Quantcast
Channel: Features – qurbejoog.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 6893

Siciid Cali Muuse oo ka Hadlay inuu Gudoomiye ka Noqdo Komiishanka Cusub ee Doorashooyinka DAAWO

$
0
0

Hargaysa 12.Oct 2014 (SDN/QJ)-  Suxufiga caanka ah ee Siciid Cali Muuse oo muddo sannadood ah ka shaqaynayey Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da, isla markaana caan ku ahaa Barnaamijyo uu ka mid yahay Bandhigga Ciyaaraha, ayaa ka sheekeeyey markii ay ugu darnayd intii uu Saxaadda Saxaafadda ku jiray iyo dhacdadii ugu yaabka badnayn uguna naxdinta badnayn iyo ta ay ahayd.

Siciid Cali Muuse oo ka mid ah Xubnaha cusub ee Guddiga doorashooyinka loo magacaabay toddobaadkii tegay, isla markaana uu Madaxweynaha Somaliland dhawr maalmood ka hor u gudbiyey magacyadooda Golaha Wakiillada si ay u ansixiyaan, iyagoo sharci ahaan awood u leh kala shaandhaynta iyo kala-reebista toddobada Xubnood ee loo magacaabay Guddiga cusub ee Doorashooyinka Qaranka Somaliland.

SICIID CALISannadkii 1989-kii, ayaa isagoo magaalada Riyadh ee dalka Sucuudiga jooga BBC loo qaatay, isagoo ka shaqyanayey muddo 20 sannadood ah. Waxa lagu xusuustaa Waraysiyo iyo Barnaamijyo xiiso leh oo uu samayn jirey sida Cawayska Sabtida oo caan noqday.

Laakiin, dad badan waxay Siciid Cali Muuse ku xusuustaan Ciyaaraha, oo uu aad uga warrami jirey, isagoo ka soo tebin-jirey Qaaradda Africa sida Burkina Faso, Masar iyo dalka Ghana.

Dhawr waddan ayuu doorashooyinka ka soo warramay sida Kenya, Djibouti, Iran iyo Kenya, iyo tii 2004 lagu doortay Madaxweynihii Ku-meel-gaadhka ahaa ee Soomaaliya Cabdillaahi Yuusuf Axmed. Wuxuu Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da ka gaadhay Soosaare Sare.

Hase-ahaatee, 2010-kii ayuu BBC ka tegay oo ka mid noqday Qaramada Midoobay, gaar ahaan tan dalka Sudan-ta Koonfureed ee gobolka Darfur oo muddo 2 sannadood ah Madax ka ahaa Idaacadda Qaramada Midoobay (UN) ee Darfur. Hadda Saciid Cali Muuse wuxuu ahaa Agaasimaha Warbaahinta ama Communication-ka ee Wasaaradda Arrimaha Debedda ee Somaliland iyo Afhayeenka- Wasaaraddaas-ba.

Waxaana Siciid Cali Muuse uu sidoo kale ka warramay hankiisa inuu Guddoomiyaha toddobada xubnood ee Guddiga doorashooyinka noqdo la xidhiidha iyo rejadiisa inuu ka gudbi doono Golaha Wakiillada Somaliland oo si ay u ansixiyaan uu toddobada xubnood ee uu ka midka yahay ee Madaxweynuhu u gudbiyey Wakiillada.

Siciid Cali Muuse oo arrimahaas iyo kuwo kaleba ka warramaya, isla markaana talooyin siinaya Weriyayaasha tiradoodu dabarka goosatay ee guud ahaan Soomaalida, gaar ahaan Somaliland iyo Soomaaliya, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Warbixintiisa oo dhammaystiran Muuqaalkan hoose ee Daawasho Habboon.

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 6893

Trending Articles