Quantcast
Channel: Features – qurbejoog.com
Viewing all 6893 articles
Browse latest View live

Wiil ay Wasiir Xirsi Ilmaadeer Yihiin Oo Dil Toogasho ah Lagu Xukumay iyo Muuqaal Yaab Badan Oo Laga Duubay DAAWO

$
0
0

Muqdisho:July,08,2014(SDN/QJ)-Mucaawiye Axmed Xasan oo sheegtay inay Ilmaadeer yihiin wasiirka Madaxtooyada somaliland, ayaa dil Toogasho ah ay ku xukuntay Maxkamad ku taalla Caasimadda Somalia ee Muqdisho.

caawiyeWiilkan ayaa  lagu eedeeyey, isla-markaana Qirtay inuu doonayey inuu Huteel ku yaalla magaalada Muqdisho ka fuliyo qarax loogu talo galay in dad lagu laayo.

Wiilkan dhallinyarada ah ayaa cadddaymaha loo adeegsaday marka qiraalkiisa laga yimaaddo wax aka mid ah Muuqaal ay duubtay Kamerada CCT-da loo yaqaanno oo huteelka ku xidhnayd, taas oo duubtay dhammaan dhaqdhaqaaqyadii uu sameeyey daqiiqadihii uu falkan ku  hawllanaa.

Maxa Laga Dhex Helay Kamerada Qarsoon?

Muuqaalka Kamirada Qarsoon ee ku xidhneyd Hotel-ku waxay muujineysaa Mucaawiye Axmed Jaamac iyo nin ka horeeyay oo soo gelaya Hotel-ka.

Ninka la socday Mucaawiye oo ku lebisnaa isku joog,wuxuu watay Computer-ka gacanta kaas oo lagu soo dhex rakibay qalabka qarxa hase yeeshee markii ay galeen gudaha Hotel-ka ayuu ninkii ku wareejiyay Mucaawiye Computer-kii gacanta.

Ninkii ku lebisnaa isku jooga quruxda badan ayaa dib uga laabtay Hotel-ka,wuxuuna u baxay dibada oo lagu diyaariyay gaadhi laga buuxshay walxaha qarxa.

 

Mucaawiye Axmed Jaamac oo fadhiyay gudaha Hotel-ka ayaa Computer-kii gacanta kala furay kadibna intuu xabadka saartay u dhaqaaqay Miis ay fadhiyeen dad farabadan oo ku shaahayay.

Macaawiye ayaa taabtay halkii loo tilmaamay inuu ka qarxiyo Computer-ka hasse yeeshee nasiibdaro qaraxii ma noqon sidii uu filayay, Dadkii ayaa yaacay isagana wuxuu  isku tuuray dhulka isagoo iska dhigaya inuu ka mid yahay dhibanayaasha.

Ciiidanka Nabad-sugida ayaa qabtay Mucaawiye Axmed Jaamac,waxaana laga duubay Wareysi maqal iyo muuqaala maalmo kala duwan

Mucaawiye wuxuu sheegay inuu ku dhashay Burco  oo ay  ilma adeer yihiin Wasiirka Madaxtooyadda Xirsi Cali Xaaji Xasan.

“Waxaan ka imid Burco,waxaan u dhashay qabiilka Isaaq gaar ahaan Habar jeclo ,Raaska Axmed Faarax,hooyadeey waa Gadabuursi gaar ahaan Makaahiil,Reer Nuur,wuxuuna qorshaheygu ahaa inaan qarxiyolaakiin waa fashilmay” ayuu yidhi Mucaawiye Axmed Jaamac.

Waa Falkii ugu horreeyey ee fashilma marka laga hadlayo Qaraxyda Muqdisho ka dhaca, waxase aan saxaafadda loo soo bandhigin xogaha kale ee uu wiilkani Bixiyey intii ciidamadu waraysanayeen.

SDN./QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com


Shir-Doceed Ka Dhan ah Xukuumadda Siilaanyo Oo Habeenkii Xalay ahaa Hargeysa Ka Qabsoomay iyo Qoddobadii lagu Faaqiday

$
0
0

Hargeysa:July,08,2014(SDN/QJ)-Magaalada Hargeysa, gaar ahaan Hutel Mansoor, waxa  Habeenkii xalay ahaa ka dhacay Shir Saacado badan socday oo ay iskugu yimaaddeen siyaasiyiin, Madax-dhaqameedyo, aqoonyahanno, waayeel iyo dhallinyaro ka soo jeedo Beelaha  ku Abtirsada Magaca Habar-magaadlada.

tpeoShirkan ayaa ahaa mid xogtiisu daboolnayd, waxana sida wararka ka soo baxay sheegayaan lagu lafo-guray sidii Go’aan midaysan looga qaadan lahaa xukkuumadda madaxweyne Siilaanyo Hoggaamiye oo inta badan beelaha magacaas ku abtirsada iyo kuwo kale oo dalka deggeniba ka qanceen inay dalka majaraha u sii hayso.

Waxa si weyn la iskula soo qaaday  isla-markaana garowshiiyo laga  bixiyey dhaqannada qallafsan ee xukuumaddani caanka ku tahay iyo sida ay u lumisay taageeradii shacabka oo markii hore si midaysan kurisiga u saaray.

Shirkan ayaa  la sheegay inay beelahaas intoodii joogtay isku hogo-tusaaleeyeen sida loogu baahan yahay inay cududdooda u mideeyaan, maadaama xukuumaddan oo ay si cad uga qanceen haddan caddaysay inuu madaxweynaheedani mar kale talada  usoo hangallasanayo.

Waxgaradkii Halkaas ka Hadlay, ayaa dhammaantood isku raacay in diyaar u yihiin hirgelinta Tallaabo kasta oo lagaga hortegayo sidii aanu madaxweyne Siilaanyo markale talada dalka ugu soo noqon lahayn, isla-markaana ay qorshe midaysan ka yeellan doonaan ciddii beddelkiisa ay taageerarooda dul dhigi doonaan.

Shirkan xalay Qabsoomay ayaa ahaa mid siyaasadeed, waxana Dadkii fadhiyey dhammaaantood ay taageerayaal u yihiin musharrixiinta Jamaal Cali Xuseen iyo Cabdiraxmaan Cirro oo doonaya inay dalkan ka noqdaan Madaxweyneyaal.

Wararka u dhuun daloola shirkan ayaa sheegaya in Beelaha Habar-yoon iyo Habar Awal halkaas ku soo hadal qaadeen in loo baahan yahay  is garabsi iyo is taageeris kursiga lagaga tuurayo Madaxweyne Siilaanyo oo labada Beeloodba si weyn uga soo horjeedaan.

Waxa Halkaas la iskugu waafaqay in shirar dambe oo joogto noqda la yeesho, isla-markaana Fikir iyo cudud midaysan lagu Galo Dagaalka ka dhanka ah Madaxweyne Silaanyo oo inta Badan ay waddo Beesha Cududda weyn ku leh ee Caasimadda ee Habar-awal.

 

Shirar kan la mid ah ayaa lagu wadaa inay ka dhacaan meelo badan oo dalka ah, kuwaas oo Beelo badani kaga tashan doonaan aayahooda siyaasadeed iyo  halka ay codkooda marin dooonaan Doorashooyinka soo socda.

 

 

SDN./QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Madaxweyne Siilaanyo oo Gaadhi Gudoonsiiyay ardaygii ugu Sareeyay Tartan Qur’aan oo uu Qabanqaabadiisa lahaa,Khudbadihii laga Jeediyay {DHAGAYSO IYO SAWIRO}

$
0
0

Hargaysa 08.July 2014 (SDN/QJ)- Madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ayaa Galabta Qasriga Madaxtooyada abaal marino kala duwan ku gudoonsiiyay arday ka socotay Gobolada dalka oo ka qayb qaadanayay Tartanka Qur’aanka Kariimka ah.

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sh. Khaliil C.laahi Axmed oo halkaasi ka hadlay ayaa tilmaamay sida ay Xukuumada uga go’an tahay kor u qaadista Kitaabka eebbe,Waxaanu intaas ku daray in Maanta idaacada Qur’aanka Kariimka ah laga dhagaysto dhamaanba gobolada Somaliland .

Xubno ka mid ah Gudida Qaban qaabada Tartankan ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland ku amaanay agaasinka tartankan .

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo oo Hadal kooban halkaasi ka soo jeediyay ayaa ku bogaadiyay ardaydii ka qayb qaadatay Tartankan dadaalkii ay Muujiyeen Waxaanu intaas ku daray in dawladu ay weynaynayso barashada qur’aanka kariimka ah.

 

 

Gaba gabadii Waxa uu Madaxweynuhu abaal marino kala duwan ku gudoonsiiyay ardaydii Kaalmaha hore ka gashay tartankaas.

 

Madaxweynaha ayaa ugu horaynba waxa uu gaadhi noociisu yahay TOYOTA NOAH gudoonsiiyey wiilkii hogaaminaayey Ardaydaasi ee kaalinta koowaad ku guulaystay iyo kaalinta labaad, saddexaad iyo Afraad, oo sidan u kala horeeya

 

1.     Cabdilaahi Maxamed Cali (Gobolka Maroodi-jeex) kaalinta koowaad

 

2.     Shucayb Maxamed Cabdilaahi (Gobolka Sool) labaad

 

3.     Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Gobolka Togdheer) saddexaad

 

4.     Jamaal Cabdinaasir Xuseen (G/Maroodi-jeex) afraad

GUJI HALKAN OO MOBILKAAGA KA DHAGAYSO KHUDBADIHII LAGA JEEDIYAY ABAAL MARINTA TARTANKA QUR’AANKA KARIIMKA


IMG_0037 IMG_0043 IMG_0047 IMG_0056 IMG_0059 IMG_0065 IMG_0067 IMG_0076 IMG_0086 IMG_0092 IMG_0101 IMG_0106 IMG_0109 IMG_0115 IMG_0120 IMG_0140 IMG_0148 IMG_0156 IMG_0161 IMG_0163 IMG_0167 IMG_0170 IMG_0178 IMG_0184 IMG_0189 IMG_0192 IMG_0196 IMG_0200 IMG_0202 IMG_0205 IMG_0206 IMG_0208 IMG_0210 IMG_0213 IMG_0220 IMG_0222 IMG_0226 IMG_0233 IMG_0236 IMG_0242 IMG_0257 IMG_0258

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

 

Xilka Germany oo 7-1 Afka Juuqda Gabey Uga Dhigey Xulka Brazil(World Cup Semi Finals) By Jaahuur.

$
0
0

download (3)Brazil-08-June-2014-(SDN) Saaxiibayaal qormadeena ciyaraha waxaynu ku eegeyna Brazil oo danbiilo goolal ah shaandhada lagaga dhigey talow maxay galabsatey?

Akhyaartay ciyaartan oo lawada sugayey oo la islahaa waa ciyaar lagu raaxeysan doono ayaan u dhicin sidii la filayey oo xitaa bahweynta ciyaaraha jecel waxay is lahaayeen waxaa la iskaga badin doonaa goolal aan badneyn ama waxaa la isla gaadhi doonaa rigoorayaal,laakiin waxyaabihii la saadaalinaayey sdii la rabey umey dhicin.

War iyo dhamaantii Ciyaartu markey bilaabanteyba waxa garoonka iyo kubadda xukumaadoodaba waxaa hogaanka u qabtey xulka Germany oo dhinac kastaba u baashaalayey.

Qeybtii hore ee ciyaarta Germany waxaa goolkii u horeeyey daqiiqaddii  11-aad qalinka ugu duugey Muller,kii labaadna waxaa daqiiqaddii 23-aad u raaciyey Klose,kii 3-na waxaa kaga yaabsadey Kroos,kii 4-na isla kroos ayaa ugu deeqey,kii 5-na waxaa ku baashaaley Khedira.

