Ottawa Oct 20,2014(SDN/QJ)-Bulsho weynta reer Jabuuti ee dalka Canada ayaa xaflad soo dhaweyn ah magaalada Ottawa uGu sameeyay Shekkh Cabdiraxmaan Bashiir oo muda xabsiga uGu jiray xukuumada Jabuuti,
Bushada reer Jabuuti ayaa sheikh uga mahadceliyay dedaalka uu uGu jiro sidii dalka Jabuuti isbedel siyaasadeed oo dhab ah looga hirgelin lahaa.
Bulsho weynt soo dhaweysay Sheekha ayaa waxa ka mid ahaa siyaasiyiin ka mida dalada mucaaridka ah ee dalkan ku nool iyo fanaaniinta Nimco Jaamac iyo Cawaale Aadan.
Fanaaniita ayaa xaflada ka qaado heyso ay sheikh iyo mucaaridkaba ku dhiiri gelinayaan oo bulshadu u riyaaqday.
Ergeyga Dalada Mucaaridka Jabuuti ee dalkan Canada Md Xuseen Cabdiraxmaan Cadhoole oo halkaa khudbad kooban ka jeediyay ayaa sheekha ku soo dhaweeyay Ottawa oo uu deganaa isla markaana sheegay in kulnku ahaa mid soo dhaweyn ah.
Sheekh Cabdiraxmaan Bashiir oo kulanka ka hadlay ayaa dhankiisa sheegay in uu ka mahadcelinayo dedaalkii reer Ottawa ee siideyntiisa, iyo in uu u taagan yahay isbedel Jabuuti ka dhaca.
“Waxaan u nahay isbedel doon, dalkuna waa uu inaga wada dhexeeyaa balse Madaxdeenu in ay dalka burburiyaan ayay doonayaan.” ayuu yiri Sheekhu.
“Dalka Jabuuti waa dal qani ah ma jirto sabab aanu u noqon karey sida France iyo Canada oo kale “ayuu sheikh hadalkiisii ku soo gunaanaday.
SDN/QJ-Ottawa
contact@qurbejoog.com