Qadaddii Maanta ay qabteen wasiiradda Arrimaha Dibadda iyo Maaliyaddu waxay ku soo biyo shubteen Siilaanyo taageera ka dib baanu anagu musharax nahaye; oo filimkaas miyaan hore beesha Sacad Muuse ugu codeynin Siilaanyo. Ujeedadda kale waxay ahayd kala qaybin ay wasiiraddu kala qaybinayeen beesha Subeer Awal oo musharax cad imika ku haysta xisbigga cadaaladda iyo Daryeelka ee UCID, oo ah Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen. Waxaasoo hawli waxay u dhacayeen in Siilaanyo wasiiro waraabe u taag intuu soo diro yidhaa Muuse Biixina geed ku xidha, taageerayaasha UCID ku qulqulaya ee beesha Sacad Muuse iyagana iga joojiya.
Dadku wey idinka maskax badan yihiin. Samaale, weligaaba Sheekh iska dhig walee maanta qabyaaladdii waad cadeysatay; “Anigoo ah Wasiirka beesha!” waar maxaad tidhi waad na ceebaysaye. Ma beesha Sacad Muuse.
Siilaanyo wuxuu ka dhigtay xoolahii ummadda in qaddo duco loo sameeyo beelaha oo la yidhaa igu taageera. Xaaran weeyaan. Somaliland maanta labadda xisbi mucaarid ayeey kala eegaysaa, Kulmiye ama Dulmiye; walaa Siilaanyo walaa cid ka danbeysa cid wax ku falaysaa ma jirto ee taasi laabta u sheega!.
Runtii aad baan ula yaabay labaddii wasiir iyo dadka ilaa xalay hor boodaayey hebel baa musharax noo ah. Maanta ninka damiirkiisu siiyey inuu wasiir u ahaado Siilaanyo oo dulmi, xatooyo iyo qabyaalad dalka ku wadaa waa nin isaga waxba dhaamin ummaddana masiirkeedda ma qaban doono. Qadaddii maantu waxay ahayd si Sacad Muuse loo kala qaybiyo. Siilaanyo ayaa wuxuu ku dhaqmaa siduu beelaha walaalaha ah isugu dhufan lahaa oo labadda kale ee musharax ee Jamaal iyo Cirro inuu beelahooda iyo xisbiyadooda loo kala qaybin lahaa halka uu beeshiisu u midaysan tahay. Siilaanyo fadlan waxba ha riyoonin nimankan wasiiradda ahina waa iska waraabe u taage waxba haysku halaynin. Tujaartuna siyaasadd faraha ha kala baxdo.
Ali Abdi Food
Virginia, USA