Quantcast
Channel: Features – qurbejoog.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 6893

Rabow waxaa na daashadey dircuno iyo hudhmo u-dirir ilko fiiqan dabato ah dalqadana cilaan ka ah dulyaraana jinac ka ah

$
0
0

 Aniga oo aan weliba ku-talax-tegeyn oo ilaalinaaya milgaha iyo nabadgelyada ay maanta S/land ku fadhido, bal hadana aan sar-kaxaadiyo oo sibirta u-yara-saaro aragtideyda iyo ogaan-shaheyga gaaban: bal aynu  sadar yar ka soo qaadano abwaan ahmed awgeedi gabeygiisii cusbaa ee garbo-diir ee taabatey quluubtii shacabka reer S/land kuye ” Rabow waxa idaashadey daruur heemameysoo misna aan da-aynoo soo haabo diidiyo onkod iyo dayaan badan oo aan darooreyn ”  Ma istidhi abwaanku wuxuu dib u-yara jaleecdey dharaarihii na soo marey kuwaas oo murugo iyo xasuus shacabka S/land ugu filan oo xusuustooda iyo quluubtooda weli ku duugan sidii ay xukuumadeenu ka yeeshay doorashadii golayaasha degaanka ee dhacdey November 2012 kii ee ay sidii la-wada ogaa ka  yeeshay xukuumadu markii ay af-duubtey ee boobtey  codkii iyo rabitaankii ilaadadii shacabkii  daacada ahaa ee  cadceeda iyo dacdarada dabeecada debedyaalka u-ahaa ee xaqa u-lahaa in ay foodaan oo codkooda ku dhiibtaan si xor iyo xalaal ah laakiin ay xukuumadan isnuuga ahi afduubtey codkii shacabka. Waxa xukuumadani ka dhigtey JSL in siyaasadii qaranku noqoto siyaasad ay qabyaaladu  tiir-dhexaad u-tahay taas oo qabyaaladii  ay ka xoog-weynaatey Qaranimadii iyo wadaninimadii, ( Waana arin ugub ah oo ay xukuumadani la soo foolbaxsatey kuna mataaneysey degaaanada S/land isla markii ay hogaanka haleeshayba, waana arin inoo huursan oo maanta ka taagan S/land oo u-baahan in deg-deg waxlooga qabto oo la furdaamiyo inta aaney gaar ahaan gobolada bariga furka ka tuurin)


Waxaa xukuumada Siilaanyo ku ribatey oo la imanweydey  aragti mideysan iyo hab istiraatiiji ah oo qorsheysan kuna saleysan waqti dheer iyo waqti gaaban.Taas oo ay ummadii wada dareentey hawlwadeenadii xukuumada ugu cuslaa oo iyagu gaar u-wata aragti gaaban oo ku saleysan shaqsinimo, beelnimo, dilaalnimo,dano dhaqaale iyo goboleysi.halkaana waxaa ku banjarey oo meesha ka baxey hindisihii iyo higsigii qorshe hawleedkii guud ee wadaniga ahaa. Waxaa waxgaradka wadanku isku raaceen in aaney badanka hawl-wadeenada xukuumadu aaney ka qaadan waayo aragnimo iyo  dareen mug leh oo fog macnihii dhabta ahaa ee ay xanbaarsanaayeen banaanbaxyadii iyo dhacdooyinkii is daba yaalka ahaa ee dhawaan wadanka ka dhacey. 

Wuxuu yidhi abwaan Ahmed- “Rabow waxaa nadaashadey dir cuno iyo hudhmo u-dirir ilko fiiqan dabato ah, qawleysato dufanl’e ah iyo weerayaal dad qaadyo ah” Wuxuu abwaanku si mug leh u daalacdey ” markii xukuumadan hadhdacaarka ahi si ay kiishashka dhaadheer ee ay soo tolatey ay u-buuxsato ay sharciyadii wadanka u-yaaley oo dhan uga  yeeshey in ay wada noqdaan la Jiifiyaana banaan la joojiyaana banaan taas oo ay  xeer-degintii, xeer-beegtidii, baarlamaankii iyo guurtidii ay intiiba ay ku- milmeen oo ay noqdeen milan iyo maydhanaan qunyar socod ah, Jeebkana u-galeen xukuumadii oo ay noqdeen hal qabsi hoosta ka xariiqan oo hadafkoodii uu noqdey uun dilaalnimo,ganacsato, shirkadley, sheerley, iyo danley mansabka ku ugaadhsada kuna-shaqeysta taas oo aqoontoodii isugu soo biyo-shubatey ” kula lihi iyo kaa lihi iyo hebelow soo dhamee mashruuca oo anigana share amadulsaar  iigu-dar.Dab-liqa ayaa la idinka yidhi !  waxaa kale oo ay xukuumadani inagu soo kordhisey seylado cusub oo ah seyladaha lagu kala iibsado Xildhibaanada iyo musharaxiinta iyo foodkii ummadda, laguna fur-furo xisbiyada qaranka iyada oo la adeegsanaayo weji-ku-macaash, guulwadayaal-darban oo dalabka ku shaqeeya iyo  hantidii ummadda baahan waxloogu qaban lahaa,sidaa daraadeed marna saadaal togan lagama saadaalin karo xukuumadan in ay maskax mideysan oo awood badan waxku maareyso amaba ay  wax ku qaadatey oo ay waayo aragnimo ka heshay dhacdooyinkii hore u-soo marey.

