Togga-eeri:Nov,11,2014(SDN/QJ)-Siyaasiga Dibad-wareegga ah ee sheegta Madaxweynenimada Khaatumo, ayaa warbaahinta u sheegay in xukuumadda Ethiopia ay raalligelin ka siisay tallaabadii bishii hore dalkeeda uga mustaafurisay mar uu shir kaga qaybgelayey.
Cali Khaliif waxa sheegtay inay soo gaadhay warqad qoraal ah, taas oo si buuxda loogaga raalligelinayo foolxumadii loogu geystay Gudaha Ethiopia oo laga caydhiyey.
“Ismaandhaaf waa dhacay, dowladda Ethiopiana aniga qof ahaan raaligalin ayay i siisey, iyada oo qoran iyo iyada oo dad loosoo faray ay Nairobi iigu yimaadeen, anaga iyo Ethiopia xisdiidh fiican ayaa naga dhaxeeya” ayuu yidhi Cali Khaliif.
Wuxuu intaasi ku daray in dhul badan oo ka tirsan ismaamulka Soomaalida Ethiopia ay degenyihiin dad u dhashay gobolada uu madaxweynaheeda sheegto, isagoo intaasi ku daray in Ethiopia ay kala dhaxayso wadashaqayn xaga amniga ah.
Mar uu ka jawaabayay su’aal ahayd in ciidamada Ethiopia uu marar dhawr ah ka magan galay ciidamada Somaliland ayuu sheegey in waligiis ciidamada Ethiopia aanu ka magangelin Somaliland, wuxuuna intaasi ku daray markii Somaliland ay ahaayeen jamhaddii SNM ay saldhigyo ku lahaayeen Ethiopia, halkaasina uga soo duuli jireen dowladdii Soomaaliya, balse Khaatumo aanay wax saldhig ah ku lahayn meel aanan dalka ahayn.
Wuxuu sheegey in marka uu Maraykanka kasoo laabto in uu qorsheynayo in uu Ethiopia toos u aado, isagoo sheegey in uu ka heysto casuumaad rasmi ah.
Mar uu ka jawaabayay su’aal ahayd waxa ay la tahay in sababaha Ethiopia looga musaafuriyey ay ka dambeeyeen Somaliland iyo Puntland ayuu sheegey in xidhiidhka ka dhaxeeya labadaasi Dal iyo Ethiopia ay muhiimsanyihiin danaha ka dhaxeeya Ethiopia iyo dadka uu madaweyahooda sheegto, isagoo intaasi ku daray in xidhiidhka Ethiopia aanay usii mari doonin Puntland iyo Somaliland.
SDN/QJ