Hargeisa 18/1/2015(SDN/QJ)Waxa maanta magaalada hargeisa aas qaran loogu sameeyey Llle Ha U naxariistee fanaan maxamed axmed kuluc iyadoo aaskiisa ay ka soo qayb galen madaxwayne ku xigeenka somaliland masuuliyiinta sadexda xisbi qaran iyo dadwayne aad u tiro badan waxa iyana halkaasi joogay badiba fanaantii la faca ahayd fanaan maxamed axmed kulucalfanaan maxamed axmed kuluc oo ka mid ahaa hobolada heesa kuwa ugu caansan gayiga geeska afrika
Maxamed axmed kuluc ayaa udhintay xanuunka neef-qabatinka ama xiiqda oo uu in mudo ahba ubukay
Maxamed axmed waxa uu ku dhashay deegaanka khaatumo ee oodweyne 1939
Waxa uu fanka soomaalida ku soo biiray 1948kii
1954 kii ayuu ku biiray kooxdii fanaaniinta walaalaha hargeysa oo uu ka mid kuwii ugu caansanaa
1960 waxa uu ka mid ahaa fanaaniintii heesaha gobonimda ku luuqeeyay
Heestii ugu caansanayd heesihii calansaarka ee 26 juun eee magaceeda la odhan jiray maandeeq oo uu midhaheeda lahaa abwaan saxardiid maxamed jabiye waxa uu ahaa fanaaniinkii ku luuqeeyay,
Heesaha uu qaaday ee caanka noqday waxaa ka mid ahaa waabaa baryay bilicsan oo uu calansaarkii jabuuti uqaaday
Waxa kale oo uu qaaday heesa badan oo gobonimo doon , wadani ,nabadayn ,jacayl ,madadaalo iyo bado kale oo badan
Waxa uu ka qaybqaatay riwaayado badan oo uu isagu actar ka ahaa
Maxamed axmed kuluc waxaa lagu magacaabi jiray boqorkii masrixiyada oo uu can ku ahaa qaabka uu dareenkiisa ugu muujjiyo inta uu masraxa saaran yahay
Maxamed axmed kuluc waxaa uu guursday dumar badan oo ay ka mid ahaayeen
Fanaaniinta sahra axmed , maandeeq, aamina dhool
Marxuumku waxa uu aduunka kaga tagay 10 caruur ah oo ay iskugu jira sadex nin 7 gabdhood iyo tafiir ka badan 30 qof
↧
Alle Ha U Naxariiste Maxa Maanta Aas Qaran Loogu Sameeyey Magalada Hargeisa Alfanaan Marxuum Maxamed Axmed Kuluc
↧