Qeybtii dambe ee ciyaarta fari kama qodna faanoole daqiiqaddihii 69-aad iyo 79-aad waxaa waxaa ku karbaashey kuna sagootiyey Shurrle,Laakiin goor aay xeedhiyo fandhaal kala dhaceen waxaa dhamaadkii ciyaarta goolkii ugu horeyey brazil ku sadaqeystey Oscar.

Haddaba walow aay Brazil ka maqnaayeen Silva iyo Nymar uma noqoneyso marmarsiiyo Brazil jabka ku dhacay iyaga oo waliba gurigooda ku ciyaaraya.

Asxaabtay bal eynu eegno bari waxa kala qabsada Netherland iyo Argentina haddii Ala ina gaadhsiiyo.

W/Jaahuur

SDN

jjaahuur@hotmail.com

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka Gilgishay Warar sheegay inuu Madaxtooyada ka Orday Weerarkii Xalay,Beeniyayna Inuu dhaawac soo gaadhay isagoo Cadeeyay inuu Nool yahay Daawo

$
0
0

Muqdisho 09.July 2014 (SDN/QJ)- Shir jaraa’id uu madaxtooyadda ku qabtay Xasan Shiikh Maxamuud madaxwaynaha DF ayuu kaga hadlay weerarkii halista ahaa ee kooxda Alshabab kusoo qaaday Villa Smalia.

Xasan Shiikh Maxamuud oo dadku ay ka sugayeen tilaabadan ay ka qaadi doonan kooxda Alshabab ayuu ku hadaaqay inuu nool yahay isla markasna uu dhex fadhiyo Villa Somalia isla markasna waalidiinta looga baahan yahay inay caruurtooda Alshabab kala baxaan.

Waxa uu hadalkiisa ku sheegay masuul kasta oo DF ka tirsan inaysan wax saamayn ah kasoo gaarin weerarkii Kooxda Alshabab kusoo qaaday xarunta dowladda Muqdisho Xasan ayaa sheegay dowladdiisa inay hadda dhaaftay heerkii kooxda Alshabab ay ka carari lahayd.

Docda kale kooxda Alshabab ayaa sheegatay weerarkii caawa lagu qaaday Villa Somalia kaasoo ay ku tilmaameen inuu ahaa mid qorshaysay oo lala damacsana madaxda DF.

Weerarka Alshabab ay Caawa kusoo qaaday Villa Somalia ayaa iskugu jiray Is-miidaamin iyo weerar toos ah wuxuna socday wax ka badan hal saac iyadoona ilaa iyo hada lamaha amaanka ay san wax faah faahin ah kasoo saarin khasaaraha rasmiga ah ee uu dhaliyay.

Xasan Shiikh Maxamuud ayaa bilowgii Ramaadaan ku dhawaaqay barnaamij la yiraahdo NABAD KU AFUR kaasoo isku badalay naxdin ku afur maadama ay sii xoojisay kooxda Alshabab weerarada ka dhanka ah rayidka iyo masuuliyiinta dowladda.

Ma ahan markii ugu horaysay oo ay kooxda Alshabab weerar noocaan oo kale ah ay ku qaado xarunta Villa Somalia balse waxa uu imaanayaa xili saluug dhanka Amniga ah laga muujinayo Muqdisho.

Muqdisho SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

 

Sirdoonka Djibouti Oo Aqallada Hargeysa Muwaadiniin Kala Soo Baxaya iyo Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo Oo Wali Sii Wadda Ka-ganacsiga Shacabkeeda

$
0
0

Hargeysa:July,09,2014(SDN/QJ)-Wali waxa  ay Xukuumadda Somaliland  sii waddaa Ka-Ganacsiga Muwaadiniinteeda, waxana Habeenkii  Xalay Sir-Doonka Dalka Jabuuti oo kaashanaya Ciidamada RRu-da ee Somaliland ay Gurigooda kala baxeen lamaane is qaba oo deganaa Xaafadda Jig-jiga yar ee magaalada Hargeysa.

tepLammaanahan Xaaska ah ee is Qaba oo magacyadooda la kala yidhaahdo Cabdilaahi Caawiye iyo Nuura Aw-yuusuf Odowaa, ayaa Qafaalashadooda ay ka dambeeyaan xubno ka mid ah Sirdoonka Dalka Jabuuti oo ku sugan Magaalada Hargeysa, kuwaas oo la sheegay inay daba joogaan isla markaana daydayayaan cidii ka dambaysay Qaraxii dhawaan lala beegsaday Dalka Jabuuti, iyagoo horena Gacanta ugu dhigay Saddex Muwaadin oo reer Somaliland ah, kuwaas oo qaar ka mid ah Geeri lagu sheegay.

Waxa  kale oo Habeenkii Isniintu Soo Galaysay Laga Fuliyay Hawl-gal labaad Agagaarka Jaamac Gunti ee Xaafadda Xero-Awr ee Magaalada Hargeysa, iyadoo Halkaana lagula Baxay laba nin oo ay ehel yihiin muwaadin hore loogu gacan geliyey Sirdoonka Djibouti oo ka Hawlgeli jirey Xawaaladda Jubba.

Hawl-galadan Sirdoonka Dalka Jabuuti kula Baxayaan Muwaadiniinta reer Somaliand oo bilaabmay habeenkii isniintii iyo Salaasadii ee Wiigan aynu ku jirno ayaa ka dambeeyay imaatinkii ay dalka kusoo laabteen Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Cali Maxamed Warancade iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Taliye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan, kuwaas oo safarkooda imaatinka ay ku wehelinayeen laba xubnood oo ka tirsan Sirdoonka Dalka Jabuuti, halka Laba xubnood oo kalena Hore u sii Joogeen Dalka.

 

Hawl-galkan Xubnaha Sirdoonka Jabuuti iyo Ciidamada RRU-da Somaliland ay ku fuliyay lamaanaha is qaba, oo talagalkiisu ahaa in shalay oo Salaasa ahayd loo gudbiyo Dalka Jabuuti ayaa Dhaliyay Khilaaf Xoogan oo ka dhex dhashay ama ka dhex aloosmay Ehelada lamaanaha Is Qaba iyo Xukuumadda.

Ehellada Dadkan la xidhay oo ogaaday in dadkooda loo wado Djibouti, ayaa si adag uga horyimi tallaabada Hay’adaha Ammaanka Somaliland ugu gudbinayaan Muwaadiniintan, waxana ay ku Hanjabeen In arrintu Gacan-ka-hadal gaadhi doonto Haddii aan laga Waantoobin Muwaadiniinta la dhiibayo.

Murankaas ayaa wali taagan, wararka aanu Haynaana waxa ay sheegayaan inaan wali dadkaas la Gudbin, balse lala Sugayo Xubno kale oo wali Magaalada Gudaheeda laga Raadinayo, iyadoo Ehalladii Dadka Xidhani ay Heegan ugu jiraan Sidii ay  iskaga Caabin lahaayeen Tallaabo kasta oo Dadkaas lagu Gudbinayo.

Tallaabooyinka muwaadiniinta reer Somaliland loogu gacan-gelinayo Dawladda Djibouti ayaa Boog madow ku ah Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, waxana Arrintan si weyn looga Hadal hayaa Guud ahaanba Somaliland, iyadoo aan wali shacabka loo sheegin sabab cad oo dhiibitaanka Muwaadiniinta Loo Cuskanayo, maadaama uuu hore Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranku u shaaciyey in arrintaasi si cad sharciga u baalmarsan tahay Hay’adiisuna aanay waxba ka ogayn.

 

SDN/QJ-Hargeysa

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Hadaad Xoriyad haysato Waxaa Jira kuwo ku Afura Nabad la’aan

$
0
0

nabad la'aanHaddii nabad aad ku seexato ood kusoo toosto ,dalkaaguna kuu xoryahay waxaad dooontaba ku haysoo waxa jira dar ku afura,gabbal iyo waa’na ay u tahay xorriyad la’aan,dhulkoodoo lagu haysto,iyo xadgudubyo kala duwan oo gumaysiga Yuhuudddu kula kaco ooy kamidyihiin dil, dhaawac, burbur iyo duqen,dhul boob,gadoomin, ,handadaad iyo qaar badan oo kale oo tacadiyo ah,kuwaasi oon loo kala miidaan yeelin maati iyo rag, carruur iyo cirroole,waa Falastiin, Qazza iyo dhulkeeda kaleba oo siday doonto ka yeesho yuhuudu,waxa kalita ee ku haysataaba tahay dhulkooda iyo madaxbanaanidiisa,iyadoo sankana ka marnarisa inay aqoonsato dawlada Yuhuudda.
Ma jiro dawlad reer galbeed iyo baritoona,iyo qaramada midoobay toona oo yidhaahda dulmiga halaga joojiyo oo wax ka qabta,illeen gaal kuuma diir naxo,xuquuq aadame oo uu dhawraana ma jirtee waa wixii uu dan ka leeyahay uun,islaamkii ka hadlilaana malaha goraygaa ka hadaafay ama waa wax aan eraygoodu meel gaadhin.
Waa bil ramadaan waxaana duqeynta lagu hayo Falastiin ku nafwaayay sida la sheegayo shalay illaa maanta dad kor udhaafay 20 ruux ,dhaaacana haba tirine boqol ka badan,waana labadii maalmood ee u danbeeyay,duqeyntuna wali ma istaagin iyo hanjabaada loogu goodinayo mid dheeraad ah.
Waxa miciin u ah oon ugu deeqaynaa ducada rabi.Allahayaw cadawgaa u turuqa sheegtay ka qabo, Allahayaw guulee walaalahaa dulmin maatidaa silicsan iyo bulshadaa dhan ee la dafirsanyay jiritaankii dalkooda iyo dawladnimadoodاللهم انصر اخواننا المستضعفين في فلسطين على اليهود الظالمين، اللهم عجل لهم نصرك يا عزيز

Xulka Argentina oo Rigoorayaal Minciinsadey & Holland oo Samirkii Looga Bartey Ku Qanacdey(Germany vs Argentina Finals World Cup 2014) By Jaahuur.

$
0
0

downloadBrazil-09-June-2014 (SDN) Asxaabtay qubanaheena ciyaaraha waxaynu ula jahaysaneynaa xagaa iyo magaalada baayac mushtariga caanka ku ah ee Sao Paulo waxaana isku arkay oo foodda isla galey xulka Argentina iyo Netherland (World Cup Semi Finals 2014).

Ciyaartan oo ka dhacdey (Arena Connthians) ayaa ahayd ciyaar aad u xiisaa baadan waxaana ka soo qeybgaley dadweyne iyo taageerayaal kor u dhaafey 65,000.

Haddaba ciyaartan dhexmartey xulka Holland iyo Xulka Argentina ayey kubaddu u badneyd dhexda,labada dhinacna weerarkoodu yaraa taas oo keentey in qeybtii hore ee ciyaarta aan waxba la iska dhaalin.

Waxa kale oo xusid mudan labada tababare ee Van Gaal iyo Sabella oo ku waashey kaca fadhiisi.

Qeybtii dambe ee ciyaarta ayaa iyana wax goolaal ah la isku salaaxin,90-kii daqiiqo ee ciyaarta loogu talgaley ayaa labada xulba 0-0 ku kala faataxeysteen.

Sida aay caadadu ahayd waxaa ciyaarta lagu darey 30-daqiiqo,15-kii daqiiqo hore waxba la iskama dhalin,kii labaadna haba sheegin,waxayna iskugu soo biyo shubatey in lagu kala fataxeysto Rigoorayaal,waxaana ku badiyey Argentina.

Saaxiibayaal waa inoo Axadda July 13-iyoMaracana Stadium-Rio de Janeiro haddii Ilaahay ka dhigo.

W/qorey Jaahuur

SDN

jaahuur@qurbejoog.com


Wasiir ku Xigeenka Cusub ee Kalluumaysiga Mudane C.kariin Axmed Mooge oo Ka hadlay Aragtidiisa ku soo biirista Siyaasada iyo Waxa uu qaban karo Daawo.

