Quantcast
Channel: Features – qurbejoog.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 6893

Somaliland Oo Badhtanka Kaga Jirta Dalalka Sanadkan Doorashooyiyinku ka Qoondaysan, Laguna Daray Liiska Waddamo La Filayo inay Dib uga dhacaan Qorshahooda.

$
0
0

Hargeysa(SDN/QJ)-Sanadka Bilowga ah dalalka la filayo inay doorasho madaxtinimo ka dhacdo, waxa hoggaanka u haysa oo ku jirta Somaliland sida ay shaacisay warbixin ay soo saareen Machadka Africa Research Institute (ARI) oo ah machad falanqeeyaa arrimaha dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka Afrika.

DORSWarbixintan ayaa lagu sheegay innay somaliland sidoo kale safka hore kaga jirto laba waddan oo ku yaalla qaaradda Afrika, kuwaas oo la saadaalinayo inaanay ka qabsoomin doorashooyinka ka qoondaysani, waana walaac ay qabaan in badan oo ka mid ah Bulshada caalamka iyo midda Somaliland-ba.

Machadkani wuxuu sheegay in 11 wadan la filayo inay doorashooyinka madaxtooyada iyo Baarlamaanku ka qabsoomaan sannadkan 2015 islamarkaana ay dunidu isha ku hayso hanaanka ay u qabsoomi doonaan. Waxase uu machadku walaac  ka muujiyay in laba wadan la filayo inaanay doorashooyinku ka qabsoomi doonin. Labada wadan ayaa kala ah Somaliland iyo Koonfurta Suudaan. Machadka oo ka hadlaya arrintan Somaliland, wuxuu yidhi   “Doorashooyinka madaxtooyada iyo Baarlamaanka ayaa la qoondeeyay inay qabsoomaan bisha June ee 2015, laakiin waxay u dhowdahay inay dib u dhacaan. Waxaanu halkan ku soo gudbin doonaa marka si rasmi ah loo cayimi doorashooyinka Somaliland.” Ayuu yidhi machadka oo sidoo kale raaciyay Koonfurta Suudaan, oo uu sheegay inay ka jiraan dhibaatooyin colaadeed iyo bini-aadmnimo kuwaas oo sababi kara in doorashooyinka la qorsheeyay bisha June ay dib uga dhacaan wakhtigooda, waxaanay balan qaadeen inay soo bandhigi doonaan wakhtiga loo qoondeeyo.

Wadamada kale ee uu machadku cadeeyay iinay doorashooyinka Baarlamaanka, madaxtooyada ay ka dhici doonaan ayaa kala ah

Burundi, Central African Republic,Côte d’Ivoire, Ethiopia,Guinea, Lesotho,Nigeria, Sudan,Tanzania,Togo iyo Zambia.

Guddiga doorashooyionka qaranka Somaliland oo u xil saaran qabashada doorashooyinka ayaan weli wax war oo rasmi ah ka soo saarin hawlaha doorashada. Hase yeeshe doorashooyinka Somaliland ayaa la qoondeeyay inay qabsoomaan 26 June 2015, laakiin sida ay dadka arrimaha siyaasadda falanqeeyaa aaminsanyihiin waxa adag inay doorashooyinku qabsoomaan bisha June ee 2015 wakhtiga oo cidhiidhi ah darteed.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 6893

Trending Articles