Salaan kadib, waxaynu dhamaanteenba la socona in ay doorashadii golaha deeganka ka qabsoontay dhawr bilood ka hor dalka. Siday wax ay dhaceen waa la socotaan oo waxa tartanka galay markii hore ila iyo 15 Xisbi. Markii la kala reebay waxa soo hadhay ugu danbayntii sadex xisbi oo kala ah Kulmiye oo 1aad galay, Wadani oo 2aad galay iyo Ucud oo 3ad qaatay.
Si kataba ha ahaate inkastoo doorashada ay u dhacday si nabadgelya ah meela yar yar oo ay wax ka dhaceen mooye , waxay guud ahaan ku dhamaatay nabagelyo iyar oo shaqaaqa ah mooye. Waxa hadaba aan jeclahay wixii khaldamay ee laga baran karo doorashada bariga dhacday in aan qormadan kaga hadalo.
Hadaba doorashada markaan yara qaloocna oo u baahan in dib looga faaiidaysto :
- Ansixintii ay golahawakiiladu ayansaxiyeen. In ay dhalinyaradu u tartamikaraanxildhbaanadeeganmarkuuda’diisugaadho 25 jir. Arrintaasiwaxadmooda in aynoqotaynatiijadeedu mid keentaxildhibaanadadeeganadaoo ah dad dhalinyara ah ooaanhabayarateKhibradlahayn, taasinadhibkeedaayayleedahay.
- Gudigiidoorashadaooaadmooda in ay doorkoodiahaa in la hubiyowaxasoobaxaayaooshuruuda u dhiginsheegaya ,waxaloogabaahanyahayxildhibaankaaqoontiisa, waaaragnimadaiyowalibashaqsiyadiisaintaba.
Nasiib daro Taasi waxay keentay in oo soo magacaabay xildhibaano lagu keenay hab Qabiil kuwaaso ay Xisbiyadu soo gudbiyeen, oo markii lawaydiiyayna ku doodaya in ay Beeshoodi keentay. Xita qaar xibiyada ah ayaa qirtay khaladaadadka jira iyo sida aan dadka soo baxay tayadooda loo eegin ama xitaa aanay (interviewba) u soo marin.
- Dawladahahoosewaaladhabarkadalka. Markamarbadadka lasoodoortaawaxaynoqonayan dad meeshanadaamkuyimioon la bedeli Karin. XitaaXisbilxaakimayaanbedeli Karin markaahadii ay tayadaxildhibaanaduxumaatodhibkeedayleedahay.
- Waxaloogafadhiyayinay ka soobaxaanmeesha rag yaqaanwaxa loo yaqaan (Town Planning), kuwaasinameeshakamamuuqdaan. Taamacnaheeduwaxaweeyewaxa la sugayaydad nidaam u dhisaabilicdamagaalada, iskunataxalujiyaan in qoryahanlaydhameeshalagabedelobiranalagubedeloiyowixii la mid ah. Isla markaana u nidaamiyamagaaloyinkasidacaalamka.
Hadaba haddii aan barbardhigo waxa ay kaga duwan yihiin xildhibaanada caalamku kuweena waxa weeye. Horta marka hore qofkasta oo la soo doorta waa haddi aan tusaale u soo qaate dalka UK, kama bilaabo meesha ugu sareysa ee ah (Town Councilor) ama xildhibaan magaalo ee waxay ka soo bilaabeen Xildhibaanada xaafadaha oo loo yaqaan (Parish Councillor). Halka marka la magacaabo markiiba wuxu bil kadib ka midnoqonaya laba gudi oo ka mid ah Afar gudi ee hoos ku qoran :
- Planning and Strategy Committe.( waagudigaqorshayntaiyonidaaminta)
- Finance and Adminstration Committee ( GudigaMaaliyadaiyomaamulka)
- Communication Committee . ( Gudigaiskuxidhkatechnologiyadaiyo , wacigelintaiyoqoraaladaJaraaiidka)
- Personal & TraniningCommitte. ( Gudigatababarkashaqaalaha).
Markaa uu xildhibaanku shaqada bilaabo, markiiba waxay Gudiga tababarku u diyaarinayaaan Xildhibaanka isagoo shaqadiisa caadi u wata, inuu tago tababaro aqooneed waana bilaash oo dawlada qabta. Kuwaaso kala ah marka lagu sheego afka qalaad, sidan:
(Working with councillor. Roles and responsibilities, Law, procedures, finance, planning and community action iyo kale oo badanba ). Marka uu taa dhamaysto hadana waxa loo diraya mid ka sareysa oo (Certificate), heer Jamacadeed, Master iyo wixii ka sareya.
Lacagaha xooga leh ee lagu kharagaynaya Xildhibaanka waxa looga jeeda inuu hadhaw noqdo qof dhisan oo hawshiisa si fiican u gudanaye. Matalan hadduu sanado kadib hadduu xildhibaanku u gudbo (Town Councillor) kaaso qabta arrimaha Guriyaha, waxbarashada, caafimaadka, ganacsiga, isgaadhsiinta iyo tranportka intaba. Wuxu noqonaya qofkaasi qof dhisan oo aqoon badan u leh wuxuu qabanayo. Ha naqoto waaya aragnimo iyo aqoonba mid kastaba ha ahaate.
Inta aan soo sheegay oo dhan maanta Xildhbaanada Somaliland lagama helayo, waayo mabay soo marinba meel (CVgooda) khibradooda iyo aqoontoodaba meel lagu eego midna , waxa shaqeeyay kaliya waa reer hel, Qabiil iyo Qarana horaa loo yidhi meel mawada galaan.
Haddii aan tusaale ku soo qaato arrimaha qaar kamid ah oo ka dhacay Somaliland markii la doortay Xildhibaanadan cusub, kuwaaso ay keentay taya xumada xildhibaanada. Waxa ka mid ahaa: In mudda imika laga joogo 3 bilood uu Duqa magaalada Burco dhigay daamur badan magaalada dhexdeeda, markaana dablagu shiday daamurkii meel wadada u dhaw , markiiba daamirkii oo dhamaa ila 100 foostadood dab qabsaday waanu gudbtay , dabkaasina saacada badan ayuu soconayay. Halka waxad ka arkaysa in aanu qofkani fahansanaynba daamurka lagu shiday wadada dhibaatadu keeni doono.
Waxa kaloo iyana bil ka hor ka dhacday Hargeysa in nin Xildhibaan Deegaani ninkale xabad bastoolad uu kaga riday. Waxaaso dhami waxay ku tusayaan Xildhibaanada deegaanada iyo taya xumadooda maanta ka muuqata.
Guntii iyo gunaanadkii, waxan odhan lahaa waad aragtaan tayada liidata ay leeyihin Xildhibaanada deeganada Somaliland iyo kuwa caalamku aan barbardhigay sida ay shaqeeyan. Hadaba waxan soo jeedinlaha waa inay xukuumadu u diyaariso waxbarasho iyo tababar ku saabsan waxay xildhibaanadu qabanaya kaaso ku saabsan sidii dawlada hoose loogu shaqayn laha.. Haddii taa la waayo waxa iman doonta in musuqmaasaq , lacag la xado, iyo hoos u dhac shaqada ah uu imandoono.
Qalinkii
Adan Jama Kahin
Xildhibaan Degmada Campbell Park
Milton keynes.