$
0
0

Hargaysa 10.July 2014 (SDN/QJ)- Xubnihii Cusbaa ee Madaxweyne Siilaanyo ku soo daray Golihiisa Wasiirada ayaa ka bixi waayay Casuumado ay u samaynayaan Qaar ka mid ah Wasiirada, Agaasimayaasha dawlada iyo Ururada Waddaniga ah.

Wasiiradan oo kala ah Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha Cali Xaamud Jibriil iyo Wasiir ku Xigeenka Cusub ee Wasaaradda Kalluumaysiga Mudane Cabdi kariin Axmed Mooge hadaba Xalay oo Xubnahan Casuumad isugu Jirtay Afur iyo Casho loogu sameeyay Huteel Maansoor ayaa waxaa ka hadlay Wasiiradan Cusub iyo Madaxdii kale ee Dawlada .

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Warbaahinta Somaliland xor ma tahay ….se Dastuurku Muxuu Xaq Inoo Siinayaa …

$
0
0

oooooooooooo

Hargeysa (SDN Q/j)- “Waxaad Mooddaa Saxaafadda Inteeda Badani Inay Ku Eegtahay Magaalo Madaxda….Radio Hargeysa Waa Radio-ga Kaliya ee Qaranku Leeyahay, Sharciga iyo Dastuurkuna Waxa uu Xaq innoo Siinayaa In Warbaahin Xor ah aynu Helno…Su’aashu waxa weeye Warbaahintaas Xorta Ah Dalku Maanta Ma Leeyahay Mise Waa Maya?….Radio-ga Waynu Ognahay Oo Waxa la leeyahay Ku kale la furi mayo…Dalka Intii bandanna ma gaadho haddii uu gaadhana…..Warbaahinta Dawladdu Inay tahay Mid Xor ah oo Loo Siman Yahay Oo Masalan Axsaabtu aaraa’dooda Mid Ay Ku Gudbin Karaan Ma yahay Mise Maaha?”- Sidaas waxaa ku tiraabay Madaxweynaha Maanta Hoggaamiya Qarankan Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Axmed-Siilaanyo0, Horena u ahaa Guddoomiyihii xisbigii Mucaaridka Ahaa ee KULMIYE. Haddaba Muuqaalkan aan idiin soo xulnay oo ku saabsan khudbad dhaxal gal ah oo Madaxweynuhu Jeediyey ku sinnaan Muddo haatan laga joogo 9 sanno waxa uu ku muujiyey sida uu xisbi ahaan uga xun yahay tacadiyada loo geysto Warbaahinta madaxa banaan, iyo sida uu uga xun yahay tallaabooyinka lagu cabudhiyo ee ay xukuumaddii waqtigaas ee uu Hoggaamineyey Madaxweynihii xilka ku wareejiyey Md. Rayaale ku haysay Saxaafadda.

 

Horn Cable TV: Annagaa Albaabbada U Xidhi, Eegga Maanta ahe (1

$
0
0

Halkee ayay sartu ka qudhunsan tahay? Meesha yaa ka atoor iyo arbe ah? Maxaa laga jecel yahay maxaase laga neceb yahay? Tolow intee ayaan ka arkay ama ka aqaanna walaalladay, saaxiibbaday, ilmaadeerrayda aan qaddariyo ee  Farxaan Xaaji Cali Guddoomiyaha HCTV iyo Maxamed Cabdi Sheekh (Ilig) Agaasimaha Guud iyo Odayga HCTV!
In badan ayay Culimada Somaliland ka hadashay waxyaabaha qarriban ee laga baahiyo Horn Cable TV sida filimmada joogtada ah ee ummadda bara in carroorta la uurdooxo, in la isu weydaarto xaasaska  IWM. Laakiin waxa lagu wajahaa af-gobaadsi “waynu eegi doonnaa, haa, way fiican tahay” marka ay dhaqaaqaanna dheg looma jalaq siiyo. “Waa in albaabbada loo laabo” ayuu ku baaqay Sheekh Caan ahi isaga oo ku jira khudbadda Jimcaha, caalinkaasi waxa joogaa Hargeysa Alle ha u kordhiyo cilmiga, cimriga, caafimaadka iyo cibaadada intaba!
Xaggee ayay Diinta Islaamka, dadnimada iyo waddaniyadda ka soo gelayaan Muhannad iyo Maariya kalaara? Weligay ma daawan, mana daawan doono! Miyaa la waayay jilaayo reer Somaliland ah oo gala kaalinta ay ku jiraan raggaas Turkiga iyo Mareykanka ahi… Haddii in uun la I rumaysanayo, waxa aan diyaar u ahay abaabulka koox muwaaddiniin ah, daljir ah, dhaqan-ruug ah oo si joogto ah habeen walba u soo daysa majaaijillo, murti iyo maaweelo ku qotonta afkeenna, dhaqankeenna iyo islaamnimaddeenna. Tolow taas ma u diyaarbaa Horn Cable TV mise waxa ay mashruuc ka soo qaataan dalal shisheeye oo inna doorinaya?01dii Mey sannadkii 2007da ayaanu safar ku tegaynnay magaalada Berbera annaga oo badan oo ka soconna Jaamacadda Hargeysa, ujeeddadu waxa ay ahayd in aanu ka qayb-galno munaasibad lagu qabanayay Huteelka Xeebsoor oo xus u ahayd maalinta Jaamacadaha Somaliland oo ku cayinnayd 02da Mey gu’ walba. Tolow ma is-beddelkii ayaa aasay dhacdadan muhiimka ah? Ma maalmihii UDUB ayaa loo arkay miyaanay maalin qaran ahayn? Marti-qaadka waxa noo fidisay oo hurdada, jiifka iyo gaadiidkaba guudka u ridatay Marwo Faadumo Siciid Ibraahin Xoghayaha Maaliyadda ee Xisbi-weynaha UCID oo markaas ahayd Guddoomiyaha Jaamacadda Culuumta Badda ee Berbera. Waa meelaha u baahan dib-u-xoreynta ee ay dhaceen nidaamka dalka ka taliyaa!
 Waxa aan ahaa arday ku jira Jaamacadda Hargeysa oo dhigta maamulka iyo maaraynta. Fasalkaygu waxa uu ahaa 2C, xilliga aan wax dhigan jiray waa gelinka dambe 04:00 galabnimo illaa 07:30 fiidnimo, arooryada horena waxa aan ahaa macallin maadda Kimistariga ka dhiga dugsiga sare ee Maxamuud Axmed Cali oo ku yaalla Hargeysa. Annaga oo xilli ku began 11:00 aroornimo gaadhi bas ah ka raacaynna meel u dhow Saldhigga dhexe ee Hargeysa ama Xaruntii Taraafiiga Qaranka ayaa waxa la yidhi “jooga”“maxaa dhacay”“waxa aynu sugeynnaa weriye ka tirsan Horn Cable TV oo ina raacaya”“Isaga ayaa habsaamay, ha soo raaci gaadhi kale ma qof ayaan u xannibmaynnaa”“maya walaale, aynu sugno, fadlan naga raalli ahaada saaxiibbayaal”“waayahay”Intaas ayaa dhex martay ardaydii aan ka midka ahaa iyo guddigii qabanqaabada ee markaas hoggaanka noo ahayd. Cabbaar kaddib waxa isaga oo xiimaya gaadhiga soo fuulay Weriye Maxamed Cabdi Sheekh (Ilig) oo ku jeeni-qaaran qalabka wax lagu duubo. Maadaama oo ay kuraasidu buuxeen, waxa uu istaagay meel u dhaw alaabka sidaas ayaan markii koowaad ku arkay Agaasimaha maanta ku amar-ku-taagleeya mucaaridka Somaliland ee hadba eega meesha ay waxoogaa ka soo gelayaan.Xilli galab ah ayaanu gaadhnay Berbera, waxa aanu u dabbaal-tagnay Batalaale, waa maalintii labaad ee aan weligay xeeb ku dabbaasho. Nin badaw ah oo ku koray taagyada Hargeysa iyo bannaanadii Abokor ayaan ahay. In aan bad arko waxa iigu horreysay September 2005ta, oo aan ahaa sagaal iyo toban jir. Gugaas waxa aan dhammeeyay dugsiga sare!
Hudheel la yidhaahdo Carmo ayay ku degeen koox aan ka mid ahaa, habeennimadiina waxa aanu casho ku lahayn Xeebsoor sidaas ayaan kalluun u cunay saddex milay oo aan Berbera joogay waa af-fur (quraac), hadhimo (qado) iyo casho. Subaxnimadii dambe ayaan ka qaybgalnay munaasibaddii Jaamacadaha Somaliland, waxa ka soo qayb galay Guddoomiyaha iyo ardayda Jaamacadda Cammuud, Md Maxamed Cabdillaahi Badhasaabkii hore ee Saaxil, Guddoonka iyo ardayda Jaamacadda Burco, haween, dhallinyaro iyo mudan kale. Waa beryihii aan jeclaa in la igu qoro khudbadaha, noloshu waa halgane waxa aan maalintaas xuska ka jeediyay gabay ka hadlaya aqoonta, waxaana la ii oggolaaday kaddib markii aan abaabul iyo shir-doceedyo ka galay isla kobtii ay xafladdu ka socotay! Xilli habeen ah ayaanu ku soo laabannay Hargeysa, waxa aan baskii kaga degay Bariga Hargeysa oo aan deegaan ku ahay tan iyo 1986kii. Waa degmada Gacanlibaax oo aan ku qaatay inta badan noloshayda.
Waxa aan markii koowaad kulan fool-ka-fool ah la yeeshay Maxamed Cabdi Sheekh Nofember 2011kii. Aniga oo ka warhayay habdhaqankiisa, ma aan jeclayn in aan ula tago arrin iyo aragti midnaba. Si kedis ah ayuu noogu soo galay aniga oo xaajo la wadaagaya Guddoomiye Farxaan Xaaji Cali Axmed oo ah qof horumarka jecel, qiimayn leh, weji furan oo soo dhaweyn iyo gacaltooyo badan! Aniga ayaa walaalkay u gudbiyay soo jeedin nuxurkeedu yahay hannaankii loo baahin lahaa wareysiyo sooyaal ah oo weydiimo badan loogu bandhigo hal-doorka Somaliland.

Ragga aan doorbidayay in aan ku bilaabo waxa ka mid ahaaMudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)Mudane Xasan Ciise JaamacMudane Boobe Yuusuf DucaaleMudane Saleebaan Maxamuud AadanMudane Cabdiraxmaan Aw Cali FaaraxMudane Maxamed Xaashi CilmiMudane Cabdisalaan YaasiinMudane Maxamed Siciid GeesMudane Axmed Xaaji Cali CadamiSuldaan Maxamed Suldaan CabdiqaaddirAbwaan Maxamed Ibraahin Warsame “Hadraawi)Xaaji Maxamed Siciid DucaaleSheekh Aadan Xaaji Maxamuud (Siiro)Marwo Edna Aadan IsmaaciilMarwo Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare IKKFarxaan waxa uu arrinkii ka talo-geliyay Md Ilig, waxaanan daawadsiiyay wareysi maqal iyo muuqaal ah oo aan ka qaaday haweenay reer Somaliland ah. Wuu is-diidsiiyay Agaasimuhi, waxa uu eber ka soo qaaday hawshii aan qabtay, inta uu si aan fiicnayn foolka ururiyay ayuu la soo booday weedho iga degi waayay, waxa uu yidhi ”
Imaam Siciid Maxamuud Gahayr
Akadamiga Waxbarashada iyo Cilmi-baadhista Somaliland
Facebook: Imaam Udubsoor Kabadheere Dibad

