Haddii Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaraha ay heshiin waayan waxa qasab noqoneysa in labadooda ay is casilaan maxaa yeeley danta guud ayaa wax walba ka weyn.
Mahad sanadiin,
Mr. Dahir Mohammed Sheikh
Nairobi Kenya

Viewing all articles
Browse latest Browse all 6893

Trending Articles