Hargaysa 07.July (SDN) Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Ganacsiga iyo Maalgashiga Mudane Bashiir Cabdi Xariir iyo Wasiirka Wasaarada Hawlaha Guud iyo Guryaynta Mudane C.risaaq Khaliif Axmed ayaa Tilmaamay faa’iidada ay dalka u leedahay in Ganacsatada u dhalatay ay Maalgashadaan Taas oo Horseedaysa ayay Yidhaahdeen Horumar dhinacyo badan leh oo dalku ku talaabsado .
Labadan Wasiir ayaa hadalkan ka Jeediyay Munaasibad loo sameeyay Xadhig ka Jarista dhismaha Cusub oo ay magaalada Hargaysa ka hirgelisay shirkadda ganacsiga ee INDHO-DEERO-Group.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com