Article 1

$
0
0

Agaasimaha Xafiiska Nabadgalyada iyo Badbaada Ee Dawlada Hoose Ee Hargeysa Oo Madaxweynaha Ku Hambalyeeyey Aasaasida Ciidamada Dab-Damiska
 Hargeysa()-Agaasimaha Xafiiska Nabadgalyada iyo Badbaada Caasimada Hargeysa Mr. C/qaadir Cumar Xaashi ayaa Madaxweynaha ku hambalyeeyey Aasaasida Ciidamada Dab-damiska Qaranka ee uu Madaxweynuhu Shalay ku dhawaaqay aasaasidooda Agaasimaha Xafiiska Nabadgalyada iyo Badbaada Caasimada Hargeysa Mr. C/qaadir Cumar Xaashi ayaa waxa uu sidoo kale ku dhawaaqay in cutubkii ugu horeeyey ee ciidanka dab-damiska laga aasaasay Caasimada isla markaana si rasmiya ay u shaaciyeen Numberka gaarka ah ee lagala soo xidhiidhayo marka masiibo dab timaado ciidaka Dab-damiska

Agaasimaha Xafiiska Nabadgalyada iyo Badbaada Caasimada Hargeysa Mr. C/qaadir Cumar Xaashi Oo War-baahinta Maanta la hadlay ayaa waxa hadaladiisii ka mid ahaa “Waxaan halkan Hambalyo uga madaxweynaha JSL oo maanlintii shalay digreeto ku shaaciyey Aasaasida iyo dhaqan galka xeerka ciidanka dab-damiska qaranka. waxay aheyd 18/3/2014 markii codsi wada jira ay madaxweynaha u gudbiyeen wasiirka wasaarada arimaha gudaha, wasiirka wasaarada madaxtooyada, wasiirka wasaarada howlaha guud, Duqa caasimda hargiesa iyo gudida horumarinta caasimada hargeisa kaasi oo lagaga codsadey in uu aasaaso ciidanka dabdamiska qaranka isla markaana madax uuga dhigo colonel axmed maxamed xasan sawaaxili iyo in uu dhulka ka danbeeya hayada shaqaalaha dowlada laga dhigo xarunta ciidanka dabdamiska qaranka. taasi oo uu ogolaadey isla markaana u direy garyaqaanka guud ee qaranka in uu soo diyaariyo xeerkan maanta madaxweynuhu shaaciyay”
Agaasimaha Xafiiska Nabadgalyada iyo Badbaada Caasimada Hargeysa Mr. C/qaadir Cumar Xaashi ayaa sidoo waxa uu soo badhigay Number Gaaban oo lagalasoo Xidhiidhayo Ciidaka Dab-damiska iasagoo arimahaasi ka waramayana waxa uu yidhi “Sidoo kale waxa maanta halkan ku daahfurayaa Number loo sameeyey Ciidanka Dabdamiska Caasimada 990 oo marka masiibo dab ay dhacdo markiiba bulshadu kasoo wici kartaa waxa iyana isla maanta heshiis kala saxeexday gudida horumarinta caasimada iyo shirkada daryeel kaasi oo shirkada daryeel ee dhismaha ka shaqeysaa ay ku dhisi doonto xarunta dabdamiska caasimada. waxa iyana bar bar socotey in baneynta iyo diyaarinta xaruntan oo siweyn uga qeyba qaateen gaadiidka cagaf cagafyada dowlada hoose ee hargeisa
Agaasime C/Qaadir Xaashi ayaa sidoo kale soo bandhigay muuqaalka cutubka ugu horeeyey ee loo tabobaro Ciidanka Dab-damiska caasimada isagoo arintaasi ka hadlaayana waxa uu yidhi “ugu danbeyn dhalinyarada siwirka ka muuqataa waa cutubkii u horeeyey ee ciidanka dabdamiska qaranka loo aasaasey oo tababar ku qaadanaya hoolka shirarka ee xarunta maamulka caasimada hargeisa. ”
Agaasimaha Xafiiska Nabadgalyada iyo Badbaada Caasimada Hargeysa Mr. C/qaadir Cumar Xaashi ayaa ugu danbayntii waxa uu Mahadnaq balaadhan usoo jeediyey Maayarka Caasimada Hargeysa isagoo arintaasi ka Hadkaayena waxa uu yidhi”ugu danbeyn waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaaa duqa caasimada hargeisa iyo golaha deegaanka caasimada oo xilqaadey miisaaniyada iyo mushaharaadka ciidanka dabdamiska caasimada hargeisa”.

The appointment Abdikarim Ahmed Mooge as Somaliland deputy Fishery minister has received a broad spectrum reception across Somaliland in view of the background of this noble family‏

$
0
0

Abdikarim Ahmed Mooge originated from respected noble family from somaliland that was famous for poetry sons, revolutionary and liberation struggle. The two brothers (Ahmed and Mohamded) had played countless songs that we consider it as a poetic or poetic sound that still refreshes in our memories and will remain over a long period to come. Previously, I have written an article about Mohamed Moogeh liiban tilted as “Mohamed Moogeh liiban was a person of multiple qualities and talents and as result captured our minds at all times” which you will find in Google in the event anyone wish that article. Despite the fact that both brothers have passed away almost over two decades, however, their songs are without challenge leading the Somali music industry in addition of their revolutionary personalities.

 

With regard the current issue of my concern related to appointment Abdikarim as deputy, knowing the successful qualitative that we experienced from him, unquestionably, Abdikarim will contribute the ministry an added value which will be beneficial to somaliland and in particular the ministry. On the subject of youth participation for Somali-land shaping for national development, these days, the commonly accepted view on the topic youth and political participation has moved beyond the theory illustrates young people as unsympathetic and uninterested in politics. On the contrary, it is widely acknowledged that they are very political, being even more active than a majority of adults.

 

Young people’s political engagement is mainly confined to new forms of participation, as traditional politics feels unrepresentative and unable to address the concerns associated with contemporary youth culture.It is wonderful that youth’s manifold contributions to their families, communities, societies, and the public are being finally acknowledged, but there is one recurring thought I get whenever I read about the new ways in which young people engage with the political: how much influenced youth really have through these new modes of participation? Are they truly at the decision-making table on issues that interest and affect them? Recognizing something until recently overlooked, does not necessarily entail its augmentation. In other words, does decision-makers’ admitting that young people do have a voice, also make it stronger.

 

Young people in the Somali-land are more inclined than the rest of the population to sign petitions, display a badge or sticker, participate in demonstrations, and express their political views in online forums. Transformation, not decline is what best depicts youth political participation. Feeling excluded from mainstream forms of influencing political decision-making, young people are in alternative modes of participation. They try to influence political decision-makers and policies through alternative channels of action, some of which are considered excessive or even on the margins of democratic means. Youth’s new forms of participation are:Youth engagement is a central principal of youth development  

 

According to the ecological perspective of human development, young people are agents of their own development. Youth are more than passive recipients of external influences; instead they are actively involved in shaping their development by interacting with the people and opportunities made available within their environments.Through youth engagement, communities can do a better job of creating the services that young people need to develop in healthy ways. Youth engagement offers community leaders the expertise and partnership of young people, helping adults fully understand what it is like to grow up in a rapidly changing in many parts of the world.In conclusion, from a political point of view, youth engagement is important because young people deserve the right to represent their own interests. Youth civic engagement is also critically important to prepare young people to be active citizens in a democracy. What are the benefits of youth engagement? Youth engagement is a win-win proposition. Young people benefit by gaining skills, knowledge, self-esteem, and disconnectedness. Adults benefit by enhancing their own competencies, learning to better understand and value youth, and increasing their commitment and energy to their organizations.

 

Depending on young people’s interests and skills, youth influence on organisations can occur at various levels, ranging from involvement through consultation to shared leadership.Utilizing meaningful youth participation can contribute to structuring programs, policies and services that affect young people’s lives to adequately address their needs and interests as well as benefiting and contributing to the organisation’s success. By meaningfully engaging young people individuals gain skills and a sense of empowerment and make healthy connections with positive role models, benefits of youth political participation include: Youth and adults benefit from each others’ skills, knowledge and capacities. Enhanced organisational development as new energy, fresh ideas and enthusiasm is brought into. Additional data for analysis and planning that is obtained by youth. Additional human resources by sharing responsibilities between adults and youth. Increased acceptance of organisation’s services, messages and decisions as youth contributed to shape them. Increased competencies, self-esteem and skill and knowledge. Enhanced individual development as it provides youth with opportunities to generate real community change. Increased status and stature in the community. Increased self discipline and time management. Insight into multiple roles of adults and broader career choices.  Meaningful youth participation can enhance a young person’s sense of conceitedness, belonging and Feeling of being valued, which con contribute to positive mental health.

 

Social competencies: Youth build social skills and learn how to interact in new settings, develop empathy for other perspectives, and build teamwork and a sense of responsibility. Self confidence: Youth recognize that they have knowledge and insight, which leads to a sense of personal efficacy. Identity exploration: Youth take on new roles as researchers, elevators, and action planners, broadening their perspectives as well as their sense of empowerment and possibilities. Civic competencies: The experience of being heard and having one’s voice matter increases a sense of social responsibility and may lead to greater youth civic engagement. Social capital: Youth build new relationships with peers and adults. These new connections can help with future opportunities (e.g., programs and employment)

 

Better access to data: The task of obtaining relevant data from youth is often handled more effectively by youth than adults. Improved data collection tools: Collaborating with young people in developing data collection instruments helps to ensure that tools are “youth friendly,” i.e., use language that youth understand and relate to. This could potentially lead to the collection of more valid information. Democratization of knowledge: Through youth engagement in prograames  young people contribute to creating knowledge; they also develop skills to participate in a democratic society. Increased understanding/better interpretation of results: Youth perspectives on the meaning of findings are often different from adult interpretations. Discussions about data can be very enlightening when multiple viewpoints are taken into account. Addressing community needs and challenges: Young people have a unique understanding of local challenges that impact their peers; they can offer creative approaches and solutions to community needs and problems.

 

New generation of youth leaders can help develop a cadre of young people who have a growing sense of civic responsibility, who possess analytically and organizing skills, and who are ready to address the challenges faced by their community. Increased activism and advocacy: Many youth participatory evaluation and research projects use findings to bring about change in schools, families, and towns, raising awareness of social issues that impact youth and increasing public will to address these issues. Improved inter-generational communication: YPE enhances respect and collaboration between youth and adults. Improved programming: With youth input, programs can become stronger, more appropriate, and better able to meet youth needs. Increased youth participation in programmatic decision making: Involvement in program evaluation can lead to overall increased youth engagement in programme  governance and in conclusion youth engagement is unique practical  programming that will will shape our future youth leadership. finally, the appointment Abdikarim Ahmed Mooge as Somali-land deputy Fishery minister has received a broad spectrum reception across Somali-land in view of the background of this noble family.

 

 

Ismail Yusuf.

Dawlada Federaalka oo ku Hawlan Sidii ay u Hakin lahayd Wada Hadaladii Somalia iyo Somaliland iyo Asbaabaha ay Salka ku hayso.

$
0
0

Muqdisho 11.July 2014 (SDN/QJ)- Xukuumada Federaalka ee Somalia ayaa ku talo jirta Sidii ay u Joojin lahayd Wada hadaladii ay la lahayd Somaliland oo Shan Wareeg oo hore ay labada dhinac wada yeesheen.

wada hadalSababaha Keenay Joojinta Wada hadalada ayaa Ilo Wareedyo ay Qurbejoog.com heshay Waxay Sheegayaan in Xukuumada Somalia u aragto in Wada hadalada labada dal ay ka horeeyso arrimo daruuri ah oo looga baahan yahay inay Wax ka qabtaan gaar ahaan amniga dalka oo Meel halis ah Maraya.

Dooda Xukuumada Somalia Waxaa Saldhig u ah Sidii ay Xooga u saari lahayd la dagaalanka argagixisada Siiba Xarakada Alshabaab oo Amni daro ku Haysa Somalia Qaraxyana ka Fulisay Xitaa Madaxtooyada Sidoo kale arrimaha ay Cuskanayso Dawlada Federaalku Waxaa ka mid ah Qodobadii Dhismaha dawlada federaalka lagu Unkay,Waxaa kale oo soo raaca kuna andacoonaysaa Dawlada Somalia inay rabaan Sidii ay Nabadayn iyo Maamul gaadhsiin uga samayn lahaayeen Gobolada kale ee Somalia ee Xasilooni daradu naafaysay .

