Oog 17.Jan 2014 (SDN)- Waxaa Galabta lagu Dhaariyay Tuulada Jilinbuul Konton Xubnood oo ka soo Kala jeeda Labadii Ardaa ee dhawaan Shaqaaqadu ku dhex martay Deegaanka Docollaha Waxaana dhaarintaas Goob Joog ka ahaa Weftigii Wasiirka Arrimaha Guduhu Hogaaminayay iyo Ergooyin ka soo Gurmaday Gobolada Somaliland.
Munaasibada Dhaarinta Kontonkan Xubnood waxaa ugu Horayn ka Hadlay Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Warfaafinta,Dhaqanka iyo Wacyigelinta C.waaxid C,qaadir C.raxmaan oo Sheegay in wax walba laga horaysiiyo sidii ay Bulshada deegaankaasi nabad ugu wada noolaan lahaayeen isla markaana Wixii dhib ah ee Ka dhex dhaca ugu Xalin lahaayeen Wada Hadal iyo Isu Tanaasul.
Wasiirul dawlaha Wasaarada Maaliyada Mudane Cismaan Saxardiid Caddani ayaa dhankiisa Sheegay in labada ardaa ee Gacan ka hadalku dhex maray ay isu yihiin Wiil iyo Abtigii waxaanu ka dalbaday inay ka Midho dhaliyaan Dhaartaas ay Mareen.
Wasiirka Wasaarada Hawlaha Guud iyo Guryaynta Mudane C.risaaq Khaliif Axmed ayaa Wax lagu farxo ku Tilmaamay in Galabta labada beelood ee Walaalaha ah ee Gacan ka Hadalku dhex maray isagoo u mahadceliyay Ergooyinkii nabadaynta ee isugu jiray Salaadiinta, Isimadii,Cuqaasha,Culimaa udiinka iyo Waxgaradka kale eek a soo Gurmaday Gobolada kale ee dalka si ay uga qayb qaataan Isu soo dhawaynta iyo nabadaynta labadan ardaa ee dhiiga iyo Dhalashadaba wadaaaga .
Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeye Guuto C.laahi Fadal Iimaan ayaa dhankiisa ka sheegay in Ciidamadu ay si Buuxda u Sugeen Amniga isla markaana Maanta si Nabad ah looga wada Cabayo Ceelkii Deegaankaasi.
Suldaan Maxamed Xirsi Qani iyo Maxamed Garaad Ismaaciil oo Ku hadlayay Afka Madax dhaqameedka Labada Beelood ayaa ilaahay ka baryay in Dhaartaas la maray sideeda loo oofiyo waxaanay Tilmaameen sida ay lama huraanka tahay in labadan ardaa ay u ilaashadaan nabadgelyadoodii , wada jirkoodii & sharaftoodii .
Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Cali Maxamed Warancade oo kulankaasi hadal dheer ka soo Jeediyay ayaa farriin u diray ciidamada ammaanka oo uu ku adkeeyey inay ilaaliyaan amniga loo xilsaaray .
Wasiirka arimaha gudahu waxuu tilmaamay inay maanta guul u tahay guud ahaan bulshada Somaliland, gaar ahaan bulshada deegaanka Shaqaaqadu ka Dhacday , ergedii dhexdhexaadinta & intoodii nabadda u soo gurmatayba.
Mudane Cali Maxamed Warancade waxa uu Sheegay inay Samayn doonaan Gudi Isku dhaf ah oo labada dhinac ka kooban oo ka Shaqaysa nabadaynta iyo Walaalaynta Bulshada deegaankaasi .
Oog SDN.
Qurbejoog.com