Quantcast
Channel: Features – qurbejoog.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 6893

Wasiirka Hawlaha Guud Oo Ku Dhaatay Inay Xukuumaddu Xaq u leedahay Iibinta Guryaha Danta Guud, Hibayntoodana Xalaashaday

$
0
0

Hargeysa:Nov,11,2014(SDN/QJ)-Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Guryeynta Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed, Waxa uu markii ugu horraysay fasiraad ka bixiyey sababaha keenay Boobka Hantida Dawladda iyo Guryaha Danta Guud, taas oo Beryahan dambe bulshadu si weyn u hadal haysay.

wasiir khaliifWasiir Cabdirisaaq oo la Hadlay warbaahinta ayaa tallaabada xukuumadda uu ka tirsan yahay ku xaraashayso Guryahaas Dadka shacabka ahi ku jiro ku tilmaamay mid ay xukuumaddu xaq u leedahay, isla-markaana aanay cidna uga Fasax qaadanayn.

Waxa uu ku Adkaystay in lagu iibinayo talo iyo amar ka yimi  Madaweynaha somaliland, kaas ooh ore ugu Khudbadeeyey inay dhammaan Guryaha Xukuumaddu leedahay la Iibin doono, isla-markaana looga Faa’iidaysan doono  hannaan ay kaga Manaafac badan yihiin sida ay Haatan Yihiin.

“Maalmahan waxa Dareenka Dadka aad ugu badnayd Guryo la Iibiyey, waxase aan doonayaa inaan caddeeyo in iibinta Guryahaasi aanay wax la qarinayo ahayn ee ay tahay xaq darstuuri ah, cidda xaq u leh dhulkaas maaamulkeeda haddii ay ahaanayso in loo kaydiyo qaranka, haddii ay noqonayso khayraadkii dalkay ka mid tahee in la iibiyo,  iyo Hadii ay Noqonayso cid ku haboon in lasiiyo oo la Hibeeyo cidda awoodaas iyo xilkaas iska lihi waa xukuumaddaas xilka Haysa qarina mayno ooo la dhuuman mayno.”ayuu Yidhi Wasiirku.

 

Wasiirku waxa uu intaas ku daray in Iibinta Guryahaasi ay ku timi soo jeedin madaxweyne oo salka ku Haysa in  loo beddelo qaab qaranka faa’iido u ah, maadaama haatan Aqalllada dadka shacabka ahi ku jiraan aanay xukuumadda iyo Guryaha midna faa’iido badani kasoo gelin, waxana uu yidhi,

 

“Guryaha la iibinayey waxa Madaxweynuhu soo jeediyey in maadaama Gurhiyii iyo dhulkii ay dawladdu lahayd sidii ay ahaayeen aan looga Faa’iidaysan muddo bandanna ay gacanta shacabka ku jireen qodobo la isla qaatay oo khudbad-sanadeedkii 2013-kii uu Madaxweynuhu ku daray Baa Jirtey, kuwaas ahaa in Guryahaas Hantidaa dawladda La iibin doono loogana Faa’iidaysan doono qaab ay kaga faa’iido badan yihiin sida ay Hadda Yihiin.”

 

Wasiir Cabdirisaaq Khaliif Axmed waxa uu ku adkaystay in Guddi loo saaray sidii Aqallada Dawladda Loo Iibin lahaa ay Isla Garteen in Ugu horrayn la Iibiyo Tiro kamid ah Guryahaas oo dad shacab ahi ku jireen, waxana uu xusay in Guddidaasi kulamo la yeelatay dadkii Guryahaas ku jirey, isla-markaana ay  u sheegeen in  xukuumaddu dhulkeeda u Baahan tahay haddii ay diyaar yihiinna iyaga mudnaanta Iibka la siin doono,

 

“iyadoo Muwaadiniinta aynu u tudhayno xaqna ay u leeyihiin inay ku noolaadaan, waxa ahayd Go’aan madaxweyne waxana aanu Bilownay Wasaarad ahaan iyo Guddidii loo xilsaaray ee dastuurka iyo xeerka Dhulku siinayey inaanu ka dhigno wajiyo badan oo 14-Guri, oo Guryihii dadka baayac-mushtarka ahi la wareegeen ee gacanta ku Hayeen, runtii Intooda Badanna ay danaynayeen ayaanu ka Bilownay Hawshaas iyada ah inaanu Ka Bilowno waxana aanu Bishii Afraad ee sanadka la  kulanay dadkii Guryahaas ku jirey, waxana aanu u sheegnay in Guryihii dawladdu u baahan tahay waxana aanu u raacinay in Guddi  madax Bannaan loo diri doono oo ay soo qiimayn doonaan, Intaas kadibna ciddii awood u lihii muhiimad gaar ah iyaga  la siin doono Haddii ay Iibsan kari waayaana  laga saari doono.”ayuu  yidhi Wasiir Cabdirisaaq Khaliif Axmed.