Horaantii Todobaadkii dhamaaday ayaa Shir Khaas ahi Waxa uu Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamud Kula Yeeshay Xaruntiisa Villa Somalia ashkhaas uu ka talo qaato oo ku dhow Xafiiskiisa kuwaas oo Warku tilmaamayo inuu u bandhigay Hindisihiisa isagoo ka dalbaday Sidii ay u keeni lahaayeen Qaab ay Ajandahooda uga raaridi karaan Dawlada Turkiga oo iyadu Marti gelisay Wada hadalada labada dal,Maadaama ay Dareensan yihiin inay Hor taalo in Qodobadii ka Soo baxay Is aragyadii hore ee Somaliland iyo Somalia aanay Waxba ka fulin gaar ahaan Qodobkii Maamulka Hawada oo lagu go’aamiyay Sidii ay labada dhinac iyagoo isku lamaan ugala soo Wareegi lahaayeen Qaramada Midoobay una Samayn lahaayeen Gudi laba Geesood ah Xaruntoodana lagu heshiiyay inay Hargaysa noqoto,iyo in dhaqaalaha ka soo baxa si siman loo qaybsado,Taas oo aan hirgalin Isla markaana ay Dawlada Federaalku qaaday Talaabooyin ka dhan ah,Sida inay Dawlad ahaan ka Codsadeen Qaramada Midoobay in Gacantooda lagu soo Wareejiyo Maamulka Hawada ee dalkii Hore la isugu Odhan Jiray Somalia.

Xukuumada Federaalka Somalia Waxaa kale oo ay Rumaysan tahay in Hadii uu Qabsoomo Fadhiga dib u dhacyadu ku yimaadeen ee Lixaad ee labada dhinac loona balansanaa inuu Istanbul ka furmo uu ka Xasaasisan yahay kuwii hore Isla markaana ay imanayso Isla Xisaabtan,Si loo Ogaado Cida aan tixgelin Go’aamadii lagu Heshiiyay.

Dhinaca kale Hindisahan ayaa Sababaha Runta ee uu ku qotomo waxaa loo aanaynayaa Cadaadis iyo Culays Madaxweyne Xasan Sheekh ka haysta Aqlabiyada Golaha Shacabka amase Baarlamanka Somalia oo Ku Eedaynaya inuu Kala dhantaalayo Midnimada dhul ahaaneed ee Somalia taas oo u arko Fikir adag oo hadii aanu go’aan ka qaadan soo dedejin kara Cimriga Xilhayntiisa Isagoo ka Shiidaal qaadanaya Aragtida ay Somaliland ay Wada hadalada ka aaminsan tahay oo ah in Markii 1aad ay is hor fadhiisteen Somaliland iyo Somalia oo Siman iyo inay Qadiyadeeda Gooni isu taag  ku iibgaynayso.

Waxaa kale oo Madaxweyne Xasan uu dareensan yahay in Wada hadalada labada dhinac ay Yihiin Hal-xidhaale lagaga Go’aan qaadan karo nidaamkiisa Hogaamineed.

Hasa Yeeshee Waxaa Amuurtan laga dareemay Qasriga Madaxtooyada Somaliland oo Iyada lafteedu ku hawlan Sidii ay Falcelin adag ugu Samayn lahayd Marka uu Dibada u Soo Wada baxo Qorshahan,Waxaa kale oo Xukuumada Maddaxweyne Siilaanyo la sheegay inay wado dacwad ka dhan ah Dawlada Federaalka ee Somalia oo ay ku eedaynayso inay Jebisay Go’aamo la rabay in la fuliyo ka hor Wareega 6aad ee Wada hadalada labada dhinac.

Sidoo kale Xisbiyada Mucaaridka ah ee Somaliland ee Waddani iyo Ucid ayaa Todobaadkan dhamaaday dawlada ugu baaqay inay Gebi ahaanba ka baxdo Wada hadaladan Ma dhalayska ah .

Dhinaca kale lama garan karo Mawqifka uu Turkigu ka qaadan doono Hadii ay dhabawdo Qorshaha ay Dawlada Somalia dabada ka riixayso.

Muqdisho SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Musuq-Maas​uqa Hadheeyey Mashaariic​da Biyo Gelinta Caasimada Hargeiysa oo fooda usaaran in Dalaagkii Biyuhu uu ka huro Caasimada Hargeisa

$
0
0

Waxaa aduun gaadhaaya ilaa iyo $30 Million oo doolar ugu  deeqdey Dawalada khalijku (UAE)  dawalada Somaliland dhawaan si biyaha loo gaadhsiiyo shacab weynaha  ooman ee reer Somaliland gaar ahaan shacabka caasimada Hargeisa iyo nawaaxigeeda degan.Taariikhdu markey aheyd 2011-kii ayaa iyana wadamada midowga yurub (EU) ay  Somaliland u qoondeeyeen  deeq lacageed oo gaadheysa $27.5 million taas oo iyana loo qoondeeyey in lagu horemariyo balaadhinta biyo gelinta afar (4) magaalo oo kala ah Hargeisa, Burco, Ceerigaabo iyo Togwajaale. Lacagtan badankeeda oo gaadheysa ilaa iyo boqolkiiba 74% oo noqoneysa $21.3 Million ayaa waxaa loo qoondeeyey fidinta iyo dayac tirka biyo gelinta caasimada Hargeisa kadib markii la arkey in dadka ku nool caasimadu  ay kor udhaafeen hal milyan oo qof.Lacagtaa iyada ah waxaa la wadeydiinayaa wasiirka macdanta ee JSL oo markaa isagu ahaan jirey wasiirka macdanta iyo biyaha ee JSL.Waxaa kale oo iyana jirtey in aduun lacageed oo gaadhaaya ilaa $64 Million doolar ay EU ugu deeqdey JSL hayadaheeda kala duwan si loo fuliyo qorshe hawleedyadii higsiga qaranka ee ku taariikheysnaa in la gaadho 2012-2016 si loogu fuliyo 63 mashruuc oo ay ku jiraan 9 mashruuc oo ku kacaaya $8.5 million doolar oo iyagana lagu horemarinaayo biyo gelinta gobolada iyo Degmooyinka JSL oo ay caasimada Hargeisi ugu horeyso.Waxaa iyana jirta lacag gaadheysa ilaa iyo $28 Million oo loo qoondeeyey mashruuca dib uhabeynta iyo horumarinta Geed Deebleh oo iyadana lacagtaa laga hayo oo keliya dhawr ceel oo la cusbooneysiiyey oo la dhoobo qaadey.

Habada muwaadinow markaad isku wada darto lacagahaa aan kor kaga dhawaajiyey  iyada oo aaney weliba ku jirin lacago kale oo biyaha JSL loogu deeqay sida lacagta ku jirta xisaabta/ khasnada Somaliland Trust Fund ayaa hadana waxa isku darka lacagahaasi uu gaadhayaa $ 115.3 Million doolar taas oo ah lacag aad iyo aad ubadan. waxaa keliya ee laga hayaa ilaa iyo hadana lacagtaa waa ceelashan hoose oo lagu qiimeeyey inta ku baxdey lacag aad u yar oo aan gaadheyn lacagtan rubuceed.
.
1-) 14 ceel oo waaweyn iyo 3 yar-yar oo aan wada cusbeyn ee qaar la dhoobo xaadhey oo Geed deeble ah
2-) 14 Ceel oo kuwa dheer ah iyo 9 kuwa yar yar ah oo laga qodey Gobolka Maroodi jeex
3-) Gobolka Togdheer 12 ceel oo dhaadheer iyo 17 kuwa yar yar ee dixda iyo togaga la qodo ah..
4-) Gobolka Saaxil 7 ceel iyo 17,kuwa yar yar ee togaga laga maaxiyo ah..
5-) Goboka Sool 4 dhaadher iyo 12 kuwa toga laga xaadho ah.
6-) Sanaag 6 ku dhaadheer iyo 13 kuwa yar yar ah ee biyo mareenada laga qodo ah.
7-) 13 ceel oo Gaa-gaaban oo laga qodey biyo fadhiisinka Xunbo weyne ee hada musuq maasugu ka bilaabmey.
 Hadaba Su’aasha maskaxda saliimka ahi isweydiinayeso  ayaa noqoneysa iyadoo aduunka inataa oo lacag ah iyo in kabadanba la  inagu caawiyey si looga baxo  baahida badan ee biyaha inaga haysata ayaan ilaa  iyo hada wax la taaban karo aan laga qaban oo baahidii weli ka jirtaa goboladii iyo degmooyinkii dalka oo dhan.Waxaana  nasiib daro haraad, surmi iyo oomanaan ummadu wada arkeysaa danyartii oo ooman oo wadooyinka caagado biyo loogu shubo la taagan iyo weliba caasimadii Hargeysa oo ay dameero iyo booyado kuyuu biyo ugu jiraan oo udhaaminayaan
Waxa aynu iyana ka wada dheregsanahay Asqo Xukunka wadanka hada ka jira iyo duulka casabada ah ee xukuumada shidhka hore ugu jira ee taladii waadanka maroorsadey kuwaas oo dhamaan wada ah ganacsato,  shirkadley, sheerley,macaan jelcel ah kuwaas oo wax kasta oo anfac iyo iidaan leh kula soo ordayaa dalow iyo Suuf qalalan oo ay caadeysteen in ay daaha dabadiisa ka darsadaan, kadibna ay muudsadaan ama heemiyaanba iyaga oo ay mar walba ka go’antahay in ay dha-dhamo kasta ay dheecaan siintaan oo ay dherigii iidaan leh ee yara kara Somaliland ay dhinacooda ka soo kulaalaan oo ay fandhaalka ku laba xagaan oo ku nacasnimo xaquuqaan, hadii kalena ay ku odhanayaanba adeer sidii DR Macow boorsadaada ka laad-laadso meeshu anaga ayey noo xidhan tahay’e., Dab liqa ayaa la idinka  yidhi !
Waxaa iyana taaba ka sii daran oo arin cusub ah oo shacabka reer Somaliland la wada yaabey  Biyihii 13-ka Ceel ee Xumbo Weyne ee mudada dheer laga shaqeynaayey ee la isku raacay in sadex goobood laga dhiso haamaha keydka biyaha waraabindoona  caasimada Hargeiysa ayaa duulkaa musu-maasuqa ku mamey ay doonayaan in ay goobihii hore loogu qoondeeyey keydka haamaha biyaha ee hore loogu heshiiyey in ay ka  bedelaan goobihii hore si ay cid kale ay  qandaraas ugu siiyaan oo ay lacag ugu lunsadaan.Taasna macnaheeda waxaa loo qaadan karaan  si uu dagaal BIYOOD iyo colaad cusubi ay uga bilaabanto  degaankaa Waqooyinga Gobolka Maroodi jeex ee ay beelaha walaalaha ihi ay wada degaan.
Waxaa Xukuumadan Siilanyo  Maaxdumiyey duul  Degel Meer ah, Deris ku nool ah  oo uu xaalkoodii uu ku soo ururey maxaan cunaa ! kuwaas oo dheeftii,dha-dhankii iyo ilihii dhaqaalaha ee wadanka oo dhan nacasnimo dhiijiyey si qarsoodi ah,ku raad kugadasho iyo ku fooldhaqasho ah iyaga oo shirkado cusub usameystey ama shirkado hore ujirey kula dhuuqaaya oo kula gelaaya  sheerer qarsoon oo weligood Jiri doona.Hadaba sheekadu waxay maanta mareysaa Soo saaristii biyihii caasimada Hargeiysa ee haraadku dishoodey. lacagtaa hada la isku haystaa waa lacagtaa  Somaliland ay ugu deeqday dawlada Emaratka carabtu si biyaha caasimada loo dar dar geliyo oo looga haqabtiro shacabka haraadan waxaana  hada cabsi weyn laga qabaa in colaadi ka bilaabanto gobihii ceelasha biyaha ee Xunbo weyne oo ah goobtii ilaahay biyaha dhigay ee waqooyiga Hargeisa, waxa  si aan sharciga waafaqsaneyn qandaraas degamsan lagu qoondeeyey in lagu  siiyey shirkado macmal ah oo hoosta ka lingaxan,iyada oo laga faaideysanaayo awooda dawladnimo ee la caadeystey in hantida lagu lunsado laguna boobo. Waana iyaga iyo Allahood !
Alleh ayaa Mahad iyo Mudnaanba Leh
Wehelkiin Waa Alleh iyo Nebi (scw)
Wa Laahum-Aclum Wa -Billahi-Towfiiq
Qalinkii A/rahman Fidhinle
Intensive ED BD PA
United Kingdom
London

The Airline Business in Somaliland/Somalia is a very challenging, yet successful sector

$
0
0

In recent years, the word “Somali” has been linked with piracy, drought, famine, civil-war and terrorism. It’s a fact that, since the demise of Somalia as a united state in 1991, most of the country`s infrastructure has collapsed and destroyed during the civil war. The economy failed and production, services and public service sectors including factories, farming, health, education, banking, telecommunication, travel and tourism were all hit badly. Later, some sectors including telecommunication, financial services, education and health recovered quickly as Somalilander/Somali business men and women invested in the country and created private businesses and companies providing communication, money transfer services, health care and education – up to and including university levels. However, the sector that is most worthy of note, that has since flourished is the Air Transport service industry.

