Quantcast
Channel: Features – qurbejoog.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 6893

“Anigu Nin Ciise ah Baan ahay oo waxan dhignay Faalkii, waxana Kasoo Baxay Inaan Siilaanyo Wax Ka Xumaado Mooyaane Waxba u Hagaagaynin..”Xildh. Aareeye

$
0
0

Burco:Nov,12,2014(SDN/QJ)-Xildhibaan Cali Xaaji  Aareeye oo kamid ah Mudanayaasha Baarlamaanka somaliland ugu jira Xisbiga Waddani, ayaa sheegay in faal la dhigay lagu ogaaday in Madaxweyne Siilaanyo Arrimihiisu aanay ifafaale fiican lahayn.

arreeXildhibaan Cali Aareeye oo ka Hadlay Dhoolatus Xisbiga waddani ku yeeshay Magaalada Burco, ayaa tilmaamay in Faalka Beesha iyo Moorada beesha uu kasoo jeedaa caanka ku tahay lagu eegay Sida u Noqon doono Mustaqbalka dambe ee Madaxweyne Siilaanyo, kaas oo sida uu sheegay muujiyey inaanu fiicnayn.

Xildhibaanka ayaa si cad u sheegay in Odayaasha Beeshiisu Faalkii ay dhigeen muujiyey in arrimaha Madaxweyne Siilaanyo yihiin qaar isku dhex daadsan oo aan u soconin sidii Haboonayd,

“Anigu Nin Ciise ah Baan ahay oo waxan dhignay Faalkii, waxana la yidhi, Goor buu bilaabmay baa la yidhi Sanadka Islaamku, Odayaashiina waxan ku idhi Sabti buu bilaabmay, Odayaashiina waxa ay yidhaahdeen Haddii uu Sabti Bilaabmay Siilaanyo Wax ka Xumaado Mooyaane Waxba uma Haggaayaan.”Ayuu yidhi Xildh. Aareey.

Beesha uu kasoo jeedo Xildhibaan Aareeye ayaa iyadu inta badan caan ku ah Faalka iyo Moorada oo ah caadooyin kamid ah dhaqanka dadka soomaalida ah, waxana inta badan faalkaas natiijadiisu noqotaa Mid  la arko iyo mid la waayoba.

Mudane Aareeye oo mar ay saaxiib dhaw ahaayeen Madaxeyne Siilaanyo ayaa dhawaan noqday Mucaarid adag oo ay waliba Kooxda Madaxtooyadu si weyn u dhibsatay Hadalladiisa uu  ku durayo Madaxweynaha, waxana jawaabo isdaba socsocday oo amar ku soconayey kadab tuuray Shakhsiyaad Beeshiisa ugu jira Xukuumadda, kuwaas oo ku guuldarraystay Inay madaxweyne Siilaanyo ka Maydhaan Qardoofooyinkii kasoo Gaadhay Hadalkiisa.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 6893

Trending Articles