 

Wasiirku waxa uu sheegay in Guddi Madaxweynuhu u xilsaaray Arrimaha Guryaha Qaranka ay Digniino kala dambeeya u direen Dadkii ku jirey Tiradaas Guryaha ah ee la isla Gartay in Iibkooda la horraysiiyo, waxana uu xusay in Saddex kamid ah oo awaamiirtii lasoo saaray u hoggaansami waayey ciidanku xoog kaga saareen Ciddii ku jirtey,

 

“waxa jirey dad Guryahaas dad laga Kireeyey waxna  Geliyey, kuwaas ciddii ka m id ah ee awoodi kari weyda inay iibsadaan, Waa la qiimaynayaa wixii ka galay waana loo celinayaa, GuryahaasDadkaas qaybo kamid ahi waxay galeen heshiiskii qaybo kalena ma ay gelin, waxanala siiyey Digniino kala dambeeya oo qaarkoodna lagaga dalbanayo inay Heshiiskii galaan, qaarkoodna lagaga Dalbanayo inay lacagtii ku shubaan, arrintaasina inteeda Badani sideedii bay ku dhamaatay, Markii ay dhamaadeen dhammaan digniinihii wasiir kuxigeenkaygu wuxuu kasoo saaray Qoraallo intii aan Heshiisyadii fulina Dawladdu Guryhaas way la wareegtay waxana Hadda Ciidamo joogaan oo dawladdu la wareegtay Saddex Guri.”ayuu Yidhi Wasiir Cabdirisaaq Khaliif.

 

Wasiirku waxa uu xusay in Iibka Maanta xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo kula kacday Aqallada Dawladdu ka Duwan tahay iibkii Xukumaddii Kulmiye, waxana uu arrintaas caddayn uga dhigay inay Lacagaha Guryahaas kasoo xeroon doonaa ku jiraan Miisaaniyadda qaranka, isla-markaana ku calaamadsan yihiin iibin, waxana uu yidhi,

 

“Waad Ogtihiin Raggii Dawladihii naga Horreeyey  kamidka ahaa ee Hadda Arrinta ka HadlayaaMaanta anigaa wasaaraddii Gacanta ku Haya Farqiqa noo dhexeeya waa iyagu iibkii ay  iibinayeen waxay ku dhacaysay Hanti gaar ah oo cid gaar ah bay gacantooda Gelaysay, laakiin Tani waxay ku dhacaysaa Khasnadda Dawladda waxana ay ka Muuqanaysaa Miisaaniyadda qaranka ee 2015-ka.”

 

Wasiirka Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Guryeynta Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed waxa uu dhinaca kale Ka Hadlay Arrimo la xidhiidha Aqallo Dawladdu lahayd oo saxaafadu baahisay in cid gaar ah la siiyey, waxana uu ku adkaystay inaanay wax lala yaabo ahayn in ciddii loo garto la siin karo Guryo, isagoo tusaale u soo qaatay Xukuumaddii Daahir Rayaale oo Madaxdeedii oo Madaxweynuhu ugu horreeyey qaateen           Aqallo dawladeed, waxan uu isagoo arrintaas ka Hadlaya yidhi,

 

“Arrinta  Siinta Iyo Hibaynta, waxana maqlayey dad soo qoraya Hebel baa wax la siiyey  waxase weeye Muwaadintiinta somaliland waa isku xaq cidda loo garto inay waxaas xaq u leedahayna horena way u dhacday oo Dawladihii  naga horreeyeyna way ka dhacday  Haddeerna way way dhacday, Tusaalena Madaxweynihii Daahir Rayaale Shakhsi ahaan aqal buu u qaatay Madaxweyneku-xigeenkiisiina Aqal Buu Siiyey, wasiirradiisii qaybo kamid ahna wuu siiyey, Guryahan aanu haddan Miisaaniyadda Qaranka  ku daranayna Dhammaantood waxay ku qoran yihiin waanu iibinay kuma qorna waanu siinay, laakiin xukuumad naga horraysa oo waanu iibinay qortay ma jirtee waxa ku qoran waanu siinay.”

 

Wasiirka oo Hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in sidii Daahir  Rayaale iyo wasiirradiisii u qaateen Guryo Dawladeed ay kuwa ka tirsan Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo iyo Golayaasha Kale ee Baarlamaanku u mudan yihiin oo xaq ugu leeyihiin inay Aqallo  loo hibeeyo ama la siiyo,

 

“Miyaanay Xaq u lahayn Hadii madaxweynihii hore  qaatay inuu Madaxweynahani qaato, miyaanu xaq u lahayn inuu Madaxweyne kuxigeenku qaato, wasiirradiisu miyaanu xaq u lahayn, Halkka lag siiyey Madaxweyne-ku-xigeenadii hore oo xasan ciise ka mid yahay, Cabdiraxmaan Aw Cali oo dalka usoo halgamay oo abaal badan ku lihi miyaanu xaq u lahayn.” Ayuu yidhi Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Guryeynta Somaliland.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 6893

Trending Articles