 

Prior to the last Somali Republican government which was overthrown by rebels in 1991, air transport services in Somalia (including Somaliland) were provided by Somali Airlines – the White Star service as it was known. Somali Airlines was the national carrier of Somalia and was founded in 1964 as a joint-venture between the Somali government and Alitalia, the Italian flag carrier. When the airline was established, there were a handful of airlines in Africa including Egypt Air, Ethiopian Airlines and South African Airways. Somali Airlines was famous for its great on-board traditional Somali hospitality, and flew to Moscow, Frankfurt, Rome, Jeddah and also Cairo, Abu Dhabi and most other African capitals.

 

Sadly, the airline collapsed during the civil war in the early 1991 and its highly skilled pilots and engineers were recruited by foreign airlines including Saudi Arabian Airlines and Lufthansa.  Personally, I wasn`t lucky (or old) enough to travel on it, but I met some of the airline’s management, crew and ground engineers; the ultimate people who made the carrier an international airline within a very short period of time. 

 

Fortunately, from 1991 the year Somaliland declared its independence from Somalia, many privately-owned airlines emerged to fill the gap resulting from the loss of the Somali Airlines and they started providing domestic and regional air transport services.  These pioneers were: African Express Airways and Daallo Airlines, and later Damal Airlines, Inter-Somal Airways, Star Airlines and Jubba Airways were founded.

 

The newly-established privately-owned airlines simplified the flow of passenger and freight between Somaliland/Somalia and the outside world and strengthened the trade relations between Somaliland/Somalia and the Gulf states, particularly the United Arab Emirates and Saudi Arabia, where large numbers of Somalilander/ Somali business people were based. Moreover, these carriers contributed positively to the local economy as they created hundreds of jobs and provided badly-needed income for employees; consequently supporting the lives’ of thousands of families in Somaliland/Somalia. The airlines enjoyed more than a decade of booming business with the subsequent profits and prosperity.

 

However, after many years of flourishing success in Somaliland/Somalia, the airline industry faced a series of disastrous events and large Somali airline companies got into serious financial difficulties, sustained huge loses and finally ceased operations. For example, Damal Airlines, Star Airlines, and Inter-Somal Airways were among the bankrupt Airlines.

 

A number of factors contributed to the failure of these carriers. After 11/Sept 2001 incident, the aviation industry faced its worst ever disaster as people abstained from flying and security checks tightened at airports all around the world which put extra financial pressure on the airlines and led to the failure of big-name airlines around the world. Somali-owned-Airlines had their share of such misfortune when they sustained substantial costs in terms of aircraft lease, security and insurance.

 

Soaring fuel cost – because of unrest and political tensions in the oil-rich Middle East- is partially to blame as it contributed to the bankruptcy of these Somali-owned-airlines. Globally, hundreds of airlines were hit by such huge rise of fuel price and subsequently filed bankruptcy.

 

In 2004, visa restrictions were introduced by the United Arab Emirates and it was imposed on Somali passport bearers.  The UAE banned the issuance of visas to persons travelling on a Somali passport and that impacted hugely on Somali airlines’ business and weakened the demand as the majority of people traveling on the airlines were holding Somali passports.  

 

Another issue that accelerated the failure of the airlines was the unexpected grounding of the Ilyushin 18 airliner by the UAE Civil Aviation Authority for safety reasons. Consequently, Somali-owned-airlines were not able to find suitable alternative airliners to operate to Somaliland/Somalia as most airports are either not asphalted or not able to accommodate the larger aircraft.

 

Just to illustrate further, for more than a decade, the IL-18 (USSR made) was one of the most well-known and reliable aircraft in Somaliland/Somalia.  It has been operated by the majority of Somali-owned-airlines as a passenger aircraft with a layout (configuration) of 110 seats. Others operated it as a Combi flight, which transported passengers and cargo on the same plane.

 

I personally used to fly in (and worked as a cabin crew member) for a long time on one of the Ilyushin aircraft operated by Damal Airlines. And at the time, despite its age, the airliner seemed to me (operationally) the most appropriate one to operate in Somaliland/Somalia as it can land and take-off within a short distance – at almost every airstrip in Somaliland/Somalia. 

 

Later, the UAE government slightly reversed its decision to ban the IL-18 and the airliner was allowed freight/cargo status but could not operate as a passenger plane.

 

All of these dilemmas created problems for the airlines and many of them simply ceased operations. Remarkably, despite all the above-mentioned issues and in the light of the recent global downturn, today, there are three Somali-owned airlines in the market and they are all doing great business. Namely, they are: Daallo Airlines, Jubba Airways and African Express Airways. However, by looking at the airline fleet size and type, number of flights and employees and destinations they serve, it is obvious that Daallo Airlines and Jubba Airways are leading the way. 

 

As I mentioned earlier, Daallo Airlines was founded in 1991 in Djibouti (Headquarters) by Mr Mohamed Ibrahim Yasin (Olad) and Mr Mohamed Haji Abdillahi (Abusite). The CEO of the Carrier:  Mr Olad a well-educated and successful businessman who received a BSC (Hon) MSC from Oregon State University and who has twenty years of business management experience, is responsible for short and long-term planning, budgeting, operations and finances of the company. Daallo airlines enjoyed decades of flourishing business and gained the lion’s share of not only Somaliland/Somalia`s passenger market, but Djibouti’s too. This attracted foreign investors and in 2007, Dubai World subsidiary Istithmar World Aviation (IWA) Holdings bought Daallo Airlines in a joint venture with the founders and the Djibouti Government. The aim of this venture was to re-brand the airline and create a new first class carrier. However, for a number of reasons – including that of a power conflict- this sell off didn’t quite work and Daallo Airlines ceased operations soon after. Fortunately, the founders of the company used their wealth of expertise to re-launch Daallo airlines as a better and stronger model with more routes and planes including the BAe 146-200 airlines that was bought from the Falko Company to operate on domestic routes. However, later Daallo Airlines decided to return the airliner (BAe 146-200) to its previous owner as the airliner seemed to be an inappropriate fit (operationally and financially) to the Somaliland/Somalia Market.   

 

The other airline that is doing well is Jubba Airways which was established in 1998 by a group of Somali entrepreneurs including Mr. Said Nur Qalinle, a successful business man and the General Manager of the Company. Jubba Airways is a sustainable, on-time and reliable airline registered in Mogadishu and operates from Aden Abdulle Osman Airport. The airline employs a team of more than 300 skilled professionals and has its own leased aircraft maintained by highly qualified engineers.

 

Both Daallo and Jubba operates Passenger and Cargo flights to many destinations in Somaliland/Somalia, Africa and Middle-East including Dubai (DXB), Addis-Ababa(ADD), Diredawa(DIR), Djibouti(JIB), Mogadishu(MGQ), Hargeisa(HGA), Berbera(BBO), Bossaso(BSA), Galkayo(GLK), Garissa(GAS), Nairobi(NBO), Sharjah(SHJ) and Jeddah (JED). They operate mixed fleets including B737-300, 400 and have sales offices in Somaliland/Somalia, Djibouti, Kenya, Ethiopia, Dubai and Saudi Arabia where well trained staff to a high standard in customer services- conducts ticketing and assists passengers.

 

Around the world you can buy Daallo and Jubba tickets at selected travel agencies or even online using your debit/credit card. Every year, thousands of Somali-origin passengers, mainly from Western countries, travel by Daallo Airlines and Jubba Airways to Somaliland /Somalia for business purposes and/or visiting family and friends. Last summer, passengers who travelled on Daallo Airlines and Jubba Airways have witnessed the improved service quality that airlines deliver and offer at their offices, airport and on-board the plane. More staff has been employed at Dubai airport to assist passengers, and as usual, the airlines were offering a free bus service for their passengers between Berbera International Airport and Hargeisa city, which is not the case in this year as airlines operate to the Hargeisa Int`l Airport.    

 

In terms of catering- when departing from Dubai, the airlines has an agreement with catering specialist company at Dubai Airport to provide meals for the airline passengers. In Somaliland/Somalia, Djibouti and Kenya the airlines have selected the best restaurants in the towns to provide tasty and healthy food prepared by top chefs for their passengers.

 

When it comes to punctuality and reliability, the airlines perform perfectly as they stick to their published schedule and timetable. As a result, last year they were rated 93% on time by the passengers whom I have spoken to. However, delays and cancellations can occur for technical, weather and even political reasons, but they do all they can to support passengers.

 

In addition to the regular flights, the carriers operate every year smooth Hajj flights to Jeddah to transport thousands of “Pilgrims” who are undertaking the Hajj. The airlines provide free Hajj services for the passengers heading to Makah including collecting passports from pilgrims to arrange visas, preparing travel cheques that can be cashed in Saudi Arabia, arranging accommodation for hajji’s at Makah, Mina and Medina and giving out the white “Ihram” clothes. As a result of these additional services, Daallo Airlines and Jubba Airways have achieved a high degree of customer satisfaction and become the most favoured airlines nationwide.  

 

All in all, Daallo Airlines and Jubba Airways are among the most successful privately-owned airlines in Africa. They have proudly succeeded where other airlines have failed, and proven that although the airline business in Somaliland/Somalia is a very challenging investment, it can yet be a successful one. And as the managers of Daallo Airlines and Juba Airways have been involved in the airline industry for a great deal of time and gained invaluable experience, and even learnt from why other airlines have failed, I am certain hat they can professionally steer their businesses to a safe shore even in the current economic downturn.  

 

Abdikarim Ali Baarjeex

 

MSc Aviation Management

 

Bristol, United Kingdom

 

baarjeex@hotmail.com

 

Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxmuud Silaanyo oo Shirwayne Caalamiya lagu casumay oo ka dhacaya London

$
0
0

London12July14(SDN) Dawlada ingriiska ayaaa casuumad rasmiya u dirtay madaxwaynaha somaliland Axmed Maxmuud Silaanyo iyo Marwadiisa shirkan oo ah shir caalamiya sida ay ku heshay shabakada qurbejoog xafiiskiisa london , casuumada loo fidiyey dawalda somaliland ayaa waxa ka mida wasiiro iyo xubno ka socda Jamacada Hargaysa shirkan ayaa waxa la filayaa in uu qabsoomo bisha 22/7/14 wafdiga madaxwaynaha ayaa la filayaa inay dhawaan soo gadhaan wadankan Uk shirkan ayaa waxa fursad u helaysa dawlada somaliland iyada oo looga hadlayo dhibaatada loo gaysto haweenka iyo qoyska dhaqale xoog badan lagu bixin doono wafdiga somaliland ayaa markii u horaysay si maqaam dawladnimo loo soo casumay wararka aan ka helayno wasaarada Arimaha Dibada wadankan uk ayaa waxa kale oo la filayaa inay fursad u tahay dawlada somaliland iyo in la dhagaysto heerka dimiqradiyadeed ee ay ka gadheen dhinaca haweenka waxii warara kala soco shabakada qurbejoog.