 Wuxuu yidhi abwaan Ahmed “Rabow waxaa na daashadey isku dire iyo kala dile dab shisheeye nagu shide iyo deris nabada kala rare” Waxaa ummada u cadaatey in ay  xukuumadani  kala xigsatey  beelihii walaalaha ahaa ee wadanka  wada -deganaa taas, oo ay beelihii  qaarna  tuurta ku-qaadatey,qaarna laac u lushey oo u-balan qaadey,qaarna kuraas u-boobtey, qaarna saaxadii siyaasada ka saartey, kuwii darafyadana qaar ganafka ku dhufatey oo ay ku shaa-shoobeen ka dibna ay xuduudaha dabada geliyeen. Waxaa kale oo  ay shacabka ay xukuumadu u-cadeysey in aan loo sineyn yuhuunta iyo lahaanshaha qaranimada, kheyraadka wadanka, dhuuniga iyo dheef-qeybsiga wadanka iyo awood qeybsiga mansabyada dawlada taas oo iyana saameysey in qabyaaladu duluca furato iyo in nabadgelyadii laynagu majeeran jirey ay gaadhey heerkii abid -ugu xumaa ee caalamku-yidhaahdo Somaliland lama tegi karo oo maa-ha meel nabdoon.
Waxaa shacabkii wada yaabey markii  ay xukuumadii  hamadeedii, himiladeedii, hindiseheedii, horumarkeedii iyo higsigeediiba ay ku soo koobtey “dhagax meel la dhigo oo aan dhameystir laheyn”.Wado -wado ku xanib iyo shirkado shidaal baadha oo ay qol-madow kula heshiiso oo xaqal qalinka ay si cadaana ay ugu tagri fasho.Waxaa iyana layaab-leh  markaad u fiirsato sahanka ay dirato iyo muuqaalka hiraal u-biseylka luqada diblumaasi ee habaqleysiga iyo hab-qan socodka  ah ee aan duxda iyo iidaanka laheyn ee aan ilaa iyo hada aan shirarkii isdabo jooga ahaa ee ay la yeelatey Somalia aaney wax la taaban karaa ka soo bixin. ” Rabow waxa nadaashadey  dibi gees biciid loo markuu maalmo doog cuno ku dur-duriya maatada ” abwaanku wuxuu arkey oo ummadiina la aragtey oo qalbigoodii ruxdey  markii ay xukuumadii isku xeertey duul aan kala garaneyn  awoodii qaranka iyo sharciyadii qaranka oo aduunka laga wada daalacdey iyaga oo khushi talaabsanaya oo ciidanka RRU-da iyo awooda dawladnimo sida ay doonaan shacabka ugu isticmaalaaya oo raasaas maciinsanaaya.Waxaa iyana la isku wada raacey in ay hawlwadeenada xukuumada ay ku jiraan duul heerkulkii/xaraaradii iyo hiilkiii qabyaaladu uu meel xun gaadhsiiyey taas oo shacabkii ay metelayeen ka dhex abuurtey colaado siyaasadeed, cadaawe degaaan, quudhsi,qaraabo kiil, xiqdi iyo xaasidnimo qabyaalad ku wada saleysan,

 Markaad u-fiirsato sida aaney xukuumada SiiLaanyo u-laheyn aragti fog, curin, talo-wadaag  iyo hal-abuur siyaasadeed oo qorsheysan oo qaran oo la jaanqaadi kara waqtigan, waayaha jira iyo mandaqada geeska afrika,Markaad -u-fiirsato sadexdeedii waaxood ee isu-noqon lahaa kormeer iyo dabagal oo Iyagiina shidhka u-galey,taas oo ay waaxdii garsoorku si cadaan ah uga gaabisey gar-niqidii dacwadaha dawlada dhexdeeda ka-jirta iyo dacwadaha bulshada iyo dawlada dhexdooda ka taagan. Markaad u-fiirsato musuq-maasuqa casriga ah ee xadhkaha goostey ee loo isticmaalayo tiknoolajiga cusub iyo xawaaladaha kala duwan ee ku xeeran, Ma kula tahay muwaadinow/ wax-garadow/ aqoon-yahanow/ shiikhow/ shariifow in maanta  ay Xukuumadeenan booshaaqan ee isnuuga ahi  ay tahay mid ka bixi kareysa howlahan adag  iyo doorashooyinka  is-barkan ee mar-qudha afka ku-soo kala qaadey?  Su-aashaa Jawaabteeda waxaan u-dhaafey shacabka gobta ah ee reer Somaliland.Waxaan halkan hambalyo aan la soo koobi karin aan ugu gudbinayaa abwaanka qarniga Abwaan Ahmed Awgeedi Mohamoud oo ku magac dhee “dheeraad” oo tiriyey maanso taabatey kuna dhibicdey Quluubtii shacabka reer Somaliland sitimaankii la soo dhaafey.
 Alleh Ayaa Mahad iyo Mudnaanba Leh
Wa-Laahum-Aclum-Wa-Bilaahi-Tawfiiq
QalinkiirA/Rahman Fidhinle
Intensive ED BD PA
United Kingdom
London.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 6893

Trending Articles