Quantcast
Channel: Features – qurbejoog.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 6893

Shirqoolka Saxaafada Xorta Ah Iyo Dimuqraadiyada(Qeybtii 1aad)

$
0
0

Tan iyo intii ka danbeysay markii C/laahi Cukise uu noqday wasiirka warfaafinta waxa isa soo tarayay buuqa iyo sawaxanka ay saxaafada madaxa bannaani kaga cabanayso

tacadiyada ka dhanka ah ee ay xukuumada Siilaanyo ku hayso warbaahinta kala duwan ee xorta ah.
Waxa aan tusaale usoo qaadan karnaa dhacdadii ugu danbeysay ee uu wasiirkan buuqa jecel ee kala fogeeyay saxaafada iyo xukuumada uu ku sii huriyay dabka. Waxana ay ahayd markii uu sida foosha xun uu afkiisa uga shaaciyay jabka uu la maagan yahay xoriyatul qawlka. Taas oo uu ku caddeeyay in diiwaan galin iyo ruqsado lagu xidhi doono dadka ka shaqeeya xarumaha warbaahinta madaxa bannaan.

Haddaba nuxurka hadalkii uu wasiirku umadda lasoo hor istaagay waxa ay ka mid ahayd qorshe qoran oo aan doonayay in lagu nidaamiyo shaqada wasaarada warfaafinta. Taas oo aan kawada hadalnay wasaarada waqtigii ay masuuliyada ii magacaabaysay.
Balse waxa nasiib darro ah in isaga oo khalkhaldaya hindisaheygii uu dheegtay si jajaban warbaahinta la soo hor istaagay isaga oo sharciga baal marsana soo rogay shuruudo aan ku habooneyn dowlad sheeganeysa inay hirgaliso dimuqraadiyad dhab ah.
Go’aankan qaska dhaliyay waa mid uu jeebka kala soo baxay ninkan wasiirka ah ee canbaarta ku noqday xukuumadii waxqabadka iyo dhismaha ka sheekeyn jirtay. Waxana kuu cadeynaysa halka uu umadii iyo xukuumadii kala geeyay. Taas oo ay ugu danbeysay saxaafadii Somaliland oo aad maanta ogtihiin sida uu u kala irdheeyay iyaga iyo maamulka talada haya.

Haddaba waxa ay shacbigu isweydiinayaan miyaanu madaxweynuhu u warhaynin xaalada uu dalku marayo iyo xubnahan xukuumadiisa ka tirsan ee maamul xumo  darteed guul darooyinka dhaxalsiiyay.
Lasoco qeybaha danbe…..

ALLAA MAHAD LEH

By: Sakaria Abdi Sulub
past PR of the min. Of Inform.
And Senior journalist
Email: sekriasulub@gmail.com
Mob: +252 63-441-3932

 

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 6893

Trending Articles