Liiska Xubnaha la casumay ee Somaliland

1-Madaxwaynaha Somaliland iyo Marwdiisa

2-Wasiir ku xigeenka Cafimaadka

3-Jamacada Hargaysa Qaybta Cafimaadka.

 

Xafiiska Wararka Qurbejoog

Uk London

Taageerayaashii Reer Ghana oo Qaxootinmo (Political Asylum) Weydiistey Brazil Maxay Qoonsadeen?(By Jaahuur)

$
0
0

jaahuurBrazil-11-June-2014-(SDN) Saaxiibayaal qormadeena ciyaaraha waxaynu ula kacaynaa  xagaa iyo Brazil &taageerayaashii reer xulka Ghana oo qaxootinmo weydiistey dalka Brazil,haddaba sabatu maxay tahay?

Aalaba waxaynu ogsoonahay in koobka kubadda cagta ee aduunku kana soo qeyb galeen 32-ba dowladood lana soo gaadhey ciyaartii kama dambeysta ahayd foodana isla gali doonaan Germany iyo Argentina maalinta Axadda.

Taageerayaashan reer Ghana ee u yimid xulkooda iney taageeraan ayaa tiradoodu ahayd 650 kuna soo galey dal ku gal ama dalxiis (VISA).

Xulka Ghana ayaa laga badiyey laba ciyaaroo waxaana ka badiyey USA iyo Portugal Bar-bardhacna waxay ku kala faataxeysteen Germany.

Haddaba taageerayaashan reer Ghana ee qaxootinimada weydiistey Brazil ayaa ku andacoodey in lagu xaqiro diinta muslimka ee aaminsanyihiin.

Wariye ka soo warama caasimadda Ghana ee Accra Sammy Darko ayaa ka dhawaajiyey in wax midabtakoor oo xag diimed ka jirin dalka Ghana,waana dalka kaliya ee galbeedka Africa nabadgalyadeedu iyo is dhaxgalkeedu lagu naaloodo.

Sarkaal loo xilsaarey arintan ayaa ku dhawaaqey in shaqeysankaraan wadanka inta arintoodu meel u dhacayso,walow aay filayaan in boqolaal kale isa soo dhiibaan maalinta la soo gunaanado koobkan kubadda cagta ee aduunka.

Bal eynu eegno halka aay iskugu soo biyo shubanto.

W/qorey Jaahuur

SDN

jjaahuur@qurbejoog.com

 

 

 

 

Hal-beega Siyaasada Arimaha Didabada Somaliland

$
0
0

Hubanti weeyi in qaran leeyahay hadoodil guud oo uu ku maamulo dhamaan haawlaha ka dhex-socda gudihiisa iyo hawlaha kaga xidhan inta ka baxsan xayn-daabkiisa, taasina waa waxa loo yaqaan Siyaasad , haddaba waa maxay siyaasadi? Maxay se u kala qaybsantaa? Waa laba weydiimood oo gun dhig u ah qormaddan.

Hadaba siyaasadi waa hab-maamulka guud iyo gaara ahaaneed ee lagu dhaqo laguna dhawro danaha qaran leeyahay.

Hadaba hadii ay sidaas tahay waxan ka dhalanayaa waa in ay laba siyaasadood jiraan oo kala ah.

1- Siyaasada gudaha

Tani waa mida gunta u ah ee ta kale ay ka unkamayso, waana hab-maamulka lagu dhaqaayo dhamaan hawlaha ka dhex socda gudaha qaranka, wax kasta oo ay tahay, waxan ugu mudan waxaa

@ dhisida xasilooni qaramaysan oo ah salka ay uu dabada saarayo qaranku.

@ jog taynta kobcinta dhaqaalaha qaranka oo ah biyaha uu ku baxaayo qaranku.

@ higsiyo iyo hiraalo uu lee yahay qaranku dhan kasta oo ka mida waaxyihiisu.

@ lugo uu ku talaabsado qaranku oo in dhexdiisa ay ka jirto habka qori isku dhiibku.

@ in hantida ugu badan ee qaranku gasho kobcinta garaadka bulshadiisa oo ah hantida dhabta ah ee ma guurtada ah ee uu leeyahay, gashana aqoonta caafimaadka iyo dhamaan kaabayaasha nolosha oo ay ugu mudan yihiin biyaha iyo wadooyinku.

Intaas oo la isku soo qabtay bay u taagantahay siyaasada arimaha guduhu ee kaliya maaha sida dad badani moodayan sugida nabad-galyada guud iyo diyaarinta ciidankii sugu lahaa, se waa ka qayb, oo ka mid se waxa taas ka wax tar badan in dadkaagu kula gartaan halka iyo hirka kuu muuqda ee aad haybsanyso, kana dhigto bulsho rumaysan in qarankani yahay waxa kaliya ee ay wax ku noqonayaan, iskuna xidho noloshiisa qofnimo iyo jiritaanka qaranka, si ay u timaado dhawrashada qaranku.

Taas baan u aqanaa siyaasada arimaha gudaha ee uma aqaano in sida indhoolaha la gabado marka ay dhirbaaxadu ku dhacdo, se waxa dhaba oo ah mid aan iman karina ah in qaranka Somaliland cid dhirbaaxi kartaa jirin taasna dhaaba iyo dhagaar baa ka taal, waana halka uu Abwaan Hadraawi kaga yidhi Maansadiisa JIITAMA.

Dhudhun kaa hor-jeedaa

Ku dhirbaaxi maayee

Dhumucdaadu yay

Hooy dharab rooka

Kugu jabin

Inann’taada dhaga culus

Dhidhiibso kula tali.

Taas baa dhaba oo dhudhun qarankeena xagtin yeeli karaa ma jiro, mana dhalan, cid kasta oo u soo holata in qaranka Somaliland waxa ay yeeshana balan iyo nidar Eebe weeyi in gacantiisa jirida aan u saarno.

Xayndaabka iyo xamilka qaranimo ee dhabarkeena saran weeyi, waana ka aan facyaasheena dambe aan uga tagayno, taasina waxa ay ku imanaysaa hadba sida aan ugu soo gurno xansaska iyo xaabada aan ku noolaynayno jiritaanka qarankeena, oo loo dhisay in uu noqdo geed ay wada hadhsadaan dhamaan bulshada ssomaliland, noqdana xidig ay soo haybsadaan dhamaan qaramadu.

2- Siyaasada arimaha dibada

Hadaba marka ay timaado siyaasada arimaha dibada oo ah ta manta aan rabo in aan lab si xulan oo la bidhiiqiyay aan u soo madal dhigo, waayo waa waxa aan ku iib-gayn karno dhamaan wanaagyada ka dhasha siyaasada arimaha dibada, waxana aan raba in aan kala xulano labada dhudood ee ay leedahay siyaasada arimaha ddibadu kana dhigatay marin ay marto, iyadda oo aan mid sadeaad aan ku soo daraayo oo inoo gaara, waana kuwan

1- La adeegashada hogaamiyayaasha qaramada .

Waa hab mudo badan soo jiran tan iyo bilawgii dhaqan qarameedku, waan mid manta jira oo leh hab kiisa iyo kala adeegashadiisa waxan calanka u sida habkan qaramada reeer galbeeda, waxan uu ku fadhiyaa in dantooda ay ka dhamaystaan hogaamiyayaasha qaramada oo aan dhag jalaq loo siin rabitaanada bulshooyinka, waxan habkan si cad ay ugu fuliyaan qaramada carabta iyo qaramada afrikanka, waxan taasi si cad u soo baxday markii kacdoobada bulsheed ee carabtu curtay, waxana sida cadceeda loo soo celiayay ragii bulshooyinki diideen, iyada oo la wada baal maray rabitaanka bulshooyinka.

Hadaba maxay habkan ku doorteen?

Habkani waa hab guracan oo ka dhigay qaramada lagu fuliyay in ay yihiin qaramo aan wax tix-galin iyo dhawrasho midna lahayn, waayo hogaamiyaha qaranku waxa uu si dhaba u dhufaanay raganimadii iyo doonistii dadkiisa waxana uu taas dhaafsaday in uu ku fadhiyo kursiga hogaaminta dadkiisa, kana raadsaday qaramada reer galbeedaka, oo uu u adeego, waxana ay dhaafsadeen bixinta dantaas qofnimo in ay qaataan dhamaan hantidii qaranku lahaa, waxan ay taas marka ay ka helaan mood iyo noolba u hurayaan in qofkaasi kalidii kula dhaashado hantida wadarta uu hogaamiyo, waxana ay garb iyo gaashaan bana u yihiin kalidii-noolahaas.

Maxaase keenay in ay habkan qaataan?

Waxa keenay qaadashada habkan dhawr arimood oo ay ugu mudan yihiin.

@ habkani waxa uu kobcinayaa dhaqaalahooda oo ay iska guranayaan dhamaan hantida qaramada ay ku fuliyeen habkan, waxan marag u ah qaramada carabta oo dhiigoodii iyo dheecaan koodiiba la nuugay, waxan kaliya ee la siiyaana uu yahay gubeerka.

@ habkani waxa uu u qarinayaa sirta iyo qorshayaasha lagu dhufaanayo bulshooyinka.

@ habkani waxan uu ka dhigayaa qaranka lagu fuliyo mid beer u ah cida ku fulisa, wax aka soo baxana lagu nooleeyo cid aan lahayn dhulkii laga soo jaray dheeftan.

Intaas oo dhan marka aad isku qabato, kuna darto waxa manta ka socda carabta waxa kuu soo baxaaya in aad u dhacdo dhucda habkan.

2- La adeegashada bulshooyinka

Habkani waa ka waxtaar roon yahay habkaas qudhunka ah ee dulinimadu gun iyo baar u tahay, waxana ay guntiisu tahay in ka dhamaysashada danta lagu xidho rabitaanka bulshooyinka, se sida habkii hore aan lagu xidhin rabitaanka qofka hogaaminaaya qarankaas, waxana habkan calanka u sida qaranka turkiga, oo fulinta habkani si cad u soo baxday xiligii kaacdoonadda bulshooyinka carabta, waxan uu qaatay fulinta habkan, isaga oo ka eegay dhinacyadan.

@ habkani waxa ka dhalanaaya in bulshooyinki taageeraan cida la doonaysa rabitaankooda, taasna ugu dusiyo danihiisa oo ay ugu mudan tahay in uu saylado cusub uga dhigo alaabtiisa iyo wax soo saarkiisa, waana mid dano dhaqaale ku fadhiya, waayo cida dantaada sida waad uga jajaban tahay cida aan dantaada sidin, waxan fududaanaysa in ay jeebkaaga si fudud u baadhaan. Adiga oo aan dhaaddayn.

@ habkani waa hab ka halis badan dhanka dhaqaalaha marka laga eego, waayo habkaas hore waxa uu u badan yahay hab hantida qaraankaas ku jirta lagula baxaayo, laguna dhisaayo qaran kale, se habkani waa hab saylad lagaa dhiganaayo, se marka aad hoos u sii baadho waxa aaad ogaanaysaa in ay ku kulmayaan in dheeftaada lala baxo, waana danta ugu liidata, waxan ay ka baxssan tahay habka garashadu ogoshahay ee ah aan isku danaysano, oo gacantaada iyo tayda aan hadba mid aan barkano, waxan marag cad u ah turkiga 2002 markii hogaankan cusubi qabsaday waxa ay qaateen habkan waxan ay ahaayeen qaranka 26 ee adunka ugu dhaqaale badan, hadana waxa ay yihiin mudo 12 sano gudaheed ah qaranka 16aad ee dunida ugu dhaqaalaha badan, waxana tani marag cad u tahay in jeebabka bulshooyinkaas uu ku fuliyay uu baadhay,

FIIRO GAARA

Waxa ugu mudan ee kulmiyaa waa baadhasho la baadho bulshooyinka iyada oo laba jid loo maraayo, oo kala ah in laga baadho qaranka dhanka hogaamiyayaasha oo ah tan reer galbeedku calanka u sidaan, iyo tan kale oo ah in qaranka lag baadho dhanka bulshadiisa oo laga dhigto macaamiishii iibsanaysay wax soo saarka qarankaas, waxan calanka u sida habkan qaranka turkiga.

 

 

 

3- Ii dhaaf aan kuu dhaafee

Habkani waa mid ku qotoma in dhamaan qaramadu isku wada danaystaan oo midiba kan kale waxa uu ku dhaamo u gubiyo, iyada oo aan la isku soo xad-gudbayn, waana hab salka ku haya Edab siyaasadeed kana oo aan ka duulayn sida labada hore dano dhaqaale.

Habkan maxan ku dooraty?

Mudo aad u dheer iyo baadhid garasho hufan oo laga xagasho-tiray dhamaan xanafaha siyaasadeed eek a taagan gayigan balaadhan ee kala diimaha iyo kala garaadka ah, waxan intaas dheer in aan u wada baahanahay hab kale oo aan la isku danaysanayn in aan helno una wada adeega dhamaan bulshooyinka dunida ku wada nool, iyada oo aan ka wada dharagsanahay in labadaas hab cid gaara u dhaamiyaan.

Waxa kale oo habkani si hufan ugu taagan yahay in dhamaan bulshooyinka adunku wadaagan aqoonta iyo kasmada iyada oo aan la ismilayn, dhaqanada bulshiiyinkana aan jirida loo siibayn si bulsho kaliyi dhaqankeedu u ahaado ka kaliya ee gayiga ka jira, ee waa in garashadu tahay wadaag, taas oo ah in bulshadu gar u leedahay dhawrashada dhaqankeeda iyo hidaheeda fir laga soo gaadhka ah, waxan taas barbar yaala in aan la jujuubin lana qasin rabitaankeeda, ah in ay afkeeda wax ku barato, kuna dhaadato.

Muxuuse u taagan yahay?

Waa dhab in hab kastaa u taagan yahay ilaalinta danta guud ee qaranka se kani waxa uu dheer yahay in iyada oo dantaas guud ee qaran kastaa leeyahay in hadana la dhawro danta qaranka kale leeyahay oo ah.

@ jiritaankiisa bulshanimo kaas oo xambaarssan in uu dhaqankiisa iyo aqoontiisa fir laga soo gaadhka ah uu dhawrto, laguna qasbin in uu ka tago kasmooyinkiisaas.

@ habkani waxa uu ku soo biirinayaa in edab lagu daro siyaasadda oo laha weecdo habka ay ku taagan yihiin labadaas ha boo ah dan seed si aan dantayda aan u gaadho.

Intaasi waa hababka ay qaramadu ku qotomiyaan siyaasadooda dibada ee hadii aan nahay qaranka Somaliland teenu maxay ku qoton taa?

Weydiintani waa ta aan halku dhiga uga dhigay qormadan, waxan ay qasab ku tahay in raga hogaanka ahay oo uu kaw ka yahay madaxweyne siilanyo ka war-celiyo, waxana uu kaga war-celinayaa isaga oo ka shidaal qaadanaaya habka aan qarankeena Somaliland aan wax u dhimayn, qaramada kalena dantooda ilaalinaaya, lagana wada shaqaynaayo wadaaga iyo wadarnimada labada qaran, iyo waxa danta u ah.

Taasi ku iman mayso erayo iyo hebelo lala kulmo ee waa hanaan gunta ka soo dhismaaya oo ku taagan weydiimahan, iyada oo dib loo qeexay Somaliland.

Hadaba dib u qeexida ssomaliland waxa ka dhalanaaya in dibu habayn dhaba lagu sameeyo, nolosha dhaqan dhaqaale ee bulshadeena iyada oo aan dhadhan keena somalilandnimo aan la tirayn, waayo waa waxa inoo gaarka ah ee aan kaga gadisan nahay bulsha weynta kale ee dunida, waxan taas soo raaca in dibu habayn dhaqaale oo dhaba lagu sameeyo dhaqaaleheena, waayo hantida aan haysanaaa ma yara, waxan marag u ah 15 gudahood ayaan kaga soo kabanay burbur dhaba oo gayigeena ku dhacay, waxan dhaba hadii aan taasba ka soo kabanay 15 ka sano ee soo socda ma gaadhi karnaa in aan noqono qaranka ugu hantida badan qaarada afrika?

Waa dhab oo laba qodob oo kaliya ayay u baahan tahay oo ah

1- In aqoonta lagu xidho dhaqaalaha.

Habkani waa habka ugu fudud ee lagu gaadhi karo koboc dhaqaale mudada dhaw, waxan aqoonta lagu xidhayaa dhamaan kaabayaasha dhaqaalaha bulshadeena hadii ay tahay

@ xoolaha, oo hab aqooneed looga faaiideeyo, lana dhaqaaleeyo neefka, waxan aan halkaas ka soo xerayn karnaa hanti aad iyo laxaad u badan

@ halka aan ku naalo oo hantiya. Waxan aan marin u noqon karnaa in ka badan 150milyan oo aan haysan bad iyo marin biyood ay kula xidhiidhaan dunidda, waxan horteena mara dhaqaalaha adunka 50% oo mara gacanka saylaca ( gacanka cadmeed). Kaliyana waxa inaga xigaa waa aqoon aan ku iib-gayno hantidaas.

@ hantida intaas oo dhan ka wada mudani waa dadkeena oo ah bulshadda ugu firfircoon gayiga aan ku nool nahay, hadii ay tahay tayada aqooneed iyo garsho eek a guuxaysa, waxa dhaba in aad la yaabayso garaadka dhalinteeda iyo sida ay aragtiyaha cusub u soo saarayaan, iyo awooda ka dhex guuxaysa inta ay le’egtahay.

Qalinka iyo gacantaa daalaya hadii aan sii wad idhaa ee guntu waa aqoonta oo aan ku ladhno dhaqaalaha si ay u noqoto xansaskii iyo xaabadii shidi lahayd dabka hogaamineed ee aan shidnay, waxan hubaal ah in dabkaas iftiinkiisu uu wada gaadhi dunida dhamaanteed

2- Rabitaan ( go’aan qaadasho dhaba)

Hadiiba aan goosanay in aan noqono qaran oo taas aan halgan dheer aaan u soo galnay, manta ma u gali karnaa in aan qarankeena ka dhigno mid u qalma in uu bulshooyinka hogaamiyo, dhan kasta oo ay noqoto, dhaqan, aqoon iyo dhaqaale, isla markaana aan ka galno gayiga halka aan ka mudanahy in aan ka galno.

Haa haa haa

Hadii ay tahay waa in aan yar iyo weyn u wada kacnaa Somaliland waa mudan tahay in lagu daydo, oo halku dhig inoo ah, inaga oo tukubinayna kana fogaanayna lab-la kac iyo sal-fudayd.

Doonisata Eebe waan gaadhaynaa halkaas

FIIRO GAARA

Waxa aan si gaara u sheegaya marka aan dhacdooyinkan aan furfuraayo, waxa aan ka duulaya laba rukun oo kala ah.

1- Furfurida humaaga (picture analyse )

Waxan uu habkaasi ku qotomaa in aan wax kasta aad ku eegdo kuna furfurto humaaga maankaaga ku jira, waayo humaag maaha waxa lagu qoomiyo himilooyinka bulshooyinka ee waa dhalaan habaabis oo kale, se waxa taas ka gun dheer habkan kale

2- Furfurida hab u socodaka dhacdooyinka (poroses analyse )

Habkani waa hab ka gun iyo qaad balaadhan habkaas oo ku qotoma habka furfurida dhacdooyinka iyada oo aan si humaagaysan aan loo eegayn ee loo dhuganaayo hab dhan kasta laga eegayo hab dhaca dhacdooyinka, laguna daraayo in laga soo dheegto wanaagyada kale ee bulshoyinku leeyihiin iyada oo si daba oo ka fog kor-ka xaadin laga dheeraanyo.

Habkani waa habka aan u maray furfurida iyo tuujinta qormadan, waana hab aan u adeegsado dhamaan dhacdoyinka oo dhan waan hab ku soo biyo shubanaayo garaadka iyo aqqoonta tuuji oo ka soo miir xogta ugu xulan uguna axanaf yare e qaran iyo bulsho lagu dhaqi karo, taas baan habkan aan ku doortay.

 

Qalinkii Garyaqaan Cabdale Dahir Adan

Bartay Aqoontaka Xeerarka

12/7/2014

 

 

 

“Hargaysa Waa 20 Km oo Isku Weer ah Meelna Janno noqon Mayso,Meelna Meel lagu Ooman yahay Noqon Mayso” Wasiir Cukuse Daawo

$
0
0

Hargaysa 12.July 2014 (SDN/QJ)- Wasiirka Wasarada warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta jamhuuriyada somaliland C.laahi Maxamed Daahir Cukuse ayaa Maanta ka Warbixiyey Hawsha Biyo Gelinta ka Socota Caasimada.

Wasiirka oo ay warbaahintu wax ka weydiisey hawsha biyo balaadhinta Caasimada iyo Xukuumada uga meel yaala ayaa sheegay in xukuumadu marwalba xooga saarto Qodobada a ka mid ka yihiin, Biyaha, iyo Wadooyinka sidoo kale waxa uu intaa ku Marey In Madaxeynaha Jamhuuriyada Somaliland Axmed Maxamed Maxamud siilaanyo Safarkii uu ku tagey Dalalka Imaaraadka iyo Kuweyt ujeedadoodu aheyd sidii Biyo ay u wada heli lahaayeen dadka Reer somaliland taasna ay imika dhamaatey Qayb ka midii inta kalena dhawaan la filayo iney dhamaato, waxaan wasiirka Warfaafintu intaas sii raaciyey mar uu ka mwaramey waxqabadk xukuumada ee ku aadan dhanka adeegyada bulshad Gaar Ahaan Biyaha in Xukuumada Mudadii ay Xilka haysha ay u qodey dadkeeda 48 ceel iyadoo labaatankii sano ee ka horeeyay la qodey 70 ceel oo keliya, waxaanu ku tilmaamey in waxqabadkii labaatankaas sano ay ka badan tahay ta mudada ay iyagu xilka Hayeen,

sidoo kale wasiirka waxa uu wasiirku ka hadley Biyaha Eu-du ka Qodeyso Waqooyiga Galbedka iyo Koonfurta Magaada Hargeisa, waxaanu sheegay in biyo ku filan ay heli doonaan dhawaan Xaafadaha ay ka midka yihiin Isha Boorama, Calaamada iyo Kuwa kale ee la midka ah ee aan Biyaha Haysan,

Wasiirku waxa kale oo uu dardaaran usoo jeediyey Dadka Inta badan ka hadley Arintan biyaha kaasoo uu sheegay iney dadka ka Daayaan hadalada aan waxba u tarey isla markaana keenaya isku dhaca iyadoobuu yidhi bil Ramadaan-na lagu,

Gebadii wasiirku waxa uu sheegay in sadexdii Qodob ee lagu Heshiiyey ay ka Mid aheyd In Gudidii u Xilsaarney Balaadhinta Biyahaas hada lagu Darey Xubno wasiiro ah kuwaasoo kala ah

1.Wasiirka Waraafinta

2.Wasiirka cadaalada

3.Wasiir Ku Xigeenka gaashaandhiga

4.Wasiir ku xigeenka Amniga 

5.Wasiirka A/Gudaha

6.Wasiir ku xigeenka Hawlaha Guud.

7.Xildhibaan Nac Nac.

Arintan ayaa timi ka dib markii la isu qabsadey Cida ay ka Imanayaa Biyaha Berkada la Hirgelinyo iyo Cida ay ku Dambeynayso.

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

 

Viewing all 6893 articles
Browse latest View live